CC Baledweyne media
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from CC Baledweyne media, Business Center, .
Gudoomiyihii sheegay inoow ka tagay Hiiraan State oo shaqo fican hirshabeelle udirsatay
Kebaa u aqoon santahay Gudoomiyaha dhalinyarada Gobolka Hiiraan
Matalaad marag leh
kulan iskugu jiray duco iyo shir ayaa ka dhacay duleedka degmada halgan
Muumin qoreey ayaa wararku sheegayaan in uu ku haray moqokori majeclaan lahyed in lasoo qabto
Ciidamada Dowlada ayaa la wareegay gacan ku haynta Deegaanka Sina-dhaqo oo dhanka Koofur ka xiga Magaalada Dhusamareb Halkaas waxaa ku sugnaa Al-Shabaab
DEG-DEG waxaa hada lala wareegay deegaanka booco oo ay saldhigyo waaweyn ku lahaayeen Alshabaab
Ciidmada Dowlada soomaaliya uu hogaaminayay gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Ali jeyte cismaan ayaa la wareegay Gacan ku haynta Deegaanka booco
Dagaal culus ayaa laga soo sheega yaa booco iyo nuur fanax waxana uu udhaxeeyaa kooxda Alshabaab iyo ciidamada dowlada
Faah fahinta dagaalka halkaan kala soco gordhow
Mushaarka bilaha ah ee Madaxda Geeska Afrika.
Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya $3600 oo dollor.
Madaxweynaha Eritrea. $6000 oo dollar.
Madaxweynaha Jabuuti. $10,000 oo dollar.
Hogaamiyaha Sudan, $29,320 oo dollor.
Madaxweynaha Soomaaliya $120,000 oo dollor.
Madaxweynaha Kenya $192,200 oo dollor.
Lacagtani waa mushaarkooda rasmi ah Hogaamiyeyaashan ay qaataan ee diwaangashan wixiii musuqa kuma juro.
Nigeria; Haweenay ayaa shil baabuur ku Geriyootay iyada oo eryanaysay saygeedii oo gabar kale la socday
Mohamed Bakayle
Degaanka Garasyaani oo ah Degaan Muhiim ah kuna yaala inta u dhexeyso Beledweyne iyo Buula Burte waxa si Buuxda gacan ku heynta degaankaasi ula wareegay Ciidamada qalabka sido iyo kuwa degaanka oo uu Horkacayo Gudomiyaha Gobolka Hiiraan Ali jeyte osmaan.
Sidookale Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa degaanka ayaa la wareegay degaanka Nuur fanaxa iyo buuraha qayaa yaale oo ah dhul buuraaley ah una dheeyo degaanada garasyaani iyo nuurfanax
Kooxda nabdiidka Allshabaab ayaa isga caraway degaanadii ay uga sunayeen Gobolka sida buuco iyo degaano kale ayey isga carareen kooxdu.
LONDON:Amiirka Qatar πΆπ¦ iyo xaaskiisa Jawaahir oo ka qayb-geleya xabaasha boqoraddii UK.
Waa Hubkii Xalay Ciidamada Dowladda ku furteen Deeganka Yasooman dagaalkii ay la galeen kooxda Alshabaab.
WAR SAXAAFADEED
MOGADISHU,18-09-2022: Howlgal culus oo ay iska kaashanayaan ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka oo ka socda deegaanka Yasooman oo hoos taga degmada Buula-burde ayaa lagu dilay ilaa iyo hadda in ka badan 45 dhagar qabeyaal ah oo ka tirsan Al-Shabaab. Howlgalkaan oo wali socda ayay dowladda Soomaaliya war ka soo saari doontaa marka uu soo dhammaado.
Dhanka kale Ciidamada Xoogga Dalka ayaa toogtay sagaal dhagar qabeyaal ah oo ka tirsan Al-shabaab ka dib hawlgal ka dhacay deegaanka Warmaxan ee gobalka Shabeelaha Hoose halkaas oo ay isku dayayeen in ay si dhuumaalaysi ah isaga abaabulaan.
Howlgalka deegaanka Warmaxan inta uu socday waxaa dhaawac uu ka soo gaaray Saddex ka mid ah ciidamada geesiyaasha ah ee Qaranka.
Inta ay socdaan howlgalada ka dhanka ah Argagixisada waxaa lagu dilay in ka badan 200 oo ka mid ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaan laga saaray maleeshiyaadka ku dhowaad 30-deegaan oo ay dadka Soomaaliyeed ku gumaadi jireen.
DEG DEG Ciidanka Xoogga Dalka ayaa deegaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan ku dilay 45 dhagar qabe oo ka tirsan Argagixisada, kuwaasi oo isugu jira maleeshiyaad iyo Horjoogeyaal.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Jeneraal Odowaa yuusuf Raage ayaa Warbaahinta codka Ciidamadda u sheegay in howlgalka uu weli socdo, islamarkaasna Argagixisada Al-shabaab laga dilay 45 dhagarqabe.
Deegaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan ayaa kamid ah deegaanada aragagixisada ku dhibaateeyn jireen Shacabka Soomaaliyeed.
Faah faahin dheeraad ah kala soco
CC Baledweyne media
Maslaxo. "Aniga Catoosh Yare oo Ninkeyga ah & Aabahay Waxaan dooranayaa Catoosh "
Mad ka mid ah macawisleey Ayaa yiri Alshabaab wadadii fircoon ayay ku socdaan Daawo.
DEG DEG: Wararka ka imaanaya Deegaanka Ceel-Jiqoow oo hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa ku warramaya in AS aay goordhow gubeen dhammaan guryahii ku yaalay deegaaka Ceel-Jiqoow.
Sidoo kale AS ayaa Qaraxyo ku bur-buriyay ceel biyoodkii ku yaalay deegaanka Ceel-Jiqoow oo dadka iyo xoolaha ka biya cabi jireen sida aay warbaahinta u xaqiijoyeen dadka deegaanka.
Gobolka Hiiraan waxaa ka socda howlgal aay wadaan ciidamada Dib-u-xoreynta deegaanka oo garabsanaya ciidamada qalabka sida iyo kaas oo AS looga saarayo deegaanada Gobolka Hiiraan uga suganyihiin.
AS ayaa dhankooda laba jibaaray bur-burinta deegaanada iyo Ceelasha aay u arkaan in aay degganyihiin dadka deegaanka ee dagaalka kula jira.