Maxamed Madani
Fadlan kusoo biir Page-kayga.
Madaxweynihii h**e ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kullan casumaadda ah la qaatay macallimiinta iyo maamulka kooxda Somali International Youth and Development UK (SIYD-UK) oo magaalada Doha ee dalka Qatar u joogay booqasho iyo kulammo ciyaareed.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Gen. Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.
Dowlada Soomaaliya oo dalka ka cayrisay diblumaasi katirsan Safaaradda Itoobiya ee Soomaaliya.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibada Soomaaliya ayaa lagu wargeliyay mudane Cali Maxamed Aadan, oo hadda ah La-taliye II ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya inuu dalka isaga baxo Muddo 72 Saac guddohood ah.
Rayaan Bajaaj "Kiiska aniga iyo Fahiima Quuje noolo haysto oo aan maxkamada u saaranahay waa inaan Gabar kufsanay"
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe saaka dib ugu laabtay Kismaayo, kaddib safar hal cisho ah oo uu shalay ku tagay dalka Kenya.
Sida ay sheegayaan ilo wareedyo muhiim ah safarka Axmed Madoobe ayaa ka dambeeyay, markii maalmo ka hor uu Madaxweyne Xasan Sheekh uu safar ku tagay Kenya uu ka codsaday Madaxweyne William Ruto inuu dhex dhexaadiyo isaga iyo Madaxweynaha Jubbaland, si dib uu u ugu soo laabto shirka Madasha Wadatashiga Qaran NCC oo todobaadyo ka hor uu isaga baxay.
Axmed Madoobe ayaa shalay magaalada Eldoret kula kulmay Madaxweynaha Kenya William Ruto, waxaana la isla soo qaaday sidii xal looga gaari lahaa khilaafka ka jira arrimaha shirka NCC, iyadoo dowladda Kenya ay Madaxweynaha Jubbaland ka codsatay inuu ku laabto shirka madasha, kana soo dabco qodobada uu ku dhegan yahay, hase ahaatee Madaxweynaha Jubbaland ayaa mar kale ku adkeystay sadexda qodob oo ahayd doodda Jubbaland oo kala ah:-
1- Dastuurka Jubbaland in aan la dhaafi karin isla Markaana uu sida uu qabo ay muhiim tahay in la qabto doorashada heerarka kala duwan ee Baarlamaanka iyo Madaxtooyada, isla markaana aysan ogolaan karin muddo kordhin hor leh oo loo sameeyo heyβaddaha dowladda.
2- haddii doorasho qof iyo cod ah la qabanayo ay noqoto mid loo dhan yahay oo ay ka soo qeyb galaan doodeeda dhammaan dhinacyada maqan sida Puntland
3- In guddiyada Doorashooyinka ay noqdaan labo heer mid heer Federaal ah iyo mid heer Dowladdaha xubnaha ka ah DFS ah.
~golf yare.
Hadii aad doonayso Barashada Culluumta Badda sida, Kalluumaysiga, Samaynta gaadiidka Badda iwm, fadlan ku biir machadka Barashada Culluumta Badda ee SMFSI.
Markabka sahminta Shidaalka ee Oruc Reis oo goor-dhow si rasmi ah ugu soo xirtay dekada magaalada Muqdisho.
Haweenaydaan oo lagu magacaabi jiray Amuun Cabdullaahi ayaa isbuucaan lagu dhex dilay beer ay ku lahayd Degmada Afgooye.
Waxay ahayd Saxafiyad Soomaaliyeed oo Muddo tobanaan sano ah ku nooleed dalka Sweden, dhowaan ayay dalka dib ugu soo laabatay iyada oo Degmada Afgooye ka hirgelisay Beer wayn oo kasoo baxdo qudaarta noocyadeeda kala duwan.
Alla Ha unaxariisto Amuun waxay riyadeedu ahayd inay kaalin ka qaadato wax soo saarka dalkeeda iyo sidii dadkeedu uga maarmi lahaayeen wax yaalaha dibada laga keeno.
Sida aan kasoo xiganay VOA , laba nin oo wajiyada soo duubtay ayaa Amuun ku dhex dilay beer ay iyadu laheyd. Wali lama oga sababta loo dilay iyo cidda ka danbeysay.
Shirka gollaha Wasiirada Jubaland oo uu shir guddoomiyey Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa lagu ansixiyey miisaniyadda sanadka 2025, taas oo dhan $63,387,111.39 oo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda iyo hormarinta dhaqaalaha.
Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ee xukuumada Faderaalka iyo xubnaha cusub Wasiirada dhowaan la magacaabay ayaa maanta lagu hor dhaariyay xildhibaanada gollaha Shacabka.
Wasiirka Arrimaha dibada Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa caawa Muqdisho kula kulmay Wasiirkii h**e ee Wasaaradda Arrimaha Dibada Abshir Cumar Huruuse, kullanka ayaa diirada lagu saaray horumarinta dadaallada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah.
Waxaa caawa magaalada Boosaso lagu soo bandhigay Buuga Jiilka Daraawiishta oo uu qoray Wariye h**e iyo Qoraa Sare Maxamed Siciid Kaashawiito.
Saara iyo Farta Xaaji oo Oomaar dartii isku dagaalayπ
ππππ πππ§π€π ππ‘ππ±ππ§ ππ ππ¨ππ¨π₯π€π πππ« π€πππ« π¨π¨ π₯π π πππ«π¬π’π’π²ππ² ππππ°π¨ π’π²π¨ πππ₯ππ πππππ’π¦πππ.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda shaqada, shaqaallaha iyo arrimaha bulshada Faarah Jaamac Boos oo Wakiil ka ah Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa Daawo iyo qalabka hooyada iyo dhalaanka ah gaarsiiyay deegaan-ka Dhaxan ee gobolka kar kaar.
"Ariga Boosaso lagu qalo waa kuwa magaalada lagu dhaqdo anaga ayaa nala kaso xadaa"Hooyooyin Boosaso kunool.
WARBIXIN: Maxay ka wada hadleen Gudiga Muasasada Al-Irshaad & Guddoomiyaha jaamaccada Daaha Faraceeda Pl.
Machadka Nuurul-islaam ee Garowe ayaa soo kor dhiyay barashada Xalqooyinka kala duwan ee cilmiga Diiniga ah.
Isku daygii guulaystay ee reer Ballanballe ku dhisteen garoonka diyaaradaha ayaa xariga jarkiisa waxaa maanta ka qaybgalay Madaxweynaha Galmudug, Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada DFS, Ugaaska Guud ee Beellaha Sadde iyo Marti sharaf kala duwan.
Dhismaha garoonka Ballanballe oo baahi wayn u qabeen bulshada deegaanku ayey ku guulaysteen isku daygii ay sameeyaan ee ahaa inay si iska wax u qabso ah u dhistaan garoonkooda diyaaradaha.
Deni oo ka farxiyay dhallinyaradda Puntland xili dhallinyaradda Muqdisho wajahayaan Shiid iyo shaqo la'aan.
Isimada SSC-Khaatumo oo uu hogaaminayo garaadka guud Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa maanta siwayn loogu soo dhoweeyay degamada Waaciya ee gobolka Kar kaar.
Sharciga cusub ee doorashooyinka Soomaaliya ayaa dhigaya in qof wata Basaaboor ajnabi ah uusan isu soo sharixi karin xilka Madaxweynaha Soomaaliya.
Sidoo kale Sharcigaan cusub ayaa dhigaya in Madaxweyne Maamul goboleed ee doonaya inuu isu soo sharaxo xilka Madaxweynaha Soomaaliya uu iska soo casilo xilkaas Muddo lix bilood ka hor ah.
Masar ayaa ciidamo u soo diraysa Soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan hawlgalka cusub ee Midowga Afrika, kaas oo beddelaya hawlgalkii ATMIS ee Somalia, sidaas waxaa shaaciyay Midowga Afrika.
Labada Isim ee dhinaca dhaqanka ugu sareeya Maakhir iyo Khaatumo ayaa maanta kullan ku yeeshay magaalada Badhan ee gobolka Sanaag.
Madaxweyne Deni iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta siwayn loogu soo dhoweeyay deegaano hoos yimaada Degmada Burtinle ee gobolka Nugaal.
Xirfad layaasha ka shaqeeya Kalluumaysiga Boosaso oo codsaday in laga gacan siiyo qalabka Kalluumaysiga.
Click here to claim your Sponsored Listing.