War sugan

War sugan

nabad iyo nimco

08/07/2023

Waad mahadsantihiin dhamaantiinba

30/04/2023

Jihaana XasaN Sheekh Maxamuud oo Madaxwayne Xasan Sheekh u magacaabay lataliyaha sare ee arimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah.

Photos from War sugan's post 27/04/2023

Suldaan Cadde-gude, oo ka mid ah madaxda dhaqanka Somaliland ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay maanta Hargeysa.

Photos from War sugan's post 26/04/2023

Guri ku yaalla Magaaladda Berbera ayaa ku dumay qoys Danyara oo ku jirey oo ka koobna shan qof waxaana ku Geeriyoodey hal qof oo kamida qoyskaaasi.
Abdirashid Cadare

25/04/2023

Maanta laga bilaabo afar Mobile ayaad ku isticmaalikartaa hal number oo keliya WhatsApp.

Tusaale mobile-kaaga iyo ka xaajiyadaba wuu ka furnaan karaa hal WhatsApp.

25/04/2023

Burco oo Rooban

REER BURCO

25/04/2023

Odayaasha dhaqanka ee Muqdisho uga yimid dhexdhexaadinta colaadda Sool ayaa ka soo degay garoonka diyaaradaha Hargeysa.

Odayaashan ayaa h**e u tegay Laascaanood halkaas oo ay kula soo kulmeen Garaadada SSC.
TV-ga dawladda oo keliya ayaa loo ogolaaday in ay duubaan warka Odayaashan.

25/04/2023

Markii koowaad taarikhda dunida casriga ah, dalka Hindiya ayaa dhammaadka bishan lagu wadaa in ay noqdo dalka ugu dadka badan Caalamka.

Sida lagu xusay warbixin ay baahisay Qaramada Midoobay, tirada dadweynaha Hindiya ayaa la filyaa in dhammaadka bishan April ay noqon doonto 1,425,775,850 oo qof, taas oo dalkaas ka dhigaysa midka ugu dadka badan idil ahaanba Caalamka.

Hindiya ayaa booska ka cidhiidhsanaysa waddanka ay jaarka la tahay ee Shiinaha oo uu isaga waayahan gaabis ku yimi korodhkii xawliga ah ee dadka maaddama oo hoos loo dhigay taranka isla markaana muddo dheer la diidanaa in qoysku yeeshan hal ilme wax ka badan.

Saamayn kala duwan ayaa la filayaa in ay Hindiya arrintani ku yeelan karto maaddama oo waddankaasi aanu la dhaqaale ahayn dhiggiisa Shiinaha.

06/10/2022

Murugo iyo mahadho caasha

09/09/2022

Maxay kamidaysan yihiin
Dhegax buur iyo Burco

07/09/2022

BUUGA CAASHAQAHORTII CILMIGA BARO
GOOBTA=ISHA BURCO
WAQTIG=9/9/2022
BURCO
KASOO QEYBGAL KAAGU WAA NOO MUHIIM

Photos from War sugan's post 07/05/2022

“ Ururkayga magaciisu waa Barwaaqo, dhammaan gobollada ayaa laga daah-furi doonaa” Dr Maxamed Cabdi Gabboose.

01/05/2022

CAFIS-MADAXWEYNE: 01/05/2022-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-857/052022, uu Cafis Guud u fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Farqadiisa 5aad;

Markaan Tixgaliyey: Warbixinta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-1/142/2022, kuna taariikhaysan 12/04/2022;

Markaan Arkay: Soo-jeedinta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee summaddiisu tahay XIG/JSL/98/2022, kuna taariikhaysan 12/04/2022;

Markaan La-tashaday: Hay'adaha Ay Khusayso;


Waxaan Go’aansaday;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis u fidiyo, munaasibadda ciidda Fidriga awgeed maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 360 (Saddex Boqol iyo Lixdan) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raad ciqaabeedka, ka dhalanaya dembiyadda ay ku xukunnaayeen. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

27/04/2022

Guddoomiye Riyo raac, oo beeniyay in xilka laga qaaday.

26/04/2022

Senator Dubbe 2 Cod.

Maxaa helay Bay kula tahay??

26/04/2022

Cabdi Xaashi Cabdilaahi ayaa markale loo doortay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Cabdi Xaashi ayaa helay Codad gaadhaya 28 Cod, halka labadii Musharrax ee la tartamayey ay kala heleen,
Saalax Axmed Jaamac 24 Cod
Osmaan Abokar Dubbe 2 Cod.

26/04/2022

Goor dhow ayaa mid ka mid ah saddexdan nin noqon doonaa guddoomiyaha Aqalka sare ee Soomaaliya.

Sii saadaali ka noqon doonaa ?

Photos from War sugan's post 25/04/2022

Xerada Ciidamada Cirka oo loo diyaariyey in ay berri ka dhacdo doorashada Guddoonka Aqalka-sare ee Somaliya.

Waxaana loolanka ugu adag dhex mari doonaa sadexdan musharrax oo xilka gudoomiyaha golahaasi u sharaxan .

Yaa guulaysan doona ??

25/04/2022

Walaalo u geeriyooday Danab ku habsaday

Laba wiil oo walaalo ah ayaa goor dhaweyd ku geeriyooday duleedka waqooyi ee tuulada dhubbato ee bariga gobolka maroodi-jeex, kaddib markii uu cuskaday danab ka dhashay roobab xoog leh oo galabta halkaas ka da'ay.
Sida uu ii xaqiijiyey mid kamid ah ehelladu, labada marxuum ayaa ku kala jirey da'da dhawr iyo labaanka iyo dhawr iyo tobanka, waxana ay ku geeriyoodeen isla goobtii.

Xigasho : Axmed Cumar Duse

25/04/2022

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Karaash, ayaa cafis u fidiyay 60 maxbuus oo ku xidhnaa xabsiyada kala duwan ee Puntland.

25/04/2022

(((Alxamdululaah)) waxaa magaalo madaxda Gobalka Togdheer ee Burco kacurtay raxmaadka ilaahay iyadoo ay xusid mudantahay in maanta guud ahaan gobalka laga oogay salaadi roobdoonta ahayd

Photos from War sugan's post 25/04/2022

Madaxweyne Biixi, ayaa maanta ka qayb-galay Salaad roob doon ah oo Hargeysa laga tukaday.

25/04/2022

Maxkamadda Rafcaanka gobolka Maroodi-jeex ayaa maanta bilowday dhegaysiga dacwadda Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon, kaas oo h**e maxkamadda gobolka Maroodi-jeex wax dambi ah ugu wayday balse xeer ilaalintu rafcaan ka qaadatay.

Coldoon, ayaa hadda Hargeysa ku xidhan in ka badan 8 Bilood.

Photos from War sugan's post 25/04/2022

; Dawlada Kenya oo maydka madaxwaynihii h**e dalkaasi Mwai Kibaki usoo bandhigtay dadweynaha si ay u daawadan, Madaxtooyada dalkaasi ayaa baahisay sawiradan.

24/04/2022

Doorashada Guddoonka Baarlamanka Soomaaliya ayaa lagu qabanayaa hangarka ciidamada cirka ee Afisyooni - Guddoomiyaha Doorashada Baarlamanka ayaa sheegey.

10/12/2021

Asc dhamaan ehelka war suagan

14/07/2021

Khilaaf ayaa ka dhex qarxay wasiirada Gargaarka iyo Ciyaaraha ee Soomaaliya.

Wasiirka ciyaaraha Soomaaliya Xamsa Saciid Xamsa ayaa ku eedeeyey wasiir Khadiija inay ku wareejisay wasaarad aan lahayn kala dambayn, waxa uu sheegay in shaqaalaha wasaarada la fasaxay 3 bilood, xafiisyada wasaaraduna ahaayeen guryaha iyo hudheelada.

Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye oo ka jawaabaysa hadalka wasiir Xamsa ayaa tidhi "Wasiir xasuuso hadaad xis leedahay aboowe".

02/07/2021

Shaqaalaha gargaarka degdega ee ka hawl galaya gudaha deegaanka Tigray ayaa dalbaday in isgaarsiinta dib loogu sii daayo Deegaanka Tigray.

Adele Khodr, wakiilka Unicef ​​ee Ethiopia, wuxuu sheegay in baahi weyn loo qabo is gaadhsiin si dadka Tigray loo gaadhsiiyo Sahay ku filan.

“Haddii aynaan haysan qalab isgaarsiineed, dadka uma diri karno duurka oo ma hubin karno ammaankooda" ayuu yiri Adele khodr.

Caydaruus Xayd-Gool

Want your public figure to be the top-listed Public Figure in Hargeisa?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Videos (show all)

Burco oo RoobanREER BURCO
Murugo iyo mahadho caasha
Maxay kamidaysan yihiinDhegax buur iyo Burco
BUUGA CAASHAQAHORTII CILMIGA BAROGOOBTA=ISHA BURCOWAQTIG=9/9/2022 BURCO KASOO QEYBGAL KAAGU WAA NOO MUHIIM
Musharax siciid jaamac iyo wacadaraha maalinkiisii koobad ee ollalihiisa  Haragaysa         Isagaa xula maanta
Soomaliland  xagee katimi xageese jogtaa
Farmaajo

Category

Telephone

Website

Address

Xero Awoor
Hargeisa