Wareergoye

Wareergoye

You may also like

Jasbir kaur w/o
Jasbir kaur w/o

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Wareergoye, Business service, Franzo@franzo. mu, Hargeisa.

04/09/2021

ILLAAHOOW BAGA.

Beri baa aniga iyo wiil iga yar oo aanu Walaalo nahay anagoo yar yar Hooyo guriga nagaga tagtay, Waa caruur iyo caadadeed e' Gurigii baanu isku qasnay oo qaribnay, Hooyo ayaa noo timi anaga oo jawaankii daqiiqda ku dhex jirna oo wada boosh cad ah.

Kadib Hooyo dhenged ayey noo soo qaadatay, waanu ka yaacnay, wax yar haddii aanu orodnay oo aanu guriga dushiisa marayno ayay hooyo lugta Qodaxi ka muday,
Alla,dii ay tidhi ayaanu dib soo eegnay mise islaantiiba way fadhidaa oo way naga hadhay, ileen ushaanu ka baqaynaaye wiilka oo iga yaraa woxoogaana aan ka orod roonaa ayaa intuu istaagay oo farxay yidhi "ILLAAHOOW BAGA". Yacnii inaad dhengedii naga reebtay.

Wakhtigaa Caruurnimadu nama ay odhan hooyadiin ka naxa ee waxaanu ku faraxnay in aanu badbaadnay oo aan nala dilin.

Waxaan sheekadan uga socdaa: mudoo 29 maalmood laga joogo ayuu Gudoomiyaha Bangiga dhexe ee Somaliland Mudane Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi) gaadhi igu dhuftay oo aan lug dhaawac ka noqday.

Maalintii koowaad ee uu dhakhtarka weyn i geeyey oo nuurad laygu soo xidhay ayaa gudoomiyaha Muuqiisa iyo Hadalkiisaba iigu dambaysay. Adeer sidee tahay hal maalin ah ima soo odhan.
Aniguna masuuliyadda uu umadda u hayo iyo inuu qof la garanayo yahay ayaan ku ixtiraamay oo xitaa aanan Aabahay u sheegin in dhaawac isoo gaadhay. Waayo meel kumaanu wada noolin inuu safarkaa dheer soo galo darteed ayaanan ugu sheegin.

Muddo 14 cisho ah oo nuuradi igu xidhnayd kadib ayaa dhakhtarkii weynaa laygu celiyey waxaana ii yimi wiil lawyer u ah gudomiyaha. Wax sawir ah oo maalintaa dambe lugta la saaray ma jirin, wax dawo ah oo laysoo qorayna ma jirin ee iska tag ayaa laygu yidhi.

Markii aanu soo baxany ayuu wiilkii lawyer,ka ahaa nagu yidhi: Gudomiyuhu wuxuu idinku yidhi haddii lay baahanyahay odoyaal baan leeyahay ee haloo yimaado lugtana hala baxanaaniyo.

Gurigaan imi isla maalintiiba lugtii barar iyo garaac hor leh ayey igu keentay. Muddo afar cisho ah markii aan joogay oo aan socon kari waayey ayaanu wiilkii lawyer,ka ahaa u sheegnay in xanuunkaasi jiro.

Wiilkii wuxuu nagu yidhi dhakhtarka weyn ayaanu ku gaynaynaa gudoomiyuhuna wuxuu igu yidhi: marka medical report, ku soo baxo haddii waxba lagu sheegi waayo warqad iiga soo saxeexa in aanay dib iisoo sheeganayn.

Waxaan ku idhi anigu dhakhtarka weyn oo labo goor oo h**e lay geeyey mar sedexaad tegi maayo ee dhakhtar private ah oo Seedaha ah ayaan u baahnahay.

Wiilkii wuxuu nagu yidhi anagu dhakhtarka weyn baanu xogtiisa ku qanacsanahy meel kalena ku gayn mayno. Markaas baanu ku nidhi hadaba gudomiyaha odayaashiisa nagu xidh anagu iyagaanu arinta kala xaali doonaaye.

Wiilkii wuxuu nagu yidhi: gudomiyuhu wuxuu igu yidhi: odayaasha maxaa looga baahan yahay adiga ayaaba lawyer,kayga ah ee hawsha soo dhamee. Ee kaalay aan dhakhtarka weyn ku geeyo warqadaana aad noo saxeexdide.

Intaa kadib Aniga oo buka, dakhtarkii aan doonayeyna aan lay gayn, in warqad layga saxeexayana lay sheegay, odoyaashii ay odoyaashayda isla xaajoon lahaayeena la diiday,
Waxay ila noqotay in aan anigu dhakhtar private ah iska tago oo aan kharashkayga anigu isu qabo. Waayo lugta oo aad ii bararnayd iina garaacaysay waan sii eegan kari waayey, wax aduunyo ah oo uu gudoomiyuhu leeyahayna aniga ima soo gaadhin marka laga reebo caagad Biyo ah oo uu maalinkii uu i jiidhay dukaan iiga iibiyey.

Markii lay waydiiyey: ma sidaas baad dhaawacaaga kaga hadhaysaa? Waxaan idhi iska daaya aniga iyo gudoomiyuhu maalin baanu kulmaynaa aanu lawyer,na wadanin gudomiyana aanu ahayne.

Ugu dambayn Mudadaa bisha ah oo aan fadhiyey, waxbarashooyin iyo hawlo badan oo ii socdayna ay hakad iga galeen, wixii aan xanuun dareemay iyo waxa uu dhawaacaasi dib igaga keeni doonana aanan ogayn markii aan shalay maqlay xil ka qaadista Gudomiyaha ayaan dhacdadaa caruurnimo soo xasuustay. iminkase ILLAAHOOW BAGA odhan maayee SORRY GUDOMIYE ayaan leeyahay...

W.Q:- Nujuum Bullaale.

23/09/2020

Haayada habarjeclo or hbt jcl 🤣😁🤣☝️

Want your business to be the top-listed Business in Hargeisa?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Website

Address

Franzo@franzo. Mu
Hargeisa
Other Business Services in Hargeisa (show all)
Najax Online Najax Online
Hargeisa

Hamda oline Hamda oline
Hargeisa

Muujiye Multi-Service Muujiye Multi-Service
Hargeisa

Ku Xidhnow Page-ka Muujiye Multi-Service

MUSHI  PAGE MUSHI PAGE
Jigjigayer
Hargeisa

Deegaan Bilciye Deegaan Bilciye
26june, Road
Hargeisa

Qumane Qumane
Mubarigcali01@gmail. Com
Hargeisa

Sompress For Printing & Translation Services Sompress For Printing & Translation Services
Ibraahin Dheere Street
Hargeisa, 252

Shirkadda Sixidda, Qurxinta, Astaamaynta, Turjumidda & Daabicidda Buugaagta.

AAYATIIN ONLINE MARKET AAYATIIN ONLINE MARKET
Hargeisa

Online market

Ilwaadsan Collection Ilwaadsan Collection
150 Street
Hargeisa, 252

ILWAADSAN COLLECTION waa casriya oo online waxa ku iibisa

Zuniyoh market Zuniyoh market
Hargeisa

Sead abdi gahnug Sead abdi gahnug
633397347
Hargeisa