CILMI DOON

CILMI DOON

Kadib hoos u dhaca saqaafadeed ee aadka ugu dhex baahay Somalida isticmaala baraha bulshada.

Something about everything, waa page loogu tala galay kobcinta caqliga iyo kor u qaadida saqaafada iyo aqoonta dadkeena.

20/12/2023

Dhamaan dadka aqoontoodu kooban tahay ama aqoon fiican u lahayn waxa ay ka hadlayaan/qabanayaan, waxay marka kowaad dareemaan kalsooni iyo isla weyni xad dhaaf ah. Dadka xeel-dheerayaasha ahi marna raali kuma aha aqoontooda, waxay dareemayaan mar walba in aqooni u dhiman tahay, ama waxa ay og yihiin iyo qabanayaan inuu yahay wax fudud oo qof walbi qaban karo ama ogaan karo.

Faylasoof giriig ah ayaa laga hayaa: (Waxa keliya aan ogahay, waa inaanan waxba ogayn)

Confucius ayaa isaguna yidhi: (Aqoonta dhabta ahi waa inaad ogaato inta aqoon darradaadu le'eg tahay)

Bertrand Russell ayaa isagana laga hyaa: (Masiibada casrigeenani waa in dadka aqoonta darani is dareensiinayaan kalsooni iyo inay cid walba ka sareeyaan, halka aqoonyahanka uu ka buuxo shaki).

18/10/2023

Way fiican tahay in mar walba dulmiga laga dhiidhiyo, lkn in marna loo dabaal d**o marna laga baroorto waxa keliya ee la odhan karaa waa laba wejiilayn.
Hada somaalida bilo kahor sida dugaaga is cunaysay, anagaa duqaynay iyo mayer anagaa dilnay ku dabaal degayey ayaa maanta falastiin u wada ooyaya.
Ku darsoo yuhuuda denbiyo dagaal gashay ayey wada leeyihiin, hada waa dadkii maydka iyagoo kabaha kula taagan isku sawirayey, waa dadkii ciyaalka ay madaafiicda la dhaceen iyagoo ku qoslaya social media la yaacayey.

Yaabnaye ma yaabteen?!

12/10/2023

How Western world sees pumps

19/03/2021

Dhallinyaro,

Qof walba oo inaga mid ah maanta hamigiisa ugu weyni waa inuu guursado, ma xuma oo guurku waa wax fiican, lakiin uma fududa maanta sidii uu ugu fududaa noloshii miyiga qarni kahor. Tusaale, miyiga qofka guursanaya waxa lagu taageeri jiray xoolo geel iyo adhiba leh oo uu kusii dhaqan karo reerkiisa, xoolaha nooli way tarmayeen dadkuna hadba waxay u guurayeen meeshii xoolahooda u fiican, waxaba dhici kartay in nin dhawaan guursadey uu ka xoolo bato qaar kamid ah ragii shalay isaga ku kaalmeeyay xoolaha. Maanta sidaaso kale qofka guursanaya waa la taageeraa, lakiin xoolaha lagu taageraa ma aha kuwo tarmaya e waa xoolo soo yaraada. Waa run oo noloshu waa qof iyo dedaalkiis, laakiin waxa muhiim ah inaan fahano in caqliyadii ahayd guurso waxbaad helaysaaye ay is bedeshay, inaguna sidoo kale isbedelkaas aynu qayb ka nahay.

Dhallinyaro,

In wax la waayo iyo in wax lahelo waxa u dhexeysa il-bidhiqsi, xoolaha ama hantida maanta la dhaqdaa waa lacag, waa wax aad u socod badan inay kusoo gashaa ay adag tahay inay baxdaase fududahay. Waalidka iyo dadweynuhu kuma baraarugsana ahmiyadda ay iyaga iyo ilmahoodaba u leedahay in ganacsi la furto, qof walba oo dhalin yaro ah hoyadii hadii la isku barbar dhigo inay inankeed/teeda u guuriso iyo inay ganacsi u furto ama ayba wada furtaan, waxay door bidaysaa inay u guuriso, iyadoo inta lagu doodayo inuu qofkani ka yar yahay heer uu ganacsi ku wado.
Dalalka reer galbeedka ilmaha waxa loo sameeyaa qorshe dhaqaale laga bilaabo maalinta uu dhasho, waxana loo diyaariyaa inuu noqon karo qof isku filan waqti gaaban gudahiisa. Marka uu gaadho da'da uu ku heli karo xuquuqdiisa madaniga ah si ka madax banaan waalidkii, waxa waalidka u furan inay u sheegaan inuu ka guuro guriga ama uu bixiyo kirada qaybtiisa.

Dhallinyaro,

Hadaynu is barbar dhig ku samayno 18 jirka Somaliga ah iyo 18 jirka u dhashay tusaale ahaan USA, farqiga kowaad ee kaaga muuqanaya waa heerka dareenka masuuliyadeed ee ka kala muuqda labada qof. 18 jir u dhashay USA wuxu tartan kula jiraa waqtiga si uu iskugu filaado, shaqo u helo uu naftiisa dhaqaale ahaan ka debero, isla markaana wuxuu maskaxda ku haystaa wax uun u weligiis jeclaa inuu sameeyo taas oo uu ku taamayo inuu mar uun waqti fiican iyo dhaqaale ku filan u helo si uu u rumeeyo.

Hadaynu eegno qaab nololeedka 18 jir Somali ah, waxan si muuqata u arkaynaa in qofkaas ay ka maqan tahay gebi ahaanba waxa loogu yeedhi karo dareen masuuliyaded. Waa qof jooga gurigooda, wax culays ahi ma saarna oo intuu doono ayuu iskasii joogi karaa. Wuxu jecel yahay marka school ka kayimaado inuu asxaabtiisa iskala shaaho, casarkii ilaa fiidkii magaalada ayuu u lebistaa una sheeko doontaa. Habeenkii markuu yimaado casho daboolan ayuu cunaa weelkana waa dhinac seexdaa, aroortiina halkaas ayuu kasii bilaabaa routine kaas. Shaqada keliya ee intaas ka baxsan ee uu qabtaa waa inuu magaalada soo rabsho, soo shiido, dadka soo furto.

Dhalinyaro,

Sirtu ma aha in qofkaas reer galbeedka ah masuuliyada uu isa saaray in iskuulka loogu dhigay, sirtu ma aha in habeen walba guriga lagu canaanan jiray ama lagu wacdin jiray, sirtu ma aha in dawladu ku lug leedahay, sirtu waa caqliyadda bulshada iyo hadba sida loo arko ama isha lagu eegayo qofkan iyo saamaynta ay ku leedahy qofka iyo bulshadaba. Halka USA uu qofkani ka yahay mid naftiisa masuul ugu filan, ayna ku culus tahy in cid kale masuul ka noqotaa, isla qofkaasi Somalida wuxuu u yahay ilme yaroo school dhigta.

Dhalinyaro,

Lama waayin qaar inaga mid ah oo masuuliyad qoys iyo mid kaleba saaran tahay, waxase muhiim ah in lagu dhiirado ganacsiga rag iyo dumarba, la dhaqdo xoolo aana lagu degdegin guurka.
Maanta way ka fududahay in ganacsi la bilaabaa, marka loo eego shalay taasna waxa ugu wacan qaab-dhismeedkeena dhaqaale oo soo hormaraya, bangiyada oo deymo bixinaya iyo dhalinyaro badan oo ganacsiga usoo jeesanaya.

"Hadii aadan hanti lahayn ilmahaaga yar waxa lagu tilmaamsanayaa adeerkiis ama abtigiisa hantida leh, hebel ayaa adeer ama abti u ah ayaan ka hadhayn"
Ibn Khaldoun

01/01/2021

Maxaynu uga caajisnaa akhriska?

Marmarka qaar waxaynu is weydiinaa maxay inoo dhibi wayday ama aan uga caajisi waynay inaan maalinta oo dhan ciyaarno game ama aan mobile ka wadwadno? Halka saacad ama kayar hadii aan isku dayno inaan wax-akhrino aan caajisayno ilaa heer aan ku luloono/hurdoono?

Dareenkaas caajiska ee ka dhasha wax akhriska ma aha cillad haysata maskaxda qofka iyo xanuun midna, ee waa dhaqan iyo la qabatin uu qofku si cilmiyaysan wax uga bedeli karo. Sanadkii 1954 ayaa laba saynis yahan oo lagu kala magcaabo James Olds iyo Peter Milner, diraasad ay ku diyaariyeen jaamacadda McGill University ee dalka Canada, waxay ku sheegen inay daahrogeen goobo/meelo kamid ah maskaxda oo ay ugu yeedheen "The septal area" ama "goobaha abaal-marinta".

Goobahaasi waxay masuul ka yihiin inay jidhka kusoo daayaan hormone lagu magcaaabo Dopamine.
Diraasadan waxa lagu sameeyay laba jiir kuwaas oo lagu kala riday laba qafas. Mid kamid ah waxa la siiyey lever ama badhan/button kaas oo marka jiirku cadaadiyo maskaxdiisa ku furaya koronto (kotontadani ma aha korontada guryaha inogu jirta ee dilaaga ah, waa mid u qiyaasan lana mid ah tan jidhka iyo maskaxda u kala qaada fariimaha), korontadaasi waxay ku kalifaysaa maskaxda inay soo deyso Dopamine, waxa layaab leh jiirkani inu ka tegi waayey badhankii oo siduu u taabanayey uu aakhirkii daal la dhacay. Jiirka labaad waxa laga xidhay gebi ahaanba soo deynta Dopamine, wuxuna nooqday sida caajislow aan rabin inuu wax dhaqaaq ah sameeyo ilaa heer uu gaajo u dhiman gaadhey isagoo cuntadii agtiisa taalo, keliya wuxu wax cunayey marka afka loo geliyo!.

Waxay culimada saynisku qabaan in Dopamine uu masuul ka yahay la qabatinka maandooriyaha (drug addiction), kadib isticmaalka daroogada waxay maskaxdu soo deysaa hormones uu kamid yahay Dopamine, kaas oo ka masuul ah dareenka qanacsanaanta iyo farxada oo kale ah ee qofku helayo marka uu daroogada isticmaalo, taasi waxay lamid tahy abaal marinta uu jiirku helayey marka uu taabanayey badhanka korontaynaya maskaxdiisa.

Hadaynu usoo noqono suaasheenii, sababta aynu ugu caajisno wax-akhriska waxan odhan karnaa waa kala duwanaanshaha heerka Dopamine ee ay soo deynayso maskaxdeenu, kaasi oo aad u sareeya marka aynu qabanayno hawlaha fudud sida ciyaarta game iyo daawashada film; halka ay aad u hoosayso marka aynu qabanayno shaqooyinka adag sida wax-akhriska.

Inaad mudo maalin ama laba casho ah iska deyso wax walba oo maskaxdaada ku kalifi jiray soo daynta Dopamine, waxay ka dhigan tahay inad dheeli tirayso heerka soo deyntiisa kadib shaqooyinkaaga kala duwan. Tusaale hadii markii h**e akhriska aad ku dhibanayd lakin aad ku fiicnayd daawashada films, waxad dhawr casho joojinaysaa inaad film daawato taasi waxay keenaysaa in heerka Dopamine uu hoos udhac intii h**e ka hooseeyo dhawr casho kadib marka aad film daawanayso; taas bedelkeeda waxa kor usoo kacaya heerkii Dopamine ee dhaq dhaqaaga kale sida akhriska.

22/12/2020

Dhamaadka Casriga Shidaalka
Marka aynu eegno xidhiidhka sadex-geesoodka ah ee ka dhexeeya biyaha, tamarta iyo cunada, waxaan arkaynaa in hawsha ugu adag ay tahay sidii losoo saari lahaa tamar raqiis ah, si loo macaaneyo biyaha badan ee inoogu jira badaha/badweynta, sidaasna aynu ku helno il si joogta ah aan uga helno biyo macaan taas oo markeeda inoo fududaynaysa inaynu cunto inagu filan uhelno si joogto ah; lakiin macaanaynta biyahaas waxay u baahan tahay tamar aad u badan.

Tamarta ugu badan caalamka waxa maanta laga dhaliyaa shidaalka, Casriga Shidaalku wuxu kasoo bilawday gobolka Pennsylvania ee dalka Maraykanka sanadkii 1859 wuxuuna usoo jiitamay ilaa qarnigii 20aad markii 1959 la helay ceelka weyn ee Dehran ee dalka Saudi Arabia, waxase layaab leh inay iskusoo beegmaan helitaanka ceelkan shidaalka ah iyo samaynta unug-qorraxeed (solar cell) kii ugu h**eeyay ee lagu sameeyay Bell Labs.
Daahrogaas solar cell ka wuxu xamaasad geliyay wershadihii waaweynaa, wuxuna isla markiiba madaxweynihii maraykanka waqtigaas Jimmy Carter uu dejiyay siyaasad tamarta maraykanka ka dhigaysa mid kutiirsan awooda cadceeda ilaa xajmi dhan 1% oo kamid ah awooda guud ee dalku isticmaalo, nasiib xumo taas waxba k**a hirgelin waxana loo sababeeyaa kharashka soo saarida solarka oo aad u sareeyay waqtigaas marka loo eego shidaalka iyo sidoo kale efficiency-geeda oo aad u hooseeyay.
Cadceeda waxay dhulka soo gaadhsiisaa saacadiiba tamar u dhiganta tan caalamka oo dhami isticmaalo sannad dhamaystiran, qiyaastii 175,000 TW oo tamar ah ayaa saacadiiba inagasoo gaadha cadceeda; sanadkii 2017 oo dhan caalamka waxa lagu isticmaalay 160,000 TW.
Kharashka soo saarka (production costs) ee solar ka wuxu si aad ah hoos u dhac ugu soconayey sanadihii u danbeeyay, waxana taas loo tiriyaa horumarka technology ee sahlaya soo saarka iyo China oo si xoog leh usoo gashay suuqa solar ka, China waxu hada so saara 2/3 solarka caalamku isticmaalo. Soo saarida solarka wxy maanta aad uga jaban tahay so saarida shidaalka, tusaale tamarta laga dhaliyo station ka ku shaqeeya tamarta cadceeda ee El Dhafra ee kuyaal Isutaga Imaraat ka Carabta waxay lix jeer ka kharash yar tahay tamarta laga dhaliyo xarun iyada leeg oo ku shaqaynaysa shidaal.
Diraasado la sameeyay waxay sadaalinayaan in kharajka soo saarida solarka uu hoos usii socon doono ilaa soddonka sano e soo socda, waxa sidoo kale diraasaduhu xaqiinayaan in dalabka shidaalka ee caalamka isna hoos udhac kusii soconayo mudooyinkan, taas oo loo sababynayo inay aad usoo badanayaan gawaadhida iyo gaadiidka kale ee kusocda korontada.
Isticmaalka tamarta fossil ka ah ee shidaalka waxa maanta laga dhaliyaa in ka badan 80% tamarta caalamka, laakiin badhtamaha qarnigan waxa la filayaa inay hoos ugu dhacdo ilaa 15% keliya, halka tamarta cadceeda iyo dabaysha kuwaas oo laga dhaliyey 18% oo keliya (2017 tusaale ahaan), waxa laga filayaa in laga dhaliyo 50% tamarta aduunka isla badhtamaha qarnigan.

Casrigii dhagaxu (the stone age) kuma uusan dhamaan dhagaxa oo yaraaday darteed, sidoo kale shidaalka wuxu (isticmaalkiisu) dhamaanayaa waqti dheer kahor inta uusan isagu dhamaan)

26/10/2020

Caqliyadda ka dhaadhacsan bulshada caalamka qaar sida Somalida, waa mid ka dhigaysa hablaha sida alaab guriga taal oo iib sugaysa. Gabadha waxa ku waajib ah ama u fiican siday qabaan inay guursato xili h**e oo da'deedu yar tahay, si aanay alaabtu uga socon waayin dukaanka hadii ay ku raagto. Waxa u fiican inay guursato nin lacag leh, si alaabta loo siisto qiime fiican. Sidoo kale hadii lacag badani gashay, sida inay wax-barasho heer sare ka gaadhay ama guri weyn qoyskeedu degan yahay, way ka qaalisan tahay midda intaas ansoo haysan jirin, tayada alaabta xilliga ay ku jirto soo-saarka ayaa la ilaalinayaa.
Dhibaatada ugu weyn ee haysata hablaha Somaaliyeed waa inay u nooshahay nolosheeda oo dhan qof kale, ilaa maalinta ay dhalato ilaa malintay dhimato waxay u nooshahay ninka guursan doona ama markaas qaba. Sababtaas awgeed hablaha aqoonta leh, ee ka gaadhay heer fiican, waxa mar walba daba socota odhaahda caanka ah "maxad ka baranaysaa, kijaad ka gelaysaa waxaaso aqoon ah e"..

Ilaa goorma ayaad gabadhey u noolaan doontaa qof kale?!

Photos from CILMI DOON's post 15/06/2020

Inkastoo ay fiican tahay inaynu waxka barano dhaqankeena iyo taariikhdeena, hadana ma aha inay noqdaan waxa keliya ee aynu naqaan.

Ma garanaysaa qoraa Somaliyeed oo waxka qoray wax ka baxsan jacaylka, dhaqanka iyo taariikhda Soomaalida? Yaynu uga tagnay laamaha kale ee aqoonta? Sayniska, cilmiga bulshada, cilmiga diiniga ah, cilmiga xiddigaha, cilmiga tiknoolojiyadda...?

04/03/2020

Educating a child isn't just about the kind or the amount of information he gets, it's also about how he receives the information and how he processes it, and what kind of outcome will that information reflect to the society after being processed.
If we teach a child about the famous story of the turtle and the rabbit race, after he learns we can ask him questions about the story, the lesson; he might answer them all correctly, which means he learned the lesson well. But, what is the point? How will the story affect the child to contribute to the community?

Inaad ilme yar wax bartaa kuma koobna inaad ilaaliso keliya nooca iyo xadiga xogta ilmuhu helayo, waxa kale oo muhiim ah inaad ilaaliso sida ilmuhu u qaadan doono xogtan iyo natiijada la rabo inay kagasoo noqoto bulshada. Tusaale, hadii sheeka-caruureedka diinka iyo bakaylaha aad u dhigto ilme yar, waxay u dhow dahay in wax walba oo aad ka weydiiso uu kaaga jawaabo, laakiin waa inaan is weydiino ardaygu ama ilmaha yari muxuu naf ahaantiisa ka faaiidey qisadan? Sidee ayuu bulshada ugusoo celin karaa hadii uu wax ka faaiidey, dhaqan ahaan iyo fikir ahaanba?

09/12/2019

Wax walbi waxay leeyihiin dhamaad, taasina waa xaqiiqo lagu wada xukuman yahay. Marka la eego is-beddelka cimilo ee ku socda dhulka, waa wax la filan karo inaynu bashar ahaan la qabsan kari wayno is beddeladaas, lakiin midaasi dhibaato weyn inaguma hayso, waxaa jira qaabab cusub oo aynu wax uga beddeli karno hiddayaasheena si aynu u noqonno kuwo la qabatima degaankooda cusub. Cabsida ugu weyn waxa laga qabaa hadii ay dhacdo masiibo dabiici ah oo aad u balaadhan, ama dagaal weyn oo la adeegsado hubka nuclear ka ah, fursadda aynu haysanno inaynu sii noolaano ama sii wadno jiritaanka jinsiga dadka aad ayey u yaraanaysaa, waxayna u dhow dahay in tiro aad uyar ay ka badbaadaan masiiboyin noocan ah. Qoladaa yar ee inagasoo hadha waxa hor yaala imtixaan weyn, waxana lagusoo koobi karaa sadex shey inay mid ku danbayn doonto arintoodu.

Xaaladda kowaad, waa inay kala firdhaan, dhulka ku baahaan, qolo yariba ay meel dhulka kamid ah degto lana qabatinto dhulkaa, uuna ku dhaco isbeddel hidde, ilaa heer ay suuro geli waydo inay kala guursadaan iyaga dhexdoodu. Xaaladdan waxa kasoo baxaya loollan awoodeed, aakhirkana qolo ayaa yeelanaysa sarraynta caqliyeed iyo midda muruqeedba qoladaas ayaana maamulaysa oo ka talinaysa dhulka.
Xaaladda labaad waa in dadku mar labaad isku dhex noolaadaan, is oggoladaan dibna u camiraan dhulka.
Xaaladda saddexaadna waa inaynu kusii talo galno inta aan dhacdadan ama masiibadani dhicin, aynu diyaarsanno meere kale oo aynu u guuri karno, kadibna hadhaageenu u guuro meerahaas, meeraha cusub waxa ku samaysmaya nooc cusub oo dad ah, lana qabsaday duruufta nololeed ee meeraha.
Laakiin dhamaadka qaab nololeedka kala duwan ee dhulka korkiisa, dad, dhir iyo xataa bacteria inta la saadaaliyey wuxu ku dhici karaa isku dhac dhulka iyo meere ama meere-yare kale ay isku dhacaan.
Meere-yaraha Hale Popp, 1997 wuxu aad ugusoo dhowaaday dhulka ilaa heer lagu arki karay isha. Meere-yarahan waxay culimadu sheegeen hadii uu ku dhici lahaa dhulka in tamarta ka dhalata ay awoodi lahayd inay uumi bixiso dhamaan badaha iyo badweynta dhulka, sidoo kale inuu dhalaaliyo dhagxaanta, oogada dhulkana ka dhigo mid aad u kulul oo aan ku haboonayn nolosha.

In noloshu dhulka kusoo laabato dhacdadan oo kale kadib aad ayey u adag tahy, lakiin ma aha mid aan caqli gal ahayn, sababtoo ah maadooyinka hiddaha ee noolaha waysii jiri karaan. Waxyaabaha nolosha dhulka khatarta ku haya waxa kamid ah cadceedda, sida la og yahay cadceeddu waxay isticmaashaa shidaal (neefta Hydrogen oo isku beddelaysa Helium) si ay si joogto ah u ifto una diiranaato, lakiin shidaalkaas maalin ayuu dhamaan donaa (waa marka dhamaan Hydrogen-kaasi isu wada beddelo Helium), maalintaas cadceeddu waxay aad uga weynaanysaa xajmiga ay maanta leedahay malaayiin jeer, sida la sadaalinayo waxay marka h**eba liqi doontaa meerayaasha u dhowdhow oo dhan oo dhulkuna kamid yahay. Shidaalka cadceeddu wuxuu sii wadi karaa muddo dhan qiyaastii 6 billion oo sano. Cadceedda waxa inoogu jira shidaal inagu filan.

Lakiin hadii 6 billion oo sano ay tahay muddo aad u fog, waxa jira dhacdo kale oo ka khatar weyn aadna uga dhaw waqti ahaa, dhacdadani waa isku dhaca galaxy-geena "Milkway" iyo galaxy-ga aan jaarka nahay ee "Andromeda" kuwaas oo isku soo durkaya iyagoo ku soconaya xawaare 360km/h, waxana la saadaalinayaa inay iskusoo gaadhaan iskuna dhacaan 2.5 million sano gudahood. Dhamaan waxa ay ka kooban yihiin labadan galaxy way isku dhex burburayaan ha noqdaan godadka madmadow (black holes ), xiddigaha neurtonka ah (neutron stars), xiddigaha yaryar (stars) iyo meerayaasha (planets); labada galaxy-na aakhirka way isku milmayaan waxayna samaynayaan hal galaxy. Lakiin weli rajo ayaynu leenahay, nidaamkeena qorraxeed (solar system) sida culimadu qabaan waxba kumaso gaadhayaan isku dhacaas, sababtoo ah galaxy-geena milkway waxaynu kaga naal daraf.
Intaas oo dhan hadii aynu ka baxsano, hadana weli maynu baxsan. Koonka laftiisa ayaa u dhaw inuu burburo, maadaama tamarta madow (dark energy) ee sida culimadu sheegeen kala kaxaysa galaxy-yada koonka, taasoo aan la aqoon lafteedu waxa ay tahy, ay si aan caadi ahyn usii kordhayso. Korodhkaa ku yimid tamart madow wuxu aakhirka keenaya in tamartaasi ay burburiso koonka gebi ahaanba muddo 2.8 billion sano ah, cadceeddeena xataa weli shidaal badan ayaa kusii jira waqtigan!

Ma aha waxa dhamaadka ku xukami keliya koonka iyo jiritaanka dadka. Wacyiga qofka, inaad maskaxdaada keligaa la hadli karto kuna fekeri karto ayaa u dhaw inay dhamaato. Waa wax lala yaabo laakiin halkii qofku keligii fekeri jiray waxa wada fekeraya koox dad ah halkii marba, maskaxdooda ayaa isku wada xidhan, waxayna ka dhigan tahay in hal qof fekerayo oo kale. Waa barnaamij cilmiyeed loogu yeedho Noosphere. Inkastoo ay u eg tahay wax aan caqliga gelin haddana waxa jirta tijaabo lagu sameeyay jaamacadda Washington ee dalka US, tijaabadaas waxa la isku xidhay laba qof maskaxdooda mid kamid ayaana dhaqaajiyay kan kale farihiisa, inuu qofka kale farihiisa dhaqaajiyo ayuu ku fekeray wayna dhaqaaqeen!

21/10/2019

Wax ka ogow wax walba: sayniska, aqoonta bulshada, cilmi baadhisyadi u danbeyay iyo aqoonta Bulshada

17/10/2019

Ma dabar go'i karaan dadku sida noolaha kale?

Sida la wada og yahay noolaha oo dhami waxay leeyihiin hidasidayaal loo yaqaan "chromosomes", kuwaas oo shaqadoodu tahay inay hayaan, isla markaana ubadka u gudbiyaan sifooyinka noolahaasi lahaa. Dadku waxay leeyihiin 46 chromosome, ama waxad odhan kartaa 23 min laba ah. Ragga iyo dumarku waxay isaga eg yihiin 22 kamid ah waxayna ku kala duwan yihiin keliya hal lamaane chromosome, waana labada u danbeeya. Dumarku waxay leeyihiin chromosome ka XX, lamaanahani waa kuwo size ahaan dhaadheer, halka labada u danbeeya ee raggu ay yihiin hal X ah oo dheer, iyo hal Y ah oo gaaban. Maqnaanshaha ama joogitanka chromosome ka Y ayaa xaddida jinsiga ubadka inuu yahay lab iyo inuu yahay dheddig. Sidaas oo ay tahay maqnaanshihiisu ma aha wax khatar ku ah nolosha, waxana kuu caddaynaya dumarka oo an lahayn, wuxuuse masuul ka yahay dhamaan sifooyinka raganimo sida codka adag, murqaha, soo saaridda manida iyo dhamaan calaamadaha ragga.

Arrinta khatarta lihi waxay tahy in chromosome ka Y uu sii yaraanayo (sii gaabanayo) dhinaca size ka, waxaba la saadaalinayaa in waqti 4.5 million sano kadib uu baaba'ayo chromosome ka Y. Taas oo macnaheedu yahay in dumarku ay meeraha dhulka haysan doonaan muddo gaaban ilaa ay ka dabar goaan iyaguna, taasina waxay khatar ku tahay sii jiritaanka dadka hadii aanay dhicin xaalad gaar ah oo ku dhacday nooc kamid ah jiirka sanado badan kahor.

Waxa jira nooc kamid ah jiirka oo malaayin sano kahor uu baaba'ay chromosome kooda Y, lakiin nasiib wanaag intii aan gebi ahaanba la waayin ayaa hiddihii uu siday chromosome Y waxay u wareegeen chromosome kale. Hadii dadka ay arrintani ku timaado oo chromosome Y hiddayaashiisu kiisu u wareegaan chromosome kale, ragga chromosome koodu is bedelay ma guursan karaan dumarka caadiga ah ee hidasidahoodu saxan yahay, hadii ay guursadaan xataa, ubadka ragga ee ka dhasaha waxay noqonayaan kuwo aan waxba dhalin. Xalka keliya ee lagusii wadi karo ubadka waa in dumarka laftooda is beddel ku yimaado hidasidayaashoda si ay ubad ugu dhali karaan jiilka cusub ee ragga ah.

30/09/2019

Wax ka ogow wax walba.. Waxan soo wadnaa qormooyin isugu jira saynis, aqoon diimed iyo aqoon bulshoba

La socod wcn

30/09/2019

Fiisikada Casriga ah (Modern Physics)

Fikradda guud ee dadku ka haysteen koonka waxay dhalatay qarnigii 17aad, markaas oo Isaac Newton soo jeediyay aragti ah in koonku yahay aalad weyn, wax walba oo korkiisa saaranina ay ku socdaan xeerar u jaan go'an oo aanay dhaafi karin, hadii aan diraasayno xeerarkaasna aan garan karno dhaman siraha koonka, aynu xataa saadaalin karno mustaqbalkiisa, iyadoo aanka duulayno tagtadiisa (waqti ahaan, ama maadiga) iyo joogtadiisa (oo xaadirka ah).
Newton wuxu bilaabay inuu dejiyo xeerar wax ka qeexaya koonka, kasoo bilaw xeerarka socodka (laws of motion) ilaa cuf-is jiidadka koonka (universal gravitational law), ilaa ay yimaadeen koox culimo saynis ah sida Albert Einstein, Neils Bohr, Max Planck, Erwin Schrodinger iyo culimo kale oo tiro badan kuwaas oo qabay aragti khilaafsan tii Newton, oo odhanaysa "ma jiraan wax h**e usii diyaarsanaa (catalog), ha noqdo xeer ama wax kale oo koonku uu raaco". Wax walba oo aynu moodaynay xaqiiq, runtii ma aha xaqiiq, mana jiraan wax la yidhaahdo joogto, tagto iyo mustaqbal (timaaddo) sidii aynu ku naqaanay uyaal. Tagtada koonku waxay saamayn kartaa joogtadiisa, joogtadiisuna waxay saamayn kartaa timaadadiisa, timaaddada lafteedu waxay waxka bedeli kartaa tagtada koonka. Waa sidan sida fiisikada cusub (modern physics) ay u aragto koonka, waana isla sida aragtida qulqulka kamuumeed (quantum mechanics) ay u aragto koonka.

Kadib markii Thomas Edison ikhtiraacay laambadda sanadkii 1879, xiligaas oo caalamku ku faraxsanaa ikhtiraacan, oo dunida laydhka leh lasii sawiranayey, haddana ikhtiraaca Edison wuxu dhaliyay suaalo badan oo culimada saynisku dib isugula noqdeen. Laambadda Edison waxay ahayd wire ay dhex marayso maanso, maansadaas oo kululynaysa waayirka darteed, waayirku wuxu bixinayey iftiin, inkastoo dadku la dhacsanaayen iftiinka soo kordhay, culimada saynisku waxay is weydiinayeen "maxaa ifinaya waayirka"? "Maxaa keenay in iftiinka waayirku midabka bedelo mar walba oo kor usii kaco heer kulka waayirka, waa marka maansada la kordhiyo e"? Marka kowaad lambaddu waxay bixinaysay iftiin casaan ah, markii layar kordhiyo heer kulka wireka waxay bixinaysaa iftiin huruud ah, hadii lasii kordhiyana wuxu isu rogayay iftiin cad. Lakiin waxa layaab lahayd, mar hadii iftiinka cad la gaadho, si walboo loo kordhiyo kulaylka, hadana midabku isma bedelayn e cadaan ayu sii ahaanayey, lakiin "maxaa sababay in caddanku aanu is beddelin"?.

Culimadii saynisku waxay xaqiiqsadeen inaanay ka jawaabi karin sadexdaa suaalood iyagoo u noqda walaxda iyo waxa ay ka samaysan tahay mooyee. Sidii macruufka ahayd waqtigaa in walaxdu ka samaysan tahay qurubo aad u yaryar oo an lasii qaybin karin ama lasii kala jebin karin oo loo yaqaan "atoms" kuwaas oo danab (charge) ahaan ah kuwo isleeg (danabkoda + iyo kan - ay isleeg yihiin). Fikaradan laga haystay atom ka inuu bilaa charge yahay waxay meesha ka baxday markii saynis yahan lagu magcaabo J. J. Thompson sanadkii 1897 uu ogaaday in atomku leeyahay qurubo aad u yaryar kuwaas oo leh danab taban (neagtively charged "-" ah) wuxu u bixiyey (electron), Thompson wuxu la yimid fikrad ah, maadaama danabka atomku yahay mid isleeg (zero net charge), isla markaana leeyahay qurubo danab taban leh, inta qurubadaa tabani kujiraan mahee inta kale oo dhan waxa kujira qurubo kale oo leh danab togan (positively charged "+"), kuwaas o markii danbe loo bixiyay protons. Qaab dhismeedka Thompson uu siiyey atomka waqtigaas, wuxu ahaa xabad xabxab ama qare ah oo kale, iniinyaha madow ee xabxabka wuxu kasoo qaaday inay yihiin electrons halka qaybta cas ee iniinyuhu kujiraan uu kasoo qaaday inay tahy danab togan.

Toban sano kadib, saynisyahan la yidhaado Rutherford ayaa ka daba tegay aragtidii Thompson, Rutherford wuxu sameeyay tijaabo, wuxu la yimid caleen dahab ah (caleen: gobol dahab ah oo dhumucda warqada le'eg) wuxuna ku ganay shucaaca alpha oo danabkeedu togan yahay, (positively charged alpha), hadii qaab-dhismeedka Thompson saxan yahay, dhamaan shucaaca alpha ee uu ganay Rutherford waa kusoo noqon lahaa, sababtoo ah sida bed ahaan xabxabku u yahay qaybta cas, iniinyuhuna u yihiin wax yar marka loo eego bedka casaanka, ayuu atomkuna u noqonayaa danab togan oo aad u bed weyn, iyo electronka oo halka iniinyaha kujira bed ahaanna kayar atomka kale. Sida la isla yaqaana, laba danab oo isku mid ah way kala boodaan. Atomka oo intiisa u weyni danab ahaan togan tahay ama "+" tahy, iyo shucaaca alpha oo isaguna danab ahaan togan "+" ah waysoo kala boodi doonaan, lakin maxaa dhacay?
Rutherford wuxu arkay in badi shucaaca alpha uu dhex maray atomka, qayb yar oo kamid ahina ay kasoo noqotay. Hadii atomku yahay danab ahaan mid taban, shucaaca alpha waxa nuugi lahaa atomka oo dhinaca kale ugamuu baxeen, hadii uu danab ahaan yahay mid togan, shucaaca alpha waa kasoo wada noqon lahaa, hase yeeshee midna ma dhicin, Rutherford wuxu kusoo geba gebeeyay aragtidiisa in atomka badankiisu aanu ahayn danab positive ah sida Thompson qabey ee uu yahay (vacuum) madhan oo waxba ku jirin! Wuxuna la yimid qaab dhismeed cusub, in atomku uu dhisme ahaan u eeg yahy solar system keena. Wuxu leeyahy bu' (nucleus) taas oo danab ahaan togan, electrons kuna waxay ku wareeegaan bu'da si lamid ah sida meerayaashu ugu wareegaan cadceedda iyagoo raacaya orbit lamid ah kuwa meeraha. Wuxu tijaabadiisa kusoo xidhay in qaybta yar ee alpha ee soo noqotay ay tahay keliya qaybtii kusoo dhacday bu'da atomka.

Iyadoo saynisku kudhex jiro baadhitaanka walaxda, culimaduna kolba aragti ku saabsan walaxda soo saarayaan aya waxa kasoo dhex baxay hal nin, saynis yahan beddelay habsami socodkii fiisikada, ninkaasi waa Max Planck. Planck halkii culimadu baadhayeen walaxda isagu wuxu ku daba jiray tamarta, wuxu sheegay in sida atomku uga kooban yahy qurubyo yaryar ay tamatuna uga kooban tahay qurubyo yaryar, oo isagu uu ku magcaabay (quanta), waana dhalashadii aragtida kuwaantada.
Aragtidan Planck waxaa maqlay saynis yahan la yidhaa Neils Bohr, Bohr wuxu markiiba isku qanciyay in aragtidani tahay mida keliya ee ku haboon inay ka jawaabto sadexdii suaalood ee ay dhalisay laambaddii Edison, Bohr wuxu qaatay qaab dhismeedkii atomka ee Rutherford, wuxu ku raacay in electronku ku wareegto orbit, lakiin electronku hadii uu helo qadar cayiman oo (qunata) ama tamar ah wuxu ka tagaa orbitkiisa wuxuna aadaa kan ka sareeya, soo noqodka uu kusoo noqonayo orbitkiisa wuxu lumiyaa tamar, tamartaas ayaa dhalinaysa iftiinka laamabadda, hadii aad kululayso waayirka, electronska waayirka ayaad siisay tamar, tamartaasi waxay elecrtonka ku kalifaysaa inuu aado orbitka sareeya kiisa isagoo isna bixinaya tamar iftiin. Is bed-bedelka midabka laambada wuxu ku xidhan yahay kolba xadiga tamarta ee aad siisay electron ka. Marka kowaad waa iftiin cas, taas macnaheedu waxa weeye, tamar yar ayad siisay, hadii aad sii kordhiso kulaylka, electronku wuxu gaadhayaa orbit ka sareeya kii uu markii h**e joogay, isla markaana si uu kiisi ugu noqdo wuxu luminayaa tamar ka badan intii h**e, waana tan midabkiisa ka dhigaysa huruudda, hadii aad kusii waddo, cadaan ayuu gaadhayaa, wuxuu qaadanayaa tamarta ugu badan ee u qaadan karo, wuxu gaadhayaa orbitka u sarreeya ee atomka, wuxuna luminyayaa tamarta ugu badan ee uu lumin karo. Dabeecadan electronku kaga boodayo orbit uguna boodayo mid kale waa mid layaab leh, elecrtonku marka hawshaas uu ku jiro masii dhex maro space ka u dhexeeya labada orbit, hal mid ayu ka boodaa, si lama filaan ah kan kale ayuu ugasoo muuqda, lama garan karo meesha uusii maray. Aragtiyo badan ayaa jira oo ku daba jooga tafsiirka arinkaa lakiin weli cilmigu k**a gaadhin jawaabtii u danbaysay.

Isla waqtigii culimadu ay ka nefiseen suaalihii laamabdda, waxa jiray saynis yahan kale oo lagu magcaabo Elbert Einstein, Einstein wuxu ka shaqaynayey aragtidiisa uu kaga sal gaadhay waxa loogubyeedho saamaynta iftiin-koronteed (photoelectric effect). Aragtidan wuxu ku bilaabay tijaabo yar, hadii laba waayir oo isu dhaw lagu ifiyo iftiin, waxa labada waayir dhex maraya maanso koronto. Taas oo ka dhigan in iftiinku xoreeyay electrons ka labada waayir, fikraddan waatan ka danbeysay soo saaridda nidaamka solarka, waxay kaloo leedahy adeegsiyo aad u tiro badan, Einstein wuxu soo kordhiyay in xoraynta electronku aanay ku xidhnayn xooganaanta iftiinka, tusaale, hadii aad iftiin blue ah oo daciif ah ku ifiso labada waayir, maansadu way dhex maraysaa, lakiin hadii iftiin casaan ah o xooggan aad ku ifiso, wax maanso ah ma marayso. Sidaa darteed, midabka iftiinka laftiisa ayaa muhiim ah, ee xooganaantiisu waxba ma bedelayso. Lakiin Einstein wuxuu xaqiiqsaday in aragtidiisa, inkastoo ay sax tahay, haddana wax ka jaban yihiin. Maadaama electronku yahay walax yar, waxa dhaqaajinayaana waa inuu yahay walax, lakiin sida la isla yaqaaney iftiinku walax ma aha ee waa mawjad ama hir. Einstein markii uu dib ugu noqday aragtidiisa wuxu kusoo geba gebeeyay in iftiinku yahay walax isla markaana yahay mawjad. Labadaba hal mar ayuu wada yahay! Waa wax layaab leh, oo mawjad iyo walax, wax sifo ah oo ay wadaagaan ma jirin waqtigaas.

Isla xiligaa saynisku karsanaa waxaa jiray arday diyaarinayey cilmi baadhistii uu ku qalin jebin lahaa, waxaana la yidhaa Louis de Broglie, wuxuu la yimid aragti ah, hadii iftiinku (oo mawjad iyo walaxba ah) uu dhaqaajin karo electronka (oo walax ah), macnaha electronku laftiisu wuxu noqon karaa mawjad iyo walax, labadaba, sida iftiinka. Aragtidani waxay dumisay rukniyo waaweyn oo waqti badan saynisku kusoo taagnaa. Electronka oo mawjad ah waxay ka dhigan tahay atomka oo mawjad ah, madama wax walbi atom ka samaysan yahay, taas macnaheedu waa koonka iyo waxa saaran oo atom ka samaysani ma aha wax jira ee waa mawjado!!! De Brogile wuxu ka tegay suaal adag, electronka oo ah walax cuf leh, qaabkee buu isugu bedelaa mawjada? xagee buu isagu mawjadda kaga jiraa?

Erwin Schrodinger isagoo isku deyaya inuu ka jawaabo suaashaas, ayuu soo saaray isleeg xisaabeed oo uu ku muujinayo qaabka socodka ee electronka, sidee buu u socdaa, lakiin isleegtan ma xididi karayn ama ma saadaalin karayn meesha uu markaa ku sugan yahay electron ku, madama isleegtii Schrodinger ka jawaabi wayday suaalahaas, waxa halkaa kasii qaatay saynis yahayn kale oo lagu magcaabo Heisenberg, iasgu wuxu la yimid aragti loo yaqaan "uncertainty" oo ah aragtida hubanti lan'aanta. Wuxuu sheegay inaanay macquul ahayn in hal mar laga wada war helo xawaaraha electronka iyo meesha uu ku sugan yahay. Inaad electronka kasoo qaado mawjad oo aad cabirto xawaarihiisa, lakiin aadan ogaan karin meesha uu ku sugan yahay markaa, iyo inaad kasoo qaado walax oo aadan ogaan karin qaabka uu u soconayo, labada mid ahaan ayad qaban kartaa halkii marba, lakiin labadaba mar mawada samayn kartid.

Maadaama ay adag tahay in electronka socodkiisa iyo meesha uu joogo mar lawada helaa, saynis yahan Max Born wuxu soo bandhigay xal dhexe, wuxu sheegay in la saadaalin karo (probability ahaan) electron ku meesha uu kaga suganaan karo mawjadda, wuxu kaloo sheegay in mawjadda dhexdeeda ay meelo qaar uga dhow yihiin in electron joogo marka loo eego melaha kale. Born wuxu wax ka bedelay isleegtii xisabeed ee Schrodinger, wuxuuna ka dhigay mid saadaalin karta socodka electronka ama halka uu ku sugnaan karo..

Want your business to be the top-listed Engineering Company in Hargeisa?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Telephone

Website

Address

Hargeisa