Sadam Ismail Ahmed

Waa Safxada Rasmiga ah e { Sadam Ismail } waxad ka heli doontaa Talooyin Caafimad iyo Kuwo Waxbarasho

27/01/2024

๐ƒ๐ก๐ข๐ข๐ ๐ค๐š๐ซ๐ค๐š(๐ก๐ฒ๐ฉ๐ž๐ซ๐ญ๐ž๐ง๐ฌ๐ข๐จ๐ง)

Xaaladan aynu maanta ka hadli doonaa waa mid kamida xanuunada ugu saamaynta badan dunnida kaas oo saameeyay tiro ka badan 1 billion qof dunida celcelis ahaan, waana xanuun saamayn wayn gaadhsiiya xubnaha ugu muhiimsan jidhka sida maskaxda, wadnaha iyo kalyaha, waxaana loo yaqaanaa dilaaga aamusan.
Waxaynu ka eegi doonaa xanuunku wuxuu yahay, noocyadiisa, qaybaha loo qaybiyo, astaamaha lagu garto,yaa khatar ugu jira, sida loola tacaalo, cawaaqibta ka dhalata, iyo talo bixin guud.
Dhiigkarku waa xaalad cadaadiska qulqulka dhiigu(blood pressure) uu ka saraynayo 140/90,kaasoo celcelis ahaan sax ku ah qofka caafimaadka qaba120/80, waana xaalad aad ugu soo badanaysa dunida, taasoo la korodha daโ€™da.
Cadaadiska dhiiga(blood pressure) laba lanbar ayaa la cabiraa ka sare waa cadaadiska ka dhex jira gudaha xidida marka wadnuhu dhiiga tuurayo(systolic), halka ka hoosena uu yahay cadaadiska ka dhex jira gudaha xididada marka wadnuhu dhiig helayo(diastolic).

๐๐จ๐จ๐œ๐ฒ๐š๐๐š ๐๐ก๐ข๐ข๐ ๐ค๐š๐ซ๐ค๐š

Guud ahaan dhiigkarka laba nooc ayaa loo qaybiyaa kuwaas oo kala ah
1.dhiigkarka aan la aqoon waxa sababa oo luuqada caafimaadka loo yaqaan(primary or essential HTN) kaaso ah nooca ugu badan 95% ka ah, daโ€™a ahaana wuxuu ku badan yahay 30-55 inta u dhaxaysa
2.dhiigkarka uu sababo xaalad caafimaad oo ka jirta kalyaha, wadnaha amaba qaar kamida qanjidhada soo daaya dheecaanada(hormones) noocani qiyaas ahaan waa 5% waaana nooc uu baahan dawaynta wixii sababay, daโ€™a ahaana caruurta iyo dhalinta ayuu ku badan yahay.
Nooc sadexaad baa jira kaas oo ku dhaca hooyada xiliga uurka sababina kara inuu dilo uurku jirta hooyadana dhib wayn gaadhsiya inkasto badanka uu ku eegyhay xiliga uurka uun.

๐˜๐š๐š ๐ค๐ก๐š๐ญ๐š๐ซ ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ฃ๐ข๐ซ๐š

waxa khatar ugu jira dadkan hoos aynu ku xusi doono
-qof kasta oo hidaraac uleh ama ay xanuunkan qabaan cid kamida qoyskiisa(family history}
-buurnida ama cayilka
-sigaar cabaha
-qofka leh xanuunada riiqda sida macaanka ama subawga(diabetes and high cholesterol)
-jimicsi laโ€™aanta(lack of exercise)
-dadka leh qaar kamida xanuunada kalyaha ku dhaca
๐˜ผ๐™จ๐™ฉ๐™–๐™–๐™ข๐™–๐™๐™– ๐™™๐™๐™ž๐™ž๐™œ๐™ ๐™–๐™ง๐™ ๐™– ๐™ก๐™–๐™œ๐™ช ๐™–๐™ฆ๐™ค๐™ค๐™ฃ๐™จ๐™–๐™™๐™ค

Badanka xanuunkani wax calaamada ma yeesho waxaanay calaamaduhu soo baxaan kolka xanuunku saamayntiisu badato dhawr xubnoodna saameeyo
Astaamaha uu yeesho waxa kamida
-madax xanuun badanka u badan dhanka qadaadka(sub-occiptal headache)
-dawakhaad(confusion)
-shucaac indhaha (visual disturbance)
-dareemista garaaca wadnaha(palpitation)
๐™Œ๐™–๐™ฎ๐™—๐™–๐™๐™– ๐™™๐™๐™ž๐™ž๐™œ๐™ ๐™–๐™ง๐™ ๐™–

Dhiigkarku iyadoo laga eegayo sare u kaca cadaadiska dhiiga abla ablayn baa loo sameeya kuwaas oo kala ah.
1.cadaadiska dhiiga ee celcelis ahaan saxda ah waa 120/80mmHg
2.dhiigkar horaantiis(pre-hypertension) waa 125-139 systolic iyo 85-89 diastolic, hadaba xaaladan hordhaca u ah dhiigkarku macneheedu maaha in qofku dhiigkar qabo balse waa in uu halis ugu jiro in uu xanuunkani haleelo, sidaas darted waa inuu talooyinka aynu xaga danbe ku sheegi doono uu ku dhaqmo si ka hortag ahaan ah
3.Heerka koowaad ee dhiigkarka(stage one) systolic 140-159 iyo diastolic 90-99, xaaladan qofka dawo ayaa loogu bilaabaa badanka.
4.heerka labaad ee dhiigkarka(stage 2) systolic >160-180 iyo diastolic >100-120
5.dhiigkarku hadii uu ka bato xadiga stage 2 oo ah systolic>180 iyo diastolic >120 waxa loo yaqaana hypertension crises waana xaalad halis ah oo keeni karta in dhaawac gaadhsiiso xubnaha qaar oo u baaahan in qofku dhakhtar dagdag ula xidhiidho.
Qaybta labaad la soco bari hadda oo kale

25/01/2024

Barbaarinta caruurta iyo Waxbarashda " Dr Shiine "

24/01/2024

Xog ku saabsan Cilmi baadhista " Ustad Abdirahman Sameeco "

22/01/2024

Kansarku Waa JEERMIS dheeri Ah, Subaxaanallah.
Yaab weynaa bal ila dhagysta ..!

22/01/2024

Shahaado badanaa, oo been badanaa, oo Qish badanaa.
Qof Takhakhuskiisa so xasusanyo kaamirada horteda kaga sii darane isha yuu ku xadayaa Magacyada Taqsuska uu sheganayo.

Sadam Ismail Ahmed

19/01/2024

Jumca Kariim dhammaan ummada Islaamka ah.

Nuxurka Muuqaalka wiilka yar ee Abdilahi ayaa ahaa in Bahda Caafimaadka iyo Waalidka lagu baraarujiyo hal-ku dhig muhiim ah kaasoo ah (๐—–๐—ฎ๐—น๐—ผ๐—ผ๐—น ๐—ฎ๐—บ๐—ฎ ๐—ด๐˜‚๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ ๐˜…๐—ฎ๐—ป๐˜‚๐˜‚๐—ป ๐—ธ๐—ฎ๐˜€๐˜๐—ฎ ๐—บ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐—ป ๐—š๐—ฎ๐—ฎ๐˜€).

Abdilahi yare shalay ayuu Laascaano ku noqday isagoo farxsan oo qoslaya, xanuunkii ka hayay qaybta bidix ee gumarka ilaa kilida dusheeda marku imanayay qofkii arkay unba garan dareemi kara.

Caruurta (

19/01/2024

Bukaanada Cunuhu weynyahy caqabaddaha ku yimmaada " Dr Abdirahman Tano Senior Anesthesiologist "

09/01/2024

" Cudurka dilaaga ah ee number 1 Loo dhintaa waa Wadno xanuunka "Prof Dr Mohamed Hassan Cardiologist .

03/01/2024

Bal dhagyso wuxuu umada ugu sheekaynaayo hala gaadhsiyo Wasaarda Caafimaadka .

03/01/2024

Waa Nin Beenaale ah umada si loga qabto gaadhsiya cider ku shaqo leh.

01/01/2024

Innanta aad is calman doontaan 9 ina seexi dheh " Dr Mascuud Dadaal "

30/12/2023

""Osteomyelitis wa Laf muruq wadata oo afka ku sameysanta"". ๐Ÿ˜…
Bal eeg Caqliga uu nagula hadlaayo ...!

28/12/2023

"Macallinimada adduun lagama helee wax ka qaalisan oo dad ah ayaa laga helaa"Bare Sare /Abwaan Ahmed Yasin Dool .

27/12/2023

Madada xisaabtu wa madada ugu muhiimsan waxbarashada ,waxayna dhistaa maskaxda " Bare sare Mustafe Jeheeye "

25/12/2023

Somaliland iyo Somalia waxan ku arkay dad ku qaata Master's degree 6 Bilood " Dr Maxamed Ducale bayle "

There is no shortcut for academic Excellence

23/12/2023

Saddex Dhacdo oo ku Cibro qaadasho mudan " Dr Xasan Sh. Cali warsame "

20/12/2023

Cidhbo xannunka Maxaa keena " Dr Sahal Ahmed "

13/12/2023

Sida aynu ognahy xaalada waddanku wey adagtahay Mudooyinki u danbyeey , in ay xaalada ilaahay inagu adkeeyo waxaa sababta iska leh innaga Dulmiga, Tacadiga , cago_juglaynta iyo Kibirka dadka lagu kibraayo waa taas aynu aragno Natiijadi ka dhalatay .

Nabadu wa inoo wadda Dan dhamman umada somaliland sidii uu xukumada u qabsaday Maddax_weyne Muse Bihi Abdi Waxaa xusid mudan in waddanku so u so noqdo iyada oo sababta Leeyahay , waddanka Cun , Sida aad doonto u isticmaal Lakin Maatida iyo dadka jilicsan ee aan awood u lahayn in ay iyagu gacantooda isku difaacan aan awoodi kadaa :Kibirka,Dulmiga,Tacdiga iyo u awood sheegashada .

Talo fiican ayaa lagu soo jeediyey dhawr Aqoonyahan ah , Cuqaal ah,Culimo ah iyo Wax garad ahi taas ayaa kuu wacan in aad qaadato umadana aad halaaga ka dayso .
Dadku waxay so Mareen xaalado adag Manta uma baahan halki ay ka yimaaden in ay ku noqdaan wekhtiga oo adag aawaddi .

โ— Xubi baan u Hayaa dawlda k**a xannaaqeene
โ— Xulashadii Daraato markii muuse Lagu Xoomay
โ— Abwaanada Xaqaa Didiyow Gabayga Xayn_daabsha
โ— Haddii kalle Xabsiga Liinta Xoorka Leh Xaadir ku ahaada

08/12/2023

In badan baa isaga oo Khudbada Jimaca Minberka saaran uu nagu yidhi " walaalkeen hebel ayaa aad u xanuunsan oo dibeda loo qaaday in ILLAAHAY caafiyo u duceeyay " Markhaati ayan ka ahay hadalkaa .

Maanta isagii ayaa xanuunsan oo dibeda loo qaday aynu u ducayno in ILLAAHAY caafiyo oo xanuunka ka kor qaado Maclin/Sh. Mohamed Haybe .

Waa ma daale Diinta ILLAAHAY u hagar baxaye, markastana ku hawlanaa baraarujinta dadka iyo inuu dariiqa xaqa ah ugu yeedho.

Sheekh Maxamed Haybe ILLAAHAY ha caafiyo Amin .

Sadam Ismail Ahmed
Sadaam Ismail

07/12/2023

Xanuunka suuxdinta iyo xanuunka faaliga sidee ayey ku yimaaddaan " Dr Mohamed Abdi Gabose "

03/12/2023

Maalin Wannaagsan Dhammantin

14/11/2023

14-November Maanta oo kale waxaa loo asteeyay, Maalinta Cudurka Sokorowga Ama Macaanka Adduunka. Waxaan Jeclahay Inaan Idinla Wadaago Xog ama Warbixin kooban Oo khusaysa cudurkan macaanka ama sokorowga.

1: Waa Maxay Cudurka Sokorowga( diabetes)?

Cudurka Sokorowga Waa Cudur Ku Dhaca Dheefshiidka Kaas Oo Keena In Sokortu Ay Aad Ugu Badato Dhiiga!
Sonkorta Dhiiga Waxaa Xakameeya (Control) Hormoonka Insulin Oo Lagasoo Daayo Ganaca (pancreas)!

2: Noocyada Sokorowga?

Sokorowgu Waa uu Noocyo Badan Yahay Waxaanna Ugu Caansan 3 Nooc Oo Kala Ah!

* Nooca Koobaad (Type 1 Diabetes), Waa Nooc Kadhasha Insulin Laโ€™aan (Lack Of Insulin), Waxa Uuna inta badan Kudhacaa Caruurta balse daโ€™kasta waa uu ku dhici karaa!

* Nooca Labaad ( Type 2 Diabetes), Waa Nooc Sababtiisu Tahay Insulinta Oo Yaraata Ama Aan Shaqadeeda Gudan Karin ( insulin Resistance) Waxa Uuna inta badan Ku Dhacaa Dadka Waa Weyn, caruurtana Sidoo kale waa uu ku dhici karaa!

* Nooca Sadexaad waa Nooc Kudhaca Hooyada xiligan uurka ay leedahay, Dhalmada kadibna waa ay Kabogsootaa inta badan balse waxa ay ku noqon kartaa mid joogta ah (chronic diabetes), Waxaan loo yaqaanaa gestational diabetes.

3: Sababaha Sokorowga?

Sokorowga Waxaa Sababa Waxyaabo!
โ€ขDifaaca jidhka oo weerara kadibna burburiya unugyada soo saara insulinta (outoimmune destruction of pancreatic ฮฒ-cells).
โ€ข Dhaxal Inuu Qofku u leeyahay.
โ€ข Caabuqyo ay Sababo Feyrusyo (Viruses) Sida Qaama Qanshiirka Oo Qofka Kudhaca.
โ€ข Dhaawac Kudhaca Ganaca Oo Saameeya Unugyada Insulinta Soo Saara ( trauma).
โ€ข Cuntooyinka qaarkood sida kuwa ay sokortu ku badantahay.
โ€ข Qaab nololeedka qofka Oo u badan fadhi (lack of physical activity), sida dadka xafiisyada mudada dheer kashaqeeya, dadka social media wakhtiga badan ku bixiya IWM.
โ€ข Cayilka xad dhaafka Ah ( Obesity) iyo walwalka faraha badan (stress)

4:Calaamadaha cudurka sokorowga?

Calaamadaha cudurka sokorowga Waa ay badan yhiin, kuwooda ugu caansan waxaa kamid ah

โ€ข Kaadi badan (Polyuria)
โ€ข Oon (Harraad) badan ama af-qalayl (Polydipsia).
โ€ข Baahi badan (Polyphagia).
โ€ข Daal iyo tabar-darri (tired and fatigue).
โ€ข Lalabo iyo madax xanuun.
โ€ข Miisaanka oo hoos u dhaca (Weight Loss - Type 1 diabetes)

5: Sida lagu Ogaaddo in uu qofku qabo cudurkan Sokorowga?

1) Qofka oo laga helo calaamadaha sokorta ee aan kor kusoo sheegnay.
2) Cabirka qof baahan/ sooman muddo ka badan 8 saac ah (fasting blood sugar), Oo Gaarta ama kabadata 126Mg/dL Ama (7.0mmol/L).
3)Cabirka sokorta dhiigga (Ramdom blood sugar) ee qofka wax cunay oo gaarta ama Kabadata 200mg/dL ama (11.1mmol/L)

F. G: Qofku in uu sokor qabbo waxaa Go'aan ka gaadhi Kara oo kaliya Dhakhtar (Doctor) Ee cabir hal Mar ah laguma gaadhi karo!

6) Dhibaatooyinka Kadhasha Sokorowga

* Indhaha oo caad uu fuullo Iyo arraga oo yaraada (Retinopathy).
* Kalyaha shaqadooda oo daciifta ama hawl Gabba (Nephropathy).
* Neerfo xanuun Iyo darreenka Addimaha oo yaraada kadibna baa-ba'a (Neuropathy).
* wadnaha oo istaaga (sudden cardiac death) ama xididaha wadnaha quudiya oo xidhma (Acute coronary syndrome)
* Faalug ama paralysis ( CVA-Stroke).
*Raganimada oo Daciifta iyo Taranka Oo xumaada ama Joogsada (libido or erectile dysfunction). Iyo Dhibaatooyin kale Oo badan.

7) Daaweeynta Iyo Kahortaga Sokorowga!

โ€ขCunida cuntada caafimaadka u wanaagsan sida qudaarta Iyo cuntooyinka buunshaha leh.
โ€ขJimicsi joogta ah si uu qofku u dhidido, sida socod talaabo dheer ah ama miisaanka oo uu qofka iska rido gaar ahaan dadka miisaankoodu ka badan sidda caadiga ah.
โ€ขCabirida sonkorta Iyo dhiiga si uu wofku xaaladiisa ula socdo khaas ahaan dadka leh calaamadaha aynu kor kusoo sheegnay.
โ€ขqaadashada daawada sonkorta ee Ku haboon, sida kuwa afka laga qaato ama cirbada insulinta iyadoo sida dhakhtarku kuugu qoray loo qaadanaayo loona joogteenaayo.
โ€ขDadka qaba cudurkan sokorowga waa inay xaaladooda caafimaad lasocdaan, 6 bil ee kastana ay maraan baarritaan caafimaad iyagoo qaadanaya awaamiirta dhakhtarku uu siiyo.
Happy world Diabete Day

Sadam Ismail Ahmed

02/11/2023

Kal madii aan ka Jeediyey xafladii qalin Jabinta ee CENTRAL COLLEGE ee Hargeisa , Machadka oo aan Macalin ka ahaa .

Sadam Ismail Ahmed

28/10/2023

Geeri Naxdin leh Maclin / Abwan Siciid Gahayr , Ustad ku Maalmihii u danbeeyey Wuxu Xaalad Cafimaad ugu Jiray Hospital GarGaar Hargeisa.

Rabi Naxariisti Jano Haka warabiyo Amin Amin

Sadam Ismail Ahmed

25/10/2023

Dhamman wan Salaamaya Dadka Ku xidhan dagalkan Bari waxan idin soo gudbin Doonaa ama idinla so waddaagi Doonaa Cashar Ku saabsan Nafaqadaradda iyo wax yaabaha la xidhiidha ( Mal-Nutrition ) inshallah La Socod Wacan idil kiinba.

Bare sare : Sadam Ismail Ahmed

22/10/2023

Asalamu calaykum Dhamman asxaabta.

Page waxan idinkula waddaagi doonnaa aqoonta Cafimaadka iyo Waxbarashda Hadii rabi qaddaro waxa aan idinka baahnahy in aad Like , share iyo Follow aad ii saartan Dhammantin .

Date : 22_10_2023
Day : Sunday

Want your business to be the top-listed Health & Beauty Business in Hargeisa?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Videos (show all)

Barbaarinta caruurta iyo Waxbarashda  " Dr Shiine "
Xog ku saabsan Cilmi baadhista " Ustad Abdirahman Sameeco "
Kansarku Waa JEERMIS dheeri Ah, Subaxaanallah.Yaab weynaa bal ila dhagysta ..!
Shahaado badanaa, oo been badanaa, oo Qish badanaa.Qof Takhakhuskiisa so xasusanyo kaamirada horteda kaga sii darane ish...
Bukaanada Cunuhu weynyahy caqabaddaha ku yimmaada "  Dr Abdirahman Tano Senior Anesthesiologist "
" Cudurka dilaaga ah ee number 1 Loo dhintaa waa Wadno xanuunka  "Prof Dr Mohamed Hassan Cardiologist .
Bal dhagyso wuxuu umada ugu sheekaynaayo hala gaadhsiyo Wasaarda Caafimaadka .
Waa Nin Beenaale ah umada si loga qabto gaadhsiya cider ku shaqo leh.
Innanta aad is calman doontaan 9 ina seexi dheh " Dr Mascuud Dadaal "
""Osteomyelitis wa Laf muruq wadata oo afka ku sameysanta"". ๐Ÿ˜…Bal eeg Caqliga uu nagula hadlaayo ...!
"Macallinimada adduun lagama helee wax ka qaalisan oo dad ah ayaa laga helaa"Bare Sare /Abwaan Ahmed Yasin Dool .
Madada xisaabtu wa madada ugu muhiimsan waxbarashada ,waxayna dhistaa maskaxda " Bare sare Mustafe Jeheeye "

Category

Telephone

Website

Address

Sadam Ismail
Hargeisa
Other Medical & Health in Hargeisa (show all)
Faiza Faiza
Hargeisa

ALpha Nutrition ALpha Nutrition
Hargeisa, HR001

waa meel aad si online ah dawooyinka herbalka ah uga iibsabkarto

Xarunta duugmada & Toobinka Xarunta duugmada & Toobinka
Xero Awr
Hargeisa

ku soo dhawaada xarunta duugmada iyo toobinka ee dumarka iyo carurta ee xanuunada guud

hamda omer hamda omer
Hargeisa

awareness of female ge***al mutilation

Gaas Medical Center Gaas Medical Center
Jigjigayar, Next To China Solar Energy
Hargeisa

Our clinicians genuinely care about you and your health concerns. Gaas Medical is a place where the

Himilo Higher Clinic & Laboratory Himilo Higher Clinic & Laboratory
Xero Awr Crossroad, Opposite To Dahabshil (East)
Hargeisa, 252

Himilo Higher Clinic is a primary health care centre with the aim of improving the health of the community as a whole by promoting health, preventing diseases and treating the sick...

Xidiga hargeele Xidiga hargeele
Hargeisa, 123456

322

Centre of Public Health Promotion Centre of Public Health Promotion
Hargeisa

Prevention is better than cure First Pure Public Health of UOH CRUSH PROGRAMME

Procare Dermatology & Gynecology Procare Dermatology & Gynecology
Hargeisa

Join our Telegram https://t.me/procaredermo

Bildhaan Eye Clinic And Optical Bildhaan Eye Clinic And Optical
Waxaan Kunaalaa Jigjiga-yar Agagaarka Safari Hotel Waxaan Dhinaca Koonfur Kaga Nalaa Sawaxili Super Market Kasoo Horjeedka Qurux Bila Ama Alla Amin Pharmacy
Hargeisa

Bildhan eye clinic and optical adeegyada uu kuu qabanayo waxa kamida:Daaweynta xanuunada indhaha sixi

Omer karshe Omer karshe
Hargeisa
Hargeisa, 252

consultants