Ahmed f sofe
hello, Ku Soo dhawaw YouTube channelkayga, waxaan kuu Soo gudbin donaa MuUQAALO ku saabsan motivation
I have reached 700 followers! Thank you for your continued support. I could not have done it without each of you. 🙏🤗🎉
Ahmed f sofe
Dufayl Binu Camar Al Dawsi
((illahayaw calaamad u samee uu u kaalmaysto khayrka uu niyaynayo))
[ducadii nabiga NNKH]
Al Dufayl Binu Camar Al Dawsi waxa uu ahaa hogaamiyaha qabiladii la odhan jiray (daws) wakhtigii jaahiliga, wuxuna ka mid ahaa ashraaftii carabta, waxa uu aha mid ka mida dadka sharfta lehe xee fara ku tiriska ah....
dhari uu dabka saaray Lagama dajin, cid albaakisa soo garaacdayna lama hor istaagin...
ka bahan wuu quudin jiray, ka baqanayana wuu aamin yeeli jiray, ka magan waydiistana wuu magan galin jiray.
iyada oo ay sidaa tahay hadana waxa uu aha gabayaa aftahan ah oo hadalka kiisa macaan iyo kiisa qadhaadh kala yaqaan.
waxa uu ka tagay Dufayl guryihii reer toolkii ee (Tuhaama) isaga oo u socda (Maka), waxa ka dhex aloosnaa loolan Nabiga NNKH iyo quraysh, mid walba wax uu rabay in uu guulausto, kooxdisana guul u Soo jiido....
Nabiga NNKH waxa uu baryaya rabigii, hubkiisuna waxa uu ahaa iimaan iyo xaq u dirir.
gaaladii qurayshna waxay ku hor istagayeen hub dhamaantii, dadkana waxay kaga hor istagayeen qaab walba.
Dufayl waxa uu is arkay isaga oo dhex galay dagalkaa isaga oo u qasdiyayn..
makana arinkaa imuu iman, arinka maxamed NNKH iyo qurayshna qalbigisa kumuu Soo dhicin h**e.
markay halkaa maraysay, Dufayl waxa uu ka shekaynayaa dhacdo aanu illaabi Karin oo ku saabsan loolankii dhex maray quraysh iyo Nabi Maxamed NNKH, aynu ka dhagaysano, waxay ka mid tahay wararka ugu layaabka badan.
waxa uu ka waramay dufayl:
waxaan imid Maka, imay arag madaxdii quraysh, illaa way isoo dhaweyeen dhawayn tii ugu wanagsanayd, waxayna I dajiyeen meel meshii ugu wanagsanayd.
dabadeed waxa ila kulmay madaxdoodii iyo dadkoodii waa waynaa, waxay igu yidhadeen: waar Dufaylaw, waxaad timid wadankayagii, ninkan aad arkaysaan ee Nabiga sheganaya waxa uu fasahaadiyay arinkayagii, wuxuna kala jarjaray midnimadayadii, kooxdayadiin wuu kala geeyay, anagu waxaanu ka baqanayana inuu kugu habsado adiga iyo qawmkaga waxa nagu habsaday, ha la hadlin ninkaa, waxbana haka dhagaysan, hadalkiisu waa sida sixirka oo kale, wuxuu kala geyaa inanka iyo hooyadii, walalka iyo walalkii, gabadha iyo xaaskeeda.
waxa uu yidhi Dufayl:
illahaybaan ku dhaartee k**ay suulin in ay IGA waramaan wararkisa layaabka leh, way I cabsi galiyeen aniga iyo reer tolkayba, waxa aan goostay in aanan u dhawaan, oo anan la hadlin, waxbana ka dhagaysan.
markii aan tagay masjidka aroortii si aan ugu Soo dawaafo, ugana Soo barakaysto asnaamtii aan xagoooda u xaji jirnay aanu waynayn jirnay, waxa aan dhagaha gashaday cudbi cabsi aan ka baqayo in aan hadalka Nabi Maxamed maqlo.
hase ahaatee markii aan masjidka Soo galay waxa aan arkay isaga oo taagan oo u tukanaya xaga kacbada saladayada mid aan ahayn, cibadaysanaya cibaado aan tayada oo kale ahayn,
waxa I faraxti galiyay muuqalkisa, waxana i lulay cibadadisa, waxan is arkay aniga oo u sii dhawanaya, inyar inyar aniga oo aynan qasdi iga ahayn illaa aan noqday mid u dhaw.
ilahaybaan ku dhaartee waxa dhagahayga Soo gadhay hadaladii uu lahaa, waxan maqlay hadal wanagsan, waxan naftayda ku idhi:
hooyadaa goblantay Dufaylaw waxaad tahay nin maskax badan oo gabyaaya, waxa wanagsan waxa xumi Kaa qarin maayo, maxaa kuu diidaya inaad dhagaysato waxa uu leyahay ninku (Nabiga)...
waxa uu sheegayo haday wanaagsan yiihin waan Qaadan, hadii ay xun yihiina waan ka tagi.
Dufayl waxa uu yidhi:
waan nagaaday ilaa uu Nabigu ka aaday gurigisii NNKH, waan daba galay ilaa uu gurigisii ka galay Ana waan ka daba galay waxanan ku idhi:
maxamadaw, reer tolkaa waxay iiga Kaa sheegeen waxaa iyo waxaa, ilahaybaan Ku dhaartee k**ay suulin inay arinkaga IGA cabsi galiyaaan ilaa aan dhagahayga galiyay cudbi si aanan u maqlin hadalkaga, ka din alle ayaa diiday ilaa uu I maqashiiyay wax ka mid ah, waxan ogaaday inuu wanagsan yahay, bal arinkaga isoo bandhig...
arinkisii ayuu isoo bandhigay, waxanu Ii akhriyay suuratul ikhlaas iyo falaq, ilahaybaan ku dhaartee maan maqal hadalkisa wax ka wanagsan, manan arag wax ka cadaalad badan arinkiisa.
intaa ka dib waxaan u fidiyay gacantayda, waxaan qiray in aanu jirin alle xaq lagu caabudaa ilahay mooyee maxamedna uu yahay rasuulkii ilahay, ka dib waxaan galay diinta islaamka.
Dufayl waxa uu yidhi:
waxaan ku nagaaday Maka wakhti si aan u barto arimaha diinta, qur'aanka waxaan ka xifdiyay wixii ialahay Ii fudaudiyay, markii aan go'aansaday inan ku laabro reer tolkay waxaan ku idhi:
rasuulkii ilahayaw, waxaan ahay nin qoskiisu adeecaan, waan ku noqonayaa diinta islaamkana waan igu yedhayaa, ilahay Ii bari in uu calaamad Ii yeelo Ii noqota kaalmo waxaan ugu yedhayo iyaga, waxa uu yidhi rasuulku:
(ilahay calaamad u yeel).
waxaan u dhaqaaqay xaga rer tolkay ilaa aan ka ahaaday meel ka saraysa gurya hooda waxa ku Soo dhacay nuur indhahayga hortooda oo la moodo sida faynuuska waxaan idhi:
ilahay ka yeel maal aan hayn wajigayga, waxaan ka baqanayaa inay moodaan cuqubo ku dhacday wajigayga markii aan ka baxay diintooda, nuurkii ayaa isku badalay madaxa ushayda, waxa uu noqday iftiinkii mid ay arkaysaan dadku sida faynuuska meel sare la saaray, Ana waxan ka Soo dagayay buurta markii aan Soo dagay, waxa Ii yimid abahay oo ahaa nin wayn - waxaan ku idhi:
IGa fogoow aabo IGA mid ma tihid Ana k**a mid ihi.
waxa uu I yidhi: oo waayo inankaygiiyaw? !.. waxa ku idhi: waan islaamay, diinta nabi maxamedna waan raacay.
waxa uu yidhi: inankaygiiyaw diintaadu waa diintayda, waxaan ku idhi: orad Soo maydho oo Soo daahiri dharkaaga, kadibna Ii kaalay aan ku baro waxaan Soo bartee.
waa uu tagay soona maydhay dharkiiaina Soo daahiriyay, kadibna wuu Ii yimid waxaan u bandhigay islaamka wuuna islaamay.
ka dibna waxa Ii timid gabadhaydii waxaan ku idhi: IGA fogoow Kaa mid ma ihi adna IGA mid ma tihid.
waxay tidhi: oo waayo?! waxaan ku idhi: waxa Ina kala kaxeeyay islaamka, waan islaamay, diinta Nabi Maxamedna waan raacay.
waxay tidhi: diintaydu waa diintaada, waxaan Ku idhi: orod biyo isku Soo daahiri dusharad (waxa uu ahaa sanam ay lahayeen rer daws) agtiisa.
waxay tidhi: maad uga baqanahayn (dusharad) in uu caruurta wax gaadhsiiyo?!.
waxaan ku idhi: adiga iyo (dusharadba) waxa idiin sugnaaday hoog... waxan ku idhi: orad tag oo ku Soo maydho meel dadka ka fog, anaa ku damaanad qadaya in aanu dhagaxaasi waxba ku yelahayn.
waay tagtay oo ay Soo maydhatay, dabadeedna way timid, waxaan u bandhigay islaamka wayna islaamtay.
kadibna waxaan u baaqay reer daws way ka dib dhaceen baaqaygii Abu hurayra ayaa ahaa cidii ugu horaysay ee u Soo dagdagay islaam nimada.
Dufayl waxa uu yidhi: waxaan Nabiga uga tagtay Maka isaga oo uu ila socdo Abu hurayra...
waxa uu Nabigu NNKH igu yidhi: (gadaashaa Yaa jira Dufaylaw?.)
waxan ku idhi: qalbiyo daboolan, gaalnimo daran..
reer daws wax ka tan badatay fisqi, alle diidnimo..
Nabigu wuu istaagay oo wuu waysastay dabadeedna wuu tukaday gacmaha ayuu xaga samada u jeediyay, waxa uu Abu hurayra yidhi: markii aan arkay isaga oo sidaa ku sugan waxa aan u baqay rear tolkay in uu habaaro oo dabadeedna la halaago...
waxaani idhi ayuu yidhi Alla reer tolakayaw...
hase ahaateee Nabigu NNKH waxa uu yidhi: (ilahayaw hanuuni reer daws.. ilahayaw hanuuni reer daws... ilahayaw hanuuni reer daws).
waxa isoo jaleecay Dufayl oo igu yidhi: (ku noqo reer tolkaa una dhibirsanaw islaamkana ugu yeedh).
Dufayl waxa uu yidhi: k**aan suulin dhulkii reer (daws) waxaan ugu yedhay islaamka ilaa uu Nabigu u hijrooday madiina, dagaalkii badarna wakhti ka Soo wareegay, uxudna, khandaq sidoo kale, waxaan u imid nabiga iyaga oo ay ila socdaan sideetan guri oo ka mid ah reer (daws) oo islaamay islaamnimadooduna wanagsanaatay, rasuulkii ilahay wuu nagu faraxay, waxa uu wax nagi siiyay qaniimadii muslimiinta ee ay fourteen dagaalkii (khaybar) waxanu ku Nidhi: rasuulkii ilahayaw naga dhig ciidanka midigtada ka dagaalamaya duulimaad kasta oo aad qaadayso, shicarkaygana waxaad ka dhigtaa (mabruur)
wax uu yidhi Dufayl: kadib k**aan suulin rasuulka inaan la joogo ilaa la furtay maka, waxan ku idhi: rasuulkii ilahayaw ii dir ilaa aan ka Soo gubo (dul kafayn) waa sanam ayay lahaayeen qoladii la odhan jiray Camar Binu xamama, waa uu u ogalaaday Nabigu arinkaa NNKH, waxa uu u dhaqaaqay xagii sanamaka isaga oo iska qarinaya qawmkiisii.
markii uu gaadhay warkii, uu Kuna hamiyay in uu gubo, waxa ku Soo ururay dumarkii iyo caruurtii iyaga oo sugayaa in uu wax Soo gaadhsii sanamuku, musubana ku dhacdo hadii uu gaadhsiiyo dhib.
hase ahaatee Dufayl wax uu qaabilay iyaga oo dad badani cabudayaan...
isaga oo u gabyaya sanamka ayuu yidhi:
dalkafaynaw ma ihi kuwii ku caabudayay
dhalashadayadu dhalashada way ka horaysay
waxaan ka buuxiyay dab wadnahaaga
dabki muu gubin sanamaka ilaa waxa la gubtay wixii hadhsanaa shirki ee ay caabudi jireen reer (daws) dhamaan qawmki way islaameen islaamkoodina wuu wanaagsanaaday.
waxa uu ahaaday Dufayl intaa ka dib mid Nabiga laasimay ilaa Nabiga ruuxdisii la qabtay.
markii loo dhiibay khilaafadii muslimiinta Nabiga ka dib saaxiibkii Abu Bakar Sidiiq, waxa uu dil dhigay naftiisa, caruurtiisa, seeftiisa adeecida khaliifkii rasuulka.
markii ay bilawdeen dagaaladii ridada, waxa uu Dufayl u baxay la dagaalamkii Musaylma Ibnu Al Kadaab iyo inankisii Camar la odhan jiray.
isaga oo ku Soo socda (Yamama) ayuu arkay riyo, waxa uu ku yidhi saaxiibadii: waxaan arkay riyo ee bal Ii fasira.
waxay ku yidhaadeen oo maxaad aragtay?.
waxaan arkay iyada oo madaxa layga xiirayo, afkana shinbir ka Soo baxayo, gabadhina ay calasheeda I galisay, inankaygii Camarna uu I doonayo laakiin nalakala teeday.
waxay yidhaadeen: waa Khayr...
waxa uu yidhi Dufayl: amaal anigu illahaybaan ku dhaartee waan fasirtay:
hase ahaatee madaxaa layga xiirayo waa layga jarayaa...
hase ahaatee shinbirkaa afkauga ka baxayaa waa ruuxdaydii...
hase ahaatee gabadhaa caloosheeda I galinaysaa waa dhulka oo lay qodi doono layguna aasi doon gudeheeda....
waxanan rajaynayaa in lay dilo aniga oo shahiida...
hase ahaatee inankaygaa idalbaya waxa wayeeye waxa uu rabaa in uu Ii qabto shahaadada waa hadii uu alle ogalaado _ hase ahaatee kadib ayuu Soo gadhayaa.
dagaalkii (Yamaama) waxa uu muujiyay Dufayl wax la yaableh, ilaa uu ku dhacay goobtii dagaalka isaga oo shahiida ah.
ama inankisii Camar kamuu suulin in uu dagaalamo ilaa jidhkisa uu dhaawacyadu daciifisay gacantisa midigtana la jaray, waxa uu ku Soo laabtay madiina isaga oo kaga yimid (Yamama) aabihii iyo gacantiisiiba.
khilafadii Cumar Binu khadaab, Camar Binu Dufayl ayaa u Soo galay, ka dibna wax la keenacay cunto, waxa ku hareeraysanaa dad badan, Cumar ayaa ugu yedhay cuntadii dadkii ag fadhiyay, Camar Binu Dufayl ayaa ka durkay, Cumar ayaa ku yidhi: maxaa kugu dhacay?!... waxa laga yabaa in aad ka xishootay in aad galiso gacantada adoo ka Soo dib dhacay.
Camar waxa uu ugu jawaabay haa amiir muslimintoow.
Cumar waxa uu yidhi: ilahaybaan ku dhaartee dhadhamin maayo cuntada adiga oo ku laqa gacanta go'an moyeee....
ilahaybaan ku dhaartee ma jiro qof uu badhkii janada ku jiro adiga moyeee (waxa uu u jeday gacantiisa).
Camar waxa uu ahaaday mid riyadisii ka dhabeyay dagaalkii (yarmuuk), kamuu suulin in uu dagaalamo ilaa uu ka geryooday
alle haw naxariistee Camar Binu Dufayl waxa uu ahaa shahiid abihina shahiid .
morning tea
انواع النجاح في الحياة
انواع النجاح في الحياة Created by InShot:https://inshotapp.page.link/YTShare
Click here to claim your Sponsored Listing.