Diiwanka suugaanta

Diiwanka suugaanta

waa Page aan idinkugu soo bandhigi doono gabayo, geeraro iyo wax kasto oo ku saabsan suuganta somali

09/04/2024

Ciis Wngsan dhamaan Umabada Soomaaliyeed

16/10/2023

Madaxweyne Hassan Sheikh🇸🇴❤️🙏🏽✅

16/10/2023

Sawirkaa aad arkeysaan waa Ilmo yar oo reer Japan ah, xiligii dagaalkii labaad ee Adduunka ayuu dhabarka ku sitaa walaalkiis oo mayd ah si uu u aaso.
Waxaa arkay askari, wuxuu ka dalbaday inuu ilmahan Maydka ah iska tuuro si uusan udaalin.

Wuxuu ugu jawaabay:
Ma cusla waa walalkeey, askarigii ayaa oohin qabsaday oo ay lilmadu ka daatay, waqtigaas laga soo bilaabo ilaa manta wuxuu noqday sawirkani calaamad lagu muujiyo midnimada reer Japan.

Waxay noqotay hal kudhig "Ma Cusla Waa Walaalkeey" Waa Walasheey"
Haduu dhaco kor uqaad, haduu daalo caawi,
Haduu daciifana taageer,
Haduu khaldamo saamax,
Hadii uu caalamka oo dhami isaga tagana dhabarka ku qaad maxaa yeelay "ma cusla waa walaalkaa"

WQ: Isaaq khadiib

07/10/2023

Murtidiinnu dakhariyo
Dalab iyo lanlaamiyo
Daldaloolo badanaa?
Ma dareere miirtiyo
Duddun bahal galeenaa?
Dardartii aftahankiyo
Dilladii farshaxankiyo
Dux abwaan ma sidatoo
Diiftii saboolkiyo
Daal baa ka muuqdee
Gabaygaba ma ducashiyo
Dawersaa ku keentaan?
Mise dagan ma dhaaftiyo
Duul baa ka gadataan?
Dhul dellegan ka soo xada
Mise luuq dahsoon iyo
Suuqa doqon ma garatiyo
Ku-dhacdaa ka dayataan?
Marka geel dar loo horo
Diin maxawgu heestaan?

Abwaan: Mohamed Ibrahim Warsame ( HADRAAWI)

21/07/2023

Iyadoo laga dhuumanaayo aragtidaada, kawaran hadaad adigu iska dhigto qofki dhuumanaayay?!!

Kalsooni qofeed miyaa la dhihi karaa, mise khiyaano nafeed?

Nafta waxaa u qaali ah
Ama qiimo ugu filan
Qofta ey tohoo runa
Oo qoorta loo suro
Si khiyaali uga boxo.

Alamtara Haji

20/07/2023

Dadku kala ayaan roon
Ama kala aqoon dheer
Ama kala asluub weyn
Haddaan eed la doonayn
Ama deeq Ilaahay
Asaraar ka taagnayn
Dadku eexo kaa gelin
Inan yahay la'aantaa
Dumar lama abuureen
Gabadh lama ammaaneen
Jacayl looma ooyeen.

Abwaan Hadraawi

14/07/2023

Adduunyadu waa besteed

Haddaan idhi Boqorkayow
Waxaan idhi Boqorkayow
Allow barashaan ogeyn
Intay tahay baaxaddaa
Qofkuna badow buu ka yahay
Inuu kugu soo ban-dhigo
Bayaannada aan fogeyn.
Bishmaan u daraandarayn
Inuu boqolkaaga magac
Intuu Bisinkaagu yahay
Ka sheego wax aan badnayn.
Waxaad tahay gun iyo baar
Ballaadh iyo deeq mug weyn
Waxaad tahay beer janna ah
Waxaad tahay baarri faxan,
Intaad bixisaa raxmada
Intaad burisaa raja ah
Intaad hanataa ka badan
Baxaalliga hawl adduun
Wax-beelka intaan hurayn
Bushaaro hayaad u tahay.
Waxaad tahay baahi-laawe
Waxaad tahay baahidayda.
ILaahnimadaada buuxda
Qof waayey ma baadi-doonin.
Rugaa Boqortooyadaada
Qofkii u bal-reebiwaayey
Ma xeerin badbaadadiisa.
Xuduudka baddaada caaggan
Qof tiigsadey baylah weeye.
Kulaylka buruuddadaada
Sharkaaga badheedhka dhiirran
Baqaa lagu aaminaa,
Burjina Adigaa ku sugan
Awoodaha baaca dheer.
Adduunyadu waa berdaan
Run baa la-bog-dooxayaa
Dadkaa la-bilkeedayaa,
Higsiga baradeeda nool
Waxaa lagu beegsadaa
Baxnaaniyo toogo-hayn
Boqoolkuna waa jiraa,
Naftana ballankii ka yiil
Haddaan lala beretansiin
Waxaa lagu beegmayaa
Bayuuraha aan hambayn.
Hadday tahay beri-samaad
Ta baasina way ag taal
Haddaan laga baydhsanaan.
Dhulkana Bidixlaa ku nool
Waxaa jira beenawaas,
Ibleyskuna waa bakhayl
Bahdiisuna waa yiciis.

27/06/2023

Eid Mubarak dhamaan Muslimiinta

12/06/2023

Toddobo aan isku tuhmaan
Tolka wax uga taabahaa,

Tobanki toddobaatanaad
Inta tirshaan ku tirshay meel,

Toddoba aan ka tuuranaa
Intaan la tuhmin wayga taas,

Haddaan timaha taabtanaa
Wax ii tafnaa jiraan tebaa,

Haddaan tallaabta tuuranaa
Intiis tafaan dhulkiis tubaa,

Taydaana ila toosanoo
Toman jiraan isku tirshaa,

Meeleey tacsi faceeya taal
Haddaan tagaanse is tuhmaa,

Tii Allana haddav timaad
Laylama tashan waa tarxiil.

Waa shiribkii ugu dambeeyay ee uu tiriyo laashin Kadare AUN. Shiribkaas wuxuu ku bidhaaminayey inuu amminku haayo, da'duna ay ka daba timid oo uu tamar-dhigay.
Shiribkaas toddobaalaha ah, waa hab curin Kadare u gar ah ee ma jiro laashin h**e u tiriyey shirib toddoba lugood ah, ujeedku ma ahan inaan la tirin karin, balse, abuuridda tiro go'an ayaa ah garasho lays-ku dhaafay.

Allah u naxariisto LAASHIN DR XUSEEN SH. AXMAD 'KADARE'
1943 - 01/02/2015

19/08/2022

Alle ha u naxariisto Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame "Hadraawi" oo magaalada Hargeysa ku geeriyooday😢😢

Want your public figure to be the top-listed Public Figure in Mogadisho?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Videos (show all)

Abwaan Mohamed Ibrahim Warsame ( HADRAAWI ) Allah u naxariisto
Madaxweyne Hassan Sheikh🇸🇴❤️🙏🏽✅

Category

Telephone

Website

Address

Mogadisho
Mogadisho
4444