Hoyga ciyaaraha

Hoyga ciyaaraha

You may also like

Masbiih
Masbiih

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Hoyga ciyaaraha, Musician/Band, mogadishu, Mogadishu.

12/08/2022

Ma Aha Xulka France: Karim Benzema Oo Magacaabay Waddanka Ku Guuleysanaya Koobka Adduunka Sannadkan, Meeshana Ka Saaray Dalkiisa.

Xiddiga kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Karim Benzema ayaa sheegay in aanay jirin dalal si cad loogu tilmaami karayo inay yihiin kuwa ku guuleysanaya Koobka Adduunka ee bisha November ka furmi doona Qatar, hase yeeshee waxa uu xusay hal dal oo uu ku sheegay midka kaliya ee ugu cadcad ee la xusi karayo.
Benzema oo sannadkii h**e dib ugu soo laabtay xulka qaranka Faransiiska oo uu muddo shan sannadood ah ka maqnaa, ayaa waxa uu kula guuleystay UEFA Nations League, haddana waxa uu rajaynayaa in uu Koobkii Adduunka ee ugu horreeyey la qaado maadaama aanu qayb ka ahayn xiddigihii sannadkii 2018 ku guuleystay Koobka Adduunka.

Kari Benzema oo ah ciyaartoyga ugu cadcad ee loo saadaalinayo abaal-marinta xiddiga Adduunka ee Ballon d’Or, ayaa waraysi uu bixiyey lagu weydiiyey waddamada fursadda ugu wanaagsan u haysta Koobka Adduunka, waxaanu marka h**eba istaagay meel gaabsi ah oo uu diiddan yahay inuu saadaalin sameeyo, hase yeeshee waxa uu kaliya soo qaaday Argentina oo uu sheegay inay yihiin waddan haysta xiddigo waaweyn oo ay u badan tahay inay guuleystaan.

Masoo qaadin waddankiisa Faransiiska, Brazil ama England oo ku jira kuwa loo saadaalinayo, balse Argentina oo ay Koobka Adduunka ugu dambaysay 1986kii oo uu Diego Armando Maradona u qaaday ayaa uu ku sheegay xul heersare ah.

Xulka qaranka Argentina ee lagu naanayso Albiceleste oo uu hoggaaminayo ee uu hoggaaminayo Lionel Messi ayaa rajaynaya in 36 sannadood kaddib ay ku guuleysan doonaan Koobka Adduunka, iyadoo xaqiiqaduna tahay in ay yihiin koox isla haysata oo aan hal mar laga badinin 33kii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee dhamaan tartamada, isla markaana ku guuleystay Koobka Qaramada Latin America ee Copa America iyo Finalissima oo ay dhowaan ka qaadeen Talyaaniga.

17 ciyaarood oo isreeb-reebka Koobka Adduunka ah ayay badiyeen 11 ka mid ah, inta kalena ay barbarro galeen, waxaana kaliya ka sarreeya Brazil oo 17koodii ciyaarood 14 badiyey, saddexna barbarreeyey.

Karim Benzema oo u warramayay ESPN ayaa la weydiiyey dalka ugu cadcad eek u guuleysanaya Koobka Adduunka, waxaanu ku jawaabay: “Ma jiraan cid kubadda cagta la odhan karayo way ugu cadcad yihiin, laakiin Argentina ayaa marxalad wanaagsan ku sugan. Waxay haystaan koox cajiib ah iyo ciyaartooyo heersare ah, sida Lionel Messi iyo Angel di Maria.”

Labada ciyaartoy ee uu magacaabay Karim Benzema ee Lionel Messi iyo Angel di Maria ayaa ah labada halyey ee saamaynta badan ku lahaa guulihii ay Argentina gaadhay sannadkii tegay. Di Maria ayaa dhaliyey goolkii ay Copa America kaga qaadeen Brazil sannadkii 2021, waxaanay hadda da’diisu tahay 34 jir, halka Lionel Messi uu yahay 35 jir.

Di Maria ayaa h**e u bixiyey qish ah inuu ka fadhiisanayo ciyaaraha xulkiisa kaddib Koobka Adduunka, sidoo kalena Lionel Messi ayay u badan tahay in aanu awoodi doonin inuu Koob Adduun oo kale u safto xulkiisa maadaama ay da’diisu noqon doonto 39 jir marka la qabanayo Koobka xiga ee 2028.

Argentina ayaa sidoo kale haysata ciyaartooyo tayadoodu sarrayso oo ay ula safri doonaan Qatar, waxaana ka mid ah Julian Alvarez, Lisandro Martinez, Nicolas Tagliafico, Rodrigo De Paul, Alejandro Gomez iyo Giovani Lo Celso.

Group C ayay ku wada jiraan Saudi Arabia, Mexico iyo Poland, waxaanay kulankooda koowaad ciyaari doonaan November 22.

12/08/2022

RASMI: Liverpool Oo Shaacisay Heshiiska Xiddig Weyn Oo Cimrigiisa U Hibeeyey Anfield.

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa xaqiijisay heshiiska xiddig weyn oo uu tababare Jurgen Klopp aad ugu farxay inuu qalinka ku duugay qandaraas muddo shan sannadood ah ku haynaya garoonka Anfield, isla markaana albaabada ka xidhaya naadiyadii h**e u hunguraynayay laacibkan.

Liverpool ayaa ku dhawaaqday in maanta uu heshiis soconaya illaa sannadka 2027 uu saxeexay xiddiga khadka dhexe ee Harvey Elliott oo aqbalay heshiis cusub oo ay kooxdiisu u bandhigtay.

19 jirkan oo ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan Liverpool ee loo carbinayo mustaqbalka ayaa qandaraaskiisa h**e ay ka hadhsanaayeen 12 bilood oo kaliya, waxaana markii uu heshiiska saxeexay uu bixiyey waraysi uu ku sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in uu sannado badan oo kale sii joogayo Anfield.

Isaga oo la hadlayay website-ka Liverpool ayuu yidhi: “Mar walba way fiican tahay in aan halkan joogayo sannado badan oo kale, waa wax wanagsan in aan la joogo kooxdii carruurnimadayda, mana jiro wax adduunkan yaalla oo iiga farxad badan in arrintan.

Wax weyyn ayay noo ahayd aniga iyo qoyskayga iyo xataa kooxdaba. Waxyaabo badan ayaa dhacay sannadihii aan halkan joogay. Waxa aanu ku guuleysanay waxyaabo badan, waxaananu rajaynaynaa in aanu guulo badan oo kale gaadhi doono.”

Harvey Alliott oo kulamo badan dhaawacyo ku seegay xilli ciyaareedkii h**e, haddana markii uu soo laabtay ayuu wax badan kusoo kordhiyey naadigiisa, iyadoo sidoo kalena bilowga xilli ciyaareedka h**e uu ahaa mid si joogto ah ugu soo bilowda ka hor intii aanu jibniin kuraanta ah kasoo gaadhin kulan ay la ciyaareen Leeds United.

Elliott waxa uu Liverpool kusoo biiray sannadkii 2019 oo ay £1.5 milyan oo gini kaga soo iibsadeen Fulham, waxaanu illaa hadda u saftay 41 ciyaarood oo uu u dhaliyey toddoba gool 11 kalena uu caawiye ka noqday.

Want your public figure to be the top-listed Public Figure in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Website

Address

Mogadishu
Mogadishu
0252
Other Musicians/Bands in Mogadishu (show all)
Iska Waran TV Iska Waran TV
Isgooska Dabka _ Daba Soment/Waabari/Mogadishu/Somalia
Mogadishu

Ayub Halane Ayub Halane
Mogadishu
Mogadishu

waa Boga

Fanka iyo Sugaanta Fanka iyo Sugaanta
Mogadishu

Dhigaal iyo Dhaxal reeb.

farsamada qasaladaha farsamada qasaladaha
Soos Street
Mogadishu

Damon__owgy Damon__owgy
Mogadishu

wakhti kasta ooy idiin tahy wacn oo wngsan � ha ilaawina ducada waaa dhufayska naftee � alle dhamaant

Sumayo_qurux Sumayo_qurux
Mogadishu

Sumayo_qurux ila socda asxabey bagekyga Rasmiga ah

Maalinle media Maalinle media
Mogadishu

Madadalada maalinlaha aha follow dheh page keena saxda🙏

NURUL QURAN NURUL QURAN
Airport Way
Mogadishu

live

kalshaaLe kalshaaLe
SooL
Mogadishu, 063492

sooL

Xubi Qaali Xubi Qaali
Mogadishu, 252

HI GUYS

Abdi Dahir Official Abdi Dahir Official
Mogadishu

My hobby