Ascaar Online Market
advertising and marketing ALL ABOU ENTERTAINMENT
Waa caleen libtoon ah oo ka sameesan
1 dhadhan qorfo
2 dhadhan heel
Nagala so xiriir 61 4257631
Free delivery all somalia 🚚,✈️🛵
DAR AL SHABAAB PERFUME
Wa perfume udgoonkisa aad u sareyo
Free delivery
DALBO HADDA OO HEL HADDA
Contac as
+252614257631
Whtapp :+25261 4257631
Nin aduunyo joogow maxaa aragti kuu laaban oo hadda caawa ma waxaan daawan raba man city oo champion qaadeysa 🤣🤣
Ha rumeesan wax kasta oo aad aragto
Marki aan yara waxaan arki jiray dad waaweyn oo guursanaya markaan koray oo aan wenaaday waxaan arkaya kuwi yaryara oo guursanaya
Guurso ama iga guur waxaa sida i yiri firaashkeyga ilaa haddane waa saaranahay
Mogadishu somalia
Ma ogtahy caqligu inuu shaqeeyo 24saacadood uu istaago kaliya waqtiga aan imtixaan ku jirno &
Marka aan la hadleeno qof aan jclnahay
Dhawan isbedal fisha pagekan isha ku haaay
Like & share nagu caawi mahadsanid
BEENLOW LAMA RUNSADO
Nin beenaale ah oo la oran jiray cumar ayaa degganaa magaalo. Cumar waxa uu
lahaaa dameero uu ku xaabeysto. Xaabda waxa uu ka iibsan jiray dadka
magalaada deggan. Maalin kasta marka uu magaalada xaabda keeno waxa uu ka
qoslin jiray dadka. Waxa uu u sheegi jiray waxyaabo badan oo aan la rumeysan
Karin. Maadda uu sheegi jiray waxaa ka mid ahaa in mararka qaar sheegi jiray
inuu libaaxyo arkay oo uu laayay/
Ayaamihii danbe danbe waxa uu bilaabay in marka uu magaalada ku soo dhaw
yahay qeyliyo. Markasta oo ay dadku u yimaaddaan oo ay weydiyaan halka uu
libaaxu joogana waxa uu ku jawaabi jiray waan kaftamyay.
Maalintii danbe ayuu cumar-beenaale iyadoo xaqiiqo ah arkay libaax aar ah oo
jidka u taagan. Isaga oo garan la si uu yeelo ayuu afka labdii yeeray, balse cidi uma
soo bixin. Goor talo ku caddaatay oo uu garan la’yahay wax uu sameeyo ayuu
libaaxi isga tagay oo ka hor wareegay sidaas ayuu cumar-beenale ku kaxeysty
dameerkisii waxa uuna go’aansaday in uusan mar danbe been sheegin
DULUCDA SHEEKADA
*Beenta badan waxey sababataa in benlowga runtiisa laga shakiyo
*ha badasan hadalka kaftanka ah si aan runtaada kaftan looga qadan
TIMIRTII HORBA DAB LOO WAA
Nin reer miyi ah ayaa maalin maalmaha ka mid waxuu u safaray magalo. Si uu
ugu iibgeeyo dhowr neef oo ari ah. Markii uu ku sii dhawaday magaalada ayuu la
kulmay safar iygu magalada ka soo laabaty. Wuxuu waydiiyay bal sida sicirka
magalada yahay. Waxa ay u shegeen in ariga qiima fiican lakala siisto, sidoo kle in
rashiinka jaban yahay oo wiliba timirtu aad raqiis u taahy.
Magaladii ayuu tagay arigiina wuu iibsaday dabadeedna wuxuu soo gatay raashiin
fara badan iyo timir. Habeenkii ayuu meel ku negaaday si uu cunto u karsdo. Balse
nasiibdarro wuxuu iska soo ilaaway in uu soo iibsado tarraq si uu u helo dab uu
rashiinka ku karsado.
Habeenki xigay ayuu maqlay shanqar markaas buu ku leeexday saa waa reer.
Reerki waxey u keeneen timir. Ninku waxa uu moodayay in timirtu u baahnatahy
in lakariyo sida raashiinka oo kale.
Markuu arakay reerkii in ay ku martisoreeen timir ayuu yiri “timirtii horaba dab loo
waa” isga oo ula jeedo in aanu heysan dab uu ku kariyo
*DULUCDA SHEEKADA
*Ha gadan ama ha ka ganacsan wax aadan aqoon fiican u laheen
*Go’aan ha ka qaadan wixii aadan hubin. Dadka wax weydii
NIN RI IYO LIBAAX
Bari ayaa wiil dhalinyaro ahi guur damacay. Reer ay xigto yihiin ayuu kaalmo u doontay. Waxeyna soo siyeen hal ri. Degaankii uu ka yimid ayuu dib ugu lugeeyay. Dhulku waa kala fogyahay, waxaana u dhaxeya keymo halis badan. Wuxuu soo socdaba goor fiidkiiah ayuu arakay mududulo cidlo ah. Ridii ayuu muddulka dhaxdiisa ku xiratay isguna wuu iska seexday.
Saqdii dhaxe ayeey ninkii kaadi qabaty oo uu bannaanka aday. Balse, intii uu maqnaa ayaa muddulkii waxaa soo galay libaax. Sidaas darteed ninkii asiga oo warla' ayuu aqlkii so galay hoostana ka xiraty. Nasiibdarro libaxii rida cunay ayaa ku soo boday asiganeh bartii ku dilay.
Libaaxii ayaa isguna markii uu hilbahii dhameyasty isku day in uu aqlka ka baxo,
balse hoosta ayuu ka xiran yahay. Halkaas ayuu ka bilaabay jibaad meelo fog laga maqlayo . Misna dadkii degaanka ayaa aqlkii yimi oo iyaguna libaxii dilay.
Waxaase la wayaayay cid maleysa sababta aqalka hoosta ka xiran ugu wada jiri karaan nin, ri iyo libaax.
DULUCDA SHEEKDA *Xoolahaaga ha ugu tegin meel ay halis ku gali karaan ama kaaga dhumi karaan. *Aqalkaaga haka tagin isga oo furan. Aqal cidlo ah marka aad galeyso iska hubi.
BOQORKII RIYOODAY
Baribaa nin boqor ahi wuxa uu ku riyooday iyada oo ilkaha oo idil ka dateen. Arinkii ayaa ka fajiciyay, dabdeeeddna waxa uu u yeeray nin riyada fasira. Ninkii baa yiri ma dhabaa inaad sidaa ku riyootay? Haa ayuu ku jawabay boqorkii. Ninkii loo keenay inuu riyada fasiro ayaa yiri , haddaba aad baan ugu xumahay oo waxey sheyegeysaa in adiga oo jooga ay dhammaan xubnha qoyskaagu dhiman donaan. Boqrkii ayaa xanaqay oo amary in ninkaan la xiro.
Dhoor qofood oo kale ayaa loo keenay si ay riyda ugu fasiran. Iyaguna sidii kii h**e ayay u fasrieen. Iyaguna sidii ninkii h**e ayaa la amaray in la xiro.
Ugu dambeyn nin kale ayaa boqrkii u yeeray oo uu ka codsaday in uu riyada u fasiro Markii loo sheegay riyada ayuu yiri boqorow waa bishaaro Boqorkii oo aad u faraxy ayaa yiri maxaad ugu bishareyneysaa? Wuxuu yiri riyada waxey shegysaa inaad adigu ugu cimri dheran dontid qoskaaaga. Boqrkii aad ayuu u farxay , dabdeeedna ninkii siyay abaalgud.
DULUCDA SHEEKDA
*Xogta aad gudbineyso waxey ku xiranthy hadaba qaabka loo sheego.
*In had iyo jeer oraahda laga fiiryo dhanka togan.
MARTIGII LA QADIYAY
Goormaqrib ah ayaa nin socta ahi ku soo baxay reer meel daggan oo xoolo dhaqto ah. Markii uu reerki u yimid ayuu ku yiri caawa bal ha lay martisooro gabbalkii dhacye oo lama socon kare
Ninkiii reerka odyga u ahah ayaa yiri :reerkle ayaa nagu toosane ee h**e u sii soco martigii baa isna yiri: war waa habeen socod ma jiree bal caawa I soora.
Odayga reerka ayaa yiri : waxba kuuma heynee sii soco .
Martigii baa yiri : geedkaas baan sexana ee sidaad doonta yeel isaga oo ula jeeda ama I soor ama I qadi marti baan ku ahay cawa.
Ninkii odyga ahaa baa yiri waxba hanga sugin ee iska sii soco .Wuxuu ahaa bakheyl aan qiimha wax bixinta iyo marti-soorka garaneyn.
Habiinkii waa la qadiyay ninkii. Ninkii martida ahaa yaa u yimid odygii reerka lahaa marka uu waaga baryay oo ku yiri ‘Ninyahow waxaa dhaqan iyo xeer eheen ayaa sameysy oo ah qof hal habeen kuu soo martiyay baa tiri h**e u sii soco iyadoo oo ay habeen mugdi ah tahay .Hadaa aad ogaan laheed saddax sifo oo aan leyhy ima adan qadiseen.
-Haddii aan wax waayo sidaan u sabri aqaan haddi aad ogtahay ima qadiseen .
-Hadii aan wax heysto sida aan wax u bixiyo hadii aad ogthy ima qadiseen .
-Hadii ley keeno cunto intaan ka cuno yaraanteeda hadiii aad ogthy ima qadiseen
DULUCDA SHEEKDA
*In la ilaaliyo dhaqanka suuban ee ay diintu fareyso .
*In ruuxi wax ku weydiista wixii awodaada ah aad u sameysid .
Ascaar Online Market advertising and marketing
BOQOR IYO KALLUUMEYSTE
Beri baa nin boqor ihi wuxuu aaday dalxiis .Meel xeeb ah ayaa looga dhisay teendho weyn .Boqorku wuxuu jeclaa in inta badan uu kalluun cun
Goor aroor ah ayuu boqorkii arakay wiil hadda kala soo baxay kalluun weyn . Wuu u yeeray ,wuxuuna weydiyey qiimaha kallunka wiilkii ayaa yiri “Boqorkeyga ayaa tahay oo waxaba kaama iibinayo ee waan ku sinaa .
Boqorkii aad ayuu ugu bogay warka wiilka ,dabdeedna yiri ‘waan kaa qaatay hibadaas waadna mahdsanthy .
Wiilkii marka uu dhaqaaqay ayuu boqorkii u yeeray oo ku yir ‘Aniguna waxan ku sinaa afar kun oo diraham . aad ayuuna u faraxay wiilka
Xaaskii boqorka oo arintaas ka xumatay baa tiri:Wiilka lacagat way ku badanathy ee waa in laga rebaa labo kun
Boqrka oo ixtiraamayo marwadiisa ayaa yiri ‘sidee baan ugu rebaa?Waxey tiri “Waxaad ku tirahdaa kallunka ma lab ayuu ahaa mase dheddig? Hadii uu ku yiraa waa lab waxaad ko oran labka laba kun baa siistaa ,hadii uu ku yiraa waa dhaddig sidoo kale ku dheh
Wiilkii waa loo yeeray , waxaana la warsday su’aashii Wuuxu ku jawabay “Boqorow kalluunku lab iyo dhe dheddig midna maaha ee waa labeeb”
Boqorkii oo aad ugu bogay jawabtii wiilka ayuu yiri “Afarta kun,afar baan kuugu daray”
Sidaas ayuu wiilkii ku qatay siddeedi kun oo dirham oo wili boqorkii hortgan ayaa waxaa ka dhacay hal shilin markaas buu rogmayay oo uu qatay .Balse marwadii boqorka oo wili xanaqsan baa tiri Boqorow weydii wiilka yari sabata uu ugu tagi wayay hal dirham oo dhulka ugu dhacay?
Marlabaad ayuu boqorkii wiilka u yeeray su’aashi ayuu weydiyay . wiilki ayaa ku jawabay “Boqorow dirham waxaa ku yaalo sawirkaaga .sidaas darted waxaan ka cabsday in qof ku istaago sawirkaaga oo dhulka yaal
Boqorkii aad ayuu ugu faraxay warkaas saa darted ayuu mar saddaxad siyay afar kun oo kale
Xaaskii boqorka ayaa tiri “Markaan wax ka reeb is iraahdaba .Alle ayaa wax ugu dara “sidaas ayeey isgaga aamusaty .Kalluumatstihii wuxuu ka mid noqday taajirinta dalka ugu caansan.
Dulicda sheekda
*Cidna kuma seejin karto calaf Alle kuu qoray.
*Xigmadda iyo caqliga waa furha guusha nolosha.
Wuxuu arkay hooyadiis oo reerka deriska ah cusbo weydiisaneysa, wuxuu yiri hooyo cusbo weyba inoo taale maxaad ka wadaa!? Hooyadi waxay tiri waa reer faqiir ah oo mararka qaar wax ina weydiista marka waxaan jecleystay wax ay heli karaan inaan weydiisto si ay u dareemaan inaan isku baahannahay oo aysan uga xishoon iney wax ina weydiistaan. 😍😍
WAXBAA TUUGSIGA KA XUN Boqor baa bari ka shakiyaya in wiilkusu doonayo in uu talada kala wareego. Wuxuu goaansaday i in wiilka waaniyo haduu waanada diido neh xabsiga dhigo ama uu musaafuriyo. balse si uu wax u hubsdo ayuu wiilki u yeray , oo yiri wiilkeygow maxaad adduunka u jeceshahay ? wiilikii ayaa ugu jawaabay :waxaan rabaa inaa boqorka dalka noqdo Boqorkii waa uu waniyey wiilkisi balse waa uu ka diiday waanadii. markaas ayuu ku amray in dalka ugu baxo labo maalin gudahooda. sidaas ayuu wiilki ku aday dal fog. waxa uu tagay magaalo uu kataliyo boqorkle oo hodon ah . wiilku malaheen xirafad uu ku shaqeysto dalka uu tagay neh cidna k**a aqoon . wuxuu aday gurigii boqoqrka si uu shaqo u weydiisto Marka irida laga furay ayuu sheegay in shaqo doon yahay . boqorkii baa ku yiri "orod oo mushqushaas ii nadiifi Wiilkii wuxuu aaday mushqushii isga oo isla hadalaaya. Boqorkii baa marakle u yeeray oo yiri Maxaad iskula hadleysaa? Wiilkii wuxuu yiri " nafteyda ayaan ku lahaa hadii aa shaqdaan diido waxaa ku harsan tu kadaran Boqorkii ayaa weydiyay "waa maxey shaqada ka xun musqul la dhaqo? "Tuugsi ayaa ka xun ayuu wiilkii ugu jawabay Boqorku aad ayuu ugu bogay warkaas lacag badan ayuu siyay agtiisa ayuuna fadhisiyay wuxuuna ku yiri wiil caqli badan ayaa tahee ee waa maxey sababta aad dhulkaagi ugu timid Wiili ba ku jawabay "aabbahey oo booqr ah ayaan doonay in aan talada ka xoogo sidaas ayuu igu soo eriyey boqorkii ayaa yiri talo aad abahaa ka xoogto tuugsi ayaa kaaga roon haddana orod oo abbahaa musuqulaha u dhaq sidaas ayey sharaftaada ku jirtaaye DULUCDA SHEEKADA * Degdegtu ma wangsana *shaqadu ceeb ma noqota
Click here to claim your Sponsored Listing.
Videos (show all)
Category
Contact the business
Telephone
Website
Address
Mogadishu
252614257631
Hodan
Mogadishu, 252
Macmiil ku soo dhawoow Tanaad Online Store waxan u shaqaynaa hab Online oo casri ah
Mogadishu
Kala iibinta iyo Kireynta Gawaarida, Guryaha, Alaabta, Cuseyb iyo Celis
Makalmukaramah Road. Mogadishu
Mogadishu, 252
Diiriye business Group waa shirkad ka shaqeysa suuqgaynta badeecada iyo adeegyada muhiimadda uleh bu
Mogadishu
#Ourservice ✅️Website Design And Develop ✅️Digital Marketing ✅️Branding ✅️Google ads
Dabka Street
Mogadishu, 2526
kusoo dhawoow Darusalam Online Market waa suuq ganacsi ushaqeeyo hab online waxaad kusuuq geeysan