Isman mohamed Ali

Isman mohamed Ali

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Isman mohamed Ali, General Dentist, Mogadishu.

28/07/2023

Hanbalyo hambalyo hambalyo.
Waxaan halkaan hambalyo uga dirayaa adeer Xuseen Cali Cosobow iyo edo naciimo muxuyadiin Ali oo arooskoodu ka dhacay degma xeebeedka wargaadhi ee gobalka sh/dhexe waxaan leeyahay isku waara oo ubad khayr qaba oo D D D wax u tara oo noqda kuwa is ku waara wiil iyo caano iyo gabar iyo caano
Hambalyo Hambalyo Hambalyo Hambalyo Hambalyo Hambalyo

06/07/2023

Waxaad sheegtaa shanta
Noole aan Hooyo iyo
Aabe laheyn?

04/07/2023

Ku Kalsoonow Naftaada
Maxaa yeelay adiga oo kaliya ayaa og Xaqiiqadaada.

29/06/2023

( Qiso dhab ah oo Dalka Pakistan ka dhacday Fadlan Walaal Akhri )
==============================================================

Dhakhtar caan ka ah dalka Bakistan kuna taqasuusey qaliinka laguna magacaabo Dr. Ishan ayaa maalin maalmaha ka mid ah tagey Garoonka dayuuradaha ee ku yaala wadankiisa Pakistan si uu uga qayb galo shir heer caalami ah oo lagu gudoon siinayey abaal marin caalami ah oo ku mutaystay guulihiisa cilmiga dhakhtarnimada. Hal saac ka dib ayaa waxaa lagu war geliyey in diyaaradii xumaatay ama cilad ay gashey si kadis ahna garoonka dayuuradaha loogu dejiyey. Intuu Makarafoon qabsaday ayuu yiri "Waxaan ahay dhakhtar heer caalamiya, daqiiqad walbana wexey iila mid tahay naf aadami, idinkuna 16 saac diyaarada sug ayaad dhehdeen". Mid ka mid ah shaqaalaha Airportka ama garoonka dayuuradaha ayaa ugu jawaabey hadii deg-deg kugu jiro gaari kaxayso si aad meeshaad rabto u gaarto 3 saac gudohood.

Fikradaa wuu aqbalay wuxuuna kaxaystay gaari ama baabuur hase yeeshee isagoo jidka dhexe sii maraya ayaa roob mahiigaan ihi qabsaday, aragii iyo socodkiina ka khal-khaliyey, laba saac kadibna wuxuu ogaadey Inuuba jidkii ka dhumay wuxuu dareemay daal iyo diif. Wuxuu arkay guri markaasuu albaabka istaagey oo garaacay, wuxuu gudaha ka Maqlay islaan Waayeel ah oo leh "Soo dhaaf" cidaa doonto noqo e.

Gurigii ayuu galay wuxuuna Islaantii waayeelka ahayd ka codsaday Telefon uu dirsado waxeyse ugu jawaabtey" Telefone, kee ! ,gurigaan aan koronto iyo khad telefone midna lahayn, Miyaadan garanayn halka aad joogto".
Fariiso oo naso shaahna cab cuntadaana cun si aad taag iyo tabar u hesho.

Dr. Ishan wuxuu u mahad celiyey islaantii waayeelka ahayd, wuxuuna bilaabay Inuu cuntadiisii iska cuno islaantii salaadeedii iyo ala barigeedii ayey sii wadatay, wuxuu si kadis ah u arkay cunug ama ilmo yar oo sariir islaanta dhinac taal jiifa islaantuna mar kasta oo ay tukato u ducayneyso sariirtana ruxeyso.

Islaantii salaadii iyo ducadii wey dheeraysay, markaasuu ku yiri " waxaa iga yaabiyey deeqsinimadaada iyo dhaqan wanaagaaga waxaana eebbe ka filayaa Inuu ducadaada kuu aqbalo".Islaantii ayaa ugu jawaabtey" wiilkaygiiyow adigu waxaad tahay socoto, socotada ilaahay ayaa nagala dardaarmay, ducooyinkaygase ilaahay wuu aqbalay mid mooye.

Dr. Ishan ayaa yiri Ducada aan la aqbalin waa tee ?
Waxey tiri: Cunugaan ama ilmhan halkan jiifa ayeeyo ayaan u ahay waana agoon iyo rajo, waxaa ku dhacay cudur dhakhaatiirtii aaga aan ku noolnahay oo dhami ka noogeen ama ka daaleen waxaana la ii sheegay Inuu jiro dhakhtar weyn oo qaliinka qaabilsan waxaa la dhehaa Dr. Ishan balse wuu naga dheeryahay taag aan ugu tagona ma hayo. Marka ducada ayaan kaashadaa si ilaahay howshaas iigu fududeeyo.

Dr. Ishan wuu ilmeeyey wuxuuna yiri " Ducadaadii ayaa diyaarada kharibtay, roobkana soo fatahdey, si aan halkaan u imaado. Walaahi weligay ma rumaysan in eebbe sidaan oo kale adoomihiisa ugu soo hago waxey ku alle baryaan. Marka sababaha kaloo dhana la waayo midka waara oo aan dhammaan waa baryidda abuuraha cirka iyo dhulka. Halkaasna waxaa lagu daweeyey bukaankii yaraa.fadlan walaal hadaad akhrisay qisadan like saar soona qor mnsha Allah

(FADLAN WALAAL ADIGOO MAHADSAN SHARE DHEH SI AY DADKU UOGAADAAN FAA'IDADA IN ALLAH LABARYO)

Fadlan walaal lasoco qisooyin kale oo badan oo post yo cajiib ah.
Si aad uhesho qisooyin xiiso leh saar

17/04/2023

Sheekadii maryam qeybtii 1 aad

14/04/2023

Saakey Hooyadeed waxa ay suuqa ugu waday inay dharka ciida ugu soo iibiso si ay farxada ciida ula qeybsato caruurta kale balse nasiib darro waxa ay ku luntay suuqa Bakaaraha dhexdiisa. Waa shan sanno jir, numbar iyo hadal badan ma taqaano, saacadaan naxdin darteed in ay la ooynayso ayaa macquul ah.

Gabadhaan magaceeda waa Ilhaaan Cabdi Haadsame waa gabar yar ee maanta suuqa ku dhex luntay. Hooyadii dhashay iyadoo soomman afarta gees ee suuqa inay ka dhex raadinayso ayaa macquul ah laakiin adi hadaad u sii faafiso ama u share-gareyso si fudud inay u hesho ayaa macquul ah.

Ciddii aragtaa waxa ay kusoo hagaajin kartaa gabadhan numberkan 618680110 oo laga helo hooyadeed. Siina faafi

14/01/2023
18/11/2022

M.A Sheekheena Allha ku xfido

Want your practice to be the top-listed Dentist in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Videos (show all)

Sheekadii maryam qeybtii 1 aad
M.A Sheekheena Allha ku xfido

Category

Telephone

Address

Mogadishu