Culusow Networking
Profile: https://www.facebook.com/engmalinnet
The more you think about how little you understand, the more you realize how much there is to learn.
📌 Qeybaha Computer Networks?
Afar ka mid ah:
1. Local Area Network (LAN)
2. Wide Area Network (WAN)
3. Metropolitan Area Network (MAN)
4. Personal Area Network (PAN)
Culusow Networking Abdikarin Malin Somali Networking GMA Network Somali Programmers Somali Research & Education Network
📌 What is computer network?
_________________________________________________________.
Follow me: Abdikarin culusow
My Profile: Abdikarin Malin
♦️ What is sysadmin?
_________________________________________________________.
Follow me: Abdikarin culusow
My Profile: Abdikarin Malin
Balanteenu waa Twitter/ Space X
Abdikarin Malin (@Engabdikarin) / X I'm Somali🇸🇴
Ardayda maanta waa Hogaamiyayaasha mustaqbalka.
Madaxweyne👔
Dhaqaatiir🧑⚕️🥼
Ingineero👷
Garsooreyaal🧑⚖️
Soo qor magaca iskuulkii aad wax ku soo baratay.
https://twitter.com/Engabdikarin
Nagu soo biir oo Page-ka dheh 👍شكر لك
Wax walbo kugu dhici doono waa ay qoranyihiin, maahan inaad hadafkaaga u joojido shaki aad ka qabto inaad caqabad la kulmeyso, waa xaqiiq waad la kulmeysaa caqabado aan tirsi lahayn, haddii adan hureyn mahaan inay cabsi kugu beeranto, halkii aad ahaan lahayd, fadhiid aan waxbo qabsan noqo shaqsi maalaayiin jeer fashilma, inta aad isku dayga aad wado ma ahaan doontid shaqsi guul dareesta, waxaad guuldareysatay markaa aad joojido isku dayga, waxaad qof dhammeestiran noqoneysaa marka aad isu aragto shaqsi wax soo kordhin karra marka aad noqto nolosha ka adkaan karra.
In lagaa adkaado waa suuragal lakiin ha qaadan inaad is dhiibto. Hayaanka nolosha waxa uu ka bilowdaa hal tallaabo oo ay geesinimo ku dheehantahay aad qaado. Geesimada maahan inaa tahay dagaal yahan geesinimada dhabta waa inaadan noqon qof fashilka ka baqa.
Ma mudna inaad is daweyso marka xanuunka kugu dhoco waa inaad is daweysaa xanuunka ka hor si difaacaagu u xoognaado.
Marqudha haka libiqsan meesha aad usocoto.
Xusuusnow inaad tahay macdan aan weli la daah-furin. Mucjisooyin iyo cajaa’ib tiro beel ahbaa kugu keydsan. Fursado ka badan inta aad filaneyso ayay noloshu kuula diyaar tahay. Miyaan la gaadhin goortii aad baraarugi lahayd?
Noloshaan Aad arkeysaan waa xaalad cajiiba, waayo waxaad arkeysaa Adiga Oo isu maleeyo qof liita Hadan Aad arkeysaa mid kaa sii liita Wallaahi Noloshaani waa u sabar xaalad walba Oo ay ku galiso sabbto ah Allah ayaa ah Garabkaaga ah, hadii aan dareeno dhibaato yar waxaan bilownaa deyro,calaacal,iyo Adkeesi la,aan mana loo baahno taas Qadar walba oo kugu dhacdaa ku qanac ku farax markaa kheyr ayaa kuu danbeynaayo waadna libaaneysaa xaqiiqdii Allah Tala saaro
Aad iyo Aad ugu mahadsantahay aqrintaada.waxaan rajeynayaa in aad wax ka faa,iday
W/Q:https://twitter.com/Nuurulqalbi
Dabaylaha
Gayre :Waxay timaadaa xilliyada habeenkii ah
NEECAW:Waa hawada socota midda ugu yar.
HALEELO-WAD :Waa hawo macaan oo geelu sanka la raaco galbihii.
GALANGAL:Waa dabayl yar oo neecawda ka xoogan.
LAYR: xilliga xagaaga.
SAXANSOXO: Roobka ayay kasoo horeysaa
https://www.facebook.com/Abdikarin.culusow
😂😂😂😂
Meeshaan Xamar aa la dhahaa. Dadka laba laba telephone aa lawada wataa, laakin midna mala qabto nooh.
Perfume-ka iyo Saacadda adduunka ugu qaalisan waxaa ku arkeysaa magaaladaan. Raashinka nooca aad rabtid waad heleysaa Min Fuul illaa Carbonara.
Wadada Maka haddii aad KM4 ka biilowdid illaa iyo Buurka Sayidka waa sida adiga oo Gobolada Soomaaliya ku safraayo oo kale, lahjado iyo afaf kala duwan aad ugu tageysaa. Area kasto waa macruuf dadka lagu yaqaano, oo ay geed fadhiga u tahay.
Min dallaaliinta, illaa farsamayaqaanada Mukeefka baabuurta, Ardayda Jaamacadda iyo Jaadleyda. Hayat iyo Xaaji Baasto, Somnet illaa Mr. Furuto lahjadaha iyo dhaqanka waa sida adiga oo Ras Kamboni ka soo baxay oo Hiiraan lug ku tagay oo kale.
Akram iyo Late night markaad mareysid waxaad galeysaa Mudug, illaa aad Dayax iyo Wehliye ka gaartid oo aad Bari iyo Woqooyi ka tillaabtid. Markii aad Madaxtooyo aadid, waa sida adiga oo Maabka Soomaaliya dhanka qoortii todobada galay. Woqooyi aad dhex mushaaxeysaa illaa aad Hotel Sanaag ka tagtid.
Intaas waxaa mar kasto dhextaal u ah afafka Carabiga, Ingiriiska, iyo luqadaha Yurubta yaryar(Scandinavia). Qurbo-joogta waa bulsho kale.
Dadka waxaa ugu style qurxan kuwa local-ka. Waxaa ugu bakhiilsan diasporada. Waxaa ugu sabar badan local-ka, waxaa ugu xanaaq badan diasporada.
Qof kala jecel qabiilkaaga malahan meeshaan. Qabiil “Deal” la dhaho aa ka jiro magaalada. Kaasaa lagu mideysan yahay.
Dadka dhan isku lahjad waaye, laakin k**a dhigno in ay isku qabiil yihiin.
Guur ka waa sahlan yahay, gaabsigaa ka sii sahlan.
Hormud Anfac Barnaamij la dhaho ay leedahay, laakin Whatsup-kaa laga jecel yahay.
Labiska rasmiga ah ee wiilasha waa suud. Ka hiddaha iyo dhaqankana waa Qamiis, ama Macawiis.
Gabdhaha iyaga labiskooda rasmiga ah waa Dirac, kan hiddaha iyo dhaqankana waa cabaayad iyo Maask.
Kuwii xilalka haayay waa is qarinaayaan, kuwii aan xilalka hayninna waxaa loogu wacaa Agaasime, Ugaas, Taliye iwm.
90% Wasaaradaha, iyo Hay’adaha kale ee Dowladda ee loogu tala galay adeeg bixinta shacabka, sideedaba dhismaha iska daaye xitaa jidka ay ku yaalliin shacab maloo ogolo. Adeegga Wireless waaye aan is dhahay.
Qof kasto oo Laptop wato, oo Coffe Shop fadhiyo shaqo ma haayo. Qof kasto oo shaqo doon ahna shaqo kasto isk**a rabo.
Dadka kuwa faqriga ah waxay deggan yihiin guryo hawo leh, iftiin leh, playground, geed iyo open air space leh. Kuwa hodanka ahna waxay deggan yihiin guryo iyo musqulaha isku dhex yaallo. Blocks appartement la dhaho oo aan lahayn meel ay ilmaha ku ciyaaraan, hawo iyo iftiin midna.
Doogga kaliya ay arkaan waa roog caws fake ah. Saxaradooda booyadaa qaaddo, dariskoodana isma arkaan.
1% ugu hodansan magaalada waxa my ku nool yihiin afar deebi oo aan hawo, iyo iftiin dabiici ah aan lahayn. Daris malahan, askar ayaana ku hareersan. Xabsi ma ahan waxaan tilmaanaayo. Waa guryo run ah.
Haddii aad taqaanid qof qof yaqaano qof uu yaqaano qof uu sii yaqaano, waxaa laga yaabaa in albaabo badan laguu furo. Laakin haddii aad taqaanid qofkii saxda ahaa, albaab iska daaye xitaa qalbiyadaa laguu furaayaa.
Check Point, Saf dhaqtar, Saf Tima Jare, Waiter, illaa Interview shaqo iyo short list waxaa fududeeyo Hal password. Waxaa la dhahaa “*712*06 Furaha meeqo waaye”.
Ragga iyo Dumarka madowgaa la ammaanaa, caddaantaase la raadiyaa. Hufnaantaa laga hadlaa, musuqmaasuqaa la quutaa.
Dukaan yar haddaa fureesid oo lagu iibiyo alaab china laga keenay, ama Biibito macmacaan lagu gado Mediaha aad ballansaneysaa si waxqabdka aad “Dalka” ku soo kordhisay loo arko.
Wadada ugu fudud ee mushkilad lagu xalliyo waa mushkilad kale abuuristeeda. Tuugaa timaaday, Bajaajta Habeenki hala joojiyo si dadkii ay dhici lahaayeen iyo tuugada loo kala badbaadiyo.
Bilicda magaalada waxaa culees ku ah guryo ay dowladda leedahay oo burbursan, iyo laamiyo ay biyo dac fadhiyaan. Si loo xalliyo lo’da hala bireeyo.
Jaamka aa soo batay sababtoo ah 70% wadooyinka magaalada waa xiran yihiin, maxaa xal ah ? Bajaajta hala joojiyo.
Askartii Bajaajlayaasha way dileysaa maxaa laga sameeyaa? Bajaajta keenisteeda hala joojiyo.
Fariin Muhiim ah
Wiil: Aabe, Shaqada ha aadin maalin kasta. Waqti ila qaado aniga
Aabe: Wiilkeygi qaaliga ah, haddii aanan shaqada aadin maalin kasta, yaa kuu soo iibinaya alaabo aad ku ciyaarto?
Wiilkiisi: Ha aadin maalin kasta laakiin aad Jimce ka Jimce
Aabe: Wiilkeygi, haddii aan shaqada aado keliya maalmaha Jimcaha ah, way iga ceyrinayaan shaqada
Wiilkiisi: Laakiin Aabe, waxaad aadaa Musaajidka keliya maalinta Jimcaha!! Alle miyuu ku ceyriyay weligiis?
Aabihi wuxuu la ooyay isagoo aad uga naxay hadalkaa, una qoomameynaya.
Caruurtu aad bay u fahan iyo garasho fiican yihiin. Waalidku wuxuu u yahay tusaale.
Caruurtu la joogida ayay ka jecel yihiin hadiyad iyo alaabo loo soo iibiyo.
Salaadu waa camalka koowaad ee qofka Muslinka ah laga rabo. Waajibka santa Salaadood gudo maalin kasta, Shaqeyso, waqti fiicana la qaado Qoyskaaga.
XIGASHO: https://t.me/XikmadoSom
Xidhiidhka wanaagsani waa buundada u dhaxaysa jaahwareerka iyo caddaynta.
Abdikarin culusow
Abdikarin Ismail Ali🙏🙏🙏🙏
Hadda wala gaaray waqtigaagii, fadhiga ka kac oo haddaba bilaaw wixii mustaqbalkaaga qurxin lahaa oo qofka aad hadda tahy kaa bedeli lahaa.
Madaxweyne Xasan Sheekh, Waxaan ku dhownahay bar dhammaadka barnaamijka deyn cafinta, waxaan awood u yeelaneynaa in aan helno dhaqaale aan ku maalgashanno mashaariic ku kacaysa Balaayiin doolar oo waxtar u leh dalkeenna."
Maxk**adaynta Kumaandoos oo ahaa Bajaajle ku dhaawacmay Qarax uu waday
Waxa aad maanta samayso berito ayay kugu soo noqonaysaa ee wanaag mooyee wax kale ha samayn
Shaarica waxaa sharaf ka leh ninkii Shabaab soo dila - dhiiranayaasha dhulka HirShabeelle ayaa shilimaad lagu siinayaa soo goynta surka kuwii nolosha ku ciqaabi jiray.
7-da dhakhtar ee ugu wanaagsan uguna jaban adduunka:
Ma Tukatid?
Makaa dhab Baah Maadan Tukan!!!
Sidee U Tukan Weyday🤒.
Ma wixii Ugu dambeeyey Aad sameysid Ma waxa uu ahaa Inaad Ka Tagtay Salaadii.
Wlhi Garan maayoh Sida aad Ugu Noolaan lahayd noloshaan Salaad La,aan .
Yacnii subxanallah Salaada Intee kugu Qaadataaah Ma 5 daqiiqo mise 10 daqiiqo,
10 salaadood immisa Waqti Ay kaga qaadan 10×5:50daqiiiqo Walaal Macaan 50 daqiiqo Hal Maalin Aadna Heysatid Wax Ka Badan 23 Sacadood lakiin 50 daqiiiqo Ayaad U weeyday alle Swt😪 Isku Xishoood Kac Tuko Kac Hadda Tuko ,
I Maqal Bal Xadiiskaan Ila dhageyso ;
Nabi Mohammed Scw wuxuu Yiri "Salaada Waxeey Reebtaaa munkarka Iyo Xumaanta".
Waxaa La mid Ah Qofkaas Salaada Ka Taga Qofka Tukada Hadana salaadiisa Aysan Ka Reebim Xumaanta ,Salaada waa astaanta Muujineysa Qofka toosnaantiisa Iyo Dadnimadiiisa ,Maxaa Yeelay Salaadu Waa Xariiir Qofka Ku Xireysa Allahiisa .
Qofka Alle Xariir Wanaagsan La lehna Wuu ka Dhowrsanaya Falalka Xun Xun Ee Dadka Ku Xambaara Xumaanta Iyo Danbiyada ,Dhaawacaya sharafta Qofka .
Kac Tuko Walaaal ,Adna Kaaga tukadooow Salaadaaada Hadii Aysan xumaanta kaa Reebin Taasi Salaad Maheee Ilaahay Baad Kaga FogaaTay .
Gabar ayaa sawirkan hoose soo dhigtay Twitterka waxayna cinwaan uga dhigtay:
Labadaan oday waa isku da' laakiin mid ayaa is-dhiibay oo nolosha ka quustay!
Wiil ayaa comment ahaan ugu jawaabay oo yiri:
"Haddaad meel iska fadhiisato adigoo jawi macaan ku qaadanaya xeebta, mid baa intuu sawir kaa qaado oo Twitterka dhigo ku soo qoraayo nolosha ayuu ka quustay!"
Uma Baahnid In Aad Noloshaada Inta Ka Hadhay Ku Dhamaysato Daalka Shaqada, Oo Aad Sugto Sabtida Iyo Axada Ilaa Khamiis, Oo Aanad Awoodin In Aad Iska Bixiso Waxyaabaha Aad U Baahan Tahay Bil Kasta. Taas Beddelkeeda Waxaan Haysanaa Doorashooyin Caqli-Gal Ah Oo Aan Hadda Sameyn Karno Si Aan Nafteena Ugu Diyaargarowno Waqtiyada Dambe, Laakiin Tani Waxay Ka Dhigan Tahay Inaan Waxyaabo Adag Sameyno Maanta.
Dadka Badankoodu Waxay Leeyihiin Aragti Lacageed Oo Aad U Gaaban, Haddii Aad Diyaar U Tahay Inaad Balaadhiso Aragtidaas, Waxaad Samayn Doontaa Doorashooyin Wanaagsan Oo Noloshaada Horumarin Doona.
Waana Kuwan Laba Ka Mid Ah Xulashooyinkaas Oo Aan U Maleynayo Inay Ka Mid Yihiin Sababaha Ugu Muhiimsan Ee Dadka Qaarkiis Ay Ku Helaan Lacag Ka Badan Kuwa Kale:
1. Ku Dadaal Inaad Noqoto Kan Ugu Fiican:
Waxaa Jira Farqi Weyn Oo U Dhexeeya Dakhliga U Dhexeeya Dadka Ugu Waxqabadka Sarreeya Iyo Kuwa Loo Arko, Tusaale Ahaan, Waxaa Jira Kumanaan Qof Oo Jecel Inay Ciyaaraan Kubbadda Koleyga, Laakiin Waxaa Jira Tiro Yar Oo Geli Kara NBA-Da Oo Heli Kara Mushahar Badan. Dadka Leh Wax Qabad Heer Sare Ah Oo Goob Kasta Ah Waxay Had Iyo Jeer Kasbadaan Wax Ka Badan Kuwa Kale, Tanina Waa Wax Iska Cad, Laakiin Ogaanshaha Sida Loo Noqdo Wax Qabad Sare Ma Cadda.
Qoraaga Maraykanka Ah Ee Seth Godin Waxa Uu Buugiisa Ciwaankiisu Yahay “The Dip” Ku Yidhi: “Sababta Ay Dadka Badankiisu U Guul Darraystaan Waa In Marka Ay Arrimuhu Adkaadaan Inta Badan Ay Dib Uga Noqdaan, Dhibaataduna Waxa Weeye In Guushu Ay Timaaddo Marka Ay Arrimuhu Adkaadaan Ka Dib.
Maxay La Macno Tahay In La Noqdo Kan Ugu Fiican?
Aynu Nidhaahno Waxaad Raadinaysaa Naqshadeeye Si Uu Kaaga Caawiyo Abuurista Summadaada Ganacsi Ah, Naqshadeeyaha “Ugu Fiican” “Adduunkaada” Wuxuu Noqonayaa Qof Qaabkiisu Ku Habboon Yahay Aragtidaada, Ku Habboon Habkaaga Shaqo, Oo Samayn Kara Wax Kasta Oo Aad U Baahan, Kharash Ahaana Aad Awoodid.
Hadafkeenu, Waa Inaan U Noqono Kuwa Ugu Fiican Dadka Aan La Macaamiloonayno (La Falgalno).
2. Si Xikmad Leh U Dooro Fursadahaaga:
Dhammaanteen Waxaan Leenahay Waqti Iyo Tamar Xaddidan, Mana Dhihi Karno “Haa” Fursad Kasta Oo Ina Soo Food Saarta. Taas Si Fudud Ayaa Loo Fahmi Karaa Aragti Ahaan, Laakiin Way Adag Tahay In Lagu Dhaqmo Adduunyo Ay Ka Buuxaan Waxyaabo Badan Oo Carqaladeyn Iyo Fursado Ah.
Waxaa Laga Yaabaa Inaad U Malaynayso Inay Jiraan Wax Badan Oo La Qaban Karo, Waana Inaad Tidhaahdaa Haa Intii Aad Awooddo, Laakiin Uma Maleynayo; Sababtoo Ah Si Fudud Ayaad U Mashquulin Kartaa, Waxaana Laga Yaabaa In Tani Ay Ku Dhacdo Ganacsato Badan, Maadaama Ay Waqti Badan Iyo Dadaal Badan Ku Bixiyaan Waxyaabaha Khaldan, Taas Oo Inta Badan Keenta Guul Darro. Mid Ka Mid Ah Daraasadaha La Sameeyay Ayaa Lagu Sheegay In Sababaha Ay Shirkaduhu U Fashilmaan Ay Tahay In Ay Sameeyaan (Curiyaan) Badeecad Ama Adeeg Aanuu Suuqu U Baahnayn, Bal Qiyaas In Aad Lacagtaas, Wakhtigaas Iyo Rajadaas Aad Geliso Wax Aanu Qofna Runtii U Baahnayn.
Ugu Danbayntii
Haddii Aad Rabto Inaad Hesho Lacag Badan, Uma Baahnid Inaad Sugto Wakhti Ku Habboon, Maantaba Waad Bilaabi Kartaa Tallaabadaada Ugu Horreysa, Ee Ku Aadan Mashruucaaga Ama Wax Barashadaada.
Dhisida Ganacsi Dakhli Badan Kaa Soo Gala, Ama Meherad Aad Ku Raaxaysato, Waxay Qaadan Kartaa Wakhti, Dhammaan Dadku Waxay Rabaan Inay Lacag Badan Ku Helaan Wax-Qabad Ama Dadaal Yar, Tanina Waa Sababta Ay Ugu Adag Tahay In Tan La Gaaro.
Abdikarin Ismail Ali
Waa Maxay Soft Skills?
Soft Skills Ayaa Door Muhiim Ah U Leh Loo-Shaqeeyayaasha Badankood, Maadaama Ku Dhawaad Shaqo Kasta Ay U Baahan Tahay Shaqaale Leh Soft Skills (Xirfadaha Jilicsan).
Soft Skills Ayaa Si Gaar Ah Muhiim Ugu Ah Shaqooyinka Ku Saleysan Macaamiisha, Maadaama Shaqaalahani Ay Si Toos Ah Ula Xiriiraan Macaamiisha.
Xataa Haddii Aanad Ku Jirin Doorka Macmiilka, Waa Inaad Awood U Yeelatid Inaad La Heshid La-Shaqeeyayaasha, Maamulayaasha, Iibiyeyaasha, Iyo Dadka Kale Ee Aad La Macaamilayso Shaqada.
Maqaalkan, Waxaynu Ka Hadlaynaa -Eebe Idamkii- Waxa Ay Yihiin Soft Skills (Xirfadaha Jilicsan) Iyo Noocyadiisa Kala Duwan.
Waa Maxay Soft Skills?
Maxaa Loola Jeedaa Soft Skills:
Soft Skills Ama Af Soomaali Ahaan Ku Noqonaysa Xirfadaha Jilicsan Waa Xirfado Aan Farsamo Ahayn Oo La Xidhiidha Habka Aad U Fuliso Shaqadaada, Una Dhamaystirto Mashaariicdaada, Gaar Ahaan Dhanka Shaqada.
Soft Skills Waa Xirfadaha Ugu Sarreeya Ee Loo-Shaqeeyayaashu Ay Ka Eegaan Qofka Shaqo Doonka Ah, Marka Ay Shaqaalaysiinayaan, Sababtoo Ah Waa Xirfado Muhiim U Ah Ku Dhawaad Shaqo Kasta. Saan Horeba U Sheegnay.
Waa Maxay Noocyada Soft Skills?
Halkan Waxaa Ah Liis Ka Kooban 7-Da Soft Skills Ee Ugu Muhiimsan Uguna Baahida Badan Dhanka Suuqa Shaqada:
1. Maareynta Wakhtiga
Maareynta Wakhtigu Waxay Ku Lug Leedahay Inaad Si Xikmad Leh Uga Faa’iidaysato Wakhtigaaga.
Waa Kuwan Qaar Ka Mid Ah Xirfadaha La Xiriira Maareynta Wakhtiga:
•
o
Maareynta Cadaadiska
Isku-Dubaridka
Mudnaansiinta
Qorshaynta
Dejinta Yoolalka
2. Isgaarsiinta
Isgaadhsiintu Waa Awood Si Wax Ku Ool Ah Loo Gudbiyo Ama Loo Wadaago Fikradaha Iyo Dareenka, Waana Mid Ka Mid Ah Xirfadaha Ugu Sarreeya Ee Looga Baahan Yahay Shaqaalaha Guud Ahaan.
Waa Kuwan Qaar Ka Mid Ah Xirfadaha La Xiriira Isgaarsiinta:
•
o
Isgaarsiinta Afeeneed
Isgaarsiinta Qoraaleed
Soo Jeedinta Iyo Bandhiga
Falcelinta
Dhegeysiga Firfircoon
3. La Qabsiga
La Qabsigaagu Wuxuu Muujinayaa Sida Ugu Wanaagsan Ee Aad Ula Qabsan Karto Oo Aad Ula Tacaali Karto Isbadalada Agtaada Ka Dhacaya Ama Si Guud U Dhacaya.
Waa Kuwan Qaar Ka Mid Ah Xirfadaha La Xiriira La Qabsiga:
•
o
Is-Maamulidda
Yididiilada
Deganaanta
Falanqaynta
4. Xalinta Dhibaatada
Ma Jirto Shaqo Adduunka Ka Jirta Oo Aan Lahayn Wax Dhibaato Ah. Tani Waa Sababta Xalinta Mashaakilaadka Hal-Abuurka Ahi Ay Had Iyo Jeer Ugu Baahan Yihiin Loo-Shaqeeyayaashu.
Waa Kuwan Qaar Ka Mid Ah Xirfadaha La Xiriira Xallinta Dhibaatada:
•
o
Falanqaynta
Fikirka Macquulka Ah
Maskax Rogida
Go’aan Qaadashada
5. Wada Shaqaynta
Wada Shaqayntu Weligeed Waxay Ka Mid Ahaan Doontaa Xirfadaha Ugu Muhiimsan. Waxayna Kaa Caawinayaa Inaad Si Hufan Ula Shaqeyso Kooxda Aad Wada Shaqaynaysaan.
Waa Kuwan Qaar Ka Mid Ah Xirfadaha La Xiriira Wada Shaqaynta:
•
o
Maareynta Iyo Xallinta Khilaafaadka
Is-Kaashiga
Isu-Duwidda
Is-Dhaafsiga Fikradaha
Dhexdhexaadinta
6. La Dhaqanka Dadka
La Dhaqanka Dadka Dhexdooda Waxay Dhamaantood Ku Saabsiisan Yihiin Sida Wanaagsan Ee Aad Ula Falgasho Dadka, Oo Aad U Yeelato Aragti Wanaagsan.
Waa Kuwan Qaar Ka Mid Ah Xirfadaha La Xiriira La Dhaqanka Dadka
•
o
Naxariista
Kaftanka
Dulqaadashada
Diblomaasiyadda
7. Anshaxa Shaqada
Anshaxa Shaqadu Waxa Uu Ku Saabsiisan Tahay Qiimaynta Shaqada Iyo Samaynta Dadaalo, Si Loo Gaaro Natiijooyin Wax Ku Ool Ah. Waa Xirfad Jilicsan Oo Loo-Shaqeeyayaashu Ay Ku Qadarin Doonaan Macno Ahaan Shaqo Kasta Oo Aad Codsan Doonto.
Waa Kuwan Qaar Ka Mid Ah Xirfadaha La Xiriira Anshaxa Shaqada
•
o
Masuuliyadda
Akhlaaqadda
Joogtaynta
Sida uu sheegay Daaciga Dr. Faysal Al-Hashimi 558 qof ayaa durba kusoo islaamtay dalka Qatar iyadoo caawa 7:00 fidnimo uu bilaaban doono World Cup 2022-da.
Waa intaasoo Dr. Zakir Naik usii dhimanyahay.
waa arin muslimka ku farxo❤️
Xigasho: Onkod
WAXTARKA HURDADA🫀
1.DIFAACA JIRKA: Qofku markuu seexdo hurdo ku filan waxaa kordha awooda difaaca jirka ee uu kaga hortagayo cuddurada ay keenaan Baakteeriyada iyo firusyada.
2.TAYADA CAQLIGA: Marka qofku seexdo waxay culumada sayniska hurdadu isku raaceen in weli maskaxdu shaqaynayso oo ay ku mashquusho kaydinta iyo isku aadinta xirfadihii iyo waaya-aragnimadii maanta qofku soo kororsasday. hurdo ku filan waxay qofka siisaa xasuustiisa oo kororta halka hurdo la’aantu la timaado ilowsho badan.
3.KA HORTAGA CAYILKA : Cilmi-baaris dhawaan la sameeyay waxaa lagu ogaaday inay isku xiran yihiin hurdo la’aanta iyo ciyilka saa’idka ah ee aan la dhimi karin.
4. CUSBOONAANTA MASKAXDA: Ka soo qaad inaad maanta oo dhan aad shaqaynaysay, waxaad ka daashay murqihii iyo maskaxdiiba. Maskaxda iyo jirkuba waxay u baahan yihiin nasiino. Haddii Nasiino la waayo waxaa imaada daal murqaha jirka iyo maskaxda oo lulmoota. sidaas awgeed maskixiyan qofku ma cusba oo ma faraxsanaanayo. Waxaa qofka ku dhaca welwel iyo xanaaq iyo dabeecad kulayl.
5. CAAFIMAAD-DARO: Qofku marka uusan seexan waqti ku filan wuxuu u nuglaadaa inay ku dhacaan xaaladaha dhiigkarka, kaadi-macaanta, qulubka, welwelka iyo cayil saa’id ah.
6. KORRIINKA: Carruurtu caadiyan waxaa nudayaasha jirkoodu koraa xilliga habeenkii ah oo murqaha iyo maskaxduba nasanayaan. Sidaas awgeed, carruurta aan habeenkii seexan ama qaba cuddurada hurdada carruurta u diida sida caburka iyo neef-qabatinka waxay u nugul yihiin inaysan si fiican u korin.
WAXYAALAHA HURDADA CARQALADEEYA
Shaaha, kafeega, maandooriyasha Sida Qamrada iyo qaadka ayaa ah waxyaalaha ugu waawayn ee dadka ka hor-istaaga inay hurdo ku filan seexdaan. sidoo kale, waxaa jira noocyo daawooyin ah oo bukaanka marka loo qoro ku keena hurdo la’aan.
Abdikarin Ismail Ali
Xusuus-qorku waa diiwaan qoraal ama maqal maqal ah oo leh qoraallo gaar ah oo habaysan oo taariikhda laga soo sheegayo wixii dhacay maalin ama muddo kale. Xusuus qorka dhaqan ahaan gacan ayaa lagu qori jiray laakiin hadda sidoo kale inta badan waa dhijitaal.
Abdikarin Ismail Ali
Wa Wiil Yar Oo Ka Shaqenaya Bir🙏🤲😪😪
Muuqalkan dhameyso pl
Like and share thnks
Muuqaalada Internetka ku jira kuwa ugu cajiibsan waxaa kamid ah midkaan.
Waa Sheekh Magaciisu yahay Shaykh Asrar Rashid.
Wuxuu joogay Ingiriiska, wuxuuna dood kula jiray qolo Baadariyiin ah, doodana waxay ka dheceysay Jaamacadda Manchester.
Waxaa lagu xujeystay inuu Sunta Dooliga (Jiirka) cabo, haddii uu hadalka Rasuulka Muxamed SCW aaminsan yahay, kaasoo micno ahaan ah in qofka aysan maalintaasi sun iyo sixir waxba ka tareynin haddii uu Subixii 7 xabo oo timir ah cuno.
Waxay ku xujeeyeen inuu xadiiskaas xaqiijiyo, sun caadi ah oo tan jiirka ahna cabo.
Wuu cabay suntii, illaa iyo maanta oo dhacdadaas waqti laga joogana Sheekha waxba ma aysan gaarin.
Kawaran Iimaankaasi awoodda badan?
Masha Allah, Xaqa Allaha nagu sugo.
Fiiro gaar ah: Arrintaan oo kale tijaabiya k**a wado, mana idin dhihin, balse cibro qaadasho ahaan ayaan dhacdadaan usoo qaadanay.
Abdikarin culusow and Abdikarin Ilow
Like and share thnks
Dhibatada Talefonka Gacanta Uu leyahay📸👇👇👇👇👇👇👇
Like and share thnks😎
TAARIIKHDA SAXDA AH EE MO FAARAX🇸🇴
Warbixin Safarki Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamud Ee Turkiga🇹🇷🇸🇴
Suradan hadad biyahan ku aqriso............................................🤲
Nagu soo biir oo 👍
👍
Hooyo Macan🥰❣️🥺 Hal fariin ureeb🧷🖊️🖋️
👍✔️🙏
Xaramka - Makka Mukarrama❣️
Ku sali Xabibkeena Muxamad Bin Cabdulaahi
{SCW} { SCW} {SCW} {SCW} {SCW} {SCW}
Mahdsanid🥺❣️
Salaada Ciida iyo Masjidka Al-Aqsa😍😘
🙏
Salaada Ciida iyo Xaramka😍😘
🙏
Jama masjid, Delhi, India
Muslimiinta🥰❣️
,share&Coment✔️
Dheh alhamdulilah🤲
Ku sali xabibkena/rasuulkeena MOHAMED BIN CABDILAAH {Scw,Scw,Scw}
Dhagaxa madow🕳️
حجر الاسود 👌👈
🙏
Sii Share garey
Hadalkayga ugu dambeya 🖐
Click here to claim your Sponsored Listing.
Videos (show all)
Contact the business
Website
Address
Mogadishu
252
Hodan
Mogadishu
I am a creative Logo & Graphic Designer with more than many years of experience. I will make professi