NABAD IYO NOLOL

kusoo dhawaaw muwaadin

Photos from NABAD IYO NOLOL's post 23/06/2022

Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo caawa i soo booqday waxaan ugu hambalyeeyey xilka loo magacaabay, aniga oo Alle uga rajeeynaya in uu u fududeeyo gudashada waajibaadka horyaalla.

Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay si dhow ula shaqeeyaan dowladdooda, si loo sii amba-qaado dowlad-dhiska iyo horumarka dalkeenna.

MD:Mohamed Abdullahi Farmaajo

08/06/2022

Waraysi taliyihii h**e ee NISA fahad yaasiin

Gaylan Media

11/05/2022

Rajada Shacabka Markale soo laabo madaxweeyne

07/05/2022

Inta muuqatee
Madaxweyne raba
Wuu u mudan yahee
Ugu dara mar kale

06/05/2022

ISBEDDEL DOONKA SOCDA ee uu Hoggaaminayo Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu dalka u horseedayaa adkaynta hay’adaha Dawladda, xoojinta amniga, dib-u-habaynta dhaqaalaha, taabbogelinta siyaasadaha arrimaha dibadda iyo gudaha, iyo horumarinta arrimaha bulshada iyo adeegyada dadweynaha. 4-ta sano ee soo socota ISBEDDEL DOONKA SOCDA wuxuu dalka gaarsiinayaa horumar ballaaran oo dalka oo dhan ka hirgala.

Haddii Isbaddalku noqdo qof in lagu baddalo qof iyadoo aan tixgelin la siinin waxqabadka uu la iman karo, waxaa ka dhalanaysa inay habacsanaan ku timaaddo dadaalkii joogtada ahaa ee la galiyay 5tii sano ee lasoo dhaafay dhismaha qaran Soomaaliyeed oo cagabiisa isku taaga.

12/04/2022

MD Farmaajo 12april

21/02/2022

Fahad yasiin haji dahir ❤

11/02/2022

Gudoomiye Basma Caamir Jaketti

Photos from NABAD IYO NOLOL's post 05/02/2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qayb galay Meertada 35-aad ee Shir Madexeedka Midowga Afrika oo maanta ka furmay Xarunta Midowga Afrika ee Magaalada Addis Ababa. Shirka waxaa ka qayb galaya Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika, Madax ka socota ururrada iyo hay’adaha caalamiga ah, iyo korjoogto kale.

Shirka oo ilaa berri sii socon doona, waxa Madaxweynaha iyo Wafdigiisu ay ku soo bandhigi doonaan halkaas, aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan mustaqbalka Qaaradda Afrika iyo dadaalada Soomaaliya ee ku wajahan la dagaallanka argagixisada, ka soo kabashada saamaynta COVID-19, wax ka qabashada fatahaadaha, ka gaashaamashada abaaraha iyo la dagaallanka ayaxa, kuwaas oo ah khataro ay wajahayso Qaaradda Afrika.

Photos from NABAD IYO NOLOL's post 04/02/2022

Xaflad lugu tageerayay Madaxweyne Farmaajo Oo ka dhacday Mogdiaho

Photos from NABAD IYO NOLOL's post 04/02/2022

MADAXWEYNE FARMAAJO IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY DALKA ITOOBIYA

Addis Ababa, Febraayo 04, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa, isaga oo halkaas kaga qayb galaya meertada 35-aad ee Shirweynaha Ururka Midowga Afrika.

Shirweynahan oo ay ka qayb galayaan Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika iyo madax kale, ayaa looga arrinsanayaa dib-u-habaynta Ururka Midowga Afrika, hirgelinta hiigsiga Ururka ee sannadda 2063 iyo wax ka qabashada caqabaha kala duwan ee ay qaaraddu wajahayso oo ay ugu horreeyaan rabshadaha, saboolnimada, cunno yarida iyo cudurka COVID-19.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa soo bandhigi doona aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan mustaqbalka Qaaradda Afrika iyo dadaalada Soomaaliya ee ku wajahan la dagaallanka argagixisada, ka soo kabashada saamaynta COVID-19, wax ka qabashada fatahaadaha, ka gaashaamashada abaaraha iyo la dagaallanka ayaxa, kuwaas oo ah khataro ay wajahayso Qaaradda Afrika.

Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Addis Ababa, waxa ay kulan doceedyo la yeelan doonaan Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika iyo madaxda kale ka ee ka soo qayb galaysa Shirweynahan Midowga Afrika.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa waxaa halkaas soo dhoweyn heerkeedu sarreeyo ugu sameeyey Wasiiro kala Duwan oo ka tirsan Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed Safiirkeenna inoo jooga dalka Itoobiya Danjire Abdilahi Ahmed Jamac.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

E-mail: [email protected]
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter:

04/02/2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u amba-baxay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya oo uu kaga qayb galayo meertada 35-aad ee Shirweynaha Ururka Midowga Afrika.

Shirweynahan oo ay ka qayb galayaan Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika iyo madax kale, ayaa looga arrinsanayaa dib-u-habaynta Ururka Midowga Afrika, hirgelinta hiigsiga Ururka ee sannadda 2063 iyo wax ka qabashada caqabaha kala duwan ee ay Qaaraddu wajahayso oo ay ugu horreeyaan rabshadaha, saboolnimada, cunno yarida iyo cudurka COVID-19.

25/01/2022

Feb-2017 ilaa Jan-2022, 5 sano oo xariir ah, Dawladda Soomaaliya ee hada joogtaa, Mushahaaradka shaqaalaha rayidka ah iyo Ciidamada wey bixisay, Beyle sida uu sheegay maanta wuxuu cadeeyey in ay 25-ka bisha baxshaan, qof kasta Tirsi Xisaabeedkiisa ugu diraan.

Dawladdihii ka h**eeyey Dawladdan, Mida ugu yareyd 10 bilood oo Mushahaar ciidan iyo Shaqaale ah ayay la dhacday, oo aan dib laysku weydiinin.

Wasiirka Amniga ee hadda Cabdullaahi Maxamed Nuur, xiliga uu muuqaalkan lahaa waa kahor 2019-kii, waxaana hadda muuqata in uu hadda wasiir mushahaari ah yahay! Kahorna Xildhibaan 5 sano ah uu dhinac kale Mushahaarkiisa helayo

25/01/2022

Waxaan halkaan hambalyo ugu dirayaa xildhibaan Sen. Ayub Ismail Yusuf alah kula garab galo mudane shaqada luguu igmaday

Photos from NABAD IYO NOLOL's post 25/01/2022

DEGDEG- Labo Xildhibaan O Garabtaagan Madaxweyne Farmaajo ah ba kasoo Baxay Xildhibaanadi Waqooyi maanta.

NABAD IYO NOLOL

Photos from NABAD IYO NOLOL's post 19/01/2022

MADAXWEYNE FARMAAJO OO WARQADAHA AQOONSIGA DANJIRENIMO KA GUDDOOMAY SAFIIRKA CUSUB EE BOQORTOOYADA SACUUDIGA

Muqdisho, Jannaayo 19, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa Munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo Safiirka Cusub ee Boqortooyada Sacuudiga Mudane Axmed Bin Maxamed Al-Mowallad.

Danjire Axmed Bin Maxamed ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda soo gaarsiyey salaan iyo farriin muujineysa ixtiraamka qarannimada iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taas oo uu ka siday Boqorka Boqortooyada aan walaalaha nahay ee Sacuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdulcasis.

Sidoo kale, Danjiraha Boqortooyada ayaa soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal, isaga oo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee lagu qaabillay.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey Danjire Axmed Bin Maxamed xilka safiirnimo ee loo igmaday, waxa uuna u rajeeyey in uu ku guuleysto matelaadda dalkiisa, doorna uu ka qaato xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah.

Munaasabaddan uu Madaxweynuhu kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga safiirnimo Danjire Axmed Bin Maxamed, waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Maxamed Cabdullaahi Ciise iyo Agaasimaha Arrimaha Carabta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Mustafa Aadam Dagaal.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

E-mail: [email protected]
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter:

15/01/2022

Cabdinaasir "Madaxweyne Farmaajo waxa uu kaga duwanaaday madaxda kale fahamka uu ka haystay Dowladnimada iyo Hogaaminta Tolmoon"

12/01/2022

Khanaaskii h**e xasan sheikh sidu Uhuru uraali galin lahaa darteed shacabka somaliyeed u gafay

12/01/2022

Mid ka mid ah dhalinyaradii dowlada dib ugu soo celisay dalka ayagoo maxaabiis ku ahaa Libya

Photos from NABAD IYO NOLOL's post 12/01/2022

Dowladda Somaliya ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay Boqolaal Dhalinyaro oo ku xirnaa xabsiyada Libya.

Dhalinyarada qaarkood ayaa ilmo iscelin waayay, iyagoo sheegay inaysan rumeysan karin in dalkooda kusoo noqdeen.

Taasi ayaa timi ka dib kulan ku dhexmaray dalka Turki farmaajo iyo madaxweyaha libiya,

Dowladdan ayaa dowladihii kale ee soo maray dalka kaga duwan inay dhalinyaro badan dib usoo celisay, kuwaas oo nolol iyo geeri u dhaxeeyay.

11/01/2022

Qudbadii Madaxweyne Farmaajo Ee xalay waxa Ka Fahmay Marnaba Manaan aqbalin in duruufaha nagu xeeran awgood nalooga faa’iideysto oo la isku dayo in go’aamadeenna gacanteenna lagala baxo iyo hantida Qaranka In Lagu Tagrifalo Ana Cidna laga Ogolahen

06/01/2022

Ccw inuunan fiyooweyn awalba waan ogeeyn balse runta baa looshegay 😅

30/12/2021

Hooyo Somaliyeed hadaan Aaan awoodi lahaa 10 sano ugu dari lahaa Madaxweeyne Farmaajo

29/12/2021

Ra'isalwasaare ku xigeenkii h**e ee Soomaaliya, wiilka Madaxweynaha Dowladii Soomaaliyeed ee Salbalaar Mudane Xuseen Maxamed Faarax Caydiid oo Waayo-Aragnimo hadlaya ayaa sharaxay qaladaadka siyaasiga ah ee sababay in Madaxweynuhu shaqada ka fadhiisiyo Maxamed Xuseen Rooble.

29/12/2021

Hooyo somaliyeed Oo ruunta u sheegtay R/wasarihii h**e rooble

25/12/2021

DEG DEG:- Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi farmaajo ayaa darajadda Generaal u dalacsiiye Saraakiil uu Hogaaminayo Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Gen Farxaan Maxamud aadan.

Sidoo kale Saraakiisha La dalacsiiye waxaa ku jira Taliyaha Hogaanka Isgaarsiinta iyo Taliyaha Dugsiga Tababarka ee Generaal kaahiye.

25/12/2021

Madaxweeyne farmaajo ma jeceshahay inuu markale soo laabto

17/12/2021

Madaxweeyne farmaajo

16/12/2021

Madaxweyne Farmaajo oo u safray dalka Turkiga. Wuxuu halkaasj kaga qaybgalayaa shirka iskaashiga Turkiga iyo Afrika. Sida ay sheegtay Villa Somalia.

Photos from NABAD IYO NOLOL's post 16/12/2021

Kani waa sadiiq oo ku nool Magalada Muqdisho wuxuu Habeen walbo saqda dhexe u soo kacaa Salaad leyl isagoo Madaxweyne ugu duceynaya inuu soo laabto markale ..

Wuxuu allah ka baryaa in uu Mar labaad dalka Hogaamintiisa u dhiibo Eebe Madaxweyne Farmaajo isagoo sh*ta Foox iyo waxyaabo kale

Sadiiq intaas kuma ekee wuxuu tagaa Dugsiyada quraanka isagoona ka farxiya Caruurta si ay ugu duceeyan soo labashada Farmaajo

Qolka uu ku tukado waxaa ka muuqda sawirada madaxweynaha wuxuuna shegay in allah u soo diray farmajo dalkan si uu dhibatada uga saaro.

Wuxuun kalo sheegay Sadiq isagoo ilmeynaya in uusan arkin Madaxweyne ka Dacaadsan Farmaajo.

FOLLOW THIS PAGE

16/12/2021

Mohamed Abdullahi Farmaajo Danta Dalka dadka diinta ❤

14/10/2021

MADAXWEYNE FARMAAJO “WAA MAALIN QOF KASTA OO SOOMAALIYEED UU XASUUSAN YAHAY DAREENKA MURUGADA LEH EE QARAXII 14-KA OKTOOBAR”

Muqdisho, Oktoobar 14, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shacabka Soomaaliyeed la wadaagay farriin ku aaddan Xuska Shuhadada Qaraxii 14-ka Oktoobar 2017-kii ay argagixisadu ku bartilmaameedsadeen boqollaal shacab ah, ayaa Alle uga baryey in uu naxariistiisa janno ku abaal mariyo shuhadadii aynu ku weyney weerarkaas.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in qof kasta oo Soomaaliyeed uu xasuusnaan doono dareenkii murugada lahaa ee ka dhashay weerarkii arxan darrada ahaa ee aynu ku waynay muwaadiniin Soomaaliyeed oo u taagnaa in ay door weyn ka qaataan horumarka dalkeenna iyo dib u dhiska dowladnimadeenna.

“Alle ha u wada naxariisto Shuhadada Qaraxii 14-ka Oktoobar. Waxaa ay ahaayeen muwaadiniin mudnaa nolol qurux badan, balse ay argagixisadu u qoonsadeen noloshoodii sharafta badnayd. Inkasta oo ay dhacdadaasi tahay mid uurkutaallo badan inagu reebtay, misna waxa ay ahayd dhacdo daaha ka feydey sida wanaagsan ee ay shacabka Soomaaliyeed isu caawiyaan, oo isu garab istaagaan.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maaxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in geesiyaasheenna Ciidammada Qalabka Sida lagu garab istaago sidii ay ugu guuleysan lahaayeen ciribtirka haraadiga argagixisada arxanka daran ee Al-shabaab.

DHAMMAAD.

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

06/10/2021

Madaxweynaha umada somaliyeed❤

15/09/2021

Madaxweynaha juhuuriyada somalia Mohamed Abdullahi Farmaajo ❤

31/08/2021

Madaxweyne Farmaajo ayaa warqada Danjirnimo ka Gudoomay Danjirayasha Tansania iyo angola

24/08/2021

Madaxweeyne Farmaajo ❤

Photos from NABAD IYO NOLOL's post 23/08/2021

Madaxweyne Farmaajo oo ka Qeyb Galey Hirgilinta Gudkga 4aad ee afka somaliga Ayaa Yiri" Waxaan Socelinay 24 school oo Beeraha ah oo an dib udhisnay 64k oo arday Ah Ayaa wax kabarata .

Waxan manhajka Dalka faslada koobad ila iyo 12aad ubedelnay Af somali oo aan Gaarsinay Dhaman dalka.

waxan Qeeybinay inkabadan Hal milion Oo Bookag ah oo ku quran afka somliga dhaman dalka Gaarsinay.

intaas oo micanahedu yahay inaan afkena iyo Dhaqankeena xoojino.

Photos from NABAD IYO NOLOL's post 19/08/2021

Madaxweyne Farmaajo aya Casho sharaf uu kumamusayay Diblomasiynta Walalehen Turki ugu sameyaya Madaxtoyada.

Turki walalo sidhaba noo so Garabsiiyay.

03/08/2021

Sawirkii Ugu Danbeyey Ee Maanta Laga Soo Qaadey Ciidankena Kusugan Eritrea Oo asbuuc kadib dalka imaanayo.

Asbuuc Kahor Waxaa Yimid Saraakiil Soomaaliyed Oo Kasoo Baxay Eritrea iyagoo yimid Magalada Muqdisho,Saraakishaan Iyo Saraakisha Dowladda Ayaa Isla Qiimeeyey Oo Isla Dajiyey Goobaha Ay Dagi Lahaayeen Ciidanka Tobabarka Usoo Xirmey Ee Kusoo Laabanyo Dalka.

Ciidanka Ayaa Loo Kala Qeybin Doonaa,Goobo Muhiim Ah Oo Dalkeena Kamid Ah,Ineey Dagaan.

Want your organization to be the top-listed Government Service in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Videos (show all)

Waraysi taliyihii hore ee NISA fahad yaasiinGaylan Media
Rajada Shacabka Markale soo laabo madaxweeyne
Feb-2017 ilaa Jan-2022, 5 sano oo xariir ah, Dawladda Soomaaliya ee hada joogtaa, Mushahaaradka shaqaalaha rayidka ah iy...
Cabdinaasir "Madaxweyne Farmaajo waxa uu kaga duwanaaday madaxda kale fahamka uu ka haystay Dowladnimada iyo Hogaaminta ...
Khanaaskii hore xasan sheikh sidu Uhuru uraali galin lahaa darteed shacabka somaliyeed u gafay
Mid ka mid ah dhalinyaradii dowlada dib ugu soo celisay dalka ayagoo maxaabiis ku ahaa  Libya
Ccw inuunan fiyooweyn awalba waan ogeeyn balse runta baa looshegay 😅
Hooyo Somaliyeed hadaan Aaan awoodi lahaa 10 sano ugu dari lahaa Madaxweeyne Farmaajo
Ra'isalwasaare ku xigeenkii hore ee Soomaaliya, wiilka Madaxweynaha Dowladii Soomaaliyeed ee Salbalaar Mudane Xuseen Max...
Hooyo somaliyeed Oo ruunta u sheegtay R/wasarihii hore rooble

Telephone

Address

Mogadishu
252
Other Political Parties in Mogadishu (show all)
X. isbedel doonka Sh/hoose X. isbedel doonka Sh/hoose
Mogadisho
Mogadishu, 252

Waa xisbi loogu talagay samata bixintta shabeelaha hoose kaaso kashaqayn doonta awoodsiinta dhalinyar

Abdi aziiz mohamed Abdi aziiz mohamed
Hodan Mugdisho
Mogadishu

Political

Xisbiga Horyaal Qaran Xisbiga Horyaal Qaran
Airport Area, Wadajir, Banadir, Region
Mogadishu

Hadaf Togan iyo Hogaan Hagaagsan

Abdirahman H. Gallaf Abdirahman H. Gallaf
Mogadishu

politicalist

Wadani Wadani
Mogadishu

Xorseed

Peace, Justice  and Freedom Party of Somalia PJAF Peace, Justice and Freedom Party of Somalia PJAF
Haji Baasto Road
Mogadishu

PJAF Party is a democratic political party in Somalia founded by a group of Somali politicians, intellectuals and social activists from different parts of the country, with a wide ...

Afhayeenka dhalinta Belweynta hawiye Afhayeenka dhalinta Belweynta hawiye
Karaan
Mogadishu

kahadlida warar xaqiiqda kusaleesan sida wararka xasaasiga ahi wararka belweynta hawiye wararka beesha caalamka

Kaabeiyokobciye Kaabeiyokobciye
Mogdisho
Mogadishu

dalka dhiso dalka dhiso
Maahirabshir764@gmail. Com
Mogadishu, 252

Gudoomiyaha golaha shacabka  sheikh Adam madoobe Gudoomiyaha golaha shacabka sheikh Adam madoobe
Near Villa
Mogadishu

Parliament chairman sheikh adam

Xisbiga Tubta Horumarka Iyo Nabadda Xisbiga Tubta Horumarka Iyo Nabadda
Wadajir, District Lami Yamaha Zoobe Aga Gaarka Aden Adde Hospital
Mogadishu, 6456

Ku Soo Dhawaaada Xisbiga Tubta Horumarka Iyo Nabadda