Somali National Commission for Education, Science and Culture

Somali National Commission for Education, Science and Culture

The official Account of Somalia's National Commission for Education, Science and Culture.

The Somalia National Commission for Education, Culture and Science was established to serve as a communication link between entities in the country and the United Nations Educational, Scientific and Cultural Organization (UNESCO), the Islamic World Educational, Scientific and Cultural Organization (ISESCO), and the Arab League Educational, Cultural and Scientific Organization (ALECSO).

10/03/2024

Guddiga Qaran ee Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka waxa uu idinkugu hambalyaynayaa bilashada bisha barakaysan ee Soonqaad.

Soonqaad wanaagsan.
--------------------------------------------------------

تتقدم اللجنة الوطنية الصومالية للتربية والعلوم والثقافة بخالص التهنئة بمناسبة دخول شهر الخير شهر رمضان المبارك.

---------------------------------------------------------

The Somali National Commission for Education, Science, and Culture extends its sincere congratulations on the occasion of entering the blessed month of Ramadan.

Photos from Somali National Commission for Education, Science and Culture's post 15/02/2024

Waxa Maanta magaalada Abu Dhabi ee Dalka Isku-tagga Imaaraatka Carabta kusoo gabagaboobay shirka caalamiga ah ee Dhaqanka iyo Waxbarashada kaas oo ay si Wadajir ah usoo Abaabuleen Dalka Imaaraatka Carabta iyo Hay’adda UNESCO.

Barashada dhaqanka iyo dhowristiisa ayaa hadda loo arkaa halka asalka u ah ilaalinta jiritaanka umadaha iyo in ay horumar ka gaaraan Nolosha qeybaheeda kala duwan.

Shirka ayaa waxaa Wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya hogaaminayay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare Marwo Nuura Mustaf Mukhtaar, waxaana Sido kale qayb ka ahaa Xoghayaha Guud ee Guddiga Qaran ee Waxbarashada Seyniska iyo Dhaqanka Mudane Maxammad Mustafa Xaaji Xasan.

20/12/2023

Innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun.

Xoghayaha Guud ee Guddiga Qaran ee Waxbarashada Seyniska iyo Dhaqanka wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoyska, qaraabada, Xildhibaannada ay ka geeriyootay alle ha u naxariistee marxuumad Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye oo ahayd Wasiirkii Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, muddo dheerna ka tirsanayd xildhibaannada Baarlamaannadii iyo Xukuumadihii kala duwanaa ee soo maray Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xoghayaha Guud ayaa marxuumadda Alle uga baryay in uu jannatul Fardowsa ka waraabiyo Samir iyo iimaanna uu ka siiyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoyskii, ehelladii iyo Xildhibaanadii ay ka baxday.

إنا لله وإنا إليه راجعون.

البقاء لله وحده.

18/12/2023

📣🌍 انضموا إلينا في الاحتفال باليوم العالمي للغة العربية! 🎉📚

تُعتبر اللغة العربية رمزاً للتواصل والتراث، حيث يتحدث بها أكثر من 400 مليون شخص يومياً. 🗣️💬

نحتفل في 18 ديسمبر بفخرها كلغة رسمية في جمهورية الصومال الفيدرالية، ونشجع على الاحتفاء بتراثنا اللغوي الغني. 🌐📖

Photos from Somali National Commission for Education, Science and Culture's post 22/11/2023

Kulan qaab fogaan arag ah u qabsoomay oo ay iska kaashadeen Beijing Normal University iyo hay'adda qaramada midoobe u qaabbilsan arrimaha Waxbarashada Seyniska iyo Dhaqanka ee marka magaceed lasoo gaabiyo loo yaqaanno UNESCO loogana hadlayay doorka garaadka macmalka uu ka qaadan karo horumarinta waxbarashada Soomaaliya.

Guddiga Qaran oo shirka ku matalayay Soomaaliya ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay qeybaha kala geddisan ee daneeyayaasha arrimaha waxbarashada iyo Tiknolojiyadda Soomaaliyeed.

21/11/2023

Guddiga Qaran Ee Waxbarashada Seyniska iyo Dhaqanka Soomaaliyeed waxaa uu dabaal degga maalinta macalinka Soomaaliyeed awgeed hambalyo u dirayaa dhammaan macallimiinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

'Milgo iyo Maamuus qaran, macallin baa leh'

15/11/2023

"Ku biiritaankii Soomaaliya ee hay’adda UNESCO lixdan iyo saddex sano ka hor maanta oo kale waxaa ay ahayd fursad qiima badan oo labada dhinac siisay xiriir dhaxalgal ah oo wax badan ka taray dhinacyada Waxbarashada, Seyniska iyo Dhaqanka. 63 sano oo tisqaad leh iyo toobiyaha Soomaali ahaanshiya leh.” Mohamed Mustafe Xaaji, Xoghayaha Guud ee Guddiga Qaran ee Waxbarashada Seyniska iyo Dhaqanka Soomaaliyeed.


اليونسكو

15/11/2023

Lixdan iyo saddex sano ka hor maanta oo kale, Soomaaliya ayaa ku biirtay dalalka qeybta ka ah hay’adda Qaramada Midoobe u qaabbilsan arrimaha Waxbarashada, Seyniska iyo Dhaqanka ee marka magaceed lasoo gaabiyo loo yaqaanno UNESCO.

15-kii November 1960kii Soomaali oo keliya dowlad ahayd wax ka yar 138 maalin ayaa ka mid noqotay dalalka oggolaaday heshiiska hay’adda UNESCO. Tan iyo markaas labada dhinac waxa ay si wadajir ah u fuliyeen howlo dhaxalgal noqday.

“Ku biiritaankii Soomaaliya ee hay’adda UNESCO 63 sano ka hor maanta oo kale waxaa ay ahayd fursad qiima badan oo labada dhinac siisay xiriir dhaxalgal ah oo wax badan ka taray dhinacyada Waxbarashada, Seyniska iyo Dhaqanka”

“63 sano oo tisqaad leh iyo toobiyaha Soomaali ahaanshiya leh.” Maxamed Mustaf Xaaji, Xoghayaha Guud ee NATCOM.

Guddiga Qaran waxaa farxad u ah in uu yahay isku xiraha UNESCO iyo Soomaaliya.

_____________________________________

English

On this day 63 years ago, Somalia joined the United Nations Educational, Scientific and Cultural Organization (UNESCO).

Somalia became a member of UNESCO just 138 days after gaining independence from colonial powers. Since then, Somalia and UNESCO have maintained a strong partnership in the fields of education, science, and culture.

"Somalia's accession to UNESCO 63 years ago was a significant opportunity for both Somalia and UNESCO to contribute to the development of education, science, and culture in Somalia," said Mohamed Mustaf Hajji, Secretary-General of NATCOM Somalia.

"its 63 years of concrete achievements and nurturing Somali potential," added Mr. Hajji.

As NATCOM Somalia, we are honored to serve as the gateway between UNESCO and Somalia.

14/11/2023

Sannad walba maanta oo kale 14ka November waxaa loo asteeyay oo loo dabaal dagaa maalinta caalamiga ah ee ka dhanka ah dhoofinta iyo ka gacansiga sharci darrada ah ee agabka dhaqanka iyo taariikhiga ah.

Maalinta oo kale waxaa la is xusuusiyaa ahmiyadda ay leedahay ilaalinta agabyada iyo farshaxannada taariikhiga ah ee ummaduhu leeyihiin, waxaana xadiddooda iyo ka ganacsigooda uu yahay dembi caalami ah oo cid kasta oo ku lug leh uu qaanuunka caalamiga ah uu qabanayo.

Dhoofinta iyo ka ganacsiga sharci darrada ah ee agabka taariikhiga ah waa dembiga saddexaad ee ugu badan ee la xiriira dhoofin kaddib ka ganacsiga sharci darrada ah ee maandooriyayaasha iyo askareynta sharci darrada ah sida lagu xusay diiwaanka Booliiska caalamiga ah ee marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaanno INTERPOL.

Guddiga Qaran ee Waxbarashada Seyniska iyo Dhaqanka Soomaaliyeed isaga baritaaraya ahmiyadda ay leedahay ilaalinta dhaqanka Soomaaliyeed waxaa uu wadaa dejinta iyo hirgelinta qorshe qaran oo looga golleeyahay ilaalinta dhoofinta sharci darrada ah ee agabka taariikhiga ah.

Photos from Somali National Commission for Education, Science and Culture's post 09/11/2023

Xoghayaha Guud ee Guddiga Qaran Ee Waxbarashada Seyniska iyo Dhaqanka Soomaaliyeed mudane Mohamed Mustafe Xaaji Xasan oo ku wehlinaya safar shaqo Wasiirka wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare Soomaaliya mudane Faarax Sheekh Cabdiqaaddir ayaa ka qeybgalay meertada 42aad ee shirweynaha Guud hay'adda Qaramada Midoobe u qaabbilsan arrimaha Waxbarashada Seyniska iyo Dhaqanka ee marka magaceed lasoo gaabiyo loo yaqaanno UNESCO.

Shirkan oo labadii sannaba mar lagu kulmo xarunta dhexe Unesco ee Paris France, Waxaa Sanadkaan lagaga doodayaa ajandayaasha UNESCO ee labada sano soo socota iyo doorashada qayba ka mid ah hogaanka hay’adda labada sano soo socoto.

Photos from Somali National Commission for Education, Science and Culture's post 07/11/2023

Agaasimaha guud ee Waxbarashada gobolka Benaadir mudane Abdifatah Barre isaga oo matalaya xoghayaha guud ee Guddiga qaran Waxbarashada Seyniska iyo Dhaqanka Soomaaliyeed mudane Maxamed Mustaf Xaaji Xasan ayaa waxaa uu ka qeybgalay shirka dalalka Afrika iyo Turkiga kaas oo la isku weydaarsanayay khibradaha la xiriira howlaha ay qabato hay'adda qaramada midoobe u qaabbilsan arrimaha Waxbarashada Seyniska iyo Dhaqanka ee marka magaceed lasoo gaabiyo loo yaqaanno UNESCO

Shirkan oo ahaa kii afaraad ee noociisa ah ayaa uu agaasimaha ka jeediyay khudbad si xeeldheer uu uga hadlayay caqabadaha iyo fursadaha ku gadaaman hirgelinta howlaha Unesco ee Soomaaliya, waxaana uu madaxda la wadaagay sida ay uga go'an tahay hoggaaminta mudane Mohamed Mustafe dardargelinta howlaha hortebinta u leh Guddiga Qaran.

05/11/2023

Warbixin kooban oo uu Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ka diyaariyay tababarkii Guddiga uu u sameyay qaar kamid ah macallimiinta dhigta maaddada luuqadda Carabiga ee iskuulaadka danta guud ee gobolka Benaaddir.

Photos from Somali National Commission for Education, Science and Culture's post 05/11/2023

Guddiga Qaran Ee Waxbarashada Seyniska iyo Dhaqanka Soomaaliyeed oo Soo Gabagabeyay Tababar kii ugu horreeyay oo noociisa ah oo loo qabtay qaar kamid ah macallimiinta dhigta maaddada luuqadda Carabiga Ee dugsiyada Gobolka Banaaddir.

Tababarkan oo uu bixinayay Dr. Yousef Ismacili una dhashay dalka Marooko islamarkaana ah khabiir ku taqasusay bixinta tababarrada la xiriira baridda hagaagsan ee luuqadda Carabiga ayaa waxaa ka faa'iideystay 27 macallin oo ka kala socday dugsiyada danta guud ee ay dowladdu maamusho ee ku yaalla Gobolka Banaaddir.

Munaasabadda xiritaanka tababarka waxaa kasoo qeybgalay mas’uuliyiin ka kala socotay Guddiga Qaran, Wasaaradda Waxbarashada, Agaasinka guud ee Waxbarashada Gobolka Banaaddir iyo daneeyayaal luuqadda Carabiga ah.

Photos from Somali National Commission for Education, Science and Culture's post 31/10/2023

Guddiga Qaran Ee Waxbarashada, Seyniska iyo Dhaqanka Soomaaliyeed isaga oo kaashanaya urur weynaha Waxbarashada Seyniska iyo Dhaqanka dalalka Islaamka ee marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaanno ICESCO ayaa waxa ay magaalada Muqdisho ka daahfureen tababar afar maalin socon doona oo loogu talagalay macallimiinta Soomaaliyeed ee dhigta luuqadda Carabiga.

Tababbarkan oo uu bixinayo khabiirka dhanka luuqadaha ku taqasusay ee Yuusuf Ismacili una dhashay dalka Marooko ayaa waxaa doorkan ka faaiideysanaya macallimiinta dhigta iskuulaadka ay maamusho dowladda.

Munaasabadda furitaanka waxaa kasoo qeybgalay masuuliyiin ka kala socotay wasaaradda waxbarashada, agaasinka guud ee waxbarashada gobolka Banaadir, Madaxtooyada Qaranka, safaaradda Suudaan ee Soomaaliya iyo xeeldheerayaal luuqadda Carabiga ku taqasusay.

Photos from Somali National Commission for Education, Science and Culture's post 09/10/2023

Guddiga Qaran ee Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka oo matalaya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb galay meertada labaatan iyo labaatanaad ee shirka xoghayeyaasha guud ee guddiyada heer qaran ee dalalka Carabta, kaasi oo ka dhacay 7-8 bishan magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar. Kulankan ayaa waxaa lagu soo bandhigay mashaariic iyo hindisayaal muhiim ah oo kor u qaadaya iskaashiga dhaqan iyo waxbarashada iyo isfahamka dalalka Carabta.

___________________________________________

شاركت جمهورية الصومال الفيدرالية، ممثلة باللجنة الوطنية للتربية والعلوم والثقافة، في الدورة الثانية والعشرين لاجتماع الأمناء العامين للجان الوطنية العربية، والتي أقيمت في القاهرة، عاصمة جمهورية مصر العربية، في الأيام ٧ و ٨ أكتوبر ٢٠٢٣. تضمن هذا الاجتماع عرض مشاريع ومبادرات هامة تعزز التعاون والتفاهم الثقافي والتربوي بين الدول العربية.
__________________________________

Somali National Commission for Education, Science and Culture, representing the Federal Republic of Somalia, participated in the 22nd session of the General Secretaries of Arab National Commissions, held in Cairo, the capital of the Arab Republic of Egypt, on October 7th and 8th, 2023. This meeting included presentations of significant projects and initiatives aimed at enhancing cultural and educational cooperation and understanding among Arab countries.

Alecso /المنظّمة العربيّة للتّربية والثّقافة والعلوم

Photos from ‎اللجان الوطنية العربية للألكسو‎'s post 16/08/2023

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare
Somali National Commission for Education, Science and Culture
Mohamed Mustafe

30/06/2023

Hambalyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed xuska 63 sano guuraddii kasoo wareegtay 1'da Luulyo, maalintii midnimada, xornimada iyo dib ula soo noqoshada Gobonnimada Ummada Soomaaliyeed.

27/06/2023

Guddiga Qaran ee Waxbarashada Seyniska iyo Dhaqanka waxa uu idinkugu hambalyaynayaa munaasabadda qiimaha badan ee Ciida Carafo. Ciiddan teeda kale alle hanagu gaarsiiyo bashbash iyo barwaaqo.

----------------------------------------------------------

يطيب للجنة الوطنية الصومالية للتربية والعلوم والثقافة أن تهنئكم بحلول عيد الاضحى المبارك، أعاده الله علينا باليُمن والبركات، وكل عام وأنتم بخير.

-----------------------------------------------------------

Somalia National Commission for Education, Science and Culture wishes to congratulate you on the occasion of Eid Al-Adxa, may Allah bring it back to us in prosperity and blessings, and Happy New Year.

Photos from Somali National Commission for Education, Science and Culture's post 22/06/2023

Xoghayaha guud ee Guddiga Qaran Ee Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka Mudane Mohamed Mustafe Xaaji ayaa ka qeyb galay shirka Wasaaradaha Waxbarashada DG, Maamulka Gobalka Banaaddir iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ee saddexdii maalin ee lasoo dhaafay ka socday magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug.

Shirweynaha waxaa sannadkan diiradda lagu saarayay dardar gelinta howlaha hortebinta u leh hay'adaha waxbarashada dalka. Dhinacyada ayaa isla xusay cabaqadaha iyo fursadaha ku gadaaman hirgelinta howlaha muhiimka u ah sara u qaadidda waxbarashada dalka.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare mudane Faarax Sheekh Cabduqaaddir oo door muhiim ah kulahaa qabsoomidda shirweynahan ayaa ku nuux nuuxsaday kaalinta hay'adaha waxbarashadu ku leeyihiin dhismaha dalka, isaga oo balanqaaday in ay dardargelin doonaan miradhalnimada qodobbada ugu muhiimsan ee ay dhinacyadu isku raaceen.

Photos from Somali National Commission for Education, Science and Culture's post 20/06/2023

Ururka Jaamacadda Carabta ee Waxbarashada, Dhaqanka iyo Sayniska “ALECSO”, waxaa uu shaacinnayaa in la furay arji qabashada jagada Agaasimaha Waaxda Dhaqanka ee ururka ALECSO.

Ciddii daneyneysa in ay buuxiso shuruudaha waxa ay gal taariikheedkooda (CV) kusoo diri karaan Emailka hoos ku lifaaqan
[email protected]

Wakhtiga araaji qabashada waxa ay ku egtahay 31-08-2023

---‐‐-------------------------------------------------------------

تعلن المنظمة العربية للتربية والثقافة والعلوم "ألكسو" عن فتح باب الترشيح لوظيفة مدير ادارة الثقافة.

للراغبين بالتقدم على الوظيفة المذكورة، إرسال السيرة الذاتية إلى عنوان البريد الإلكتروني التالي: [email protected]

آخر أجل لتقديم الترشحات 31/08/2023

---‐‐-------------------------------------------------------------

The Arab League Educational, Cultural and Scientific Organization (ALECSO) announces the call for applications for the post of Director of the Department of Culture.

For those wishing to apply for the aforementioned position, please send your CV to the following email address: [email protected]

The deadline for submitting nominations is 31/08/2023

Alecso /المنظّمة العربيّة للتّربية والثّقافة والعلوم

اللجان الوطنية العربية للألكسو

05/06/2023

Maanta oo kale 5ta June sannad kasta, hay'adda qaramada midoobe ayaa u aqoonsatay maalinta caalamiga ah ee deegaanka si sara loogu qaado ahmiyadda deegaanka u leeyahay aadanaha.

Guddiga Qaran Ee Waxbarashada Seyniska iyo Dhaqanka waxaa uu bogaadinayaa dadaal kasta oo lagu badbaadinayo deegaanka xilligan ay jiraan halisaha waa weyn ee ku gadaaman cimilada iyo deegaanka Soomaaliyeed

__________________________________________

June 5th every year, the United Nations has recognized the International Environment Day to raise awareness of the importance of the environment to humans.

The Somali National Commission for Education, Science and Culture applauds every effort to save the environment at this time of great threats to the Somali environment.

Photos from Somali National Commission for Education, Science and Culture's post 05/06/2023

Guddiga Qaran ee Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka oo matalaya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb galay kal-fadhiga 119-aad ee Golaha Fulinta ee Ururka Jaamacadda Carabta ee Waxbarashada, Dhaqanka iyo Sayniska “ALECSO”, kaasi oo ka dhacay magaalada Tunis ee caasimadda dalka Tunisia. Kalfadhigan ayaa intii uu socday waxaa lagu lafa guray tallaabooyinkii miro dhalka ahaa ee ururku qabanayay mudadii u danbaysay.

___________________________________________

شاركت اللجنة الوطنية للتربية والعلوم والثقافة ممثلة جمهورية الصومال الفيدرالية في الدورة 119 للمجلس للتنفيذي للمنظمة العربية للتربية والثقافة والعلوم "'ألكسو"'، والتي عقدت في تونس عاصمة الجمهورية التونسية. وتم خلال هذه الجلسة مناقشة حصيلة عمل المنظّمة خلال الفترة الأخيرة.

__________________________________

Somali National Commission for Education, Science and Culture, representing the Federal Republic of Somalia, participated in the 119th session of the Executive Council of the Arab League Educational, Cultural and Scientific Organization (ALECSO), which was held in Tunis, the capital of the Republic of Tunisia. During this session, the outcome of the organization's work during the recent period was discussed.

Alecso /المنظّمة العربيّة للتّربية والثّقافة والعلوم

الإيسيسكو

UNESCO اليونسكو

Photos from Somali National Commission for Education, Science and Culture's post 27/05/2023

Guddiga Qaran ee Waxbarashada, Sayniska, iyo Dhaqanka Soomaaliyeed oo kaashanaya Astaan TV ayaa soo qaban qaabiyay dood cilmiyeed loogu magac daray “Baylahsanaanta Goobaha Taariikheed Ee Soomaalida iyo Dabar Go’a Ku Socda” oo marti ay ku ahaayeen labada aqoonyahan ee Prof. Maxamed Xaaji Mukhtaar iyo Dr. Maxamed Macallin Xuseen.

Dood-cilmiyeedkan ayaa intii uu socday waxa ay aqoonyahannadu ka hadleen goobaha taariikhiga ah ee Soomaaliya, iyo muhiimadda ay leedahay in laga ilaaliyo khataraha ku xeeran. Iyagoo ka jawaabay su'aalaha ay qabeen kasoo qeybgalayaasha .

26/05/2023

Guddiga Qaran Ee Waxbarashada Seyniska iyo Dhaqanka Soomaaliyeed waxaa uu kugu casuumayaa kasoo qeybgalka barnaamij dood cilmiyeed ah oo ku saabsan “Baylahsanaanta Goobaha Taariikheed Ee Soomaalida iyo Dabar Go’a Ku Socda!”

Barnaamijka waxaa nagala qeybgalaya Prof Maxamed Xaaji Mukhtar oo cilmiga taariikhda ka dhiga jaamacadda Savanah ee dalka Mareykanka, qorayna buugaag kale duwan oo ay ugu mucweyn yihiin ‘Historical Dictionary of Somalia’ iyo buuggiisa dhawaangalka ah ee ‘habka cilmiga ah ee baarista taariikhda somalida’.

Sidoo kale waxaa marti inoo ah Prof Maxamed Macallin Xuseen oo ah taariikhyahan buugaag kala duwan ka qoray majaalka taariikhda. Buugaagtiisa waxaa ugu caansan buuggiisa Taariikhda Culimada Soomaaliyeed iyo buugaag kale.

Labada barafasoor ayaa nala faaqidi doona mowdduucaas muhiimka ah habeenka 27-05-2023 iyo hoolka Astaan TV Muqdisho.

Mahadsanidiin

Photos from Somali National Commission for Education, Science and Culture's post 17/05/2023

Guddiga Qaran ee Waxbarashada Seyniska iyo Dhaqanka Soomaaliyeed isaga oo ka duulaya ahmiyadda ay dhaqanka iyo hiddaha u leeyihiin jiritaanka bulshada waxaa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa maamulka, madaxda iyo guud ahaan arday jaamacadda SIMAD doorkoodii weyneynta todobaadka dhaqanka ee jaamacaddaas.

Dhaqanku waa astaanta ummad kasta, Guddiga waxaa uu soo dhaweynayaa dadaal kasta oo lagu weyneynayo laguna hormarinayo dhinacyada waxbarashada, Seyniska iyo Dhaqanka.

Dhaqankeennu waa sumaddeenna.

Photos from Somali National Commission for Education, Science and Culture's post 07/05/2023

Guddiga Qaran ee Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka ayaa ka qeyb galay shirka heer Qaaradeed ee Isku-xirka Waxbarashada iyo Yoolasha Horumarka Waara ee Afrika oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda UNESCO kaas oo ka dhacay Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia intii u dhaxeysay 2-5 May, 2023. Kulankan ayaa looga hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin hababka ay dalalka Afrikaanka ah isku weydaarsan karaan khibradaha ku aaddan fulinta qorshayaasha lagu horumarinayo waxbarashada gaar ahaan qorshaha ESD 2030 (Education for Sustainable Development 2030).

--‐----------------------------------------------------------------

شاركت اللجنة الوطنية الصومالية للتربية والعلوم والثقافة في الاجتماع الإقليمي لشبكة التعليم من أجل التنمية المستدامة في إفريقيا الذي نظمته اليونسكو في أديس أبابا ، إثيوبيا في الفترة من 2 إلى 5 مايو 2023. وتناول الاجتماع قضايا مختلفة ، بما في ذلك آليات تبادل الخبرات بين البلدان الأفريقية في تنفيذ خطط لتطوير التعليم على وجه الخصوص ، ESD2030 (التعليم من أجل التنمية المستدامة 2030).

---------------------------------------------------------------------

Somali National Commission for Education, Science and Culture participated in the Africa Regional ESD-Net Meeting organized by UNESCO in Addis Ababa, Ethiopia, from 2 to 5 May, 2023. The meeting dealt with various issues, including mechanisms for exchanging experiences between African countries in implementing plans to develop education in particular ESD2030 (Education for Sustainable Development 2030).

UNESCO

UNESCO Regional Office for Eastern Africa

Alecso /المنظّمة العربيّة للتّربية والثّقافة والعلوم

ICESCO in English

Photos from Somali National Commission for Education, Science and Culture's post 03/05/2023

Somali National Commission for Education, Science and Culture participated in the activities of the regional workshop on “Enhancing the Capacity of National Focal Points in 44 African Countries to Prepare Periodic Reports under the 2003 Convention for the Safeguarding of Intangible Cultural Heritage in Africa”, during the period from 25 to 29 April 2023. In cooperation with UNESCO and the Regional Center in Algeria for Safeguarding the Intangible Cultural Heritage in Africa (CRESPIAF).

--------------------------------------------------------------

شاركت اللجنة الوطنية الصومالية للتربية والعلوم والثقافة في أشغال ورشة إقليمية حول "تعزيز قدرات نقاط الإرتكاز الوطنيين لـ 44 دولة إفريقية في إعداد التقارير الدورية في إطار إتفاقية 2003 لصون التراث الثقافي غير المادي في إفريقيا"، خلال الفترة من 25 إلى 29 أبريل 2023. بالتعاون مع منظمة اليونسكو والمركز الإقليمي بالجزائر لصون التراث الثقافي غير المادي في إفريقيا.

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Videos (show all)

Warbixin kooban oo uu  Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ka diyaariyay tababarkii Guddiga uu u sameyay qaar kamid ah mac...
Guddiga Qaran ee Waxbarashada, Seyniska iyo Dhaqanka Soomaaliya ayaa ka qeybgalaya kulan weynaha looga arrinsan doono mu...
Sida ay jideysay hay'adda caalamiga ah ee UNESCO, sannad kasta, 24 ka bisha January maanta oo kale, waxaa loo dabaal dag...

Telephone

Address

KM5, Afgoye Road, Hodan District
Mogadishu