M j

M j

Mr. Advocate MJ, has been in the education field for more than 27 years as a Student, Teacher and Ed

Advocate MJ is a dedicated, resourceful, educated professional advocate with a proven ability to develop a data-driven academic culture, create, monitor policies and practices that promote a safe and friendly student learning environment, that commensurate with the best interest of students. Advocate MJ, has been in the education field for more than 27 years as a student, teacher and an education

01/07/2024

KULANKA ARBACADA 3-JULY-2024

KAPTAN QALINLE VS KAPTAN MJ
Waa ciyaar adag oo difaac sharafeed ah, waxaan dhammaan taageerayaasha ugu baaqeynaa in Garoon SAND ARENA STADIUM ay soo buux dhaafshaan.
Mexico xaley uma suuragalin iney Groupka ka baxdo
Taliyaanigu waa Galbadey
QALINLE Waxaan rabnaa inaan SUUDAAN U DIRNO.

30/06/2024
30/06/2024

PROPER MACHINE
Jude Bellingham’s goal = 𝐀𝐑𝐓 🖼️✨

29/06/2024

Switzerland advance to next stage
And Italy OUT

28/06/2024

BUUQ LAMA RABO

28/06/2024

Haka xishoon in aad maqaayad ka dalbato waxa kugu filan, ee aad jeceshahay, islamarkaasna aad awoodid. Waxa jira dhaqan ku dayasho ah oo ka yimaada cadaadiska bulsho ama ku xiran faan la xiriira dadka u ekow amase uu keeni karo qofka kuu adeegaya inuusan ku qancin dalabkaaga.

Waxaa muhiim ah awooda jeebkaagu in uu dheelitiro baahidaada.
Dadkaan la mid noqonayaa ama u ekaanayaa waa lagu sirmaa.....

27/06/2024

DAYAX DALNUURSHE

Gulufka ka dhex aloosmay Labada fanaan ee
DAYAX DALNUURSHE IYO KHAALID KAAMIL waxaan la safanahay DAYAX...
Sababtu waa kolka la joogo Midnimada.

Adigu kee la safantahay.....

24/06/2024

Boqoshaagu (mushroom) waa noole ka tirsan boqortooyada Fanjayga (fungi), waxaa la moodaa in uu yahay geed balse ma aha, weliba marka la eego xagga hiddasidayaashiisa iyo dhiska unugyadiisa xayawaanka ayuu uga dhow yahay dhirta. Dadka qaar baa ku khalda likaha (hydnora) oo ah geedka laga sameeyo diinsiga, likuhu isagu waa geed oo wuxuu ka tirsan yahay boqortooyada dhirta, inkasta oo uu yahay dullin ama deris-ku-nool (parasite) ku dul nool dhirta kale oo cuntada ka qaato, halka dhirta kale iyagu ay samaystaan cuntadooda oo aysan cid kale ku tiirsanayn.

Boqoshaagu waxaa uu isugu jiraa qaar la cuno oo nafaqo iyo dawo leh, iyo qaar aan la cunin oo sun leh. Boqoshaaga waxa ay is xigaan oo isku boqortooyo yihiin Yiistiga (yeast), kaas oo ah noole hal-unugle ah oo isha mutuxan aysan qaban karin, wuxuuna isugu jiraa noocyo waxtar leh oo loo adeegsado khamiirinta cajiinka, iyo kuwo waxyeello leh oo sababa cudurro ay ka mid yihiin cabeebka iyo cambaarta.

Caaryada (molds) madow ee ku dul samaysanta cuntada xumaatay iyaduna waa noole ka tirsan boqortooyadan Fanjayga, caaryadani waxa ay ku dul kortaa dalagga laga soo gooyo beeraha oo lagu kaydiyo meel aan habboonayn oo kulul, lehna qoyaan iyo huur. Wuxuuna noolahani dalagga ku sii daayaa sun, suntan oo ah mid halis ah oo aan dabku waxba ka bulin marka la karinayo dalagga, marka ay jirka gashona waxay sababi kartaa cudurro uu ugu daran yahay kansarku, waxaana suntan ka mid ah mid lagu magacaabo "aflatoxin" oo sababta kansarka beerka iyo "fumonisin" oo iyaduna keeni karta kansarka hunguriga.

Maaddooyinkan sunta ah waxaa laga helaa dalagga muddada dheer sida aan fiicnayn u kaydsanaa, sida galleyda, haruurka, bariiska iyo cuntooyinka laga sameeyo dalagga ee uu ugu horreeyo burku. Dowladda Kenya ayaa sannad dhoweyd dalkeeda ka mamnuucday noocyo ka mid ah burka ka dib markii la ogaaday in ay ku badnayd sunta aflatoxin. Soomaalidu se ma leh dowlad hubisa tayada iyo badqabka cuntada dibedda laga keeno iyo midda dalka ka baxdaba, weliba labada kansar ee beerka iyo dhuunta oo ay sababto suntani waa labada kansar ee ugu badan Soomaalida, inkasta oo ay sababo kalena leeyihiin haddana waa dhici kartaa in suntani qayb ka tahay.
Saed Hassan

24/06/2024

WAX MA CUNTAY?

23/06/2024

QARRACAN NABDOON

Haweenaydaan waa Dhakhtarad waxaa la yiraahdaa Margaret McCollum, waxay ku nooshahay Magaalada London, waxaa qabay Nin Jilaa ah (Atoore) oo geeriyooday 2007dii.

Waxay Maalin walba soo fariisataa Astaanka Tareenka laga raaco si ay u maqasho Cod hage ah oo laga duubay Ninkeedii, Shirkaddii ayaa Codkii ku beddeshay mid dhalanteed ah oo Caqliga Macmalka ah lagu sameeyay!

Haweenaydii goortay weyday Codkii Ninkeeda wey qarracantay Baroor ayay Afka furatay! Sheekadii baa baahday deetana Shirkaddii markay gaartay waxay bixiyeen Raalli galin waxayna ka cududaarteen inaysan ogayn Qisada Jacayl ee ku duugan Meesha, Codkii wey soo celiyeen, Shirkaddii iyo Dowladdiiba waxay ballan qaadeen intay nooshahay inaan la bedeli karin Carmalkaasna farxaddeeda laga taaban karin ha weheshatee😀

Shirkaddaas weyn waxay danteedii uga tanaasushay Habartaas u xiistay Odaygeedi geeriyooday, Dowladdiina aad u taageertay in Qalbigeeda la ilaaliyo, Soomaaliyana si Shacabka Qalbiga looga jabiyo xataa Qubuuraha waa la qodayaa oo Qofkaagi oo waa h**e dhintay aad ka samirtay ayaa lagu dhahayaa soo faag oo Meel kale ku aaso, Qarracan..
Abdirisaq Hussein

23/06/2024

Dad badan oo uu Shacraawi Maxamuud ka mid yahay waxay jecel yihiin Hadraawigii keenadiidka ahaa, ee fallaagada ahaa, ee mucaashiga ahaa, ee siyaasiga ahaa, ee ka horreeyay sagaashameeyadii; waxaanay dhaliilaan Hadraawigii wadaadka ahaa, ee hayinka noqday burburkii kadib.

Anigu taas lidkeeda suugaanta Hadraawi (Ihun) waxaan ugu jecelahay suugaantii burburka ka danbaysay —marka laga reebo maansada iyo meerisyada uu nolosha raacatada ugu boholyoobayo.

Marka aad akhrido maansooyinka xilligan uu tiriyay, waxaad dareemaysaa inuu Hadraawi gaadhay figtii fahanka falsafadda nolosha:

1. Rag siyaasi wada noqoy
2. Mayaldheer
3. Dabahuwan
4. Afkusiran
5. Anuun baa hooyadaa ah
6. Awaaltiris

Maaansooyinka sare, wuxuu ku nuuxnuuxsanayaa sida ay ragga Soomaalidu u dayaceen kaalintoodii nololeed, taas oo keentay: in qiyamkii iyo akhlaaqdii bulsho ay burburto, in mashaqaystanimadu ay baahdo, in balwadaha lagu habsaamo, in sawricii iyo haybtii dalka la dooriyo, in jidkii diinta laga lumo, iyo in ay Soomaalidu u noqotay baadi ay bahaluhu cidla ka heleen.

"Maansooyinka run ku sii durugga" sida ii Maxamed-Baashe X. Xasan ku tilmaanay, waa maansooyin murti badan, oo maankaga u furaya irridaha xaqiiqada. Waa shaybaadh maskaxeed oo cudurrada bulsho, kuwa diineed, kuwo siyaasaded ee dadkeenna bannaanka u soosaaraya.

Naftu macandi weeyee
Male hawgu sahan tagin
Ha ku daalin meermeer,
Weligaa ha muuunayn
Madhantiyo xagxagatada
Jinka haw muraad qumin,
Yaan masuugga shaydaan
Milicsiga adduunkiyo
Madaddaalo kugu hodin,
Noloshana kas iyo maan
Miyir sugan ku doondoon
—Mayaldheer
Cali ileeye

22/06/2024

Dowlad waxaa lagu qeexaa isu-geynta dadweyne, bed dhuleed/badeed/cireed, xukuumad iyo madax-bannaani. Sidaas darteed dowlad-xubineedka (federal member state) Puntland waa xubin dowladeed oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya. Intaas markaan isla fahanno dadweynaha Puntland ku nool waa qeyb kamid ah dowladda, markaas ciwaankaani sax kuma noqonayo in la dhaho dowladda iyo dadweynaha ayaa kulmaya. Waa fahan qalloocan.

Warku wuxuu ku habboonaan lahaa in la dhaho "Kulanka Xukuumadda iyo Dadweynaha" waa labo dhardhaar oo siman, kana mid ah afarta dhardhaar ee dowladnimada loo yaqaan.

Ceebta meesha kujirtana waa in xukuumadda dhan ee masuuliyadda ballaaran laga filayo ay ka il-duufeen kala-saaritaankaas bilowga ah. Tan labaadina, waa in akhyaartu ay isla raadinayaan erayo isku aad-aaddan ee aysan dhuuxayn micnaha erayada ay boorarka shirarka ku qorayaan. Dowladi waa tii oraahda kasoo baxaysa, tillaabada ay qaadayso iyo go'aamada ay gaarayso u fiirsata.

"Kulanka Dowladda iyo Dadweynaha Puntland. Dowlad iyo Dadweyne isku Dow ah" geeraar-u-eke xarafka D ku socda inay tirinayaan oo erayo isku aaddan isla doonanayaan bay u muuqataa hadda.

Intaas dhaliil ujeedkeedu sixid u yahay u qaata. Post-gaan laftigiisana wixii sixid ah waa ka furantahay. Wadatashiga Xukuumadda iyo Dadweynuhuna waa shaqo bogaadin mudan.
Sanco

21/06/2024

The Demand for Money Theories

In this article, I will be simplifying the demand for money theories and will begin with 'The Fisherian Approach'

According to Irvian Fisher in 1911 via his book 'The purchasing power of money', it is otherwise called 'The Transaction Equation of Exchange', the value of money varies inversely with but in proportion to the quantity of money in circulation while other things remain constant.
From the above definition therefore, we deduce that:
a. When the quantity of money rises, the price level rises but, the value of money falls
b. When quantity of money falls, the price level falls but, the value of money rises.

Determination of the price level (P) and the value of money (1/p) in the fisherian framework.
Here both (P) and (1/p) are determined by the quantity of money either demanded for or supplied (i.e. Md or Ms).

THE DEMAND FOR MONEY
Here, money is only seen as a medium of exchange and is therefore demanded to meet diver transactions (T) purposes and the total demand for money will equal the total transactions made by the people at any particular time:
Md=PT (i.e. total demand for money = P× Transaction)
Md= PT≡ P= Md/T

THE SUPPLY OF MONEY
At any particular time, the supply of money in an economy include:
i) Standard Money: M1 (i.e. coins, currencies, etc.) and their velocity is V1
ii) Credit Money: (i.e. cheques, drafts, etc.) and their velocity is V2
Total supply of money (Ms)=M1V1+M2V2

THE PRICE LEVEL (P) AND THE VALUE OF MONEY (1/P)
At any time also, the price level or value of money is determined by the equality of demand and supply of money in such a way that:
If Md=Ms and Md=PT and Ms=M1V1+M2V2
Therefore PT=M1V1+M2V2
P=M1V1+M2V2/T .................. (1)
Equation (1) is the Fisherian transaction equation of exchange which shows that P varies directly and proportionally while 1/p varies inversely with the quantity of money (M) within an economy.
From the following therefore:
i) When the quantity of money doubles, price level doubles and the value of money
(i.e. the purchasing power of money) halves;
ii) When the quantity of money halves, price level halves but value of money doubles;
and
iii) When the above relationships are mathematically put forward, we obtain that:
a) P= f(m), Δp/Δm>0 (direct) and proportionate), and
b) 1/p= f(m) , Δ1/p/Δm

19/06/2024

Economics branches

Before you read subscribe Interactive Economics 🔔 on YouTube Facebook Tiktok Quora Space and Instagram and share it to others.
Now let's board on 👇

*Microeconomics*

- *Definition*: Study of individual economic units like households, firms, and markets
- *Scope*: Analyzes consumer behavior, production, and pricing
- *Key Concepts*: Opportunity cost, supply and demand, market equilibrium, consumer surplus, producer surplus

*Macroeconomics*

- *Definition*: Study of the economy as a whole
- *Scope*: Examines aggregate variables like GDP, inflation, unemployment, and economic growth
- *Key Concepts*: National income accounting, fiscal policy, monetary policy, aggregate demand and supply, business cycles

*International Economics*

- *Definition*: Study of economic interactions between countries
- *Scope*: Covers international trade, investment, and finance
- *Key Concepts*: Comparative advantage, absolute advantage, gains from trade, exchange rates, balance of payments

*Development Economics*

- *Definition*: Study of economic growth and development in low-income countries
- *Scope*: Focuses on poverty reduction, inequality, and institutional development
- *Key Concepts*: Economic growth, human development index, Millennium Development Goals, sustainable development

*Public Economics*

- *Definition*: Study of government intervention in the economy
- *Scope*: Examines public goods, taxation, and public expenditure
- *Key Concepts*: Market failure, public goods, externalities, tax incidence, public choice theory

*Behavioral Economics*

- *Definition*: Study of psychological and social factors influencing economic decisions
- *Scope*: Explores how cognitive biases and emotions affect economic behavior
- *Key Concepts*: Bounded rationality, nudge theory, prospect theory, loss aversion, framing effects

*Econometrics*

- *Definition*: Application of statistical methods to economic data
- *Scope*: Develops and applies statistical models to test economic hypotheses
- *Key Concepts*: Regression analysis, econometric models, hypothesis testing, statistical inference, data analysis

*Environmental Economics*

- *Definition*: Study of economic impact of environmental policies and resource management
- *Scope*: Examines environmental degradation, sustainability, and resource conservation
- *Key Concepts*: Environmental externalities, pollution control, climate change economics, sustainable development, green accounting

_Health Economics_

- _Definition_: Study of economic aspects of healthcare
- _Scope_: Examines healthcare markets, health policy, and healthcare financing
- _Key Concepts_: Healthcare demand, health insurance, healthcare costs, public health policy

_Labor Economics_

- _Definition_: Study of labor markets and labor relations
- _Scope_: Analyzes labor supply, labor demand, wages, and employment
- _Key Concepts_: Labor market equilibrium, human capital theory, collective bargaining, labor productivity

_Political Economy_

- _Definition_: Study of interrelationship between politics and economics
- _Scope_: Examines how political institutions and policies affect economic outcomes
- _Key Concepts_: Political economic systems, public choice theory, rent-seeking behavior, institutional economics

_Social Economics_

- _Definition_: Study of social aspects of economic activity
- _Scope_: Examines social norms, social institutions, and social welfare
- _Key Concepts_: Social capital, social norms, social exclusion, social welfare policy

_Urban Economics_

- _Definition_: Study of economic aspects of urban areas
- _Scope_: Analyzes urban development, urbanization, and urban policy
- _Key Concepts_: Urban agglomeration, urban sprawl, urban transportation, urban housing markets

_Agricultural Economics_

- _Definition_: Study of economic aspects of agriculture
- _Scope_: Examines agricultural production, agricultural markets, and agricultural policy
- _Key Concepts_: Agricultural productivity, agricultural trade, agricultural subsidies, agricultural development

_Resource Economics_

- _Definition_: Study of economic aspects of natural resource management
- _Scope_: Examines resource scarcity, resource conservation, and resource policy
- _Key Concepts_: Resource depletion, sustainable resource management, resource rent, environmental economics

- _Economic History_: Studies the evolution of economic systems and events over time.

- _Industrial Economics_: Analyzes the behavior and performance of firms in specific industries.

- _Institutional Economics_: Examines the role of social and institutional factors in shaping economic outcomes.

- _International Trade Theory_: Develops models to understand international trade patterns and policies.

- _Law and Economics_: Applies economic principles to analyze legal issues and policy.

- _Managerial Economics_: Applies economic principles to business decision-making.

- _Monetary Economics_: Studies the role of money and monetary policy in the economy.

- _Neuroeconomics_: Explores the neural basis of economic decision-making.

- _Political Economy of Development_: Analyzes the political and economic factors influencing development.

- _Post-Keynesian Economics_: Develops alternative macroeconomic models beyond Keynesian economics.

- _Regional Economics_: Examines economic development and policy at the regional level.

- _Rural Economics_: Studies economic development and policy in rural areas.

- _Transportation Economics_: Analyzes the economics of transportation systems and policy.

- _Urban Planning Economics_: Applies economic principles to urban planning and development.

*International Economics*

- Studies trade, investment, and finance between nations
- Examples:
- Trade agreements (WTO, NAFTA)
- Exchange rates (Euro, Dollar)
- International investment (FDI, portfolio investment)

*Comparative Economic Systems*

- Analyzes different economic systems (capitalist, socialist, mixed)
- Examples:
- USA (capitalist)
- China (socialist market economy)
- France (mixed economy)

*Ecological Economics*

- Examines the economic impact on the environment
- Examples:
- Climate change policy (carbon tax, cap-and-trade)
- Sustainable development (renewable energy, green technology)
- Environmental valuation (cost-benefit analysis)

*Economic Geography*

- Studies the spatial distribution of economic activity
- Examples:
- Global supply chains (outsourcing, offshoring)
- Regional development (cluster formation, urbanization)
- Transportation economics (infrastructure investment)

_Islamic Economics_

- Studies economic principles and practices compatible with Islamic law (Shariah)
- Aims to achieve economic justice, fairness, and prosperity
- Key features:
- Prohibition of interest (riba)
- Encouragement of sharing and partnership (mudarabah, musharakah)
- Zakat (charity) and sadaqah (voluntary charity)
- Zabiha (halal) consumption and production
- Examples:
- Islamic banking and finance (Sukuk bonds, Islamic mortgages)
- Takaful insurance (cooperative insurance)
- Waqf (endowment) management

_Public Finance_

- Studies the role of government in the economy
- Examines public revenue, expenditure, and debt
- Aims to achieve economic efficiency, equity, and stability
- Key areas:
- Taxation (income tax, sales tax, property tax)
- Public expenditure (government spending, budgeting)
- Public debt (government borrowing, bond markets)
- Fiscal policy (government intervention in the economy)
- Examples:
- Government budgeting (federal, state, local)
- Tax reform (tax cuts, tax hikes)
- Public-private partnerships (PPP, infrastructure development)

19/06/2024

Siyaasadda dalkeenna waxaa ka lumay qiyamkii iyo akhlaaqdii runta, daacadnimada, aaminaadda, hufnaanta, cadaaladda, sinnaanta, xilkasnimada iyo isla xisaabtan. Qaybihii kale ee bulshada ee isku taagi lahaa toosinta siyaasada iyo difaaca danta guudna waxay u kala baxeen:-

1- Ganacsato dantooda raacda oo aan dan guud iyo dowlad wax ku darsan, iyo kuwo dawlada la nool oo qandaraas ka qaata ama ka sugaya.

2- NGO layaal iyo kooxo adeeg la talinta (Consultants) ku shaqaysta oo aan waxba ka sheegi karin dowladda.

3- Culimo ku mashquulsan waano iyo wacdiga la xariira akhlaaqda shakhsiga ah ee aan ku hawllanayn akhlaaqda dowladnimo, iyo kuwo dowladda fatwada iyo u qiildeyidda ku horboodaya.

4- Warbaahin laga xoogsado oo subixii wax dhaliilaysa , galabkiina amaan tebinaysa, tabar iyo tayo la’aan ah, haatana ay ka awood bateen qaaqle dacaayad iyo aflagaado u joog ah.

Haddiise la helo ganacsato ku dhac leh oo danta guud taageera, culimo akhlaaqda dowladnimada, iyo danta guud ka hadla, warbaahin xirfad iyo hufnaan ku shaqaysa, iyo siyaasiyiin xilkasnimo iyo damiir leh, haba yaraadaan dalku wuu hagaagayaa.
Abdirahman Abdishakur Warsame

17/06/2024

Dhulka waxaa buuxiya 70% biyo inta kale waa
Kante.

17/06/2024

SIDA AY INOO SHEEGEEN ...
Farxadda ciidda aawadeed ximad iyo xaraababa lagama maarmee, waxaa la yiri labo nin baa is raacay. Markey muddo socdeen ayaa waxay meel gaaban ka arkeen libaax. Labada nin midkood qaab dhismeedka jidhkiisu wuxuu ahaa mid dhexdhexaad ah (everage), kaasoo ah qaabka ragga Soomaalidu u badan yahay, midka kalena wuxuu ahaa nin beryahaas bilaabay inuu cunnada isugu roonaado, dhaqdhaqaaqana yareeyay.
Ninkii barwaaqaysnaa ayaa saaxiibkii ku yiri; "Libaaxan orod ugama baxsan karno, hubna ma haysanno'e maxaan sameynaa"?

Ninkii kale ayaa ugu jawaabay: "Anigu libaaxa inaan orod uga baxsado kuma qasbaniye waxa kaliya ee la iga rabo oo kaliya waa inaan adiga kaa dheereeyo, haatanna waa sii ordayaaye cafi Alle iyo masaamax baan ku leeyahay"!
Iyagiyo Allahoode waxaa la sheegaa labadaas nin inay maalintaas isugu dambeysay.

Ninku maka naf jeclaystay saaxiibkii, mise hadduu is yiri ma wada badbaadi kartaan inuu naftiisa kaliya badbaadiyo gar buu u lahaa?

Allaahummarxam mawtaanaa wamawtal-muslimiin.
Mudane Qorane

16/06/2024

EID WANAAGSAN

14/06/2024

CLASS OF THEIR TERRITORY

14/06/2024

He is cooking

13/06/2024

wey ooyaan!😭.

Haweenay Xaas ah ayaa tiri " waxaan moodi jiray Oohintu inay Dumarka iyo Carruurta kaliya gaar u tahay Sannado badan ayay igu qaadatay inaan ogaado in Ragga waaweyni sidoo kale ay ooyaan!

Waxaan ahayn Qoys inta badan farxad ku nool waxaan u baahan nahay waxaa keeni jiray Odayga Reerka (Ninkayga) waligayna ma arkin isagoo cabanaya mar kasta Farxad iyo Dhoolla caddayn ayaan kala kulmi jirnay wey dhacdaa mar mar dhif ah inaan isagoo caraysan arko laakin ma badna!

Maalin Ciyaalkoo Iskuulka ku maqan ayaan Suuqa u baxay Ninkaygana kaligiis Guriga uga tagay waxaan soo xusuustay Alaab aan soo illaaway deetana degdeg ayaan usoo noqday goortaan Guriga soo galay ayaan hadal ka maqlay Daaqadda Qolka jiifka, waxaan mooday inuu Haweenay kale la hadlayo tartiib ayaan usoo istaagay waana dhagaystay mise waaba Ninkaygii oo sidii Cunug yar u ooyaya oo ilmaynaya Gacmahana kor u taagaya!".

Wuxuu baryayaa Ilaahay wuxuu weydiisanayaa maadaama Shaqadii laga eryay inuu ferej u furo oo siiyo Shaqo kale si uu uquudiyo Qoyskiisa wuxuu leeyahay Allow igu astur Masuuliyadda aad i saartay oo yeysan ogaan inaan Baago muuddo ahay si ay Faraxad ugu noolaadaan!.

Runtii waa naxay waayo ma ogayn Culayska haysta iyo Xaaladdiisa wax kastoo aan u baahan nahay isagoo qoslaya ayuu na siiyaa! Muxuu Murugadiisa qarsaday? Muxuu Dhibkiisa iyo Xanuunkiisa isagoon muujin Qosol been ah ku daday si uu Farxad noo siyo? Muxuu Anaga noo dadaalay oo tiisa illaaway?!".

Hadalka Haweenaydaas wuxuu ku tusayaa inta ugu yar Culayska haysta Aabbayaasha waliba kuwa Danyarta ah ee aan shaqayn ama Meelaha Fursaduhu ku yar yihiin jooga Masuuliyadda Qoyskuna saaran tahay! Waxaa nalaku yiri Nin Ragaa tahay ma caban kartid! Waxba ma waayi kartid!! Xalka Nolosha Adigaa lagaa rabaa!.

Haddii aad Nin tahay waa ku salaamay walaal🙏🏻 waa ku dareemayaa waxaa ku saaran Masuuliyad weyn ama waa ku sugaysaa oo Berri bay ku fuulaysaa Allaha kuu fududeeyo ...

ABDIRISAQ HUSSEIN

12/06/2024

Happy follow-versary to my awesome followers. Thanks for all of your support! Nour Crazhiid, Järwäl Ahmed Mohamed, Mohamett Mowlit Saed

12/06/2024

Xalka iyo dhibkaa is xiga xbibi.
Alla Jaceyl weynaa

12/06/2024

Maxaa ka fahamtay?

Photos from M j's post 11/06/2024

GEERI NABDOON

Sawirka 1aad waa Aabe Maxamed Muuse oo curadiiss Mumtaas maanta kasoo saaray qabriga Iskuul buluusiya. Sawirka labaadna waa i isagoo gabadhiisa dib u aasaya

Qoraalkaan xanuunka badan ayuu qoray.

"Aabe wa inoo kulan Sadaxaad, janadii udgooneyd
Curadayda Mumtaz waxan ku Aasay qabuuraha iskool polisia 14_ October _2021. Kulankeena labaad waxu ahaa maanta 11_june _2024 inaam mar kale is aragno, Xanuunka iyo uurku taalada ay leedahay in lagu dhaho meydkaada dib usoo faag , waxa dareemi karo qofka, Ehelkiisa ku duugan yihiin kaliye, waxaan kuso arkay dad ehelkooda raadinaya meel ay ku Aasanyahiin garanayn, oo iska ilmaynaya, Alle ha u gar gaaro dhamaan shacabka dadkooda iskool polisia kaga aasanyihiin, waxaan soo noola tana waa ii dhinyd”

10/06/2024

"10KII UGU FIICNAA KAMAL DAARIGA KOLKII LA BAASEY EE GOBOLKA NUGAAL"
ISMAEL MOHAMED ISMAEL(ABUYO)

09/06/2024

Liquidity: Ability to turn an Asset into cash

09/06/2024

The king DAYAH DALNUURSHE

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Videos (show all)

NAYAAYIRO NABDOONGoobta iyo Aadistuba waa Sad uu Go'aamiyo maankuye haddii Nasasho loo Qaasheysto waa Baraare Maalineede...
HAKIS-BILA NABDOONKolka la joogo Saaxada Dugsiga, Jaamacad, Machad iyo Goob kasta oo laga daliigto Aqoon, xirfad, iyo dh...
GAARI NABDOONBadi Baabbur wadista uma badni, Haseyeeshee kolka aan dhaqaajiyo ayaan bilaabaa Qof walba oo aan aqaaney in...
HIBO NABDOONMohamed Khaliif Dayib( Hanad) waa xirfadle kolka la joogo dheesha, waa Nin Qalbi xaaran marka la joogo la dh...
QABASHO NABDOONBadi marka la diyaarinayo Jeexdimaha Aqooneed, waayo-aragnimada iyo dawgaaga Cilmi-baariseed waxaa lagu d...
MOHAMED SAED BAAFE( AW-GA)":

Telephone

Website

Address

Mogadishu
Other Educational Consultants in Mogadishu (show all)
Nasru_Diin Nasru_Diin
Mogadishu

Jiho Academy Jiho Academy
Mogadishu

Nala Joog oo Jiho Hel.

Almaas online Almaas online
Mogadishu, 252

searching new things

Paashi Cade Love Paashi Cade Love
Mogadishu

Awale Academy Online Awale Academy Online
Mogadishu, MOGADISHO

Study formal lessons Study formal lessons
Albaraka
Mogadishu, 252

halkaan waxaad ka helaysaa waxbarasho tayo leh oo ku raalin doonto iyo macalimiin tayo leh

Barasha Qur,aanka Barasha Qur,aanka
Wadajir Seybiano
Mogadishu

Walal Kuso Dhawow halkan Waxa Lagu bartaa qur,aan online ah

Fahad Hassan Sheikhow Fahad Hassan Sheikhow
Mogadishu

phenomenal

Hiral Professional Academy Hiral Professional Academy
Aargada
Mogadishu, JALLESIYAD

Damal Institute

Qalam Education Agency Qalam Education Agency
Maka Almukarmah
Mogadishu

Qalam Education Agency

Prof: Omar Ahmed Prof: Omar Ahmed
Yaqshid
Mogadishu

Welcome to Prof Omar Ahmed

Macalin Cigaal Macalin Cigaal
Mogadishu

page-ka rasmiga ah ee macalinCigaal waxaad kala socon doontaa arrimaha Waxbarashada Ganacsiga Lata