Somali Football Team

Somali Football Team

You may also like

Dahk odakkxxiii
Dahk odakkxxiii
Allex
Allex

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Somali Football Team, Sports Team, Afgoi Road, KM6, Jowhara Apartments, Hodan P. O Box 520 , Muqdisho, Mogadishu.

The Somalia national footballers team, nicknamed the Ocean Stars, represents Somalia in international football and is controlled by the Somali Football Federation, a member of the Confederation of African Football.

22/02/2023

Guddoomiyaha xiriirka iyo gudigiisa fulinta: 2023-2027. Guul Soomaaliya insha Allah. Balanteenu waa soomaliya oo aan geyno FIFA under 17 World Cup

Photos from Somali Football Team's post 20/02/2023

Guddiga Doorashada xiriirka kubbada Cagta Soomaaliya oo war saxaafadeed soo saaray.

February 19, 2023

Iyadoo laba maalmood ay ka harsan yihiin xilliga loo madlan yahay doorashada xiriirka kubbadda Cagta dalka ayaa guddiga doorashadu waxaa uu maanta yeeshay shir looga hadlay qodob muhiim ah oo quseeya arrimaha doorashada.

Shirka oo ka dhacay xarunta guddiga doorashada kaddib ayaa waxaa uu guddigu soo saaray war saxaafadeed u qornaa sidan:

28/12/2022

Guddiga Doorashada Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa dib u dhigay doorashadii Xiriirka Kubadda Cagta ee maanta lagu balansanaa.

Guddiga waxey ka doodeen arrimaha jira, waxeyna wadahadal la yeeaheen Xiriirka saamileyda ee Kubadda Cagta, waxaana la isla gartay in la ixtiraamo mabaadi'da iyo hab raaca guddiga doorashada iyo xeerarkeedaba.

Guddiga waxey cuskadeen qodobka 5-aad ee xeerka doorashada, farqadiisa 10-aad, kaas oo si cad u qeexaya in la hubiyo habsami u socodka hawlaha doorashada.

Warqadda waxaa lagu sheegay sidoo kale in Guddiga Doorashooyinka iyo FIFA ay ku dhawaaqi doonaan talaabada xigta ee loo marayo hanaanka doorashada, waxaana lala xiriiri doonaa dhinacyada ay khuseyso sida ugu dhaqsiyaha badan.

Faah-faahin aniga ii gaar ah: "Guddiga wali isagaa ka shaqeyn doona arrimaha doorashada, waxeyna ka shaqeyn doonaan habsami u socodka hawsha loo iqmaday.

WABILLAAHI TOWFIIQ

16/12/2022

Guddoomiyaha Xiriirka mudane cali shiine oo dalka qadar kula kulmaya madax ka tirsan FIFA.

Guddoomiyaha xiriirka kubbada cagta dalka Soomaaliya mudane Cali Cabdi Maxamed ayaa maanta u amba baxay magaalada Doxa ee dalka Qadar.

Guddoomiyaha ayaa ururka kubada Cagta adduunka ee FIFA ka helay casuumad waxaana inta uu ku sugan yahay dalka Qadar uu kulamo la qaadan doonaa masuuliyiin ka tirsan FIFA.

Guddoomiyaha xiriirka ayaa sidoo kale ka qeyb geli doona daawashada cayaarta finalka ee koobka adduunka ee sanadkan lagu marti geliyay dalka Qadar.

Guddoomiyaha ayaa waxyaabaha uu kala hadli doono madaxda FIFA waxaa ka mida mashaariicda horumarineed ee dalka Soomaaliya sidii sare loogusii qaadi lahaa maadaama Soomaaliya ay hada kasoo kabsaneyso dagaalo muddo dheer soo jiitamayay.

Guddoomiyaha xiriirka mudane Cali Cabdi Maxamed waxaa uu dalka dib ugusoo laaban doonaa 19-ka bishaan insha allah.

Photos from Somali Football Team's post 31/10/2022

Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) ayaa kormeer shaqo ku tagay magaalada Baydhaba ee xarunta kumeel gaarka ah ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxey booqasho ku tageen garoonka kubadda cagta Dr. Ayuub oo dhismahiisa uu marayo heer gabogabo ah iyadoo ay wehliyaan guddoomiyaha ururka Ahmed Ali Hassan, Xoghayaha Guud ee Ururka Nuur Haji Hafow Iyo Madaxa Tartamada Ahmed Sankuus Xasan.

Safarka Madaxweynaha ayaa daba socda safaro uu maalmahii ugu dambeeyay ku tagayay qaar ka mid ah xarumaha ururada kubadda cagta dowlad goboleedyada, wuxuuna kulamo la qaatay hawlwadeenada ururka kubadda cagta Koonfur Galbeed iyadoo la iska wareystay hawlaha horumarineed oo uu xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ugu talagalay in laga fuliyo deegaanadaas.

Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa qorsheynaya in mudnaan la siiyo kooxaha ka ciyaara tartamada heeraraka kala duwan ee ururada kubadda cagta dowlad goboleedyada, sidoo kalana sare loo qado fursadaha ay heli karaan ciyaartoyda halkaas ka ciyaarta.

Photos from Somali Football Team's post 28/10/2022

SAWIRO: Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Barre Maxamuud oo uu wehliyo Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) ayaa koobka Horyaalka Heerka Koowaad gudoonsiiyay kooxda Gaadiidka.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Soomaaliya, Agaasimaha guud ee Wasaaradda iyo xildhibaano aqalka hoose ah ayaa lagu casuumay iney bixiyaan biladaha guuleystayaasha.

28/10/2022

GAADIIDKA FOOTBALL CLUB ARE CHAMPIONS🏆

Hambalyo kooxda kubadda cagta Gaadiidka oo ku guuleystay horyaalka heerka koowaad ee dalkeena Somalia (Somali Premier League) 2021-2022

Photos from Somali Football Team's post 27/10/2022

WAR GILIN MUHIIM AH:

Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta Dhamaan Tageerayaasha wuxuu ku war gilinayaa in kulankii Jimcaha ee Kooxaha Gadiidka iyo Jazeera loo wareejiyay Garoonka EG.Yariisoow.

19/10/2022

Garsoore Cumar Abdulkadir Artan ayaa shalay dhex-dhexaadiyay kulan ay dalalka Morocco iyo Tunisia barbaro ku dhameysteen kana tirsanaa tartanka isreeb-reebka koobka Qaramada Afrika ee 20-jirada, gaar ahaan qeybta Waqooyiga Afrika.

Kulankaan xiisaha badan leh wuxuu ka dhacay dalka Masar oo tartankan martigalinaya, wuxuuna Omar Artan ahaa garsooraha kaliya ee Soomaaliyeed ee kulankaan ku lugta lahaa, waxaana la shaqeynayay saddex garsoore oo kasoo kala jeeda Masar iyo Liibiya.

Calanhayaha koowaad waxaa ahaa: Ahmed Hossam Edlin (Masar) calanhayaha labaad: Wahed Al Jahawe (Libya) halka garsoorka afaraad uu ahaa: Abdulrazg Ahmed (Libya).

Somali Football Federation TotalEnergies Africa Cup of Nations

05/08/2022

Badbaado oo galabta guul ka gaartay kooxda Midnimo.

Kulan ka tirsan horyaalka Soomaaliya oo galabta lagu balansanaa ayaa kooxda midnimo soo xaadiri weysay, sida uu qabo xeerka tartanka xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta, hadii ay koox soo xaadiri weyso waqtiga jadwalka ugu qoran waxaa laga qaadayaa dhibcaha iyadoo kooxda la ciyaari laheed loo qoraayo seddex dhibcood iyo seddex gool sidaas awgeed kooxda badbaado ayaa sidaas ku qaadatay dhibcaha ciyaarta galabta.

12/07/2022
07/07/2022

Xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed oo warqad dacwo ah ka gudbisay gudoomiyihii h**e ee xiriirka kubada cagta Mudane Cabdi Qani Saciid Carab

Gudoomiyihii h**e ee Xiriirka Kubadda Cagta waxaa lagu eedeeyay afar qodob oo culus.

1. Ku Xadgudubka Dastuurka
2. Musuq-maasuq
3. Ku takri-fal Awoodda Xafiiska
4. Lunsasho lacagahii taageerada.

04/07/2022

KUBADDA CAGTA SOMALIA 🔥

Elman oo heerka labaad sanadkii h**e u dhacday, ayaa berito horyaalka heerka koowaad ciyaareysa, iyadoo aan ku jirin jadwalka horyaalka oo bishii h**e la furay. 😳🔥

04/07/2022

Waxaa bari galab Garoonka Eng Yariisow ka dhaceyso Ciyaar u dhaxeyso Kooxaha Elman iyo Jaziira kulanka labaad ee Somali premier league 2021/22.

28/06/2022

Xiriirka kubabdda Cagta Carabta oo soo saaray isku aadka koobka U-20

Waxaa maanta oo Axad ah la sameeyay isku aadka koobkii sideedaad ee xulalka 20 jirada oo ay soo qaban qaabiyeen xiriirka kubbada cagta Carabta, tartankaan oo ay marti galin doonto boqortooyada Sucuudiga carabiya inta u dhaxeysa 20-ka July ilaa 6-da Ogosto 2022.

Xulka Soomaaliya ayay isku group yihin wadamada Masar, Iyo Cumaan. Xidigaha xulka 20 jirada ayaa tababar joogto ku qaata garoonka muqdisho stadium.

⚽️🇸🇴🏟

05/06/2022

Cawo iyo Maalin Super Cup Winners 2021

05/06/2022

FT: 2 Horseed MCC 0

05/06/2022

Waxaa hada garoonka soo galaaya taageerasha Horseed Vs Mogadishu City Club

🏟⚽️

05/06/2022

Super Cup

Horseed Vs MCC

⚽️ 🏟 🇸🇴

Kooxdee guul u rajeyneysaa galabta?

01/06/2022

XSKC ayaa go’aamiyay in lacag la’aan lagu daawan doono Super cup-ka

Xiriirka ayaa go’aan ka soo saaray ciyaarta Super cup-ka in si lacag la’aan lagu daawan doono kulanka horseed vs MCC.

go'aankan ayaa imaanayo markii Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadaa cagta mudan Cali Cabdi Maxamed wada tashi la yeeshay guddiga fulinta xiriirka iyo guddoomiyasha kooxaha ayuu goaansaday in lacag la’aan lagu daawado ciyaarta Super cupka Soomaaliya.

Photos from Somali Football Team's post 31/05/2022

Madaxweynahii h**e Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya (Cabdi Qabi Saciid Carab) kana mid ah xubnaha guddiga fulinta xiriirka qaaradda Afrika ee CAF ayaa magaalada Casablanca uga qeybgalay shirka guddiga fulinta ee CAF.

Shirka waxaa sanadkaan looga hadlay sidii loo hormarin lahaa tartamada kubadda cagta ee heerarka sare, waana mid ah shirarka horumarineed oo ay yeeshaan guddiga.

Sidoo kale Mr. Carab waxaa lagu casuumay final-ka koobka horyaalada Africa oo ay sanadkaan isaga hor yimaadeen kooxaha Al Ahly iyo Wydad AC.

Kooxda reer Morocco ee Wydad AC ayaana kor u qaaday koobka CAF Champions League kadib markii ay 2-0 ku dishay Al Ahly.

29/05/2022

Isku aadka Arab Futsal Cup oo la sameeyay, iyo xulka Soomaaliya oo ka soo muuqday group adag.

29/05/2022

Saalax Faarax Muxidiin oo loo magacaabay macalinka xulka Qaranka Futsalka.
🇸🇴⚽️

26/05/2022

Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa isreeb-reeb u geli doono koobka CHAN Cup 2022 ee Algeria lagu qaban doono.

Wareegga h**e xiddigaha Ocean Stars wuxuu la ciyaari doonaa Tanzania, waxaana u xigi doona Uganda hadey kasoo gudbaan.

Tartankaan waxaa kaliya matali kara qaranka ciyaartoyda gudaha dalka ka ciyaara.

Photos from Somali Football Team's post 07/03/2022

Sawiro: Xulka qaranka Soomaaliya oo ku jira tababarka jirdhiska.



🇸🇴⚽️

21/01/2022

🙏🙏🙏🇸🇴🇸🇴🇸🇴

Somalia to play against Eswatini in AFCON 2023 preliminary qualifiers

The Confederation of African Football [CAF] has today released the draw for the preliminary round of the Africa Cup of Nations, Cote d’ivoire 2023 qualifiers.

Somalia’s Ocean Stars will play against Eswatini, according to the draw, announced by CAF in Cameroon today. This round of AFCON Cote d’ivoire 2023 qualifiers, will be played in March.

The Confederation of African Football [CAF] is expected to release the fixtures for the preliminary round in the next few days. Somalia will soon announce the list of players for the competition. Most of them will be Somalia’s foreign-based professionals.

21/01/2022

DEGDEG: Xulka Soomaaliya iyo Eswatini (Swaziland) ayaa isku aaday is reeb reebka loogu soo baxayo heeeka group-yada ee koobka Qaramada qaaradda Africa 2023 ee lagu qaban doono wadanka Ivory Coast.

Kulanka oo la ciyaari doono Home iyo away, dib ayaana idiin kaga soo sheegi doono taariikhda la ciyaari doono Insha Allah

La wadaag saaxibadaada

13/01/2022

Laacibka kooxda Horseed iyo qaranka Soomaliya Cabdikariin Cabdalle Qubaaye ayaa ku guulaysatay abaal marinta laacibka ugu wanagsan Soomaliya Abaalmarintan ayaa bixisa sanad walbo hay'adda International Somali Awards 2021

10/01/2022

Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab iyo Madaxweynaha wadanka Cameron ahna xiddigii h**e kooxaha Real Madrid, R. Mallorca, Barcelona, Inter Milan, Chelsea, Anzhi, Everton iyo kooxo kale Samuel Et'o Flis ayaa ku kulmay furitaanka tartanka AFCON 2022 ee xalay ka furmay magaalada Yaoundé.

Xiriirka Soomaaliya ayaa casuumaad ka helay xiriirka qaarada Africa.

27/12/2021

Waxaa dib loo dhigay xafladii qori tuurka General Daud cup oo lagu balansanaa 29/12/2021 sababo farsamo darteed. XSKC ayaa dib kasoo sheegayo mudada ay dhaceyso xafladaas Insha’Allah.

Want your business to be the top-listed Gym/sports Facility in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Videos (show all)

Wafdi ka socdo wadanka Norway oo booqasho kormeer ah ku sameeyay garoonka Muqdisho.Xaquuqda muuqaalka: Astana Sports
Gudoomiyaha  xiriirka Soomaaliyeed ee Kubbadda cagta Cabdiqani Siciid Carab oo ka hadalay tababarka FIFA ma Course oo ma...
Gudoomiyaha xiriirka soomaliyeed ee kubbadda cagta Cabdiqani Saciid Carab oo fariin u diray tageerayaasha kubbadda cagta...
Maxey tahay sababta garoonka Engineer Yariisow loogu wareejiyay ciyaarta kala baxa ee u dhaxeysa Horseeed iyo MCC?Xaquuq...

Category

Telephone

Address

Afgoi Road, KM6, Jowhara Apartments, Hodan P. O Box 520 , Muqdisho
Mogadishu
252
Other Sports Teams in Mogadishu (show all)
Haldoor Football Club Haldoor Football Club
Doolow
Mogadishu

Hiigsigeena waa inaan ahaano dhalinyaro maskax iyo muruqba caafimaad qabto

Halyeyga Umadda Halyeyga Umadda
Jale Siyad Road
Mogadishu

Hey !. Welcome to our Home/page follow and like is your Side .... Welcome and welcome and welcome

Shalambood Fc Shalambood Fc
Shalambood
Mogadishu, 252

Together we can do ��

Shabeel football Shabeel football
Mogadishu
Mogadishu

join us to stay updated on football news in different leagues.

somali fixed 1xbet&linebet somali fixed 1xbet&linebet
Mogadishu

welcome everyone somali

Baqar feysal Stars Baqar feysal Stars
Mogadishu

Liverpool somali fans Liverpool somali fans
Km4
Mogadishu, 311000

Halkan waxa ka socon doontaa waarkii ugu danbeyay ee kooxda ,tabinta ciyaarta,taariikhaha

POWER BOYS POWER BOYS
Mogadishu

Welcome to the largest club in Bondere district 💪🙏

FC  cosmos FC cosmos
Madiino
Mogadishu

sport& train

walaalaha FC walaalaha FC
Suuqa Xoolaha
Mogadishu, 619255228

walaalaha fc

CUMAR CUMAR
0614913802
Mogadishu