Farxada Nolosha waa Fayoobida Qalbiga

Farxada Nolosha waa Fayoobida Qalbiga

Isku Xidh Alle SWT si Noloshaada dhan ey kuugu Noqoto Mid aad Farxad ku noolaato.

10/04/2024

Owlaadul CaasimaH iyo Awoowahood๐Ÿค๐Ÿค—
ูƒู„ ุนุงู… ูˆุฃู†ุชู… ุจุฎูŠุฑ ุนูŠุฏูƒู… ู…ุจุงุฑูƒ ุนู„ูŠู†ุง ูˆุนู„ูŠูƒู…๐ŸŽˆ๐Ÿงšโ€โ™€๏ธ๐Ÿฅณ

06/09/2023
Photos from Farxada Nolosha waa Fayoobida Qalbiga's post 28/10/2022

Maalin maalmaha kamid ah ayaa nabiga ๏ทบ waxa u yimi asxaabi waxa uun waydiiyey. โ€œNabi allow waxaad ii tilmaantaa camal hadii aan qabto ilaahay igu jeclaanayo. Addoomihiisuna igu jeclaanayaan.โ€

Nabiga ๏ทบ waxa uu ugu jawaabay โ€œAduunyada iskaga saahid oo yaanay qalbigaaga ku weynaanin. Ilaahay ayaa ku jeclaan doona. Waxa kale oo aad iskaga saahidaa waxa ku jira gacanta bani aadanka. Taasna dadka ayaa kugu jeclaan doona.โ€

Jumca Mubarak

27/06/2022

Naftaada Ku xirr Allahii Abuuray
Si 2Faido Adunka ugu heshid (Farxad & Naxariista Rabbigaa)

03/04/2022

10 ๐ค๐š ๐ช๐จ๐๐จ๐› ๐ž๐ž ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ฆ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ๐ฌ๐š๐ง ๐›๐ข๐ฌ๐ก๐š๐ง ๐ซ๐š๐ฆ๐š๐๐š๐š๐ง.

1. Ha hadlin wax badan adiga oo sooman... ha badsanin kaftanka .... ha qeylinin... sabab?
Xadiiska nabiga scw ayey ku jirtaa "hadduu qofkiin soomanyahay yuusan caytamin yuusan qeylinin" haddaa hadleyso kheyr ku hadal ama iska aamus, ha doodin ha dagaaltamin hadduu qof ku caayana waan soomanahay ku dheh.
ุดุฑุญ ุงู„ุญุฏูŠุซ : ูŠู‚ูˆู„ ุฑุณูˆู„ ุงู„ู„ู‡ ุตู„ู‰ ุงู„ู„ู‡ ุนู„ูŠู‡ ูˆุณู„ู… (ุฅุฐุง ูƒุงู† ูŠูˆู… ุตูˆู… ุฃุญุฏูƒู… ูู„ุง ูŠุฑูุซ ูˆู„ุง ูŠุตุฎุจ ูุฅู† ุณุงุจู‡ ุฃุญุฏ ุฃูˆ ุดุงุชู…ู‡ ูู„ูŠู‚ู„ ุฅู†ูŠ ุตุงุฆู…)ุตุฏู‚ ุฑุณูˆู„ ุงู„ู„ู‡ ุตู„ู‰ ุงู„ู„ู‡ ุนู„ูŠู‡ ูˆุณู„ู…
ูŠู‚ูˆู„ ุงู„ุฑุณูˆู„ ุงู„ูƒุฑูŠู… ุฅุฐุง ุฃุตุจุญ ุฃุญุฏู†ุง ุตุงุฆู…ุง ูู„ุง ูŠู‚ู„ ุฅู„ุง ุฎูŠุฑุง ู„ุง ูŠุชูƒู„ู… ุจุงู„ูƒู„ุงู… ุงู„ุจุฐุฆ ุงูˆ ุงู„ู‚ุจูŠุญ ูˆู„ุง ูŠุชุดุงุฌุฑ ุงูˆ ูŠุชู‚ุงุชู„. ุญุชูŠ ุฅุฐุง ุณุจู‡ ุฃุญุฏ ุงูˆ ุดุชู…ู‡ ุฃุญุฏ ู„ุงูŠุฑุฏ ุนู„ูŠู‡ ูˆู„ูŠู‚ู„ ุฅู†ูŠ ุตุงุฆู….
ููŠ ู‡ุฐุง ุงู„ุญุฏูŠุซ ูŠุนู„ู…ู†ุง ุงู„ุฑุณูˆู„ ุตู„ู‰ ุงู„ู„ู‡ ุนู„ูŠู‡ ูˆุณู„ู… ุฃู† ุงู„ุตูˆู… ู„ูŠุณ ุงู„ุตูˆู… ุนู† ุงู„ุฃูƒู„ ูˆุงู„ุดุฑุจ ูˆุงู„ุดู‡ูˆุฉ ูู‚ุท ูˆ ุฅู†ู…ุง ุงู„ุตูˆู… ุฃูŠุถุง ุตูˆู… ุงู„ู†ูุณ ูˆุงู„ุฑูˆุญ ูˆุชู‡ุฐูŠุจ ุงู„ุฃุฎู„ุงู‚ ุตูˆู… ุงู„ูŠุฏ ุนู† ุงู„ุญุฑุงู… ูˆุตูˆู… ุงู„ู‚ุฏู… ุนู† ุงู„ุณุนูŠ ู„ู„ุญุฑุงู… ูˆุตูˆู… ุงู„ู„ุณุงู† ุนู† ู‚ูˆู„ ุงู„ุญุฑุงู….โค
๐Ÿ•Œ๐ŸŒ™
2. Hadduu qof kaa xanaajiyo ama wax ku dhaho ha u jawaabin ee ku dheh allahuma innii saa'im oo micnaheedu yahay ilaahoow waan soomanahay ๐Ÿค.โค
๐Ÿ•Œ๐ŸŒ™
3. Ramadaanka ma aham fajar ilaa maqrib, ramadaanka waa 30 beri, haddaa maalinti afka iyo adimaha ka soomantahay waa in aad qalbigana ka soontaa maalin iyo habeen ood ka fogaataa wuxuu alle kaa reebay .... intaad maalinti soonto habeenki ha iska baab'in ajarki soonka.โค
๐Ÿ•Œ๐ŸŒ™
4. Kuligeen waa soomi karnaa qur'aan iyo salaad waan joogteyn karnaa, lkn badankeen ma fahamsana in hadafka intaa laga leeyahay ay tahay in alle laga baqo dhaqamada nafta wax laga badalo, haddaba wax ka badal naftaada oo dhaqamada sida beenta iyo xanta ka towbad keen, haddaadan ku camal faleyn cibaadada maxey aqrinta iyo tukashada iyo soonka kuu tareen.โค
๐Ÿ•Œ๐ŸŒ™
5. Soo degso ducooyin oo maalin walba duco cusub ku duceyso, oo markaa afureyso duceyso markaa saxuuraneyso duceyso, ha iskala bakheylin ducada waayo soonka alle maalin walba ugu yaraan hal duco inuu kuu aqbalayaa laya yaabaa ee ku duceyso wax addun iyo wax aakhiro ku anfacaya.โค
๐Ÿ•Œ๐ŸŒ™
6. Soo gado tusbaxa electroniga ah ๐Ÿ“ฟ ee jeebka ku wado maalinti oo saacad walbo dhowe boqoloo jeer istiqfaarso tasbiixso taxmiidso oo digriga iyo xuska alle carabkaaga ku qooy.โค
๐Ÿ•Œ๐ŸŒ™
7. Yuusan kaa tagin maalin aadan wax sadaqeysan ugu yaraan 1 shilin sadaqsyso ilaahey wuu 10 jibaarayaa maalkaagana wuu kuu barakeynayaa, maal sadaqo laga bixiyayna ma nusqaamo ee wax bixi aad wax heshide โค.
๐Ÿ•Œ๐ŸŒ™
8. Ku duko masjid uu imaamkiisu cod qurux badan ku tujinayo oo taraawiixda kusoo duko waad jeclaaneysaa aadisteeda waliba si khushuuc leh ayaad u tukaneysaa.โค
๐Ÿ•Œ๐ŸŒ™
9. Habeen waliba soonka dad badan buu alle naarta ka xoreeyaa, tolow dadkaas maka mid tahay ... ilaahey weydiiso maalin walba iyo habeen walba inuu kaa mid dhigo dadka uu naarta ka xoreeyay, ilaaahey bari si uu kaaga mid dhigo kuwi naarta laga xoreeyay waalidkaaga iyo walaalahaana u bari in laga xoreeyo naarta. โค
๐Ÿ•Œ๐ŸŒ™
10. Qur'aanka ha iska aqrin oo kaliya, soo qabso kitaabka tarjumaadda leh oo fahan aayad walba micnaheeda wax weyn baa iska kaa badali doona insha allaah.โค

Kii musalsal ku mashquulsan, kii ciyaaro ku mashquulsan iyo kii doolar xisaabintiisa ku mashquulsanow soon waa yimi wuuna tagayaa maalmo yar kadib ee maantaad nooshahaye maad xoogaaga iyo caafimaadkaaya cibaadada ugaa faa'ideysatid. ๐Ÿ™

Aynu u tartanno dhanka alle si magaceena loogu daro dadki laga xoreeyay janada. โคโค

Fadlan share nagu caawi ๐Ÿ™

25/06/2021

๐๐š๐ซ๐š๐ค๐š๐๐š ๐ ๐ฎ๐ซ๐ฒ๐š๐ก๐š.

๐ŸGuryaheena, waqtigeena, iyo risqigeena in uu ilaahey noo barakeeyo haddaa rabno intan waa sideeda fure ee lagu helo barakada guryaha iyo risqiga ee nalaga rabo in aan ku dadaalno:

1. Aqrinta qur'aanka: qur'aanka allaah sw wuxuuu ka dhigay barakeysan oo qofkii ku dadaalo oo aqriyo kuna dhaqmo noloshiisa oo dhan waxa ay yeelaneysaa barako.

Rasuulka scw waxa uu yiri guriga qur'aanka laga aqriyo (malaa'igta ayaa degta sheydaankana wuu ka guuraa oo wuu ka haajiraa, gurigaas ehelkiisa wuu deeqaa oo kheyrkiisa ayaa bata).
๐Ÿ
2. Bisimileysashada iyo xusidda alle:
Rasuulka scw waxa uu yiri( hadduu qofku galo gurigiisa oo uu xusidsa alle ku galo, oo markuu cunto cunayo alle xuso, sheydaanka waxa uu dhahaa gurigan joogis maleh cuntana maleh).
๐Ÿ
3. Sadaqada: waa asbaabta barakada guryaha, waliba sadaqada qarsoodiga loo bixiyo ee aan cidna loo sheegin waxa ay demisaa carada allaah.
๐Ÿ
4. Qaraabo xeriirinta:
Wuxuu nabiga noo sheegay in xeriirinta riximka(qaraabada) iyo dhaqanka wanaagsan ay siyaadiyaan risqiga oo ay dheereeyaan cumriga.
๐Ÿ
5. Aroortii oo la raadiyo risqiga:
Subixi oo xili h**e loo baxo si loosoo shaqeysto waxa laga helaa risqi barakeysan.
๐Ÿ
6. Salaadda oo la oogo:
Salaadda oo waqtigeeda la dukado waxaa lagu helaa risqi barakeysan
ูˆุงู„ู„ู‡ ูŠู‚ูˆู„:
"ูˆูŽุฃู…ูุฑ ุฃูŽู‡ู„ูŽูƒูŽ ุจูุงู„ุตู‘ูŽู„ุงุฉู ูˆูŽุงุตุทูŽุจูุฑ ุนูŽู„ูŽูŠู‡ุง ู„ุง ู†ูŽุณุฃูŽู„ููƒูŽ ุฑูุฒู‚ู‹ุง ู†ูŽุญู†ู ู†ูŽุฑุฒูู‚ููƒูŽ ูˆูŽุงู„ุนุงู‚ูุจูŽุฉู ู„ูู„ุชู‘ูŽู‚ูˆู‰" [ุทู‡: ูกูฃูข]
๐Ÿ
7. Talasaarashada alle:
Haddaa allaah si dhab ah u talasaarano waxa aan heleynaa arsaaq waasac ah
sida xadiiskan lagu wariyay:

ู‚ุงู„ ๏ทบ: ( ู„ูŽูˆู’ ุฃูŽู†ู‘ูŽูƒูู…ู’ ุชูŽูˆูŽูƒู‘ูŽู„ู’ุชูู…ู’ ุนูŽู„ูŽู‰ ุงู„ู„ู‘ูŽู‡ู ุญูŽู‚ู‘ูŽ ุชูŽูˆูŽูƒู‘ูู„ูู‡ูุŒ ู„ูŽุฑูŽุฒูŽู‚ูŽูƒูู…ู’ ูƒูŽู…ูŽุง ูŠูŽุฑู’ุฒูู‚ู ุงู„ุทู‘ูŽูŠู’ุฑูŽุŒ ุชูŽุบู’ุฏููˆุง ุฎูู…ูŽุงุตุงู‹ ูˆูŽุชูŽุฑููˆู’ุญู ุจูุทูŽุงู†ุงู‹ )
๐Ÿ
8. Istiqfaarta oo la joogteeyo:
Istiqfaarta waa isha risqiga sida uu noo sheegay nabiga scw ( qofki istiqfaarta laasima, ceriiri walba uu ku jiro ilahey waxa uu u furaa meel uu ka baxo, murug kasta oo haysatana waxa uu ugu badalaa f***j, waxa uuna ka arsaaqaa meel uusan ka filaneyn).
๐Ÿ
Guryaha waa qubuuro haddaan dhexdooda lagu aqrinin qur'aanka kariimka ah.
๐Ÿ
Waa hubaal intaan haddaa sameyno guryaheena waxa ay noqonayaan kuwo qaboow oo degen oo aan khilaaf iyo dagaal ka jirin ileen sheydaanki wax isku dirayay ayaaba joogeynin guri waxaano kheyr ah lagu dhex sameynayo.
๐Ÿ
Ilaaheey hanoogu deeqo barako iyo raali ahaansho iyo taqwada rabbi๐Ÿคฒ

๐— ๐—ฎ๐—ฟ๐˜„๐—ผ

02/05/2021

"Geedi Socodka Noloshaada Ku darso Garaad oo Rabbigaa ku xerr Naftaada"

09/02/2021

Rasuulka CSW ayaa isaga oo Cali Ibnu Abii Daalib la dardaarmaya ku yidhi.
( Caliyoow ha seexan habeenkii adiga oo aan 5 sameeyn)..

1. Adiga oo aan quraanka dhammaystirin.
2. Adiga oo aan 4000 oo dirham sadaqo ula bixin.
3. Adiga oo aan kacbada booqan.
4. Adiga oo aan xafidin meesha aad jannada kadegayso iyo
5. Adiga oo aan qancin kuwa ka soo horjeeda.Wuxuu ku dhahay

(Sidee ayay u suuragalaysa Rasuulkii ilaahayoow?)

Markaa wuxuu ku yidhi Rasuulku CSW:

1. Haddii aad akhrido 3 jeer ( ๏บณ๏ปฎ๏บญ๏บ“ ๏บ๏ปน๏บง๏ปผ๏บน ) waxaad dhammaysay quraankii.

2. Haddii aad akhrido 3 jeer ( ๏บณ๏ปฎ๏บญ๏บ“ ๏บ๏ปŸ๏ป”๏บŽ๏บ—๏บค๏บ” ) waxaad sadaqaysatay 4000 oo dirham.

3. Haddii aad akhrido 10 jeer( ๏ปป ๏บ๏ปŸ๏ปช ๏บ๏ปป ๏บ๏ปŸ๏ป ๏ปช ๏ปญ๏บฃ๏บช๏ปฉ ๏ปป ๏บท๏บฎ๏ปณ๏ปš ๏บ๏ปŸ๏ป ๏ปชุŒ ๏ปŸ๏ปช ๏บ๏ปŸ๏ปค๏ป ๏ปš ๏ปญ๏ปŸ๏ปช ๏บ๏ปŸ๏บค๏ปค๏บชุŒ๏ปณ๏บค๏ปฒ ๏ปญ๏ปณ๏ปค๏ปด๏บ– ๏ปญ๏ปซ๏ปฎ ๏ป‹๏ป ๏บŠ ๏ป›๏ปž ๏บ๏ปŸ๏บธ๏บŠ ๏บ๏ปŸ๏ป˜๏บช๏ปณ๏บฎ ) waxaad booqatay kacbada.

4. Haddii aad akhrido 10 jeer( ๏ปป ๏บฃ๏ปฎ๏ป ๏ปญ๏ปป ๏ป—๏ปฎ๏บ“ ๏บ‡๏ปป ๏บ‘๏บŽ๏ปŸ๏ป ๏ปช ๏บ๏ปŸ๏ปŒ๏ป ๏ปฒ ๏บ๏ปŸ๏ปŒ๏ปˆ๏ปด๏ปข ) waxaad xafiday/ilaalisay meesha aad jannadaka degi lahayd.

5. Haddii aad akhrido 10 jeer( ๏บƒ๏บณ๏บ˜๏ป๏ป”๏บฎ ๏บ๏ปŸ๏ป ๏ปช ๏บ๏ปŸ๏ปŒ๏ปˆ๏ปด๏ปข , ๏บƒ๏ปŸ๏บฌ๏ปฑ ๏ปป ๏บ๏ปŸ๏ปช ๏บ‡๏ปŸ๏บŠ ๏ปซ๏ปฎ ๏บ๏ปŸ๏บค๏ปฒ ๏บ๏ปŸ๏ป˜๏ปด๏ปฎ๏ปก๏ปญ๏บƒ๏บ—๏ปฎ๏บ ๏บ๏ปŸ๏ปด๏ปช ) Waxaad qancisay kuwii ka soo horjeeday...

Haddii aad qoraalkaan dhameysatay kusalli Nabiga SCW. Siina faafi

03/02/2021

Walaashey Ama Walaalkey Ma Ogtahay in ay Waajib kugu Tahay Haddii Lagu Weeydiiyo Todobadan Su`aalood inaad Kaga Jawaabi Karto Si Cilmiyeeysan.?

Hadaba Waa Kuwee Su`aalaha Todobada ah Ee La Sheegayo.?

Q: 1 " Su`aasha Kowaad : Waa Maxay Acraaf.?

Ans: 1: Acraaf Waa Goob U dhaxeeyso Naarta iyo Janada Waxaa Lagu magacaabaa " Al-Acraaf"
Waa darbi Aad U Weeyn joog dheer leh

Asxaabta dushiisa Saaran ay Ka daawanayaan Ehlu-janaha iyo Nimcooyiinka ay dhax dabaalanayaan iyo Kuwa Ehlu-Naarka iyo Cuquubada Haysata

Jamaacadaas Ugu dambeeyn Rabbigood ayaa U Ogolaanayo in ay jannada Ku galaan Naxariistiisa

Culumada islaamka Waa ay isku khilaafeen Qoloda Meesha saaran yeey yihiin Lkn Sida Raajaxa ah Waa Qoom isla ekaadeen Xumaantoodii iyo Samantoodii .

Q: 2 " Su`aasha Labaad: Halkee Kaa jirtaa jannada.?

Ans: 2" Jannadu Waxeey Ku taallaa Todoba Samo Ka kore Marka Uu Allah Duubayo Samooyiinka iyo dhulalka todobada ah Sida Warqado camal Jannada ayada Waa Hareysaa

Ma Ku jirto Waxa La laabayo Mana dhamaaneyso mana Zuuleyso Saqafkeeda Korane Waa Carshiga Raxmaanka jalla wacala

Q: 3" Su`aasha Sadaxaad: Halkee Naarta Kaa Jirtaa.?

Ans: 3" Naartu Waxeey Ku taalla goob Ka hooseyso todobada Dhul Waxaa Lagu Magacaabaa goobtaas ุŒ ุณุฌูŠู†"Sijiin
Allah Waxaa Uu Nooga Waramay in Uu abuuray todobo samo iyo todobo dhulal Oo la mid ah
{ ุงู„ู„ูŽู‘ู‡ู ุงู„ูŽู‘ุฐููŠ ุฎูŽู„ูŽู‚ูŽ ุณูŽุจู’ุนูŽ ุณูŽู…ูŽุงูˆูŽุงุชู ูˆูŽู…ูู†ูŽ ุงู„ู’ุฃูŽุฑู’ุถู ู…ูุซู’ู„ูŽู‡ูู†ูŽู‘ }:
Sijiin " : Waa Meesha dhulalka Ugu hooseyso ayeey Ka sii hooseysaa.

Xadiithkan ayaa Daliil U ah Oo Laga Wariyay Ibnu Mascuud Allah Ka ralli Noqdo
ุนู† ุงุจู† ู…ุณุนูˆุฏ ู‚ุงู„ : " ุงู„ู’ุฌูŽู†ูŽู‘ุฉู ูููŠ ุงู„ุณูŽู‘ู…ูŽุงุก
ุงู„ุณูŽู‘ุงุจูุนูŽุฉู ุงู„ู’ุนูู„ู’ูŠูŽุงุŒ ูˆูŽุงู„ู†ูŽู‘ุงุฑู ูููŠ ุงู„ู’ุฃูŽุฑู’ุถู ุงู„ุณูŽู‘ุงุจูุนูŽุฉู ุงู„ุณูู‘ูู’ู„ูŽู‰"

"Ka dib Waxaa Uu aqriyay Aayadaan
" ุฅูู†ูŽู‘ ูƒูุชูŽุงุจูŽ ุงู„ู’ุฃูŽุจู’ุฑูŽุงุฑู ู„ูŽูููŠ ุนูู„ูู‘ูŠูู‘ูŠู†ูŽ) ุงู„ู…ุทูููŠู†" ุŒ ุฅูู†ูŽู‘ ูƒูุชูŽุงุจูŽ ุงู„ู’ููุฌูŽู‘ุงุฑู ู„ูŽูููŠ ุณูุฌูู‘ูŠู†ู" ุงู„ู…ุทูููŠู†"

Q: 4 " Su'aasha Afaraad: Qiyaasta Halka Maalin Ee Qiyaame immisa ayeey La Egtahay.?

Ans: 4" Qiyaasta Halkii Maalin Ee Qiyaamaha Waxeey la egtahay 50.000 Sanadod Allah Mar Uu Ka Waramayay Waxaa Uu yiri" ู‚ุงู„ ุชุนุงู„ู‰ : { ุชูŽุนู’ุฑูุฌู ุงู„ู’ู…ูŽู„ูŽุงุฆููƒูŽุฉู ูˆูŽุงู„ุฑูู‘ูˆุญู ุฅูู„ูŽูŠู’ู‡ู ูููŠ ูŠูŽูˆู’ู…ู ูƒูŽุงู†ูŽ ู…ูู‚ู’ุฏูŽุงุฑูู‡ู ุฎูŽู…ู’ุณููŠู†ูŽ ุฃูŽู„ู’ููŽ ุณูŽู†ูŽุฉู } .

Abdullahi ,Ibnu Cabaas: Allah Ka ralli Noqdee Waxaa laga Wariyay in Uu yiri " Maalinta Qiyaame Waxaa La istagayaa Konton Gobood Halkii Goobne Waxaa la taagnanaa Konton Kun Oo sanadod " .Cajiib !!

Q: 5" Su'aasha Shanaad: Maxaa Laga Wadaa Sidratul-muntahaa .?

Ans: 5 " Sidratul-Muntahaa Waa Geed Aad u Weyn Oo Caleemankiisa iyo Xididisa Ku yaalllaan Samada todobaad Caleemankeeda Waa Sida dhagaha Xayawanka Marodiga

Goob dhinaceeda ah ayuu Rasuulka csw Waxa Uu Ku arkay Sayid jabriil Suuradisa Xaqiiqda aheeyd Markii labaad Markii Kowaad Waxeey aheyd Magaalada Mar Uu Ku Arkay makka-Almukarama Buurta" ajyaad, dhinaceeda

Q: 6" Su'aasha Lixaad : Maxeey yihiin gabdhaha Ku dhex Nool janada Ee lagu magacaabo" Xuurul-Ciin".?

Ans: 6" Waa Xaasaska Ragga Mu'mininta ah Marka ay janada galaan Jinni iyo insi toona Korkooda ma taaban , Malaa'igne ma ahan

Allaah ayaa Jannada Ku dhex Abuuray Mid gabdhahaas ka mid ah Haddii ay Aduunka soo Eegto Qorraxda iftiinkeda ayada ayaa qarin laheed.

Q: 7" Su'aasha Todobaad: Waa Kuma Wiilasha jannada lagu waariyay.?

Ans: 7 " Waa Wiilal dhalanyar Oo adeegayaal U ah Ehlu-janaha insi iyo jinni Midna Ma ahan Xitaa malaa'ig ma ahan Alla ayaa Abuuray siduu abuuray Oo kale Xuurul-ciinta gabdhaha.

Wiilashaa Allah marka Uu Kawaramayay Quruxdooda Waxaa Uu Ku Miithaalay Lu'Lu' Waxaa Uuna yiri" :
(ูˆูŠุทูˆู ุนู„ูŠู‡ู… ูˆู„ุฏุงู† ู…ุฎู„ุฏูˆู† ุฅุฐุง ุฑุฃูŠุชู‡ู… ุญุณุจุชู‡ู… ู„ุคู„ุคุง ู…ู†ุซูˆุฑุง} :

Haddaad Ka Mid Noqotay dadka in ay aqristaan Nasibka U yeeshay Qoraalkan SHARE dheh oo la wadaag walaalahaaga kheyrka jecel, Waxaadna soo qortaa Magac Ka mid ah magacyada 99ka Ee Uu rabigeen Weyne leeyahy ุงู„ุฑุญู…ู† " ุงู„ุฑุญูŠู… ุง

Ama Nabiga Ku Salli scw Ducadana Raaci.scw scw scw scw scw scw๐Ÿ’—๐Ÿ‘‡.

14/09/2020

Dardaaran Kii Ugu Cajiibka badnaa Ee Laga qoray Qof marxuum ah intuusan dhiman:


" Waxeey tiri Si fiican U dhuux Waxa Aan qorayo
Geerideeyda K**a Wal Wal qabo
Muhiimad Weeyn iima laha , Sida jirkeyga U baaliyoobi doono.

Muslimiinta Sida Caadiga ah Marka Qof dhinto Loo Sameeyn jiray Ayeey igu sameeyn doonaan dharka ayeey iga bixin doonaan , Weey idhaqi doonaan Markay i Karfaniyan Ka dib gurigeyga iga soo Saari doonaan Waxeey Ii Kaxeeyn doonaan Gurigeyga Cusub Ee Qabriga

Dad badan ayaa tacsiyadeyda imaan doona Bal qaarkood Balamihii iyo Shaqooyiinka ay lahaayeen ayeey aniga darteey U soo deyn doonaan Si ay Meydkeyga U soo raacaan Ka dib Duugteyda uga qeeyb qaataan.

Dadkaas Sidaa U tirada badan Maalin intaan Noolaa Hal mar Ma aysan isiin Nasteexo Wax Ka tari doonto Geerideyda bacdigeed Kheyr ima aysan fari jirin Alla ima aysan Xasuusin.

Wax yaabaha intaan Sariirta Meydka Saaranahay Laga Takhalusi doona Waxa Ka mid ah......
1. Qolkeyga
2.
3.
4.
5. Qaaliga ahaa
6.
Dhamaan intaan Qabriga tagin ayaa lakala qeybsaday.

Xitaa Haddii ay ii Sadaqeyn lahaayeen Wax beey ii tari lahaayeen Oo ayaan Ku kaban lahaa
Aan intaas Soo tacbaayay Waxaa lagu Kala dhaxlay maalmo gudahood Ha badnaadan ama ha yaraadan Xisaabtoodana Aniga ayeey I sugeysaa ๐Ÿ˜ฅ

Markan dhintay Waxaa Ugu h**eeyo Ee iga dhacaaya Dadkuna Dhaqso U badali doonaan Waa
Qolka Anigo Ku jiro Ayeey dadka Oran doonaan Away ? Waan Maqlayaa Laakiin Ma Oran Karo Waa ikan Bal Magaceygii Saacad Ka hor leygu Wici jiray meey igu Wacaan ๐Ÿ˜ฅ.

Markeey Rabaan in ay Igu dukadaan Waxeey i Oranayaan Aaway .?Bal Meey magaceyga iigu yeeraan.
Markey Luxdiga i dhigayaan Waxeey igu Oranayaan Meydka Ka feyda.
Meydka Bal Meey Magaceyga iigu yeeraan .

Sidaa darteed Ma aheeyn ineey isiraan Ama Aan ku sirmo iyo Aan Ku faani jiray Maanta Magaceyga Kaliya in ay Ku dhawaaqaan Xitaa iima quuraan.๐Ÿ˜ฅ

ใ€ŠIntaasi Waa Tusaalo Balse Xaqiiq ayaad U Arki doontaa Maalin Maalmaha Ka mid ah;ใ€‹

Qofka maanta Noolow ,,,,,, Ogow Murugta Ku sugeyso Waxeey U qeybsami doontaa ilaa Sadax qeeyb Oo Kala ah:

1: Dadkii Kuu aqoonsanaa inaad tahay Nin Karmeet ah Xoog iyo Karti badan Waxeey Ku Oran doonaan Yaa .

2: Saaxiibada Waxeey Kuu murugoon doonaan Saacado Maalmo Xitaa Isbuuc iska dheh Ka dib Sheekada Weey Ka bixi doonaan ayaa dhici doona.

3: Aad U daran Oo laga dareemi doona Aad Ka baxday iyo Maalmo Isbuuc bilooyiin Xitaa sanado Ka dib Waa lagu Waxaad galeeysaa dadka Mar Mar La .

Xisaabtaadii Aduunka Halkaa Ku dhamaatay Waxaa bilaaban Xisaabtii Aad Aakhiro ku laheed.
Xoolo Ma lihid Quruxdii Waa Kaa dhamaatay Owlaad iyo Caruur ma lihid Caafimaad Haba Sheegin Waxad Ka tagatay Daarihii dhaadheeraa Aad dhistay Xaaskaagii Ninkale ayaa qabo Ama Ninkaagii Naag kale ayuu qaatay.

Kaliya Waxaad Maanta haysataa Wanaagsanaa Su,aasha Hadda taagan Waxeey tahay Ma heysataa Maanta la jooga Camalkaas Beri Ku anfici lahaa.?
Maku dadaashay Salaadaha faralka
Sunooyiinka Sadaqada Sirta ah Salaadda Habeenkii Loo istaago mise maya.?

Qofka Marka Uu dhinto Muxuu Ugu Calaacalaa Rabiyow Haddaad dib Aduunka iigu celiso Waan Soo Sadaqeynsan lahaa.
ู‚ุงู„ ุชุนุงู„ูŠ: [ ุฑุจ ู„ูˆู„ุง ุกุฎุฑุชู†ูŠ ุงู„ูŠ ุงุฌู„ ู‚ุฑูŠุจ ูุฃุตุฏู‚ ].
Maxeey tartaa Sadaqada Uu Qofka Dhintay Ku arkay geeridiisa ka dib.?

Muxuu U dhihi Waayay Waan soo Xaji lahaa Waan Soo Salaadi lahaa Waan soo soomi lahaa.

Culimada Waxeey yiraahdeen Waxaa U sidaa U yiri Ka dib Markii Uu arkay Weeyninka ay leedahay Sadaqada iyo ajarka laga helayo Oo tiro badan " War Ka faa"ideyso Wax bixi Hadda.

Qoraalkan Oo Allah dartiis U faafiso ayaa Ka mid ah Sadaqada Waxaa dhici Karto Qof Aad U Share gareeysay Qoraalkan in Uu wax bixiyo...

Adigaana Sabab U noqday Halkii Xasano Waxaa Laguu laba jibaaraa .

Waa Amaano dushaada Saaran Qiyaamane Waa lagu Weeydiin" Fadlan Qoraalkan U dir ilaa Aad Ka mid tahay Kalmada Wanaagsan Waa Haddaad dhameysay plz Alla Xuskiisa badi.

28/08/2020

Nolosha Daggani Waa Ta Daacada alle heysata

27/08/2020

Waa maxay hadafka aad nolosha ka leedahay โ€œWax badan ka ogowโ€

Suura gal ma tahay inaad u safarto magaalo aadan garaneyn magaceeda , dhanka ay kaa jirto iyo wliba masaafada ay kuu jirto , adigoo ruux kale aan isku haleyneyn?
Dabcan jawaabta waa iska cadahay suura galna ma noqon karto inaad aado meel aad rabto adigoo anan ka helin xog ku saabsan sida magaceeda oo kale , safar kooban oo saacado ama daqiiqado uun qaadanayo haddii uusan suura gal ahayn qorsho laโ€™aan maxaa u maleyneysaa safarka nolasha oo idil .

Nolasha waa safar u baahan qorsheyn iyo in loo sameeyo yool ay hiigsato oo ay ku dadaasho xaqiijintiisa iyadoo raaceyso qorshe ay u dagsatay , dadka nolasha ku guuleysta waa dadka leh yool ay hiigsadaan isla markaana u dajiya qorshe oo ah jaranjaradii ay ku fuuli lahaayeen hiigsigooda .

Waxaa jiro sidoo kale qof walbo in uu xambaarsanyahay hadaf iyo yool kale oo uu hiigsanayo isla markaana ka damacsanyahay nolashiisa inta uu aduunkan dul joogo , balse dadka badigood hamigooda waxa ay ku keedsadaan uurkooda iyagoo anan sameyneyn wax isku day ah markii uu ruuxa sidaa noqdana hamigiisii oo idil wuxuu isu bedalaa hawo iyo khiyaali aan soo dhaafin uurkiisa.

Isweydii Maxaa ka damacsantahay nolashaada dhaw iyo tan fog?
Waa qasab qofka bini aadamka ah mar walbo wax buu Hiigsanayaa isla markaana jecelyahay in uu gaaro balse waxaa kala duwan sida ay u qaabilaan ka gun gaarida waxyaabaha ay hiigsanayaan , Dadka badankood malahan qorshe ay u dajiyeen ka mira dhalinta yoolka nolashooda waxay ay nolasha u qaabilaan habkii ay iyada usoo qaabisho , halkii ay nafta xukumi lahaayeena ayaga ayey hogaanka u heysaa taana waxaa ay sababta in inta badan in ay qiimo beesho nolasha qofka .

Haddaba maxaa u diida dadka badigood qorsha u dajinta hadafka noloshooda ?
Waxyaalaha ka hortaagan dadka badankood in ay qorsheyaan noloshooda waa ay faro badan yihiin hase yeeshee waxaan ka xusi karaa qodobadan.

โ—cabsi ay ka qabaan guul daro iyo fashil ku yimaada qorshaha ay dagsadaan .

โ—liiditaan nafsadooda ay liidayaan iyagoo isu arko in aysan qorshe fulin karin

โ—faham daro muhiimada ay leedahay qorshe u dajinta hadafka nolosho .

โ—xishood iyo cabsi ay ka qabaan in ay bulshada la yaabto .

Aqriste waa muhiim in uu kuu cadyahay hadafka aad nolasha ka leedahay is weydii maxaad u nooshahay ? Waa maxay hadafka fog ee aad noloshaada ka damacsantahay ?
Mar haddii aad jawaab u hesho suโ€™aalahaas waxaa kuu sahlanaan dooti qorsho u dajinta xaqiijinta hadafka noloshaada.

Ugu danbeyntii waxaan kugula dardaarmayaa nafsadaada inaad hagto oo aad qorshe u dajiso waayo haddii aadan hagin iyadaa hogaanka kuu qaban doonto , nafsada haddii ay hogaanka kuu qabato oo ay hawadeeda iska raacdana waxaad halis u tahay halaag iyo khasaaro alle ha inaga najeeyee .

dareenka nolasha si aadan uga dhicin hagg nafsadaada oo u yeel hadaf iyo yool ay hiigsato .

Want your business to be the top-listed Beauty Salon in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Website

Address

Dress Sewing And Styling
Mogadishu