Dr. Ahmed Khadar Abdi Jama
Economic Analyst and Business Consultant
PhD ( Economics)
Maxay uga dhigantahay Soomaaliya ku biiridda Itoobiya iyo Masar ee Ururka BRICS?
Itoobiya iyo Masar waxa ay ka mid noqdeen lix dal oo loo ogalaaday in ay xubin buuxda ka noqdaan ururkii BRICS, kaas oo ay aasaa-seen shan dal oo ay ku jiraan Shiinaha iyo Ruushka. Taasi macnaheedu waxaa weeye xubnaha ururkan waxa ay u arkayeen labada dal ba in ay muhim u yihiin jiritaanka iyo danaha ururka uu ka leeyahay Afrika iyo Bariga Dhexe.
Mas'uuliyiinta iyo shacabka labadaas dal (Itoobiya iyo Masar) waxa ay u arkaan guul in ay xubin buuxda ka noqdeen ururka BRICS.Dhinaca kale, mas'uuliyiinta iyo aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa laga yabaa in ay iswaydiinayaan waxa ay uga dhigantahay Somaaliya siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaan ba ku biiritaan Itoobiya iyo Masar ee Ururka BRICS.
Aragtidayda, laba arimood ayey uga dhigantahay Soomaaliya ku biiritaan labadaas dal ee Ururka BRICS.
Midda kowaad, Soomaaliya waxa ay weli kusii jiri doontaa baahida ay u qabtay ergeynta iyo garab istaagga Itoobiya iyo Masar marka la joogo saaxadda siyaasadda ee dunida. Tusaale, Soomaaliya waxa ay inta badan u baahantahay ergeynta iyo taageerada Masar marka ay wax ka doonayso Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika halka Soomaaliya ay ku qasbantahay in ay la hadasho Itoobiya marka ay dan muhim ah ka leedahay Midowga Afrika.
Midda labaad, u ogalaanshaha Masar iyo Itoobiya ee ururka waxa ay caqabad xoogan ku noqon kartaa ku biiridda Soomaaliya ee ururka BRICS. Sababta waxaa weeye si Soomaaliya ay ugu biirto ururkan waxa ay u baahantahay codka labadaas dal, taasi oo keeni kartaa in Itoobiya iyo Masar ay codkooda uga badashaan Soomaaliya dano siyaasadeed iyo mid dhaqaale ama ay ka hor istagaan.
Si kastaba ha ahaatee, dunida xilligan waxaa ka socda is-xulufayso cusub oo sababi doonaa in kala-wareeg siyaasadeed iyo mid dhaqaale uu ka dhaco dunida kahor sanadka 2050 ka. Sidaas darteed, waxaa muhim ah in Soomaalida ay sahmiyaan ayna xiriir fiican lasii yeeshaan dalalka hogaaminya is-xulufaysiga hadda socda.
Mahadsanid.
Tallaabooyinka lagaa doonayo inaad qaadid kahor inta aadan iibsan ama lasoo wareegin ganacsi ama shirkad jirtay oo shaqeynaysay.
Dhanka dhaqaalaha marka laga eego, maxay ka dhigantahay ballaarinta ururka BRICS?
Dhamaadkii bishii Agoosto ee 2023 dii, ururka BRICS, kaas oo ay ku midaysanyihiin shan dal oo ay ka mid yihiin Shiinaha iyo Ruushka, ayaa shirkoodii sanadlaha ahaa ku yeeshay dalka Koonfur Afrika. Qodobkii ugu muhimsanaa ee kasoo baxay shirkooda wuxuu ahaa kusoo daridda ( ballaarinta) ururka xubno cusub oo kala ah: Sacuudi Carabiya, Imaaraatka, Itoobiya, Masar, Iiraan iyo Aarjantiin.
Haddaba, su’aasha muhimka ah waxaa weeye dhanka dhaqaalaha marka laga eego maxay ka dhigantahay ballaarinta ururka BRICS.
Labo arimood ayaa ah fariinta dhaqaale ee laga dheehan karo ballaarinta ururkan. Midda kowaad, ballaarinta ururka BRICS waxa ay mustaqbalka dhaw ka dhigaysaa dhaqaalaha dunida mid u kala qeybsan laba koox: koox uu hogaaminayo Mareykanka oo hadda hogaanka u haya nidaamka siyaasadda, maaliyadda iyo dhaqaalaha ee dunida iyo koox kale oo ku midaysan ururkan oo uu hogaaminayo Shiinaha.
Tartanka dhexmari doonaa labadaas koox waxa uu abuuri doonaa mustaqbalka dhaw loolan siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo aad u xooggan. Loolankaas waxa uu keeni doonaa in koox kasta ay ku dhaqanto siyaasado dhaqaale oo ay doonayso in ay ku wiiqdo awoodda dhaqaale iyo siyaasadeed ee kooxda kale.
Midda labaad ee ka dhalan karta ballaarinta ururka BRICS waa isbedelka ku imaan kara nidaamka maaliyadeed ee dunida, kaas oo lagu dhaqmayey tan iyo dagaalkii labaad ee adduunka. Isbedelkaas la filayo waxaa hogaaminaya Bangiga Horumarinta ee BRICS, kaas oo qorsheynaya in uu adeegsado nidaamka ka duwan kan IMF ta iyo Bangiga Adduunka.
Tusaale, Bangiga BRICS waxaa uu doonayaa in deymaha iyo taageerada dhaqale ku siiyo dal walba lacagtiisa halka IMF ta ay adeegsato doolarka Mareykanka marka ay bixinayso deyn/taageero. Farsamadaas cusub ee la filayo in uu adeegsado bangiga BRICS waxa ay ka caawin kartaa waddamada doonaya taageero dhaqaale in ay ka baaqsadaan lacagihii uga dhumi jiray ( khasaaraha sarifka) markii ay Doolarka IMF ta siiyey u bedalyaan lacagtooda.
Gunaanadka, inkasta oo ururka BRICS uu yahay mid aan weli si fiican xubnihiisu aysan iskula jaan-qaadin, haddana ururkan wuxuu halgan ugu jiraa in uu bedelo nidaamkii maaliyadeed iyo dhaqaale ee uu Mareykanka hogaaminayey ku dhawaad 80 sano. Gaar ahaan, ururkaan waxaa uu xooga saarayaa sidii uu hoos u dhigi lahaa awoodda lacagta Doolarka oo hadda ah aaladda dagaal iyo dhaqaale ee ugu muhimsan ee uu leeyahay Mareykanka iyo xulafadiisa.
Mahadsanid.
Halkee ay marayso doodda ku saabsan federaal-laynta Soomaaliya iyo qaabka (model) lagu xallin karo su'aalaha taagan si loo dhameeystiro federaal-laynta Soomaaliya.
Iskaa wax u baro ( Self-study) waa qaabka ugu fudud uguna fiican ee aad ku horumarin kartid qaar ka mid ah xirfadaha kaa maqan.
Federaal-laynta Dhaqaalaha Soomaaliya
Casharkaan waxaan ugu talagalay in aan uga jawaabo su'aalaha hoos ku qoran:
1. Waa maxay " Federaal-laynta dhaqaalaha"?
2. Sidee loo dhammeystiri karaa geedi-socodka federaal-laynta dhaqaalaha Soomaaliya ( ama looga dhigi karaa mid " Federaal" ah)?
Mahadsanid.
Xaaladda kaabayaasha dhaqaalaha iyo siyaasadda la qaadan karo si loo horumariyo.
Kalmaddii aan ka jeediyey kulanka Aragti Wadaagga ee majallada " UNISO Spectrum" ee Jaamacadda Soomaaliya ( UNISO).
Mahadsanid.
Maxaa loo baahanyahay si loo soo saaro ama loo soo daabaco Shilinka Soomaaliga?
Kacdoonka " Food Nationalism"
Hindiya oo ah dalka soo saara boqolkiiba 40 bariiska dunida laga cuno ayaa xayiraad ku soo roogtay xaddiday na dhoofinta qaar ka mid ah noocyada bariiska, iyada oo sabab uga dhigtay in mudnaanta kowaad la siinayo muwaadinka ama macaamiisha gudaha.
Tallaabada ay qaaday Hindiya waxa ay qeyb ka tahay kacdoonka " Food Nationalism" oo ay dowladuhu kor ugu qaadayaan keydkooda cuntada iyo in ay dhimaan qiimaha maciishada oo sara u kac ku yimid karoonihii kadib.
Sidaas darteed, si Soomaalida ay uga badbaadaan saameynta kacdoonkaas, waxaa la gudboon in ay dib ugu laabtaan wax soo-saarka gudaha, gaar ahaan in lagu dadaalo in aan dalka gudihiisa kasoo saaranno waxa aynu cunno.
Mahadsanid.
Nooca lahaansho shirkadeed ee muddo dheer ka jiri kara Soomaaliya
Dhanka lahaanshaha marka laga eego, shirkadaha waa saddax nooc ama qeybood oo kala ah (i) shirkad hal qof leeyahay (ii) mid dhowr qof shirko ku yihiin (iii) shirkad saamigeeda suuqa lagu iibiyo oo qofkasta uu gadan karo. Xilligaan, nooca lahaansho shirkadeed ee ka jira Soomaaliya waa mid hal qof leeyahay ama dhowr qof isla leeyihiin; nooca sadaxaad ee lahaansho weli k**a hirgelin Soomaaliya.
Haddaba, su'aasha muhimka ah waxaa weeye: labada nooc lahaansho shirkadeedka ee ka jira Soomaaliya kee ba noqda mid waara oo keena in shirkadda ay guulaysato?
Inta aadan ka jawaabin su'aashaas, waxaa lama huraan ah in aad dib u milicsatid qaab-dhismeedka lahaansho ee shirkadaha hogaanka u haya qeyb kasta oo ka mid ah ganacsiyada ka jira Soomaaliya.
Aniga marka aan dib u eegay waxaa isoo baxday [aragtidayda] in inta badan shirkadaha Soomaaliyeed oo ay aas-aaseen dhowr miilkiile ( Partnership) ay adagtahay in ay jiraan muddo dheer oo ay guulaystaan marka loo barbardhigo shirkadda uu hal milkiile leeyahay. Waxaa dhacda shirkadaha la isla leeyahay in ay u kala jabaan dhowr shirkadood, taasi oo keenta in labada garab ba aysan sameyn faa'iido.
Burburka shirkadda dhowrka qof isla leeyihiin waxaa keena arimo badan oo ay uga duwanyihiin shirkadda hal milkiile uu leeyahay, kuwaas oo ay ugu muhimsanyihiin danaysiga shaqsiga ah ee milkiilayaasha, ku dhaqan la'aanta nidaamyada haga shirkadaha la isla leeyahay, is nacaybka, iyo qabyaaladeynta howlaha shirkadda.
Qodobadaas keena burburka shirkadaha la isla leeyahay k**a dhacaan shirkadda uu leeyahay hal miilkiile.
Sidaas darteed, inta badan shirkadaha Soomaaliyeed ee muddo dheer jiri kara ( ama guulaysta) waa kuwa ay leeyihiin hal miilkiile.
Mahadsanid.
Laba todobaad kahor, Soomaaliya waxaa looga dabaaldagay sanad guuradii 63aad ee xornimada.
Casharkaan waxaan uga hadlayaa nidaamyadii dhaqaale ( economic system) ee laga hirgaliyey Soomaaliya mudadaas 63 da sano ah.
Mahadsanid.
Baxsom Consulting
Oraahda " Lacag La'aan ayaa ka Jirta Suuqa"
Oraahda kor ku qoran waxaa adeegsada ganacsatada iyo shacabka. Orahdaas ayey dhahaan marka ay dareemaan in suuqa ama magaalada aysan dhaq-dhaqaaq lacageed laheyn, ujeedkoodu yahay in ay muujiyaan in aysan helin lacag ama in la iibsan waayey alaabtooda ama adeegyada ay bixiyaan.
Oraahda noocaas oo kale ah waxa ay ku tusinaysaa in lacagtii ku jirtay suuqa iyo hantida ugu dhiganta lacag ay yaraadeen gaar ahaan lacagta ay heystaan iibsadayaasha (dadka ku nool magaalada).
Hoos u dhaca ku yimid xaddiga lacagta ku jirta dhaqaalaha Soomaaliya waxaa sabab u ah dhowr arimood oo ay ugu muhimsanyihiin kuwa hoos ku xusan:
1. Inta badan dadka dabaqadda dhexe ama sare oo ka guura Soomaaliya. Qofka marka uu lacag helo waxaa uu qoyskiisa geeyaa dalka dibeddiisa sida Nairobi iyo magaalooyinka kale. Taasi waxa ay keentay in lacagtii loogu talagalay in uu ku qarsh gareeyo dalka gudihiisa uu u wareejiyey dal kale, kana qeyb qaatay kor u qaadista GDP ga ( Wax soo-saarka gudaha) dalkii uu u guuray.
2. Laga soo bilaabo 2007 dii, ganacsatada waxa ay u wareejinayeen ganacsigooda dalka dibeddiisa sida Kenya, Koonfur Afirka iyo Turkiga. Tallaabadooda waxaa ka dhashay in lacag aad u badan ay ka baxdo Soomaaliya sanad walba.
Nasiib darro, qeyb aad u yar oo ka mid ah lacagtaas ayaa sanadkii dib loogu soo celiyaa dalka oo lagu qarash gareeyaa gudaha Soomaaliya.
3. Maalgelinta ganacsiga gudaha oo hal meel u badatay sanadihii dambe. Tusaale, ganacsatada ku sugan dalka gaar ahaan kuwa Muqdishu waxa ay xoogga saarayeen ka ganacsiga guryaha ( Real Estate), taasi waxa ay keentay in inta badan lacagihii ay u wareegaan qeybtaas, keentay in uu gaabis ku yimaado dhaq-dhaqaaqa ganacsiyada kale.
4. Mashaariicda horumarineed ee ka socota dalka gudihiisa oo aad u yar. Sidaas darteed, tirada dadka shaqa helaya sanad kasta ma badna, taasi waxa ay ka dhigantahay in aan la heli karin sanad kasta dad cusub oo dakhli helay, kuwaas oo wax iibsan kara ama qarash gareyn kara dakhligooda.
Haddaba, oraahdan " lacag la'aan ayaa ka jirta suuqa ama magaalada" ma ahan mid fudud sababta oo ah waxa ay xambaarsantahay natiijooyin dhaqaale oo aan fiicnayn.
Sidaas darteed, waxaa muhim ah in aan la fududeeysan orahdaas oo la helo nidaam dhaqaale oo keeni karaa in lala socdo heerka lacagta ku jirta ama ku wareegaysa dhaqaalaha gudaha ee dalkeena.
Mahadsanid.
Baxsom Consulting
BRICS: Saameyntiisa Dhaqaale iyo Siyaasadeed
Casharkaan waxaan uga hadlayaa ururka isbedel doonka ah ee BRICS, kaas oo ay ku bahoobeen dhowr dal oo dhaqaalahooda yahay heerka sare iyo mid ka dhaxe. Gaar ahaan, waxaan ku eegayaa ujeedada iyo hiigsiga mustaqbalka fog ee ururkan.
Sidoo kale, waxa aan uga hadlayaa casharkaan saameynta uu ururkaas ku yeelan karo dhaqaalaha Soomaaliya.
Shirka ugu muhimsan ee ururkaas waxaa uu ka dhici doonaa dalka Koonfur Afrika taariikgdu marka ay tahay bisha Agoosto 2023.
Mahadsanid.
Baxsom Consulting
Isbedelladii dhaqan-dhaqaale ee laga dhaxlay cudurkii Karoonaha (Covid-19).
Dhib kasta oo dhaca waxaa laga bartaa cashar ama farsamooyin lagu maareeyo dhaqan-dhaqaalaha iyo siyaasadda.
Qoraalkaan waxa aan uga hadlayaa isbedelladii dhaqan-dhaqaale ama ganacsi ee laga dhaxlay cudurkii Karoonaha (Covid-19).
1. A move from global to local supply chain
Xilligii Karoonaha waxaa muddo sanad ku dhaw hakad ku yimid isku socodka ganacsiga iyo dadweynaha, taasi oo keentay in la dhoofin waayo ama la soo-dejin waayo alaabahii dibedda laga keeni jiray.
Sidaas darteed, Karoonihii kadib shirkadaha ama dowladaha waxa ay bilaabeen in ay xoogga saaraan in dalka gudihiisa ama dal u dhaw ay ku sameeyaan ama kasoo iibsadaan alaabaha iyo adeegyada ay doonayaan.
Nasiib darro, dhaqaalaha Soomaaliya wuxuu weli aad ugu tiirsanyahay waxa laga keeno dibedda ( Imported goods), taasi oo ay ka dhigantahay in Soomaalida aysan wax ka baran cudurkii Karoonaha.
2. Accelerated digitilization
Kahor Karoonaha, shirkadahu waxay ay u arkeen taknoolajiyadda in ay tahay oo kaliya wax fiican oo qurxinaya howl maalmeedka shirkadda. Laakiin, xayiraaddii ka dhalatay Karoonaha waxa ay bartay shirkadaha in teknoolajiyadda ay tahay mid laga maarmaan ah oo ay waajib tahay in la xoojiyo lana horumariyo.
3. Business agility and resilience
Kahor Karoonaha, shirkadaha waxa ay xoogga saari jireen kobcinta faa'idada sanad laha ah. Hasa-yeeshee, xilligii Karoonaha waxaa burburay shirkado ama ganacsiyo faa'iido badan sameyn jiray halka shirkado aan faa'iido badan sameyn jirin ay badbaadeen.
Shirkadihii badbaaday waxaa kuwii la falgalay lana jaan-qaaday isbdelkii uu keenay Karoonaha ( Agile businesses) iyo kuwii u adkeeystay saameyntii ka dhalatay Karoonaha ( Resilient businesses).
4. Remote working
Karoonaha waxaa laga bartay in shaqaalaha ay kasoo shaqeyn karaan goob ka baxsan xarumaha shirkadda sida guryahooda ama iyaga oo jooga waddan kale.
5. Changes in consumer behaviour
Karoonahii wuxuu badelay hab dhaqanka macaamiisha ama iibsadayaasha. Karoonaha kahor, dadka waxa ay jeclaayeen in ay iibsadaan alaabaha dibedda laga keeno iyo in ay booqdaan xarumaha shirkadaha si ay usoo iibsadaan alaabaha ama adeegga ay doonayaan.
Karoonaha kadib, dadka inta badan waxa ay doorbidayaan alaabaha ama adeegyada yaala dalka gudihiisa. Laakiin, sida muuqata Soomaalida waxa ay weli doonayaan waxa dibedda laga keeno, taasi oo ay ka dhigantahay in aysan u diyaarsaneyn dhacdo lama mid ah tii Karoonaha.
Sidoo kale, Karoonaha wuxuu baray dadka in ay wax ka iibsadaan suuqa internet ka ( Online market). Nasiib wanaag, Soomaaliya way la jaan-qaaday isbedelkaas oo waxaa kusoo kordhay dalka suuqyada internet ka wax looga iibsado.
Adiga maxaad ka baratay Cudurkii Karoonaha?
Mahadsanid.
Baxsom Consulting
Dr. Ahmed Khadar Abdi Jama
Economic Analyst and Business Consultant
PhD ( Economics)
Qaabka Maalgashiga Ganacsiga Gudaha
Casharkaan waxaan uga hadlayaa xaaladda ganacsiga iyo maalgashiga ee Soomaaliya. Gaar ahaan, waxaan ku eegayaa qaabka Soomaalida ay u maalgashtaan ganacsiga gudaha.
Sidoo kale, waxa aan sharraxaad kooban ka bixinayaa meelaha ay ganacsatada aad u maalgashteen sanadihii dambe.
Mahadsanid.
Baxsom Consulting
Ahmiyadda Dhaqaale ee lacagaha xawaaladaha ( Remittances)
Warbixinno ay soo saareen cilmi-baarisyo kala duwan ayaa lagu sheegay in lacagaha Soomaalida dibedda ku nool ay dib ugu soo celiyaan dalkooda ( Remittance) ay gaarayso sanadkii wax ku dhow 1.3 Bilyan ee doolar ka Mareykanka ah.
Lacagtaas ahmiyad wayn ayey u leedahay dhaqaalaha dalka, waxa ay ka tahay dhaqaalaheena wax ku dhow boqolkiiba 40. Sida ku cad sawirka hoose, way ka badantahay miisaaniyadda dalka ee sanadka 2023 ( 977 milyan oo doolar) iyo lacagaha sanadkii ay hey'adaha caalamiga ah ku bixiyaan howlaha ay ka fuliyaan Soomaaliya ( 800 milyan oo doolar).
Intaas waxaa dheer, lacagtaas waxa ay qeyb wayn ka qaadatay in Soomaaliya ay hesho lacagta doolarka, taasi oo fududeeysay in dibedda wax laga soo iibsado ( Imports) iyo in la helo lacag lagu adeegsado suuqyada gudaha. Dhanka kale, qoysas badan oo ku nool Soomaaliya ayaa ku tiirsan lacagahaas, iyaga oo ku maareeya nolol maal-meedkooda iyo arimo kale sida waxbarshada iyo caafimaadka.
Sidaas darteed, waa muhim in lacagahaas sida ugu haboon looga faa'idaysto oo aan kaliya loo adeegsan ku bixinta qarash maal-meedka balse loo adeegsado howlaha ka qeyb qaadan karaa kobcinta iyo horumarinta waarta ee dhaqaalaha iyo ganacsiga iyo dadka ba.
Waxaa kale oo muhim ah in dowladda ay dhiirigeliso in Soomaalida dibedda ku nool ay si mug leh u maalgashadaan dalka.
Mahadsanid.
Baxsom Consulting
Saameynta dhaqan- dhaqaale ee ka dhalatay ka faa'idaysi la'aanta kheyraadka dalka iyo fursadaha dhaqaale ee ka jira dalka.
Baxsom Consulting
Abaaraha iyo isbedelka cimilada ka sokow, lix arimood ayaa ah sababaha ugu muhimsan ee keenay yarida wax soo-saarka gudaha, taas oo gelisay Soomaaliya xaaladda cunto yaridii jirtay sanadihii dambe.
1. Conflict
Colaadaha ka jira Soomaaliya.
2. Pradigm shift in the lifestyle of farmers
Isbedelka ku yimid dhaqan dhaqaalaha beeralayda, xoolo dhaqatada iyo kalluumaystada. Isbedelka waxaa sababay abaaraha oo ku kallifay dadkaas in ay usoo guuraan magaalooyinka iyo taagerada ay ka helaan hey'adaha caawiya barakacayaasha.
3. Open Trade Policy
Soomaaliya oo nidaamka wax soo-jeedinta (imports) uu yahay mid aan nidaamsanayn ama xak**aysneyn. Wax dalka gudihiisa lagu soo saari karay ayaa dibadd laga keenaa.
4. Private sectors' low interest in agriculture
Soddonkii sano ee lasoo dhaafay, ganacsatada Soomaaliyeed aad uma maalgashan wax soo-saarka gudaha sababa jira awgeed.
5. Absence of food reserve ( food stock)
Ma jiro keyd ama meel lagu keydiyo wax soo-saarka gudaha ee ka badan baahida suuqa. Inta badan waxii soo hara waa la iska tuuraa.
6. Minimal government intervention
Dowladihii soo maray dalka burburkii kadib ma dejin ama ma dhiiri-gelin kobcinta iyo horumarinta wax soo-saarka gudaha.
Mahadsanid.
Baxsom Consulting
Cassa per la Circolazione Monetaria della Somalia (CCMS) 1950-1960 kii
Kahor sanadkii 1925 tii, Koonfurta Soomaaliya waxaa lacag ahaan loo adeegsan jiray lacagta Rubiga, taas oo ay boqortooyada Ingiriiska ka hirgelisay dalka Hindiya iyo waddamadii kale ay guumaysan jirtay. Hase-yeeshee, 18 kii bishii Juun ee sanadkii 1925 tii dowladdii Talyaaniga waxa ay go’aamisay in lacagta Rubbiga aan laga isticmaali karin Koonfurta Soomaaliya, bedelkeedana la adeegsado lacagta Liiraha ee uu soo saaray Bangiga Dhexe ee Talyaaniga.
Sadax iyo toban sano kadib go’aankii lagu joojiyey Rubiga gaar ahaan sanadkii 1938 dii, dowlada Talyaaniga waxay soo saartay lacag cusub oo loo bixiyey Liiraha Bariga Afrika (Italian East African Lira) oo loogu talagalay oo kaliya in ay adeegsadan dadka ku nool Koonfurta Soomaaliya iyo waddamadii kale ee Talyaniga uu haystay. Liiraha Bariga Afrika midab ahaan iyo qaabka loo daabacay wuu ka duwanaa Liiraha laga isticmaali jiray gudaha Talyaaniga.
Dhanka dhaqaalaha marka laga eego, go’aankaas waxaa loo fasiran karaa in Talyaaniga ay doonayeen in nidaamkooda lacagta uu ka duwanaado midka waddamada ay guumaysanayeen si ay uga badbaadaan culaysyada dhaqaale ee ka dhici kara waddamadaas. Soomaalidu waxay adeegsanayeen Liiraha Bariga Afrika intii uu dhaxeysay 1938 dii ilaa 1950 kii.
Sanadkii 1950 kii, shirkii Qaramada Midoobay waxa lagu go’aamiyey in Talyaaniga uu maamulo Soomaaliya muddo 10 sano ah. Toban kaas sano taariikh-yahanadu waxay u bixiyeen xillii daakhiliyadda, waxaan hogaaminayey xukuumadaas Md. Abdullahi Isse Ahmed.
Bilowgii daakhiliyadda, Talyaaniga wuxuu u soo jeediyey Soomaalida in ay mid ka doortan labadaan arimood ee la xiriira lacagta: (i) in Soomaalida ay qataan Liiraha uu soo saaray Bangiga Dhexe ee Talyaaniga, (ii) ama in ay qataan nidaam lacageed oo isugu jira kan Talyaaniga iyo mid Soomaaliyeed (Italian-Somali Monetary System). Xukuumaddii Abdullahi Isse waa ay diideen labada qodob ba. Taa bedelkeeda, waxa ay soo jeediyeen kuna adkeysteen in Soomaaliya ay yeelato nidaam lacageed oo gaar u ah.
Dood dheer kadib, Talyaaniga waxay qaateen taladii Soomaalida oo aheyd in lasoo saaro lacag Soomaaliya ay leedahay. Sidaas darteed, bishii Abriil ee sanadkii 1950 kii waxaa la aasaasay guddiga lacagta Soomaaliya oo Af-talyaaniga lagu oran jiray “Cassa per la Circolazione Monetaria della Somalia (CCMS).”
Guddiga waxaa xarun u aheyd magaalada Rooma ee Talyaaniga. Aragti ahaan, waxaa loogu talagalay guddigaas in ay qabtaan shaqada uu qabto Bangiga Dhexe oo ay ka mid tahay lacag soo saarista iyo maamulkeeda.
Guddiga waxa ay soo saareen lacagtii ugu horreeysay bishii Juulay ee sanadkii 1950 kii. Lacagta ay soo sareen waxaa loo bixiyey somalo sida aad ku arki kartid sawirka hoose. Qiima ahaan, 1.143 ee lacagta somalo waxay u dhigantay 100 Liiraha Talyaaniga.
Guddiga lacagta Soomaaliya wuxuu shaqeynayey intii u dhaxeeysay 1950 kii ilaa 1959 kii. Soomaaliya markii ay xornimada qaadatay sanadkii 1960 kii, guddiga lacagta Soomaaliya (Cassa per la Circolazione Monetaria della Somalia) waxaa loo bedelay Somali National Bank oo hadda loo yaqaano Bangiga Dhexe ee Soomaaliya halkii lacagtii ay soo saari jireen oo aheyd “Somalo” loo bedelay Shillinka Soomaaliga.
Mahadsanid.
Dr. Ahmed Khadar Abdi Jama
Economic Analyst and Business Consultant
PhD ( Economics)
Qiimaha shillinka 2017 dii ilaa 2023
Laga soo bilaabo 2017 dii, lacagaha waddamada badankood waxaa ku yimid isbdel xoggan oo laga dareemayo dhaqaalahooda. Laakiin, waxaa muuqata in qiimaha shillinka Soomaaliga muddadaas ( 2017-2023) uu u dhaxeeyey 23 kun ilaa 26 kun halkii doolar, taas oo ay ka dhigantahay in isbedelka ku yimid uu ka yaryahay boqolkiiba 14.
Taasi waxa loo fasiran karaa in tirada doolar ka ama lacagta qalaad ee la rabay in loo bedelo shillinka Soomaaliga aysan wax muuqda iska bedelin markii loo barbardhigo lacagaha waddamada kale oo ay ku jiraan kuwa dariska nala ah.
Sida aan ku sheegay muuqaalka hoose oo ahaa qeyb ka mid ah kalmaddii aan ka jeediyey shir-cilmiyeedkii Bangiga Dhexe ee bishii Juun, sababta ugu muhimsan waxaa weeye: lacagta qalaad ee la doonayo in loo bedalo shillinka Soomaaliga uu aan isbdel la taaban karo uusan ku imaan ( Demand for Somali Shilling).
Si kale haddii aan u dhigo, xaddiga lacagta doolar ka ee la rabay in loo bedelo shillinka Soomaaliga oo aan isbedel muuqada uusan ku imaan.
Mahadsanid.
Baxsom Consulting
Bangiyadii shaqeyn jiray intii u dhaxeysay sanadihii 1960 ilaa 1969.
Mahadsanid.
Baxsom Consulting
Aragtidii aan ka dhiibtay shir-cilmiyeedkii uu soo qaban-qaabiyey Banigaga Dhexe ee Soomaaliya, kaas oo looga hadlayey xaaladda iyo siyaasadda dhaqaalaha Soomaaliya.
Ujeedka ugu muhimsan ee shir-cilmiyeedka wuxuu ahaa dib-u-eegista dhaqaalaha Soomaaliya iyo in laga doodo siyaasadaha dhaqaalaha ee la qaadan karo si loo kobciyo loona horumariyo dhaqaalaha.
Mahadsanid.
Baxsom Consulting
3 dii bishii June 2023, Bangiga Idman ayaa igu casumay in aan siiyo howlwadeenada bangiga tababar ku saabsan sooyaalka ama marxaladaha uu soo maray nidaamka bangiyada iyo lacagaha ( monetary system) ee Soomaaliya.
Qodobada ugu muhimsan ee aan ka hadlay inta uu socday tababarka waxaa ka mid ahaa:
1. Lacagihii la isticmaali jiray xilligii guumaystaha
2. Nidaamkii bangiyada sanadihii 1960‐1970
3. Tirada bangiyadii iyo shaqooyinkooda sanadihii 1970-1990
4. Bangiyada burburkii kadib ( 1990-2023)
5. Ahmiyadda bangiyada ay u leeyihiin dhaqaalaha dalka
6. Iyo kuwa kale.
Mahadsanid.
Consulting
Farqiga xoogan ee u dhaxeeya tirada guryaha diyaar ka ah ( Supply of houses) iyo dadka guryaha doonaya ( demand for houses) ayaa sabab u ah ijaar ka iyo qiimaha qaaliga ah ee guryaha iyo goobaha ganacsiga ee Muqdishu.
Markasta oo uu farqigaas yaraado waxaa suurtagal ah in ijaarka iyo qiimaha guryaha ee Muqdishu uu hoos u dhaco.
Mahadsanid.
Baxsom Consulting
Taariikhda dhaqaalaha Soomaaliya
Casharkaan oo ah mid ka mida dhowr cashar oo ku saabsan taariikhda dhaqaalaha Soomaaliya ayaa waxaan uga hadlayaa taariikhda ama marxaladaha uu soo maray nidaamka bangiyada ee Soomaaliya.
Taariikhda bangiyada waxaan u kala qaaday shan xilli oo kala ah:
1. Xilligii guumaystaha
2. 1950‐1960
3. 1960‐1969
4. 1969‐1991
5. 1991‐2023
Mahadsanid.
# Baxsom Consulting
Sababaha keenay kobaca xoogan ee laga dareemayo ka ganacsiga guryaha iyo goobaha ganacsiga ee Muqdishu ( Real Estate Boom in Mogadishu)
Baxsom Consulting
Deyn Cafinta Kadib: Fursadaha iyo Caqabadaha Dhaqaale
Bishii Maarso ee sanadkii 2020 kii, Soomaaliya waxay soo gaartay marxaladda kowaad oo ah mid ka mid ah labada marxaladood ee hannaanka deyn cafinta (HIPC). Hannaanka HIPC waxaa loo dejiyey in waddamada Soomaaliya oo kale ah in deynta looga cafiyo. Marxaladda kowaad (decision point) oo lagu go’aamiyey in Soomaaliya ay qeyb ka noqoto hannaanka HIPC waxaa lagu sheegay in Soomaaliya ay kasoo gudubtay shuruudihii horudhaca u ahaa deyn cafina sida maamulka wanaagga dhanka mashaariicda IMF ta iyo kuwa kale. Marxaladaas kadib, Soomaaliya waxaa laga doonayaa in ay fuliso dhammaan shuruudaha deyn cafinta si Soomaaliya ay u gaarto marxaladda labaad (Completion point). Haddii ay Soomaaliya soo gaarto marxaladda labaad taas oo la filayo dhammaadka sanadka 2023, Soomaaliya waxaa laga cafin doonaa inta badan deyntii lagu lahaa oo gaaraysay USD 5.2 Billion.
Tan iyo bilowgii howsha deyn cafinta, madaxda Soomaaliyeed waxa ay mudnaanta kowaad siiyeen oo kaliya qaabka loo fulin lahaa shuruudaha (ama soo jeedinta) hey’adda IMF ta. Taasi waxaa loo fasiran karaa in Soomaalidu ay u arkaan arinta deyn cafinta caqabadda kaliya ee dhaqaale ee Soomaaliya ka jirtay sanadihii dambe. Waxaa kale oo ay ka dhigantahay in aan waqti badan la gelin caqabadaha kale sida yarida wax soo-saarka iyo dakhliga gudaha kuwaas oo ka dhigay Soomaaliya dal aan isku filnayn oo ku tiirsan taageerada dhaqaale ee Beesha Caalamka oo bixisa wax ku dhow boqolkiiba lixdan (60 %) miisaaniyadda dowladda. Arimahaas waxay ku tusinayaan in Soomaalida ay si horudhac ah ugu dabaal degayaan guusha deyn cafinta, iyaga oo aan muuqaal ku filan ka heysan deyn cafinta kadib.
Deyn cafinta kadib, waxaa suurtagal ah in la arko isbedello dhaqaale kuwaas oo isugu jira fursado iyo caqabado. Dhanka fursadaha (ama faaidooyinka), Soomaaliya waxa ay ka faa’idaysaa laba arimood. Midda kowaad, Soomaaliya waxaa loo arkayaa dal sameeyay dib-u habayn dhaqaale una hogaansamay talooyinkii IMF ta. Arintaas waxay kor u qaadaysaa sumcadda Soomaaliya ee dhanka maamul maaliyadda iyo dhaqaalaha sababta oo ah warbixinada IMF ta waxay saameyn xooggan ku leeyihiin go’aamada waddamada. Midda labaad waxaa weeye Soomaaliya waxa ay fursad u heli doontaa in ay deyn ka qaadato waddamada iyo hey’adaha caalamiga ah. Labadaas fursadood waxay ka mashquuliyeen Soomaalida in ay qiimeeyaan caqabadaha dhaqaale ee imaan kara deyn cafinta kadib.
Dhanka kale, deyn cafinta kadib Soomaaliya waxa ay la kulmi kartaa dhowr caqabadood. Laakiin, waxaan doonayaa in aan kula wadaago labada ugu muhimsan. Midda kowaad, deyn cafinta kadib waxaa suurtagal ah in qaar ka mid ah waddamadii iyo hey’adii siin jiray Soomaaliya taageero dhaqaale ay hakiyaan ama yareeyaan taageeradii kana dalbadaan Soomaaliya in ay deyn qaadato sababta oo ah waxaa isbedelaya muuqaalka dhaqaale ee Soomaaliya. Deyn cafinta ka hor Soomaaliya waxaa loo arkayey dal aan deyn qaadan karin oo la hardamaya duruufo dhaqaale halka deyn cafinta kadib loo arki karo dal wax la deymin karo.
Midda labaad, waxaa laga yabaa in lasoo qaado deyn cusub. Haddii deynta cusub aan loo adeegsan kobcinta wax soo-saarka gudaha iyo meelaha waxtarka u leh dalka iyo dadka waxay keeni kartaa in Soomaaliya mustaqbalka dhow lagu yeesho lacag badan. Taasi waxay saameyn kartaa siyaasadda arimaha dibedda iyo dhaqaalaha Soomaaliya. Ogow, deynta hadda taagan inta badan waxaa loo soo qaaday in mashaariic horumarineed lagu fuliyo laakin mashaariicda sidii la qorsheeyey uma fulin.
Gunaanadka
Inkasta oo aan aaminsanahay in howsha deyn cafinta ay tahay howl muhim u ah Soomaaliya, haddana waxaan dareemayaa in la siyaasadeeyey howsha deyn cafinta iyo in Soomaalida aysan faham ku filan ka haysan deyn cafinta kadib gaar ahaan caqabadaha dhaqaale ee imaan kara. Inta badan, Soomaalida waxaa u muuqda oo kaliya fursadaha, taas oo ka mashquulisay madadxda in ay ka fekeraan howlaha hortabinta u leh dhaqaalaha sida kobcinta iyo horumarinta wax soo-saarka iyo dakhliga gudaha, xakameynta soo dejinta (Imports), hagaajinta kaabayaasha dhaqaalaha, xoojinta kaalinta ganacsiga gaar ka loo leeyahay, shaqaalaysiinta, iyo kuwa kale. Waxaan soo jeedinayaa in waqtiga la geliyey deyn cafinta mid la mid ah la geliyo kobcinta iyo horumarinta dhaqaalaha gudaha.
Adiga deyn cafinta kadib, maxaa kuu muuqda? Waa maxay fursadaha iyo caqabadaha imaan kara deyn cafinta kadib?
Mahadsanid.
Baxsom Consulting
Click here to claim your Sponsored Listing.
Videos (show all)
Category
Telephone
Website
Address
Shirkaddaha Street Near Salaam Bank
Mogadishu
Anfac Accounting and Auditing Services. Waxaan Idiin haynaa Adeeg Xisaabeed Dhameestiran(Xisaab Fariisin,Xisaab Hayn, Kontollid iyo dabagal, Xisaab Xir iyo Xisaab Celin) Tell :...
Aaran Plaza, Isgoyska Taleeh, KM4
Mogadishu
Waxaan si deg deg ah idin kugu dhigi karnaa lacag broker FXPRIMUS iyo Everfx. Waxaad kaloo naga hel
Bakaaro Market Banaadir, Wadda Shirkadaha Dhabarka Danbe Ee Somnet
Mogadishu
Safe Accounting and consultancy is a privately owned company located in Somalia. The company was foun
Mogadishu
kuso dhawaw SHIRKADDA LA TALINTA XISABAAD-KA IYO ADEEGYADA MAALIYADDA EE DOOG
Airport Road, Wadajir District, Banadir Region
Mogadishu, 252
Best training center and policies developments
Mogadishu
Consultant, Economist and Financial Sector Analyst in Eastern Africa and MENA
Mogadishu
CF Accounting and Business Research is your friend and the firm welcomed you friendship Culture that will be promoting your business, please visit and share us issues you are willi...
Taleeh Street, Hodan District
Mogadishu, 00252
WaMax Consulting Group is a dynamic, innovative and Audit and Consulting firm providing exceptional services.