Ciyaartooyda soomaaliyed

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Ciyaartooyda soomaaliyed, Sports, Mogadishu.

18/12/2023

Ninkaan beenloowga ah ee aan arimaha Sportiga Waxba kala socan yaa umada ka qabta. Wasiirka arin wanaagsan ayu ku dhaqaaqay waana mahadsanyahy

18/12/2023

Xeyndhaabka taageerayaasha, habraaca gelista Garoonka iyo app-ki waa diyaar. Mahadsanid Mudane Wasiir

16/12/2023

Aad iyo aad h**e aya loo socona ⚽️🇸🇴

16/12/2023

Ciyaartooyda dalka ee duhurki sideed saac qorax kuleelka kubada ku dheelo in dhaqaalo loo abuuro oo ilo kala duwan loo sameeyo waa muhim, hey’adan cusub waa mid ka mid ah ilahaas dhaqaale. Kuwo kale oo badan na waa soo socdaan.

No more ciyaartooy sideed saac dhelaayo oo aan bajaj raac iska bixin Karin. Ciyaariyahanka kubada dheela waa in ay nolashiisa ku filan tahy.

Guuleyso Wasiir ✅

16/12/2023

Dadka aan aragtida dheer laheyn ma fahmi karaan qiimaha Wasiir Mohamed Bare Mohamud

Waxay iskala qabsadeen Wasiir Khadiijo iyo Wasiir Xamse oo aan wax aragti Sporti anan laheyn🤦🏽‍♂️. Dhaqaalo in loo sameeyo ciyaartooyda qoraxda sideed saac ku dhelaayo waa muhim, Guuleyso Wasiir

YAA IS GAARAY WALI 👋🏾

Kadib falcelintii aad xalay ka sameyseen baraha bulshada, waliba si gaar ah Post-gii aan soo dhigay, sawirkii wasiirka waa laga saaray Application-ka.

No xayeysiin ❌ Wasaaradda waxaa leh malaayiin Somaali ah, cidna iskuma xayeysiin karto.

Dad miisaan leh ayaad tahiin, saameyntiina waaba heer kale 🤝

Adiga iyo anigaba waa naloo baahan yahay.

15/12/2023

Bahda sportiga oo isku duuban waxay u Mahad celineysa Wasiirka Sportiga Mohamed Bare Mohamud oo maalinba maalinta ka dambeysa la imanaayo hal abuuro Sporti oo bahda sportiga ku cusub.

Guuleyso Mudane Wasiir

14/12/2023

Hambalyo Umadda Soomaaliyeed , Gaar ahaan Dhallinyarada Iyo Bahweynta Cayaaraha Guusha wayn ee Dalka looga cafiyay Deynta.

Guushaan waxaan rajaynaynaa in ay wadankeena iyo dhallinyaradaba u noqota mid u horseeda barwaaqo waarta iyo horumar dhaqaale oo wax badan ka badala nolosheena .

Dhamaan intii ka shaqaysay howshaan ee iska kaashatay oo ugu h**eeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud way ku mahadsan yihiin.

Balanteenu Waa Somaaliya oo Hormarsan , Barwaaqana ah .
Xil Maxamed Barre Maxamud
Wasiirka Dhallinyarada Iyo Cayaaraha JFS.

Photos from Ciyaartooyda soomaaliyed's post 14/12/2023

Gabadhi kiiska arimaha Somalia ee FIFA gudaheeda gacanta ku heysay, islamarkana timid xamar xiligi buuqa iyo isqabqabsiga Cali iyo Cabdi aya xalay la joogtay garyaqaanka Gudoomiye Wiish magaalada Riyadh e Sacudiga.

Garyaqaankan aya maalinki uu dacwada gudbiyay Gudoomiye Wiish u sheegay in rajadiisa tahy 💯 oo kaliya ay ka xigto waqtiga la sugaayo natiijada ama jawaabta.

09/12/2023

Xog lagu kalsonaan karo aya sheegeysa in Cali Shiine iyo shaafici Islow oo labaduba ah dad qaraabo hoose ah, ay si dhab ah u wada hadleen safarki Talyaaniga. Shaafici aya Cali Shiine u xaqijiyay in wax walba laga fili karo dacwada islamarkana ay Cali Shiine muhim u tahy in uu isku diyaariyo.

Shaafici aya Cali ku yiri: hada waa in aad ka si taxadarta oo aad kala jibisa mucaaradkaga kahor Inta aysan dacwada soo bixin oo laga yaabo in maxk**ada ay go’amiso sida ay mucaaradka doonaayaan.

Shaafici aya Cali kula taliyay in Yusuf meesha laga saaro oo la keeno xogheye HG ah ka hor jawaabta maxk**ada, iyada oo laga hordhacaayo natiijada maxk**ada madama ay noqon karto sida ay mucaraadka doonaayaan, talaabadan horudhaca ah aya Cali lagula taliyay in ay caawin doonto marka codka laga rabo kooxaha, xogheyaha cusubna ololaha qeyb kala noqon doono Cali.

Cali Shiine aya shaafici u sheegay in marnaba Yusuf intu hortago oo usan ku dhihi Karin arintaan, shaafici aya yiri Fahmo aya loo xil saara in ay qanciso Yusuf.

Arinta bahda kubada cagta isweydineyso aya ah FIFA ma aqbali doonta in la badalo xogheyaha xili dacwo ay socoto?!

07/12/2023

Macalin Abdihamid runti qubaaye iyo ibraahim ilyas fursad weyn ayu siiyay, iyagana waa ay ka faidesteen.

Mahadsanid coach Abdihamid

07/12/2023

Wasiir Mohamed Bare Mohamud shaqo adag ayu ka qabtay Garoonka Stadiom Muqdisho. Xeyndhaabka taageerayaasha mar hadi uu u sameeyay Garoonka waa ku mahadsanyahy.

Guuleyso Wasiir

06/12/2023

Somali Athlete Radio 📻
Next Interview: Abdi Osman Daamey
Date: Friday 8/12/23
“How can we develop Somalia Football “
Sidee baan ku hormarin karnaa Football-ka Somalia
Ex Somali football federation executive committee & Marketing Manager

Photos from Ciyaartooyda soomaaliyed's post 06/12/2023

Hambalyo ayaan leenahy Taha, meel Cali Musuq iyo Khain Yusuf ciyaariyahanka ay rabaan iska beegsanaayan cid ku soo dhiiran karto malaha. Ma heli doono ciyaartooy tayo leh Inta dad nocaas ah ay mesha jogaan, balse maamulkooda waxa kaliya ka dhiman hal warqad oo maxk**ada CAS ay E-mailka ugu soo dirto inshallah.

04/12/2023

Sxbkey Mudeey Waxaan leenahy odaygan maamulkisa hal warqad oo E-mailka loogu soo diro aya ka dhiman ee waqti ha iskaga dhumin. Cali Shiine aya leh xul aya Europe lagu dheelsina😂😂. Rafashadi ugu dambeysay ayu ku jira hadi 1000 Wareysi uu bixiyo warqad maxk**ada waa soo dhace 😂😂

Photos from Ciyaartooyda soomaaliyed's post 04/12/2023

Ali Jabir oo ah laacib ka mid ah ciyaartooyda dibada laga xulki U18 ee lacagta faraha badan lagu cunay aya hadlay, wax badan ayu sheegay sida in ciyaartooyda qaar ay u shegeen in ay garab meesha ku joogaan iyo in maamulka aalamintada oo socota in laga joojiya ay sawiro ciyaartooyda la galayaan.

Cali musuq iyo Khain Yusuf waa lawada bartay, jawaabta maxk**ada oo kaliya ayana u hartay ee An iska dulqaadano Inta ay ka soo baxeyso jawaabtaas.

02/12/2023

Sual caqli gal ah aya waxa na soo wediyay mid ka mid ah asxaabta nagu xeran. Khain Yusuf maka codeeyay Abdisamed mise waa u codeyay😂.

02/12/2023

Dad badan oo dalishanaaya warqadaan aya nala soo hadlay iyaga oo leh in Somalia xili h**e laga qaaday cunaqabateynta FIFA.

Warqadaan waxay cadeyn u aheyn tayada cowska garoonka la dhigay in uu yahy mid heer sare ah oo lagu qaban karo kulamo International ah cowska sidaan u yaal ee shaqo kuma laha mida amniga guud ee dalka ee ayadana nalugu heystay, sidas darteed waxa nalaga raba in aan marno habraac u yaal FIFA si noolaga qaado, taas oo khubaro FIFa ka socda in ay dalka yimadaan oo ay qimeyan hanaanka aan u diyaarinay xulka aan martigalineyno marka ay ka soo dagan Aden Ade ila marka ay dalalkooda dib ugu labanayan.

02/12/2023

Waa laga hormaray Abdisamed, ee aan codeyno linkiga codeynta waa kana, qof mar codeeyay na markale ma codeyn karo.
https://www.rolaj-me.com/en/counts-are-being-settled-who-of-the-clubs-hit-with-foreigners-in-the-1-cfl-vote-in-our-poll-for-the-best-foreigner-in-montenegro/

Photos from Ciyaartooyda soomaaliyed's post 02/12/2023

Madama dalkeena soo hagaagayo oo la bilaaway in nalaga qaado cunaqabateymihi na saarna, Waxaan wasaarada Sportiga ugu baaqeyna sanadka 2024 in ay xooga saarto sidi noolaga qaadi laha cunaqabateynta FIFA ay naga saartay in dalkeena aan lagu dheeli Karin 30 sano kahor.

Mar hadi hub waaweyn nalugu aaminay oo aan maareyn karno, oo la arkay in dalalka dariskeena aan lagu dhibaateyn doonin.
11 laacib oo mataleysa xul kale oo marti ino ah amnigooda waan ilaalin karna.

Ugu yaraan sanadkaan Inta usan dhamaan waxa muhim ah in aan ogaano sharuudaha nalaga rabo si FIFA dib u qiimeyn u sameyso kadibna sharudahaas sidi loo buuxin laha in laga shaqeeyo 2024.

Waxaa muhim ah warqad ay ku wada saxiixan yihiin wasaarada iyo xiriirka in loo diro FIFA oo lagu weydinaayo sharudaha nalaga rabo ee naga hortaagan in FIFA ay dib qiimeyn cusub u sameyso, koley waxa jirta waax FIFA u qaabilsan arimahaas oo ay tahy in lagala xiriiro.

Waxaan wada ogsoonahy in ay dacwad ku saabsan maamulka xiriirka kubada cagta taal maxk**ada xalinta khilaafadka Sportiga aduunka, jawaabta maxk**ada xalinta khilaafadka marka ay dhan u dhacdo, 2024 Wasaarad iyo xiriir ka wada shaqeeya arintaas aya soo bixi doona inshallah.

FG: Hadi taageerayaasha aan la xakameyn Karin waa arin farsamo taagero la’aan aya laga dhigi kara kulamada, muhimada waa in cunaqabateynta la qaada.

02/12/2023

Somaliyeed Abdisamed waa laga daba yimid ee aan codeyno, la wadaag asxaabtada qofki mar codeyay markale ma codeyn karo,linkiga codeynta waa kan:

https://www.rolaj-me.com/en/counts-are-being-settled-who-of-the-clubs-hit-with-foreigners-in-the-1-cfl-vote-in-our-poll-for-the-best-foreigner-in-montenegro/

01/12/2023

Waxaan marwalba garab taaganhy macalinka Somaliyeed, Macalin jabshe iyo teamkisa aqoonta iyo waaya aragnimada ay ka helen koobkaan waa waayo aragnimo ay Somalia heshay, Halka macalinka xulka waaweyn ee asaga oo aan waligiis Macalin soo noqon aan ka dhignay macalinka xulkeena waaya aragnimada uu ka helay isreebreebka koobka aduunka ay tahy waayo aragnimo ay heshay Marocco.

Team Macalin Jabshe guuleysta.

01/12/2023

Halkan ugu codeey ciyaaryahanka ajaanibiga ugu fiican ee horyaalka heerka kowaad ee Montenegro.
Ciyaaryahanada u sharaxan waxaa ka mid ah kabtankii xulka qaranka Soomaaliya Cabdisamed Cabdullaahi.

https://www.rolaj-me.com/en/counts-are-being-settled-who-of-the-clubs-hit-with-foreigners-in-the-1-cfl-vote-in-our-poll-for-the-best-foreigner-in-montenegro/

30/11/2023

Cumar waa qof ay daacad ka tahy horumarka kubada cagta, Guuleyso Cumar 👏👏

30/11/2023

Eexdi uu sameeyay Khain Yusuf waata magaca dalkeena hoos u dhigtay. Dhawaan gurigiisa aya lo diri doona asaga ki u ceeb qariyay labadooda

Soomaliya ayaa noqotay dalka 3-aad ee ugu liita kubada cagta aduunka waxaana Soomaliya 2 darajo hoos ugu dhacday kala sareenta xulalka aduunka .

Jasiiradaha Timor-Leste iyo Seychelles ayaa ah dalalka ugu liita xiligaan kubada cagta waxaana ay ku jiraan kaalmaha ugu hoose.

Morocco ayaa ah dalka ugu wanagsan qaarad Africa marka la fiiriyo 53 dowladeed ee qarada madoow.

53 dowladeed ee qarada Africa waxaa ugu hooseyeen Seychelles iyo Soomaliya .

Dalka walaalaha nahey ee Djibouti ayaa ka galey qiimeyntan kaalinta 192 -aad waxaana udhaxeysa 5 dal ayna sareyso dalka Djibouti.

Dadaalka uu wado xiriirka kubada waxaa rajeyna iney waxbadan ka badali doonto arinkaan.

lagu hormarin karaa kubada cagta Soomaliy aragtidada nala wadaag .

Photos from Ciyaartooyda soomaaliyed's post 30/11/2023

Hanaga harto madaxweynaha FIFA aya noo soo hambalyeeyay!!

* Masoud Ahmed Abdel-alkhaliq oo booway doorashadi xiriirka Ciraaq 2018 waliba FIFA ay raali ka aheyd habraaci doorashadaas oo ay cadaalad u aragtay, goob joogna ka aheyd doorashada, kadibna madaxweynaha FIFA infantino uu warqad Hambalyo ah u soo diray 1 june 2018 halka doorashada ay dhacday 31 May 2018 taas oo ku beegan maalinta xigta maalinti ay doorashadaas dhacday aye maxk**ada diiday. Eeg sawirka koowaad waa hambalyadii infantino asaga oo Hambalyo u diray Masoud.

* Eeg sawirka labaad waa maxk**adi oo sharci daro ku tilmamtay doorashadi Ciraaq oo FIFA raaliga ka aheyd ayna joogeen xubno FIFA ka socday si ay u kor joogteyaan. Waxaa xusid mudan doorashadi xamar ka dhacday ee Cali Shiine kaligiis albaabada xertay FIFA ma joogin oo k**a soo qeyb gelin.

* Arinta layaabka ah aya ah kadib marki maxk**ada diiday doorashadii Ciraaq, FIFA oo fulineysa amarka maxk**ada aya ku dhawaaqday guddi kumeel gaar ah oo ayada soo magacawday si ay xiriirka Ciraaq u gaarsiyaan doorasho, guddigaas aye FIFA u xilsaartay in uu isku noqdo guddi fulin iyo guddi doorasho oo sharciyad heysta mudo 6 bil oo kaliya, si uu u qabto doorasho. FIFA aya guddigaas ku xujeysay in xubnaha guddigaas ka mid ah in aysan isku sharixi Karin doorashada xiriirka. Ka eeg sawirka sedexaad.
Linkiga warbixinta:
https://www.the-afc.com/en/more/news/composition_of_the_normalisation_committee_for_iraq_football_association.html

* Waxaa waxaas oo dhan ka si muhimsan warqadi ay FIFA xiriirkena u soo dirtay 28 Agosto sanadkaan, taas oo cinwaan ahan ay uga dhigtay kiis nabareedka dacwada Gudoomiye Wiish, warqadaas aya aheyd mid ay FIFA iskaga bari-yeeshay in ay aqbashay doorashada Cali Shiine. Ka eeg warqada afaraad.

Hadi FIFA ay kiiska xiriirka u marto wadadi ay u martay kiiska Ciraaq jawaabta maxk**ada kadib, Cali Shiine Waxaa maamulka kubada cagta ugu dambeyn doonto asbuuc ama laba asbuuc kadib marka ay jawaabta maxk**ada soo baxdo, mudada labadaas asbuuc waa Inta ay qaadan karto in ay FIFA fuliso amarka maxk**ada, waxayna soo magacaabi doonta guddi kumeel gaar ah oo dalka doorasho gaarsiyo.

29/11/2023

Waa warbixin dhameystiran, balse waxay hilmameen warqadi kale ee FIFA ay iskaga bari-yeeshay doorashadi Cali Shiine ee FIFA soo dirtay 28 Agosto, ka eeg qeybta komentiga warqadaas

29/11/2023

DEG DEG

Gudoomiye Wiish aya dhawaan dalka dib ugu soo laaban doono, kadibna qaban doona shir-jaraa’id oo weyn Kaas oo ay ka so qeyb geli donan dhamaan warbaahinta, gudoomiyayaasha kooxaha iyo guud ahaan bahda kubada cagta.

Sida naloo sheegay waxa bilaawan doona abaabul adag shirka jaraa’id kadib, Kaas oo horu dhac u ah jawaabta laga sugaayo maxk**ada Sportiga aduunka ee CAS, taas oo loo badinaayo in doorashadi lagu celiyo iyada oo ay ka qeyb geli donan kaliya 33-da xubin ee uu ka koobna xiriirka kubada cagta kahor Inta uu Cali Shiine ku darsan xubno fara badan.

29/11/2023

Kulaha shirka FIFA forward 3.0 aan ka qeyb galnay, Kaas oo ah shir ay FIFA ku so bandhigeyso deeqda ay bixiso iyo sida ay u bixiso. Anagana Waxaan idin leenahy soo dhageysta deeqaha FIFA iyo sida loo bixin doono, balse idinka ma tihiin dadki maamuli laha.

Waxaa xusid mudan in FIFA ay hakad galisay deeqda lacageed ee ay siiso xiriirka, marka laga rebo dhaqalaha ku baxa xulalka iyo tan musharaadka.

Photos from Ciyaartooyda soomaaliyed's post 29/11/2023

Maxk**ada waa la wareegtay kiiska, garyaqaanka Gudoomiye Wish asaga oo dhoola cadeynayo ayu Gudoomiye Wiish ku yiri: wiishow arintaan ka jiifo waqti oo kaliya aya naga xiga.

29/11/2023

Maxk**adii kiiska waa la wareegtay, maanta kadib Cali iyo Yusuf wa dambilayaal xukun sugayaal ah.

Bahda kubada cagta maanta kadib waxay labadaan nin u aragta kuwo aan wax sharciyad ah heysan sababto ah jawaabta maxk**ada ka imaan doonta waa iska cadahy.

28/11/2023
Photos from Cabdifitaax TV's post 28/11/2023
Photos from Somali Football Federation 1951's post 28/11/2023

Fifa forward 3.0 waa 8 milyan.

inshallah ilahey waa ka badbadin doona Cali musuq iyo Khain Yusuf in ay lunsadaan qarashkaas loogu tala galay dhalinyarada Somaliyed oo ka dhaxeeyo 20 milyan oo dhalinyaro Soomaaliyed ah.

Maalinta berito aya la qaadi doona dacwada maxk**ada Sportiga aduunka

28/11/2023

Maalinta berito ah taarikhda waa 29.11.23 waa maalin weyn, waa maalin ay bilow u tahy in kubada cagta dalkeena ay hesho cadaalad.

Waa maalinta ay maxk**ada sportiga aduunka si rasmi ah ula wareegi doonta dacwada Musharax Gudoomiye Mr Wiish kahor Inta aysan go’an ka gaarin.

Wixi beri ka dambeeya Cali Shiine iyo Yusuf waa xukun sugayaal wax sharciyad ah anan heysan, bahda kubada cagta sidaas in ay ula socdaan aya la raba.

Inta go’anka maxk**ada ka soo baxaayo, qof walba odayga waxa uu ka qaadan karo haka si qaato.

28/11/2023

Waa mahadsantihiin, macalinka Somaliyeed ha Guuleysto 🇸🇴⚽️

26/11/2023
Want your business to be the top-listed Gym/sports Facility in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Videos (show all)

Diyaar waaye Garoonka 💯 mahadsanid Wasiir
Xeyndhaabka taageerayaasha, habraaca gelista Garoonka iyo app-ki waa diyaar. Mahadsanid Mudane Wasiir
Wasiir Mohamed Bare Mohamud shaqo adag ayu ka qabtay Garoonka Stadiom Muqdisho. Xeyndhaabka taageerayaasha mar hadi uu u...
Masuliyada yaa qaadanaayo Qiyaanadi qaran ee lagu kacay? Dadki ka dambeeye waa in laga daba taga oo la yiraahda war hooy...
Macalin isku sheegi Marocanka ahaa aya helay laba kulan oo isreebreebka koobka aduunka ah, hadi ay jirto qof ka faaiday ...
Fursadihi aan Shalay ku sameynay Algerie, Guul inshallah kulanka Uganda 🇸🇴⚽️.
Gudoomiye Wiish oo dacwad maxkamada sportiga aduunka u geystay taas oo la dhageysan doono 29 bishan,  aya maalinki uu mu...
Mustaf caawa bandhig weyn ayu sameeyay 🇸🇴
Farxadi goalka 🇸🇴
Ala xanuun badana, Abel gigli aya soo dhigay muqalkan bartiisa instagram 💔In qofka uu soo dhigo bartiisa sawir asaga oo ...
Waxaa ino bilowday barnaamijkeeni daaha looga rogaayay qiyaanadi qaran ee laga galay xulka iyo guud ahaan umada Soomaali...
Wa goalki uu Shalay dhaliyay laacibka xulka iyo kooxda SV Spakenburg mukhtar Suleiman.

Category

Website

Address

Mogadishu
Other Sports in Mogadishu (show all)
c/naasir c/naasir
Mogadishu, 123

Viva Blues Viva Blues
Mogadishu

Welcome to Viva Blues page

Iprahimzeymarofficial Iprahimzeymarofficial
MOGADISHU
Mogadishu, MOGADISHU

Tyga Bella Tyga Bella
Benadir Street
Mogadishu

sports funny

allsportstv24 allsportstv24
Mogadishu, 202122

Hoyga ciyaaraha

Real madrid somali fanz Real madrid somali fanz
Cawaalesaleban13@gmail. Com
Mogadishu

CUMAR CADE CUMAR CADE
0613625632
Mogadishu, 5632

�HORSEDKA GUSHU WAA HURMARKA FANSKADA WLL�

Al-Nasser Somali Fans Al-Nasser Somali Fans
Banaadir Road
Mogadishu

Welcome Al-Nasser Fans

FARAX FARAX
Mogadishu

KU SOO DHAWOOW

news page4e news page4e
Hodan
Mogadishu, 252

writer �

Abdifitah Taban Abdifitah Taban
Mogadishu

Waba So Gashe FollowGa Ha igala Tagin�