Xafiiska Warfaafinta Xisbiga Horu-socod Qaran.

Xafiiska Warfaafinta Xisbiga Horu-socod Qaran.

You may also like

ABUL KALAM AZAD Khansur
ABUL KALAM AZAD Khansur

National Progressive Party, (N.P.P)

Photos from Xafiiska Warfaafinta Xisbiga Horu-socod Qaran.'s post 19/11/2020

Gudoomiyaha Xisbiga Horu-socod Qaran, ahna Musharax Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtey, kadib safaro shaqo oo dalka dibadiisa uga maqnaa bilihii lasoo dhaafey.

Xafiiska Warfaafinta Xisbiga Horu-socod Qaran.

07/09/2020

“Leadership is about making others better as a result of your presence and making sure that impact lasts in your absence.”

Photos from Xafiiska Warfaafinta Xisbiga Horu-socod Qaran.'s post 06/09/2020

Waxaa maanta kulan is xog-wareysi ah isugu imaadey Howl-Wadeenada Xisbiga Horu-socod Qaran, waxaana shir-Gudoomiyey Xoghayaha Guud ee Xisbiga Horu-socod Qaran, Mudane Maxamed Nuur Madoobe Nuunow, waxaana looga hadley dhowr ajenda oo muhiim ah.

Xafiiska Warfaafinta Xisbiga Horu-socod Qaran.

04/09/2020

War-saxaafadeed.
----------------------------.
Madasha Xisbiyada Qaran, oo uu qeyb ka yahay Xisbiga Horu-Socod Qaran NPP, ayaa war-saxaafadeed kasoo saarey shirka looga arinsanaayo marxaladaha kala guurka iyagoona ku baaqey in shirka la balaariyo.

Xafiiska Warfaafinta Xisbiga Horu-socod Qaran.

Photos from Xafiiska Warfaafinta Xisbiga Horu-socod Qaran.'s post 02/09/2020

Gudoomiye ku-xigeenka Madasha Xisbiyada Qaran, ahna ku simaha Gudoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran, ahna Hogaamiyaha Xisbiga Horu-Socod Qaran NPP, Mudane, Sharif Hassan Sheikh Adan, ayaa kulamo gaar gaar ah, waxaa uu la yeeshey qaar kamida madaxdii h**e ee dalka, sida Raisul-Wasaare Hassan Ali Khaire, Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud, Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland, Mudane, H.E Said Abdullahi Deni.

Xafiiska Warfaafinta Xisbiga Horu-socod Qaran.

Photos from Xafiiska Warfaafinta Xisbiga Horu-socod Qaran.'s post 27/08/2020

Soo Dhoweyntii Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.

27/08/2020

Soo Dhoweyntii Gudoomiyaha National Progressive Party, Mudane Sharif Hassan Sheikh Aden.

Xafiiska Warfaafinta Xisbiga Horu-socod Qaran..

27/08/2020

Wasiirkii h**e ee Maaliyadda, Raisul-wasaare ku xigeenkii h**e ee Dowladii KMG, ahayd, Gudoomiyihii h**e ee Baarlamaanka Soomaaliya, Madaxweynihii h**e ee Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Gudoomiyaha Xisbiga Horu-socod Qaran, ahna ku simaha Gudoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa maanta kusoo wajahan magaalada moqdisho.

Qeybta VIP-da Airport-ka Aden Ade International Airport, ayaa waxaa hada ku sugan masuuliyiin isugu jirta DFS, Dowlad Gobaleedyada, iyo Madaxda Madasha Xisbiyada Qaran.

25/08/2020

Waxaa Maalinta Khamiista ah, ee inagu soo aadan dalka kusoo wajahan Gudoomiyaha "Xisbiga Horu-socod Qaran" National Progressive Party, Mudane Sharif Hassan Sheikh Adan.

Xafiiska Warfaafinta Xisbiga Horu-socod Qaran.

22/08/2020

War-saxaafadeed Madasha Xisbiyada Qaran.

14/08/2020

انا لله وانا اليه راجعون.كل نفس ذائقة الموت.

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo adeerkiisa Sheekh Cusman Sheikh Cabdiraxmaan, caawa ku geeriyoodey magaalada Muqdisho.

Waxaan ilaahey uga baranineynaa in uu Ilaahey qabrigiisa u waasaciyo Janadii Firdowsana ka waraabiyo, eheladii iyo qaraabadana samir iyo iimaan haka siiyo Insha-Allah.

Xafiiska Warfaafinta Xisbiga Horu-socod Qaran.

Photos from Xafiiska Warfaafinta Xisbiga Horu-socod Qaran.'s post 08/08/2020

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Horu-socod Qaran, Mudane Maxamed Nuur Madoobe Nuunow, ayaa shir Gudoomiyey kulan maanta ay isugu imaadeen Howl-Wadeenada Xisbiga Horu-socod Qaran, waxaana warbixino laga dhageystey madaxda Xafiisyada Arimaha Bulshada, Warfaafinta, Amniga, Logisticada.

Xafiiska Warfaafinta Xisbiga Horu-socod Qaran.

08/08/2020

National Progressive Party. (N.P.P).

05/08/2020

إنا لله و إنا إليه راجعون. کل نفس ذائقة الموت.

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyska, qaraabada iyo asxaabta Dr. Xaawo Cabdi Dhiblaawe oo maanta Allah oofsaday.

Maamo Xaawo waxay aheyd mid kamid ah samafalayaasha ugu waaweyn dalkeenna, waxayna muruqeeda, maalkeeda iyo maskaxdeeda u hurtay u gargaaridda dadka tabaaleysan. Boqollaal qoys oo danyar ah ayay ku xannaaneyn jirtay isbitaalkeeda iyo xarunteeda oo ku yaalla duleedka Muqdisho.

Maamo Xaawo waxay ka tageysaa dhaxal loo aayo, iyadoo ubadkeedana ku tarbiyeysay u gargaaridda dadka tabaaleysan. Gabdhaheeda, oo iyaguna dhakhaatiir iyo samafalayaal ah, ayaa halkaas kasii amba qaadi doona tooshkii hooyadood.

Naxariista janno Rabbi haka waraabiyo Dr. Xaawo, isaga uunbaa ka abaal marin kara samafalkii ay dadkeenna u sameysaye.

Xafiiska Warfaafinta Xisbiga Horu-socod Qaran.

30/07/2020

Ciid Wanaagsan Dhamaan Ummadda Islaamka ah, Gaar Ahaan Ummadda Soomaaliyeed, Meelkastoo Aad Dunida Ka Joogtaan, Ciidan Ciideeda Nabad Iyo Baraaro Allaha Inagu Gaarsiiyo Insha-Allah.

Xafiiska Warfaafinta Xisbiga Horu-socod Qaran.

25/07/2020

Hogaanka sare ee Madasha Xisbiyada Qaran, ayaa war saxaafadeed kasoo saarey codka kalsooni kala noqoshada Raisul-wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliyeed, iyo Golihiisa Wasiirada.

Xafiiska Warfaafinta Xisbiga Horu-socod Qaran.

Photos from Xafiiska Warfaafinta Xisbiga Horu-socod Qaran.'s post 23/07/2020

War-Saxaafadeed: Madasha Xisbiyada Qaran oo ka digtay dib u dhac ku yimaad Doorashada Dalka.

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa maanta yeelatay shirkii todobaadlaha ahaa oo looga hadlay xaaladda dalka gaar ahaan kaalinta Madasha XQ ka qaadaneyso gurmadka Fatahaadaha, Doorashooyinka dalka iyo go'aannadii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb ee Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah.

Shirkan oo hoggaanka sare ee Madasha XQ uu qaab fogaan arag ah uga qayb galay waxaa guddoomiyey Gudoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Sheekh Shariif Sheekh Ahmed, waxaana geba gabadii laga soo saaray War murtiyeed looga digay dib u dhac ku yimaad Doorashada Dalka.

Madasha Xisbiyada Qaran.

Xafiiska Warfaafinta Xisbiga Horu-socod Qaran.

20/07/2020

Kulan khadka Internet-ka ah, oo maanta ay yeesheen hogaanka sare, ee madasha Xisbiyada Qaran, ayaa waxaa ay uga hadleen xaalada cakiran ee ka taagan Degmada Af-gooye, iyo deegaanada ka ag dhow, ee ka tirsan Gobalka Shabeelada Hoose.

Xafiiska Warfaafinta Xisbiga Horu-socod Qaran.

Photos from Xafiiska Warfaafinta Xisbiga Horu-socod Qaran.'s post 16/07/2020

Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran gaar ahaan Madaxweyneyaashi h**e ee Dalka Mudane Sh. Shariif Sheekh Axmed iyo Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay Salaadda Janaasada RW h**e ee dalka Marxuum Xasan Abshir Faarax oo dhawaan ku geeriyooday dalka Turkiga.

Xafiiska Warfaafinta Xisbiga Horu-socod Qaran.

Photos from Xafiiska Warfaafinta Xisbiga Horu-socod Qaran.'s post 11/07/2020

Hogaamiyaha Ruuxiga ah, ee Xisbiga Horu-socod Qaran, ahna Madaxweynaha soo socda ee 2021, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa maanta magaalada Ankara, ee dalka Turkiga kula kulmey, Madaxweynihii h**e ee Galmudug, Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed, Senator Ilyaas Xasan Cali, iyo Xubno kale oo muhiim ah oo katirsan madasha Xisbiyada Qaran.

Xafiiska Warfaafinta Xisbiga Horu-socod Qaran.

Photos from Xafiiska Warfaafinta Xisbiga Horu-socod Qaran.'s post 09/07/2020

Xisbiga Horu-socod Qaran, ayaa maanta kulan Qado Sharaf ah, u sameeyey, Odayaasha dhaqanka Beelweynta Direed, Waxaana Kulankaas Shir Gudoomiyey Xoghayaha Guud ee Xisbiga Horu-socod Qaran, Mudane Maxamed Nuur Madoobe Nuunow, Shirka inta uu socdey waxaa looga hadley, Diyaar garowga Doorashooyinka 2021-ka, iyo qodobo kale muhiim ah.

Xafiiska Warfaafinta Xisbiga Horu-socod Qaran.

08/07/2020

Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Madaxweynihi h**e ee dalka mudane Sheekh Shariif Sheekh Ahmed iyo Madaxweynihi h**e mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan daba socda shirkii maalin ka hor ay ku yeesheen xarunta Madasha Xisbiyada Qaran waxay maanta la qaateen Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal iyo Gud. Ku xigeenka koowaad ee Golaha shacabka C/wali Sheekh Ibraahim Muudey.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa in qodobadii laga wada hadlay la dar dar geliyo waxaana si' gaar ah diiradda loo saaray sidi loo soo celin lahaa wada shaqeynta labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya, iyadoo warbixin laga dhageystay Madaxweyne h**e mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay la soo kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare mudane Cabdi Xaashi iyo Gud. Ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Mudane Abshir Bukhaari.

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa isku dayeysa inay kaalin ka qaadato dib u heshiisiinta hey'adaha qaar ee Dowladda Federaalka oo khilaaf uu hareeyey, waxaana socda dadaal ballaaran oo Madasha XQ ugu jirto in dib loo soo celiyo kalsoonidi iyo wada shaqeyntii ka dhaxeysay labada aqal ee Baarlamanka Soomaaliya.

Madasha Xisbiyada Qaran.

Xafiiska Warfaafinta Xisbiga Horu-socod Qaran.

07/07/2020

Madasha Xisbiyada Qaran waxay soo dhaweeneysaa Shirka Dowlad Goboleedyada Dalka ee 9-ka bisha lagu qabanayo magaalada Dhuusamareeb.

Halkan hoose ka aqriso War-Murtiyeedka Madasha Xisbiyada Qaran.

Xafiiska Warfaafinta Xisbiga Horu-socod Qaran.

Photos from Xafiiska Warfaafinta Xisbiga Horu-socod Qaran.'s post 07/07/2020

Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran iyo Hoggaanka dhaqanka Beesha Mudullood oo kulan ku yeeshay Muqdisho.

Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Madaxweynihi h**e Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihi h**e ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Ilays Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali ayaa Kulan gaar ah kula yeeshay xarunta Madasha XQ Hoggaanka Dhaqanka Beesha Mudullood gaar ahaan Imaam Maxamed Yuusuf iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas.

Kulankan ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda dalka, doorashooyinka iyo shirka beesha Mudullood ee lagu dhawaaqay inuu qabsoomi doono siduu u noqon lahaa mid mira dhal ah oo saammeyn wanaagsan ku yeesha aayaha beesha iyo degganaanshiyaha magalada Muqdisho.

Shirka ayaa ku soo gababgaboobay jawi farxad leh iyo in laga wada shaqeeyo nabadda iyo danaha guud ee dadka.

Xafiiska Warfaafinta Xisbiga Horu-socod Qaran.

06/07/2020

Kulankii Xaley Dhex-marey Gudoonka Golaha Shacabka JFS, & Madaxda Madasha Xisbiyada Qaran ayaa guul iyo is af-garad o dhamaadey.

Xafiiska Warfaafinta Xisbiga Horu-socod Qaran.

05/07/2020

Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran iyo Guddoonka Golaha Shacabka oo ka wada hadlay xaaladda dalka iyo doorashooyinka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka C/wali Sheekh Ibraahim Muudey ayaa kulan gaar ah la yeeshay Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran oo ay matalayeen Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Madaxweynihii h**e ee dalka Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynihi h**e mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Ujeedka kulanka wuxuu ahaa in xaaladda Dalka leyska wareysto gaar ahaan in Guddoonka Golaha Shacabka uu warbixin la wadaago Madasha Xisbiyada Qaran oo talooyin dhowr mar u jeedisay hoggaanka dalka.

Waxyaabaha sida gaarka ah looga hadlay waxaa kamid ahaa baahida loo qabo inay waqtigooda ku dhacaan doorashooyinka, ayna noqdaan doorashooyin laga wada tashaday loo dhan yahay, keeni kara nabad iyo horumar loogana gudbi karo xaaladda adag ee dalku uu ku jiro, isla markaana ay jirto mabaadii guud iyo dammaanad lagu xaqiijinayo arrintaas, in wada hadallada la sii wado si' is faham buuxa looga gaaro arrimaha doorashooyinka, sidaasoo kale waxaa laga hadlay dhinacyada muhiimka u ah doorashooyinka in dadaal xooggan le geliyo sidii loogu qancin lahaa oo loogu waajihi lahaa doorashooyinka aragti mideysan oo dhalin karta kalsooni, sharciyad iyo taageerada shacabka.

Madasha Xisbiyada Qaran.

Xafiiska Warfaafinta Xisbiga Horu-socod Qaran.

Photos from Xafiiska Warfaafinta Xisbiga Horu-socod Qaran.'s post 05/07/2020

Gudoomiyaha Golaha Shacabka JFS, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, & Madaxda Madasha Xisbiyada Qaran, ayaa shir uga socda Xarunta dhexe ee Madasha Xisbiyada Qaran.

Xafiiska Warfaafinta Xisbiga Horu-socod Qaran.

Photos from Xafiiska Warfaafinta Xisbiga Horu-socod Qaran.'s post 05/07/2020

Kulan ay isugu imaadeen madaxda iyo howl-wadeenada xisbiga Horu-socod Qaran, ayaa maanta ka qabsoomey xarunta dhexe ee Xisbiga Horu-socod Qaran, waxaana lagu soo dhoweynaayey Gudoomiyihii h**e ee Baarlamaanka Dowladii KMG-ka ahayd, Mudane Mustaf Mukhtaar Guudow, oo sheegey inuu si toos uga mid noqdey Xisbiga Horu-socod Qaran, maadaama uu ku qancey Mabaadi'da Xisbiga Horu-socod Qaran.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Horu-socod Qaran, Mudane Maxamed Nuur Madoobe Nuunow, iyo dhamaan howl-wadeenada Xisbiga Horu-socod Qaran, ayaa si diiran usoo dhoweeyey Ex-Gudoomiye Mustaf Mukhtaar Guudow inuu kamid noqdo Xubnaha muhiimka ah, ee Xisbiga Horu-socod Qaran.

Xafiiska Warfaafinta Xisbiga Horu-socod Qaran.

MOGADISHU-SOMALIA.

Photos from Xafiiska Warfaafinta Xisbiga Horu-socod Qaran.'s post 02/07/2020

Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Madaxweynihii h**e mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Madaxweyne h**e mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Madasha iyo marti sharaf kale ayaa ka qayb galay Xaflad ballaaran oo lagu xusay Todobaadka Xorriyadda.

Xafiiska Warfaafinta Xisbiga Horu-socod Qaran.

01/07/2020

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa qaban qaabo ballaaran ugu jirto xafladda todobaadka Xorriyadda oo lagu wado in birri lagu qabto magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Sheekh Shariif Sheekh Ahmed, Madaxweynihi h**e mudane Xasan Sheekh Maxamuud, madaxda Xisbiyada ku mideysan Madasha iyo marti sharaf kale ayaa lagu wadaa inay ka qayb galaan munasaabadda oo si' heer sare ah loo agaasimay.

Mahadsanidiin.

Xafiiska Warfaafinta Xisbiga Horu-socod Qaran.

Photos from Xafiiska Warfaafinta Xisbiga Horu-socod Qaran.'s post 30/06/2020

Ex- Wasiir Cabdullaahi Aadam Farey, oo kamid ah, Xubnaha muhiimka ah, ee Xisbiga Horu-socod Qaran, & Howl-Wadeenada Xisbiga oo isugu jira, Dhalinyaro Wasiiro & Xildhibaano h**e, ayaa maanta Xarunta Dhexe ee Xisbiga Horu-socod Qaran, kusoo dhoweeyey xubno cusub oo kamid noqo-naayey Xisbiga Horu-socod Qaran.

Xafiiska Warfaafinta Xisbiga Horu-socod Qaran.

28/06/2020

Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Horu-socod Qaran, Mudane Maxamed Nuur Madoobe Nuunow, Ayaa Faah-Faahiyey Qodabadii Kasoo Baxey Kulankii Maanta.

Xafiiska Warfaafinta Xisbiga Horu-socod Qaran.

Photos from Xafiiska Warfaafinta Xisbiga Horu-socod Qaran.'s post 28/06/2020

Xisbiga Horu-socod Qaran, Ayaa Maanta Qada Sharaf U Sameeyey, Masuuliinta Madasha Xisbiyada Qaran, Waxaana Kasoo Qeyb Galey Gudoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Gudoomiyihii H**e Ee Baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Aadan Madoobe, Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Horu-socod Qaran, Mudane Maxamed Nuur Madoobe Nuunow, Wasiiro & Xildhibaano H**e Ka Tirsanaa Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Dowladihii KMG Ahaa Ee Dalka Soo Marey.

Shirka Inta Uu Socdey Waxaa Looga Hadley Arimaha Doorashooyinka Ee Dalka Kusoo Wajahan Dhamaadka 2020-ka, Wacyi-gelinta Bulshada Soomaaliyeed, Sidii Kaalin Mug Leh Uga Qaadan Lahaayeen, Arimaha Doorashooyinka Ee Dalka Kusoo Wajahan Dhamaadka Sanadkan, Xoojinta Wada Shaqeynta Xisbiyada Madasha Qaran.

Xafiiska Warfaafinta Xisbiga Horu-socod Qaran.

27/06/2020

Gudoomiyaha Xisbiga Horu-socod Qaran, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa Ummadda Soomaaliyeed, ugu Hambalyeeyey Munaasabada 26-june-1960-kii, Markii Gobalada Waqooyi ay ka Xoroobeen Gumeystihii Ingiriiska.

Xafiiska Warfaafinta Xisbiga Horu-socod Qaran.

26/06/2020

Gudoomiyaha Xisbiga Horu-socod Qaran, ahna Musharax Madaxweyne, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, Ayaa Ummadda Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyey, Munaasabada, 26-ka, Juun, 1960-kii, Sanad Guuradii 60-aad, ee Kasoo Wareegatey Midowgii Gobalada Koonfureed, & Gobalada Waqooyi.

Xafiiska Warfaafinta Xisbiga Horu-socod Qaran.

23/06/2020

War Saxaafadeed: Madasha Xisbiyada Qaran.

Photos from Xafiiska Warfaafinta Xisbiga Horu-socod Qaran.'s post 21/06/2020

Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Horu-socod Qaran Mudane Maxamed Nuur Madoobe Nuunow, & Howl-Wadeenada Xisbiga, Ayaa Maanta Xarunta Dhexe Ee Xisbiga Horu-socod Qaran, Kusoo Dhoweeyey Xildhibaano H**e Oo Ka Tirsanaa Baarlamaankii 1-aad, Ee Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Kuwaas Oo Maal-Mahan Safar Shaqo Ku Jooga, Magaalada Mogdisho Ee Caasimada Dalka.

Mahadsanidiin.

Xafiiska Warfaafinta Xisbiga Horu-socod Qaran.

Photos from Xafiiska Warfaafinta Xisbiga Horu-socod Qaran.'s post 20/06/2020

Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

Kulanka James Swan iyo MXQ waxaa diiradda lagu saaray doorashada dalka, caqabadaha hor taagan iyo kaalinta Xisbiyada dalku ku leeyihiin sidi loo qaban lahaa doorasho aan waqtigeeda kadib dhicin oo geeddi socodkeeda raalli laga wada yahay.

Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran, Madaxweyne h**e Mudane Sh. Shariif Sheekh Ahmed, Guddoomiyaha Xisbiga UPD, Madaxweyne h**e mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Xisbiga Ilays Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali ayaa kulanka qayb ka ahaa, waxaana Xisbiyada kale ee Madasha ku jira kamid ah Xisbiga Kulan, Xisbiga Horusocod Qaran, Xisbiga Nabadda iyo Xisbiga Himilo Qaran.

Horumar iyo Madasha Xisbiyada Qaran.

Xafiiska Warfaafinta Xisbiga Horu-socod Qaran.

MOGADISHU-SOMALIA.

20/06/2020

Madasha Xisbiyada Qaran: War saxaafadeed Doorashada dalka

Photos from Xafiiska Warfaafinta Xisbiga Horu-socod Qaran.'s post 19/06/2020

Jimco, Wanaagsan, 19/06/2020.
---------------------------------------------------.
Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Horu-socod Qaran, Mudane: "Maxamed Nuur Madoobe Nuunow", Ayaa Maanta Oo Jimca Ah, Shir Gudoomiyey, Kulan Ay Iskugu Imaadeen, Howl-Wadeenada Xisbiga Horu-socod , & Qaar Kamid Ah, Xubnaha Xisbiga.

Shirka Inta Uu Socdey, Waxaa Looga Hadley Dhowr Arimood, Oo Ay Ka Mid Yihiin, Dardar Gelinta Howlaha Xisbiga, Balaarinta Xafiisyada Xisbiga Horu-socod, Dhamaan Maamul Gobaleedyada Dalka, Diyaar Garowga Doorashooyinka Dalka Kusoo Wajahan Horaanta Sanadka 2021-ka.

Mahadsanidiin.

Xafiiska Warfaafinta Xisbiga Horu-socod Qaran.

Want your organization to be the top-listed Government Service in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Website

Address

01
Mogadishu
252
Other Political Parties in Mogadishu (show all)
X. isbedel doonka Sh/hoose X. isbedel doonka Sh/hoose
Mogadisho
Mogadishu, 252

Waa xisbi loogu talagay samata bixintta shabeelaha hoose kaaso kashaqayn doonta awoodsiinta dhalinyar

Abdi aziiz mohamed Abdi aziiz mohamed
Hodan Mugdisho
Mogadishu

Political

Xisbiga Horyaal Qaran Xisbiga Horyaal Qaran
Airport Area, Wadajir, Banadir, Region
Mogadishu

Hadaf Togan iyo Hogaan Hagaagsan

Abdirahman H. Gallaf Abdirahman H. Gallaf
Mogadishu

politicalist

Wadani Wadani
Mogadishu

Xorseed

Peace, Justice  and Freedom Party of Somalia PJAF Peace, Justice and Freedom Party of Somalia PJAF
Haji Baasto Road
Mogadishu

PJAF Party is a democratic political party in Somalia founded by a group of Somali politicians, intellectuals and social activists from different parts of the country, with a wide ...

Afhayeenka dhalinta Belweynta hawiye Afhayeenka dhalinta Belweynta hawiye
Karaan
Mogadishu

kahadlida warar xaqiiqda kusaleesan sida wararka xasaasiga ahi wararka belweynta hawiye wararka beesha caalamka

Kaabeiyokobciye Kaabeiyokobciye
Mogdisho
Mogadishu

dalka dhiso dalka dhiso
Maahirabshir764@gmail. Com
Mogadishu, 252

Gudoomiyaha golaha shacabka  sheikh Adam madoobe Gudoomiyaha golaha shacabka sheikh Adam madoobe
Near Villa
Mogadishu

Parliament chairman sheikh adam

Xisbiga Tubta Horumarka Iyo Nabadda Xisbiga Tubta Horumarka Iyo Nabadda
Wadajir, District Lami Yamaha Zoobe Aga Gaarka Aden Adde Hospital
Mogadishu, 6456

Ku Soo Dhawaaada Xisbiga Tubta Horumarka Iyo Nabadda