Abdifatah jubba

Abdifatah jubba

You may also like

Yash kumar
Yash kumar

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Abdifatah jubba, Sports Team, Mogadishu.

08/06/2024

𝗖𝗲𝗲𝗹𝗱𝗵𝗲𝗲𝗿 𝕘𝕒𝕝𝕞𝕦𝕕𝕦𝕘

Kooxda ayaa saakay weerarki lawada filaayay ku qaaday degmada ceeldheer
Waxayna ku guuleesteen iney cagta mariyaan saldhigii gorgor ee deegaanka
Inkastoo aysan dhicin halaagi la filaayay lagana difaacday degmada iney gudaha u galaan

Kooxda AS ayaa uga hortagaysa weerarkaan in ee noqoto ceeldheer base laga weeraro dhulka kooxda
Madaama dowlada ee qorshaynaysay bishaan iney dib u bilaawdo dagaalki ka dhanka ahaa kooxda

Waxa la dhowraya weeraro lamid ah kuwa ceeldheer iney la kulmi donaan deeganada masagawaay galcad iyo xarardheere kooxda AS ma sugi doonto in iyaga lagu bilaabo dagaalka waxayna isku dayi donaan iney ku kala baxaan dagaalka inta uusan bilaaban

Dowlada somalia waxba k**a barato khaladaadkeeda markastana Kooxda AS ayaa ku guulaysata iney cagta mariso saldhigyada h**e ee laga weerar tago

Markale waxay soo bandhigeen ciidanka dowlada fadaraalka somalia ineysan ahayn ciidan la isku halayn karo waana ciidan faashil ah xitaa hadii lageeyay ilaa

Somalia diyaar uma aha mana u dhawa ka bixitaanka ciidamada atmis khaasatan ciidanka itoobiya oo ah ciidanka lagu joogo hiiraan bakool baay gedo
Dowlada somalia waa iney waaqica fiiriso iskana joojisa riyo maalmeedka
Ciidanka somalida xitaa ma difaacan karaan dhulka ee haysteen sanadka xitaa iyaga oo garab ka helaayo qabaailka

Waxaana banaanka uso baxay hadii ciidanka atmis somalia ka baxaan in ee burburayso nidaamka dowladeed (fadaraalka)

Beesha caalamka waa iska indhatirtay somalia

Dhulka beesha ayaa noqonaya xabaalaha ciidanka somalia
Beesha madaxwaynaha dhulka ee dagto ayaa lagu dilay ciidanki u badna taariikhda cusub ee somalia boqolaal askari ayaa lagu feentay
Beesha abgaal ayaa subixi caleemo qoyan kuso dhawaysa ciidanka halka habeenki shirib iyo niiko kuso dhaweeyaan kooxda AS iyo wiilka bajamaal
waxaana muuqata beesha jacayl hal dhinac in uu kala dhaxeeyo maleeshiyadka wiilka bajamaal

31/05/2024

Amiirka Guud ee kooxda AS ayaa labadii billood ee ugu danbeysay wadday isku shaandheyn aad u ballaaran, oo uu ku sameeyay laamaha kala duwan ee ururka. Horjooge Axmed Diiriye ayaa soo saaray awaamir kala duwan oo horre aan loo arag. In cusbooneysiin lagu sameeyo Maktabka Jeyshka ee kooxda ayuu faray horjoogaha cusub ee uu u dhiibay hoggaanka Maktabka Jeyshka.

Horjooge Guuleed Ilkacase ayaa loo magacaabay hoggaanka ugu sarreeya ee Ciidanka kooxda AS. Qabiil ahaan wuxuu kasoo jeedaa beesha Isaaq, gaar ahaan jufada Arab Isaaq. Horjooge Yaasir Jiis oo qabiil ahaan kasoo jeeda beesha Ceyr HG ayaa laga xayuubiyay xilka hadda loo dhiibay GUULEED ILKA CASE.

Yaasir Jiis ayaa lagu eedeeyay inuu hagar daamiyay Maktabka Ciidanka ee kooxda. Waxyaabaha xilka qaadista Yaasir u sabab ah waxaa ka mid ah inuu Isla weyni joogta ah uu muddo fog kula dhaqmayay saraakiisha ciidan ee ururka AS. Yaasir Jiis waa shaqsi dabeecad xun, aadana iskula weyn oo aanan dhageysan dadka isaga ka ra'yi duwan.

Horjooge Guuleed ayaa looga fadhiyaa inuu dibu habeyn degdeg ah ku sameeyo Maktabka gaboobay ee Jeyshka. In dib loo qalabeeyo ciidanka Xarakada ayaa lagu amray horjooge Guuleed. Inuu diyaarsho ciidan iska caabin kara duulaan labbaad oo Wilaayaadka lagu soo qaado ayaa Guuleed laga doonayaa.

Dhiig bax aad u weyn ayaa sannadihii 2022-2023 ku dhacay Maktabka Jeyshka ee kooxda AS. Boqolaal dagaalyahan ayaa looga dilay kooxda dagaalo kala duwan oo ka kala dhacay Mudug, Galgaduud, Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Jubbooyinka, Soomaali Galbeed. Yaasir Jiis ayaa lunsaday miisaaniyaddii loo qorsheeyay howlaha Maktabka Jeyshka ee kooxda.

Ina Diiriye ayaa Axmed Gureey u dhiibay mucaskaraadka lagu tababaro ciidamada Inqimaasiyiinta ee Xarakada. Axmed Gureey (Jehad Serwan Mostafa) waa Kurdi kasoo jeeda dalka suuriya, oo Mareykanka ka yimid sannadkii 2006-dii. Dadka aadka ugu dhow Axmed Diiriye ayuu ku jiraa wiilkaan kurdiga ah ee lagu magacaabo Jehad Serwan.

Horjooge lagu sheegay magaciisa macallin Sahal ayuu

24/05/2024

Horjooge Cabdinuur Gardhuub wuxuu ka mid ahaa raggii lagu aas'aasay jeyshka kooxda mayalka addag ee AS. Inuu Reer Xaaji Saleebaan sheegan jiray ayaan maqlay oo uu dhihi jiray waan ka dhashtay. Ninkaan wuxuu sannadkii 2007-dii madax u ahaa dagaalyahannadii kooxda AS ee ka dhex dagaalami jiray suuqa bakaaraha iyo inta badan degmooyinka Howlwadaag iyo Wardhiiglee iyo Hodan.

Ina Godane ayaa sannadkii 2012-dii usoo diray magaalada muqdisho, si uu uga dhex jabhadeeyo xaafadaha kala duwan ee caasimadda. Ina Godane ayaa is lahaa sidii 2007-dii oo kale ayaa muqdisho laga dhex fulin karaa dagaal ku dhufo oo ka dhaqaaq ah. Gardhuub waxaa la socday oo shaqada la qabanayay horjooge kale oo lagu magacaabi jiray Cabdi Majiid.

22 November 2012-dii, guri uu ka daganaa xaafadda cali turcaaye ayee nabad sugidda soomaaliya ku dhex dishay horjooge cabdinuur gardhuub. Taliye Khaliif Axmed Ereg ayaa howlgalkii lagu dilay cabdinuur gardhuub usoo bandhigay warbaahinta. Siddoo kale Nabad Sugidda soomaaliya ayaa waqtigaas qabatay horjooge Cabdi Majiid oo qeyb ka ahaa shabakaddii uu Godane usoo diray magaalada muqdisho.

Billo keddib taliye Khaliif Ereg ayaa dilay Cabdi Majiid iyo raggii lala soo qabtay. Meydkii Cabdi Majiid iyo saaxiibadiisii la xirnaa ayaa lagu soo tuuray xaafadda gubta ee degmada Deyniile. Reer Xaaji Saleebaan ayuu ka dhashtay horjooge Cabdi Majiid.

21/05/2024

Beesha Habargidir oo ku dhow inay la mid noqdaan SUNNIYIINTA dalka Ciraaq. Siyaasiyiinta HG waxay ka tanaasuleen natiijadii kasoo baxday dagaalkii afar biloodka ee muqdisho ka dhacay November 1991 illaa February 1922. Maanta Habargidir waxay guddoomiye ka tahay labbo degmo oo qura oo magaalada muqdisho ka mid ah.

Beeshii dhammeyd ee sagaashanaadkii gacanta ku heysay koonfurta soomaaliya waxay kusoo aruurtay inay guddoomiye ka noqdaan degmooyinka HODAN iyo WARDHIIGLEE. Beesha saleebaan HG waxay ka tanaasuleen xilka maareeyaha dekadda MUQDISHO. Maareeyihii Garoonka ee la rabay in HG ay qaataan waxaa iska heesta oo ku fadhiya wiil Majeerteen ah.

Xasan Sheekh wuxuu HG ka qaaday seddex degmo oo kala ah XAMAR WEYNE, XAMAR JAJAB, WAABARI. Halka uu labbo degmo oo cusub u magacaabay beesha uu ka dhashtay ee ABGAAL. Xasan Sheekh ayaa tiirka geeyay dable CEYDIID oo Ceyr Habargidir ah.

Xasan Sheekh ayaa dhawaan qalinka ku duugi doona in tiirka la geeyo Taliye Qoslaaye iyo Sayid Cali Macallin Daa'uud. Xabsi joogta ah ayaa lala dabataagan yahay qof walba oo Habargidir kasoo jeeda oo dhaleeceeya dowladda Xasan Garguurte. Hal qof oo Abgaal ah lama xiro haddii uu xittaa aflagaadeeyo hooyada Xasan Sheekh Maxamuud.

Saleebaan HG waxaa xilligaan ka xiran dhowr qof oo kala ah Taakeeye, Sayid Cali, Qoslaaye, Liibaan Abtidoon. Ganacsato badan oo HG ah ayuu taliska garguurte xiray. Abuu Jihaan wuxuu xididada u siibay wax kaste oo heybad siyaasadeed ah oo ay beesha HG laheyd.

Waqtigii Maxaakiimta Islaamiga ayaa lagu guuldareestay in la magacaabo qofka noqonaya guddoomiyaha gobolka banaadir ee Maxaakiimta islaamiga. Xasan Daahir Aweys iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa xilligaas isku qabteen beesha noqoneysa guddoomiyaha gobolka banaadir. Xasan Daahir ayaa ka qadiyad fiicnaa siyaasiyiinta maanta matasha beesha habargidir.

Kooxda AS ayaaba si cadaalad ah u qeybisa xilka guddoomiyaha gobolka ee kooxda. Seddex nin oo kasoo kala jeeda HG, AB, MR ayaa isaga kala danbeeyay xilka Waaliga Wilaayaad

18/05/2024

Sannadkii 2009-kii, Axmed Godane ayaa u dhiibay maktabka Zakawaadka nin isaga ku qabiil ah oo markaas uun kusoo biiray safka kooxda xagjirka ee AS. Horjooge Suldaan Maxamed Aala Maxamed oo xilligaas ka yimid magaalada Burco ayaa durbaba masuul looga dhigay maktabka qaabilsan howlaha soo aruurinta Zakawaadka. Horjooge Suldaan Faruur ayaa qabiil ahaan kasoo jeeda beesha Isaaq, gaar ahaan Habar Jeclo.

Sannadihii 2008-2009, Ibraahim Afqaan ayaa ahaa madaxa ugu sarreeya ee maamul waqtigaas ka talinayay magaalada Kismaayo. Horjooge Ibraahim Afqaan ayaa lagu xasuustaa inuu soo dhaweysan jiray dadka ay isku heybta yihiin isaga ee dhalasho ahaan kasoo jeeda beesha Isaaq. Ibraahim Afqaan ayaa qabiil ahaan kasoo jeeday beesha Isaaq, gaar ahaan Sacad Muuse.

2 February 2016, Naftii halige u dhashtay beesha isaaq ayaa isku dhex qarxiyay diyaarad ay laheyd shirkadda Daallo Airlines (Flight 159). Naftii haligaha ayaa lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Cabdi Salaam Borleh. Wuxuu qabiil ahaan kasoo jeeday beesha Isaaq, gaar ahaan Ciise Muuse.

Turkish Airlines ayaa aheyd bartilmaameedka ay kooxdu u socotay waqtigaas. Mar haddii ay Turkish Airlines ku fashilmeen ayee go'aansadeen inay qarxiyaan diyaaradda daallo airlines. Natiijada howlgalkaas ayaa noqotay in ay badbaadaan rakaabkii saarnaa Daallo Airlines.

26 July 2016, Xildhibaan horre oo baarlamaanka soomaaliya ka tirsanaa ayaa isku qarxiyay aga'gaarka garoonka diyaaradaha ee magaalada muqdisho. Xildhibaan Saalax Badbaado ayaa kooxda AS ku biiray sannadkii 2010-kii. Qabiil ahaan wuxuu kasoo jeeday beesha Isaaq, gaar ahaan Habar Jeclo.

Labbo nin oo Isaaq ah ayaa is qarxisay inta ay kooxda AS dhisan tahay oo dhan. Qofkii Isaaq ah ee kusoo biira kooxda waxaa laga shaqaaleysiiyaa makaatibta kala duwan ee ururka. Rafaad iyo dhibaato oo dhan waa laga foggeeyaa qofkii Isaaq ah ee ka mid noqdo ururka AS.

Aadan Sunni ayaa hadda ku socda gaari PRADO ah oo hadiyad ahaan ay kooxdu ugu keentay. Qof weliba oo Isaaq ah oo safka kooxda ku jira

10/05/2024

Dowladda ciraaq ayaa maanta ku dhawaaqday inay soo gabagabeyn doonaan hawlgalka qaramada midoobe ee kaalmaynta ciraaq. In lasoo afjaro howsha uu haayo xafiiska UNAMI ayuu qalinka ku duugay raysal wasaare maxamed shiyaac suudaani. Xafiiska UNAMI ayaa lagu amray inay ciraaq uga baxaan illaa inta laga gaarayo 31 January 2025.

Saacado ka hor ayee aheyd markii dowladda soomaaliya codsatay in lasoo gabagabeeyo howlgalka qaramada midoobe ee kaalmeynta soomaaliya. Madaxweyne xasan sheekh ayaa qalinka ku duugay in albaabada la iskugu dhufto xafiiska UNSOM ee soomaaliya. Lama maqli doono mar danbe magaca ergayga gaarka ah ee qaramada midoobe u qaabilsan soomaaliya.

Xafiiska UNAMI ayaa la aas-aasay sannadkii 2003-dii. Keddib duulaankii uu mareykanka ku qaaday dalka ciraaq ayee laga maarmaan noqotay in la dhiso xafiiskaan. Howlaha uu xafiiskaan qabto waxaa ka mid ah dhex dhexaadinta syaasiyiinta, arrimaha doorashooyinka, gargaarka dadka dhibaateysan, ka shaqeynta amniga, isbadalka cimilada, wacyi galinta bulshada.

Xafiiska UNSOM ayaa la aas-aasay june 2013-dii. Balse wuxuu qabaab kala duwan kusoo shaqeynayay illaa sannadkii 1991-dii. Howsha uu UNAMI ka haayo dalka ciraaq ayuu UNSOM ka haayaa soomaaliya. Waa marjaca ugu weyn ee ay u wada laabtaan siyaasiyiinta soomaaliyeed.

Qof ka cararaya isla xisaabtan ayaa ku marmarsiyoonaya waxaan irdaha iskugu dhufanaa xafiisyada qaramada midoobe. Kurdida ciraaq iyo sunniga ciraaq ayaa la dhacsaneen in la xiro xafiiska UNAMI. Dadka faa'iidada ku qaba xafiiska UNAMI waxaa ka mid ah Kirishtanka tirada yar ee ciraaq iyo dadka laga roonayaasha ah ee LGBTQ la dhaho.

Siyaasiyiinta iyo awood qeybsiga qabaa'ilka soomaaliyeed waxa isku haaya ee taaba galinaya waa xafiiska UNSOM. Go'aanada masiiriga ah ee wadamada ciraaq iyo soomaaliya waxaa lagu dhex qorsheeyaa xafiisyada UNAMI iyo UNSOM. Haddii aan lagu dhex jirin ma waxaa is fahmi kara siyaasiyiinta kala afkaarta iyo caqiidada ah ee hadda wada qeybsada awooda xukun ee dalka ciraaq.

Soomaali

03/05/2024

Axmed nuur cali jimcaale iyo cabdiqaadir muumin waa labo nin oo saaxiibo ahaa muddo dheer, aadna isku garanaya. Ururkii burburay ee al-itixaad al-islaami ayee ka wada tirsanaayeen. Waxayna isku arki jireen kulamo diimeed oo yurub ka dhici jiray sagaashanaadkii.

Ina Muumin ayaa dhawaan shirkadda hormuud ka dalbaday inay baxshaan lacag dhan tobon milyan oo doolar. Ina cali jimcaale waa diiday inuu saaxiibkiis horre siiyo lacagta uu hadda dalbanayo ee waalida ah. Keddib diidmadii ka timid madaxda hormuud ayuu gargaduud-ku fatwooday in la beegsado shaqaalaha iyo xarumaha shirkadda.

Beegsiga shirkadda hormuud ayaa soo billaawday dhammadkii sannadkii 2018-dii. Xilligaas waxaa la khaarijiyay tobanaan ka mid ah shaqaalaha kala duwan ee ka shaqeeya shirkadda hormuud. Sababta xilligaas loo beegsanayay shaqaalaha hormuud ayaa aheyd keddib markii ay madaxda shirkadda iska diideen bixinta lacag shan milyan oo doolar aheyd.

Beegsiga hormuud waxaa fududeeya isla shaqaale ka tirsan shirkadda oo si hoose ula shaqeeya kooxda daacish. Shirkadda hormuud ayaa sannadkii 2018-dii u gudbisay ururka AS, liis dheer oo ay ka qornaayeen magacyada shaqaale ka tirsan shirkadda oo ku lug lahaa beegsigii xilligaas ku socday xarumaha iyo shaqaalaha shirkadda. Kooxda AS ayaa beegsatay unugyadii ka tirsanaa daacish ee ay shirkadda hormuud soo gudbisay magacyadooda.

Loolan addag oo u dhaxeeyay amniyaadka AS iyo ISIS ayaa ka dhacay xilligaas xaafadaha kala duwan ee magaalada muqdisho iyo duleedyada caasimadda. Meelaha lagu hardamay waqtigaas ee sida ba'an la isugu farasaaray waxaa ka mid ah xaafadda suuqa xoolaha, daaru salaam, labbo dhagax, ceelasha biyaha. Qaar ka mid ah shaqaalaha hormuud oo daacish ahaa ayee kooxda AS ku dishay xaafadda daaru salaam.

Door weyn ayee shirkaddu ku laheyd xilligaas la dagaallanka ururka cabdiqaadir muumin. Markii xero iyo fandhaal kala dhaceen ayee madaxda hormuud go'aansadeen inay wada hadal la yeeshaan horjooge cabdiqaadir muumin. In lacag macquul ah uu sheegto

23/04/2024

Sidee Crypto Lacag looga sameeyaa?

Crypto Marka si guud looga hadlo Sedex qaab oo waa weyn ayaa lacag looga sameeyaa.

1= Maalgashi ( Investment )
Maalgashiga Crypto Waxaa lagu tiriyaa mid ka mida meelaha ugu fiican ee la maalgashto, Sanad walba iyo bil kasta waxaa Crypto kasoo baxo dad Maal-qabeen ah ( Millionaires ), Waxaana la sheegaa iney tahay suuqa ugu faaiidada badan Aduunka oo dhan mar la eego Suuqyada Caalamka.

2= Ganacsi ( Trading ):
Trading, In qofku suuqa Si joogto ah uga shaqeysto, Tusaale: Maalin walba, Isbuuc walba iyo Bil kasta.

Qofku hadii ow heesto Lacag fiican, Trading-ka Joogtada ah ayaa u Faaiido badan, qofka heesto dhowr Kun wuxuu ka maarmi karaa shaqo kaste oo kale, wuxuuna awood u leeyahay inoow Faaiido badan Soo saaro.

3= Sarifka ( Exchange ):
Qeybta sedexaad, Qofku wuxuu Faaiido ka sameyn karaa Sarifka, Tusaale: Qof heesto Crypto ayaa u baahanayo Dollar, kadib sarifluhu Faaiido ayuu saaranayaa si ow ugu sarifo qofkaas lacagta.

23/04/2024

Cal miskaat, bari, puntland, somalia

Dagaalo ku dhawaad sadex bilood socday kadib una dhexeeyay AS vs ISSP waxa u suurta gashay kooxda ISSP (islamic state somalia province ) iney si dhamaystiran ula wareegan gacan ku haynta buuraha cal miskaat oo ah buuro istaraatiiji ah
Waa side ee warka u dhigeene

ISSP ayaa markii ugu horaysay dareemaysa iney iska dajisay culeeski uga imaanaayay dhigooda AS oo afartii sano u dambaysay kooxda AS aad cadaadis ugu haayay bal kooxda AS sanadihi u dambeeyay waxaan ISSP shaqo k**a hayn

ISSP ayaa ah xiligan garabka daacish ugu muhiimsan kadib iswap iyo iskp
ISSP waxay gacanta ku haysa malafka faracyada daacish ee muzambique iyo congo
Sidoo kale kooxda ayaa gacanta ku haysa malafka lacagaha guud ee kooxda heer ee maalgaliso faraca afghanistan iskp looso gaabiyo
Sirdoonka reer galbeedka waxay qabaan in abu bilaal alsudaani oo ahaa masuulki qaabilsana maaliyada ee daacish somalia ISSP uu asaga diray lacagti lagu fuliyay weerarki ka dhacay ilaboorka kabul ee ku dhinteen 13 askari oo maraykan ah sanad kahor ayuu maraykanka dilay abu bilaal wuxuuna ku dhuumaalaysanaayay cal miskaat
Ururka ISSP waxay buuraha ku haysa saraakiil u dhalatay siiriya lubnaan iyo yaman
Waxa loogu yeero muhaajiriinta ayaa aad ugu qulqulaaya buuraha cal miskaat

Sidoo kale ISSP waxay galaangal ku leedahay tuulooyinka u dhow cal miskaat oo odayaasha tuulooyinkas waxay u qabtaan ururka iyo waxuu u baahdo waa iyaga waxa u gudbiya muhaajiriinta lacago waali ahna waa ku baxsha beel ahaan waa cali saleeban odayashas

Waxaas oo qatara maamulka puntland waa mid daawanaya
Maamulka puntland wuxuu soo toosi doona qaraxyada markey garaacaan qasriyada garoowe

Sidoo kale amiirka ISSP abu muscab al sharqawi (abdulqadir muumin) ayaa ka mid ah xiligaan wadaada u fatwooda waxna laga waydiiyo masaaisha diineed ee kooxda DAACISH

ABDULQADIR MUUMIN (abu muscab alsharqawi)
Waxa sido kale lagu daray shuurada guud ee kooxda daacish wuxuuna kamid yahay kuwa laga la

22/04/2024

Isbadal dhanka caqiidada ah ayaa ku dhacay kooxda macangaga ah ee AS. Sannado ka hor waxay aaminsanaayeen ma aaminsana xilligaan hadda la joogo. Tan iyo markii uu axmed diiriye noqday amiirka guud ee kooxda, waxaa soo if baxay is badal weyn oo ku yimid afkaartii iyo caqiidadii lagu yagleelay kooxda.

Safka kooxda waxaa ku jira hadda dad aan isku caqiido iyo afkaar wada aheyn. Tusaale kooxda ayaa waqtigaan shaqaaleysiisa dad caqiido ahaan ka duwan. Inta badan odayaasha dhaqanka ee ka midka ah safka kooxda waa suufi aad u cabsan caqiidada ashaacirada ah.

waxaad wilaayaadka ku arkee naqiib dhan oo suufi ah oo xarakadu ay usoo xulatay inuu ugaas ama nabaddoon u noqdo beel ka mid ah beelaha soomaaliyeed. Garsoorka kooxda waxaa ku jira rag caqiido ahaan ku abtirsada dariiqooyinka suufida. Door muuqda ayee suufidu ku leeyihiin hadda maktabka qadaha ee kooxda argagixisada ah ee AS.

Isbadalka ugu yar ee kooxdu sameysay ayee ku tusinee in suufida laga qeybgalshay garsoorka iyo howlaha la macaamilka qabaa'ilka. Lacag fara badan ayee kooxda ku qarash gareysaa odayaasha dhaqanka ee kooxda ka midka ah. Howlgalkii ay kooxdu ku leysay saraakiishii imaaraadka, ayaa ku tusinaya isbadalka caqiido ee kooxda ku dhacay.

Ku biiritaanka ciidamada dowladda ayaa waqtigii ina godane ka ahaa agtoodo mid gaalnimo ah. Weerarkii xerada jeneraal goordan waxaa geystay askari ka tirsanaa ciidanka dowladda oo si hoose uga mid ahaa ururka. In lagu biiri karo laamaha kala duwan ee dowladda ayee aragti ahaan kooxdu aaminsan tahay hadda.

In maslaxad darteed loogu dhici karo gaalnimo ayee kooxdu qabtaa hadda. Kooxdu ma lahan xilligaan manhaj caqiido oo qoran oo si guud ururku uga shidaal qaato. Gudaha ururka waa ka mamnuuc in lasoo hadal qaado masaa'il fara badan oo caqiidada ku saabsan.

Masaa'isha dhanka caqiidada ah ee kooxdu diiday in lasoo hadal qaado waxaa ka mid ah Alcudru Bil Jahli, Takfiiru Alcaadir, Altawaquf Wa Tabayun. Ina diiriye ma ogolo in si dhameestiran loo fulsho caqiidada salafiga

22/04/2024

DHAGARAHA GUMAYSIGA IYO DHOOHANAANTA SOOMAALIDA

Taariikhdu waa fahamka, barashada, gorfaynta iyo dhuuxidda wixii la soo maray iyada oo la adeegsanaayo tixraacyada qoran, kuwa affeed iyo aasaarta qadiimka ah. Guud ahaan taariikhdu waxa ay dadka ku caawin karaan in ay si wanaagsan u fahmaan ahaanshiiyahooda bulsho, dhaqan, diin, siyaasad ama jiritaan. Bulshada aan taariikhdeeda aqoonin, waxa ay mar walba halis ugu jirtaa in ay ku dhacdo khaladaad ay h**e ugu soo dhacday. Taariikhda oo leh dhammaan fahamkeeda guulaha iyo guuldarrooyinka, waxa ay muhiim u tahay jiritaanka ummadaha, waana isha ugu weyn ee ay ummadduhu uga dhimbiil qaataan mustaqbalkooda. Sida ay khubaradu qabaan, haddii ummaddu ay fahmi kari waydo taariikhdeeda, waxa ay halis ugu jirtaa in ay lunto ama tirtiranto. Sidaasidaraaddeed, taariikhdu waa meesha laga barto khalad iyo saxba wixii h**e loo soo maray, mustaqbalkana looga shidaal qaato.

Soomaalidu guud ahaan waa dad Muslimiin ah oo deggan gobolkan muhiimka ah ee Geeska Afrika. Muslimnimadoodu waxa ay siisay taariikh jiritaan oo ay la wadaagaan dadka kale ee Muslimiinta ah ee guud ahaan adduunka, gaar ahaan dadka Carbeed ee ay deriska yihiin. Sida oo kale, waxa ay Soomaalidu loollan kula jireen gaalada gobolkan Geeska Afrika. Loollanku mar waxa uu ahaa mid diineed, mar kalena waxa uu ahaa mid dal, mar saddexaadna waxa uu ahaa mid awoodeed. Gaalada Geeska Afrika waxa wakiil ka ahaa mar walba Xabashida oo jiritaan muuqda ku lahaa buuralayda sare ee dhulka maanta la yidhaahdo Itoobiya. Xabashidu waxa ay calanka u sideen kufriga iyo gaalnimada Geeska Afrika, Soomaaliduna waxa ay calanka u sideen Islaamnimada iyo tawxiidka. Halkaas ayay colaadda ugu weyni ka bilaabantay, walina ay ka taagantahay. Xabashidu waxa ay taageero muuqata oo hub, ciidan, farsamo iyo siyaasadeedba ka helayeen guud ahaanba gaalada caalamka, waxaana Itoobiya si weyn mar walba u taageeraayay kolba quwadaha waaweyn ee adduunka ka jiray ee gaalada ahaa, sida Burtuqiiska, Faransiiska,

W/Q maxmuud jeesto

19/04/2024

Daacish-ta soomaaliya ayaa xalay ku dhawaaqeen inay la wareegeen gacan ku heynta buuraleyda cal miskaad. Kooxda AS ayaan ka saarnay cal miskaad ayee leeyihiin ciyaalka wadaadka garka gaduudan ee cabdiqaadir muumin. Ina muumin ayaa adeegsaday gaadiid dagaal intii uu socday dagaalada uu la galay kooxda AS.

Qabsashada cal miskaad waxay ka dhigan tahay in ina muumin uu mar kale damci doono degmada qandala. Rogaal celin labbaad inay ka dhici doonto qandala ayee u badan tahay. Is balaarin weyn ayuu muumin sameyn doonaa haddii ay run noqoto qabsashada cal miskaad.

Halka ugu weyn ee kooxda AS ka dagan tahay deegaanada puntland waa buuraleyda cal madow. Waxaa soo if baxaya in yaasiin kilwa uu ku fashilmay dagaalka kala dhaxeeya wadaadka gargarka gaduudan ee lagu magacaabo cabdiqaadir muumin. Jiritaankii kooxda AS ee deegaanada Puntland ayaa halis gali doona haddii ay run noqoto sheegashada uu muumin sheeganayo qabsashada cal miskaad.

Maamulka Puntland ayaa kusoo aruuray inay dusha uun kala socdaan hardanka dhex maraya jihaadiyiinta ku sugan gobolka bari. Dhib badan ayee Puntland la kulmi doontaa haddii hal koox oo qura soo harto.

Haddii ina muumin uu mustaqbalka dhaw qabsado cal madow waxay ka dhigan tahay inuu salka ka jaray joogitaankii kooxda AS ee deegaanada puntland. Odayga ayaa isku arka hadda inuu laandheere ka yahay deegaanada Puntland oo dhan. Marxalad seddexaad ayaa u bilaawatay garabka kooxda ISIS ee soomaaliya.

Caqabadaha ina muumin heesta waxaa ka mid ah culeyska joogtada ah ee uu kala kulmayo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee dowladda mareykanka. Diyaaradaha daroonta ee mareykanka ayaa labadii billood ee ugu danbeysay ku howlanaayeen inay dul heehaabaan deegaanada ay kooxda ina muumin ku dhuumaaleystaan. Aad iyo aad ayuu mareykanka ula socdaa dhaq dhaqaaqa garabka ISIS ee soomaaliya.

Kooxda AS k**a hadlin sheegashada Ina Muumin. Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa siddoo kale beeniyeen warka kasoo baxay kooxda gargaduud.

13/04/2024

Awood aanan aheyn shahed drone iyo gantaalaha balaastika ah oo iiraan lagu tuhmayo ma lahan. Waa la wada og yahay in iiraan ay adeegsan doonto diyaaradaha aan duuliyaha laheyn iyo gantaalaha balaastika ah. Iron Dome iyo Patriot ayaa israaiil ka badbaadin doona gantaalaha iyo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee iiraan ay kusoo weerari doonto dhawaan gudaha dhulka Israaiil.

Nidaamka difaaca cirka ee israaiil ayaa dhulka soo dhigi doona inta badan gantaalaha ay iiraan kusoo weerari doonto dhulka israaiil. Iiraan ma heysato diyaarado dagaal oo casri ah. Intaas oo jeer ayuu ruushku ka meermeeray inuu iiraan ka iibsho diyaarado dagaal oo casri ah.

Nidaamka difaaca cirka ee iiraan waa ka jilcan yahay shukulaatada iyo malmalaatada. Diyaaradaha dagaalka ee israaiil ayaa duqeyn kara xilli walba magaalooyinka kala duwan ee dalka iiraan. Taliska tahraan ma lahan awood dhanka difaaca cirka ah oo hor istaagi kara diyaaradaha casriga ah ee israaiil ay ku qalabeysan tahay.

2010--2020, Israaiil ayaa gudaha iiraan ku dhex dishay shan ka mid ah culimada ku howlan barnaamijka niyugleerka ee iiraan. Shantaas caalim ayaa lagu kala magacaabi jiray Mascuud maxamadi, Majiid shahriyaari, Daryoosh ridaa'ii najaad, Mustafa axmadi rooshin, Muxsin fakhri zaada.

Israaiil ayaa siddoo kale bartamaha tahraan ku dhex dishay sarkaal sarre oo al-qaacidda ka tirsanaa oo lagu magacaabi jiray abuu maxamed al-misri. Tobanaan howlgalo arbushaad ah ayee israaiil ku beegsatay xarumaha laga dhaliyo tamarta nugliyeerka ee iiraan.

Sannadkaan oo qura ayee israaiil ka dishay iiraan dhowr sarkaal oo muhiim u ahaa howlaha millatari ee iiraan ay ka waddo mandiqadda bariga dhexe. Magacyada saraakiisha sannadkaan laga dilay iiraan waxaan ka xusi karnaa Riza muusawi, Maxamed riza zaahidi, Maxamed haadi xaaj raxiimi. Muusaadka israaiil ayaa darraad ku guuleysteen inay khaarijiyeen nin sarifle lacageed ahaa oo lagu magacaabi jiray maxamed Saruur.

Maxamed saruur wuxuu ahaa sarifle u shaqeeya ururka xizbullaah ee dalk

10/04/2024

Ismaaciil Maxamuud Maxamed ( Caraale) Waa Amiirkii ugu horreeyay ee Kooxda AS. Waxaa uu kasoo jeedaa Beesha Isaaq, gaar ahaan Habar Yonis. Ku xiggeen waxaa u ahaa waqtigaas Axmed Madoobe, oo kasoo jeeda Beesha Ogaadeen, gaar ahaan Maxamed Zubeyr.

6 June 2007-dii, ayaa Ismaaciil Caraale loo gudbiyay xabsiga caanka ah ee Guantanamo Bay. Muddo ka badan labbo sanno iyo bar ayuu Caraale ku xirnaa xabsiga Guantanamo Bay.

Caraale ayaa ka danbeeyay ismiidaamintii lala eektay Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ee Baydhabo ka dhacday. Labbo qarax oo Ismidaamin ah ayee kooxdu ka geysatay magaalada Muqdisho intii uu Caraale ahaa amiirka guud ee kooxda.

August 2006 illaa May 2007, ayuu Caraale ahaa amiirka guud ee Kooxda. Isagoo u socda dalka Eritariya ayaa lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Jabuuti.

Caraale waxaa uu Mas'uul ka yahay hadda Jaamacad lagu magacaabo Shiffa oo ku taalla Magaalada Burca. Lama arag illaa iyo hadda isaggoo wax ka sheegaya AS ama dhaleeceynaya.

August 2006, shir ka dhacay guri ku yaallay inta u dhaxeysa Hotel Ramadaan iyo Ex Koontarool Balcad ayaa lagu aas'aasay Kooxda AS. isla shirkaas ayaa Ismaaciil Caraale loogu doortay amiirka guud ee kooxda. Axmed Madoobe ayaa noqday ku xigeenka amiirka. Xasan Cabdalla ayaa noqday amiirka guud ee golaha shuurada.

Afarta garab ee waqtigaas ku Midoobay magac AS waxaa ay kala ahaayeen Garabkii Salaaxu diin, Garabkii Raas Kambooni, Garabkii Ceel Garas, Garabkii Shaykh Cabdullaahi Mukhtaar.

05/04/2024

𝑩𝒐𝒐𝒓𝒌𝒊𝒄𝒊𝒏𝒕𝒂 𝒈𝒖𝒍𝒆𝒆𝒅

Kadib markii la dilay shahiid cuthman bin cafaan
Maleeshiyaadka khawaarijta iyo faasiqiinta ayaa waxay xoog khaliif uga dhigeen cali bin abi daalib

Saxaabada waa wayn sida al zubayr bin cawaam iyo dalxa ayaa lagu qasbay iney beyco siiyaan ninka ku yimid afganbiga ee cali bin abii daalib

Indhaha iyo jawaasiista bani umaya ayaa si dhow ula socday kuwa dilka cuthman u gaystay iyo kuwa hiilada u ah waxayna soo direen khamiiski cusmaan oo dhiigiisa ku yaalay iyo farahii xaaskiisa naailah binta farafisah waxana gacanta loo galiyay abu cabdiraxman mucaawiye bin abii sufyaan oo ahaa ninki ugu awooda badan bani umaya wuxuuna wacad ku maray in loo aari doono ina adeerki cusman bin cafaan rc iyo xaskiisa

Mucaawiye ayaa xukumaayay gadoomiyana ka ahaa shaam 20 sano wayna jeclaayeen reer shaam
Taas oo lagu daray in uu qabay gabar reer bani kalab ah oo ah mid ka mid ah qabaailka ugu xoogan shaam taas oo lagu daray in xaaska cusmaan ee faraheeda la jaray sharaftana laga qaaday ee kasoo jeedo bani kalb waxaas oo isbiirsaday ayaa sababtay reer shaam iney ku dhawaaqaan iney daacad u yihiin mucawaye cagta ee marin doonaan meesha uu u diro
Waxayna wacad ku mareen iney u aari donaan cusmaan bin cafaan ee madluumka ah

Maleeshiyadki afganbiga sameeyay ee ka koobna shardamo khawaarij ah iyo kuwa faasiqiin ah iyo afarto saxaabo la qalday iyo ina adeerti cali bin abi daalib ayaa waxay bilaabeen iney u goodiyaan mucaawiye iyo reer shaam marki uu ka dhaga adegay mucaawiye ayey dagaal ku soo qaadeen shaam

Mucaawiye iyo ragiisi
Abu acwar alsulami
Camar ibnu caas
Mucaawiye bin xudayj
Cabdiraxman bin khaalid bin waliid
Sufyaan alghaamidi
Cubaydullahi bin cumar bin khadaab
Du kilaac alximyari
Ayaa gashaan u dhigay dagaalka ee soo qaadaan maleeshiyada cali bin abii daalib waana laga difaacay iney gudaha u galaan shaam kana gaystaan gabood falo sida ee ka sameeyeen magaalada madiina iyo sida ee u dileen cusman bin cafaan
Dagaalka safayn waa ku fashil

04/04/2024

Weeraradii waa weynaa ee muqdisho ka dhacay inta uu Mahad Salaad ahaa taliyaha nabad sugidda qaranka.

1- Hotel Xayaat. 19 August 2022.
2- Qaraxyadii Soobe2. 29 October 2022.
3- Qaraxii xero nac nac. 5 November 2022.
4- Hotel Villa Rose. 27 November 2022.
5- Weerarkii xarunta gobolka banaadir. 22 January 2023.
6- Weerarkii guriga macawisleyda xawaadle. 21 February 2023.
7- Qaraxii lagu dilay Afar Sheegle. 14 July 2023.
8- Qaraxii kuliyadda jaale siyaad. 24 July 2023.
9- Qaraxii maqaaxida Blue Sky. 16 October 2023.
10- Weerarkii xerada jeneraal goordan. 10 February 2024.
11- Hotel SYL. 14 March 2024.

Mahad shaqo fiican ayuu ka qabtay amniga muqdisho. Wuxuu illaa xad hor istaagay awoodii ay kooxdu ku laheyd muqdisho. Xittaa ganacsatada muqdisho ayuu laf dhuun gashay ku ahaa.

Aad ayuu u daba dhigtay unugyada dhaqaale iyo amni ee kooxdu ku dhex laheyd caasimadda. Sanbalooshe aan isha ku heyno.

02/04/2024

Darajo Ninkan nin ka mudnaa ma arkin Anaga oo Team Media badan aha ayaa Malin Anaga nala soo werarey Gurmadkii ugu Horeyay wuxuu Ahaa Taliyahan iyo Askartisii Ninkan Waxaa u dheer in u raadsado melwalba oo cadawga lagu sheegow Nin sidaas ah In wax walba laga hormariyaan qabaa. Darajo iyo Dalacsiinba Waxaa Mudan, Mujaahid Qaliif Cumar macalin Nuur Mahamed Siyaad, Ninkii Halganka Ka Biloway Mowlaca Siigaale Ilaa Haddana Habeen Ka Seexan Baacsiga Argagixisada kuna sugan ceeldheer,

01/04/2024

Puntland waxaa ka howlgala labbo urur oo argagixiso ah. Ninka xilligaan kooxda AS uga wakiilka ah Puntland waa nin warsangali daarood ah. Nin lagu magacaabo yaasiin kilwa ayaa howlaha kooxda AS ee deegaanada Puntland kala wada.

Maalmaha soo socda waxaa la filaa weeraro kala duwan oo ka dhaca magaalooyinka Garoowe, Boosaaso, Gaalkacyo. Sawirka idiin muuqda waa qeyb ka mid ah dadka ay argagixisadu ku dhex dileen deegaanada maamulka Puntland. Beenta ugu weyn ee soomaalida ku dhex faaftay waa "Puntland ayaa amni buuxa uu ka jiraa"

Inta uu saciid deni yahay madaxweynaha maamulka puntland ayee kooxda AS ku dishay labbo qarax gudoomiyaashii gobolada mudug iyo nugaal. Awooda amniyaadka kooxda AS ayaa gaartay heer ay ku guuleystaan dilka guddoomiyeyaasha gobolada mudug iyo nugaal ee Puntland. Waxaa arki doontaan saciid deni oo xasan sheekh ku eedeynaya howlaha ay kooxaha argagixisada ah ka geesan doonaan dhawaan deegaanada Puntland.

Magacyada dadka sawirkaan ka muuqda.

1- Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan 5 December 2011. Boosaaso.
2- Cabdiqaadir Nuur Faarax (Gacameey) 15 February 2013. Garoowe.
3- Ganacsade Cabdullaahi Cali Cumar. 7 August 2018. Boosaaso.
4- Paul anthony Fermosa. 4 February 2019. Dakadda Boosaaso.
5- Jaamac Maxamed Quurshe 21 January 2020. Boosaaso.
6- Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir). 29 March 2020. Garoowe.
7- Axmed Muuse Nuur. 17 May 2020. Gaalkacyo.
8- Wariye Jamaal Faarax Aadan. 1 March 2021. Gaalkacyo.
9- Cilmi Cali Guuleed. 15 July 2022. Gaalkacyo.
10- Cabdiraxmaan Xaaji Maxamed. 1 March 2023. Boosaaso.

Sannadkii horre kooxda ISIS ayaa dab qabadsiiyeen xarumaha waa weyn ee shirkadaha Almacruuf iyo Fadhisame ku leeyihiin magaalada Boosaaso. Ganacsiga boosaaso ayaa maalmo u xirnaa kooxda ISIS ee ku sugan buuralayda Puntland. Maalmo ka hor kooxda AS ayaa weerar balaaran ku qaaday koontaroolada ciidan ee laga soo galo magaalada Boosaaso.

Howlgalada ugu waa weyn ee argagixisada AS ka fulsheen deegaanada Puntland waxaan ka xusi karnaa.

1- Qaraxyadii Itoobi

Want your business to be the top-listed Gym/sports Facility in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Website

Address

Mogadishu
Other Sports Teams in Mogadishu (show all)
Haldoor Football Club Haldoor Football Club
Doolow
Mogadishu

Hiigsigeena waa inaan ahaano dhalinyaro maskax iyo muruqba caafimaad qabto

Halyeyga Umadda Halyeyga Umadda
Jale Siyad Road
Mogadishu

Hey !. Welcome to our Home/page follow and like is your Side .... Welcome and welcome and welcome

Shalambood Fc Shalambood Fc
Shalambood
Mogadishu, 252

Together we can do ��

Shabeel football Shabeel football
Mogadishu
Mogadishu

join us to stay updated on football news in different leagues.

somali fixed 1xbet&linebet somali fixed 1xbet&linebet
Mogadishu

welcome everyone somali

Baqar feysal Stars Baqar feysal Stars
Mogadishu

Liverpool somali fans Liverpool somali fans
Km4
Mogadishu, 311000

Halkan waxa ka socon doontaa waarkii ugu danbeyay ee kooxda ,tabinta ciyaarta,taariikhaha

POWER BOYS POWER BOYS
Mogadishu

Welcome to the largest club in Bondere district 💪🙏

FC  cosmos FC cosmos
Madiino
Mogadishu

sport& train

walaalaha FC walaalaha FC
Suuqa Xoolaha
Mogadishu, 619255228

walaalaha fc

CUMAR CUMAR
0614913802
Mogadishu