Naanow

Naanow
02/09/2023
30/08/2023

XOOGA DALKA SOOMAALIYEED🇸🇴

16/05/2022
07/03/2022

Meeshaan Bacaad Ayay Iiga Jirtaa Maba Kala Kacoyso Xaa Celanoo ku Dhagan

26/10/2021

Meeshaan Maa Lay Kala Kacsho

16/02/2021

Like And Share And Safiskaraab Saar Farta Nuuxi Hagaa Go'do kuma dhihi Kareelol

11/02/2021

Ninba Walaxa U Daran

14/11/2019

Inta U Guuray Like Ii Dhaha Nh Lol

06/09/2019

HALYEEYAD QARAN QAREEN DR. MUNA GEN/MAXAMED CALI SHARMAAN

Hadaba waa Tuma Dr. Muna Gen-Maxamed Cali Sharmaan?.

Dr. Muna Gen-Maxamed Cali Sharmaan :waa Abuukaate Soomaaliyeed oo dowli ah, waxaa ay dhowaan noqotay hadal heynta shacabka Soomaaliyeed kaddib markii dalkeenna ay u matashay dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya , ICJ ee magaalada Hague .

Dr. Muna Sharmaan waa Abuukaate Soomaaliyeed oo dowli ah, aabaheed waxa uu ahaa diblomaasi iyo sarkaal military ,weliba 5tii sareeye ee ciidanka Soomaliya wax laga weydiin jiray ayuu ka mid ahaa ,waxaa ay ka tirsan tahay qurbojoogta wax ku bartay dalka dibaddiisa gaar ahaa dalalka Masar iyo Mareykanka.

Dr. Muna Sharmaan waxay shahaadada Master-ka ay ka qaadatay Maalgeshiga caalamiga ah ee-- Jaamacadda Harvard Law School sanadkii 2001-dii, halka shahaadada PhD ee xiriirka caalamiga ah ay ka diyaarisay Johns Hopkins School of Advanced International Studies (SAIS).

Waxa ay falanqeysaa oo ka dooddaa arrimaha maalgeshiga, gaar ahaan sida ay dadka dalka u dhashay u maalgeshtaan waddamada soo koroya, Al-sharmaan waxaa intaa u dheer dhanka waxbarashada Bachelor of Law ee Jaamacadda Qaahira ee dalka Masar 1985 – 1989.

Dr. Al-sharmaan waa Kaaliye sare oo ka tirsan shirkadda Weil, Gotshal & Manges LLP, shirkaddan oo shaqadeeda la xiriirto arrimaha Maaliyadda iyo Bangiyada.

Shirkaddan Weil, Gotshal & Manges LLP waxaa ay shaqadeeda tahay in xoogga saaraan maalgelinta shirkadaha iyo heshiisyada, Tababarka, Deymaha iyo arrimaha la xiriira Maaliyadda iyo Bangiyada.

Waxaa kaloo ay Kaaliye ka aheyd King & Spalding LLP, iyadoo halkaas ka shaqeyn jirtay inta u dhaxeysay March 2005 – September 2005 , waxaa ay u qaabilsaneed shirkadda arrimaha dhaqaalaha Islaamiga ah.

1990-yadii waxaa Dr. Muna Al-sharmaan qaramada midoobey xarunteeda Newyork kala shaqeyn jirtay ergeyga joogtada ah ee Soomaaliya ee qaramada midoobey ee arrimaha Xiriirka Caalamiga ah.

Dr. Muna waxaa ay xubin ka tahay Abuukaatayaasha Mareykanka kuwaas oo xaruntoodu tahay State of New York, waxaa ay sidoo kale qortaa warbixinno la xiriira ganacsiga caalamiga, maalgeshiga, sida xal looga gaaro murannada la xiriira ganacsiyada , Lahaanshiyaha iyo arrimo kale oo la xiriira ganacsiga iyo sharciyada dowliga ah.

Dr. Muna waxaa ay si fiican ugu hadashaa luqadaha Soomaaliga, Carabiga iyo Ingiriis-ka.

26/07/2019

CABDULLAAHI BINU CABBAAS

Cabdullaahi Binu Cabbaas waxay ilmo adeer ahaayeen Nebiga (scw), wuxuuna ahaa Saxaabigii ugu aqoonta badnaa sida tusaale ahaan marka la eegayo tafsiirka iyo macnaha xeesha dheer ee qur’aanka oo Rasuulka (scw) ayaaba arrinkaa ugu duceeyay. Wuxuu caan ku ahaa Alle ka cabsiga, wuxuu badin jiray soonka, salaadda habeenka isagoo khaaliqa weyn (sw) ee abuuray mar kasta weydiisanaya denbi dhaaf iyo raalli ahaanshahiisa. Cabdullaahi wuxuu ka mid ahaa saxaabada ugu da’da yar oo wuxuu dhashay 3 sanno ka hor hijriga, markii uu Rasuulka (scw) dhintayna waxay da’diisu ahayd 13 jir.

Sidaas oo ay tahay wuxuu Cabdullaahi binu Cabbaas ka xafiday Rasuulka (scw) 1660 xaddiis oo ay Imaamyada Bukhaari iyo Muslim ay ku sugeen kutubtooda. Cabdullaahi Binu Cabbaas Allaha ka raalli noqdee markii uu toddobo (7) jir-ka ahaa wuxuu u adeegi jiray Rasuulka (scw) sida marka uu doonayo Salaadda oo uu u diyaariyo weysada iwm. Marka uu Rasaalka (scw) galayo salaadda wuxuu ku tukan jiray Rasuulka gadaashiisa. Nebiga aad ayuu u jeclaan jiray la jirka iyo la joogista Cabdullaahi Binu Cabbaas, saa darteed wuu raaci jiray kolka uu Rasuulka qabanayo safar. Cabdullaahi wuxuu ahaa saxaabi uu Illaah ku mannaystay xikmad iyo aragti xeel dheer. Arrinkaana waxaa ugu duceeyay Rasuulka, oo wuxuu Illaah uga baryay inuu siiyo xikmad, Illaahna wuu ka aqbalay ducada Nebigiisa.

Xikmaddii Cabdullaahi iyo dooddii Khawaarjta:

Waxaan hal tusaale ka soo qaadanaynaa mid ka mid ah xikmadihii Cabdullaahi Binu Cabbaas. Markii qaar ka mid ah raciyadii iyo asxaabtii Cali Binu Abii Dhaalib (rc) ay ka madax taageen amarkii Cali ee la xiriiray khilaafkii isaga iyo Mucaawiya dhexmaray ayaa wuxuu Cabdullaahi Binu Cabbaas ku yiri Cali: "Amiirkii mu’miniintoow maad ii fasaxdid si aan ula soo hadlo oo markaa aan soo dhageysto waxay leeyihiin". Cali ayaa ku yiri: "waan kaaga cabsanayaa". Cabdullaahi ayaa u celiyay waxaan ahay nin leh akhlaaq suubban oo aan cidna dhibin, sidiina ayuu ugu tagay. Markii uu u yimi khawaarijtii waxay weydiiyeen sababta uu u yimid, wuxuuna u sheegay inuu doonayo inuu wareysto.

Qaar ka mid ah ayaa soo jeediyay inaan lala hadlin, qaarna waxay yiraahdeen la hadla. Wuxuu yiri waxaan weydiiyay sababta ay ula dagaalamayaan Rasuulka Alle (scw) ina adeerkii, marna uu u yahay sodog sidoo kalena ka mid ah qof rumeeya Rasuulka kii ugu h**eeyay. Waxay yiraahdeen waxaan ku haysanaa saddex qodob. Waa tan koowaade waa isagii oo xukunkii Islaamka siiyay dad gaar ah. Waa tan labaad’e wuxuu la dagaalamay Caa’isha (rc) iyo Mucaawiya, mana ka qaadan qaniimooyin oo ma qabqabsan dumarkiina. Tan saddexaad wuxuu ogolaaday inaanan la oran Amiiral mu’miniin iyadoo ay muslimiinta oo dhammi u doorteen magacaas.

Markii ay dhammeysteen hadalkooda, ayaa Cabdullaahi Binu Cabbaas ku yiri: "Ka warama haddii aan idinku dul aqriyo aayado qur’aan ah iyo axaadiista Rasuulka (scw) ma ka noqonaysaan waxaad hadda ku sugan tihiin?". Waxay yiraahdeen: "Haa". Haddaba, Cabdullaahi Binu Cabbaas ayaa ka jawaabay qodobkoodii koowaad ee ay ku haysateen Cali ee ahaa oraahdoodii ahayd in uu Cali uu siiyay xukunka dad gaar ah, wuxuuna Cabdullaahi arrintaa ugu jawaabay oraahda Alle (sw) ee leh: "U dira xaq soore ehelkiisa ah iyo xaqsoore ehelkeeda ah.." Suuradda Al-Nisaa aayadda 35. Wuxuu Cabdullaahi weydiiyay kooxdii su’aashan ah:"Illaah baa idinku dhaariye ma waxaa fadli badan xukunka ninka iyo afadiisa iyo addoonka mise xukunka ummad dhiiggeeda la badbaadinayo, dhaawaceedana la dhayayo? Waxay yiraahdeen khawaarijtii haa oo waxaa fadli badan xukunka ummadda.

Arrinta kale ee la xiriirta inuu Cali la dagaalamay Mucaawiya iyo Caa’isha, laakiinse uusan addoonsan dumarkooda isla markaana qaniimaysan maalkooda. Cabdullaahi wuxuu weydiiyay su’aashan ah: " Ma waxaad banaysan lahaydeen hooyidiin Caa’isha iyo wixii aad dumarka kale ka banneysateen, haddaad tiraahdaan "haa" waad gaalowdeen, sidoo kalena haddaad tiraahdaan ma aha hooyadeen iyadana waad gaaloowdeen oo waxaad ku kufriseen aayadda uu Alle ku oronayo: "Nebiga ayaa uga roon (turid badan) Mu’miniinta naftooda, haweenkiisuna waa hooyooyinkoo".

Faa’iidadii iyo midhihii ka soo baxay kulankii Cabdullaahi Binu Cabbaas uu la yeeshay khawaarijta ayaa waxaa ka mid ahayd in tiro aad u badan oo ka mid ah khawaarijta ay ka soo laabteen khilaafkoodii iyo madax taagoodii ay ka madax taagayeen amarka Cali (rc), kuwaasoo tiradooda gaarayay ilaa labaatan kun (20.000) oo qof, halka kuwa kale ee ku adkeystay khilaafka Cali ay gaarayeen tiradooda 4 kun oo keliya. Cabdullaahi Binu Cabbaas wuxuu ahaa kii aad u qaddariya oo u weyneeya doonista barashada waddada cilmiga.

Intii uu Rasuulka (scw) ifka saarnaa wuxuu Cabdullaahi cilmiga ka biyo cabbi jiray Rasuulka (scw), hase ahaatee kolkii uu Rasuulka (scw) haleelay saaxiibkii sareeyay waa Alle’e wuxuu u jiheestay xagga saxaabada culumadeeda isagoo ka baranayay aqoonta iyo barashada diinta Islaamka. Cabdullaahi Binu Cabbaas isagoo ka hadlaya sidii uu u dalbi jiray waddada cilmiga wuxuu yiri: "haddii aan maqlo nin ka mid ah asxaabta Rasuulka (scw) waxaan aadi jiray iridka gurigiisa wakhtiyada duhurka kolkaasaan barkan jiray go’a aan wato, annigoo seexan jiray albaabka agtiisa, haddii aan doonana waxaan weydiisan jiray inaan u soo galo guriga oo markaa wuu ii fasixi jiray, wuxuu i weydiin jiray sababta aan ugu imid, markaasaan ku oran jiray inaan ka aqoon kororsado, waayo cilmigu waa loo tagaa ee isagu iskama yimaado, dabadeedna waxaan weydiin jiray xaddiiska aan doonayo inaan ogaado.. Sidaa ayuu uugu weynaa cilmiga Cabdullaahi Binu Cabbaas (rc) oo wuxuu u huri jiray helista barashada cilmiga.

Sida uu Cabdullaahi u qaddarin jiray barashada cilmiga ayaa misna u weynayn jiray culumada aqoonta u leh Islaamka. Matalan hal tusaale haddaan ka soo qaadano arrintaas, waxaa la ogsoon yahay in Zeyd Binu Thaabit uu ahaa qoraagii Waxyiga, dhinaca kale wuxuu ahaa kan ugu aqoonta badan magaalada Madiina marka laga hadlayo cilmiga garsoorka, fiq-higa, qiraa’ada (akhrinta toosan ee tajwiidka) iyo cilmiga dhaxalka. Haddaba, maalin maalmaha ka mid ah ayaa Saxaabiga la yiraahdo Zayd Binu Thaabit oo doonaya inuu fuulo ratigiisa ayaa waxaa is hor istaagay Cabdullaahi Binu Cabbaas oo doonaya markaas inuu hogaanka u qabto ratigii uu saarnaa. Markaa ayaa Zeyd ku yiri: "faraha isaga qaad kii ay Rasuulka (scw) ay ilmo adeerada ahaayeene". Cabdullaahi ayaa yiri: "Sidan oo kale ayaa nala faray inaan u wanaajino culumadeena". Zeyd ayaa isna yiri: "ii soo laac gacantaada". Cabdullaahi wuxuu u fidiyay gacantiisa, dabadeedna Zeyd ayaa dhunkaday gacantii Cabdullaahi isagoo leh: "sidatan ayaa nala faray inaan ula dhaqano Aalu-beytka Nebigeena (scw).

Cabdullaahi Binu Cabbaas wuxuu caado ka dhigan jiray doonista iyo dalabka cilmiga ilaa uu meel sare ka gaaray. Masruuq Binu Ajdac oo ka mid ah madaxda Taabiciyiinta (ardaydii saxaabada) ayaa mar uu ka faaloonayay Cabdullaahi Binu Cabbaas wuxuu yiri: " Haddaad aragto Cabdullaahi waxaad ogaanaysaa inuu yahay ninka ugu quruxda badan, hadduu dhawaaqaana waa ninka ugu fasaaxad badan xagga hadalka, marka uu sheekeenayana waxaad ogaanaysaa inuu yahay ninka ugu cilmi badan".

Cabdullaahi markii uu dhammeystirtay waxbarashdiisa diinta, ayaa waxa uu bilaabay inuu dadka baro diinta. Guriga Cabdullaahi wuxuu isu baddelay Jaamacad ay ka soo baxaan Muslimiinta. Haa, waa Jaamacad marka dhinac kasta laga eego. Waxaynu ognahay in jaamacadaha maanta ay dhigaan macalimiin fara badan oo kala duwan, kuwaasoo dhiga maadooyin kala duwan. Hase ahaatee Jaamacadda Cabdullaahi waxaa dhigayay Cabdullaahi oo keliya, iyadoo maadooyinka cilmiga ay kala duwanaayeen. Mid ka mid ah ardayda dhigtay jaamacaddaas ayaa yiri: " waxaan arkay fadhiga ama xalqada Cabdullaahi oo haddii aad Qureysh oo dhan ay ku faani lahayd ay u noqon lahayd faan, wuxuu yiri waxaan arkay dadkii oo buuxiyay gurigiisa ilaa ay meeshu ka ciriirsanto, waxaan u talaabay ilinka guriga Cabdullaahi, dabadeedna wuxuu igu yiri waxaad ii soo dhigtaa biyo aan ku weyso qaato, wuu weyso qaatay ka dibna wuxuu isu diyaariyay inuu ka jawaabo su’aalaha kala duwan ee ay dadka weydiinayeen.

Cabdullaahi Binu Cabbaas Allaha ka raalli noqdee wuxuu dunida kaga tagey cilmi, faham, dhowrsanaan iyo xikmad xeel dheer. Markii uu dhintay Cabdullaahi Binu Cabbaas da’diisu waxay ahayd 71 sanno. Waxaa janaasada Cabdullaahi ku tukaday Muxammed Binu Al-Xanafiya oo uu dhalay Cali Binu Dhaalib (rc), saxaabo iyo taabiciyiin fara badan. Illaah ha weyneeyo abaal marinta Cabdullaahi Binu Cabbaas aamiin

25/02/2019

SOOYAALKA KUFSI (2016 - 2019)
----------------------

Goldogob, Mudug, October 2016 gabar 14jir ah ayaa 5 nin kufsadeen muuqaalna ka duubay; cadeymo cadaalada la hor keeno uma baahneen ee dambiile yaasha in la daldalo si gabood falladaas iska soo daba laabtay loo ciribtiro ayay ahayd. Maalmo kooban ayaa arinta la wadwaday kadibna waa la hilmaamay dambiileyaashana qaarkoodna wadanka waa laga diray.

Burtinle, Mudug, January 2017, Macalin Dugsi Quraan ayaa gabar 8 jira in mudo ah kufsanayay marki ay xamili weyday oo xanuunka uu soo ritay ayuu lafaheeda isku jabiyay jawaanna ku riday. Arinta markay soo shaac baxday waxaa garta lagu gooyay in macalinka (dambiilaha) loo ceeb asturo oo fadliga Quraanka lagu cafiyo.

June, 2017, gabar 12 jir ah ayaa waxaa kufsaday adeerkeed Hooyadeed qabay dhaawacyo culus ayuu maskax & jismi u gaarsiiyay, xaalad degdeg ah ayaa loogu qaaday Cusbitaalka Hargeysa. Ugu dambeyn arinta waxaa lagu soo afmeeray ceebteenna aan qarsano. (Ma xasuusto goob cayiman se dhacdadaas waxay ka dhacday deegaannada Puntland).

Garowe, Nugaal, November 2017, markale macalin Dugsi ayaa ardayad 11 jir ah oo uu wax bari jiray kufsaday dhaawac xoog leh oo soo gaaray ayay ugu geeriyootay Cusbitaalka Guud ee Garowe, Maamulka & maxkamada marki ay arinta galeen waxaa garta lagu gooyay in arinka hoos loo xaliyo maadaama tol la yahay.

Boosaaso, Bari, April 2018 Askari ka tirsan Ciidamada Booliska ayaa kufsaday gabar lagu magacaabo Faaiso marki ay iska caabisayna Farjiga ayuu xabad uga dhuftay, xiisad Cirka isku shareertay ayaa ka dhalatay Faaisa waxaa usoo gurmaday dadyow Fara badan waxayna dhaqtar taakuleyn ah ka heshay Wadanka Turkey ga. Dembiilaha eheladiisa ayaa waxay u masaafuriyeen dalka Kenya hadda nolol tii h**e ka fiican ayuu ku naaloonayaa.

Boosaaso, Bari, August 2018, Askari ayaa saq dhexe u galay xaafadaha isku raranta ah ee ay degan yihiin barakacayaasha waxa uu rabiineeyay qoys waxa uuna kufsi wadareed u geystay Gabar 9 jir ah & Hooyadeed. Waxa uuna dhaawacay wiil yar oo ka damqaday waxa Hooyadiis & Walaashiis lagu sameynaayo. Laanta Afsoomaaliga VOA ayaa ka war heshay marki ay reerka damceen inay ka hadlaan waxaa lagu yiri "naftiina ha isu qoonsanina".

Garowe, Nugaal, November 2018, nin Dhalinyaro ah oo ka dhashay dadka tunka weyn ayaa meel u dhow suuqa Injida ku kufsaday islaan da'deeda lagu qiyaasay 70 jir Saldhiga Booliska markay u dacwootay waa lagu qoslay waxaana loogu jawaabay awalba islaan dahqdhaqatay ayaad ahayde Hal Milyan oo Sh. So. Inka Yar $50 qaado oo dadka magaca & maamuuska leh jaaifada ka dhaaf.

Gaalkacyo, Mudug, February 2019, Caaisha oo 12 jir ah ayaa 24 saac lala maqnaa, dhowr nin oo la garanwaa ah ay kufsadeen ilaa isku furanto kadibna nolosha ayay dhaafiyeen iyagoo si arxan darro ah u dilay kadibna meydkeeda jawaan kusoo riday.

F.G kufsiyada aan xusay waa kuwa soo shaac baxay oo kaliya waxaa se kumanyaal jeer ka badan kuwa aan la ogeyn. Sababaha ay isaga soo daba noqonayaanna waa xukun la'aan, hadii mid la xukumi lahaa kan kale waa ka digtoonaan lahaa.
Cadaaladu ma aha mid maalmo kooban dhigaalo facebook lagu qeexo cadaaladu waa geed harweyn oo ficil u baahan cidkasta oo ay seefta cadaalada qabato haduu yahay kan ku dhalay ama kula dhashay waa in aad cadaalada u hiilisaa iyadaad harsaneysaa bari marki laguu gefo!

Xigasho
Liban Abdi 👁️

ABDIRISAK ANSHAX 2019 BEST DAADIS SHAKAAL OFFICIAL VIDEO 4K 22/02/2019

Waxaan Sharaxaba Shil buu Galayee

https://www.youtube.com/watch?v=lawy4SMPFaE

ABDIRISAK ANSHAX 2019 BEST DAADIS SHAKAAL OFFICIAL VIDEO 4K Balanbaalis studio muqdisho somaliya

Want your organization to be the top-listed Government Service in Muqdisho?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Videos (show all)

Category

Telephone

Website

Address

Www. Facebook. Com/naanow
Muqdisho
252