Maamulka Degmada Marka

Maamulka Degmada Marka

Waa page-ka saxda ah ee ku hadla afka Maamulka Degmada Marka.

Photos from Maamulka Degmada Marka's post 21/12/2022

Gudomiyaha degmadda Marko ee xarunta gobolka Shabellaha Hoose Mudane Cusmaan Muuse Maxamed ayaa cawa howlo kormeer ah ku tagey degaanka Ceel jaalle.
Gudomiyaha ayaa kulan la qaatey bulshadda degaanka iyo Mamulka waxa,uuna warbixin ka dhageystey madaxda Mamulkaas.

Photos from Maamulka Degmada Marka's post 21/12/2022

Gudoomiyaha Maamulka Degmada Marka Ahna Duqa Degmada Osman Muse Mohamed oo dadaal ugu jira sidii wax loogu qaban lahaa baahiya Barkacayaasha, Ayaa Gudoomiyaha oo uu wehlinayay Gudoomiye ku xigeenka Samafalka Cali aadan Akalow ay maanta kormeer Waxaa ay ku tageen xarayaha Barakacaysha ee ku yaala duleedka Magaalada, halkaas oo Ay Soo Gaareeyn Qoysas hor leh oo ka soo barkecay Tuulooyinka Canbareey, Day-doog, Siinaay, Busleey Saleemaal, Iyo Tuulooyin kaloo dhowr ah oo hoos taga, Degmada Kurtunwaareey, Ee Gobalka Shabellaha Hoose.

Gudoomiyeha ayaa si gaar ah kaga dhageeystay baahiyaha jiraan Odyaasha iyo horjooyasha xirooyinka, waxaa uu balan qaaday in maamulka ka shaqeeyn doono wax ka qabshada inta karaan iyadoo ay socdaan dadaalo kala duwan oo Barakacayaasha gurmad loogu sameeynayo.

Ugu dambeyntii Duqa Magaalada Mudane Osman Muuse ayaa baaqa deg deg ah u direy hay'adaha ku howlgala Degmada Marka in ay usoo gurmadaan dadka barkacyaasha ah oo u baahan xaalada bani aadamnimo in lagu soo eego.

Photos from Maamulka Degmada Marka's post 20/12/2022

Munaasabad loogu Dabaal Degayey 4-Sano Guuradii kaso Wareegatay Markii Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen loo Doortay Hogaaminta Koonfur Galbeed ayaa lagu qabtay Xarunta Gobalka Shabellaha Hoose Ee Degmada Marka,
Waxaana ka Soo qeyb Galay Qeybaha kala Duwan Ee Bulshada Maamulka Magaalada oo Hormuud u ahaa Duqa Degmada Osman Muse Mohamed.

.

19/12/2022
19/12/2022

Magaalada Marka waa magaalo taariikh ah
Warbixintaan waxa diyaariyay Hassan Abdi Hassan

19/12/2022

Goor_dhow filo live-ka Xafladda Afar sano Guuradii Kasoo Wareegtey Doorashadii Madaxweyne Abdicasiis Laftagareen.

19/12/2022

Magaalada marka waa Goob taariikh ah

17/12/2022

Kulan ay isku yimaadeen qaar ka mid ah Dhalinyarada Waaxda Sheekh Xasan Yusuf Oo Hoggaan Cusub sameysteeen.

17/12/2022
16/12/2022

Gadoomiyaha waaxda Maana xaajow Maka Cumar Ayaa Olole nadaafad ka sameeysay Xaafada ay ka Kooban tahay waaxda.

Photos from Maamulka Degmada Marka's post 16/12/2022

Gudoomiyaha Degmada Marka ahna Duqa Magaalada Osman Muuse Mohamed ayaa maanta kormeer ku tagay Garoonka Kubadda Cagta ee Degmada Marka.

Kormeerka Gudoomiyaha ayaa ahaa mid uu ku dhiirgalinyay dhalinyarada kubada Cagta ee Degmada si loo xoojiyo isdhaxgalka iyo Ciyaaraha.

Gudoomiyaha ayaa bogaadiyay Xiriirka kubada cagta Degmada sida wanagsan oo ay u wadaan isku xirka kooxaha ka dhisan Degmada iyo Deegaanada waxaa uu kula dar daarmay in ay ka shaqeeyaan u cadaalad sameeynta Ciyaartooyada iyo soo saarida Ciyaarayahano leh khibarad sare leh si ay kaalin ugu qaataan tartamadda Ciyaaraha.

16/12/2022
15/12/2022
12/12/2022

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Dowladaha Hoose Iyo Dib-U-Heshiisiinta KGS ayaa Mudane Abdi Ahmed Yusuf u magacaabey Guddoomiye kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Degmada Marka ee Gobolka Shabeelaha hoose isagoona xilkii ka qaadey guddoomiye kuxigeenkii Maamulka iyo Maaliyadda Degmada Mudane Hassan Adan Mohamed Diiwan kadib soojeedin ka timid Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha hoose.

Gudoomiyaha Degmada Marka iyo masuuliyiinta Degmada ayaa mudane Abdi Ahmed Yusuf u rajeeyay inuu si hufan u guto shaqadiisa.

11/12/2022

Maamulka Degmada Marka Ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose Ayaa Goaansaday Iney helaan Waxbarsho Bilaashi inkabadan (9500) oo arday, Iyo Fulinta Dhismo, Iskuulo Gaaray 21 kuwaaso ku Yaala Degmada Iyo dhamaan Deegaanada.

11/12/2022

Maamulka Degmada Marka ayaa kormeeray goobaha danta guud ee magaalada.

Photos from Maamulka Degmada Marka's post 11/12/2022

Degmada Marka Ee Gobolka Shabeelada Hoose waxaa maanta kusoo dhamaaday tababar mudo sedex beri ah u socday Gudiyada Maamulka Biyaha oo ay wada bixinayeen Wasaarada iyo Hayaada Juba Foundation.

Isuduwaha Wasaarada Ee Gobolka Shabeelaha Hoose Mudane Xasan Macalin Abukar oo Kalmadii xiritaanka Tababarka qaatay ayaa kula dardaarmay xubnaha Gudiga inay casharadey Qaateen ku shaqeeyaan bulshadana ugu adeegaan si hufnaan iyo daacadnimo ku dheehan tahay.

Waxa Sido kale Goobjoog ahaa G.kuxigeenka Arimaha Bulshada iyo G.kuxigeenka Samafalka Degmada Marka.

Photos from Maamulka Degmada Marka's post 11/12/2022

كن عالما او متعلما ولا تكن ثالثا.

Hal_ku_dhigyada lagu xardhay Dugsiga laga hirgaliyay Deegaanka Jannaale Degmada Marka Ee Gobolka Shabeellaha Hoose .

Dugsiyada hala aado, carruurtana halagu dhiirogaliyo in ay waxbartaan.

Qofkasta oo deegaanka ku nool mas’uuliyad ayaa ka saaran in uu waxbarto ama ubbadkiisa wax baraan.

Noqo qof waxbarta ama wax la baro.

07/12/2022

Gudoomiyaha Degmada Marka Cusmaan Muuse oo soo afjaray Xiisadii ka taagneyd deegaanka Lambar-50.

01/12/2022

Gadoomiyaha waaxda Maana Xaajow Ayaa bilic soocelin ku sameeysay Wadooyinka waaxda,

Gadoomiyaha Waaxda Maana Xaajow Maka Cumar Ayaa Umahadcelisay Haweenka iyo Dhalinyarada sida ay mar Waliba Diyaar ugu yihiin in ay so Celiyaan Bilicda waaxda.

Ugu Dambeyn Gudoomiye Maka Cumar Ayaa ku Wargelisay Bulshadda ku dhaqan Waaxda In ay iska Jaraan Geedaha isla markaana leerar ku xeraan irida guryahooda.

Photos from Maamulka Degmada Marka's post 30/11/2022

Gudomiyaha degmada Marka ahna duqa magaalada Cusman muuse ayaa dhiira-gelin u sameyay qaar kamid ah saraakiisha iyo ciidamada deegaanka km50.

Gudomiyaha degmada marka oo ay dhinac socdeen gudomiyaha deegaanka km50 Maxamed Maxamuud iyo taliyaha ciidamada deegaanka Maadeey Cadoow, ayaa waxa ay dardaaran ujeediyeen ciidamada Amaanka oo har iyo habeen u taagan sugida amniga km50 iyagoo amaanay doorkii ay ka qaateen nabad ku soo dabaalida deegaanka.

Photos from Maamulka Degmada Marka's post 29/11/2022

Cusmaan Muuse oo ah gudoomiyaha Degmada Marka ahna duqa magaalada ayaa gaaray deegaanka km50 ee gobolka Sh.hoose,

Gudoomiyaha ayaa kulamo la yeeshay Maamulka deegaanka km50 oo ugu horeyo Gudomiyaha deegaankaas Maxamed Maxamuud, taliyaha Amniga deegaanka Maadey cadow iyo odayaasha dhaqanka.

Photos from Maamulka Degmada Marka's post 27/11/2022

Gudoomiyaha Maamulka Degmada Marka Ahna Duqa Magaalada Osman Muse Mohamed Ayaa maanta waxaa uu kormeer guud ku sameeyay Isbitaalka guud Ee Degmada.

Gudoomiye Cusmaan ayaa inta uu kormeerka ku jirey Ayaa Wax uu ka dhageystey xaalada Isbitaalka iyo baahida guud ee ka taagan Isbitaalka uu warbixino kaga dhageeystay Agaasimaha isbitaalka,iyo Agaasimaha Caafimaadka,

Ugu Danbeyn Gudoomiyaha ayaa kormeeray qeybaha guud ee isbitaalka waxaa uu balan qaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan in loo dar dar galin doono isbitaalka oo wajahaya Baahiyaha kala duwan asagoo la kaashanaayo Wasaaradaha caafimaadka iyo Hayada ka Howlgala Degmada.

27/11/2022

Maamulka Degmada Marka Ee Xarunta Gobalka Shabellaha Hoose oo Kaa shanaya Dowlada Koonfur galbeed iyo Bulshada Qeybahooda kala duwan Ayaa wada isxilqaan Garoonka Diyaaradaha Degmada Waafoow Airport,

Maamulka Waxaa ka Go"an hirgalinta Garoon Diyaarad Oo aad Baahi loo qabo.

27/11/2022

Dhamaan Maamulka Degmada Marka Waxaa uu Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan Gudoomisada ururka Haweenka Degmada Marwa nuurto xaaji suufi oo ay Hooyadeed marxumada xaliimo haaruun Xaley ku geeriyootey Degmada Marka Ee Xarunta Gobalka Shabellaha Hoose,

Marxuumada Qabrigeeda Alle ha waasiciyo.

Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun

25/11/2022

Ma ahan Page Saxda Ee Ku hadla Afka Maamulka

Photos from Maamulka Degmada Marka's post 25/11/2022

Waxa Wali Socda Tartan Olo Nadaafadeed Oo ka dhaxeeya Waaxooyinka Magaalada Marka,

Maka Cumar Waa Gadoomiyaha Waaxda Maana Xaajow Maka Cumar Ayaa Balanqaaday In Ay so celin doono Bilicda Waaxda,

Gadoomiyaha Waaxda Maana Xaajow ayaa U Mahad Celisay Habeenka iyo Dhalinyarada sida Ay u garab istaagsanyihiin Habeen Iyo maalin,

Photos from Maamulka Degmada Marka's post 25/11/2022

Maamulka Magaalada Marka Ayaa Maanta Soo Gabagabeeyay Tababar ku saabsan Sidii loo hormarin lahaa Wax barshada Degmada
,
Tawabarka oo socday Mudo shan Maalin Ayaa Waxaa loo qabtay
Gudiyada waalidiinta,culumaa,udiinka,iyo macalimiinta,

Munaasabad Xeritaanka Ayaa Waxaa Goob joog ka ahaa Gudoomiyaha Degmada Marka Osmaan Muuse Mohamed,

Gadoomiyaha Ayaa kula dar daarmay Dhamaan Dadka loo qabtay Tawabarka in ay ka faaideeystaan Sidoo kale ay Soo Saaran argtiyo Sare Loogu qaadi karo Waxbarashada Degmada.

Photos from Maamulka Degmada Marka's post 24/11/2022

bulshada waaxda ee degmada marka, ayaa maanta wadajir u bilaabay isxilqaan nadaafadeed oo lagu soo celinayo bilcada waaxda.

isxilqaankan ayaa waxaa hor kacayay, gudoomiyeha waaxda Abdirahman Abdulkadir yakub (Abdirahman black) waxaana ka qeyb qaatay haweenka, dhalinyarada, iyo qeybaha kale ee bulshada waaxdaas.

Waa tartan nadaafadeed uu maamulka sare ee degmada ku dhawaaqay iyadoo la gudoonsiin doono abaal-marin waaxdii la timaada bilc qurux badan.

22/11/2022

Maamulka Degmada Marka Waxa U mahadcelinayaa Xiriirka Kubadda Cagta Degmada Marka oo Habeen Iyo Maalin U Taagan Sidii Loo hormarin lahaa ciyaaraha degmada Marka iyo deegaanada hoos yimaada.

Photos from Maamulka Degmada Marka's post 22/11/2022

Waxa Maanta Degmada Marka lagu so gaba gabeeyay Koob Kaa soo Lagu Qabtay Garoonka Maana Xaajow Stadium,

Koobkan Ayaa Lagu Maamusayay Marxuum Abdulaahi Ali Ahmed Waafow.

Labada Koox ee ciyaarayay galabta ayaa soo badhigay ciyaar aad u qurux badan taasoo soo jiidatay dadweynaha daawanayay ciyaarta,

Kooxaha galabta ciyaarayay ee Horseed Iyo Alba waxa ay Guusha Raacday Alba oo shan gool la timid halka horseed ay wax gool ah dhalin.

Mamulka degmada marka Waxa U mahadcelinayaa Xiriirka Kubadda Cagta Degmada Marka oo Habeen Iyo Maalin U Taagan Sidii Loo hormarin lahaa ciyaaraha degmada Marka iyo deegaanada hoos yimaada.

21/11/2022

Gadoomiyaha Xiriirka Kubadda Càgta Degmada Marka Ibraahim Xasan Nuur Iyo Kuxigeenkiisa Xasan Abduqaadir Ayaa Maalinta Labaad Garoonka Maana Xaajow Stadium ka wadaan Koob lagu maamusaayo Marxuum Cabdulahi Ali Ahmed Waafow.

20/11/2022

Mamulka deegaanka Janaale oo Wacad ku maray in ay la dagaalami doonaan kooxaha burcada.

16/11/2022
Photos from Maamulka Degmada Marka's post 16/11/2022

Maamulka Degmada Marka Ugu Horeeyo Gadoomiyaha Degmada Osman Muuse Maxamed Ayaa Bacaad Celin Ku sameeyay Wadada U dhaxeysa Iskuulka 21 october iyo Isbitaalka Weyn Ee Degmada Marka ,

Wadada Ayaa Dhib Weyn Ku Qabeen Shacabka Mara Gawaarida ,Mootooyin ,Bajaajta, Iyo Iwm.

Gadoomiyaha Ayaa Sheegay In uu Wax badan ka Qaban Doono Wax Waliba Shacabka Dhibaato Ku Qabaan.

15/11/2022

Xiriirka kubada cagta oo gudoomay Agabka sports.

Photos from Maamulka Degmada Marka's post 15/11/2022

Maamulka degmada Marka oo agab sports ku wareejiyay Xiriirka kubada cagta ee degmada.

Gudoomiyaha degmada ahna duqa magaalada Cusmaan muuse maxamed ayaa shegay in qalabkan sports uu dhiire-gelinayo bahda ciyaaraha Ee magaalada.

14/11/2022

‎أنا لله وانا اليه راجعون

Dhamaan Masuuliyiinta Maamulka Degmada Marka uu ugu Horeeyo Gadoomiyaha Degmada Marka waxa ay tacsi u dirayaan ehelka iyo bulshadii uu ka baxay Gudoomiyihii Degmada Wanlaweyn oo muqdisho ku geeriyooday.

Janadul Fardows Allaha ka waraabiyo.

Videos (show all)

MARKO: 18-November-2020: Guddoomiyaha Degmada Marka ahna duqa magaalada mudane Cabdullahi Cali Axmed (Waafow) oo wareysi...
Kusimaha Gudoomiyaha Degmada Marka ahna Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Siyaasada Amiin Sheekh Maxamed Cabdiraxmaan oo u w...

Website