Waddani NAATO GUUL

Waddani NAATO GUUL

WADANI NATIONAL PARTY OF SOMALILAND wãdãñī guul

25/07/2022

"Khudbad Taariikhi ah"

13 November Muusow Kursigu wuu inoo Siman yahay ...
.....ma Taqaanid Beentee.....Runta Barashadeedaa.....Belo Kaa Hor Joogtaa

18/07/2022

Deg deg War kasoo baxay
Guddoomiyaha xisbiga wadani

Salaamu Calaykum.
Waxaa socday maalmahan wadahadal u dhexeeyay xisbiyada macaaradka ah iyo xukuumadda oo ay dhexdhexaad ka ahaayeen labada Guddoomiye ee golayaasha Guurtida iyo Wakiillada, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

Kulankii maanta waxaa baajiyay labada Oday, mana jiro kulan gaar ah oo Xisbiga Waddani ka dalbaday Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa, haba yaraatee. Waxa aannu gartayadii oo Af iyo qoraalba ah u dhiibnay Odayada dhexdhexaadka ah, iyaga ayaannuna ka war sugaynnaa berrito, insha allaah.

18/07/2022

Copy and share and like viva Waddani

18/07/2022

Madaxweynahii Dimuqraadiga Somaliland
Md Daahir rayaale Kaahin....

Cayayaanka Helay waanu ka Raali galin

Dhowaan waanu ka dul-qaadi doona dalka
Qabyaaliga qabsaday ee xattaa xabaalaha iyo dadka dhintay u kala qabyaaladeeyey

Admin

01/07/2022

"Doorasho diid waa nabad diid"

Mudaharaad Coming soon

01/07/2022

Habeen Taariikhda Galay.

25/06/2022

Hambalyo maalinta Xoriyada calanka JSL guul iyo gobonimo

Sanadka sanadkiisa insha allaah

31/05/2022

Bannaan-baxa iyo muujinta dareenka Shacbigu waa xaq Dastuuri ah, waana uu dhacayaa cid xaq u leh oo is-hortaagi kartaana ma jirto, qorshihii iyo diyaar-garawgii isu soo baxa nabadeedna sidiisii ayuu u socdaa. Hay’adaha amniga waxaa ku waajib ah ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta oo uu ka mid yahay xaqa cabbirka ra’yiga iyo bannaan baxuba.

Ciidamadda qalabka sida ee Qaranka JSL waxa aan uga digayaa in ay ku milmaan murranada siyaasadda ee Xukuumadda xilkeedu sii dhammaanayo ee ay dalka ka waddo. Ciddii gaysata gef iyo xad-gudub waxaa ka dhalan doona ciqaab iyo isla-xisaabtan, Shacabka & Sharciguba midna saamixi maayo.

Dhawaan waxaa dhalan doonna isbeddelka Shacbigu hoggaaminayo .

20/05/2022

"Aabbo Cirro 1k love and share ku dhacsii ......

20/05/2022

13 November diyaar garow wanaagsan taageerayaasha xisbiga wadani

Siidhigaa hala sugo ......

20/05/2022

Somaliland military army 🪖🪖🪖🪖

14/05/2022

Guddoomiyaha xisbiga Ucid

Eng Faysal Cali waraabe

Luuqadii Muuse Biixi fahmi jiray maanta lagula hadlay ..

"Anigoo wax dili kara Urur iga dhigimaysid"
"Ina Kaahin Hargeysa markaanu Muse isku qabsano Waad ka carari doontaa"
"Ina koore Hargeysa iyo deegaankayga doorashada ururada aad sheegtay ka dhicmayso"
"Ina Biixi xarshin baad tegi doontaa Hargeysa anaa leh"

13/05/2022
13/05/2022

“Doorashadii 2017 waxaan u tudhay Qaranka iyo mustaqbalkiina waxaanan ka hor imid dareenkiinii Maanta waxaan idinku hoggaaminayaa shucuurtiina waana marka aan siidhiga idiin Afuufo.. “ Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro

10/05/2022

somaliland has taken the path of dictatorship, and the consequences will be borne by Muse who is dreaming of an extension

10/05/2022

Somaliland waxa ay qaaddey jidkii kali-taliyaha, cawaaqib xumada ka dhalatana waxaa qaadi doona Muuse-ha ku riyoonaya Muddo-kordhinta.

10/05/2022

Muuse Biixi 13 November Haddii Doorashadu ku dhici weydo
Wixii kaa Raaca waa dhito aad h**e u dhigatay ... Ku biyo cab ....

Adaa Cirka Roob ku og...

Dhaxal kaaga Waad heli doontaa...

10/05/2022

Kaliya mudo dheer waxa afka cabdiraxmaan Cirro aanu ka doonaynay ( Taageerayaasha Xisbiga Waddani How Diyaar garoobaan talaabo kasta ) wuu nala hadley dhab ahaan oo ah waajib Xornimo doon ah

10/05/2022

“Siyaasaddu maha khiyaamo, siyaasaddu maaha been iyo dhagar la maleego, Siyaasaddu waa hoggaamin run ah oo lagu sugo nabad, xasillooni, nolol, horumar iyo midnimo qaran. Xisbiga WADDANI waxa uu u darbanyahay inuu xaqiijiyo hanka, himilada iyo higsiga shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland.” Murashax Madaxweyne Dr. Cabdiraxmaan Cirro.

03/05/2022

"Maanta Jamhuuriyadda Somaliland waxaa wax laga xumaado ah isla markaana ceeb iyo cambaareyn ku ah tacadiyadda joogtada ah ee loo geysanayo Suxufiyiinta & Hay’adaha Warbaahinta madaxa bannaan oo ay ugu dambeysay falkii foosha xumaa ee lagu xidhay in ku dhow labaatan suxufi, isla markaana ilaa hadda ay u xidhan yihiin saddexda Suxufi ee kala, Suxufi Maxamed Cabdi Sheekh, Suxufi Cabdijaaar Maxamed Xuseen iyo Suxufi Cabdiraxmaan Cali Khaliif.

Ugu dambeyn waxa aan Warbaahinta Madaxa bannaan ee Jamhuuriyadda Somaliland ugu baaqayaa in ay doorkooda shariifka ah ka qaataan midnimada iyo wadajirka umadda, wacyigelinta bulshada, gurmadka iyo istaakuleybya xilliyada mashaqooyinka, aafooyinka dabiiciga ah iyo kuwa bani-aadamku sababaan-ba ay dhacaan, isla markaana ay u dhabar adeygaan falalka sharci darrada iyo hagardaamooyinka ay Xukuumadda KULMIYE kula kacayso Suxufiyiinta madaxa bannaan iyo Hay'adaha Warbaahinta inta ay imaneyso Xukuumadda WADDANI ee ka dhalan doonta dareenka Shacabka iyo doonista Dadweynaha ee 13ka November 2022.”

Musharax Cabdiraxmaan Cirro.

03/05/2022

Ballan keenu waa 13 November diyaar garow wanaagsan

03/05/2022

Maanta, oo ku beegan 3da May, waa maalinka caalamiga ah ee xoriyadda Saxaafadda. Waxa maalinkan loo asteeyey in la muujiyo doorka saxaafadda, la garab istaago, isla marlaana la xusuusnaado xuquuqda saxaafadda iyo suxufiyiinta.

Haddii aynnu Somaliland nahay, dastuurka dalka ayaa dammaanad qaaday xorriyadda saxaafadda, hase yeeshee waxa nasiibdarro ah in maanta saxafiyiin tiro ah ay xidhan yihiin, xadhiggoodana aan sifo sharci ah loo marin, iyada oo dhawaan uun ay ahayd markii saxafiyiin 20 ku dhow muddo todobaad ah xabsiyada loo taxaabay oo weliba garaacidna loogu daray. Waa xadgudub lagula kacayo saxaafadda iyo xorriyadda hadalka, waana arrin dhan ka ah dimuqraadiyadda iyo shuruucda dalka.

Xisbi ahaan, waxa aannu xukuumadda ugu baaqaynnaa inay ka joogsato carqaladaynta saxaafadda, sharciga dalkana ay ilaaliso.

Ugu dambayn, suxufiyiinta weli xidhan ee kala ah: Maxamed Cabdi Sheekh Ilig, Cabdijibaar Maxamed Xuseen iyo Cabdiraxmaan Cali Khaliif waa in si degdeg ah xoriyaddooda ay xukuumaddu ugu celiso.
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali X Xasan

29/04/2022

U diyaar garow-ga 13/November 2022

Adaan Cimrigaa ka talin
Colaadd lagu kala dhintoo

Share 100 hala gaadhsiiyo reer wadani

24/04/2022

Mas’uulliyiin ka socda xisbiga Waddani ayaa maanta booqday saddexda Saxafi ee ku xidhan Xabsiga weyn ee Hargeysa.

Mohamed Ilig, Cabdijibaar Maxamed iyo Cabdiraxmaan Khaliif ayaa muddo 12 maalmood hadda xidhan .

24/04/2022

"Booliska Jamhuuriyadda barakaysan.....

"U diyaar garow-ga 18-may 2022 .....

24/04/2022

“ Aniga Madaxweyne Ahayn Ayaa La Ii caayey Cidna Umaan Jawaabin Qofna waligay Soo Xidha Maan Odhan Mararka Qaarkood Been La Iga Samaynaayey Sifooyinka Hogaamiyaha Wanaagsan Dulqaadka Ayaa Ka Mid Ah Inaad Dulqaadataa “. Cabdiraxmaan Cirro

Muuqaal H**e

23/04/2022

"Xildhibaanadii ba lahaa Nala Xurmayn waye "
"Kii Xasaanada lahaa sidan Hadii loo xag-xaganayo"
"Bal Miskiinka Xuurtada lagu hayona Dib uga Xaajooda"

Abwaan Geesiya Heelo

21/04/2022

Agaasimaha Xarunta Dhexe ee Xisbiga WADDANI Md Cabdiraxmaan Ibraahin Cartan ayaa kulan afur iyo casho ah u sameeyay madaxda Xisbiga ee gobolka Maroodijeex iyo masuuliyiinta xisbiga ee degmooyinka caasimadda Hargeysa.

Kulankan ayaa ujeedadiisu ahayd diyaargarowga iyo dardar gelinta hawlaha xisbiga ku soo fool leh. Waxa kale oo kulanka lagu falanqeeyay u tabaabushaysiga diwaangelinta codbixiyeyaasha oo dalka ka bilaamaysa horraanta bisha May taas oo ahmiyad weyn u leh doorashada Madaxtooyada ee 13 Nov 2022.

21/04/2022

"the political or cause of somaliland isn't like a shell or cover of the eggs 🥚"

" It's not good thing, if you make it a bad case something very simple"

with imprisoned press and citizens them innocent anything "

tell the Muse government to let the poor go"

🖊️ Siciid wadani

Siyaasadda iyo Qadiyada Somaliland maaha sida qolof iyo dabool beedka 🥚"

"Ma ahan wax wanaagsan, haddii aad ka dhigto kiis xun wax aad u fudud"

iyada oo saxaafadda la xidhay iyo muwaadiniinta iyaga oo aan waxba galabsan”

Xukuumadda Muuse u sheeg inay masaakiinta iska daayaan”

🖊️ Siciid wadani

07/04/2022

Murashax Dr Cirro & Hooyo kamid ah ganacsatadii Suuqa Waaheen.

07/04/2022

Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI Md Dr. Cabdiraxmaan Cirro iyo masuuliyiin wehelinaysa ayaa kormeeraya Meelaha ay ganacsiyada dib uga bilaabeen dadkii uu saameeyay dabkii Suuqa Waaheen

30/03/2022

WADANI NATIONAL PARTY OF SOMALILAND

30/03/2022

Balanteenu waa 13 November

25/03/2022

Hargeysa raggii lahaa baa hagaajiyey

waxan baraha bulshada ku arkayey dad sheeganaya reer Hargeysa oo wax qabadka maayar C/kariin Axmed Mooge ku noqday dhimbiil qalbigooda gubeysa,

hadaba waxan leeyahay dadkaa halkani waa Hargeysa oo ninkii lahaa baa hagaajisanayee idinka ajar iyo abaal midna idiin k**a baahna e sidii caadada idiin ahayd marka xilka laydiin dhiibo waxad urursan karaysaan ka urursada,

mar labaad waxan ku leeyahay halkani waa Hargeysa oo raggii shalay kacaanka ka xoraystaa maantana xardhaayee idinka idiin k**a baahna amaan e sidii caadada idiin ahayd orda dumarka lacaytama.

alfeef dhib iguma hayso inaan sharaxaad ka bixiyo wax qabadka maayar Mooge laakiin waxan ogahay inaanay qaadanayn oo ku qancayn ilma bahalkii.

Photos from Waddani NAATO GUUL's post 25/03/2022

Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI Md Khadar Xuseen Cabdi, Guddoomiyaha Garabka Haweenka Marwo Foosiya Kayse Faarax iyo Xoghayaha Dhallinyarada iyo ciyaaraha Yuusuf Nuux Yuusuf (Tadhase) ayaa xarunta Xisbiga kaga qayb galay munaasibad soo dhawayn ah dalladda dhallinyarada Xidigaha WADDANI.

Kulankan oo ujeedadiisu ahayd dhiirigelinta dhallinyaradan taageerta Xisbiga iyo dardar gelinta qaadashada kaadhka xubinimada Xisbiga waxay madaxda xisbigu si weyn ugu boorriyeen ururka Xidigaha WADDANI in ay sii laban laaban dadaalkooda una diyaar garoobaan doorashada madaxtooyada ee qorshaysan 13 November.

Photos from Waddani NAATO GUUL's post 25/03/2022

Xil. Barkhad Batuun oo xadhiga ka jaray Maktabada akhriska iyo qoraalka ee Daami.

"Waxa aan galabta xadhiga ka jarnay Maktabadda akhriska iyo qoraalka ee "Daami Public Library" Maktabaddan oo aragtideeda dhisme iyo dhaqaaleba uu si mutadawacnimo ah isugu xilqaamay Aqoonyaha Yasir Cali Faahiye ayaa waxa ay noqon doonta mid ay si wayn uga wada faa'ideystaan dhammaan dhallinyaradda waaxda Gacan libaax degan gaar ahaanna Ardeyda dhigata Jaamacaddaha iyo dugsiyadda sarre ee degan xaafadda Daami. Waxa aan u mahadcelinaya Shirkaddaha Sahanbooks, Somcable, iyo dhammaan cid kasta oo qeyb ka aheyd qurxinta xaruntan akhriska iyo qoraalka ee xaafadda daami oo baahi weyn loo qabay."

Xil. Barkhad Batuun.

25/03/2022

Sababay sababay mooge sababay
WADANI baa sababay

06/02/2022

Share garee Xirsi Cali x Xasan

12/01/2022

W/Q Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro

" Xukuummadda Madaxweynaha xilkiisu dhammaanayo ee Muuse Biixi, waxa ay caado & dhaqan ka dhigatay cabudhin, cago-juglayn iyo cadaadis joogta ah, oo ay u geysanayso dhammaan muwaadiniinta heer kasta oo ay yihiin. Abwaanno, jilayaal, qoraayo, weriyayaal, macalimiin, madax-dhaqameed, siyaasiyiin iyo haldoorka kale ba in la cabudhiyo, la xidho, la argagixiyo, xuquuqaadkooda lagu tunto; mushaaharaadkii ay xaqa u lahayeen laga goosto iyo in shaqooyinka laga caydhsho.

Soomaalidu waxa ay lee yihiin murti tidhaahda, "Islaantii indho-la'aan ma ku ogayd, dad cunnimana ku darsatay". Xukuummadda Muuse, waxa ay bilowday xaajo ugub ah, oo dimuuqraadiyadda iyo xorriyatul qawlkaba ku ah gef weyn; waa in Guddoomiye Xisbi Mucaarad looga yeedho Xarunta Dambi-baadhista(CID), iyada oo looga gol lee yahay in la is hortaago baraarugga bulshada iyo doonista shacabka, ee is beddelka, oo is gaadhay dhammaan Gobollada Dalka.

Isku daygaas Xukummadda Muuse ku beegsanayso Xisbiyada Mucaaraadka, waxa ugu dambeeyey isku daygii ka dhacay magaalada Burco, ee Xarunta Gobolka Togdheer. Isku day lagu doonayey in laga hor istaago Hoggaanka Xisbiga WADDANI iyo anniga oo ah Murashax Madaxweybe in ay la kulmaan bulshada magaalada Burco, ee is beddelka u oomman. Waa ayaan darro weyn in Muuse baabi'yey karaamadii iyo haybaddii hay'adaha Dowladnimada iyo laamihii ammaanka, oo uu ka dhigay kuwo lagu beegsado shacabka qeybihiisa kala duwan, Xildhibaannada, Siyaasiyiinta iyo Xisbiyada Mucaaraadka ah hoggaankooda.

Muuse waa uu ogyahay in uu ku ololeeyey sarreynta sharciga, waana og yahay in sharci darrada iyo ka tallaabista xayndaabka dawladnimada ay horseed u noqon karto fowdo iyo amni darro Somaliland aanay maanta u baahnayn, Muusow' Ciidamadu waa kuwa amnigeenna suga, waa kuwa cadowga innaga ilaaliya, ha siyaasadeyn Ciidanka.

Somaliland ha waarto. "

Photos from Waddani NAATO GUUL's post 11/01/2022

"WĀDĀÑĪ WADANKA U BAAHAN

Videos (show all)

"Booliska Jamhuuriyadda barakaysan....."U diyaar garow-ga 18-may 2022 .....
Madaxweynaha mustaqbalka Jamhuuriyada Somaliland 2022 Share Share ku boob
Gudoomiye CIRRO iyo maalintisa guulayso inbadan
Hala share gareeya dhiga wadani ...

Telephone