Mohamed Abdulle

Mohamed Abdulle

Safar dheer oo samir iyo Dulqaad lagu kabay

Photos from Mohamed Abdulle's post 31/12/2022

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SAXIIXAY SHARCIGA MIISAANIYADDA SANADKA 2023-KA

Muqdisho, Diseembar 31, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay Sharciga Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2023 oo Todobaadkii tagay ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha oo xusay kororka miisaaniyadda ayaa ku bogaadiyey Xukuumadda, gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda iyo khubarada dhaqaalaha Soomaaliyeed diyaarinta iyo jaangoynta miisaaniyad waafaqsan hiigsiga qaran ee horumarka, dib u dhiska ciidamada iyo xoreynta dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku boggaadiyey Mudaneyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida xilkasnimada leh ee ay u guteen waajibaadka dastuuriga ah ee kaga aaddanaa miisaaniyadda cusub ee dalka oo la kordhiyey.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Abdikadir Ali Dige,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: [email protected]
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Twitter:

31/12/2022

Guddoomiyaha Golaha shacabka ayaa ku baaqay in xiisadda magaalada Laascaanood lagu xaliyo wadahadal.

29/12/2022

𝗝𝗶𝗺𝗰𝗲 𝘄𝗮𝗻𝗮𝗮𝗴𝘀𝗮𝗻🙏

28/12/2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, Madaxweynaha dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta soo gaaray dalka.

27/12/2022

Qaar ka mid ah Bulshada Shabeellada dhexe iyo aragtidooda firxadka Horjoogayaasha Khawaarijta.

26/12/2022

Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay kulankii 4-aad ee Golaha Wada-tashiga Qaranka oo looga hadlayo xoreynta dalka, federaaleynta garsoorka iyo asteynta awoodaha heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed.

Shueib M. Ali

23/12/2022

Farkeeti" Gurigeega ayay weerar aan kala joogsi laheyn kusoo qaadeyn dowladana si aan sax aheyn ayay kaga hadashay.

23/12/2022

Bal arka calanka Khawaarijtu ku tilmaanta kan islaamka waxa ku qoran!

23/12/2022

Xubno ka tirsanaa Khawaarijta Al-shabaab ayaa isu soo dhiibay Ciidanka Dowladda ee ku sugan deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeellada dhexe.

22/12/2022

Khawaarij waa jabtay, ee soo dhawaada.

Photos from Mohamed Abdulle's post 21/12/2022

Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka Gobolka Banaadir ee Maamulka & Maaliyadda Mudane Ciise Maxamuud Guure ayaa xafiiskiisa kula kulmay guddiga qaban-qaabada banbaxa ay ku kulmi doonaan dhamaan Maamulka Gobolka Banaadir 27 - 29ka December 2022.

Guddoomiye Ciise Guure ayaa si kooban ugu qeexay guddigan ujeedada laga leeyahay banbaxan oo ah in laga abuuro Gobolka jawi ku haboon u adeegidda shacabka ku nool Magaalada Muqdisho oo ku saleysan sharciyad & aqoon xirfadeysan, islamarkaana ay tilmaaman yihiin xafiisyada fulinaya iyo waajibaakooda.

Guddoomiyaha waxa uu hoosta ka xariiqay in banbaxan laga filaayo in uu ka soo baxo document qeexayo istiraatiijiyada 5ta sanno ee socoto oo ay wehliso qorshe sannadeedka sannadka 2023.

21/12/2022

Madaxweynaha" Afar Milyan oo Caruur Soomaaliyeed oo gaartay xilligii waxbarashada ayaan haysan waxbarasho"

21/12/2022
19/12/2022

Culimada iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Maraykanka ayaa soo bandhigay taageeradooda ku aaddan dagaalka ka dhanka ah khawaarijta, iyagoo bogaadiyey geesinimada Ciidamada Qalabka Sida iyo bulshada deegaannada la xoreeyey.

19/12/2022

Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Jimcaale iyo Xog’hayaha guud ee Gobolka Feysal Carraale Afrax ayaa si wadajir ah ula dardaarmay bulshada Caasimadda.

18/12/2022

SOOMAALIYEEY TOOSA...🇸🇴🇸🇴🇸🇴🇸🇴 🙏

Photos from Mohamed Abdulle's post 18/12/2022

Wafdi uu hogaaminaayo Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed uu na qeyb ka yahay Agaasimaha Waaxda Xiriirka Arrimaha Dibadda iyo Hey’addaha Caalamiga Mudane Maxamed Xasan oo safar shaqo ku jooga Magaalada Konya ee dalka Turkia ayaa booqday Dugsiga ugu weyn ee Tababarka Farsamada Gacanta ee Magaalada Konya.

Maareeyaha Dugsiga ugu weyn ee Tababarka Farsamada Gacanta dalka Turkiga mudane Dormus, ayaa Wafdiga mid mid u dul istaajiyay dhammaan hawlaha tababarrada laga bixiyo Machadka iyadoona uu Maareeyaha ballan qaaday in Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar uu ka taageeri doonno qalabeynta iyo Naqshadeenta Dugsi tabar farsamada gacanta iyo diyaarinta "Curriculum" ka.

15/12/2022

Ra’iisul Wasaare Xamse “Dadka kunool Degmada Aadan Yabaal waxaan kula dardaarmayaa in ay hadaf kadhigtaan “Soomaali heshii ah”, Dowladduna waxay sida ugu dhaqsiyaha badan ka hirgalin doontaa mashaariic iyo adeegyo bulsho oo dadka waxtar u leh.”

13/12/2022

Gudoomiye Cali Jeyte "Xarfaaneey dagaalku waa Final ee aan iska xawilno nooh".

12/12/2022

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QEYB-GALAYA SHIRKA MAREYKANKA IYO MADAXDA AFRIKA

Washington DC, Diseembar 12, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Mareynkanka halkaas oo uu kaga qeyb geli doono shirka madaxda Afrika iyo Mareykanka oo ka dhacaya magaalada Washington.

Shirkan oo socon doona muddo saddex cisho ah ayaa looga hadli doonaa muhiimadda xiriirka Afrika iyo Mareykanka iyada oo la xoojinayo dhinacyada iskaashiga; dhaqaalaha, amniga, gargaarka, caafimaadka, dowlad wanaagga, xuquuqul insaanka iyo isbeddelka cimilada.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka mid ah madaxda Afrika ee shirkan lagu casuumay ayaa jeedin doona khudbad ku saabsan la dagaallanka argagixisada, guulaha dowladda Soomaaliya ay ka gaartay ciribtirka khawaarijta Al-shabaab, iyo dhinacyada kale ee dowladda Soomaaliya ay muhiimadda siineyso in ay iskaashi ka sameyso.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Abdikadir Ali Dige,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: [email protected]
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Twitter:

11/12/2022

Saaxiib hortaada Nadiifi , 🇸🇴

Wacyi galinta Nadaafada .

11/12/2022

Fadlan ka digtoonaada qatarta ka dhalan karta
baahinta Faaxishada, waxaa ka soo arooray Cadabka Alle oo ah mid xanuun badan.
قال تعالي: إن الذين يحبون أن تشيع الفاحشةفي الذين آمنوالهم عذاب اليم في الدنيا والأاخرة الخ.

Waaxa wax laga xumaada ah in qof dumara oo da'daan ah; inay codsato in laga duubo muuaal noocan ah iyo Shabeelle TV ay baahiso kana aqbasho oo kala shaqayso arintaan ka fog dhaqanka iyo diinteena suuban ee islaamka.

Saafi haday dacwad qabto oo ay taaanno cida ay wax ka tabanayso waa inay la xiriirtaa Hay'adaha Garsoorka si ay u hesho xaqeeda.

Magaranayo u jeedka ka dabeeya in si public ah loo horatgo social mediyaha iyo waxa laga damacsanyhay oo aan aheen suurad xumeen iyo ceebeen lala daacsanyahay dhaqanka bulshada soomaaliyeed.

Waxaan maqalnaa: waxaa jira Hay'ado faafiya Anshax Xumada oo booqada Barakacayaasha
oo ku dhiragaliya inay baahiyaan war beena oo ah in la anshax-xumeeyay, Hadana waxay joogtaa in la abuuro: maxaa hadda ka hor kugu dhacay adoo 60-sana jira in la baahiyo.

Wasaaradda Warfaafinta iyo mdid diintaba waa inay ka hortagaan baahinta arimahaanoo kale.

Fadlan ka digtoonada qatarta ka dhalan karta.

WQ Abdiwahab Sheikh Abukar

Photos from Mohamed Abdulle's post 11/12/2022

Guddoomiye Jeyte iyo Aadan Yabaal nin adag waaye walhi

Photos from Mohamed Abdulle's post 11/12/2022

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO KULAN LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA BOQORTOOYADA SUCUUDI CARABIYA
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudi Carabiya Amiir Maxamed Binu Salmaan Binu Cabdicasiis.

Amiir Maxamed Binu Salmaan ayaa soo dhaweeyay guulaha ay dowladda Soomaaliya ka gaartay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo naf-hurnimada ay muujiyeen ciidamada xoogga oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed si ay iskaga dulqaadaan dhibaatada kooxaha argagixisada. Waxa uuna muujiyey sida ay diyaar ugu yihiin taageero buuxda oo ay la garab istagaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Boqortooyada Sucuudiga, garab istaagga ay u muujiyeen Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isagoo sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad gaar ah siineyso xoojinta xiriirka kala dhaxeeya caalamka.

Sidoo kale, kulanka Labada Hoggaamiye ayaa lagu lafa guray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, xasilloonida gobolka iyo danaha wadajirka ah ee ay wadaagaan labada shacab ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Abdikadir Ali Dige,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: [email protected]
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Twitter:

10/12/2022

Yuusuf Dabageed oo ninkii Cali Guudlaawe ahaa ilaa shalay isbaaradii ka hadal ka daba leh!!!

10/12/2022

Farriinta Taliyaha ciidanka xoogga dalka ee dagaalka Khawaarijta

10/12/2022

Wasiir Jaamac"Qof walba oo Soomaali ah waa inuu door ku yeesho dagaalka Khawaarijta"

Photos from Mohamed Abdulle's post 10/12/2022

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya iyo Taliyaha xoogga dalka ayaa booqday degmada Aadan-yabaal oo ka mid ah degmooyinka ugu muhiimsan ee laga xoreeyay Khawaarijta Al-Shabaab.

Wasiirka iyo Taliyaha oo ay weheliyaan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa socod ku soo maray goobaha ay joogaan ciidamada qalabka sida iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka, isagoo uga mahadceliyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen dagaalka Khawaarijta.

Wasiirka ayaa sheegay inaan laga hari doonin firxadka kooxda arxanka daran ee Khawaarijta ah oo halkaan sanado badan ku dhibaateynayey shacabka deegaanka.

09/12/2022

Ali guudlaawe oo arinta Isbaarada iska boojeynaaya iyo ninkii Daba-geed ahaa oo Cub-ka ku dhajinaya!

Photos from Mohamed Abdulle's post 07/12/2022

Cali Fooldheere iyo Ciid Ciidka, oo ka tirsan Shabeellaha Dhexe, horayna Ciidanka NISA, Milatariga Soomaaliya iyo Saaxiibada Caalamiga ah howlgalo ay ka sameeyeen ay ku dileen Boqolaal AS, ayaa maanta waxaa tagay ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Ciidamada ayaa indhahooda ku soo arkay maydadka Boqolaal AS, oo markii ay kooxdu asturi waysay ay hal god ku wada riday, waxaana la arkayay Askarta ciidanka xoogga oo Urta Maydadka dartood Sanka u haysta.

Photos from Mohamed Abdulle's post 07/12/2022

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD IYO DHIGGIISA JABUUTI OO KA WADA HADLAY HORUMARINTA ISKAASHIGA LABA DAL.

Jabuuti, Diseembar 07, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar ku jooga dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa Qasriga Madaxtooyada dalkaasi kula kulmay dhiggiisa Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo la wadaagay dhiggiisa Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle guulaha ay ciidamada Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Al-shabaab, xasillinta dalka iyo adkeynta dowladnimada ayaa uga mahad celiyay nafhurnimada iyo garab istaagga walaalnimo ee ay dowladda Jabuuti, gaar ahaan ciidamada Hiil walaal u muujiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, xilliga adag ee uu socda howgalka dib u xoreynta dalka.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geello oo bogaadiyay natiijooyinka wanaagsan ee laga gaaray dagaalka Khawaarijta ayaa xusay in dowladda Jabuuti ay sii wadidoonto taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya si looga adkaato kooxaha argagixisada ah ee caqabada ku ah nabadda iyo horumarka gobolka.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Abdikadir Ali Dige,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: [email protected]
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Twitter:

06/12/2022

Guul Guul

06/12/2022

Khudbada Madaxweynaha JFS ee xaalada dalka iyo dagaalka Khawaarijta looga xoreynayo Soomaaliya.

06/12/2022

Madaxweynaha JFS ayaa ka hadli doona xaalada dalka iyo dagaalka Khawaarijta looga xoreynayo Soomaaliya.

04/12/2022

"Aniga waxaan ahay Macalinkii Tuulada, xagal kuma qarineyno Cadowga"

04/12/2022

Maama Nadar " Khawaarijeey Muqarabiin baa tihiin meelo kale ka yimid, mashaa'iiqdii baad disheen hooyadiin mehriyay "

Hiiraan Liberation Front(HLF)

Hiiraan Liberation Front Waxaa loo aas Asay Ilaalinta Iyo Sare Uqaadida Sharafka, Iyo Danaha Gobolka Hiiraan.

Videos (show all)

Xamaali daacada ayaad eheeyd balsa kuwii aad mataleeysay waxba uma qabanin, sax maaha in kursiga agoon cabdale lagu afla...
Arinta walaalaha jajeele iyo Makane waa daba dheeraatay, Xubnihii Dowlada dhexe ee gartooda ku jirana guul kama keenin, ...
Xaguu ka yimid magaca Gor Gor?Janaraal Abuukar Xaaji Warsame oo ah Qabiir Military ayaa Sharaxaya.
Janaraal Abuukar Xuud geesiga la Holi waayay oo hurdada u diiday nacabka💪Hadii aad maqasho Sunta Guudlaawe, iyo dabageed...

Telephone

Website