Abdikarim Mohamed Hussein

Abdikarim Mohamed Hussein

Proud Somali 🇸🇴, Nomad, Blogger, ICT Professional, Advocate 4 direct political rhetoric.

Working as a political risk analyst, you'll examine issues such as economic conditions, crime levels, threat of conflict, government stability and governance, trade and regulations, or humanitarian and human rights issues.

18/10/2023

Dowladda Soomaaliya waxay kaliya cambaareysay duqeyntii xalay ee ay gumeystaha Israa’iil ka geysteen Isbitaalka Al-Ahi iyadoo ay duqeymahaani socdeen muddo 11 maalmood ah laguna dilay in ka badan 2,000 falastiiniyiin ah; duqeyntaan xalay ayuu Gumeystaha iska bari yeelayaa laakiin caddeymaha dhan ayaa ku foogan. Haddaba, waa su’aale; maxaa isku soo aadiyey is-bariyeelidda Israa’iil ee ficilka xalay iyo cambaareynta dowladda Soomaaliya kaliya duqeyntii xalay. Maxaa dowladda u diiday inay cambaareyso dhammaan ficillada duqeymaha uu gumeystuhu u geystay shacabka falasteen. Maxaa qarsoon oo dowladda qarineysaa? Xiriir qarsoon miyaa ka dhaxeeya DFS iyo Israa’iil? Ma dowladda Mareykanka ayaa ku cadaadineysa DFS inay ka aamusto arrinkaan? 🫢

Photos from Abdikarim Mohamed Hussein's post 16/10/2023

Lets do this campaign to tell the truth.
Runta aan ka shaqeyno;

Google hala report gareeyo; Jerusalem (Alquds) waa caasimadda Palestine.

09/10/2023

Munaafaqnimada Warbaahinta reer Galbeedka waa xadkii ugu sareeyey; haddii aad fahansan tahay qoraalkaan ay soo dhigeen;
In ka badan 500 qof ayaa ku “DHINTAY” Gaza markii ay Israel sameysay falcelin duqeymo diyaaradeed; halka qeybta hoose ku sheegee;
In ka badan 700 oo qof ayaa lagu DILAY Israel illaa xilligii aya Xamaas qaaday duulaanka maalintii Sabtida.

Dhintay ama La dilay farqiga u dhaxeeya waad fahmeysaa….

08/10/2023

Sahra Maxamuud Buulle waxay heshay gurmad xooggan. Gurmadkaas waxay ka heshay Soomaali oo dhan. Waxaa xusid mudan in ka hor Baraha Bulshada loo bandhigay Sahra dhowr shaqsi iyo hay'ado kale si ay u caawiyaan laakiin lagama helin jawaabtii loo baahnaa.

Sahra waxay ka soo jeeddaa qoys sabool ah oo saboolnimadu u dheer tahay inay reer miyi yihiin. Intiinna aan la socon sheekada Sahra; Sahra waa gabar la xanuunsaneysa kansar, aysan u haysan awood dhaqaale oo ay isaga daweyso. Runtii rajo weyn ayaa gashay kaddib markii ay garabistaag buuxa ka heshay kummannaan qof oo Soomaaliyeed kuwaas oo lacago ku yaboohay kaddib markii ay la xanuunsadeen.

$23k ayey ka heshay walaalo Soomaaliyeed muddo saacado ah gudahood. Waa hiil walaalnimo oo qiime lagu qiyaaso aan la heli karin. Sahra hadda waxay ku jirtaa diyaargarow iyo safar caafimaad. Wali waxay u baahan tahay garabkiinna maaddaama ay dal kale caafimaad u aadeyso oo qarashku yaraan karo.
Salaam account: *799*37035209*lacagta #
EVC: *712*610716128*lacagta #

07/10/2023

Israa`iil ma boodeen
Bari dhexe intuu d**o
Birta kuma afaysteen
Waa boqol Yuhuuduye
Rag baa biirinaayoo
Baar ka u fidhaayee
Barqo laguma gaadheen
Badda kuma ciyaareen
Barbaartana ma laayeen
Haddaan muruqa buuxiyo
Isticmaar ku baal jirin
Baydda u garaacayn
Waa bahal gumaystuhu
Kala baahsanaantiyo
Baylahdaada jeceloo
Intuu baadka kula helo
Kaa bogo qaniinyoo
Uurka kuu dhexyaalloo
Bishimaha dushoodiyo
Been weeye nabadduye
Baaruudda qiiqdiyo
Bundukh weeye dunidu

Heestan oo lagu magacaabo ISRAA`IIL waxaa erayadeeda sameeyey Abwaan Cali Diiriye. Heestani waxay soo baxday sannadkii 1967-kii markii Yuhuuddu ay qabsatay magaalada Qudus. Maanta, walaalaheen Falastiin, waxaan u rajeynayaa guul iyo ka xuroobaan gumeystaha ku soo duulay.
Aan u duceyno Wallaalaheen Falastaan oo qalbiga aan kala jirno; waa inta ay tabarteenu tahay.

01/10/2023

Nin ayaa maalin dhahay, "Dumarka asturan waa hamiga nin walbo, kuwa qaawana waa sahaydii lagu sii sugi lahaa.
Abaayo ikhtiyaarka adigaa iska leh, " Nin hamigii inaad noqoto mise sahaydiisa?

is full of choices.

06/09/2023

Marka jeebkaagu maran yahay; qofna ku xurmeyn maayo 😂

05/09/2023

Naxariistii Janno Alle haka waraabiyo waxaa xalay ku geeriyooday Magaallada London hobolkii weynaa Al-ustaad Ahmed Naaji Sacad; Ahmed Naaji waxa uu ahaa mid ka mid ah tiirarkii uu kuu taagnaa Fanka Soomaaliyeed.

Alla ya raxma

31/08/2023

Wiilku wuxuu ku riyoodaa gabar dhameystiran; gabadhuna waxay ku riyootaa wiil dhameystiran; ma oga in Allah isugu talagalay inay is dhameystiraan.

Ma jiro qof dhaliil la’aan ah.

31/08/2023

Somaliland: Waa inoo Garowe iyo gowrac

SSC: Siraadey soo soco

27/08/2023

War la soo xaqiijiyey 😅✅

27/08/2023

27/08/2023

Haddii maanta ciyaaryahannada General Sheegow ay bannaan baxaan, waxaan u baqayaa askarta; sida alaabtaan oo kale.. 👇👇👇👇😅

27/08/2023

Orodyahan Khadar Bashiir ayaa maalinta bari ah u ordi doona wadanka Soomaaliya cayaaraha orodada Marathonka adduunka oo ka socda caasimada Hungary ee Budapest asagoo ordi doona orodka ugu dheer ee 42.5km .

Waxaan leenahay Orodyahan Khadar Guul baan kuu rajaynaynaa iyo inaad naga meeyrto Sumcad daradii Soomaaliya ka soo gaartay orodkii China ka dhacay.

Photos from Abdikarim Mohamed Hussein's post 19/08/2023

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa darajada Sareeye Guuto u dalaysiiyey General Sheegow bishii September, 2016-kii. ✅

19/08/2023

Zero discipline 🤮 👎

05/08/2023

Caalamka kale gabdhahooda waxay dhahayaan “ so cute”. Waa fariid cml 😂 war heedhe gabadhiina ku dhaha keep going 😅

02/08/2023

Saamiya Yusuf Cumar 🇸🇴 🏃‍♀️🏃‍♀️

Qisadeeda halkaan ka aqriso.

https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=822947819444343&id=100051873975621&mibextid=qC1gEa

01/08/2023

Hambalyo Puntland ❤️🇸🇱

23/07/2023

Heesta “Hooyo” ee uu curiyey Alle ha janneeyee abwaankii mar la aragga ahaa ee M.I.Warsame “Hadraawi, waa badweyn koobsatay shucuuro badan oo kala duwan. Haddaba waxa isna ereyada heesta sii bilaya sida uu Xasan Sabriye “Great” laxanka ugu sar jaray kolba ereyadu dareenka ay sidaan. Bal u fiirso laxanka lagu gunaanaday qaybta u dambaysa ee heesta. Maxaad ka fahantay?

Dhammaadka heestu waxay siddaa dareen ka qoto dheer kana xanuun badan heesta qaybteeda h**e.

“Hooyo dhimashadaaduna
Hooggayga weeyoo,
Weligay hoggaagaan
Ka dul heesayaayoo
Hiyigiyo laabtaan
Kugu haynayaayoo,
Hengel baan u xidhayaa
Inta haadda duushiyo
Giddi habar dugaagee,
Ifka hibo ku nooloow
Aakhirana halkii roon”

Ereyadu waxay xambaarsan yihiin dareenkaas dhiillada ah, ee muujinaya taag la’aanta aanad wedka kaga baajin karin ifka qofkii aad ugu jeclayd oo hooyadaa ah. Sirta laxanku waa is waafajiinta shucuurta ereyadu xambaarsan yihiin iyo codadka dhegta soo gaadhsiinaya.

Hadraawi, Tubeec iyo Jiim oo kabankan tumayaba Alle jannadiisii ha ku casuumo, Xasan Sabriye isagana Alle cissi ha ku nooleeyo.

15/06/2023

9 Maalmood Maxkamad la’aan in qof masuul ah la iska haysto, waa afduub qabiilaysan iyo fulin dano gaar ah oo la rabo in lagu fushado sumcad dilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya Mudane Abdullahi Sultan.

Waa Muwaadin la eedayn karo, hadduu dambi leeyahayna lagu qaadi karo sharcigu wuxuu ku xukumo, lkn inta la afduubto, 9 maalmood ka badanna maxkamad la’aan xabsi la isaga haysto waa mooryaanimo iyo dhaqan ka fog dawladnimada.

Musuq haddii lala dagaalamaayo waxa ka socda Airport ka iyo Dakadda Muqdisho, iyo ilaha kale ee dhaqaalaha dalka, iyo sidoo kale musuqmaasuqa kale aan lacagta ahayn ee ka dhex jira hay’adaha Dawladda maa wax laga qabto?

Waxaa igu maqaal ah in Cabdullahi waxa loo eryanayo ee loo xiray ay tahay Mashaariic laga rabo wasaaradda uu Agaasimaha guud ka yahay, oo la rabo in la musuaasuqo.

Cabdullahi waa Muwaadin xaq u leh in loo ilaaliyo xuquuqda dastuuriga ah ee Shareecada Islaamka iyo dastuurka dalka ay qeexayaan in loo ilaaliyo.

garee si walaalkeen uu cadaalad u helo, fariintanna u gaarto masuuliyiinta arrintan ay khusayso.

06/06/2023

𝟮-𝗮𝗮𝗻 𝗰𝗮𝗮𝗱𝗼 𝘄𝗮𝘅𝗮 𝗮𝘆 𝗱𝗶𝗹𝗮𝗮𝗻 𝗾𝗼𝗳𝗸𝗮 𝗦𝗵𝗮𝗿𝗮𝗳𝘁𝗶𝗶𝘀𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗦𝘂𝗺𝗰𝗮𝗱𝗱𝗶𝗶𝘀𝗮, 𝗱𝗮𝗱𝗸𝗮𝗻𝗮 𝘄𝗮𝗮 𝗮𝘆 𝗸𝘂 𝗻𝗮𝗰𝗮𝗮𝗻.

Qormadaan waxa aanu ku eegayaa hab-dhaqano dadka qaar ula muuqda inay fudud yihiin, oo la ogaaday inay khatar ku yihiin xaaladda nafsiga ah ee qofka, awooddiisa tamar ahaaneed iyo sumcaddiisa. Waxa aanu raacin doonaa tusaaleyaal ay Xeel-dheerayaasha u hayaan qofka doonaya inuu dabeecadahaas ka guuro.

𝐁𝐞𝐞𝐧𝐭𝐚

Is muujinta ama inuu qofka dadka kale wanaaggiisa tuso ayaa dadka qaar ku kalifa inay been sheegaan. Beenaha ay aadka ugu dheereeyaan waxaa ka mid ah inay buunbuuniyaan guulahooda ama horumarka ay gaareen ama soo kordhiyeen.
Xaqiiqada beenta goor ay gaartaba wey fashilantaa. Marka ay bulshadu ogaatana waxa ay abuurtaa inuu hoos u dhaco ixtiraamka iyo wanaagga qofka loo hayey, illaa ay gaarto in qofku uu waayo xiriir daacadnimo iyo soo dhaweyn uu bulshadu ka helo. 
Iska jir in aad been sheegto xitaa haddii ay yar tahay, ama aad aaminsantahay in ay tahay been aan dhayal lagu ogaan karayn.

𝐖𝐚𝐱 𝐤𝐚𝐬𝐭𝐚𝐚 𝐢𝐧𝐚𝐲 𝐜𝐞𝐞𝐛 𝐥𝐚’𝐚𝐚𝐝𝐚𝐚𝐧

In hawlkasta oo aad qabaneysaa ay noqoto mid ceeb la’aan ah oo dhameystirani waa arrin wanaagsan.
Waana waxa ugu fiican oo ay aadamaha oo dhami ay hiigsadaan, marka ay hawl u dhaqaaqayaan. Laakiin su’aasha muhiimka ahi waxa ay tahay, “Suurtogal ma tahay in wax kastaa ay ceeb la’aan ku dhameystirmaan”?!
Jawaabta su’aasha waa ’Maya’ oo dabeecadda adduunyada ayaa sidaas caddeyneysa. Haddii aad ceeb la’aan wax kasta u raadisana waxa ay khubarada caafimaadku kaaga digayaan in waxa kaliya ee aad ka faa’idi doontaa uu yahay khalkhal neerfeed iyo caafimaad darro.
Hawl kasta oo aad bilaabayso sida ugu quruxda badan u qorshee adiga oo aqoon iyo waaya-aragnimo u adeegsanaya, una talo badsanaya, laakiin ku sii talagal in shay kastaa uu fashilmi karo ama daldaloolo aan la marka h**e la sii filayn yeelan karo.

Qormadaan, waxaan u hibeeyey asxaab iyo shaqsiyaad ii dhaw oo leh dabeecadaha aan soo xusay, waxaana rajeynayaa inay ka guuri doonaan.

ℝ𝕦𝕟𝕥𝕒 𝕝𝕒 𝕤𝕒𝕒𝕩𝕚𝕓

30/04/2023

Shalay mar aan gurigiisa booqasho ugu tagayey wiil aan asxaab nahay ayaan kor tagay albaabka guriga iyadoo dhagaheyga ku soo dhaceen qeylo iyo aflagaado; markaa hadalka sii xaqiiqsaday waa codka xaaska uu qabo wiilka aan asxaabta nahay; ka dib waxaa albaabka iga furay wiilka aan asxaabta nahay, isla markaa gudaha usoo gudbay waxaan arkay iyadoo xaaskiisa qeylo kala dul dhaceysa hooyadii isagiina uu shib ka yahay; hooyaduna iska aamusan tahay. Wiilka ayaan ku dhahay; wallaalo maad arrintooda gashid oo hooyo iyo xaaska aad xasilid waxa ay kala tabanayaan; sidoo kale inay qalad tahay in marwada ay sidaa xun ula hadasho hooyo. Warka wuu ka gaabsaday wiilka, wuxuuna igu soo koobay, “saaxib waan ku rafaaday dhexdooda oo ma geli karo”. Xaqiiqdii, aad baan uga xumaaday, waxaa lama huraan ah in ninka ragga ah uu mas’uuliyadda gurigiisa dusha saarto; kalana saaro jaceylka waalidka iyo kan xaaska; sidoo kale kala saaro xuquuqda waalidku leeyihiin iyo xuquuqda marwadiisa leedahay. Sidoo kale, marnaba uusan ogolaan xadgudub labada dhibac ah, uuna wax kasta oo tabasho ah si mas’uuliyad iyo xurmad leh uu hooyadii ula wadaago; sidoo kale marwadiisa ku canaanto xadgudubyada ay hooyadii u geysaneyso.

Xaqa hooyada Alla ayaa sareysiiyey, wiil kasta oo baari ah jaceylkiisa 1-aad waa hooyadii; waana inay gabadhu garataa ayna u xurmeysaa hooyada wiilka si la mid hooyadeed; waxaa sidoo kale habboon in wiilku hooyadiisa ka illaaliyo haddii dhib iyo xadgudub kula dhaqneyso xaaskii.

Hala illaaliya hooyooyinka❤️❤️♥️

Xurmadaada Hooyooy
Dahabkiyo xariirtiyo
Xooluhu ma gooyaan
Xubigaaga hooyooy
Aadmigu xisaab iyo
Xaraf kuma dhamayn karo
Saddex jeer xadiiskii
I xujeeyey baad tahay
Jannadiyo xariirtii
Lay xaqiijiyey baad tahay

I love you mom ❤️

27/04/2023

Fariintaan waxaan dhinaca kale ku boorinayaa dhiiranaanta walaasheen Xanaan sida kartida iyo geesinimada leh ay dhibkeeda uga hadashay ”haddii ay run tahayna”, mudan in tallaabo laga qaado nin kasta oo sameeya ficilladaas guracan. Waxaan rajeynayaa in dumarkeena sharafta badan aysan qarsan dhibka ay u geystaan dugaagta leh weji bini’aadam.
Waxaan fariin u dirayaa waalid kasta inaysan carruurtooda ku qasbin nin aysan rabin ayna u fuliyaan rabitaanka carruurtooda sidoo kalena ka warqabaan xaaladda nololeed ee gabdhahooda.
Waxaa xaqiiqa ah in Soomaalidu aad u xurmeyso dhaqanka wallaalnimo ee wada noolaanshaha qabaa’ilada iyo isdhexgalkooda. Gaaljecel iyo beesha Xaaji Saleemaan; Habargidir waxaa ka dhaxeeya xiriir qota dheer oo ah mid xididnimo iyo xigaalanimo ah mana lagu ijaafeyn karo dhibaato yar oo dhex martay laba qof. Walaasheen, dhibkeeda Allah ugu bedelo sabar, caafimaad iyo farxad nololeed.

Wabillaahi towfiiq

26/04/2023

Inkastoo aan dhameystey qeybaha h**e ee wareysiga laga qaaday gabadhan Soomaaliyeed oo ay kusoo bandhigtay dhacdo xanuun badan oo h**ey ugu dhacday.

Waan ka xumahay hadii ay xaqiiq tahay, wax walba rabi ayaa noogu cilmi badan.

Balse waxaan is waydiiyey dhowr qodob oo hadalkeeda iiga baxay :

1. Ninka la igu daray anigu ma ogeen oo abaayo iga wayn oo meesha lagu qabo ayey xidid ahaayeen oo arinta guurka qaban qaabadeeda hooyadey qeyb ayey ka aheyd iyaga ayaa soo diyaariyey ayey hadalkeda ku bilaawday.

Gabar walaashaa ah koley waxa ay kula jeclaanee wiil ee u aragto inuu baari yahay.

Cida way wada xunyihiin ma dhihi karno sababtoo ah walaasheed kaweyn ayaa ucaruur dhashay oo la jeclaatay wiilkaan hooyada dhashayna way ku raacday soo jeedinta gabadheeda.

2. Lugta ayaa la iga xiray hadana daaqada ayaan gabar deriska ah kala sheekeysan jiray, qof xiran hadiiba daaqad ay usahlantahay miyeyna usahlaneyn iney ka qeyliso si ay dadkoo dhan ucaawiyaan.

3. Walaashey ayaa dad iigu dhaw h**ey ugumana sheegin dhibka igu dhacay, balse waxaan dhibkeyga usheegtay gabadha deriska aan daaqada kala hadli jiray waqti danbe.

4. Mar waxey leedahay walaashey ayaa iwaday, marna waxey leedahay anigaa baxsaday oo gawaari meel yaalaan ayaan utagay.

5. Qofka bini’aadamka ah maalmo xabsi wuu ku jiri karaa laakiin ilaa aan ka dhalo katiinad ayaan ku xirna.

6. Waxaan suuxsanaa 2 maalin, asigana war igama haaynin.

7. Inaan H/gidir ahay ayuu ii garaaci jiray oo marki aan hadlo waxaa la idhihi jiray h/gidir ayaa tahay, xitaa hadii qabiilkeyga ay qabiil kale ay dagaalaan dilka waa la ii badin jiray.

8. Cuntada asiga kaliya ayaa cuni jiray, aniga waxba ma cuni jirin, oo sidee ayey ku nooleed?

ileen hadii ay xirantahay cuntadiina asiga uu waxba ureebi jirin, qofku bukaan ayuuba noqonayaa.

* waxaan qormadeyda kusoo koobayaa:

Waxaa wanaagsan inaan lakala fogeynin qabaa’ilada soomaaliyeed oo aan cuqdad lakala dhax dhigin, shaqsi wuu xumaan karaa balse qabiil dhan ma xumaan karo.

W/Q: Xildhibaan h**e Naema Gacal

13/04/2023

Khamiis bacweyne ah😂

Astaqfurullah

21/03/2023

Allahu Akbar: Dowladda Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday in birri ay tahay Shacbaan, Khamiistana ay noqon doonto 1-da Ramadan, Insha Allah.

Allah nabad iyo caafimaad hanagu gaarsiiyo. 🤲

Photos from Abdikarim Mohamed Hussein's post 19/03/2023

Labadaan xayawaan mid waa dameer kan kalena waa Zebra oo Soomaalidu u taqaan “Dameer faroow”, haddii aad eegto quruxda iyo bilicda eegmada waxaa ku habboon Zebra-ha; haddana iyadoo taasi ay tahay, aadunuhu waxay guryahooda keesteen Dameerka caadiga ah; sababtoo ah waxay ku xusheen muhiimadda iyo waxtarka uu nolosha u leeyahay.
Haddaba, muhiimadda qoraalkeygu waa “Haku xulan qof kale muuqaalka kore ee xulashadaadu hala xiriirto waxtarka iyo muhiimadda qofkaas u leeyahay noloshaada.

Wabillaahi Towfiiq

19/03/2023

Dharbaaxo kululaa Abwaanka ✅😂

16/03/2023

وَجَزَاهُم بِمَا صَبَرُوا جَنَّةً وَحَرِيرًا
"Adkeysigoodii awgii ayaan ku abaalmariyey Janno iyo Xariir".

Salaadda subax way culus tahay, Xajku waa uu adag yahay, ereyga xaqa ahna waa halis. Shahwadu waa ku gubeysaa. Hantidu waa qaali. Dhawrsanaantu halgan bay u baahan tahay. Ammaanadu waa ay ka adag tahay khiyaamada, aragga oo xumaanta laga laabtaanna nafta waa ku dhib.

"Naftu way xumaan faris badan tahay, jidka Jannadu waa kadeed, kan jahannama waa fudayd".

Aan u shaqeyso aakhiro.

وما توفيقي الا بالله

05/03/2023

HADDII XASUUQ LAGA HADLAYO WAA MIDKAAN.

Viva REDS 🔴

Photos from Abdikarim Mohamed Hussein's post 04/03/2023

Kheyre: “Nagu dayo wallaal nagu dayo”.
Xamze: “Kugu dayanay wallaal kugu dayanay”.

04/03/2023

Maandhow saddex cisho iska soon hadduu xaalka jiq kugu noqdo. 😅

Fariinta iga gaarsiiya wiilkaas dhaarta ku fududaaday. 💬

Allah ka dhigo qoys qurux badan oo nolosha ku nagaada. 🤲

18/12/2022

Never give up - Life lesson

Bast comeback 🔥✅ Kylian Mpappe

10/12/2022

Filinka weerarka Afka ah ee Portugal iyo Morocco..

10/12/2022

Dabageed wuxuu illaa hadda Odayga ku hayaa ”Isbaarada ka hadal” dhagna jalaq looma siinin. Illeen Odayga isaga miyaa rabo in isha dhaqaalaha ee ilmaha caanahooda laga keeno iska xiro…

🫣🤐

10/12/2022

Ilmo duceysan oo waalidiintooda horay u soo watay yaa ka guuleysanaya…

Photos from Abdikarim Baari's post 10/12/2022

Ninkaan hadduu ku taageero wey kula degtay doonta…

10/12/2022

Morocco 🇲🇦 & Palestine 🇵🇸

10/12/2022

Hambalyo Morocco oo u gudubtay wareeg dhamaadka 4 reebka ee Semifinals.

Videos (show all)

✅
Haddii maanta ciyaaryahannada General Sheegow ay bannaan baxaan, waxaan u baqayaa askarta; sida alaabtaan oo kale.. 👇👇👇👇...
Zero discipline 🤮 👎
Caalamka kale gabdhahooda waxay dhahayaan “ so cute”. Waa fariid cml 😂 war heedhe gabadhiina ku dhaha keep going 😅
Heesta “Hooyo” ee uu curiyey Alle ha janneeyee abwaankii mar la aragga ahaa ee M.I.Warsame “Hadraawi, waa badweyn koobsa...
Heesta “Hooyo” ee uu curiyey Alle ha janneeyee abwaankii mar la aragga ahaa ee M.I.Warsame “Hadraawi, waa badweyn koobsa...
Xikmad ku dhiigle oo idiin leh subax wanaagsan iyo Xikmad jeexjeexan.
Waa Alla mahaddii in carruurta lasoo badbaadiyey Alla idinkii.  Alxamdullilah.Murugo iyo Uur ku taallo ka weyn ma jirto ...
Jaceyl Waalidnimo ❤️
Musharax Madaxweyne Xasan Cali Kheire
Ciid Mubarak dhammaan saaxibada aan halkaan ku midownay.كل عام وانتم بخير ، تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال.

Telephone