Dr.Abdiwali Mohamed Ahmed
Dr.Abdiwali Mohamed Ahmed,MD,PGD,MScPH
Director General (DG)),
Ministry of Health-Galmudug State So
Waxaa aan maanta magaalada Mogadishu uga qaybgaley shir heerkiisu sareeyo oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda UNICEF ay ka soo qaybgaleen Wasaaradaha Dowlad Goboleedyada ee Caafimaadka, Qorsheynta, Waxbarashada, Haweenka, Shaqada, Biyaha, iyo khubaro kala duwan oo ka socotay Hay’adda UNICEF.
Shirka ayaa looga dooday qorshahayaasha Horutabinta leh ee Mashaariicda UNICEF 2026-2030 waxaana doodo laga yeeshay sida loo xaqiijin lahaa qorsha yaasha cusub.
Waxaan ka midnahay ka qayb galayaasha Shirka Caalamiga ah ee 𝐁𝐞𝐢𝐣𝐢𝐧𝐠 𝐅𝐨𝐫𝐮𝐦 𝐟𝐨𝐫 𝐆𝐥𝐨𝐛𝐚𝐥 𝐇𝐞𝐚𝐥𝐭𝐡, oo ay kaqayb gelayaan 600 oo marti ka kala timid Dalalka aduunka oo Soomaaliya ka mid tahay
Waxaa lagu lafa guridoonaa arimo badan oo la xiriira Caafimaadka Aduunka,Waxaa jooga in ka badan 60 safaaradood Iyo 200 oo hay’ado Caalami ah
Waxaan maanta Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ku soo dhaweeynay wafdi Balaaran oo ka socday Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan Caafimaadka Aduunka WHO oo ay hugaamineyso Dr Renee Van de Weerdt
Wafdiga ayaan ka wada hadalnay in la kordhiyo tageerada WHO ee Galmudug iyo sidii loo dardar galin lahaa in Adeegyo Caafimaad ay helaan dadka ku nool deegaanada la xoreeyay iyadoo howshaas ay ka wada shaqaynayaan Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug iyo hay’ada WHO.
Waxaan maanta daahfurey Shirka Saddex Biloodlaha ah ee Guddiga Farsamada Nidaamka Maaraynta, Korjoogteynta & Qiimeynta Xogta Caafimaadka ee Galmudug
Shirkaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Agaasime waaxeedyada, madax Qeybeedyada, Howlwadeenada xogta cafimaadka Heer gobol iyo heer Degmo iyo Hay’daha ka shaqeeya maareynta xogta Cafimaadka.
Ujeeda shirkan ayaa ah kor u qaadista iyo ka wada shaqeynta arimaha la xariira xogta caafimaadka ee Dowladda Galmudug.
Waxaan maanta xarig jarnay dhismo iyo dayactir lagu sameeyey Darbiga Isbitaalka Weyn ee Gobolka Galgaduud
Dhisidda iyo dayactirkaan waxaa iska kaashaday Wasaarada Caafimaadka Galmudug iyo qurba joog reer galmudug ah.
Waxaan Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb shir muhiim ah kula yeelanay Wafdi sare oo ka socday Hay’adda UN-OCHA Soomaaliya
Kulantan ayaan kaga wada hadalnay arrimo ay ka mid yihiin Gargaarka, Xasilinta, Waxbarashada,Caafimaadka iyo Xoojinta xiriirka wadashaqayn ee Wasaaradaha Galmudug
Waxaa Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb nooga furmay Shirka Dib u-eegista iyo Qorshaynta Mashariicda Caafimadka Galmudug
Shirka oo socon doona mudo 2 maalmood ah ayaa waxaa diirada lagu saaridonaa horumarada laga gaaray adeeg bixinta Caafimaadka lixdii bilood lasoo dhaafay Caqabadaha jira iyo sidii loo buuxin lahaa baahiyaha caafimaad ee ka jira dhamaan degmooyinka iyo deegaanada kala duwan ee Galmudug.
Calankeena sharafta leh habeenkaan qotominee Aan guusha qaadnay baa yimid (1July)
Waxaa maanta Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug nooga qabsoomay kulan lagu dar-dar galinaayey howlaha shaqada Wasaaradda Caafimaadka Galmudug
Agaasime waaxeedyada iyo shaqaalaha wasaarada ayaa soo bandhigay warbixino la xiriira shaqada iyo si guud habsami u socodka adeegyada caafimaadka Galmudug.
Waxaan isla qaadanay inay lagama maarmaan tahay dardar galinta howlaha Wasaaradda si loo helo bulsha caafimaad qabta wacyigeeda caafimaadkuna sareeyo
Waaxa aan kulan mira dhal ah laqaatay Wafdi ka socday Hay’adda UNICEF oo booqasho ku yimid Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug.
Wafdigaan ayaa u jeedka safarkiisu ahaa qiimeynta iyo dib u eegista mashaariicda ay ha,adda UNICEF ka taageerto Wasaaradda Caafimaadka Galmudug.
Waxaan isla meel dhignay sidii loo hormarin lahaa loona xoojin lahaa wada shaqaynta ay Wasaarada Caafimaadka Galmudug la leedahay Hay’ada UNICEF.
Hambalyo Ciid Wanaagsan Dhamaan Muslimiinta Gaar ahaan Umadda Soomaaliyeed waxaan idinkugu hambalyeynayaa mubaasabadda Ciidul Adxaa
Waxaan Ka daahfuray Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb Tababar ku saabsan la socodka, qiimaynta, la xisaabtanka iyo waxka barashada adeeg bixinta (MEAL).
Tababarkaan ayaa ahaa mid lagu xoojinaayo xirfadda Shaqaalaha Wasaaradda sidii ay u qimeyn lahaayen tayada bixinta adeegyada caafimaadka ee xarumaha heer bulsho iyo sida loo aruuriyo loona taxliiliyo xogaha caafimaadka si go’aan loogu gaaro.
Waxaan Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ku soo dhaweeyey Xubno ka socday Xafiiska Hantidhowrka Qaranka, oo u yimid Dowladda Galmudug Dabagalka Mashaariicda kala duwan ee uu taageero Bankiga adduunka (World bank).
Waxaa Maanta Xafiiskeyga Xarunta dhexe ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug shir muhiim ah kula yeeshay wafdi ka socday Hay’adda PAH
Shirkaan ayaan kaga wada hadalnay arrimo ay ka mid yihiin Xoojinta xiriirka wadashaqayn ee Wasaarada Caafimaadka Galmudug, Hay’adda PAH.
Sidoo kale waxaan isla xusnay sida ay muhiim u tahay in kor looqaado xoojinta xiriirka wada shaqeyn Hay’adda PAH, WASH Cluster ka iyo Wasaaradda Caafimaadka Galmudug.
Dhammaan bulshaweynta Soomaaliyeed iyo Umadda Islaamka ah waxaan idin kugu hambalyeynayaa Munaasabadda Ciidul-Fidriga Waxaana Allah subxaanahu watacaalaa ka baryayaa in uu naga aqbalo acmaashii suubaneed ee Bishii barakeysneed ee Ramadaan
Farxad Ku Ciida
Waxaan Xarunta Dhexe Ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug uga qeyb galay Afur Sanadeedka Shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug
Waxaan shaqaalaha ka wada sheekeysaney howlaha hortabinta leh ee horyaala Wasaaradda iyo dedaalada socda ee lagu horumarinayo Caafimaadka dalka.
Waxaa maanta noo qabsoomay kulankeenii Asbuuclaha ahaa ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada