Guure Media inc
Guure Media Inc
Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa cadeeyey inay siyaasada ku kalatageen Madaxweynihii h**e Maxamed Cabdilaahi Farmaajo
Xildhibaannada Beelaha Hawiye ee ku matala Baarlamaanka labada Aqal oo maanta shir ku yeeshay Guriga Madaxweynihii H**e Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed ayaa looga hadlay xaalada dalka iyo dhibaatada heysata Shacabka iyo Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Caasimadda Muqdisho.
Ilo wareedyo ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya in Xildhibaannada ay si weyn uga hadleen culeyska ay wajahayaan ganacsatada, gaar ahaan dhinaca dowladda iyo sidoo kale kuwa uga imaanaya dhanka Argagixisada AS oo bilaabay burburin iyo hanjabaad ay ku hayaan ganacsigooda.
Falanqeyn dheer kaddib Xildhibaannada ayaa isku raacay in la dhageysto cabashooyinka ka imaanaya qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Ganacsatada, loona istaago sidii wax looga qaban lahaa culeysyada jira.
Taliyaha NISA C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa goordhow gaaray Xaafada Arbacow ee deegaanka Ceelasha Biyaha, kaddib markii halkaas ciidanka Nabadsugida ku fashiliyeen labo gaari oo qaraxyo laga soo buuxiyay oo la doonayay in la soo geliyo Muqdisho.
Ciidanka Amniga oo ka war helay baabuurtaas ayaa ku guuleystay in mid ka mid ah la qarxiyo, halka mid kale oo qof naftii halige ah uu waday ayaa askari ka tirsan Ciidanka oo gaari cabdibile ah kala-hortagay ka hor inta aanu soo gaarin barta koontarool ee ciidanka ku sugan yihiin.
Ciidamada Amniga ayaa adkeeyay amniga duleedyada Muqdisho oo ay argagixisada doonayaan in gawaari qaraxyo ay ku soo rareen soo geliyaan gudaha Muqdisho.
Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa warqad ay u qoreen Guddoomiyaha Golaha Shacabka kaga codsaday in ajendaha kulanka soo socda ee baarlamaanka lagu daro dood ku saabsan cabashada sii kordheysa iyo mudaaharaadyada ka dhashay cashuuraha cusub ee ay soo rogtay Wasaaradda Maaliyadda. Xildhibaannada ayaa waxay muujinayaan baahida loo qabo in wax laga qabto cabashooyinka ka imaanaya ganacsatada kala duwan, oo ay ku jiraan Bajaajleyda iyo ganacsatada Dekadda Muqdisho wax kala soo dega.
Xildhibaanada ayaa sidoo kale walaac gaar ah ka muujiyey saameynta ay ku yeelan karto xasilloonida dalka cashuuraha akoonnada tooska looga jarayo, oo ay Wasaaradda Maaliyaddu qorsheysay in fulinteedu hirgasho maalinta berri ah oo ku bregan 18-ka Agoosto.
Ugaas Maxamuud Cali Ugaas ayaa ka horyimid xeerka doorashada ee ay meel mariyeen Golaha Wasiirada, gaar ahaan qodobada asteynaya hannaanka matalaad ee loo marayo Caasimadda Muqdisho.
Nuqul ka mid ah sharciga doorashooyinka ee asteyneysa Hannaanka loo marayo Golayaasha deegaanka heer degmo iyo kan Caasimadda oo ah mid kala duwan.
1- Magaala madaxda dalka ee Muqdisho ayaa yeelaneysa Gole ka kooban 49 xubnood iyo Duqa Caasimadda iyo Kuxigeenkiisa oo si toos ah oo qarsoodi ah ay u soo dooranayaan cod bixiyeyaasha diiwaan gishan (Vote Registration)
2- Degmo kasta oo magaalo madaxda dalka ah waxay yeelaneysaa Gole deegaan iyo duqa degmada oo la soo dooranayo.
3- Degmooyinka Caasimadda Muqdisho ayaa yeelanaya labo darajo oo Gole deegaan ah (A) oo noqonaya 15 xubnood, halka darajada (B) ay noqoneyso 11 xubnood gole deegaan ah, taasoo macnaheeda tahay sida ay u kala helayaan darajooyinkaas ay tahay sida ay degmooyinka u kala weyn yihiin.
Golaha Wasiirada ayaa goordhow ansixiyay Sharciga Doorashooyinka iyo Sharciga Xisbiyadda, kaasoo billow u ah mashruuca Madaxweyne Xasan Sheekh ee doorashada Qof iyo Cod.
Sharciyaddan ayaa la fillayaa in la horgeeyo Golaha Shacabka, si looga doodo, waxaana calaamad su’aal saaran tahay hannaanka loo ansixin doono, maadaama Mucaaradka ay si weyn u diidan yihiin qorshaha doorashada ee Madaxtooyada.
Masar ayaa ciidamo u soo diraysa Soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan hawlgalka cusub ee Midowga Afrika, kaas oo beddelaya hawlgalkii ATMIS ee Somalia, sidaas waxaa shaaciyay Midowga Afrika.
War-murtiyeed ka soo baxay Midowga Afrika ayaa loogu mahadnaqay Masar iyo Jabuuti oo noqday labada dal ee illaa iyo hadda caddeeyay in ay qeyb ka noqonayaan hawlgalkan. Waxaana dalalka kale ee Qaaradda loogu baaqay in ay iyaguna ku soo biiraan.
Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta oo magaciisa loo soo gaabiyo (AUSSM) ayaa ku yimid codsi ay Soomaaliya gudbisay, kaas oo ujeedkiisu ahaa in ka dib bixitaanka ATMIS la helo taageero muddo kooban ah oo ciidamada Soomaaliyeed laga siinayo xasilinta iyo xoojinta nabadgeliyada dalka.
Midowga Afrika ayaa bogaadiyay dadaalka iyo ka-go'naanta dawladda Soomaaliya ee adkeynta amniga, dib-u-dhiska, tababbarista iyo kobcinta karaanka ciidamada xoogga. Si hawlahaas loo sii dardargeliyana, waxay Afrika ugu baaqday beesha calaamka in kor loo qaado taageeridda dawladda.
Magacyada 12 Safiir iyo 2 Qunsul Guud ee ay caawa ansixiyeen Golaha Wasiirada
1. C/qaadir C/llaahi Xaashi
2. Hodan Cismaan Cabdi
3. Feysal Axmed Salaad
4. Maxamed Abuukar Zubeyr
5. Abiib Muuse Faarax
6. Jaamac Xasan Khaliif
7. Fardowsa Maxamed Qanyare
8. Ibraahim Cumar Sheegow
9. Sheekhnuur Maxamed Xasan
10. Ilyaas Xasan Cali
11. Sakhaawadiin Mustaf Maxamed
12. Cabdinuur Daahir Fiidow
Labada Qunsulada guud
1. C/kariin Xirsi Cabdille (Indhaguran)
2. C/kariin Axmed Maxamed
Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa maalinta berri booqasho ku tagaya dalka Itoobiya, isagoo la kulmi doona Wasiirka Arrimaha Dibadda Taye Atkse Selassie iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed.
Turkiga ayaa dhex dhexaadinaya Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo bisha soo socoto ee September loo balansan yahay wajiga labaad ee wada hadalada labada dhinac.
Wasiirka Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka XFS Bashiir Maxamed Jaamac, Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Cumar Cali Cabdi iyo Wasiir Kuxigeenka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Maxamuud C/qaadir Jeego ayaa maanta lagu dhaariyay fadhigii Golaha Shacabka.
Allah ha u naxaristee waxa dalka Canada ku geeriyooday Kabtan Axmed Xaaji Cilmi (Guure) oo ahaa asaasihii Shabakadda Warbaahineed ee Hiiraan Online oo ka mida Warbaahinta Soomaalida ee ugu faca weyn dhanka baahinta Online ka.
Marxuumka ayaa ah Duuliye, Saxafi iyo shakhsi u dhaqdhaqa arrimaha Bini Aadantinnamada.
Gen.Bashiir Maxamed Jaamac ayaa loo doortay Kursiga 18 oo ka mid ahaa kuraasta ka banaanaa golaha shacabka kaasi oo doorashadiisu ka dhacday magaalada Dhuusamarreeb.
Xildhibaano iyo Wasiiro ka soo jeeda Beelaha D&M oo shir ku yeeshay Xarunra Villa Hargeysa ayaa waxay isla garteen tallaabada ay qaadayaan haddii muddo 24 saac gudahood lagu magacaabi waayo xilka Ra’iisul Wasaare kuxigeenka labaad oo matala Beesha Raxanweyn.
Xubnahan ayaa sheegay inay yihiin canshuur bixiyayaal, qeybta ugu weyn ay ka yihiin la dagaalanka argagixisada iyo dhismaha ciidanka qalabka.
Beesha Raxanweyn ayaa xilligii dowladdii KMG waxay laheyd xilka Ra’iisul Wasaare Kuxigeen lagu dheeli tiri jiray awood qeybsiga, maadaama dalka uu xilligaas uu lahaa saddex Ra’iisul Wasaare kuxigeen, balse muddo xileedkii h**e ee Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la baabi’iyay dhowrka Ra’iisul Wasaare Kuxigeen.
Xildhibaannadii Beesha Direed ee muddada hakadka geliyay Shirkii Golaha Wasiirada ayaa goordhow isaga tagay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waxaana ay aadeen dhanka Madaxweynaha, kaddib markii ay la kulmeen Ra’iisul Wasaare Xamse.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa u sheegay Xildhibaannadan in warka sheegaya in la sameynayo Ra’iisul Wasaare Kuxigeen labaad uu yahay war aan sal iyo raad laheyn “dad isku duuban tihiin, warkaan aad wadataan Xafiiskeyga ma yaallo.
Illaa 50 Xildhibaan oo ay wehliyaan Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka XFS, Guddoomiye Kuxigeenka labaad Golaha Shacabka, Wasiiro ayaa goordhow shir ugu soo gabagaboobay Hotel Gobsoor.
Kulankan ayaa looga hadlayay aragtida Beesha Direed ee dheeliga awood qeybsiga dalka iyo tuhunno la xiriira in kuraasta qaar ka mid ah beelaha Direed la siiyo reero kale.
Mas’uuliyiintan ayaa si weyn cabasho uga muujiyay tuhunno soo xoogeysanaya oo sheegaya in la sameyn doono Ra’iisul Wasaare kuxigeen labaad oo ka soo jeeda Beelaha D&M.
Golaha Amniga Qaranka oo Soo Saaray Awaamir Cusub oo ku Saabsan Xakamaynta Hubka
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir guddoomiyay kulan aan caadi ahayn oo Golaha Amniga Qaranka yeeshay 18-ka Luulyo 2024. Kulankan ayaa looga hadlay hub sharci darro ah oo laga soo geliyay Galmudug.
Go'aannada laga soo saaray kulanka waxaa ka mid ah:
- Adkeynta kormeerka hubka iyo rasaasta.
- Mamnuucidda iibinta iyo ka ganacsiga hubka.
- Soo gudbinta warbixin faahfaahsan oo ku saabsan hubka sharci darrada ah.
- In si degdeg ah maxkamad loo soo taago dadka ku lugta leh hawshan sharci darrada ah.
Madaxweynaha ayaa adkeeyay muhiimada hirgelinta shuruucda xakameynta hubka iyo rasaasta. Kulanka waxaa ka soo qeybgalay mas'uuliyiin sare oo dowladda ka tirsan.
Is rasaaseyn ayaa saaka ka dhacday gudaha Xabsiga Dhexe ee Muqdisho, is rasaaseynta ayaa timid kaddib markii Maxaabiis ka mid ah kuwa ku jira Xabsiga ay heleen hub iyo bambooyin si qarsoodi ah loogu geeyay, waxaana ay la dagaalameen ilaalada xabsiga.
Wararka ayaa sheegaya in dhimasho iyo dhaawac ka dhalatay shaqaaqada ka dhacday gudaha xabsiga dhexe, waxaana la soo warrinayaa in xaaladda ay hadda tahay mid degan.
Waa markii labaad oo xabsiga dhexe iska hor imaad uu ka dhaco, sanadkii 2020 ayay aheyd markii sidan oo kale maxaabiis ku jiray Xabsiga oo hub loogu qariyay raashin ay ka dhex dagaalameen xabsiga gudihiisa.
Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka Masar Badr Abdelatty iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa maanta safar ku yimid Muqdisho, isaga oo la socday duulimaadkii u horreeyay ee diyaaradda Egypt Air.
Munaasabadda xarigga looga jarayay duulimaadkii u horreeyay ee diyaaradda Egypr Air oo ka mid noqon doonta duulimaadyada caalamiga ah ee yimaada garoonka Caalamiga ah ee diyaaraddaha Aden Adde oo ka dhacday garoonka ayay si wadajir ah xarigga uga jareen Wasiirada Arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Masar oo ay wehliyeen Wasiirada Gaadiidka labada dal.
Arrintan ayaa waxay astaan kale u noqoneysaa ahmiyadda Masar u leedahay Soomaaliya iyo xoojinta xiriirka soo jireenka ahaa ee labada dal, kaddib khilaafkii Soomaaliya iyo Itoobiya.
Taliyihii ciidanka Booliska ee dalka Kenya Japheth Koome ayaa ku dhawaqay in uu xilka iska casilay ka dib toddobaadyo ay dalkaas ka socdeen bannaan baxyo ay dhigayeen dad diiddanaa xeerkara cusub ee cashuurta iyo guud ahaanba hab xukunka madaxweyne Ruto.
Booliska ayaa lagu eedeeyey in ay toogteen qaar ka mida dadkii muddahaaraadayey taas oo keentay in uu culays xooggani soo food saaro saraakiishii ugu sarraysay gaar ahaanna Taliyihii oo maanta is casilay.
Madaxweynaha Kenya William Ruto, ayaa eryay dhammaan golihiisii wasiirrada si uu ugu raaligeliyo shacabka bannaan-baxa dhigaya ee ka soo horjeeda xukuumaddiisa gaar ahaana ka cabanaga cashuuraha cusub.
UK: Xisbiga Shaqaalaha ayaa ku guulaystay doorashadii guud ee dalkaasi ka dhacday khamiistii taas oo uu helay codadka ugu badan ee barlamaanka aqalka hoose oo ka kooban 650 kursi.
Sir Keir Starmer ayaa noqonaya ra'iisul wasaaraha cusub ee UK, ka dib markii uu xisbiga shaqaalaha ku hogaamiyay guul weyn.
Wuxuu beddeley siyaasigii garabka bidix Jeremy Corbyn oo ahaa hogaamiyaha xisbiga Labour afar sano ka hor, wuxuuna ka shaqeeyay inuu xisbiga ku soo celiyo garabka dhexe, si uu uga dhigo mid la dooran karo.
Xisbiga Labour-ku waxa uu xukunka ka maqnaa 14 sano, hadda waxaa uu helay 370 kursi taas oo ka dhigaysa inuu helay aqlabiyada baarlamaanka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dardar galinaya howlgallada dib u xoreynta dalka ayaa garay deegaanka Waragaadhi ee gobolka Shabeelaha dhexe.
Madaxweynaha ayaa Saraakiisha hoggaamisa ciidamada Xoogga dalka ee deegaanka ku sugan ka dhegeystay warbixinno ku saabsan guulaha laga gaaray argagixisada, warbixinta ciidamada ay hoggaamiyaan iyo qorshaha waqtiga kooban ee Khawaarijta looga xoreynayo deegaanada haray.
Baarlamaanka dowlad Goboleedka Jubbaland oo goordhow isugu yimid kulan aan caadi aheyn oo ku saabsan wax-ka-bedelka Dastuurka ayaa u coddeeyay ansixinta wax ka bedelka qodobo ka mid ah Dastuurka dowlad goboleedkaas.
Mid ka mid ah qodobada wax ka bedelka lagu sameeyay ayaa waxaa ka mid ah qodobka 70aad ee Dastuurka Jubbaland, kaasoo ahaa in Madaxweynaha uu xilka isku-sharaxi karo labo jeer, qodobkan ayaa gebi ahaanba meesha laga saaray.
Qodobka 65aad ayaa loo guuray waxaana laga dhigay in muddada xilheynta Madaxweynaha ay tahay shan sano, u tartamida Madaxweynaha ay tahay mid furan oo aan xadidneyn.
Kalfadhiga 5aad ee Baarlamaanka 11aad agaa la muddeeyay inuu furmo 6 bisha July 2024 oo ku beegan maalinta sabtida.
Kalfadhiga Baarlamaanka ayaa la hadal hayaa inuu noqon doono midka ugu xasaasisan oo go’aamin doona jaangoynta marxalada siyaasadda iyo doorashooyinka uu dalka geli doono.
Allaha u naxariisto waxaa goordhow geeriyooday Guddoomiyihii h**e Golaha Shacabka Prof. Jawaari, waxaa geeridiisa xaqiijiyay wiilkiisa Dr. C/casiis Jawaari
Midowga Afrika ayaa taageeray codsigii ay Soomaaliya ku doonaysay in kaddib bixitaanka ciidamada ATMIS la billaabo hawlgal muddo kooban ah oo dawladda looga caawinayo dhammeystirka dadaallada la-wareegista amniga iyo ciribtirka argagaxisada.
Arrintan ayaa meesha ka saaraysa cabsi laga qabay in kaddib bixitaanka ATMIS oo dhammaadka sannadkan loo qabtay ay timaado marnaasho amni oo fursad siin karta argagaxisada.
War-murtiyeed ka soo baxay shir ay yeesheen xubnaha Golaha Amaanka iyo Nabadgaliyada Midawga Afrika ayaa waxaa sidoo kale lagu aqbalay soojeedin Soomaaliya ka timid oo ahayd in la kala qeybiyo wejiga saddexaad ee hawsha dhimista ciidamada ATMIS oo kutalogalkeedu uu yahay 2 kun askari oo dhammaadka June baxaysa, iyo 2 kun kale oo dhammaadka September noqonaysa.
War saxaafadeedka ayaa waxaa lagu ammaanay dadaalka ay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Xukuumaddiisa ku bixinayaan dhinacyada kala duwan ee hawlaha dawlad-dhiska Soomaaliya, iyadoo saaxiibbada caalamkana loogu baaqay in ay joogteeyaan taageerada ay ku bixinayaan ka-miro-dhalinta dadaalladan.
Waxyaabaha lagu ammaanay dawladda Soomaaliya waxa lagu sheegay inay ka mid yihin horumarrada laga gaaray qorshayaasha amniga, joogteynta shirarka Golaha Wada-tashiga Qaran, la-dagaalanka argagaxisada iyo weliba u-diyaar-garowga la-wareegista amniga dalka ka dib marka ay baxaan ciidamada ATMIS.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta oo jimco ah waxaa uu warqadaha aqoonsi ee Danjirnimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Mareykanka u fadhin doona Soomaaliya Amb. Richard H. Riley.
Safiirka cusub ee Mareykanka ayaa warqadaha aqoonsiga lagala wareegay garoonka ciidamada cirka ee Afisyooni ee ku yaallay xeyndaabka sida weyn loo ilaaliyo ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, halkaasoo Diblomaasiyiinta Mareykanka loo oggoleyn inay bannaanka uga baxaan.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay wehliyeen Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha Ciidanka XDS, iyo Taliyaha Ciidanka Cirka ayaa kulan la qaatay Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM General Michael Langley, waxaana kulanka looga hadlay iskaashiga Amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Argagixisada, inkastoo Mareykanka muddooyinkii u dambeeyay ay hakiyeen howlgaladii dhanka duqeymaha ah ee ka dhanka ahaa Argagixisada.
Xildhibaan Fowsiyo Yusuf Haji Adami oo shir jaraa’id ku qabatay Muqdisho ayaa sheegtay in aanay ka tanaasuleyn kursiga Guddoomiyaha Midowga Afrika oo ay u sharaxan tahay, kaddib markii Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay cadaadis ku saareen inay ka harto tartanka kursiga oo loo tanaasulo dalka Jabuuti.
“Ma yeeli karo in mas’uuliyadaas dhabarka u rito oo aan tanaasulo, maadaama tanaasulkaas, taariikh madow ku xardhan yahay”
Fowsiyo Yusuf ayaa shirkeeda jaraa’id ugu magac dartay Garnaqsi, waxaana ay ka warbixisay heerarka ay u soo martay Musharaxnimada kursigan illaa Madaxweynaha iyo Xukuumadda ay ku taageereen.
Waa markii labaad oo dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ay ku qasabto haween kursi u tartameysa inay ka harto, iyadoo Xildhibaan Marwo bashiir oo u tartameysay kursiga Madaxweynaha Baarlamaanka Adduunka ay ku guuldareystay booskaas, kaddib markii dowladda ay qortay warqad ay ku sheegeysay in aan Musharax u aheyn kursigaas, waxaana xilligaas ay dowladdu ku sababeysay in Soomaaliya ay doonayso kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay iyo ku biirista Dallada Bulshada Bariga Afrika, sidaasna ay ku badalatay inaan loo tartamin kurisga Madaxweynaha Baarlamaanka Adduunka.
Abdiaziz Golf
Madaxweynaha Imaaraadka Carabta Maxamed Bin Zayed ayaa waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doono dalkaas Xuseen Cabdi Xalane.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Videos (show all)
Category
Contact the public figure
Telephone
Website
Address
Istanbul
Istanbul
Nur Batur, Türk gazeteci, yorumcu ve yazardır. Gazetecilik kariyerine 1976 yılında başlamıştır
Istanbul
Arkadaşlar bu sayfa bir okuyucu oluşumu olup Rasim Ozan Kütahyalı'nın oluşturduğu bir sayfa değildir. Rasim Ozan Kütahyalı nın bir çok kez belirttiği üzere kendisinin facebook üz...
Istanbul
Sevgili arkadasimiz Cem Serdengecti'nin anisina resim ve anilarin paylasildigi sayfa.
Istanbul, 34700
Burdaki amaç en taş insanları yakışıklı ve güzel insanları bir arada güzel günler geçirm
Istanbul, 34000
Merhaba ben Onur Esim, İstanbul Üniversitesi Gazetecilik Lisans Mezunuyum