Diirada Puntland

Diirada Puntland

isku dhiska putland

08/17/2024

Bashiir Abdinasir Ali oo ilaa Xalay La raadinayay ayaa ugu dambayn Maydkiisa laga helay Ceel Af banaan oo ku yaala meesha Laga dhisayo buundada Cusub ee Garoowe ama buundada Cusbitaalka.

Ceelkaan oo sida kamuuqata Sawirka ku yaala Bartamaha Garoowe ahna Ceel Af banaan Waa qoday Shirkada TTN oo gacanta ku haysa dhismaha buundada Garoowe taas oo u muuqata Masuuliyad daro sida ay soo arkeen qaar kamid ah dadkii Maydka kasoo saaray Ceelka.

08/03/2024

Somaliya gar ahan mogadisho ciribtir dhalin yaro ayaa kasocda waaa xasuuq loo gestay dhalin yaro mustaqbal ifaya leh xukumada amniga way ku fashilantay xak**aynta dhiga dhalin yarada somaliyed

06/03/2024

Cidkasta oo amniga putland ee Growe madax wayne dani umagacabay waa in ay kula xisabtaman casimada amni k**a jiro dadki loo magacabay igu sawir ayey ku jiran

08/16/2023

Inaa lillahi wa inaa ileeyhi raajicun
Allaha I naxaristo Abwan jamac kadiye abwanki ugu qimaha bad abwanada luqada somaliga ku hadasha
Abwanki ugu dada wayn abwanada somalida
Abwan isku darsaday hdl wnag somali jcayl iyo xushmad din iyo wadanimo oo umanta u dhintay
Somaliland ayaa madfac si barera ula begsatay abwan jamac kadiye tariqda abwanka lagu ma soo kobi karo qoral hdl iyo gabayba
Alllaha u naxaristo abwan jamac

05/27/2023

Waxan muddo ka hdlenay argagaxisada aranjan inay dalka dhib ku hayan marki xukumada laga saray Aran Jan waa ta dhaqaqday

04/02/2023

Sarakishi ugu badneyd ayaa ku dhinta dagalka ssc waxa uu u muqda dagal kan mid siifafaya oo xalka sidan kasii darayo waxa Somaliland radinesa sarakil hogamisa dagal ka badakod waa ay dhinten qaybna waa dhawac

01/02/2023

Lascano waxa ka dhacaya ad ayan uga xun nahay hadan nahay dhalinyarada somaliyed
waa in dhibka lala qayb sadaa

12/25/2022

Madax Wayne Hassan Shikh mohamu
Madax Wayne Said Abdulahi dani
Waa labada madaxwayne ee dad ka tirsana
Ururka argagaxisada al shabab ay xilal waa
Wayn ay ka hayayan somali muqdisho iyo
dowlad goboled ka putland ayago og
Ayey Hadana xilal muhim ah u magaceb
1| shabab mukhtar robow al mansur
Waa asasihi ururka argagaxiso al shabab
Waxa lagu xasuus taa qaraxi shamow oo isagu ka danbeyay asago ku farax sana ka hdlay iyo dhacdoyi badan lagu ma soo kobi karo dhibatada uu Ugaystay
Masuliyin somali shacab badan iyo hoyoyin Arday dhalin yaro
waxa uu hada hayaa xilka ugu muhim san dowlada federal ka somaliya waxa wasirka diinta iyo owqaafta

2| general muxidin shabab Hadana aha taliyi cididanka police ka putland falal argaxiso lagu ogaday darted ayaa 2 sano ka hor xilka loga qaday isla madax waynihi ka qaday xilka muhidin
Sicid abulahi dani ayaa u magacabay 2 bil ka hor
Taliyaha la dagalanka ar gagaxisada
Sida la ad liged somaliya iyo mamul goboledyada dowladaha ka jira waxa ku dhex Milan ururka ar gagaxisada al shabab

12/07/2022

Warier farah gaylan Waxan hubaa inuusan ahayn al shabab iyo wax u dhaw muddo 2 years u dhaw ayan is arag nay nin dhalinyara aqlaq badan cibado badan dantisa iyo shaqadisa yaqan farah abdulkadir Mohamed gaylan

11/11/2022

Lacnad kugu dhacday Aadan Sheydaanoow
1. Wuxuu marin habaabinayaa Diinta Islaamka
2. Wuxuu banneynayaa daadinta dhiigga
Ummadda Soomaaliyeed Muslimiinta ah
3. Wuxuu dhiiro gelinayaa Xasuuga Argagaxisada kula
kaceyso Dadkeenna Maatida ah.
4. Wuxuu duullaan ku yahay Nabad-gelyada Reer
Mugdisho.
5. Wuxu Cagabad ku yahay Horumarka iyo Ganacsiga Reer
Mugdisho.
6. Wuxuu mugdi gelinayaa Mustaqbalka
Caruurteenna iyo jiritaanka Bulshadeenna.
7. Ma ogola in Magaalada uu kasoo jeedo la qarxiyo.
8. Ma ogola in caruurtiisa ay is qarxiyaan oo jannada
beenta ah aadaan.
9. Ujeedada Khawaarijta waa mid duullaan ku ah Dad gaar
ah iyo Deegaan gaar ah.
10. Dawadoodu Waa dhagax in lagu dilo; Dab holcaayo iyo hilib koda la jar jaro

11/06/2022

1/ 2kun ayuu kala baxay kursiga gudomiyaha
2/ waa qurba joog an wax badan ku dhex jirin
3/ juxa waa legend waqtigu hayo
4/gobol kii uu taliyaha qaybta ka ahaa ayaa laga badalay isago kiis gacanta ku hayo galkacyo ayuu aday adago taliya cidan ayuu soo labtay
5/Taligent argagaxisinimo xilka looga qaday marki cademo dhamestiran lagu helay wuxu soo noqday asago team ki lagu edeyay logu magac daray taliyaha ladagalan ka argagaxisada
6/aqoon umalihi Duqa magalada

03/29/2022

Muddo labo sano ah ayan shegenay xaqiiqda dhabta ah kiski allaha u unaxariste gudomiyihi gobolka nugal Abdisalan hassan gujir in uu ku maqan yahay gacanta dowlada putland manta ayuu xaqi dilacay oo ay soo baxdaywxaqiiqdawwaa kan xildhibanka cadenayo waxa sicad u cadatay kiskan inuu gumaqan yahay aran shaydan ayna ka danbeyen xulufo ka tirsan dowlada putland wana xaqiiq soo baxday

02/02/2021

Waxaan sheeko ku maqlay Majeerteen wuxuu geysto ma arko ee wixii loo geysto ayuu arkaa! Dhulbahante iyo Deni.______€€€€€€€________
______€€€€€_____€€€€€£€€ W:Q: Siyaasi Cali daacuun

Waxaa la yaab leh oo dadka Soomaaliyeed is waydiinayey sababta Siciid Abdillaahi Deni arrinta Gedo ugu indha adagy yahay Soomaaliland oo dul fadhida 45 km keliya u jirto xafiiskiisa Garoowe ee uu ku shaqeeyo kuna socoto meel hal km keliya u jirta Madaxtooyada Garoowe

Waxaa yaabka yaab kiisa in Siciid shirkii Garoowe ka yiraahdo waxaan habeen iyo maalin difaacayaa danaha Soomaaliland, dad baa igu maaga inaan Isaaq difaaco laakiin wax aanney ogayn inaannu xidid nahay! Siciid maantaas waxaa la qiray inuu jeebka kala soo baxay colaadda uu dhulbahante u qabo,

waxaa ka sii horaysay khudbad uu ka akhriyey hay’adda PDRC horaantii sannadkii koowaad ee muddo xileedkiisa, taasoo ku sheegay in dhaqdhaqaaqii ururkii gobanimo doonka deegaamada dhulbahante uga soo horjeedeen haysaahada Soomaaliland ee gobolada Sool iyo Sanaag ee Ssc markii danbena noqday khaatumo yiri waa argagixiso iyo shabaab


Waxaa yaabka yaabkiisa kale ah Siciid inuu ku dooday in Xildhibaanada Federaalka ee gobolada Sool iyo Sanaag isaga dawladda dhexe uga danbayso taas oo loo yeelay

Waxaa kale oo yaab ah Siciid Deni wuxuu ku dooday in aan madaxda Federaalku la tashi kala samayn hawlaha qaran ee dalka Soomaaliya, halka isagu uu diiday inuu talada Puntland gudeheedda iyo tii heer Federaalka inuusan waxba ka siin, latashan diiday in Madaxweyne ku xigeenkii dhammaa ee xafiiska la lahaa yiraahdo xaraf kula socodsiin maayo

Guddigii doorashada Puntland ee uu magacaabay ka boobay. Dhismihii golaha xukuumadda ka boobay! dhismihii shaqaalaha dawladda ka boobay! weeraradii uu ka fuliyey labada jeer Baarlamaanka uusan wax talo iyo tixgelin ah ka siinin ee uu ku burburiyey nidaamkii dawladnimada Puntland oo markaas Siciid sharcigii gacmaha ku qaatay

Siciid wuxuu hadda dhisay guddigii doorashada heer federaal xubnihii Puntland uga qaybgeli lahaa, wuxuu gebi ahaanba xisaabta ka saaray inuu wax ka siiyo dadkii reer Sool, isagoo beeshiisa qudha ku taxay guddigii halka reer Sool uu siiyey Gabadh cawri gaf ah

Habeen saddexaad wuxuu isugu yeedhay dad siyaasiyiin h**e, aqoonyahanka, dhaqanka ururada bulshada maamulka Puntland, hal qof oo reer Sool iyo Cayn ah k**a soo qaybgelin kumana casumin oo looga hadlayey aayadaha doorashada

Wuxuu h**e u tegey shirarkii dhuusamareeb 1,2 iyo 3 hal qof oo reer Sool Sanaag iyo Cayn ah kuma soo darin
Marka laga Reebbo Hal nin

Waxaa Marka is waydiintu tahay su’aalahan dhawrka ah in Siciid ka jawaabo.

1- Siciid Denayow markaad tiraahdo dastuur’kii Puntland ee lagugu dhaariyey waa garabmaray oo Soomaaliland oo dastuur’kii Puntland 200 km gudaha ugu jirta baan difaace siyaasadeed iyo amni u ahay saw colaadda Reer Sool aad u qabto darteed inaad sidaas u yeesho maaha, oo macneheedu tahay cadowgiina ayaan la safnahay iyo kan dhulka idinka haysta

sidee Marka u rabtaa inaad tiraahdo dhulbahantow idinma arki karo oo waa inoo dagaal iyo colaad, haddana aan idin metela oo kuraastiina qaybinaya oo fagaareyaasha Soomaaliyeed idin metela

2- nimanka aad tiri jabhadihiinii gobanimo u dirirka ahaa waxay ka soo jeedeen alshabaab iyo argagixiso misana inaad tiraahdo xubnihiina annaa qaybinaya oo xulanaya sidee isu qaban karaan sideese hiil iyo garab uga heli ninka tolka ah ee aad waxaas oo colaad iyo ilhaanno iyo saqajaanimo ah ku hayso

3- dadka adigoo 12 Xildhibaan leh iyana 10 leeyihiin oo aad tiri guddiga Gabadh qudha ayaan kaa siiyey wixii kalena adigu qaadatay sidee u rabtaa inaad cod iyo hiil inaad uga heshid? Heer Puntland iyo heer Soomaaliyeed intaba

4- nimankii aad tiri reer Puntland wada tashi iigu yeera oo aad tiri dhulbahante kuma jiro dadka lay casumay sidee u rabtaa inaad cod ka hesho ama hiil

5- dadka aad kuwii dawladda uga jiray tiri talo idin waydiin maayo ee Madaxweyne ku xigeen lahaa ee Wasiiro lahaa ee shaqaale lahaa oo dhaqan iyo madax h**e oo siyaasadeed lahaa ee aad ilhaanada iyo colaadda joogtada ah ee aadan meelna xeerinayn sidee hiil uga sugaysaa heer federaal iyo heer Puntland berito

6- Siciidow nin aad dhulkiisa shuraako kula noqotay cadowgii haystay oo aadan adigu maamul ahaan dhulkooddii ka talin, sidee bay ku dhacday inaad kuraastiisa qaybiso oo tiraahdo annaa idiin soo qaaday oo waan idin metelaa! Caqligaas sidee isu qabanayaa

Dadkaasi dhaqankooda iyo shacabkoodu xaq uma leh inay yiraahdaan war nama meteshid, waxna kulama nihin ayey xaq u leeyihiin

7- Siciidow, dhulbahante dal iyo dibad shariif iyo Shiikh, dhaqan iyo siyaasi waxay is waydiinayaan odaygii Cabdillaahi Deni Ma Dhulbahantaa dilay

waxay hadda u fadhiyaan war bal colaadda Ina Deni ee sidaas u qaawan goorma ayey Ina raacday

8- Siciidow Ma ka warqabtaa dhulbahantaha inaan colaadiisu hadhin oo ilaa hadda iyaga dhexdoodda ay isu dilaan wixii wakhtigii daraawiish dhacay iyo Ina Abdalle Xasan in hadda lagu kala aargoosto. colaadda aad maanta bulshada harti dhex dhigtay 7 awoowe ee soo socda waa jiri
doontaaye yaanney kaa xumaan wixii aad ka heshana wax ha ka siin.


9- dadka reer Sool iyo Sanaag iyo Cayn waxaannu leenahay intii h**e uga digtay colaadda nimankaasi dadka u hayaan ee la maqli waayayow waa mahadsan tihiin wixii aad sheegi jirteen waannu aragnay, weliba raggii sida gaarka ah uga digi jiray toliimada Majeerteen ninkii rabow waa markii nin Mudug ka yimid talada hayo, colaadda Majeerteen ee sokeeyuhuna waa markii nin Cismaan Maxamud ahi talada qabto

Waa caddaatay midhkaasi.
Dhulkii h**e ayuu faraha uga baxay, 95% Soomaaliland baa ka talisa balse dhawr Issim baa Garoowe jooga oo lahaa war bal cadawga cankaa loo buuraa maantase taas Ina Deni baa Soo afjaray.

Waxaa ka joogaa wakhtigii dadka dhulkaas ka soo jeedaa talo aanney hurayn la imaan lahaayeen waxaanna laga yaabaa talada xumada Ina Deni iyo colaaddiisa qaawan inay tahay mid wanaagsan oo alle idinku badbaadinayo oo wax lagu tusayo intiinii meesha h**e uga hagaagi wayday. ugu danbayn taariikhdii Carab dheeraba la soo marye bal tana aan dhawro.

W:Q: Siyaasi Cali daacuun

12/26/2020
12/17/2020

Waxan inii soo bandhigi donaa cadaymo badan oo ku sab san kiiskii gudoomiyaha gobolka nugaal c/salan Xassan Xirsi
Nala socda maqal iyo muqaal dhawan

09/29/2020

Xasan Daahir Aweys ma Garbaa inuu dhaliilo Madaxweynaha Puntland.?

Xasan Daahir Aweys oo xabsi-guri ku jira ayaa marba magaalada Muqdisho ka soo duuba hadallo gefef xambaarsan. Hadalkii ugu dambeeyay wuxuu ku weeraray Madaxweyaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo xaflad soo dhoweyn ah loogu qabtay Muqdisho.

Wuu dhaliili karaa Madaxweyene Deni waxaase i mari wayday inuu Xasan Daahir Aweys isu arko inuu ka mid yahay koox Soomaalida diinta soo gaarsiisay gaar ahan markuu leeyahay “hadda dadku ‘Asalaamu Calaykum’ bay yiraahdaan’”.

Xasan Daahir waa ninka isagoo aan isogeyn u shaqaynayay Itoobiya. Meles xaalladdu way ku adkayd 2006-dii waayo ciidankiisu waxay laayeen in ka badan 300 oo qof oo ka mudaaharaaday doorashooyinkii EPRDF ku shubatay 2005-tii. In Urur maxk**ado uu Soomaaliya ka soo baxo kaddibna nin taliye Mooryaan ahaa, Yuusf Indhacadde, uu ku baaqo inuu weerarayo Addis Ababa kaddibna diyaarad raaco waxay muujinaysay wajiga dhabta ee Ururkii Maxk**adaha, oo madaxdidiisii sarsare ay dhowraysay danaha beelihii maleeshiyaadka lahaa oo boobka iyo barakicinta Soomaaliya ka waday.

In colaad ka dhan ah Itoobiya lagu baaqo waxay ahayd qiiq isku qarin. Xitaa madaxii h**e ee Al-shabaab, Sheekh Axmed Godane, wuu ka hadlay sida kooxo beeleedyo u rabeen inay ku adeegtaan Ururkii Maxk**adaha.

Cadaalad-darro: Maxay Mukhtaar Roobow u saaran tahay xannibaad aan saarnayn Xasan Daahir Aweys?
Xasan Daahir way iska hor yimaadeen Sheekh Godane, waa sababta Xasan ururkiisii, Xisbul islaam, u shaqayn waayay waana sababta uu uga soo cararay Al-shabaab.

Muxuu Xasan Daahir Aweys u helaa fursad uu haddallo aan munaasab ahayn uga soo duubo guriga uu ku xiran yahay? Miyuu ka magac-weyn yahay ama ka xuquuq badan yahay Mukhtaar Roobow oo aan xitaa loo oggolayn inuu kulammo abaabulo?

Dowladda Federaalku raali bay ka tahay inuu Xasan Daahir Aweys jabiyo amarrada u diidaya inuu olole siyaasadeed galo ama uu hadallo kicin ah ama qof weerar ah soo tabiyo.

Diin ahaan Soomaalidu waxay ay ahayd dad isu dulqaata. Dhaqdhaqaayada Carabtu soo maalgelisay si Soomaaliya u noqoto dal loogu soo gabbado eedeynta inay gabbaad u yihiin argagixo waxaa ka kow ahaa Ururkii Maxk**adaha iyo ururrada kale ka soo farcamay. Waa maxay faraqa u dhexeeya ururrada diimeed oo hay’ado Carbeed lacag ka soo qaata iyo ururkii qabqableyaashu sameeyeen 2006-dii si ay ula dagaallamaan wax ay u bixiyeen”aragagixiso”?

Xasan Daahir Aweys eedda lama wada saari karo. Eeedda ugu weyn waxaa leh dowladda federaalka oo u oggol inuu hadallo qolkiisa ka soo duubo oo Youtube geliyo

09/29/2020

Puntland Liiska Dadkii Dilalka Qorshaysan ay ku dileen Kooxda Aaran Jaan ee Hogaanka Puntland Hormuudka u ah)

1. Nabadoon Nuur Xirsi Cismaan(Nuur Waal) : Wuxuu kamid ahaa nabadoonadda gobolka mudug oo inta badan ka hadli jiray howlaha ammaanka gobolka, sidoo kale nabadoonku waxuu la shaqayn jiray Hay’adda PDRC qaybteeda gaalkacyo oo uu ka qayb qaadan jiray inta badan barnaamijyadda nabadda, nabadoon nuur waxaa la dilay bishii march 30 2011, balse dhaawac halis ah oo soogaaray ayuu u geeriyooday 48 saac kadib, dilkiisana waxaa gaystay kooxo afka soo duubtay.

2. Nabadoon Saalax Cabdisalaan Axmed (Faqash) : Wuxuu kamid ahaa nabadoonadda gobolka Bari si aad ahna uga hadli jira howlaha nabadgalyadda gobolka, nabadoon saalax waxaa la dilay bishii Aprill 7 2011, waxaana lagu dilay magaaladda bosaaso xili uu nabadoonku kasoo baxay salaadii makhrib ee uu ku tukaday masjidka Al-Raxma .

3. Nabadoon Siciid Xasan Cumar (Kashwiito) : Wuxuu kamid ahaa nabadoonadda gobolka bari kuwooda aadka u firfircoon had iyo jeerna ka hadli jiray ammaanka, nabadoon siciid waxaa la dilay bishii Aprill 24 2011 waxaana lagu dilay magaaladda bosaaso xili uu kasoo baxay salaada cishaha oo uu ku tukaday masjidka Al-Rashiid.

4. Nabadoon Xuseen Cali Dudde : Wuxuu ahaa Gudoomiyihii Gudigga Nabad Galyadda gobolka Mudug , sidoo kale wuxuu kamid ahaa nabadoonadda gobolka mudug had iyo jeerna ka shaqayn jiray howlaha ammaanka gobolka, waxaana la dilay bishii March 21 2011 waxaana lagu dilay magaaladda gaalkacyo.

5. Oday Warsame Yusuf Islaam (Cirfe) : Wuxuu kamid ahaa Odayaasha Gobolka Mudug, waxaana la dilay bishii January 3 2011 waxaana lagu dilay magaaladda Gaalkacyo.

6. Nabadoon Axmed Salaad Caynab : Wuxuu kamid ahaa nabadoonadda gobolka bari, waxaana la dilay bishii March 28 2011 waxaana lagu dilay magaaladda bosaaso.

7. Gudoomiye Shiikh Maxamed Cabdi (Awaare) : Wuxuu ahaa Gudoomiyihii Maxk**adda Darajadda 1aad ee Gobolka Bari In kabadan 20 sano, wuxuuna ahaa xaakim leh khibrad fog iyo xeel durugsan dilkiisuna wuxuu wiiqay hanaankii Garsoorayaasha maadaama uu ahaa shakhsi leh khibrad dheer, Gudoomiye Awaare waxaa la dilay bishii November 11 2009 waxaana lagu dilay magaaladda bosaaso xili uu kasoo baxay salaada makhrib dilkiisana waxaa gaystay koox afka soo duubatay.

8. Gudoomiye Shiikh Xuseen Maxamed Khaliif : Wuxuu ahaa Gudoomiyihii Maxk**adda Rafcaanka ee Gobolka Mudug, iyo waliba culimadda si weyn looga yaqaano magaaladda oo dhan, waxaana la dilay bishii Feb 8 2011, waxaana lagu dilay magaaladda gaalkacyo.

9. Xeer i laaliye Cabdiqaadir Jaamac Nugaal (Caato) : Wuxuu ahaa Xeer i laaliyaha guud ee gobolka mudug waxaana la dilay bishii January 25 2011 waxaana lagu dilay magaaladda gaalkacyo xili uu kasoo baxay salaadii cishaha, dilkiisana waxaa gaystay kooxo afka soo duubtay.

10. Xeer i laaliye Maxamuud Aw Muuse Gelle (Tima Jilic) : Wuxuu ahaa Xeer i laaliyaha guud ee gobolka mudug, waxaana la dilay bishii June 7 2011 waxaana lagu dilay magaaladda gaalkacyo, dilkiisana waxaa gaystay kooxo afka soo duubtay.

11. Sarkaal Mukhtaar Shiikh Cali (Jifi-Jabsadde) : Wuxuu ahaa Sargaal ka Howl gali jiray Safaaradda Ethiopia ay kuleedahay caasimadda puntland ee garoowe, horayna wuxuu mar usoo noqday Gudoomiya Degmadda Gallaadi ee Ismaamulka Soomaalidda Ethiopia ee Kilillka Shanaad, waxaana la dilay bishii Aprill 22 2011, waxaana lagu dilay magaaladda Gaalkacyo.

12. Agaasime Maxamed Yaasin Ciise (Ilkacase) : Wuxuu ahaa Agaasimihii Maamulka iyo Dhaqaalaha Hay’adda PDRC , waxaana la dilay bishii April 6 2011, Waxaana lagu dilay magaaladda garoowe dilkiisana waxaa gaystay kooxo ah dablay hubaysan.

13. Agaasime Shiikh Ismaaciil Xaashi Xuseen : Wuxuu ahaa Agaasimihii Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta Puntland, sidoo kale wuxuu kamid ahaa culimadda waa weyn ee gobolka mudug, waxaana la dilay bishii April 16 2011 waxaana lagu dilay magaaladda gaalkacyo, dilkiisana waxaa loo adeegsaday miino loo dhigay gaarigii uu saarnaa Agaasimihu kadibna wuu u geeriyooday.

14. Taliye G/sare Axmed Xaaji Doon (Tiibo-Tiibo) : Wuxuu kamid ahaa Saraakiisha Sare ee Ciidamadda Daraawiishta Puntland, wuxuuna mar soo ahaa Taliya Ciidamadda Daraawiishta Gobolka Nugaal, waxaana la dilay bishii June 13 2011 waxaana lagu dilay magaaladda bosaaso.

15. Ganacsadde Shire Siciid Cabdiraxmaan (Walbaq) : Wuxuu kamid ahaa ganacsatadda waa weyn ee gobolka bari, sidoo kale wuxuu ahaa Gudoomiyihii h**e ee degmadda Ufayn oo katirsan gobolka Bari, waxaa la dilay bishii May 14 2011 waxaana lagu dilay magaaladda bosaaso, dilkiisana waxaa gaystay kooxo afka soo duubtay.

16. Ganacsadde Maxamed Cumar Gurey : Wuxuu kamid ahaa ganacsatadda gobolka mudug, waxaana la dilay bishii April 27 2011 waxaana lagu dilay magaaladda gaalkacyo.

17. Ganacsadde Cabdisalaan Warsame Aw Maxamuud : Wuxuu kamid ahaa Ganacsatadda gobolka bari, waxaana la dilay bishii May 14 2011 waxaana lagu dilay magaaladda bosaaso.

18. Ganacsadde Cabdinuur Saalax Dhiidhax : Wuxuu kamid ahaa ganacsatadda gobolka bari, waxaana la dilay bishii May 16 2011 waxaana lagu dilay magaaladda bosaaso.

19. Ganacsade Cumar Aw Muuse Maxamed : Marxuumkani wuxuu kamid ahaa Ganacsatada Waa Weyn ee gobolka bari iyo waliba Mas’uuliyiinta Shirkadda Red Sea ee Xarunteedu tahay Magaaladda Bosaaso, waxaana la dilay Bishii June 20 2011 waxaana lagu dilay magaaladda bosaaso.

2010:

1. Suldaan Ciise Xasan Cumar : Wuxuu kamid ahaa salaadiinta waaweyn ee Reer Puntland si aad ahna looga yaqaan gobolka bari, suldaan ciise wuxuu habeen iyo maalin kala hadli jiray bulshadda kana wacyi galin jiray khataraha dhanka amniga iyo dhibaatadda burcad badeeda, suldaanka waxaa la dilay bishii November 21 2010 waxaana lagu dilay magaaladda bosaaso xili uu kasoo baxay salaadii maqrib oo uu kutu kaday masjidka aqsaa ee magaaladda bosaaso, dilkiisana waxaa gaystay laba nin oo afka soo duubtay.

2. Xildhibaan Maxamed Cabdi Jibriil (Daqarre) : Wuxuu kamid ahaa Xildhibaanadda Baarlamaanka Puntland, waxaana la dilay bishii January 19 2010 waxaana lagu dilay magaaladda bosaaso, dilka xildhibaankana waxaa gaystay kooxo afka duubtay.

3. Xildhibaan Cabdullaahi Cali Kaarad : Wuxuu ahaa Xildhibaan kamida Golaha Baarlamaanka Puntland, waxaana la dilay bishii January 5 2010, waxaana lagu dilay magaaladda bosaaso.

4. Xeer i laaliye Cali Jaamac Qalas : Wuxuu ahaa Xeer i laaliye kuxigeenka maxk**adda darajadda 1aad ee bosaaso, ahaana sii haya xilka gudoomiyaha maxk**adda sare, waxaana la dilay bishii June 12 2010 waxana lagu dilay magaaladda bosaaso xili uu kasoo baxay shaqadiisa, dilkiisana waxaa gaystay kooxo afka soo duubtay.

5. Xeer i laaliye Col. Cabdullaahi Saalax Shirwac : Wuxuu ahaa xeer i laaliyaha maxk**adda sare ee gobolka bari, sidoo kale wuxuu ahaa Taliye Kuxigeenka Akadeemiyadda Tababarka Ciidamada ee Carmo, waxaana la dilay bishii November 30 2010 waxaana lagu dilay magaaladda bosaaso, dilkiisana waxaa gaystay kooxo afka duubtay.

* 6. Taliye G/sare Warsame Yusuf Axmed (Yeey) : Wuxuu ahaa Taliyihii Ciidanka Dambi Baarista (CID) ee Qaybta Gobolka Mudug, sidoo kale wuxuu kamid ahaa Saraakiisha Sare ee Booliska Gobolka Mudug, waxaa la dilay bishii December 1 2010, waxaana lagu dilay magaaladda gaalkacyo (* Cafwan – Warsame waa uu ka badbaaday isku dayga dil, walow uu soo gaaray dhaawac aad u xumi).

7. Taliye G/sare Xuseen Cali Faarax : Wuxuu ahaa Taliyihii Saldhigga Baalale ee Magaaladda Bosaaso, waxaana la dilay bishii December 10 2010, waxaana lagu dilay magaaladda bosaaso.

8. Taliye G/sare Axmed Xasan Xaaji (Dhoonge) : Wuxuu ahaa Taliyihii Saldhiga Biyo Kulule ee Magaaladda Bosaaso, waxaana la dilay bishii September 5 2010, waxaana lagu dilay magaaladda bosaaso.

9. Taliye G/sare Axmed Jaamac Saalax (Ratey) : Wuxuu kamid ahaa Saraakiisha Booliska Puntland, Horayna wuxuu mar usoo noqday Taliya Saldhiga Dhexe Magaaladda Garoowe, waxaana la dilay bishii December 2 2010, waxaana lagu dilay Degmadda Buurtinle oo katirsan Gobolka Nugaal, dilkiisana waxaa gaystay kooxo dablay ah oo hubaysan.

10. Gudoomiye Cabdullaahi Mahdi Xasan (Sayidka) : Wuxuu ahaa Gudoomiyaha Uruka Iskuxirka Ardayda Soomaaliyeed, waxaana la dilay bishii January 31 2010 waxaana lagu dilay magaaladda bosaaso

2020 Sanadkan

11- Hassan Hersi Gudoomiyihii Gobolka ayaa la dilay ( March 2020)

12 Ahmed Muuse Nuur ( May 11- ) ayaa lagu dilay Magaalada Gaalkacayo wuu ahaa Gudoomiyihii Gobolka Mudug

09/29/2020

waxaan soo helnay tacadiyi badan iyo ansha xumo ay u geestaan aran jaan gabdhaha xafiis yadooda ka shaqeya waxan soo gud bin donaa taxa na dheer inta qof oo aran sheydaan ku midoobay iyo dhibatada ay gestaan mardhaw nala socda

Puntland Dilalka Qorshaysan oo xog laga helay 09/14/2020

Xog dhinaca ah Amniga ah By Feyte

Puntland Dilalka Qorshaysan oo xog laga helay Gudoomiyaha Nugaal ”jir Jaan # Security analysts Somalia Puntland

09/11/2020

Reer Puntland sidan looguma dawladayn karo

Fahad Yaasiin iyo Farmaajo, waa ayo Soomaalida ay doonayaan inay sidan ku xukumaan
Cabdirisaaq Xuseen Aadan (Caato), oo madaxweyne Farmaajo adeer u yahay ayaa markale loo magacaabay xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’iisul wasaaraha, kadib warqad ka soo baxday xafiiska ku simaha Ra’iisul wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

Sii hayaha Ra’iisul wasaaraha dalka ayaa sidoo kale xil kii ka qaaday xoghayihii h**e Cabdiraxmaan Sheekh Mucaawiye oo xil kaasi hayey muddo 40 cisho ah, kadib markii la eryey Cabdirsaaq Caato oo hadane markii labaad loo soo magacaabay xil kan.
Caato oo muddo todobaad ka yar hayey xil kaasi ayaa sababta markii h**e looga qaaday waxa ay aheyd xad-gudub lagula kacay Yaxye Cali Hareeri oo ka mid ah raggii sida aadka ah ugu dhawaa Ra’iisul Wasaarihii h**e ee la eryey, Mudane Xasan Cali Kheyre.

Tan iyo markaasi waxaa jahwareer xoogan ka taagnaa xafiiska Ra’iisul wasaaraha oo is-bedal deg-deg ah uu ku yimid markii la riday Khayre, waxaana isla habeenkii ku simaha loo magacaabay Mahdi Guuleed uu xil kii ka qaaday Axmed Nuur Maxamed Cabdi oo ahaa xoghayaha joogtada ah ee xafiiskaasi.

Sidoo kale waxaa shaqada ka tegay inta badan raggii aadka ugu dhowaan Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo uu ka mid ahaa Cali Nuur Salaad.
Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Wareegto uu soo saaray waxa uu Cabdinuur Maxamed Axmed oo uu adeer u yahay Fahad Yasiin u magacaabay maanta Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada.

08/10/2020

Mudane Madaxwayne Fadlan Is Casil.

Madaxdi, Isimadi, Haldoorki iyo labeenti Puntland iyo Madax Heer Caalamiyaba Waxay Sababsadeen Gacantaada ee fadlan Is Casil.

08/02/2020

Gudoomiyaha Gobolka Nugaal oo Guul-weyntii ugu xoog badnayd sameeyay, isaga oo amaan is Barkan huwiyay Madaxweynaha Puntland kuna tilmaamay Nin aan Seexan!

Qofka Masuulka ah waxa looga baahan yahay inuu isku kalaoonyahay oo aamisan yahay.

Bal in Yar Daawada

06/21/2020

(Puntland Dhibaatada Aaran Shaydaan & Puntland)

Bishii Sadexaad keliya (2020) dadka lagu dilay Puntland waxaa kamid ah Guddoomiyihii gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xirsi Gu’jir, Mukhtaar Axmed Cumar Tinle oo ahaa Xildhibaan ka tirsan Golaha deegaanka Gaalkacyo, Ibraahim Bashiir Xasan oo Xildhibaanka lala dilay, Saleebaan Axmed Shire oo ka tirsanaa Wasaaradda Maaliyadda Puntland iyo Ceynab Maxamed Bunge oo ahaa sarkaal ka tirsan ilaalada canshuuraha Boosaaso, sidoo kale bishan dad badan ayaa ku dhaawacmay weerarada argagixisada.

Isla bishii Shanaad ee sanadkan 2020 waxa Magaalada Gaalkacayo lagu dilay Gudoomiyihii Gobolka Nugaal,& Laba qof oo ehelkiisa ahaa, ( Axmed Muuse Nuur) Dilkiisa dadku waxay ku tilmeen mid sii qorshaysnaa Mana Jiirto ilaa haatan cid loo qabtay marka laga reebo Canbaaraynta Afka uun ah ee xukuumada Deni.

Magaalada Gaalkacyo ayaa ugu amni xun Puntland, waxaana sheekooyinka la yaabka leh kamid ah, iyadoo casarkii ay ka caraabaan mas’uuliyiinta ugu sarreysa gobolka , kuwaas oo inta badan habeenkii ku hoyda magaalooyin ka bacsan Gaalkacyo, sida Bacaadweyn, Xarfo iyo Goldogob, sidoo kale qaar kamid ah Golaha deegaanka degmada ayaa amni xumo awgeed isaga cararay Gaalkacyo, kuwaas oo hadda ku sugan magaalada Garowe. Khatarta amni ee Gaalkacyo ma ahan mid ka timaada oo kaliya Al-shabaab, waxa ay sidoo kale ka timaadaa beelaha dega gobolka oo mararka qaar maxk**adaha iyo saldhigyada weerara.

Boosaaso ayaa la qabsatay dilalka dharaartii dhaca , kuwaas oo inta badan loo geysto shaqaalaha dowladda, iyadoo inta badan aan gacanta lagu dhigin dhagarqabayaasha.
Caasimadda Garowe oo ahayd meeshii ugu amaanka badnayd Puntland, waxaa maalin ka hor qof isa soo miidaamiyey uu isku qarxiyey madaxweynihii gobolka (guddoomiyii gobolka) oo marayey goob ay ku yaaliin Taliskii guud ee ciiidamada Booliska Puntland iyo saldhigii bartamaha Garowe, waa tabardarro lagu arkay dowladda in argagixisadu ku dhiirato weerar ay ka geysato caasimadda.

Madaxweyne Deni iyo Taliyaha Booliska, waxay sheegeen in ay ka war hayeen weeraro ku soo wajan Puntland, dad badan ayaa is weydiinaya hadii xogtaas la hayey maxaa ka hortag loo sameynwaayey, oo xataa madaxda iyo xarumaha dowladda amnigooda loo adkeyn waayey?.

Sababta amni darrada Puntland u horseeday ayaa lagu tilmaanaa, iyadoo ciidamada Booliska iyo Sirdoonka aysan la ahayn awood ay ku hantaan ammaanka gudaha, ciidamada ammaanka Puntland ayaa helin tababaro, qalab iyo mushaar kufilan, waxay xuquuq u qaataan wax ka yar boqol doolar oo aysan marmarka qaar helin. Ciidanku ma haystaan damaanad dowladeed, taasoo keenta inuu ka baaqsado inuu tallaabo ka qaado kuwa ku xadgudbaya sharciga.

Ciidanka Booliska Puntland malaha amar qaadasho dhexe oo mideysan, taas oo keenta in ciidanku noqdo garabyo kala duwan oo u abaabulan hab beeleed.

Puntland in ay garanweydo meel laga jiro, waxa sababta ugu weyn u ah, iyadoo aan la hayn Sirdoon awood leh, waxaa Boosaaso iyo Gaalkacyo xarumo waaweyn ku leh ciidamo kala duwan oo ay kamid yihiin PSF, PMPF, PISA iyo Daraawiish, hadana waxay xak**ayn la’yihiin dhacdooyinka amni darro ee magaalooyinkaas , sababtoo ah ma helaan xog, horaa loo yiri “War la helyaaba talo la hel”, Khubarada dhanka amniga waxay qabaan, in Puntland ilaa ay hesho Sirdoon xoog leh, aysan xak**ayn karin amni darrad soo foodsaartay.
Madaxweyne walba oo Puntland yimaada wuxuu awood saaraa dhisida ciidamada madaxtoooyada iyo kuwo gaar u ah, kuwii horana waa iska kala tagaan, waa dhibaatooyinka waaweyn ee tayada ciidamada ka haysta Puntalnd.

Bulshada Puntland ayaa niyad jab ka muujiyay itaal darrida dowladda uu hoggaamniyo Madaxweyne Deni, musuqmaasuqa iyo in aan xoogga la saareyn in shacabku helo adeegyada dowladda ee muhiimka ah ee ammaanku kamid yahay, balse wali waxay ka sugayaan xal u helida arrimaas, maadaama ay heysato fursad weyn oo ay wax kaga qaban karto.
Baarlamaanka Puntland oo h**ey loogu dhaaliilay in ay faragalisay xukuumadda ayaa, iyagana laga sugayaa in ay kula xisaabtamaan xukuumadda xil gudasho la’aanta

Ciidanka badda Puntland ( PMPF) waa Ciidan dhina awooda & wardoonkaba dhisan hase ahaatee waxa maamule u ah wiil ay ilmaadeer-yihiin Madaxweyne Deni isaga oo horay wiilkaasi ugu Magcaabay Taliyaha ku xigeenka Ciidanka war-doonka hase ahaatee isaga & Agaasimaha Laanta wardoonka ayaa wada-shaqayn waayay taasi oo keentay in Deni inadeerkiis u u bedelo Ciidanka PMPF, Manalaha khibrad ciidan.

Madaxweyne Deni & Kooxda dhaqaalaha Doorashada ka taageerray ee ay isku saamiga-yihiin wax aka midaysan-yihiin dhaale raadin, maha dad u bisil inay ilaaliyaan Amniga dakda Reer Puntland ee Cashuurtooda lagu dhisaynayo warshadaha & Ganacisga Banaanka.

Maxamuud Shido,waa Hantiilaha Xukuumada waa Ninka ugu awooda Badan Puntland tan & Faroole,waa Ganacsade ah, Hanti badan ka Abuuray Siyaasada wax auu Maal-gelin Muuqata & Mid dahsoonba ku leeyahay Gudaha Somaaliya, Turkiga,Kenya, Dubai

06/15/2020

Xasan Shire Abgaal oo ah Wasiirka dhaqaalaha Deni ahna xubin Firfircoon oo ka tirsan Aaran Shaydaan waxa uu haystaa Sharciga yar ee Dalka Sweden , isaga oo Markii h**e loo diiday hase ahaatee mar danbe si Khaldan ku qaatay.

Dowlada Sweden oo ka mid ah Dalalka aadka u Tix-geliya Dimuqraadiyada & Ilaalinta Sharciga ayaa loo Gudbiyo Gabood Falo uu gaystay Tan Aas-aaskii Puntland & Dilal qorshaysan oo dad Caan ah oo Reer PL lagula kacay.

Cidii Malmuud dheeraad haysta Fadlana nala wadaaga inta aanu Baadhitaanka wadno.

https://www.informationsverige.se/en/jag-har-fatt-uppehallstillstand/samhallsorientering/boken-om-sverige/att-komma-till-sverige/invandring-till-sverige/

06/14/2020

Garoowe:. Eheladii Gudoomiyihii Gobolka Nugaal Alle how naxariistee Gu”jir ayaa Dalka banaankiisa ka furay Gal-dacwadeed ay ku soo oogayaan ( Masuuliyiin Puntland ka tirsan & xildhibaano Soomaaliyeed oo lagu tuhmayo inay wax ka ogaayeen Dilkii Gudoomiyaha

Dadka Dhalashada Maraykanka haysta waxa ka mid ah ee aanu aragnay Magacooda Cali Yuusuf ( Cali Xoosh) oo ah Mudane Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan horayna uga mid ahaa Golihii Wasiirada Xukumadii Faroole

Cali Xoosh waxa uu degen yahay Columbus Ohio waxana Dhawaan loo Gudbiyay Gal-dacwadiisa in kastoo uu ka soo jawaabi waayay Fariimo loo diray & Email

Puntland

Want your public figure to be the top-listed Public Figure in Columbus?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Videos (show all)

Muddo labo sano ah ayan shegenay xaqiiqda dhabta ah kiski allaha u unaxariste gudomiyihi gobolka nugal Abdisalan hassan ...

Website