Dr ramla said

Dr ramla said

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Dr ramla said, Doctor, .

13/09/2021

CUNTOOYINKA U FIICAN HOOYADA UURKA LEH;

Xilliga ay uurka hooyada leedahay waxaa laga maarmaan ah inay hooyadu cunto cunooyin nafaqo leh kuwaasoo aan ku koobnaanay hooyada oo kaliya balse sidoo kale uu kafaa’idaysanayo ilmaha uur jiifka ah hadaba cuntada fudud ama ay ku badantahay baruurtu ayaana haboonayn in la badsado xilliga uurka taas badalkeedana hooyada waxay joogtaynaysaa cunista miraha iyo cuntoyinka leh maadada loo yaqaano Fiber-ka,sidaa darteed cunida miraha ama qudaarta ayaa hooyada iyo ilmahaba u leh faa’iidooyin muhiima sida inay hooyada ka hesho macdanta iyo vitaminda ay u baahantahay iyo inay ka hortagaan calool istaaga kaasoo ay ka cowdaan qaar badan oo hooyooyinka uurka leh hooyada uurka leh waxay u baahantahya inaysan marwalba dareemin qalayl la xiriira biyo la’aan waayo biyaha hooyada uurka leh ka caawiya samaynta madheerta taaso nafaqada u gudbisa uur jiifka kana soo gudbisa wasakhda waxay kaloo biyuhu u wanaagsanyihiin korintaanka ilmaha uur jiifka ah inta ka dib cuntooyinka muhiimka ah ee looga baahanyahay inay hooyada uurka leh joogtayso waxa kamid ah ;

1.LIIN MACAANTA : liin macaantu waxay hooyada ka caawisaa inay jirjeeda ka dhigto mid qoyan o biyo leh waxyna liintu la koobantahay macdanta loo yaqaan Folate taaso qayb ka ah walxa ay ka sameysmaan unugyada dhiiga cas waxayna ka hortag wanaagsan u tahay inaysan hooyadu dareemin dhiig la’aan iyo nafaqo daro soo waajahda xilliga uurka .

2.CANBAHA: canbaha wuxuu ka koobanyahay vitamin A iyo vitaminC wuxuuna ahmiyad u leeyahay hooyada uurka leh iyo ilmaha uurka jiifa halkoob oo canba ah ayaa ka kooban xadiga saxda ah ee hooyada oga baahantahay vitaminA iyo vitaminC sidaas darteed vitaminA ayaa muhiim u leh ilmaha uurka jiifa wuxuuna ka caawiyaa difaaca jirka xilliga dhalashada iyo kadiba

3.AVOKADHADA: sababto ah avokadhada waxay ka kookobantahay macdanaha ay kamid yihiin magnesium,potassium,cholic hooyoyinka uurka leh ee cuna ama caba avokadhada ayaa ku yar lalabada iyo calool qabadka avokadhada aya sido kale ka kooban vitaminC,vitaminA iyo maadada Iron iyo xadi fiber ah sida kale maadad choline ayaa muhiimad u leh koritanka maskaxda ilmaha uurka jiifa

4.BERRIES: mirahan ayaa kamida cuntoyinka u wangsan hooyada uurka leh waayo noocyada kala duwan ee mirahan ku bohoobay magacan ayaa ka kooban vitamino ,macaadin,carbohydrate iyo fiber sida darted hooyada uurka leh ayaa u bahan xadi 60%ilaa 70% waxyna hooyada miran siinayan tamar sido kle waxay u gubinaysa ilmaha

5.LIIN DHANAANTA : waxay ka koobantahay macaadin iyo vitamin badan waxayna yaraysaa calool istaaga iyo lalabada waxyna siyadisa dhalaalka jirka,hadaba cunida ama cabida liin dhanaanta ayaa ah kuwo muhiimad gaar ah u leh hooyada uurka leh

6.MUUSKA : muuska ayaa ka kooban potasium iyo vitamio wuxuuna moosku hooyada uuurka leh ka yareeyaa walwalka,isku ururka minka iyo calool istaaga wuxuuna kaloo u wangsanyahay maqaarka iyo ilkaha

7:TUFAAXA. Waayo wuxuu ka koobanyahay fiber macaadin iyo vitamino wuxuuna hooyada uurka leh iyo ilmahaba u leeyahay faa’iido balaaran daraasad aya lagu sheegay hooyada cunta tufaaxa xilliga uurka u yaryahay jaaniska uu ilmuhu ku dhickaro cudurka neefta,tufaaxa ayaana qaybta koobaad kaga jira miraha la amaano ee u wanaagsan hooyada iyo ilamahaba.

13/09/2021

HYPERTENSION IN PREGNANCY ( dhiig karka xiliga uurka) ayaan maanta ka hadlaya

Cadaadiska dhiigga ee sareeya waxa kale oo afka Ingiriisiga loo yaqaanaa "hypertension."

Cadaadiska dhiiggaagu waxa uu leeyahay laba tiro:

Tirada sare (systolic) waxay muujinaysaa cadaadiska gudaha halbowleyaashaada marka wadnahaagu garaac sameynayo.
Tirada hoose (diastolic) waxay muuji-naysaa cadaadiska gudaha halbow-leyaashaada marka wadnuhu nasanayo.
Inta uurku jiro, waxa la yidhaahdaa waxa aad leedahay cadaadis dhiig oo sareeya haddii tiradaada sare ka badan tahay 140 ta hooseena ka badan tahay 90.

Noocyada cadaadiska dhiigga ee sareeya
Waxa jira laba nooc oo ah cadaadiska dhiigga ee sareeya:

1.Cadaadis dhiig oo sareeya oo mudo dheer jiray (chronic hypertension);

Haddii aad leedahy cadaadis dhiig oo sareeya oo mudo dheer jiray, waxa aad qabtay ka hor uurkaaga. Haddii aad qaadatay dawada cadaadiska dhiigga ee sareeya ka hor intaanad uur yeellan waa inaad awoodi kartid qaadashadeeda inta aad uurka leedahay. Dhakhtarkaaga ayaa la socon doonaa dawadaada.

2.Cadaadis dhiig oo sareeya wakhtiga uurka.(gestational hypertension)

Uurku waxa uu keeni karaa cadaadis dhiig oo sareeya xiitaa haddii aanad waliga h**e u yeellan. Badanaa waxay taasi dhacdaa ka dib todobaadka 20-aad waxana ay iska tagtaa dhakhso ka dib dhalashada ilmaha.
Labada nooc ee cadaadiska dhiigga ee sareeya, labaduba waxay keeni karaan "preeclampsia." Macnaha "preeclampsia" waxa weeye, adiga oo qaba cadaadiska dhiigga ee sareeya, ayaa waxa kale jira in kaadidaada ay leedahay nooc borootiin ah. Dhakhtarkaaga ayaa si aad ah kuula socon doona.

U sheeg dhakhtarkaaga haddii aad qabtid mid ka mid ah waxyaabahan soo socda:

1.miisaan kordhid degdeg ah oo ka badan 1 rodol maalin gudaheed.
2.barar fuulay wajigaaga iyo gacmahaaga.
3.qadaro kaadi ah oo yar oo madow.
4.madax-xanuun daran ama joogto ah
5.aragga indhaha oo isku darsamay ama dhibco hor socda indhahaaga.
6.xanuun aad ka dareentid dhinac midigta ah ee calooshaada, xanuun calool qasan oo khafiif ah oo aad ka dareentid feedhaha hoostooda ama aagga caloosha iyo/ama calaamado u eeg kuwa ifilada.
7.dareen fiigsanaan.

Haddii aan la daweyn, "preeclampsia" waxay noqon kartaa mid halis galin karta naftaada ama nafta ilmahaaga. Wac dhakhtarkaaga haddii aad qabtid ka mid ah calaamadaha sare.

XAALADAHA KU KEENI KARA INU QOFKU KHATAR UGU JIRO DHIIG KARKA XILIGA UURKA;

Sababta keenta cadaadiska dhiigga oo sareeya wakhtiga uurka lama yaqaano. Hase yeeshe, waxa aad ka sii halis badan tahay dumarka kale haddii aad:

1. taariikh gaar ah u leedahay cadaadis dhiig oo sareeya oo mudo dheer soo jiray (dhiig kar) ama cadaadis dhiig oo sareeya wakhtiga uurka.
2.qoyskaagu uu taariikh u leeyahay cadaadis dhiig oo sareeya.
3.da'daadu ka weyn tahay 40
4. Inaad uurka ku sidid in ka badan hal ilmo
5.inaad leedahay xaaladaha caafimaad qaarkood sida sonkorta (kaadi-macaan) ama cudur kalyo.
6.hadii aad horay u yeelatay dhiig karka xiliga uurka .
7. Hadii aad u cayilan tahay (obesity).

DHIBAATADA UU DHIIG KARKU KU KEENI KARO HOOYADA IYO ILMAHA;

Dhiig karka inta lagu guda jiro uurka waxay soo bandhigeysaa qatar caafimaad oo soo food saarta hooyada uurka leh iyo cunugeeda soo koraya:

1.Qulqulka dhiigga ee ibida ayaa yaraanaya. Waxay yareysaa oksijiinta iyo nafaqada ilmaha, taas oo yareyneysa koritaanka ilmaha waxayna kordhisaa halista culeyska dhalashada oo hooseeya.

2.Qalitaanka ibida Xaaladdani waxay horseed u tahay kala-soocidda ibida iyo ilmo-galeenka iyadoo aan waqtigeedii la gaadhin, iyadoo laga joojinayo ilmaha oksijiinta oo dhiig-bax culus ku keena hooyada.

3.Dhalasho hordhac ah Waxay u horseedi kartaa foosha dhicis sababo la xiriira dhibaatooyin nafta halis gelin kara.

4.Cudurka wadnaha ee mustaqbalka. Haweenka uurka leh ee ku dhaca cudurka loo yaqaan 'pre-eclampsia' waxay halis dheeraad ah ugu jiraan inay ku dhacaan cudurrada wadnaha iyo xididdada dhiigga nolosha dambe inkastoo xaqiiqda ah in cadaadiska dhiiggu uu caadi ku soo noqdo dhalmada kadib

DAAWAYNTA:

Sida loo daweeyo 'preeclampsia'
Daweyntu waxay ku xidhan tahay sida calaamadaha aad isku aragtay khafiif u yihiin ama u daran yihiin.

Guud ahaan, haddii aad qabtid "preeclampsia" khafiif ah, waxa jiri doona booqashooyin badan oo aad dhakhtarka ku timaadid iyo baadhitaano badan si loo eego caafimaadka ilmahaaga. Baadhitaanada waxa ku jira tirinta dhaqdhaqaaqa uur-jiifka iyo "ultrasound." Waxa kale oo dhici karta in laguu qoro sariir-jiifid.
Guud ahaan, marka aad qabtid "preeclampsia" daran, waxa laga yaabaa inaad u baahato adeegyada kalkaalinta ama daryeelka oo guriga ah ama aad joogtid cisbitaalka. Go'aanka in lagaa dhaliyo ilmaha waxay ku xidhnaan doontaa halista ku haysata iyo caafimaadka ilmahaaga. Waxa laga yaabaa in foosho sideeda iskaga bilaanto, laguu bilaabo ama in dhakhtarkaagu kuu ballamiyo qalitaan. Waxa laga yaabaa in ilmahaagu dhalashada ka dib joogo goob daryeel ilmo oo gaar ah.

LATALIN:

Daryeelkaaga

Haddii aad dhiig-kar sarreeya qabtid:
• Badanaa hubi cadaadiska dhiiggaaga.
• Aad booqashooyinka dhakhtarkaaga
caadiga ah si adiga iyo ilmahaaga la idiin
hubiyo.
• Daawada cabbirka dhiigga u qaado sida
uu dhakhtarku kugu amray. Daawada
qaado xataa haddii aad caafimaad
dareensan tahay.
• Xaddid qaadashada cusbada.
• Jir dhis samee maalin kasta.
• Nasasho badan qaado. Dhinacaaga bidix
u seexo si ilmaha aad hawada ogsijiinta
• Yareey murugada( stress)

W/Q Dr Ramla Said

13/09/2021

Astaamaha khatarta tilmaamaya ee uurka , haday hooyada uurka leh isku aragto , loo baahan yahay inay degdeg u aado xarun caafimad waxaana ka mida :

1. Barar wajiga ah iyo gacmaha.
2. Madax xanuun daran.
3. Aragtida indhaha oo daciifta.
4. Xanuun daran oo laga dareemo caloosha qaybta hoose.
5. Lalabo iyo matag aad u badan.
6. Biyahu inay dilaacan.
7. Dhiig ka yimaada xubinta taranka.
8. In la waayo ama uu yaraado dhaqdhaqaaqa ilmaha.
9. Qandho, gubasho iyo xanuun inay dareento xiliga kaadida .

Share dheh mahadsanid.

27/05/2021

Kuso dhowoow pagekan kalana soco fariimo caafimad iyo macluumad kalo muhiim ah, mahadsanidiin.

Website