Faddo Online

Faddo Online

FO wa saxiibka adeega bulshada iyo gaarsinta dhambaal hubanti ah.

Photos from Faddo Online's post 01/06/2024

Booliska Puntland oo soo bandhigay Koox ay ku sheegeen magafayaal Puntland ka tahriibinaayay dhalinyaro
-‐----------

Ciidanka Booliska Puntland iyo Ciidanka Booliska Dowladd deegaanka Soomaalida ayaa gacanta ku dhigay shakabad tahriibayaal ah kuwaa oo waday dhalinyaro laga tahriibiyay deegaanada Puntland loona waday in magafe loo gacangalaiyo laguna qabtay Degmada Qabri Dahar.

1- Yuusuf Cali Cabdille
2- Maxamad Farxaan Abshir
3- Safwaan Maxamed C/hi
4- C/hi C/qaadir Maxamad
5- Maxamad Suleymaan nuur
6- Yacquub Maxamuud Maxamed
7_Abdiasiis Yuusuf cllahi

Ciidanka Booliska Puntland gaar ahaan qaybta danbi-baarista CID ee Gobolka Nugaal ayaa sidoo kale wada how-galo lagu dabar jarayo shabakadahan oo caadaystay in ay marin habaabiyaan dhalinyarada Puntland.

27/05/2024

Ergayga cusub ee Arrimaha Soomaaliya u qaabilsanaan doona QM James Swan ayaa maanta tagey Muqdisho, waxaana la sheegay in uu ka shaqeynayo sidii Soomaalida looga taageeri lahaa nabadgalyada, Horumarka iyo Dawlad dhiska, tan dambe ayaa ah aaga siyaasadeed ee loo diray waqtigan, isagoo dhameyn doonaa mudo xileedka xaafiiska UNSOM oo dib loo eegi doono dhammaadka sannadkan.

Swan, ayaa h**ey Soomaaliya u joogay iyadoo ay ka dhacayaan isbedelo siyaasadeed oo jawi doorasho ah, 2012-kii, 2017 & 2022-kii oo uu maareyey dhammaan doorashooyin dad-ban, imaanshihiisu wuxuu kusoo beegmayaa xili aysan Siyaasiinta Soomaalidu heshiis ku aheyn siyaasadda, gaar ahaana cutubka doorashada 2026-ka.

Photos from Faddo Online's post 27/05/2024

Xujaajta dalka Suudaan oo socdaal dhinaca badda ah ku soo gaadhay dhulka Barakaysan ee Sucuudi Careebiya, iyaga oo ka soo degey dekedda Jiddah.

Socdaalka Badda ayaa si weyn uga qiima jaban kan hawada ee Soomaalida ay ku timaaddo.

27/05/2024

Shirkadda Brainbridge waxay ku hawlan tahay in ay ku rakibto madaxa bini'aadamka qof kale. Waxa ay siidaayeen muuqaal muujinaya iyaga oo qof madaxa ka rujinaya oo ku tallaalaya qof kale. Yacni, madaxaaga ayaa lagu rakibayaa qof kale, adigana qofkaa madaxiisa ayaa lagugu rakibayaa. Waxay ku tala jiraan dhawaan inay sameeyaan qalliinkoodii ugu horreeyay oo madaxyada lagu kala beddelayo. Haddii tani dhab noqotana ereyga "geeri" calaamad su'aal ayaa dul hoganaysa, oo milyaneer badan annaga ayaa kurka na loo ka bixin doonaa

Photos from Faddo Online's post 06/05/2024

Saxarada Dadka oo Koronto Loo Bedelayo.

Bare Sare oo wax ka dhiga Jaamacada
Ulsan National Institute of Science and Technology (UNIST) ee Dalka Koonfur Kuuriya ayaa ku guulaystay in saxarada Bani’aadamka uu u bedelo tamarta Korontada.

Ninkan oo lagu magacaabo Professor Cho Jae-weon, ayaa ku doodaya in qof ku uu maalintii saxaroon karo celcelis ahaan 500g,Waxaana loo rogi Karaa 50l oo gaasta methane ah, kaas oo soo saari kara 0.5kWh oo koronto ah ama loo isticmaali karo in lagu baabuur uu ku socdo ilaa 1.2km.

04/05/2024

Ma aaminaysaa ninkaas dhalinyarada ah isaga oo jooga meeshiisa ganacsi oo ahayd kaalin shidaal ayaa inta wiilyar oo hubaysan shidaal ka buuxsaday inta lacagtii uduiday kadibna xabad madaxa kala dhacay kana dhaqaaqay saacaddo kadib reerkiisa ayaa soo qabtay markuu xidhnaa 5 beri maalintii 6aad lasii daayay dilaagii.

Waa waxa qayral caadiga ah ee ka dhacay laascaanood bishii hadda dhamaatay!!

04/05/2024

: Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya, Danjire Michael Nithavrianakis ayaa la kulmay Madaxweynaha Dowlada Puntland,Siciid Deni oo ay ka wada-hadleen khilaafka DFS & Puntland iyo arrimaha Puntland, sida Dimuqraadiyadda, sida ay sheegayaan ilo Wareedyo ka tirsan Villa Garoowe.

29/04/2024

Dalalka reer Yurub ayaa si kumeel-gaadh ah u joojiyey fiisaha dal-ku-gal ee muwaadiniinta Itoobiya, iyaga oo sheegey in Itoobiyaanka magangelyo-doonka ay maaro u la' yihiin.

29/04/2024

Awoowaha ugu yar caalamka: 16 jir ayuu ku guursaday, markaasaa wiilkiisuna 16 jir ku guursaday. Waa reer Libya.

Soomaali ma laga heleyaa awoowe soddon jir ah?

21/04/2024

Muqdisho:-Meydka Wiil iyo Gabar dhalin yara ah ayaa goordhaw laga helay meel udhaw Godka Jilicow gaar ahaan Xaafad ku taala dhabarka danbe ee Hotelka Xaawa Taako ee Dagmada Boondheere.

Meydka labadan qof oo dhowr maalin ku jiray Baabur nuuca aan Xabadu karin ayaa lagu soo baraarugay markii Urta kasoo baxeysa goobta ay dareemeen Dadka Xaafada Wiilka ayaana la sheegay in ahaa Darwalka Xoghayihii h**e ee Xafiiska Reysul Wasaaraha Maxamad Abuukar Subeyr.

Sababta geerida labadan Qof wali war Rasmi ah lagama hayo Ciidamada Booliska ayaana goobta tagay.

21/04/2024

Maxkamadda Rafcaanka G/Banaadir ayaa maanta markii ugu horreysay waxay u fadhiisaneysaa dhageysiga dacwadda ka dhanka ah Sayid Cali Macalin Daa'uud oo horay Maxkamadda G/Banaadir ay ugu xukuntay dil toogasho ah kadib markii Maxkamaddu ay sheegtay inay ku heshay inuu gubay xaaskiisa AUN Luul Cabdicasiis.

Xukunkii h**e ee Maxkamadda G/Banaadir ayuu ka qaatay Rafcaan taasi oo keentay in kiiskiisu mar Labaad furmo.

19/04/2024
18/04/2024

Garawe

18/04/2024

The European Union has donated $116.9 million to Somalis in the world for security especially in Mogadishu.

17/04/2024

Arin yaab leh ayaa ka dhacday Bangi ku yaala dalka Nigeria.

Bangiga waxaa ka banaaneed jagadda "maamulaha bangiga"
Ragii soo codsaday waxaa ka mid ahaa nin ilaaladda bangiga ka mid ahaa, hadii la qaaday imtixaanka kala reebtana isagii ayaa ku soo baxay.

Intuu ilaalada ka mid ahaa ayuu diyaarshay aqoonta bangiga wuxuuna la yimid shahoodooyin la aqoonsan yahay.

- Maalinta jumcada waxay ahayd maalintii u danbaysay uu ka shaqeeyo amniga bangiga.
- Maalinta Isniinta ahna waxay ahayd maalinta ugu horaysay uu ka shaqo bilaabo xafiiska maamulaha bangiga.

Nuxurka sheekada ayaa ah:
1. intaad meel joogtid ayaa meel ka sareesa la daydaydaa.

2. Nolosha intaysan ku badalin, waa inaad adigu.

14/04/2024

Khaire Hussein Issa Hayir

14/04/2024

Dawladda Soomaaliya oo ka hadashay xiisadda ka soo cusboonaatay bariga dhexe waxayna tiri “waxaa ka walaacsanahay xaaladda bariga dhexe ,waxaana ku baaqaynaa dhammaan dhinacyada ay khuseyso in ay si deg deg ah u joojiyaan xiisadda colaadeed.

Waxa kale ayey Dawladda Sooomali war saxafadeedka ku tiri “Soomaaliya waxay ku celinaysa baahida loo qabo in si degdeg ah loo joojiyo weerarada Israa’iil ee Qasa.

Markale Dawladda Soomaliya ayaa ku Celisau in ay dib u xaqiijinayaan taageerada ay u hayso dadka reer Falastiin si ay aayo-ka-tashi iyo cadaalad u helaan.”.

14/04/2024

Allah haw u naxariistee waxa shil gaadhi ku geeriyooday Fannaan Abshir Gaarane oo ka mid ahaa ahaa bahda fanka ee magaalada Muqdisho.

13/04/2024

Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa xaqiijiyay in ay qabteen Markab Konteenar ah oo uu leeyahay ganacsade Israa’iili ah meel u dhow marin biyoodka Hormuz, xilli ay sii xoogeysatay xiisadda u dhaxeysa cadowga soo jireenka ah.

12/04/2024

Shiekh shariif oo shegay in uu kulan dhex maray isaga iyo xasan shiekh maxamud uu fa shil ku dhammaday

Kullanka oo ay garwadeen ka ahayen odayaal dhaqameed

10/04/2024

Eid Mubaarak.
كل عام وأنتم بخير
Dhammaan Axsaabteena nagu xiran meel walboo aad joogtaan.

Faddo Online

09/04/2024

Madaxweyne Xasan Sheekh oo goordhow hadlay ayaa yiri “ Doorasho Qof iyo Cod ah u diyaargarooba”

“Dadka dhahaayo Madaxweynaha wuxuu kasoo horjeedaa Federal oo yaa Federaal dalkaan ka hirgaliyay oo anaga ahayn. Anagaa dalkaan Federal ka hirgalinay, mana ahan wax nagula eedeyn karo”

“Soomaali hashiis ah ayaan ku baqeynaa. Warkeenuna wuu cad yahay. Doorasho Qof iyo Cod ah u diyaargarooba. Aniga balankii aan qaaday ayan ku taaganahay oo ah dadka Somaliyed inay doortaan cidii ay rabaan”

“waxaad dooran kartaan Cali, Calasow, Caasho iyo qof walbo oo ku qanacdaan. Idinkaa xor ah lakin teendhada Maya inaan dib ugu laabano”

09/04/2024

Eid wanaagsan dhamantiin saxiibayal.

Photos from Faddo Online's post 09/04/2024

Garawe ciid siinta caruurta agoonta ee Garawe walalo muxsinin Ah aya ciid siiyay 60 ka mid ah ardayda kulejada agoonta Garawe

Mamule xarunta abshir macalin ibraahim ayaa u mhad celiyay walalaha ciid siinta u sameyay ardayda agoonta ee Garawe

Ustaad clqadir nuur Aadan digsi aya dhankiisa u duceyay cid walbah oo ka qayb qadatay wajiga 1aad ee ciis siinta Agonta magalada Garawe

Photos from Faddo Online's post 20/03/2024

Degmada Gumbax ayaa ka badisay Degmada Banderbayla halka Degmadda Baargaal ay ka badisay Degmada Galdogob Tartan Aqooneed Kediska SBC ee Degmooyinka




Faddo Online

19/03/2024

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY AGAASIMAHA GUUD EE WASAARADDA DHALLINYARADA IYO CIYAARAHA.

Garoowe: 19 March 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 003 ee 19-ka March 2024, ayaa magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad faqradiisa 5-aad iyo Qodobkiisa 109-aad faqradiisa 3-aad

Markuu arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waayo-aragnimadiisa shaqo.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo magacaabida Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha.

Wuxuu xeeriyey:

* Waxaa Cabdirisaaq Aadan Warsame loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.
Puntland State House

04/12/2023

DOOXA| Amiirka dalka Qatar Tamim bin Hamad Al Thani ayaa warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee dalka Qatar (Doodishe).

04/12/2023

Isku dey aqrinta warqada dhakhtarka

04/12/2023

Guul mise hagardaamo qaadida xayiraada hubka.
Wa aragtidadu?

Wilt u dat uw bedrijf hét hoogst genoteerde Reclame- En Marketingbedrijf in Ghent wordt?
Klik hier om uitgelicht te worden.

Video's (alles zien)

Khaire Hussein Issa Hayir
Isku dey aqrinta warqada dhakhtarka#faddo_Online

Adres


Mugadisha Somalia, Nairobi Kenya
Ghent
9051