Somali Embassy in Belgrade- Serbia
Embassy of the Federal Republic of Somalia, Belgrade Serbia ๐ธ๐ด๐ค๐ท๐ธ
Belgrade September 03,2024.
Danjire Mohamed Abdullahi Ahmed ayaa Maanta waxa uu booqasho ku tagay kuliyadda lagu barto wadidda gaadiidka hawadda, gaar ahaan Diyaaradaha noocyadooda kale ee loo yaqaani (Linx Aviation Pilot School in Serbia) xarunteed weyn Belgrade.
Danjiraha waxaa uu la kulamay Mulkiilaha Linx Aviation School ATO, ahna Madaxa Akadeemiyada, Captain Mladen Petkoviฤ. Danjiraha iyo Madaxa Linx ATO waxay ku heshiiyeen inay si dhow uga wada shaqeeyaan iskaashiga iyo tababaridda Duuliyeyaal Soomaaliyeed iyo in fursad la siiyo dhalinyaradda Soomaaliyeed, si ay u helaan mustaqbal ifaya, ugana faa'iideystaan fursadaha waxbarasho ee dhanka duuliyenimadda iyo Gaadiidka hawadda.
Waxaa xaqiiq ah in dhalinyaradda Soomaaliyeed ay Mudane yihiin in loo raadinayso fursdo ay mar walba ku heli karaan aqoon iyo cilmi si ay u gaaraan hiigsiga fog ee mustaqbalkoodda. ๐ธ๐ด๐ท๐ธ
Danjire Mohamed Abdullahi Ahmed ayaa kulan laba-geesood ah la Xoghayaha Joogtadda ah ee Wasaaradda ArrimahaDibadda Jamhuuriyadda Serbia, Mr. Duลกan Kozarev.
Kulan ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga dhinacyada siyaasadda, Waxbarashada, amniga & dhaqaalaha dhanka Gacansiga ee labada Dal, iyadoo loo marayo xiriirka laba geesoodka ah, kaasoo ee ku saleysan danaha wadaagga ah ee dalalka. ๐ธ๐ด๐ท๐ธ
Danjiraha iyo Xogahaya Joogtadda ayaa isla gartay muhiimadda ay leedahay kasoo qeyb-galka Ganacsatadda Soomaaliya ee Suuqa Ganacsiga Aduunka iyo Bandhigga Carwadda 2027 ee ee (Expo-2027) iyo isdhaafiga arimaha hortabinta leh ee labadda dal iyo sidii loo xoojin lahaa. ๐ธ๐ด๐ท๐ธ
Belgrade, August 02, 2024: Danjire: Mohamed Abdullahi Ahmed Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Serbia ayaa maanta kulan Laba-geesood ah la qaatay Wasiirka Iskaashiga Caalamiga, Dib-u-heshiisiinta iyo Xasilloonida Bulshada ee Dowladda Jamhuuriyadda Serbia Mudane: Usame Zukorliฤ.
Danjiraha iyo Wasiirka ayaa ka wada-hadlay arimaha iskaashiga kor u qaadida wada-shaqeynta dhinacyadda badan iyo xiriirk saaxiibnimadda labadda dal ee 64-sano jirsaday.
Wasiirka ayaa bogaadin toos ah u jeediyay horumar Dowladda Federaalka ah iyo shacbiga Soomaaliyeed ay ka sameynayaan marba marka ka dambeysa, gaar ahaan dhinaca dib u dhiska dalkooda, Siyaasadda Arrimaha Dibadda iyo xiriirka Caalamiga ah ee dunidda inteeda kale iyo golayaasha Siyaasadda loo dhan yahay. "Waxaan ku faraxsanahay dib u soo kabashadda Dowladimadda Soomaaliya iyo dhan is bedeladda walba oo ay bushsdda Soomaaliyeedmuujijeen, waxaan jeclahay inaan mar uun booqdo Soomaaliya".
Danjire Maxamed Cabdullahi ayaa mahad celin kadib Wasiirka u rajeeyay guul ka gaaridda shaqadda dalkiisa uu u haayo, isagoo xusay in ay Soomaaliya ay muhiimadda gaarka siiso xiriir Wanaaga iyo wada-shaqeynta saaxiibadda caalamka, iyadoo la ilaalinaayo qawaaniinta Caalamiga ah.
Sidoo kale, Danjiraha ayaa balan qaaday in isaga diplomaasiyiinta kala shaqeysa howl-galka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ee xarunta Belgrade ay kor u qaadi doonaan wanaaginta xiriirka labadda dal, gaar ahaan dhican danaha laba-geesood sida Gacansiga, Waxbarashada, tababaraddda Ciidamaddda, Diplomaasiyada iyo Isu-socodka muwaadiniinta xirfadlayaasha ah ee Soomaaliya iyo Serbia ๐ธ๐ด๐ท๐ธ.
Belgrade, August 01, 2024 Danjire Mohamed Abdullahi Ahmed ayaa maanta waxa uu kulan shaqo la yeeshay Agaasimaha Guud ee Waaxda Afrika iyo Bariga Dhexe ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Serbia Mudane Danjire Djura Likar. Safiirka iyo Agaasimaha ayaa wada-hadalkooda waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee Soomaaliya & Serbia.
Kulannkan oo ahaa wada-hadal shaqo oo laba-geesood ahaa, ayaa ku saabsanaa booqashooyin loo diyaarinaayo qaar ka mid ah Madaxda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo dhawaan imaan doona Belgrade Serbia iyo arimo ku saabsan danaha ay wadaagaan labadda Dowladood. ๐ธ๐ด๐ท๐ธ
Danjire AMB๐ธ๐ด Mohamed Abdullahi Ahmed ayaa maanta kulan labo-geesood ah waxaa uu la qaatay dhiggiisa, Safiirka Korea H.E. Jaewoong Lee ee Belgrade fadhiya. Waxaa ay labadda Danjire ka wada hadalnay xoojinta iskaashiga labada dal si looga wada faaโiidaysto xiriirka wax wada-qasi ee u dhaxeeysa labadda dal ee Somalia iyo Korea.๐ธ๐ด๐ฐ๐ท
Hambalyo Ummadda Soomaaliyeed Sanadguurada 64aad ee Xornimadda Qarankeena! Waxaan u dabaaldegaynaa 64 sano oo xornimo ah.
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, ku nool gudaha iyo dibadba dalka. Allah barakeeyo shacabkeenna Soomaaliyeed meelba oo ayadduunka ka joogaan.
Soomaaliya Ha Noolaato! ๐ธ๐ด๐
Danjire Mudane: Maxamed Cabdullahi Axmed Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ee Belgrade iyo dhammaan Diplomaasiyiinta Safaaradda ka howl-gala waxaa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhammaan Ummadaha Soomaaliyeed ka dib, geerida ku timid Guddoomiyihii h**e ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof.Dr. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
Prof. Jawaari Waxa uu ahaa siyaasi iyo xirfadle sare & qareen sharci, sidoo kale waxaa uu soo noqday Wasiir Agaasime guud, Isku-duwe, wuxuu kaloo soo hogaamiyay guddiyo kale oo heer dowli ah. Waxqabadkii uu qarankeena u soo qabtay waa la xasuusan doonaa. Waxaan tacsi u direynaa Qoyskiisa iyo Eheladiisa intuba.
INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN.
Maalmaha Madaxbanaanida Ummadda Soomaaliyeed ee Farxada leh aawgeed! Diplomaasiyiinta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Belgrade Serbia, Waxaa ay Hambaliyo iyo bogaadin u dirayaan dhamaan Shacabiga Soomaaliyeed meel walba oo ay dunida kabjoogaan.
Farxadda xoriyada 26-ka June iyo 1-da Luulyo, waa maalmo taariikh u leh midnimadda Ummadda Soomaaliyeed. ๐ธ๐ด
Soomaaliya ha Noolaato. ๐ธ๐ด๐
Intii lagu guda jiray Shir Madaxeedka Nabadda Adduunka ee Global Peace Summit ee ka dhacay Switzerland, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Madaxweynaha ๐ธ๐ด Mudane Abshir Axmed iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Serbia ๐ท๐ธ Mudane Nikola Stojanoviฤ ayaa kulmay, si ay uga wada-hadlaan iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Serbia, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka labadda Dowladood ka dhexeeya mudo ka badan 63 sano.
Waxaa sharaf weyn u ah Dowladaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya in ay ka qeybgasho Shirka Nabadda Adduunka 2024 ee ka dhacaya Switzerland.
Daganaansha dunida waa mab'da caalami ah, Qaran kasta waxaa waxaa waajib ku ah inuu u ololeeyo xasilloonida ummadaha iyo Quruumaha kala duwan ee dunidda.
Shirkan oo hal abuurkiisa lagu hindisay Belgrade, waxaa soo jeedintiisa iska lahaa wadamada isbaheysiga Siyaasadda dhexdhexaad ah ee loo yaqaano Non Aliged Movement ee xarunta Belgrade.
Dowladda Soomaaliya waxay mar walba u doodaa nabadda iyo xasilloonida caalamka, waxayna si weyn u fahamsan tahay qiimaha iyo macnaha ay nabaddu u leedahay. ๐ธ๐ด
Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Belgrade Serbia, iyo howl-wadeenadeeduba waxaa ay dhamaan Ummadda Soomaaliyeed iyo Muslimiinta Caalamkuba ugu hambaliyaynasaa munaasabadda Ciidda weyn ee Carafo, Eid Al-Adha.
Danjiraha, iyo dhamaan Diplomaasiyiinta iyo Shaqaalaha Safaaradda waxaa ay Ummadda Soomaaliyeed u rajeynayaa guul iyo horumar waara.
Soomaaliya ha Noolaato. ๐ธ๐ด๐คฒ
Bismilaah Alxamdulilahi.
Maanta, Golaha Guud ee Qaramada Midoobay UNGA ay u codeeyeen doorashada Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo xubin cusub ka noqon doonta Golaha Ammaanka ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ee UNSC ee 2025-2026 ๐ธ๐ด.
Waa markii labaad ee ay Soomaaliya ay ku guuleysato kursigan Golaha Ammaanka UNSC. Soomaaliya waxay si adag u ilaalin doontaa sharciga caalamiga ah, waxayna xoojin doontaa dadaallada loogu jiro xasiloonidda aduunka & dhammaan waajibaadka ka saaran Golaha.
Soomaaliya ha Noolaato.๐ธ๐ด๐
Maalinta Deegaanka Farxada leh ee Adduunka! ๐
Dhamaan Ummadda Soomaaliyeed waxaa la gudboon in ay ilaaliyaan, kuna dadaalaan, ilaalinta dhirta, bad-qabka deegaan iyo meelaha doogga leh. Waxaa la joogaa wakhtigii uu qof walba beeri lahaa geed cagaaran oo wax tar u leh dadka iyo deegaanka intuba. Xaqiijinta dhir beerista waa mustaqbalka jiilasha soo socda.
Maalinta Deegaanka Adduunka. ๐๐ด๐ชด๐ณ๐๐๐ก๐
Guusha kursiga Soomaaliya ee golaha ammaanka UNSC 2025-2026, ayaa muhiim u ah Dowladaha Caalamka, Afrika iyo Carabta si ay u horumariyaan, gacana uga geystaan u ololeynta nabadda iyo xasilloonida caalamka.
Waxaa la joogaa waqtigii matalaada Soomaaliya ay ka tarjumaysa aragtiyada iyo danaha kala duwan ee dhammaan ummadaha aduunka. ๐๐ธ๐ด
Soomaaliya ha Noolaato.
Danjiraha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya u fadhiya dalka Serbia magaaladda Caasimada ah ee Belgrade Mudane Maxamed Cabdullahi Axmed ayaa maanta ka qayb galay Maalinta Diblomaasiyadda Jamhuuriyadda Serbia, Munaasabadda oo lagu xusayay aasaaskii Xafiiska Arrimaha Dibedda ee Xaruunta Belgrade ee la aas-aasay sannadkii 1839.
Khudbadda Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Serbia Danjire Marko Djuriฤ ayaa aheyd mid tilmaan dheer ka bixinaysay xiriirka wanaagsan ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay ka shaqeysay tan iyo markii la aas-aasay.
Danjire Maxamed ayaa munaasabadda la xusayo ku tilmaamay maalin taariikhiga ah, sidoo kalana u xaasiibadda shaqo-wadaagta ah u rajeynayaa guul iyo in ay sii wadaan shaqadda qarankooda ah u hayaan. ๐ธ๐ด๐ท๐ธ
๐Aden Abdulle International Airport - Mogadishu, Somalia ๐ธ๐ด
Aden Adde International Airport , formerly known as Mogadishu International Airport, is an international airport serving Mogadishu, the capital of Somalia.
It is named after Aden Abdullah Osman Daar, the first President of the Somalia Republic.
Danjiraha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya u fadhiya Belgrade Serbia ayaa maanta ka qeyb-galay Munaasabadda Xuska Maalinta Afrika oo lagu qabtay Xarunta taariikhda ee Palace of Serbia. Danjire Mohamed Abdullahi Ahmed ayaa uu rajeeyay shucuubta Afrikaanka ah, ku nool Gudaha Qaaradda iyo Dibadda intuba in ay ku noolaadaan nabad iyo barwaaqo. Sidoo kale, Danjiraha ayaa u mahad celiyay Wasaaraha Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Serbia qabanqaabada xafladan cajiibka ah iyadoo kaashanaysay Safaaradda Dalalka Afrika ee Belgrade fadhigeedu yahay. ๐ธ๐ด๐ค๐ท๐ธ
On the occasion of the African Day celebration held in Belgrade, H.E. Ambassador Mohamed hopes the rest of the great African population, both on and off the continent, remains peaceful and prosperous. Thanks to MFA/Serbia for organizing this awesome event in solidarity with the African nations. ๐ธ๐ด๐ค๐ท๐ธ
Danjire Mohamed Abdullahi Ahmed ayaa tacsi u diray shacabka iyo dowladda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran isagoo u maraya safaaradda Iran ee Belgrade, geeridda lama filaanka ah ee ku timid Madaxweyne Ebrahim Raisi, Danjiraha ayaa u rajeetay Madaxweynaha iyo inta la geeriyootayba in Allah SWT ku abaalmariyo naxariistii jannatul Firdowsa. ๐ธ๐ด๐ฎ๐ท
H.E. Ambassador extended his condolences to the people and the government of the Islamic Republic of Iran through the Iranian Embassy in Belgrade on the passing of President Ebrahim Raisi, May his soul rest in peace in jannah Al-firdows.
๐ธ๐ด๐ฎ๐ท
Welcome to Mogadishu the Capital city Somalia. ๐ธ๐ด
Farxadda Maalinta Hooyadda aduunka aawgeed waxaan hambalyo iyo bogaadinba u diraynaa dhammaan hooyooyinka Soomaaliyeed meelba oo ay adduunka ka joogaan! Waxaan la ilaawi karin kaalinta-weyn naf-hurnimadda ah iyo dadaalka xooga leh ee aad ku bixiseen jiritaanka caruurta iyo qoysaska Soomaaliyeed intuba. ๐๐ธ๐ด HOOYO
Happy Mother's Day to all the incredible moms around the world! Your love, strength, and sacrifices are truly appreciated and celebrated today and every day. ๐ธ๐ด๐ MAMA
Maanta, MAY 01, 2024. Danjire Mohamed Abdullahi Ahmed ayaa ka qayb galay kalfadhigii ugu h**eeyay ee gaarka ah ee golaha Shacabka Jamhuuriyada Serbia ee doorashada xukuumada cusub. Halaaksi oo uu Barnaamijka cusub ee xukuumadda uu soo bandhigay Ra'iisul Wasaaraha Mudane Miloลกa Rucevic iyo xubnihiisa Golaha Wasiirada shanta sano ee soo socota.
Kulankan gaarka ah ayaa lagu Casuumay dhamaan Danjireyaasha madaxadda ururadda Caalamiga ah ee fadhiya Belgrade Serbia.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa soo bandhigay Banaamij cusub oo ay xukuumadiisu fulin doonto mustaqbalka iyo xoojinta xiriirka xiriirka ay Serbia laleedahay dalalka soo koraya oo Afrika ugu h**eeyso.
Dhamaan Diplomaasiyiinta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka ah Soomaaliya ee Belgrade Serbia oo ugu h**eeyo Danjiraha waxa ay hambaliyo iyo bogaadin u diraysaa dhammaan hawl-wadeennada hawl-karka ah ee ku kala sugan daafaha dunida, gaar ahaan shaqaalaha Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan, farxadda maalinta shaqaalaha aduunka ee 1-da May. Waxaan leenahay nabad iyo barwaaqo dhammaantiin, sidoo kale waxaan u rajaynaya guul, horumar & caafimaad wanaagsan. Soomaaliya Koowaad ๐ช๐ธ๐ด.
SHAQAA SHARAF LEH.
Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka ah Soomaaliya ee Belgrade Serbia Mudane Danjire Mohamed Abdullahi Ahmed ayaa ka qayb galay kulan uu soo agaasimay Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Serbia Mudane Aleksandar Vuฤiฤ.
ka dib, markii uu martiqaad rasmi ah ka helay Madaxweyne Vuฤiฤ, kulan ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Danjirayaasha dalalka Afrika ee Belgrade fadhigeedu yahay. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka Afrika iyo Serbia iyo sidoo kale arrimaha muhiimadda leh labada dhinac, iyadoo la ilaalinayo xiriirka iyo macaamilka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya isbaheysiga isutaga Ururka Siyaasadda dhex dhexaadka ah ee Non Aliged Movement. ๐ธ๐ด๐ท๐ธ.
Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalkaah ah ee Soomaaliya Danjire Axmed Macalin Fiqi oo ay weheliyaan Wasiirka Caddaalada iyo Dastuurka Mudane Xasan Macalin Maxamud Sheekh Cali iyo Wasiirka Warfaafinta Daaโuud Aweys Jaamac ayaa kulan laba-geesood ah la yeeshay Ra'iisul Wasaare ku-xigeen ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Serbia ๐ท๐ธ Mudane Ivica Daฤiฤ oo ay weheliyaan Wasiirka Ganacsiga Tomislav Momiroviฤ iyo Ergeyga Dowladda Serbia ee geesta African Dr. Vladimir Orliฤ.
Kulankan labad- geesoodka ah ayaa ka dhacay Darsalaam dalka Tanzania ๐น๐ฟ waxaan looga wada-hadlay kor u qaadista iskaashiga labadda dal, xoojinta xiriirka soo jireenka ee socday ilaa 1960kii.
Iskaashiga labadda Dowladood ee Somalia ๐ธ๐ด iyo Serbia ๐ท๐ธ ayaa marba marka kasii dambeysa sii xoogeysanaya marka laga eego dhanka Siyaasadda, Ganacsiga, Waxbarashada, tababaraddda Ciidamaddda, Diplomaasiyada Caalamiga ah iyo kulamadda Madaxda labadda Dowladood intuba.
Ugu dambeyn, Diplomaasiyiinta ka howl-gala Safaaradda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Belgrade Serbia, waxaa sharaf u ah wanaaginta iyo maareeynta xiriirka labadda dal.
Wabilaahi Towfiiq. ๐ธ๐ด๐ท๐ธ
Ka dib casuumad sharafeed uu Wasiirka Ganacsiga Jamhuuriyadda Serbia Mudane Tomislav Momiroviฤ, uu u fidiyay Danjirayaasha Dalalka Islaamka ee Fadhiga magaaladda Belgrade Caasimada dalka Serbia ayaa Mudane Danjire Maxamed Cabdullahi Axmed oo matalaya Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya kala qeyb-galay xaflada casho sharaf ah ee loo sameeyay Danjirayaasha wadamada Islaamka ee Serbia u fadhiya dalalkooda, xafladda ayaa ka dhacday xarunta taariikhda ah ee (smederevo obrenovic dynasty) oo ah xafiiskii looga arimin jiray dowladii weyneyd ee Yugoslavia ๐ธ๐ด๐ท๐ธ.
Sidoo kale, waxaa xaflada lagu casuumay M***iga bulshadd Islaamka ah ee dalka Serbia M***i Dr. Mustafa ef. Jusufspahiฤ.
Mogadishu, the capital city of the Great Somalia ๐ธ๐ด.
Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Belgrade, waxaan ay bogaadinaysaa Booqashadda uu maanta Magaalada Caasimada ee Muqdisho uu ku gaaray La-taliyaha Arrimaha Amniga iyo Siyaasadda ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Serbia oo lagu magacaabo Mudane xildhibaan Dr. Vladimir Orliฤ.
Wafdiga Ergeyga waxaa si hagaagsan u qaabilay Ra'iisul Wasaaraha Dalka Mudane Xamse Cabdi Barre OPM Somalia weheliyaan Wasiir ku-xigeen Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha iyo Xogheynta Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka.
Sidoo kale, Mudane: Xildhibaan Dr. Vladimir Orliฤ ayaa booqasho iyo Salaan Sharafeed ugu tagay Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Dalkeena, Mudane: Sheekh Maxamed Nuur (Madoobe). Golaha Shacabka BJFS
Socdaalka Ergeygan gaarka ah ahna La-taliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Serbia, ayaa la xiriira shaqo diplomaasiyadeed, xoojinta xiriirka labada dalka iyo fariin uu ka waday Madaxweynaha Dalkiisa Mudane: Aleksandar Vuฤiฤ iyo Dowlada Serbia kuna socotaa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Wafdiga Ergeyga oo waxaa ka mid ah Danjiraha cusub ee Dowladda Jamhuuriyadda Serbia u qaabisan Dowladda Federaalka Soomaaliya Mrs. Danijela ฤubrilo Martiฤ.
Dhanka kale Danjire Mohamed Abdullahi Ahmed iyo Diplomaasiyiinta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ee Belgrade Serbia, ayaa waxaa ay si balaaran uga mahad celinaysaa soo dhaweynta ay Dowladda Federaalka ah u sameysay wafdiga Dowladda Serbia, gaar ahaan kaalin Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Golaha Shacabka iyo Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. ๐ธ๐ด๐ค๐ท๐ธ
Wabilaahi Towfiiq.
Ra'iisul Wasaare ku-xigeen ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Serbia Mudane: Ivica Daฤiฤ ayaa dhamaal hambaliyo ah u diray Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Danjire Axmed Macalin Fiqi. Ahmed Moallim Fiqi
Wuxuuna u rajeeyay horumar iyo hiigsi wanaagsan oo la xiriira dhanka xoojinta cilaaqaadka caalamka iyo iskaashiga dunida kala dhaxeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. ๐ธ๐ด๐ค๐ท๐ธ
Danjire: Mohamed Abdullahi Ahmed ayaa Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Belgrade- Serbia ku soo qaabilay dhiggiisa Imaaraadka Carabta Danjire: Ahmed Almenhali, Labada Safiir ayaa ka wada hadlay ilaalinta, xoojinta iyo sare u qaadida iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya & Imaaraadka Carabta.
Sidoo kale labada Danjire ayaa ku wada-hadlay muhiimadda ay leedahay isdhaafiga khibraha iyo wada-shaqeynta dhow ee dhan xiriirka caalamiga ah. ๐ธ๐ด ๐ค ๐ฆ๐ช
Hambalyo sanad guurada 64-aad ee ka soo wareegatay aas aaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. 12 April, waa maalin mudan in la xuso laguna sharfo himiladii iyo hoggaankii Jeneraal Daaโuud Cabdulle Xirsi, aas aasihii ciidanka xoogga dalka.
Waxaan sharfeynaa geesinnimada, naf-hurnimada askarteena. 64 sano ee la soo dhaafay ciidanka XDS waxaa ay soo mareen xaaladdo kala duwan, iyagoo u taagan difaaca qarankeena iyo sugida amnigeena. Waxaan salaamaynaa ragga iyo haweenka u soo shaqeeyay XDS welina ka sii shaqeynaya, waxaana uga mahadcelineynaa sida hagar laโaanta ah ee ay uga goโan tahay ilaalinta Soomaaliya iyo dadkeeda. Sanad guuradii 64-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. ๐ธ๐ด๐
Click here to claim your Sponsored Listing.
Videos (show all)
Category
Contact the organization
Website
Address
Belgrade
Opening Hours
Monday | 09:30 - 16:00 |
Tuesday | 09:30 - 16:00 |
Wednesday | 09:30 - 16:00 |
Thursday | 09:30 - 16:00 |
Friday | 09:30 - 15:00 |