Ogaden Vault

Ogaden Vault

I hope this page is inspiring and brings you perhaps some knowledge along the way. - Ahmednur Hassan

23/11/2023

Doorashada golihii Deegaanka ee Kismaayo, ee sannadkii 1956’dii

Waa doorashooyinkii golaha Deegaannada Soomaaliya ugu dambeeyay, ka hor intii aan dalku xornimo qaadannin iyo xilligii Soomaaliya ay ku jirtay maamulkii Trust Territory of Somaliland under Italian Administration ama Afka Talyanka lagu odhan jiray Amministrazione fiduciaria italiana della Somalia.

Harti 9
Ogaadeen 4
Sheekhaal 2
Awrtable 1
Marreexaan 1
Baajuun 1
Gosha 1
Dir 1
Hawiye 1

- Ogaden Vault

- Ogaden Vault

Photos from Ogaden Vault's post 22/11/2023

Waxaan horay idiinla wadaagay Golihii Deegaanka ee Baardheere 1950’kii.

Tanna waa doorashadii 6 sano kaddib ahayd oo ku beegnayd 1956’dii iyo ciddii markaas ku soo baxday Golihii Deegaanka ee Baardheere.

Liistadii h**e rag ku jiray baa doorashadan ka hadhay, rag cusubna waa ku soo biireen, tiro ahaan se Cawlyahan wuxuu xajistay 7’diisii kursi.

Warqaddii h**e iyo tan dambeba waan isu kiin soo raacshay si aad magacyada hadhay iyo kuwo ku soo biiray u eegtaan.

Odayga ku saxiixan warqadda waxaa la odhan jiray Franca Zadotti, wuxuu na ahaa kormeere ka socday Talyaaniga. Waa doorashooyinkii golaha Deegaannada Soomaaliya ee ugu dambeeyay, ka hor intii aan dalku xornimo qaadannin.

Waa xilligii Soomaaliya ay ku jirtay maamulkii Trust Territory of Somaliland under Italian Administration ama Afka Talyanka lagu odhan jiray Amministrazione fiduciaria italiana della Somalia.

- Ogaden Vault

21/11/2023

Telegram uu Talyaanigii Muqdisho (Italian Somaliland) u diray wasaaradda Talyaaniga u qaabilsayd waddamadii Talyaanigu guumaysanayay, ayaynu dhacdadan ka soo xiganaynaa. Sidan ayaana ku qoran;

Cabdallaha Tolomogge (Ogaadeen) ayaa weerar ku qaaday Cawlyahan, iyagoo doonaya inay u soo aaraan Ugaaskoodii Dhicis Muuse ahaa oo waa dhaweyd ku baxay gacanta Cawlyahan, degganaa meel u dhow dhulka maamulkannaga. Dagaalku wuxuu billowday 3’dii December, Cawlyahanna waxay soo magan-galeen dhulka aannu ka talinno, Tolomogguhuna way ku raad joogeen.

Maleeshiyadanadii iyo cutub askartannada ka mid ah oo hoos yimaaadda Taliyaha Luuq noo joogay ayaa dib u caabbiyay Tolomoggihii December afarteedii, kaddib dagaal aannu isu jilib-dhignay oo dhiiggu daatay, meel u dhow laagta Afmadow. Labadii beeloodba waxaannu ka saarnay deegaanka aannu ka talinno ee Talyaaniga.

Muqdisho December 18’keedii, 1923’kii.

Xigasho: Memorandum by the Italian Government on the Situation in Ethiopia

Photos from Ogaden Vault's post 20/11/2023

Dagaalkii Ethiopia iyo Talyaaniga markii uu socday ayaa November 1935’tii, Xuseen Xayle oo ay weheliyaan cuqaal kale oo reer Dalal ah, waxa ay codsadeen in loo oggolaado inay keenaan 2,500 nin oo ka barbar dagaalanta Talyaaniga, oo ka qayb-qaadata dagaalka Talyaanigu kula jiray Xabashida iyo maamulkeeda Addis Ababa.

Cuqaasha kale ee ka soo jeeda Makaahiil iyo reer Cilmi ayaa iyaguna taageero u muujiyay Talyaaniga, ciidamona keenay

- Ogaden Vaulte

Photos from Ogaden Vault's post 19/11/2023

Away reer Qorraxay?

Odayada magacyadoodu meesha ku xusan yihiin bal sawirka ka soo dhex qabta, intiinnii nolol ku soo gaadh’dhay raggaas.

- Ogaden Vault

18/11/2023

Wargeys la odhan jiray Evening Post, Wellington NZ, 1901’dii, wuxuu qoray in Majeerteen iyo Sayidku xulufo noqdeen, 80 kun oo ninna ay ku soo biiriyeen Daraawiish.

Inkastoo war aan markaas weli la xaqiijinnin ahaa, haddana Ingiriisku wuxuu qorshaynayay inuu carro Majeerteen si kediso ah duullaan ugu qaado.

- Ogaden Vault

16/11/2023

Cilmi-baadhe jarmal ah oo Ulrich Braukämper la yidhaahdo, sida uu ku soo qaatay buuggiisa ( A History of the Hadiyya in Southern Ethiopia), waxa uu odhanayaa jilibbada Hadiya ee la kala yidhaahdo Wege iyo Malge oo dega gobolka Ethiopia ee qawmiyadda Shucuubta Koonfureed, waxay sheegtaan inay ka soo jeedaan Sheekh la odhan jiray Asxaab Cusmaan oo ku aasan meel u dhow deegaanka Tico (Bariga carro Caruuso), ninkaas oo noolaa xilligii Axmed Gurey, door muhiim ahna ka soo qaatay deegaannadan

Wuxuu odhanayaa Ulrich, sida taariikhda sooyaalku werinayso isku-dhac aan la ogayn wixii keenay ama u sababta ahaa ayaa ninkaa waxaa dilay colwad Ogaadeen ah oo la odhan jiray Aṭalībo. Dabadeed waxaa ninkii dilkaas geystay habaaray Amiir Nuur oo ahaa ninkii saldanada ka dhaxlay Axmed Gurey.

- Ogaden Vault

Photos from Ogaden Vault's post 15/11/2023

Maqaalku maanta wuxuu ku saabsan yahay dagaal sokeeye oo mar ka dhacay deegaanno NFD ah oo Wajeer iyo Gaarrisa hoos yimaadda. Muhiimadda aan uga soconno ma’aha dagaalka laftiisa ee waa taariikh iyo sheekaynta qaabkii uu ku dhintay Suldaankii Waamo, Suldaan Axmed Magan Yuusuf,.

Waxaa arrintan oo dhacday billowgii qarnigii 20’naad xusaya Ku-sii-simihii Commissionerka Jubbaland, Captain Robert Edward Salkelkd.

Soomaalida dhexdeeda, loollanka ku saabsan daaqa, ceelka iyo carshintu aad buu u badnaa, marka laba jifo ama beelood isa soo garab degaan. Haddaba Captain Salkeld oo inoogu warramaya qoraalo uu qoray 1914’kii, wuxuu yidhi;

“ Sannad iyo badh ka hor, ayay reero Caabudwaaq ahi ka soo guureen Waqooyiga Webiga Taana oo ay soo degeen agagaarka Wajeer, nin Ingiriis ah oo Samuel Frederick Deck la odhan jiray baa dib u celiyay. Waa ay yeeleen laakiin intii aysan noqon ka hor ayay tuulo Maxamed Subeer ah gabogabeeyeen, dadkii degganaa oo 26 qof ka koobanna waa ay dileen. Dagaallo yaryar baa xigay oo socday ilaa iyo 21’kii December.

Markaas kaddib ayaa col Maxamed Subeer ah oo ka kooban 400 oo nin, ku na hubaysan 200 oo qori waxay ku duuleen Caabudwaaq, waxayna sida ay sheegteen soo dileen 174 qof. Dagaalkaasi 7 saac buu ka socday meel dooxada Lorian ka xigta Koonfur.

January 16’keedii ayay dabadeed Caabudwaaqdu soo qaadeen dagaal kedis ah, ka na dileen Maxamed Subeer 180 nin oo uu ku jiro Suldaan Axmed Magan iyo rag kale oo madax ah (Liisto gooni ah ayuu magacyada ku xusay Commisionerku, waxayna ku ladhantahay qormadan)

January 18’keedii ayaan soo gaadhay Lorian anigoo aan xog haynin, cuqaasha Soomaaliyeed ee i weheliyayna xog igu ma dhaamin.

January 21’keedii sahankii aan diray baa igu soo noqday oo ii sheegay in Caabudwaaqdu ay ku laabteen deegaanka Taana, oo ay dhufaysyo ka qoteen aagga Werato Shimbiru oo 25 mayl Waqooyi kaga beegan Sankuuru ee deegaanka Taana.

Godfrey Stanhope Mure ayaa dhanbaal u diray Maxamed Subeer iyo Caabudwaaq, uu ku war-gelinayay inaannu soo booqanayno deegaanka Lorian. Farriintu waa ay gaadh’dhay Maxamed Subeer, ma se hubno in Caabudwaaqna ay gaadh’dhay.

Dagaalka labadan jilib u dhaxeeyay waxaa lagu tilmaami karaa cawaannimo. Wax naxariis ah la isuma gelin, laysk**ana sugaynin. Rag iyo dumar midna lama dhaafaynin oo dil foolxun baa la isu geysanayay, taas oo sida ay ila tahay in la nabdo ama la midoobo kor u laalaysa.

Khasaaraha nafeed ee colaaddani gelaafatay sidii aan markii h**e moodayay wuu ka culus yahay. Labadii bilood ama saddex bilood ee u dambeeyay waxaa labadan jilib ku kala dhintay lix boqol oo qof, isu-geyn.

Tiro boqol ku dhaw oo dhaawac ah oo dumar iyo carruur u badan baa na la soo gaadhsiiyay. Ciddii la kala dilo lama aasaynin. Waxaa suurto-gal ah in Maxamed Subeer soo rogaal celiyo marka roobku da’o. Fili maayo in xilli xaadirkan ay colaaddani innaga (Ingiriiska ah) halis inagu tahay dhan siyaasadeed.”

Dhanka Ingiriisku, aad buu u soo dhaweeyay dagaalkaas, maadaama uu u arkayay inay meesha ka saarayso in Ogaadeen u midoobo kacdoon ka dhan ah maamulka Ingiriiska, sida uu qoray sarkaal Ward la odhan jiray

- Ogaden Vault

Photos from Ogaden Vault's post 13/11/2023

Dagaalkii Labaad ee Adduunka iyo sidii uu u saameeyay degmada Afmadow, Jubbaland.

Talyaaniga ayaa qabsaday British Somaliland (Waqooyi). Ingiriiskuna 1941’kii ayuu dib u qabsaday oo uu macal Italian Somaliland (Koonfur) xataa wada qabsaday.

Markii uu Ingiriisku uu xoog kula wareegayay Italian Somaliland (Koonfurta Soomaaliya), Afmadow iyo Jubbalandba waxay ka mid ahaayeen goobihii ay dagaalada culus ku dhex mareen Talyaaniga iyo Ingiriiska.

Markii Ingiriisku Afmadow qabsaday, wixii qalab ama gaadiid dagaal ee yaallayna ku la wareegay, qaarna gubay, sida diyaarad milatari oo Talyaanigu lahaa oo la odhan jiray “Caproni”, halkan ka daawo sawirradii.

Waxaa qaaday Askari Ingiriis ah oo la odhan jiray Neol Smith.

- Ogaden Vault

12/11/2023

Ceel ku yaalla Afmadow, Jubbada Hoose, Jubbaland, 1925’tii. Waxaa sawirka qaaday Kornayl E. H. M. Clifford.

Gabadha karkaarka ku taagan ee u muuqata inay dawliska hayso, ragguna ku eeganayaan hawsha, ma dhaqan Waamo ka jiraa?

- Ogaden Vault

11/11/2023

Sayid Maxamed walaalkii, Axmed Cabdille Xasan.

- Ogaden Vault

Photos from Ogaden Vault's post 09/11/2023

Enrico Cerulli wuxuu ahaa Cilmi-baadhe iyo Diblumaasi Talyaani ah. Markii Talyaanigu qabsaday Ethiopia, wuxuu Enrico Cerulli ahaa Guddoomiyihii Herar, marna Shewa ayuu guddoomiye ka ahaa. Waa 1939'kii ilaa iyo 1940'kii. Wuxuu kale oo Enrico hayay xafiiska arrimaha dibadda ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Bariga Afrika, ka hor intii aan dalalka Bariga Afrika qaadan xornimada. Buugaag badan oo ku saabsan Soomaalida ayuu qoray oo ay ka mid yihiin;

1:Tradizioni storiche e monumenti della Migiurtinia 1931
2: La Somalia nelle Cronache Etiopiche 1929,
3: Somalia III - La poesia dei somali, la tribù somala, lingua somala in caratteri arabi ed altri saggi 1957
4: Somalia II - Diritto, etnografia, linguistica, come viveva una tribù Hawiyya 1959
5: Somalia I - Storia della Somalia. L'Islam in Somalia. Il libro degli Zengi.

Buugga aynu maanta xiganayno oo ah buugga la yidhaahdo - Storia della Somalia. L'Islam in Somalia. Il libro degli Zengi oo uu qoray 1957’dii, wuxuu kaga warramayaa caqabado dhawr ah oo Sayidku la kulmay oo u saamixi waayay inuu si guud Soomaali dhammaanteed hoos keeno taliska Daraawiishta. Wuxuu yidhi;

Wuxuu Sayidku sameeyay maleeshiyooyin khaas ah oo uu magacyo cusub u bixiyay, sida “Xagato” oo ahaa askar uu ka shaqaalaysiistay beesha Habar Gidir, “Dhugad” (Kuwii shiishka wacnaa) oo ahaa askar uu ka shaqaalaysiistay beesha Makaahiil (Ogaadeen), iyo Qayaad oo uu ka shaqaalaysiistay beesha Dhulbahante.

Uma aysan se suurto-gelin inuu arrintan si dhamaystir ah u hir-geliyo, oo dhawr caqabood baa soo wajahay oo ay ka mid ahaayeen; Cadaawad ay Isaaqa badankiisu u qabeen, taas oo salka ku haysay colaaddii soo-jireenka ahayd ee Isaaq iyo Daarood ka dhaxaysay. Warqaddii Maxamed Saalax ka timid oo shaki la’aan Sayidka ku ahayd dharbaaxo, maaddaamoo oo uu horay uga cadaawad saamaystay Qaadiriyada oo uu ku qasbanaa helidda garabka Saalixiyada. Muhiimadda ay u lahayd inuu askartiisa u helo xoolo ay dhacaan, haddii kale ay adkayd inay la sii joogaan.

Arrimahaas oo dhan oo is biirsaday iyo dabeecaddiisii u-dhalanka ahayd baa keentay in Sayidku ka soo d**o mansabkiisii ahaa; Mahdigii Soomaalilaan, ku na dambeeyo Ugaas beeleed. Ugaas awood leh oo qabaa’ilka Daraawiisheed ah, sababtoo ah Daraawiish ayaa u samaysnayd sida qabaa’illada Soomaalida ee tolalka isku dhafan ah.

- Ogaden Vault

Photos from Ogaden Vault's post 08/11/2023

Beelaha reer Qorraxay qaar ka mid ah oo uu qoray dhul-mareenkii Philipp Paulitschke ahaa 1893’dii.
- Ogaden Vault

Photos from Ogaden Vault's post 07/11/2023

Sida uu qoray dhul-mareenkii Austianka ahaa, Phillip Paultschke, mar uu ka hadlay markii Menelik uu is balaadhinta ku jiray, dhanka Deegaanka Soomaalidana ku soo fidayay, wixii uu kala kulmay ee iska caabbin ahaa, wuxuu yidhi;

“Xabashi uma aysan suurto-gelin in ay qabsato Ogaadeenka, oo reer Amaadin baa ku jebiyay Sulul 1893’dii, ka na dilay rag shan kun oo nin gaadhaya”

Kornayl Harald George Carlos Swayne ayaa isaguna ku xusaya buuggiisa xusuus-qorka ah ee la yidhaahdo "A Trip to Harar and Imé", safar uu deegaanka ku tegay, goobo ay ka mid yihiin Herar iyo Iimey, 1893'dii. Isagoo isla dhacdadii Paultschke ka hadlay sii xoojinaya ayaa wuxuu yidhi;

“Dhawr goor ayay Reer Ammaadinku jabiyeen Xabashida. Goobtii laba ama saddex sano ka hor lagu jabiyay ciidankii cuslaa ee Xabashida ayaan arkay oo weli teendhooyinkoodii daadsanyihiin.”

Swayne wuxuu ku sugnaa carro Maalinguur markaa, dabadeed wuxuu odhanayaa Maalinguur baa iiga warramay reer Amaadin oo xog iga siiyay, wuxuuna odhanayaa Swayne;

“Waxaan doonayay inaan farriin u diro Reer Amaadin, oo aannaan wali kulmin, si aan u ogaysiiyo in u jeedkaygu yahay nabad. Laakiin se kaymaha naga horreeyay oo oomane ilaa afartan mayl ah, ayaa raggii farriinta iga sii qaadi lahaa cabsi geliyay, Reer Amaadinna xog kamo hayno ah, inay na weeraari doonaan iyo in kale.

Maalinguurku waxay ii sheegeen in Reer Amaadinku yahay qabiil dagaalyahan ah oo gaan ah oo aan wali arag qof Ingiriis ahba. Soomaalidii ila socotay ee jidka i marinaysay oo ka kooban labaatan rukuubley ah, iyo annagoo oo ay na sii wiiqday in sahamiyahannagii aannu reebnay, xaalad khatar ah bay nagu ahayd inaannu horay deegaanka u sii galno annagoon wax xog ahba ka haynin.”

Swayne iyo mar ay kulmeen horjoogihii Reer Amaadin ee la odhan jiray Jaamac-dheri, wuxuu Swayne kulankoodii ka qoray intan;

“Habeen baa waxaa ii yimid Jaamac Dheri iyo wiilkiisii Xirsi oo ku jooga laba faras oo qaaje ah [Fardo midab cad]. Jaamac wuxuu ahaa nin aad u qurxoon (qoodh ah) oo ah abbaanduule dagaalka ku ba’an, hadda se gab**bay oo gadhku boosh yahay, sidii se kale se nin aad u qorqoran ah , midabkiisuna madow-xigeen yahay.

Waa ninka ugu aftahansan reer Amaadin, wuxuu na tirinayay geeraarro ah nooca laga dul tiriyo iyadoo faraska la saaran yahay marka la dabbaal-degayo. Balwaddiisu waa dhaca geela iyo duullaan-gelinta beelaha dariska ah.”

- Ogaden Vault

Photos from Ogaden Vault's post 06/11/2023

Geelal Cawlyahan ah oo ka cabbaya dooxada Dhasheegga Waamo, 1925’tii. Waxaa sannadkaas dooxada ka socday iska-hor-imaad u dhaxeeyay Talyaaniga iyo Soomaalida.

Sawirka xiga isna waa laba wiil oo Cawlyahan ah iyo 1897’dii, aagga luuq Ganaane. Waxaa qaaday dhulmareen la odhan jiray Dimitrie N. Ghika.

- Ogaden Vault

Photos from Ogaden Vault's post 05/11/2023

Inkastoo suurad-xumayn waxoogaa ahi ku jirto, oo wargeysyada Ingiriisku ka dhigayeen in Talyaanigu qasbayay Soomaalida si ay Itoobiya ula weeraraan, oo ay been tahay, Soomaalida badankeeduna raalli ku ahaa inay Talyaaniga la safteen dagaalkaas, haddana sidan ayay qoreen labadan wargays; Evening Star iyo King Country Chronicle, 1935’tii.

“Wiil ina Sayid ah, Cabdikariin oo ay weheliyaan xubno muhiim ah oo Bagheri iyo Ogaadeenka kaleetaba ah, ayaa isu dhiibay Talyaaniga Qorraxay ku sugan.

Talyaaniga galay Ogaadeeniya, ayaa si ka faa’idaysi ah u midaynaya qabiillada wali Sayidka xusuustiisu ku weyntahay.

Afar wiil oo uu Sayidku dhalay ayay Xamar u qaadeen, oo ay waxbarasho u fureen, una diyaarinayaan inay ku soo celiyaan gudaha “Ogaadeeniya” si ay u faafiyaan borobagaandada Talyaaniga.

Sayidka, oo Ingiriisku ay ku raad-joogeen ilaa uu ka geeriyooday, waxay Soomaalidu ka aaminsantahay nin mujaahid ah.

Qofkii dhalasho ahaan ay Sayidka wax u galeenba, xataa qaraabo fog hadday tahay, Soomaalidu aad bay u tixgeliyaan, wixii qofkaasi u baahdana way u huraan.”

- Ogaden Vault

Photos from Ogaden Vault's post 04/11/2023

Waxaa jira laba waddo oo ku kala yaalla laba magaalo oo dalka Talyaaniga ah.

Caasimadda waddankaas ee Rome, iyo Palermo oo ah caasimadda gobolka Sicilien oo isla waddankaas Talyaaniga ah, waxaa ku yaalla laba waddo oo labadaba la yidhaahdo “Via Ogaden” oo ah “Waddadii/Jidkii Ogaden”

Sawiro waddooyinkaas ah oo street sign’kii ku ladhan yahay halkan ka daawo.

Magaalada Rome daan ka mid ah baa la yidhaahdaa Quartiere Africano. Haddaba daantaas xaafadaha dhaca, jidadka ku yaalla baa wuxuu ugu magac daray waddamadii ama deegaannadii ama dadyowgii uu gumaysanayay ama ciidankiisu tegay qarnigii 19’aad ilaa iyo badhtimihii kii 20’naad.

Waxa jira iyaguna oo uu ugu magac daray dhulkii uu mar haysan jiray sida Asab, Asmara iyo Majeerteeniya.

- Ogaden Vault

Photos from Ogaden Vault's post 03/11/2023

Waa markab dagaal oo Talyaanigu lahaa oo uu ugu magac daray gobolka Ogaadeeniya.

Wuxuu markabkan la odhan jiray “Ogaadeeniya” shaqayn jiray soddomeeyadii iyo 1940’meeyadii.

- Ogaden Vault

02/11/2023

Laba xero oo midi Qabridaharre ku tiil, midna banka Qorraxay, oo Talyaanigu ka qabsaday Xabashida, 1936’dii.

- Ogaden Vault

Photos from Ogaden Vault's post 31/10/2023

Waa warbixin kooban oo Ingiriisku ka helayay socotada ka imanaysay Webi Shabeelle oo ay ka waraysanayeen xaaladda Sayidka iyo raggiisu ku suganyihiin. Waxaa xogtan qoray 25-11-1920’kii, Henry Rayne oo ahaa D.C’gii Hargeysa.

Wuxuu yidhi;

“ Sayidku wuxuu haystaa ilaa iyo 60 faras, xero lo’ah iyo 31 halaad oo geel ah. Dhul-beereed buu samaystay. Addoonta ayuu ka gataa masagada oo uu ku doorsadaa qoryaha. Addoonta la joogtaayi way u dhago-nugushahay amarradiisa.

Ogaadeenka Cabdalle, iyagu col iyo nabad midna lama aha Sayidka, wayse booqdaan. Suldaanka Cabdalle waxaa la yidhaahdaa Dhicis Muuse Khalaf.

Xog aan la hubin baa sheegaysa in Sayidka walaalkii, Khaliif, uu guursaday labo gabdhood oo ay kala dhaleen Ugaas Xaashiga Bah Xawaadle iyo Udub La Aslayga Reer Amaadin. Sida la weriyo (Udub La Aslay) waa ninka ugu hantida badan geyiga Soomaalidu degto oo dhan.”

Xigasho: Intelligence Reports.

- Ogaden Vault

Photos from Ogaden Vault's post 30/10/2023

March 1918’dii ayaa waxaa sidan qoray Major Kinahan Cornwallis oo reportkii sannadlaha ahaa kaga warramayay laba dhacdo oo waa weynaa.

Dhacdada koowaad waa dagaal dhex maray Warsangeli iyo Daraawiish, wuxuu na yidhi;

“Wax is-beddal cusub ahi k**a jiraan xarrunta Sayidka ee Taleex, xoolihiisuna waa weyd, taas oo ay u sabab tahay abaarihii is xigay.

Laba cutub oo Daraawiish ah oo ku kala sugan Jiidali, Walwaal iyo Wardheer ayaa la sheegayaa inay duullaan ku soo yihiin qabiillada inala jira.

Billowgii December, Ina Cali Shire ayaa col weyn oo Warsangeli ah geliyay xoolaha Daraawiish ee daaqayay buuraha Surad. Dagaal adag baa halkaa ka dhacay, 150 nin baa laga dilay nimankii soo duulay, Daraawiishna 100 nin baa ka dhimatay. Ina Cali Shire, lo’ 300 boqol ah ayuu duullankaas ku soo dhacay.”

Dhacdada labaad waa gogol Ingiriisku u dhigay Ogaadeen iyo beelaha maxmiyadda British Somaliland iyo wixii ka soo baxay. Wuxuu yidhi;

“ Gogol baa loo dhigay Ogaadeen iyo qabiiladeenna maxmiyadda ka soo jeeda ee Galbeed dega, si wixii la kala hayay ama la kala sheeganayay looga xaajoodo. Nasiib-darro se reer Caliga Ogaadeen ayaa ku gacan-saydhay inay fuliyaan go’aannadii ka soo baxay gogosha.

Reer Cali halkaas oo keliyeeta kuma ay joogsan’e, mar labaad bay duullaan soo qaadeen oo ay qabiiladeenna dhaceen, lix kun oo halaadna la tageen. Waxaa iyana aan la hubin in Reer Haaruun u hoggaansami doono go’aannadii ka soo baxay gogoshii loo dhigay Ogaadeen iyo qabiiladeenna .”

- Ogaden Vault

Sawirka h**e waa Major Kinahan Cornwallis.

Sawirka labaadina waa Suldaan Maxamuud Cali Shire.

Cornwallis wuxuu kale oo uu madax ka ahaa hawgalladii Carabta lagu guubaabin jiray si ay Cusmaaniyada isaga kiciyaan. Markiii dambe wuxuu noqday la-taliyaha khaaska ah ee Boqor Faysalkii Ciraaq, wuxuu kale oo uu noqday safiirka Ingiriiska ee Ciraaq.

29/10/2023

Sirdoonka Ingiriiska oo warbixin ka bixinayay 1907’dii sida Faransiisku uusan xil isaga saaraynin hubka joogtada ah ee gelaya gacanta Ogaadeenka, soo na maraya xeebta uu ka taliyo ee Jabbuuti, ayay qormadan ku saabsan tahay.

Xogbixinnadaas oo lagu uruuriyay buug la yidhaahdo Arms Traffic: - Red Sea, Africa and Aden, baa ina odhanaya sidatan;

“Xogaha naga soo gaadhaya carro Ogaadeen ayaa sheegaya in hubka iyo rasaastu ka baxaan dekedda Jabbuuti oo loo geeyo reer Haaruun iyo reer Cali. Waxaana la mariyaa dhanka Jigjiga ama meelaha ku dhow, deedna markaa kaddib baa Koonfur ama Bari laga geliyaa carro Ogaadeen.

Xabashidu way qabataa wixii qori ah ee ay ku aragto carro Ogaadeen markii ay tagto dhulkaas, laakiin hub aad u tiro badan ayaa gacanta ugu jira qabiillada Ogaadeen.

Ganacsiga hubka ee ka imanaya carro Carruuso iyo Webi Shabeelle ee u galaya Ogaadeen wuu istaagi doonaa inta askarta Xabashidu dhankaas u sii siqayso. Waxaan se aaminsannahay in hubku ka baxo Jabbuuti, dabadeedna la ga geliyo dhanka Harar ama la dhex mariyo Gadabiirsiga.

Nin looga qaateen ah baa ii sheegay in sannadkii ina dhaafay uu nin Gadabiirsi ahi 16 qori ka qaaday Jabbuuti oo uu u iib geeyay Bah Xawaadle.

Halkii qori iyo 20’kii qasnadoodba wuxuu ka siistay afar halaad oo geel ah.”

- Ogaden Vault

28/10/2023

J. Gerolimato wuxuu ahaa oday Giriig ah oo ka ganacsada cudbiga iyo Kafeega. Mar wuxuu noqday Qunsulka Faransiiska Harar u fadhiya, mar kii dambe se wuxuu ahaa Qunsulka Ingiriiska ee isla Harar. Bishii February 1906'dii, warqad uu u diray Xafiiska Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska ayay intani qayb ka ahayd oo aan ka soo gooyay. Wuxuu yidhi;

"Madax-dhaqameedka Ogaadeen ayaa isugu yimid shir weyn oo uu iclaamiyay Garaad Cabdi oo ay walaalo yihiin Garaad Daahir, Garaadka reer Haaruun. Waxaa shirkaas la isla qaatay inaan maamulka Xabashida la addeecin, Sayid Maxamedna aan lagu biirin. Waxaa kale oo ay isla qaateen in Xabashidana lala dagaallamo, Sayidkana lala dagaallamo.

Xabashidu hadda waxay ku sugantahay Jigjiga, arrimahana kor bay ka daawanaysaa, ilaa hadda se ma aysan qaadannin go,aan ah inay ciidan geliso carro Ogaadeen, sababtoo ah wax yari hadday dhacaan xilligan, carro Ogaadeen oo dhan baa isla ololi doonta (Kacdoon baa dhallan). Madax-dhaqameedka la jooga Garaad Cabdi waxay haystaan hub dhan toban kun iyo afar boqol oo qoryo ah."

- Ogaden Vault

FG: Garaad Daahir waa Halgamaa Makhtal aabbihii, waxaa markii dambe dishay Daraawiish

Photos from Ogaden Vault's post 27/10/2023

Colin Legum wuxuu ahaa weriye ka haw-geli jiray Wargeys Britian laga leeyahay oo la odhan jiray The Observer. Wuxuu aad wax uga qori jiray dhacdooyinkii siyaasadeed ee waa weynaa ee Afrika, 1970'nadii iyo 1980'maadkii.

Arrimaha uu wax ka qoray waxaa ka mid ahaa jamhadihii Soomaalida ee kacay dhammaadkii1970’nadii iyo billowgii 1980’maadka.

Wuxuu halkan kaga warramayaa sida jamhadihii Soomaalidu aysan u lahayn xarriiq cad oo u dhaxeeya siyaasadda iyo qabyaaladda, oo ay marba mid ugu milmi jireen.

Wuxuu si khaas ah Colin Legum u xusayaa Kornayl Cabdiqaadir Koosaar Cabdi oo ahaa guddoomiyihii SNM iyo Sheekh Cabdinaasir Aadan-yare oo ahaa guddoomiyihii WSLF, halka ay ka kala taagnaayeen colaad beri dhex martay beelo ka soo kala jeeday Isaaq iyo Ogaadeen

Wuxuu yidhi Colin Legum sidatan;

Colaad-Soomaaliyeeddii la yiqiin oo badhtimihii 1983’dii ka dhex qaraxday jilibbada Isaaq iyo jilibbada Ogaadeen, ee yaalla agagaarka xadka Soomaaliya iyo Itoobiya u dhaxeeya, ayaa mar kale ina tusaysa sida qabyaaladdu uga miisaan culus tahay siyaasadda.

Waxay colaaddani sababtay in hoggaamiyayaasha labo kooxood oo isku soo horjeeday ay ku soo gadh-qaaddo dagaal-qabyaaladeedkan. Waa WSLF’ta taageerada ka helaysa Soomaaliya, iyo SNM’ta taageerada ka helaysa Ethiopia.

Inkastoo Isaaqii kaleete u soo gurmadeen Habar-Yoonistii laga gacan sarreeyay, ee dagaalka kula jirtay reer Dalal oo qudh ah, Sheekh Cabdinaasir Aadan-yare wuu diiday inuu wax hiil ah siiyo Reer Dalal, iyadoo xataa uu ururka SNM oo caawimo ka helaya Ethiopia ay dagaalka ku soo biireen (oo ay ka dagaalamayeen safka Habar Yoonis), dagaalkuna sii kululaaday.

Saddex Kornayl oo ciidanka qaranka Soomaaliya ka goostay oo SNM u galay, ayaa hoggaaminayay dagaalka Habaryoonis kula jirtay Reer Dalal.

Mid ka mid ah Kornayaladaas oo hadda ah Guddoomiyaha SNM, Cabdiqaadir Koosaar Cabdi, ahna Habaryoonis, ayaa lagu dhaawacay dagaalladaas, badhtamihii 1983´dii.

Inkastoo dagaalka markii dambe lagu xalliyay xeerarkii dhaqanka, reer Dalal oo ka soo jeeda jifada ugu badan Ogaadeen ee Reer Cabdille, ma aysan cafinnin hoggaanka WSLF oo aan iyaga “wax hiillo ah u muujinin".

Xigasho:
1: Africa Contemporary Record
Annual Survey and Documents
2: Africa Confidential

Labada sawir ee qormada ku ladhan waa Colin Legum iyo Kornayl Cabdiqaadir Koosaar Cabdi

- Ogaden Vault

Photos from Ogaden Vault's post 25/10/2023

Qoraalkan hoose waxaan ka xiganayaa wargeys The Times la odhan jiray, waa na 1936’dii.

Wuxuu odhanayaa sidatan;

Ogaadeenku, sida ay ka la simanyihiin Soomaalida kaleba waa reer-guuraa, waa se qabiil dagaalyahan ah. Waxay degaan oo xoolaha ku dhaqdaan dhulka Maxmiyadda British Somaliland xadka ka la leh dhanka Koonfureed ilaa iyo dhanka Koonfur-Galbeed.

Dhaqanka “Soomaalida” iyo noloshooda joogtada ahi waa dhac iyo b**b kolba qolo lagu duulo.

Beryihii h**e, waxaa caado u ahayd qabiillada Ingiriiska maganta u ah ee dega Hargeysa iyo Burco ee Maxmiyadda Soomaalilaan, inay u soo tallaabaan carro Ogaadeen oo ay daaq u soo raadsadaan.

Qabiilladaas ka yimid maxmiyadda Soomaalilaan iyo Ogaadeenkana waxaa dhex taalla colaad iyo dhac joogto ah, taasoo natiijadeedu ku dambayso dacwo dheer iyo kala eed sheegasho.

Duullaamada Ogaadeenku soo qaado, waxa ay qabiillada Ingiriiska maganta u ahi uga dacwoodaan saraakiisha Ingiriiska ah.

Saraakiisha ka soo kala jeeda Dawladaha ka arrimiya dhulalka ay ku kala noolyihiin beelahani oo ah Itoobiya iyo Ingiriiska ayaa loo gudbiyaa dacwooyinkii iyo xoolihii la kala qaaday, dabadeed iyagaa shir qabta, si magdhow loo kala siiyo, wixii dil iyo qaad ah ee dhex maray.

Markii kiiska la dhagaysto ayaa la isu geeyaa xisaabta la kala hayo. Maaddaama oo ay Ogaadeenku yihiin kuwa dhagarta ugu xun lagu soo oogay, waa in Dawladda Ethiopia ay ka soo uruuriso beelaha Ogaadeen geelii, dabadeedna loo keeno beelahan Ingiriiska hoos jooga.

Dawladda Ethiopia way dedaalaysaa, waa se arrin adag, mekaaniyaadna uma hayso ay askarteeda ku hawl geliso, si xoolaha looga soo uruuriyo Ogaadeenka oo ah waran-gal aan gacan waxba lagaga qaban karin.

Qofka Ogaadeenka ahi si dabiiciyin ah ayuu u qalafsanyahay, wuuna ka soo horjeedaa isbeddalka nolosha, dhanka wanaagsan xataa haddii ay tahay. Maamul Dawladnimo ama in laysu dawladeeyo, Ogaadeenku waxay ka qabaan "sas" oo waxay u arkaan gef meel-ka-dhac ah.

- Ogaden Vault

24/10/2023

Qof aad sabab u ahayd inuu ka mid noqdo akhristayaasha Ogaden Vault, ama isagu sabab u ahaa inaad ku soo biirto, halkan ka mention garee.

Photos from Ogaden Vault's post 23/10/2023

Lamberti Marcello oo ahaa Qoraa ku takhasusay luuqadaha Afrikaanka ayaa 1980’naadkii daraasaad cilmi-afeed oo balaadhan ka sameeyay kala duwanaanshaha lahjadda Af Soomaaliga. Dhawr sawir oo aan ka soo kala qaaday laba buug oo uu 1986’dii ka qoray lahjadaha Soomaalida ayaan halkan idinkula wadaagayaa;

- Ogaden Vault

21/10/2023

(Dagaalkii Talyaaniga iyo Xabashida).

1: Sawirka kore waa markii Talyaanigu Xabashida ku jabiyay Gunna-gado, una jihaystay Dhagaxbuur.

2: Sawirka labaad waa shacabka Jigjiga oo salaamaya kolonyo Talyaani ah oo jidka maraysa.

Waa sannadkii 1936’dii.

- Ogaden Vault

20/10/2023

Sidan ayuu daabacay wargeys Ingiriiska laga leeyahay oo la yidhaahdo Englishman's Overland Mail, 27'dii October 1898'dii, mar uu ka hadlayay xaaladihii murugsanaa ee u dhaxeeyay maamullkii maxmiyadnimo ee Ingiriisku ka hir-geliyay Kismaayo iyo shacabkii Soomaaliyeed ee ku noolaa deegaanka;

"Warar dheeraad ah ayaa ka imanaya askarta [Ingiriiska] ee ku sugan jasiiradda Jabal (Masar) iyo Bariga Afrika, oo ku saabsan in Suldaankii iyo dhammaan cuqaashii Ogaadeenku yimaaddeen saldhigga (Ingiriisku) ku leeyahay Laagta Waamo 25’kii August, iyagoo wada lo’dii magta ahayd ee uu Komishineerka Degmada Jenner iyaga ku xukumay, iyo afartii qori ee ay horay u furteen, si ay gogol-xaadh ugu noqoto nabad dhex marta labada dhinac.

Nabad baa la iclaamiyey, Ogaadeenku se waa qabiil dagni badan oo xagjir ah, askartana waa looga digay inaysan reerkaas ku dhex milmin, wax na ku darsannin, feejignaadaan, oo aysan is dhul dhigan.

Dagaalyahannada Ogaadeen waxaa la sheegay inay yihiin dad dhaadheer, dhuudhuuban, aad u firfircoon oo had iyo jeer socod ku gaadhan. Timo raamo ah bay leeyihiin oo shabbaha Carabta Suudaanta, dharna waxaa u ah maryo cadcad. Waxay ku wada hubaysanyihiin toorriyo iyo warmo, iyo gaashaan yar. Qaarkoodna leeb mariid leh iyo qaanso.

Cuqaashooda maxk**adda la keenay waxay siteen seefo iyo bastoolado. Suldaan Axmed Magan waa nin dhalinyaro ah oo qoodh ah, aadna u qorqoran, Soomaali uma eka'e, wuxuu u egyahay Carab."

- Ogaden Vault

Photos from Ogaden Vault's post 19/10/2023

Reer Cali (Reer Isaaq) ayaa geel ka qaaday Habar Awal. Dabadeed Habar Awal ayaa uga dacwootay wakiilka Ingiriiska ee Berbera. Wakiilkii ayaa farriin u diray Reer Cali ah inay geela soo celiyaan. Reer Cali geelii badh buu soo celiyay. Habar Awal waxay Wakiilka fadhiyay Berbera ka codsatay inuu ku daro 20 nin oo hubaysan, si Reer Cali looga soo qaado geela ku maqan.

Waxaa buuggiisa dhacdadan kaga warramay, dhul-mareen Romanian ah oo la odhan jiray Dimitrie N. Ghika, 1897'dii. Ninkan sawirro uu qaaday horay baan page'kan ugu soo bandhigay.

- Ogaden Vault

Photos from Ogaden Vault's post 18/10/2023

Sarreeye Guuto Sir Gerald Thomas Fisher oo ahaa badha-saabkii Maxmiyaddii British Somaliland 1943’dii ilaa iyo 1948’dii ayaynu maanta ka warramaynaa. Ninkan waxay Soomaalidu u tiqiin ama ugu yeedhi jirtay “Fiishar”.

“Fiishar” waa ninkii dhisay iskuulkii isaga loogu magac-daray ee loo yiqiin Iskuulkii Fiishar. Waa iskuulkii ay ka baxeen rag siyaasiyiin waa weyn berigii dambe noqday oo ay ka mid ahaayeen Cabdiraxmaan-tuur iyo Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal oo labaduba madaxweynayaal ka noqday Somaliland burburkii Dawladdii Kacaanka kaddib. Waxaa iskuulkii hadda loo beddalay Iskuulka Sheekh Bashiir. Wuxuu kale oo uu Fisher goobjoog ka ahaa markii Ingiriisku xornimada siinayay Somaliland.

Sawirka qormada ku ladhani waa markii la saxiixayay xornimada ee Ingiriisku qorshaynayay inuu ka gurto Somaliland.

Dhanka bidix markii aad ka billowdo waa; Michael Maryam, Garaad Cali Garaad Jaamac, Gerald Thomas Fisher, Arthur Salisbury Lawrence oo ay Soomaalidu u tiqiin “Laaran”, Sir Douglas, Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, Phillip Carell iyo Axmed Kayse.

Intaasi waa taariikhda kooban ee G. Thomas Fisher.

Arrin uu goobjoog ka ahaa oo dhacday intii uu xilka badhasaabnimo hayay oo ku saabsanayd geel la kala qaaday baynu halkan ku xusaynaa.

Buugga la yidhaahdo "British Somaliland: An Administrative History, 1920-1960" ee uu qoray Brock Millman ayay dhacdadani kaga xusan tahay, bogga 143’aad. Waxa uu Brock odhanayaa;

“Dhacdooyinka waa weyn ee dhacay September, 1943'dii waxaa ka mid ah; Habar Awashii uu amingeeda Ingiriisku u xil saarnaa, ayaa kun halaad oo geel ah waxaa ka dhacay col Maalinguur ah oo aad u hubeysan, fardooleyna ah, oo ka soo gulfay carro Ogaadeen. Raacdo laga daba dirayna waa ay ku soo guuldarraystay inay geela soo ridaan, dabadeed magaalooyinka Burco iyo Hargeysa ayaa isla oogsaday oo rabshado ka dhaceen, maaddaama oo Isaaqu rabay in la soo aarsado oo si guud Daaroodka looga aarsado.

Sarreeye Guuto Gerald Thomas Fisher ayaa si degdeg ah u abaabulay ciidan weyn oo ka daba baxa Maalinguur, soo na dhaca. Inkastoo aan xog rismi ah laga haynin colkaas uu Gerald Thomas Fisher dirayi wixii uu soo dhacay tiradiisa, haddana waxay u muuqatay in Isaaqu ku qancay, raallina ku ahaa natiijada, oo mar kale in la noqdo ay ka maarmeen".

Qormadani waa naqtiin oo dhawr sano ka hor baan boggayga khaaska ah ku soo daabacay.

- Ogaden Vault

Vil du plassere din offentlig person på toppen av Offentlig Person-listen i Copenhagen?
Klik her for at gøre krav på din sponsorerede post.

Videoer (vis alle)

Garaad Makhtal Daahir, Muqdisho, 1963'dii.Wa,ayo labada nin ee kale ee muuqaalka ku weheliya?- Ogaden Vault
Francesco Giannattasio oo ah dadka dhaqammada kala duwan ee bulshooyinka caalamka uruuriya, ahna madaxa machadka Giorgio...

Type

Telefon

Internet side

Adresse

Copenhagen