Xogside Media

Warbaahinta Xogside Media kala soco warar xaqiiq ah, Barnaamijyo iyo warbixino xiiso leh.

Warbaahin madaxbanaan oo dhexdhexaad ah waxaad ka helaysaa Xogo Sugan oo la hubo.

17/12/2023

Soomaaliya waxay u qalantaa mustaqbal xor ah oo ka xoroobi kara hagardaamaynta iyo hoos u dhigga reer galbeedka hortaagan dib usoo kabashadeeda.

32-kii sano ee la soo dhaafay waxay ahayd moora lagu cadaabnaa, iyadda oo la dhaafiyay sharaf kasta oo la qiyaasi karo, laakiin mar walba wakhtigu waa ku habboon yahay in mar Labaad la helo xornimo. Qof kasta oo aaminsan in Soomaaliya ay hadda heshay madax-bannaani iyo xasillooni, waa in uu raadsadaa dhaqtar maskaxeed ama uu is-miidaamiyaa.
Waxaa la joogaa waqtigii lakicin lahaa wacyiga guud ee Soomaalida si loo dalbado aayo-ka-tashi dhab ah isla markaana loo dhiso qaran nabad ah oo madax bannaan.

Abdiwahab Sheikh Abdisamad, agaasimaha fulinta ee Machadka Daraasaadka Istiraatiijiyadeed ee Geeska Afrika.

Photos from Xogside Media's post 16/12/2023

Burco oo loo doortay Maayir cusub iyo ku xigeen!

Golaha Deegaanka Magaalada Burco ayaa Maayir cusub u doortay Maxamed xirsi oo ku magac dheer Maxamed Case, halka ku xigeenna ay u doorteen Suldaan Nuux.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii dhawaan wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ogolaaday in maayirada xilka laga qaadikaro.

Yaa ku-xiga ?

14/12/2023

“Qofkaan shukaansado wuxuu igu dhahaa Abaayo nin miyaa tahay ama naag. Sidee ku ogaan karnaa inaa dumar tahay. Runtii waa caqabadaha ugu weyn ee aan kala kulmo Garka aan leeyahay “ Maryan.

13/12/2023

Britian oo mar kale ku dhawaaqday malaayiin lagu taageeraayo Soomaaliya.

Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) iyo safaaradda Britain ee magaalada Muqdisho ayaa kala saxiixday heshiis ku kacaya 43.8 milyan oo doolar oo lagu fulinayo mashruuc lagu dhimayo khatarta fatahaadaha iyo yareynta abaaraha Soomaaliya.

Mashruuca Soo Celinta Nidaamyada Deegaanka ee Wabiyada ee La qabsiga Cimilada (RESTORE), oo la saxeexay Jimcihii, waa qayb ka mid ah Barnaamijka Jowhar Offstream Storage Programme (JOSP), oo ah hindise lagu bixin doono $140 milyan oo doolar oo lagu doonayo in lagu yareeyo khatarta fatahaadda lana yareeyo saameynta abaaraha Laba gobol oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, barnaamijkaan ayaa waxaa ka faaideysan karo 1.5 milyan oo qof.

11/12/2023

Da'diisu 15 jir sida uu sheegay, waana Aftahan hadal yaqaan ah oo Geel jire ah.

Sida hadalkiisa laga dheehankaro wuxuu tilmaamay in xoriyatul qawl wanaagsan uu hadda ka jiro degaanka, uun sabab u yahay madaxweyne Mustafe. Dhanka kale wuxuu ku dhaliilay wax-bixin la'aan, balse wuxuu sheegay in madaxweynihii h**e uu wax-bixin jiray oo isagoo yar uu siiyey kartoon Buskud ah.

10/12/2023

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi oo xil ka qaadis iyo magacaabis sameeyey

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa xilkii ka qaadey Wasiirkii Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo Wasiir ku xigeenkii Arimaha Dibada .

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.

1. Cabdiraxmaan Xirsi Jaamac Dhooble
Wasiirkii Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha

2. Cabdi-naasir Cumar Jaamac
Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Ujeeddo: Magacaabid.

1. In Cabdirisaaq Muuse Faarax Cawad l Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha

2. In Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu Rooda Jaamac Cilmi Cabdulle laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Wasiirka Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga.

3. In Saleebaan Jaamac Diiriye Guuleed laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland.

10/12/2023

Urur Goboleedka IGAD ayaa Madaxweynihii h**e ee Hirshabeele Mudane Maxamed Cabdi Waare u magacaabay Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee IGAD.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys oo xaqiijiyay Magacaabistaan ayaa yiri “waa Guul kale oo diblomaasiyadeed oo u soo hoyatey Dowladda Federaalka Soomaaliya. Magacaabistiisa Mudane Waare waxay sare u qaadeysa sumcadda iyo maqaamka Soomaaliya ay ku leedahay gobolka iyo guud ahaan caalamka.

09/12/2023

Boorama:-Al Khair Electronic Market ugu kaalay hagaajinta iyo iibinta electronic -ga.

09/12/2023

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta dalka Jabuuti kaga qeyb-galaya Meertada 41-aad ee Urur-goboleedka IGAD ayaa kulan-doceed la qaatay dhiggiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo marti-gelinaya shirkan.

07/12/2023

Madaxwaynaha Soomaliya, Xasan Sheikh Maxamuud ayaa la taliyaha Arrimaha Dastuurka u magacaabay Xuseen Sheikh Maxamuud.

07/12/2023

Barlamaanka Puntland ayaa diidey go’aanka Saciid Cabdullaahi Deni ee ku saabsanaa in loo laabanayo nidaamka 66-da Xildhibaan waxaana ay meelmariyeen in ay sannad sii joogan ayna doortaan Madaxwayne iyo Madaxwayne Ku-xigeen 8-da Jan 2024.

Ansixintan ayaa waafaqsan go'aankii ka yimid qaar kamid ah Isimadda SSC-Khaatumo. Guddoonka Golaha Wakiilada ayaa wariyay in ay saacadaha soo aadan magacaabayaan guddiga maamulaya doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka.

source:Gorawe Online

04/12/2023
28/11/2023

Masuuliyiinta Cusub ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Maanta magacaabay

1.Agaasimaha Guud ee Cusub ee Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Axmed Abokor Maxamed.

2.Agaasimaha Guud ee cusub ee Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka c/raxmaan Maxamed Muxumed

3.Agaasimaha Guud ee cusub ee horumarinta Biyaha Nafiisa Maxamuud Shirwac

4.Agaasimaha Guud ee cusub ee Kalluumaysiga iyo Horumarinta Xeebaha Meecaad Cabdilaahi Diiriye

5.Agaasimaha Guud ee cusub ee Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka Mustafe Cabdi Ciise

6.Gudoomiyaha Cusub ee Komishanka Tamarta Xasan Sh. Maxamuud Suufi

7.Gudoomiye ku xigeenka Cusub ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, Axmed Cali Cabdi

28/11/2023

Sawirkan waxaa la ii sheegay in uu yahay Buulo Burte. Magaaladaas waxaan ku noolaa shan sano, in badanna safar shaqo ayaan ku tegey ama ku maray.

Weligeey ma arag biyaha webiga oo soo gaara buundada.

Sannadka intiisa badan Biyaha webi Shabeelle dhowr miitir ayay ka hooseeyaan buundada. Haddana sida muuqata intay soo gaareen, kor u dhaafeen buundada ayay ku sigan yihiin in ay dhigaheeda qariyaan.

Bal qiyaas beeraha, guryaha iyo ganacsiga webiga hareerihiisa ah.

Dadka ku sugan gobollada uu daadku waxyeelleeyay oo ay Buulo Burte ka mid tahay waxay u baahan yihiin gurmad shacab, mid dowladeed iyo mid caalami ah oo deg deg ah.

Waxa Qorey:- Yusuf Garaad

28/11/2023

Bahda Xogside Media waxay Hambalyeynaysaa Cabdisalaan Cali Ismaaciil oo kaalinta 2aad galay oo ku guulaystay tartanka sheeko samaynta Isbedelka cimilada, qaybta qoraalka (Magazine) ee ay qabatay BBC Media Action Somali horaantii Bishii tobnaad.

26/11/2023
26/11/2023

Xasan Aadan Samatar ayaa guud ahaanba macasalaameeyay Fankii
Uu mudada dheer calanka u siday.

Waxa uu bartay oo uu dhameeyay Qur’aanka Kariimka ah.

Waxa uu sheegay in uu soo arkay fanku waxa uu yahay, hasayeeshee hadda uu u jeedsaday dhinaca Cibaadada.

24/11/2023

Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud ayaa Jabriil Ibrahim Abdulle u magacaabay safiirka cusub ee
Somalia u fadhiyi doona dalka .

Photos from Xogside Media's post 24/11/2023

Soomaaliya ayaa maanta mid noqotay ururka bulshada bariga Afrika ee magaciisa loo soo gaabiyo EAC.

Waxaa Saxeexay oo joogay Shir madaxeedka EAC Madaxweyne Xasan sheekh Maxamuud.

Ururkan oo ay Soomaaliya ku noqonayso dalkii 8aad waa urur ay ku midoobeen dalalka Bariga Afrika kaas oo ka shaqeeya iskaashiga ganacsi iyo weliba fududaynta isu socodka dalalka.

Aragtidaada ka dhiibo

24/11/2023

"Muusow adiga dagaalka Laascaanood riday oo waxaad islahayd Dhulbahante yaanu Xisbiga Waddani u codayn doorashada.

Maantana talada dalka waad ku fashilantay ee waxan kuu soo jeedinayaa inaad Iscasisho,dalku maanta meel adag buu marayaa"

Xildhibaan Xeeldheere

17/11/2023

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Maddaale ayaa yidhi; "Waxaan daminnay dabkii kacay, waxaana si gaar ah ula xisaabtami doona shirkadaha Korontada,"

Wuxuu ka hadlaayay dabkii caawa qabsaday suuqa Xamar weyne.

17/11/2023

Suuqa Labaad ee ugu weyn magaalada Muqdisho ee Xamar-weyne ayaa dab ka kacay, iyadoo qaybo kamid ah suuqa uu dabku ku fiday.

16/11/2023

Madaxweynaha Malawi,Lazarus Chakwera wuxuu saxiixay go’aan deg deg oo lagu joojiyay dhammaad safarrada caalamiga ah isaga iyo mas’uuliyiinta Dawladda illaa Maarso 2024, iyadoo go’aankan lagu sheegay mid lagu badbaadinayo dhaqaalaha Dawladda, loogana baaqsanayo boqollaalka kun ee safarrada ku baxda.

Chakwera ayaa sidoo kale ku amray dhammaan wasiirrada hadda ku sugan dalka dibadiisa in ay dalkooda ku soo laabtaan. Gunnada Shidaalka ee madaxda sare ee dawladda ayaa sidoo kale la jaray 50%. Xaaladan waxaa qasbaya hoosu dhaca ku yimid lacagta Malawi.

Ma tahay go’aan looga baahanyahay Soomaaliya?

Iman Jama

16/11/2023

Sida uu xaqiijiyay mudane Cabdirisaaq Wiiwaa oo ka tirsan xubnaha Golaha Deegaanka ee Hargeysa waxaa dawladdu ay iibisay Dhulka Xero Dhiifta ee Badhtamaha Hargeysa ku yaalla.

Cabdirisaaq Wiiwaa ayaa sheegay in Dhulkan la iibiyay kadib codsi ka yimid dhinaca Madaxweyne Biixi.

16/11/2023

"Gobolka Awdal waxa la saaray Calaamad Huruud ah (Yellow), Taasoo macnaheedu tahay in Hay'aduhu aanay u Hoyan karin Gobolka, Xaalado jira Awgeed" Wasiir Saajin.

Xigasho:- Suxufi Caraale

16/11/2023

"Sigaar iyo Khamri ma cabo habeenkiina xilli h**e ban sexda, shaqada qabto mid maskaxeed kaliya mahan mida jireedna wan qabta oo dhawacan ba iga soo gaarey allxamdulliha wan Caafimaadka qabaa"Madaxwayne Xasan oo waraysi siiyay Arab News.

15/11/2023

Gabadhan waxaa furay ninkeeda oo ay mid kamid ah kilyaheeda u bixisay mar uu xanuunsanaa.

Markii uu caafimaaday ayuu naag kale aroosay iyadiina wuu ka tagay.

Waa dhacdo xanuun badan oo ka dhacday dalka Aljeeriya- sida ay warbaahinta Carabta tabiyeen.

Ragga Soomaaliyeed sidan maka suurtowdaa ?

15/11/2023

"Waxaan aad ugu faraxsanahay in xilka la iga qaaday anoo danta dadkayga ka shaqaynaya"...Wasiir Cabdi Cisman dhagawayne.

14/11/2023

Wasiirka cusub ee Wasaaradda isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland Axmed Yusuuf Idiris Cawaale.

14/11/2023

Wasiirka Cusub Ee Wasaaradda Beeraha Somaliland Axmed Maxamed Habane

14/11/2023

Sawirrada iyo magacyada wasiirrada uu maanta xilalka ka qaadey Madaxweyne Biixi;

1.Cabdiqaadir Iimaan Warsame;
Wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Beeraha

2. Dr. Cabdiweli Sh. Cabdillaahi Suufi Jibriil;
Wasiirkii Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda

3. Sh. Cabdirisaaq Xuseen Cali Albaani;
Wasiirkii Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta

4. Cabdi Cismaan Cabdulle Dhaga-weyne;
Wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga

14/11/2023

Madaxweyne Biixi, ayaa xilka qaadis iyo isku beddel ku sameeyay golihiisa wasiirrada.

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.

1. Ku: Cabdiqaadir Iimaan Warsame;
Wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Beeraha

2. Ku: Dr. Cabdiweli Sh. Cabdillaahi Suufi Jibriil;
Wasiirkii Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda

3. Ku: Sh. Cabdirisaaq Xuseen Cali Albaani;
Wasiirkii Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta

4. Ku: Cabdi Cismaan Cabdulle Dhaga-weyne;
Wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga

Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad u hayseen Qaranka. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalka Qaran.

Ujeeddo: Magacaabid.

Wareegtooyin Madaxweyne; Magacaabid iyo Isku-beddel

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;
In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:

1. Axmed Yuusuf Idiris Cawaale Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda.

2. Axmed Aadan Axmed Buuxane Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.

3. Axmed Maxamed Diiriye Cige Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.

4. Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed Faarax Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga.

5. Cali Xasan Maxamed Jaamac Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka.

6. Saleebaan Yuusuf Cali Koore Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha.

7. Maxamed Xaaji Aadan Cilmi Maxamuud Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.

8. Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka.

9. Raabbi Cabdi Maxamed Maxamuud Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Horumarinta Xeebaha.

10. Saleebaan Cawad Cali Bukhaari Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka.

11. Axmed Maxamed Habbane Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalilan

14/11/2023

saadasha cimilada ee 14-21 Nov

14/11/2023

"Habarjeclo Hadii Ay walaalahay Yihiin, Dhulbahantana waa ilma Adeeradey, Anagu ka Garxajis ahaan marwalba Nabada iyo isku soo dhoweynta Ayaan ka shaqeyneynaa"

Suldaan Rooble oo ka hadlay Colaada Buqdharkayn

14/11/2023

“Waxa nagusoo duulay Daaroodkii Kenya, kii Ethopia iyo kii calanka Buluuga ah sitay reerkaygana iyagu duulaan ma aha ee iyaga ayaa lagusoo duulay.

Anagu Somaliland ayaanu wax la leenay, dalkana xaalay emergency hala galiyo”

Xildhibaan indho indho

Photos from Xogside Media's post 14/11/2023

Golaha Guurtida Somaliland ayaa fadhigoodi saaka loogu qaybiyay xeerka Doorashooyinka ee dhawaan golaha wakiilada Somaliland uu wax ka bedelka ku sameeyay.

Gudoomiye golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa mudanayaasha u sheegay in ay soo akhriyaan xeerarkan.

13/11/2023

Wada-hadaladii dawlada Ethiopia iyo ururka OLA uga socday Tanzania Dara-Salam ayaa meel wanaagsan maraya, wadahadalka ayaa waxa ku biiray wasiirka cadaalada Gedion Timothewos iyo la taliyaha amniga ee R/wasaaraha Radwan Hussein.
Waxa fududeeyay wadahadalka socda wafdi ka socday Mareykanka oo uu hoggaaminayay Danjire Mike Hammer iyo dublamaasiyiin sarsare oo ka socday urur goboleedka IGAD, Kenya, iyo Norway.
Wararkan waxa qoray Wargayska Adisstandard

13/11/2023

Ra’iisul Wasaarihii h**e ee UK David Cameron ayaa si lama filaan ah loogu magacaabay Xoghayaha Arrimaha Dibadda UK.

13/11/2023

Najma "Waa in uu Ninka i guursanayo Dharka ii dhaqaa cuntada uu ii kariyaa Sababtoo ah Guriga Hooyaday markaan Joogo dharka waa lee dhaqaa cuntada waa lee kariyaa.
Anigu u ma'ihi ihi shaqaale ama Jaariyad la soo guursaday"

Photos from Xogside Media's post 12/11/2023

Hay’adda sirdoonka Somaliland ayaa gacanta ku dhigtay 18 gaadiid ah oo ku lug yeeshay falal qorshaysan oo hay'adu fashilisay.
Qoraal ka soo baxay Hay’adda sirdoonka Somaliland ayaa u dhignaa sidan:-

Hay’adda Sirdoonka Somaliland NIA oo raacaysa xogo ay heshay ayaa ku guulaysatey in ay gacanta ku dhigto 18- gaadhi oo ku lug yeeshay fududaynta falal qorshaysanaa oo hay’addu fashilisay,

Baabuurtan ayaan lahayn taarikada gaadiid ka lagu aqoonsado.

Hay’adda Sirdoonka Somaliland NIA ayaa ku daba jirta tiro kale oo kamid ah gaadiidkan.

Fadlan muwaadin ku wargali hay’adaha amniga haddii aad aragto baabuurta ay ka maqan tahay taarikadu.

Xigasho:Telefishanka Qaran Somaliland

Want your business to be the top-listed Advertising & Marketing Company in Borama?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Videos (show all)

Boorama:-Al Khair Electronic Market ugu kaalay hagaajinta iyo iibinta electronic -ga.
Dr Abdirahman Kaahin oo wareysi ku saabsan Cilmi nafsiga iyo dadka baahiyaha gaarka qaba siiyey Telefishanka Jabuuti.
Dilla:-Dugsiga Hoose/dhexe ee Cige Bille oo kamid ah Dugsiyadii Kaamaha hore ka galay imtixaankii Shahaadiga ahaa Somali...
"5-ta Tiir ee isbeddelka  Shakhsiga ah, si loogu dhawaado  ILaahay"  Dr Cabdirahmaan Xaaji Cumar ayaa Cashirkani galabta...
"Haddii sida aad u fikiraysid, waxaad leedahay iyo waxaad sameynaysid ay isleeg yihiin, waxaad tahay qof la oranko waa d...
Boorama: Masaajidka Xaaji Cumar oo dib loo dayactiray ayaa maanta lagu takaday Salaada Jimcaha.
Urur-goboleedka IGAD ayaa khabiirro ka kala socda qaar ka mid ah maamul goboleedyada Soomaaliya iyo Somaliland khibrad w...
Musharrax Ciro hadda la hadlay Shacabka Somaliland.
Faysal Cabdi Bootan oo ay qabteen Ciidanka SSC.
Guryo Xalay ku gubtay Boorama
Maxamuud Xaashi, oo u jawaabay Reer Awdal
"Anigu ma ihi nin abtigii gumeynaya" Xildhibaan Maxamed Abiib oo reer Boorama ka qancinaya sababta uu u dooran waayay Ca...

Telephone

Address


Borama
Other Social Media Agencies in Borama (show all)
Lughaya News Lughaya News
Lughya City
Borama, YASIR24

This page discusses Lughaya district and the problems that young people in the district face

PACK Marketing Borama PACK Marketing Borama
Borama, 12345

PackMarketing waa wakaalad hal abuur oo ku takhasustay bixinta xalal iyo hal abuur iyo horumarinta

Sahra Siman bintu saylici Sahra Siman bintu saylici
Borama Awdal
Borama

Suxufiyad madax banaan

DHAL AADEM DHAL AADEM
Sh Ali Jawhar
Borama

Page kan wa miid an ugu tala galay dhalinta somaliyed io cid kasta o qadarisa somali nimo in ad ugu

BOON CABLE TV. BOON CABLE TV.
Borama, 00000

Cilml Cilml
Sheikh Ali Road
Borama

Hirad Digital Marketing Agency Hirad Digital Marketing Agency
Borama

#Hirad Digital marketing Agency waa wakaalad ka shaqaysa xayeysiinta iyo Suuq gaynta casirga ah ee o

AWDAL State AWDAL State
Kuwait
Borama