Ugaas Abokor Ahmed Akhyaar

Waa Pageka Rasmiga ah ee Ugaas.Abokor Ahmed Akhyaar✅ IT Engeering & potical analysis

Photos from Ugaas Abokor  Ahmed Akhyaar's post 25/04/2024

waxaan ka xunahay jidh dilka, cabsi gelinta, handedaada, toojargaynta, iyo dhibaatada lagu hayo dhalinyarada uxidhan kiiskii marxuum cabdinaasir muuse dahable AHN.

waxaan usoo jeedinayaa madaxwaynaha soomaaliya inuu arinkan ku eego il gaar ah iskana saaro xil gooniya oo aanu dhayalsan.

ayaa cid walba ka wayn.

23/04/2024

Waxaan ehelkii, qaraabadii, walaaladii, waalidkii iyo asxaabtiisaba uga tacsiyeynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid baashe axmed jikaar oo maanta uu liqay balli ku yaala abaarso oo hargaysa udhaw.

waxaan alle uga baryayaa marxuumka inuu naxariistii jano ka waraabiyo,ehelkiisana ka wada siiyo samir iyo iimaan saadiq ah.

Photos from Ugaas Abokor  Ahmed Akhyaar's post 20/04/2024

Waxaan soo dhawaynayaa in markale ay guddiga doorashooyinka jsl asteeyeen in sanadkan 13 /11/2024 ay dhici doonaan doorashooyin isku sidkan.

waa tallaabo lagu soo afjari karo is marinwaagii siyaasadeed ee dalka ka jiray muddooyinkii udanbeeyey, lana galli doono bog cusub iyo taariikh cusub oo dhaxal noqon doonta.

waxaan filayaa inay bulshada soomaliland haystaan maanta khibrad iyo waayo aragnimo ku filan oo ku salaysan dhanka doorashada, ayna garan karaan cidda ku haboon maanta inay codkaada ku aaminaan oo ay kula xisaabtami karaan.

Sahal Khayr leh

20/04/2024

Waxaan hambalyo, bogaadin iyo duco udirayaa ardayda dhameeyey qur'aanka kariimka ah oo noqday ducfadii koobaad ee ka baxday umul qur'aan ee ina dhakool.

waxaan ubaarigayaa cabdi qani oo saaxiibkay ah si wanaagsana ugu dedaalay ardayda muujiyeyna xilkasnimo iyo dulqaad dheeraad ah iyo ardayda udhabar adaygay hayaankooda waxbarasho kana gaadhay heerkan wacan.

waxaan ku cabiri karaa horumarkan inuu yahay dedaal rumoobay, loona sara kacay, soona maray marxalado adag balse maanta maraya heer la majeeran karo.

Dedaalkan waxaa qayb laxaad leh ku lahaa qurba jooga degaanada oo ay mudan tahay in lagu dhiirigeliyo hawsha wacan ee ay hayaan iyo inay tani tahay riyo dhabawday oo la arkay.

Guul iyo Gobonimo ayaan idiin wada rajaynayaa.

19/04/2024

Waxaan dareenka murugada iyo naxdinta leh la qaybsanayaa ehelka, qaraabada, walaalada, waalidka iyo asxaabta ay ka baxeen caruurta ah ee walaalaha ahaa ee ay qaadeen daadka roobka gu'ga ee ka curtay deegaanka ay ku noolaayeen marxuumiintu ee ahaa xiddidaalay ee hoosta taga gobolka saaxil.

waxaan dhammaan dadka deegaanka iyo ehelkaba alle uga baryayaa inuu siiyo samir iyo iimaan saadiq ah, musiibadaa ku dhacdayna bedel khayr leh ugu soo bedelo.

18/04/2024

Waxaan alle inoo waydiinayaa inuu inaga wada yeelo kuwa alle waafajiyo khayrka iyo wanaaga bishan shawaal ay leedahay iyada oo aynu dhexda kaga jirno bishan barakaysan ee shawaal, aan ku dedaalno ducada iyo isku naxariisashada dhexdeena.

09/04/2024

تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال وغفر الله لنا ولكم
كل عام وأنتم بخير.
Waxaan Hambalyada iyo tahniyada munaasibada fidriga awgeed ugu hambalyeynayaa dhammaan shucuubta islaamka oo dhan, gaar ahaana shacbi waynaha soomaliyeed.

oo aan leeyahay alle ha inaga wada aqbalo dhammaateenba acmaashii iyo cibaadadii aan soo wadnay bishii ramadaan, waxaan alle inooga baryayaa inuu sanadkan sanadkiisa inagu wada gaarsiiyo cisi, caafimaad qab, cimri dherer iyo cibaaddo suuban edamka alle.

31/03/2024

Waxaan alle uwaydiinayaa inuu asli cali wacays ka waraabiyo naxariistii jano.

ayeeyo alle hakuugu deeqo jannooyinkiisa, hana kaa yeelo inta hadhsanaysa hadhkiisa, hana kaa yeelo safka nebi muxamed.

Ayeeyo Ku cawee jannooyinka raxmaanka kariimka ah.

Photos from Ugaas Abokor  Ahmed Akhyaar's post 22/03/2024

Waxaa jirta saqado waxyeelo iyo dhibaato kuu horseeda oo aanad ajar iyo wanaagna ku helin, balse haddii uu hadafkaagu noqdo in la arko ama la maqlo waxa aad bixinaysid, taasi maaha mid aad ajar iyo xasanaad ku helaysid.

waxaan ugu nasteexaynayaa dadka sadaqada bixinaya inay wax bixinta ka daayaan is tuska iyo is maqashiinta balse ay ka noqoto alle dartii, ogaadaana in sadaqada saxda ahi tahay tan aanay is ogaan labadaada gacmood bixintooda.

Waxaa wax aad looga xumaado in dadka baahan duruufta looga faa'iidaysto oo wax aanay raali ka ahayn lagu sameeyo, halaga waan toobo dhaqankan xun ee ka baxsan bini aadanimada iyo islaamnimadaba.

Caawi walaalkaa adoo ilaalinaya dareenkiisa iyo dubaaqiisaba.

17/03/2024

Waa arin naxdin leh dabka ka kacay degaanada cagarraran, nooleeye iyo libaaxle oo maamulka degmada nasiye.

marka koobaad waxaan dareenka murugta iyo werwerka leh la qaybsanayaa dadka dabku waxyeelada hantiyeed uu gaadhsiiyey.

waxaan dowlada ugu baaqayaa inay baadhitaan deg deg ah oo sugan ku samayso waxa keenay dabkan ka kacay degaanadan dadka iyo xooluhuba wada manaafacaad san jireen.

15/03/2024

Waxaan hambalyo iyo duco udirayaa wiilkan dhalinyarada ah ee ku suntan hanka sarre iyo guusha uu ka gaadhay tartanada xifdiga qur'aanka kariimka ah.

shakuur maxamed bille waan kuu hambalyeynaa inaad dahabshiil qabto ee bisha ramadaanka ah aad gashay 1aad.

waxaan kuu rajaynayaa guul iyo mustaqbal ifiya.

10/03/2024

waxaan munaasida curashada bisha ramadaan ( bisha soonka) oo ah bishii uu soo degay qur'aanka kariimka ahi ugu hambalyeynayaa bulshada muslimiinta ah meel kasta oo ay dunida ka jooganba, si gaar ahna bulsha waynta soomaliyeed.

waxaan alle ka rajaynayaa inuu bishan ina siiyo khayrkeeda iyo wanaageeda ina waafajiyona tawfiiqda iyo dariiqa toosan.

waxaan usoo jeedinayaa bulshada soomaliyeed inay isku naxariistaan, isku dhibir sanaadaan, isku dulqaataan, iska warhayaan, isu duceeyaan, is cafiyaan, is jeclaadaan, is caawiyaan, iskuna kaalmeeyaan wanaaga iyo samaha.

Alle ha inaga wada yeelo inta uu siiyo bishan khayrkeeda.

05/03/2024

Waxaan hambalyo iyo bogaadin udirayaa dowlada hoose ee burco oo ku guullaystay galabta koobka horyaalka horyaallada soomaliland.

waxaad muujiseen dedaal dheeraad ah, xirfad wanaag, ciyaar qurux badan, kalsooni dhexdiina ah iyo xamaasad aad usaraysa.

waxaad ilaaliseen haybadii iyo magacii gobolka raga waxaad mudan tihiin garab istaag iyo dhiirigelin in la idiin sameeyo.

Guushiinu waa guusha burco. 🙏

02/03/2024

Waxaan hambalyo udiraya dowlada hoose ee burco ee galabta soo hoysay guusha taariikhiga ah ee ay koob finalka ugu baxeen.

waxaan kalsooni ku qabaa xirfada saraysa ee ciyaar yahanada kooxda iyo hanaanka ciyaartooda oo ah mid keeni karta inay xaqiijiyaan hankooda ah inay koobka ku guulaysan doonaan edamka alle.

Guulaysta ducada taageeyaasha gobolka ragaa idinla jirtee.

26/02/2024

Waxaan Hambalyo iyo duco hawada umarinayaa Cabdi Xariir Baaruud iyo cusub Muna Yuusuf Sakiin.

oo maanta si wadajir ah ugu midoobay nolosha.

waxaan alle uga barayaa inuu qoyskan cusub ka yeelo kii lagu nastee lagu nagaado.

isku waara oo barakooba edamka alle.

Photos from Ugaas Abokor  Ahmed Akhyaar's post 14/02/2024

Talo Soo Jeedin Kooban

waxaan usoo jeedinayaa maamulka jaamacada najaax arimahan hoos xusan:-

1. in ururka ardayda ee jaamacada laga yeelo hal urur oo keliya oo ay ku middaysan yihiin dhammaan qaybaha kala duwan ee jaamacada oo dhami, ayna samaystaan hal hogaan oo isku dhafan oo ay ardayda jaamacadu soo xusheen, si aanay u iman isku dhac ardayda dhexdooda ah, khilaaf iyo xifaaltan maamulka labada urur dhexdooda ah.

2. in la dayaco gudashada masuuliyada hawlaha loo igmado iyo in ay noqdaan laba urur oo isku tuur tuura hawlaha guud ee loo xil saaro gushadooda ayna ka timaado natiijo aan la mahdin karin cidhibteeda taas oo keeni karta sumcad xumo ardayda dhexdooda ah iyo aaminaad darro ardaydu ka qabaanba.

waxaan ogahay inay ka mid tahay jaamacadu kuwa ugu tayada iyo aqoonta fiican jaamacadaha culuumta diinta bixiya.

Allaa Mahad Leh

Photos from Ugaas Abokor  Ahmed Akhyaar's post 13/02/2024

Waxaa Saaka Si rasmi ah usoo booqday dugsiga isra school's masuuliyiinta wasaarada waxbarashada iyo sayniska ee gobolka togdheer.

waxay masuuliyiintu halkaas ku soo arkeen horumarka baaxada leh ee uu ku talaabsaday dugsigu muddadii uu jiray.

waxayna ku amaaneen maamulka iyo macalimiinta dugsiga shaqada ay hayaan ee ah geediga horumarka iyo garaad dhisida ubadka.

sidoo waxay ardayda la waddaageen fariimo iskugu jira wacyigelin, dhiirigelin, dardaaran iyo waanooyin guud.

waxaa astaan uah dugsiga isra school's
inuu hadaf walba ka horaysiiyo hadafka guud ee ah soo saarida ubad dhisan oo aqoon leh.

Photos from Ugaas Abokor  Ahmed Akhyaar's post 03/02/2024

Waxaan hambalyo udirayaa asxaabta aan bah wadaagta muddada dheer ku soo ahayn hayaankii waxbarasho ee maanta alle usuurta geliyey inay nasiib uhelaan inay noqdaan dhakhaatiir ka mid noqon doona dhakhaatiirta soomaliyeed.

waxaan idiinku hambalyeynayaa munaasibadan qiimaha badan ee aad gaarteen darteed.

alle ha idinka yeelo kuwii aqoonta ay barteen ku anfaca dalkooda, dadkooda iyo diintoodaba.

02/02/2024

Waxaan tacsi tiiraanyo iyo murugo leh udirayaa sheekh mukhtaar aadam Cabdulle oo ahaa mu'adinkii masaajidka madiina.

waxaan si gaar ah ugu tacsiyeynayaa ehelkiisa, qaraabadiisa, waalidkiis, walaaladii, ubadkiisa, asxaabtiisa iyo guud ahaan bahda culimada ee uu ka baxay marxuumku.

waxaan alle uga baryayaa inuu ka waraabiyo naxariistiisa jano, dhammaanteena inaga wada siiyo samir iyo iimaan saadiq ah.

29/01/2024

Waxaan hambalyo iyo duco hawada umarinayaa wasiirka cusub ee wasaarada beeraha iyo waraabka ee uu maanta magacaabay Ra'iisal wasaare xamse cabdi barre maxamed cabdi xayir maareeye.

waxaan qirayaa inuu yahay shakhsi yimid xiligii loo baahnaa.

waxaan alle uwaydiinayaa inuu xilka iyo masuuliyada la saaray ufudaydiyo xil gudashadooda.

Allaa Mahad Leh

19/01/2024

إنا لله وإنا إليه راجعون
waxaan dareenka murugta iyo naxdinta usaaxiibka ah la qaybsanayaa ehelada, qaraabada, ubadka iyo asxaabta ay ka baxeen marxuumiinta caawa lagu laayeey deegaanka magaalo yar(ina afmadoobe).

waxaan si gaar ah ugu tacsiyeynayaa inta ku dhimatay ee ay ugu h**eeyaan marxuumiinta kala ah :-

1. Marxuum sh. Mursal Cali Oday
2. Marxuum cismaan raxaab
3. Marxuum maxamed Cabdalle

waxaan alle uwaydiinayaa inta dhacdadan ku dhimatay inuu ka waraabiyo naxariistii jano, inta ku dhaawacan tahayna ubooga dhayo dhaawacooda.

14/01/2024

waxaan qirayaa inay tahay jaanis iyo fursad loo baahnaa oo inaga soo raagtay laakiin hadda la joogo xilligii aan heli lahayn.

waxaan urajaynayaa Xildhibaan.foosiya yuusuf xaaji adam inay ka soo hoyn doonto guul taariikhi ah tartankaas ay ugu jirto
hogaanka ururka middowga afrika.

waxaan usoo jeeddinayaa bulshada soomaliyeed iyo DFS inay taageerida iyo garab istaaga xildhibaanada ku noqdaan kuwo umiddaysan.

Guul iyo Gobonimo.

11/01/2024

Waxaan tacsi tiiraanyo leh udirayaa sheekh cabdi rashiid sheekh cali suufi oo uu caawa ku geeriyooday magaalada dooxa ee dalka qadar wiilkiisa cabdixamiid sheekh cabdirashiid sheekh cali suufi.

waxaan si gaar ah dareenka iyo damqashada xanuunka geerida ula wadaagayaa sheekh cabdi rashiid sheekh cali suufi inuu alle bedel khayr leh ka siiyo musiibadaa ku dhacday wiilkiisa ee alle ka jeclaaday.

waxaan alle uga baryayaa inuu marxuumka oo ahaa ehlu qur'aan unaxariisto kana yeelo kuwa alle naxariistiisa jano ka waraabiyo.

dhammaanteena inaga wada siiyo samir iyo iimaan saadiq ah.

08/01/2024

Waxaan hambalyo udirayaa madaxwayne kuxigeenka cusub ee saaka la doortay ee maamulka puntland ilyaas cismaan lugatoor oo ahaa wasiirkii duulista iyo hawada ee xukuumada deni.

waxaan alle uga baryayaa inuu masuuliyada waajibaadka xileed ee la saaray ufudaydiyo xilgudashadooda.

reer puntland

08/01/2024

Waxaan hambalyo udirayaa madaxwaynaha 7aad ee maamulka puntland oo maanta markale loo doortay siciid cabdillahi deni inuu noqdo hogaanka maamulkaas majaha uqaban doona shanta sano ee socota.

waxaan alle uga baryayaa inuu masuuliyada waajibaadka xileed ee la saaray ufudaydiyo xilgudashadooda.

reer puntland

31/12/2023

Waxaan ugu hambalyeynayaa bulshada soomaaliyeed curashada sanadka cusub ee kaltirsiga milaadiga oo noqonaya 2024.

waxaan alle uga baryayaa inuu sanadkan ka yeelo midkii ummada uhorseedi lahaa barwaaqo, horumar, nabad waarta, xasilooni siyaasadeed iyo isbedal la taaban karo oo dhan walba ah.

kii noo hagaagee
noqo loo hanwaynaa

27/12/2023

Waxaan tacsi tiiraanyo iyo naxdin badan udirayaa Xildhibaan h**e Carab cali diiriye
kana mid ahaa hadda hawl wadeenada wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee soomaliya oo si kedis ah ugu geeriyooday magaalada muqdisho.

waxaan si gaar ah ugu tacsiyeynayaa ehelkiisa, qaraabadiisa, ubadkiisa iyo asxaabtiisa.

waxaan alle uga baryayaa inuu naxariistii jano ka waraabiyo dhammaanteena inaga wada siiyo samir iyo iimaan saadiq ah.

20/12/2023

waxaan tacsi tiiraanyo leh udirayaa umadda soomaliyeed ee ay ka baxday khadiija maxamed diiriye oo ahayd wasiirada haweenka DFS.
waxaan si gaar ah ugu tacsiyeynayaa ehelkeeda, qaraabadeeda, ubadkeeda iyo asxaabteeda.

waxaan alle uga baryayaa inuu naxariistii jano ka waraabiyo.

dhammaanteena inaga wada siiyo samir iyo iimaan saadiq ah.

16/12/2023

Waxaan hambalyo iyo duco hawada umarinayaa muddanayaasha golaha deegaanka burco ee doortay maayirka iyo maayir ku xigeenka cusub oo kala noqon doona.

maayirka cusub ee la doortay maxamed xirsi loo garan og yahay ( maxamed case ) iyo maayir ku xigeenka cusub ee la doortay suldaan nuux.

waxaan alle uga baryayaa inuu ku asturo xilka loo doortay kuna garab galo.

waxaan kula dardaarmayaa inay noqdaan adeegayaal bulsho oo daacad ah oo ka faa'iidaysta muddada kooban ee uhadhay.

kana leexdaan tubtii iyo dhabihii h**e loo wada arkay ee hungawga iyo quusta ku keenay bulshada deeganka.

15/12/2023

إنا لله وإنا إليه راجعون
waxaan tacsi tiiraanyo leh udirayaa dhammaan ummada soomaliyeed ee uu ka baxay cismaan ibraahim warsame oo loo garan ogaa hurre walanwal.

waxaan si gaar ah ugu tacsiyeynayaa bahda dhaqanka iyo suugaanta ee uu ka baxay, ehelkiisa, qaraabadiisa, caruurtiisa iyo asxaabtiisa.

alle waxaan uga baryayaa inuu naxariistii jano ka waraabiyo, dhammaanteena inaga wada siiyo samir iyo iimaan saadiq ah.

Want your public figure to be the top-listed Public Figure in Burco?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Telephone

Website

Address


Burco
Other Public Figures in Burco (show all)
Libaax bari page Libaax bari page
Burco

Do not West your time

Xil.farxaan mideeye Xil.farxaan mideeye
Burco

Burco somaliland

ApthiRabbi ZuLeiman ApthiRabbi ZuLeiman
ApTHi Rabbi ZuLaiMaN@gmail. Com
Burco

Hon farhan dirac Hon farhan dirac
1581
Burco

Xarabo

Fahad Bashir Fahad Bashir
Qasabka
Burco

ALL

Muhiim maxmuud Muhiim maxmuud
Qasabka
Burco

Ku sodhawow pegkan

Maxamed Aadan Maxamed Aadan
Burco

kusoo dhawada page ka

Shaafici Shiine MEDIA Shaafici Shiine MEDIA
Burco Soomaaliland
Burco

Ku soo dhawoow Qalbi furan niyaad Saafi Ah

AK QALID AK QALID
MOHAMED ALI
Burco

AK 🙂 QALID❤

Dr. Naji Dr. Naji
Burco

This page i will discuss the animal health care,disease prevention therapeutics and animal welfare

Abdirahman muraze Abdirahman muraze
Jarmalka
Burco

We love my fans ������������