Guuleed Axmed Cumar

Guuleed Axmed Cumar

You may also like

Laxmi Wari
Laxmi Wari
A mee hllo.
A mee hllo.

Ku soo dhawow Bogga Guuleedayaanle Axmed Cumar, oo haddeer ku foogan baadhitaano ku saabsan asalka

23/06/2023

Macnaha hoose ee FALSAFADDA

Wax kasta oo jira waa wax magac leh, wax kasta oo magac lihina waa wax jira. Magacu na waa af oo waa sumadda ahaadda amma abuurta jiritaankeeda suga ee ka sooca abuurada kale. Sida Eebe sheegay, kasmaduna ogaatay, wax kasta oo jira waxa uu ka samaysan yahay laba wax (lamaane) oo isku xidhan (xidhiidh). Haddii aynu si kale u dhahno labada wax amma lamaanuhu waa magacyo waxa isku xidhayaana waa falalka. Aqoontuna waa barashada magacyada (waxa jira) iyo falalka (xidhiidhada) dhexmaraya.

Haddaba, falsafadda oo qeexitaankeedu yahay barashada xaqiiqda jiritaanka koonka iyo xeerarkiisa, haddii aynu af ahaan u sharaxno waxa ay ka kooban tahay fal iyo safad. Ereyga "fål" waa wax (isku) qabasho amma isku xidhidda laba wax iyo ka badan. Dhanbalka danbe ee "safad" oo salkiisu "saf" yahay waa kala saafidda amma kala dhigdhigid wax is haysta oo isku samaysan. Kolka haddaba, ay israacaan ee "falsafad/falsafo" noqdaan waa kala saaridda wax isku "falan" oo isku samaysan.

Faylasoof waa isrogrogyo kale oo labadii erey ee fal iyo saf yeesheen. Fayl qaamuuska af Soomaaligu waxa uu ku qeexay 1. Gal. 2. Kaabiga ugu sarreeya ceel afkiisa. 3. Boqonta lugta ee isku haysa cagta iyo lugta inteeda sare. Soof na waa kala saafid amma kala saaridda wax isku xidhan. Macnahaasi na waxa uu ka muuqdaa ereyga "soofe" oo ah qalab bir ka samaysan oo fudhuudhuc wax xagta korka ku leh oo birta iwm lagu simo ama lagaga jaro wixii tuurotuuro ah.

Haddii aynu nidhi aqoontu waa barashada ahaadaha (abuurada) iyo xidhiidhada (falal) dhexmaraya. Falsafadu na waa halka aqoontu ka dhaqaaqdo amma ka soo fufto oo waa seeska aqoonta.

08/04/2022

Illustration = Iftiimin
Instruction = Hogotusaale.

11/03/2022

Dilemma = Tallan.

11/03/2022

Fight = dirir
Battle = dagaal
War = weer (weerar)
Hostile = colaad
Hostility = colaadeed/nacayb
Enemy = cadow/col
Animosity = cadaawad
Invasion = duulaan
Attack = weerar
Strike = wareen

23/08/2021

Mugweynida Ereyga Aqoon

Ereyada la xidhiidha kasmada aadaneha ee afafku waa ay badan yahiin waanay ka la mug weyn yahiin. Waxaanay la xidhiidhaan heerarka kala duwan ee ay kasmadu marto, taas oo u kala h**eysa: barasho, ogaansho, garasho iyo aqoon. Ereyga "aqoon" waa mid tilmaamaya figta ugu sareysa ee aadanehu barashada ka gaadho. Waa ereytayeed ka soo farcamay fal-amarka "aqoo". Qaamuuska afku waxa uu ku macneeyay "1. Cilmi. 2. Garasho dheerad ah oo wax loo leeyahay". Haddii aynu raacno qeexiddaas oo ah ta inta badan la siiyo, afafka Carabiga iyo Ingiriisiga, waxa meel la jooga, ereyada "العلم" iyo "knowledge". Labadaas erey ee labada af waa kuwo macehoodu isku dhigmo oo ka ka la yimid falalka "علم" iyo "know" oo sida ay u kala h**eeyaan la macne ah "ogaaday" iyo "ogow". Halkaa waxa inooga muuqda, in aanay meel la joogin "aqoon", se ay isceshanayaan "ogaansho".

Haddaba, qormadan waxa aynu ku eegi doonaa macnaha hoose ee ereyadaas iyo sida mid ba kan kale u la xidhiidho.

Baro: si aad wax u ogaadto wax baro

Hayaanka aqoontu waxa uu ka dhaqaaqaa oo bar bilow u ah "barasho". Ereyga "bar" sida macnehiisa ka soo dhiraandhirsanay ereyada ka tafiiran sida bari (jihada cadceedu ka barido), baro, barasho, baruur, baraar, baraarug, barbaar, barbaarin, baraad. Waxa uu la macne yahay "tamar" waliba ah mid togan. Bartu waa nuur (sida bari oo ah qorax soo baxa ama reerku waxa uu ku baryay). Goorta qofku hurdo ka soo kaco waxa la dhehaa waa soo baraarugay oo waxa soo noqday baraadkii ama tamartii shanta dareen ku shaqaynayeen. Baraadku waa tamarta wax lagu kala garto ee ka shaqaysiisa shanta dareenwad. Haa waxa aad ogaadtay waa wax soo maray shantaada dareen oo waa wax aad aragtay, maqashay, urisay, dhadhamisay ama taabadtay.

Barashadu waxa ay kaaga ciidaminaysaa mugdiga dunida ogaalka oo waxa ay kuu daaraysaa iftiin iyo ilays wax kaaga bidhaansha dunida ogaalka. Amaba waxa ay ku siinaysaa tamartii iyo awoodii aad wax ku ogaan lahayd. Waa tii odhaahda carabigu ahayd "العلم نور و الجهل الظلام" oo macneheedu yahay "cilmigu waa iftiin cilmi la'aantuna waa mugdi".

Garasho: marka aad wax ogaadto ayaad wax ka la garataa

Adduunyadaas baaxaddeedu wayn tahay, waa jiraalka ogaalka ee waxa yaalaa waxa ay iskugu jiraan wax gar ah iyo wax aan gar ahayn. Si kale haddii aynu u dhigno, waxa aad ogaadtay ee faraha badani waxa ay u baahan yahiin in la ka la hufo oo la ka la haadiyo, dabadeed waxii gar ah gaar loo sooco. Halkaa weeye halka garaadku hawsha ka soo galayo oo inta uu ka xusho waxii garasho ah ee ogaalka ku jira uu gaar u weeleysanayo.

Garashadu waa ogaansho la sugay run ahaantiisa. Tusaale, ilmaha yar hooyadiis waxa ay u sheegtaa in dabku halis yahay oo uu wax gubo, se isaga oo xogtaas haya oo ogsoon haddana goorta aan la arkayn waa uu ku ciyaaraa oo kolba doonaa in uu taabto. Jeerka uu taabto ee uu ku gubto lagama yaabo in uu mar danbe meel uu dab yaalo ka ag dhawaado. Waayo waxa uu si dhab ah u ogaaday ama u garowsaday halistiisa.

La soco...

03/07/2021

Maanta waxa aan halkan idinkula wadaagay in ereyga "DIIWAAN" oo Soomaalida qaarkood "DUWAAN" ugu dhawaaqaan kooda saxan. Aniga oo taas ka duulaya ayaan isku dayay in labadaas kooda sax ah eegno. Sida caadiga ah marka arrinta noocaas ah la qiimaynayo waxa jira hab loo maro oo ah in ereyga salkiisa lagu noqdo. Haddaba, ereygu waxa uu u dhisan yahay sida ereyada "degaan, hoobaan, suubaan iwm" oo ah ereysaleed uu raacay dibkabeha -aan.

Sidaas marka ay tahay, ereygu waa "duw" oo ah in wax la soo celiyo ama leexiyo. Marmarka qaar waxa aynu maqalnaa xoolaha isku soo duw, ama iskuduwe iyo iskuduwarid (iskudubarid). Marka dibkabaha -aan la raaciyana waxa ay macnehii "duw" ku biirinaysaa meeshii wax lagu soo duwayay oo noqonaysa "duwaan", sida "deg" ay -aan uga dhigayso meeshii la degayay oo "degaan" ah.

Imika ereygan marka uu Carabi joogo jiriddiisa xarafka "ya" ka mid ma ah oo "wow" ayaa asalka ah. Sida ka muuqata isrogroggiisa
دَوَّنَ: (فعل)
دوَّنَ يُدوِّن ، تدوينًا ، فهو مُدوِّن ، والمفعول مُدوَّن
دَوَّنَ مُذَكِّراتِهِ : كَتَبَها
دَوَّنَ الشَّاعِرُ دِيوانَهُ : وَضَعَهُ وَجَمَعَهُ
دَوَّنَ اسْمَهُ : كَتَبَهُ في الدِّيوانِ
دَوَّنَ الدَّواوينَ : أَسَّسَها، أَنْشَأَها
دَوَّنَ: كتب في مدوّنة على الشبكة العنكبوتية
دَوَّنَ الكُتُبَ: جمعها وَرَتَّبها

Halkaa waxa inooga muuqata in ereygu DUW ku saxan yahay.
Mid kalena ogow oo ereygu Carabiga waa ku baadi. Waxaana aynu taa marag uga dhigaynaa waa in Carabtu xaraf siyaado ah oo "nuun" ah raacisay. Sida caadiga ahna afku erey uu soo ergistay sidiisa ayuun baa uu ku qaadan karaa ama xarfo dheeraad ah ayuu ku daraa, se ma dhici karto in uu wax ka dhimo.

Dhibta jirta ayaa ah in ereygii Soomaaliga ah ee af kale laga helo in markiiba la odhanayo af Soomaali ma aha ereygaasi oo waa afkaas oo waa inagu baadi. Miyaan sida Soomaaligu ereyo u soo ergisto isaga looga amaahan karin?

27/04/2021

Ereyadan waa kuwo isku dhow, dhanka qoraalkana inta badan waa la isku qaldaa.

Båd (bådbåådo, bådqab, bådanka, bååd)
Bàd (badka, baadi)
Bád (badda, badan - wax faro badan)
Bed (bedal, beed)

Labada erey ee "bàd iyo bád" waa laba erey oo magac ah oo ka h**e caynkiisu lab yahay (bàdka) ka danbe na dhedig yahay (bádda). In kasta oo farta Soomaaligu haddeer aanay lahayn astaamo lagu ka la saaro, hadda na inagu waxa aynu u ka la yeelnay laba sumaddood oo ka labka ah bàdka waxa aynu raacinay sumadda cod-dhaca ` (falling tone) ka kale ee dhedig oo ah bádda iyana waxa aynu siinay cod-kac (rising tone). Marka aad sii fiiriso labadaas erey, kuma ka la duwana dhanka codka oo keli ah. Se sida isrogrogga ereyga bád ina tusayo 'd'-da danbe waa 't' doorsoontay oo marka aynu fal tagay oo qofka maqan ah ka dhigno 'd'-du waa ay barobaxaysaa oo 't''-dii asalka ahayd ayaa soo noqonaysa, sida weedhani ina tusayso "waa uu batay". Halka ereyga kale ee bàdka 'd'-diisu asal tahay "waxa uu baday...".

Dhanka kale ereyga båd shaqalkiisu waa mid culus oo waxa aynu sumad uga dhignay goobaabo "°" aynu shaqalka dul saarnay. Waxa sumaddan h**e shaqalada culus u adeegsaday afyahankii Keenadiid oo qaamuuskiisa ku kala saaray shaqalka fudud iyo ka culus sida dul (dusha) iyo důl (důlka).

F. G
Sumadahan oo ah soo jeedin, waxa ay qayb ka noqonayaan xasilinta qoraalka Soomaaliga oo waxa ay meesha ka saarayaan ereyada loo yaqaan "isku dhigid kala dhihid".

12/04/2021

Waa qasiido Nabi-amaan ah oo soo baxday 12/04/2021. Dhextaalka qasiidada waxa aan ka soo qaadanay qasiidadii uu alifay Alleh ha u naxariistee sheekheenii weynaa waa Sheekh Abubakar Warro-oogo.

Yaa Rasuulalaahi khud biyadii
Yaa Xabiibalaahi khudbiyadii
Yomal farqi ruuxi wal jasadii
Judlanaa bi nuuri wal madadii

Ayaantuu dhashaybaa iblays ka didoo
Asnaamtii makaa afweyn u dhacoo
Ilayskii baxaa aduunka shidee
Dadyow idilkiin xuskiisa irkada

Yaa Rasuulalaahi khud biyadii
Yaa Xabiibalaahi khudbiyadii
Yomal farqi ruuxi wal jasadii
Judlanaa bi nuuri wal madadii

Uurkiisa xumaan Allaa ka xaloo
Uunkoo idilbuu u khayrbadanyoo
Akhlaaq wacanbuu astaan u yahee
Dadyow idilkiin xuskiisa irkada

Yaa Rasuulalaahi khud biyadii
Yaa Xabiibalaahi khudbiyadii
Yomal farqi ruuxi wal jasadii
Judlanaa bi nuuri wal madadii

Markuu adinkii bilaal oogaybaa
Kashii engegnayd iimaan ku duxoo
Dhegtii owdantaa edaanku culee
Dadyow idilkiin xuskiisa irkada

Yaa Rasuulalaahi khud biyadii
Yaa Xabiibalaahi khudbiyadii
Yomal farqi ruuxi wal jasadii
Judlanaa bi nuuri wal madadii

Xuskiisa Allaa amroo na faroo
Isagoon dhalanbuu amaanba heloo
Irdaha carshigaa ilaah ku qoree
Dadyow idilkiin xuskiisa irkada

Yaa Rasuulalaahi khud biyadii
Yaa Xabiibalaahi khudbiyadii
Yomal farqi ruuxi wal jasadii
Judlanaa bi nuuri wal madadii

Anoon aragbaan u baahanahoo
Udgoonaha waan u oomanahee
Intuu aakhiro ergeyga u noqdaan
Eebow barinee ducada noo ajiib

Yaa Rasuulalaahi khud biyadii
Yaa Xabiibalaahi khudbiyadii
Yomal farqi ruuxi wal jasadii
Judlanaa bi nuuri wal madadii

Adoon baan ahay itaal daranoo
Intaa gafayoo lumoo ambadee
Quluubta adaa arkoo rogrogee
Allow naga yeel Islaam badhaxtiran

Yaa Rasuulalaahi khud biyadii
Yaa Xabiibalaahi khudbiyadii
Yomal farqi ruuxi wal jasadii
Judlanaa bi nuuri wal madadii

10/01/2021

Aniga oo dhawaan idinla Wadaagay inaan u sharaxanahay Golaha Degaanka Caasimadda Hargeysa. waxa aan halkan idinkula wadaagayaa qorshe hordhac ah. Kaas oo aan rajaynayo in uu noqon doona haddii Alle na waafajiyo idinna codkiina igu taageertaan mid Hargeysa ka dhigi doona magaalo horumarsan oo qayrkeed la tartanta.

Waxaan qirayaa in bulsho ahaan bulshadeenu tahay bulsho wanaagsan oo u heelan horumarka, una dhegonugul dawladnimada. Laakiin u baahan masuuliyiin daacadnimo iyo karti leh oo ku Haga dhanka horumarka.

Waxa hubaal ah waxa bulshooyinka isdhaafiyaa in aanay ahayn dhaqaale se ay tahay hadba maamulkoodu sida uu yahay.

Haddaba, si aynu u xaqiijino himilooyinka wanwanaagsan ee inaga wada dhexguuxaya ee ah sidee u helnaa Hargeysa horumarsan.

Qodobka 1aad: Maamul-wanaagga

Ugu h**eyn, oodo dhacameed sida ay u kala sareeyaan ayaa loo kala guraaye, waxa aynu hirgelin doonaa maamuldaadejin dhamaystiran oo waafaqsan qodobada 110, 111 iyo 112 ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo xeerka ismaamulka gobolada iyo degmooyinka ee xeer no. 23.

Waxa aynu samayn doonaa maamuldaadejin ka kooban afar heer oo kala ah heer magaalo, heer degmo, heer waax iyo heer laan ama xaafad oo shantii boqol ee qoys ba waxa aynu u samayn doonaa maamul xaafadeed ama laameed oo noqon doona unugga ugu yar ee dawladnimo. Waxa uu nidaamkani sahli doonaa in bulshada loo dhaweeyo dawladnimada si loo abuuro Dareen lahaansheed (sense of ownership) isla Markaana looga qaybgeliyo go'aanada iyo qorshayaasha horumarineed ee magaalada.

Waxa kale oo aynu dibuhabayn balaadhan ku samayn doonaa qaabdhismeedka dawladda hoose inaga oo shaqo kasta qeexi doonaa masuyliyaddeeda iyo xayndaabkeeda shaqo. Qofkastaana waxa uu u qoolnaan doonaa oo lagala xisaabtami doonaa masuuliyaddiisa, oo waxa aynu dabaqi doonaa xadiiskii Nabiga (NNKH) ee ahaa "kulukum masuul wa kulukum masuulun can raciyatihii" oo macnahiisu yahay "dhamaantiin waxa aad tihiin masuuliyiin waxa aanad masuul ka tihiin wixii la idin raaciyay"

Waxa aynu tayayn doonaa shaqaalaha dawladda hoose oo waxa aynu si joogto ah u bixin doonaa tababaro lagu xoojinayo akhlaaqda si loo abuuro dhaqan cusub oo sariigasho leh oo ka xishoonaya musuqa, eexda, qofjeclaysiga, iyo qaraabo kiilka, una heelan in uu bulshadiisa u adeego laakiin aan ka adeegan.

Qodobka 2aad: Dhaqaalaha

Si bulshada loogu adeego oo baahiyaheeda loo daboolo waxa lagama maarmaan ah in la helo Nidaam miisaaniyadeed oo hufnaan iyo daahfurnaan leh. Waxa aynu dibuhabayn ku samayn doonaa habka cashuuraha. Tusaale si loo kala duwo cashuurta guryaha laga qaado waxa aynu samayn doonaa laba file oo guryaha degsiimo iyo ganacsi u kala saaraya. Waxa kale oo aynu soo kordhin doonaa degmo ganacsi oo noqon doonta suuqa hoose ilaa shacabka.

Waxa aynu abuuri doonaa jawi maalgashiga ku haboon oo waxa aynu fududayn doonaa dhamaan waxii maalgeshiga la xidhiidha.

Sida aynu la socono caafimaadka iyo salxiisku ilaha dhaqaalaha dunida haddeer waxa ay kaga jiraan meel sare. Haddaba inaga oo arrintaa ka duulayna waxa aynu Hargeysa u diyaarin doonaa sidii ay u noqon lahayd xarunta caafimaadka ee Geeska gaar ahaanna Soomaalida. Waxa kale oo aynu yaqleeli doonaa shirkad dalxiis oo ay wada leh yihiin bulshada iyo dawladda hoose oo ka shaqayn doonta sidii loo soo jiidan lahaa dalxiisayaal badan.

Qodobka 3aad: Bilicda Magaalada

Waxa aynu sida ugu degdegga badan wax uga qaban doonaa bilicda magaalada inaga oo ugu h**eyn samayn doona daraasad dhamaystiran oo ah habka bulaacadaha iyo biyomareenka magaalada (sewage and drainage system). Waxa aynu Beeggallo (standards) u samayn doonaa wadooyinka magaalada, wadana la dhisi maayo ilaa loo dhamaystiro biyomareenkeedii iyo halkii dadku marayeen.

Waxa kale oo aynu markii ugu h**eysay magaalada Hargeysa u samayn doonaa Master plan. Kaas oo magaalada u kala saari doono degsiimo, ganacsi, degaan warshadeed iyo goobo nasasho.

Qodobka 4aad: Arrimaha Bulshada

Waxa aynu tayayn doonaa adeegyada bulshada ee asaasiga ah oo aynu gaadhsiin doono heer caalami sida:
Caafimaadka
Waxbarashada
Biyaha
Fayodhawrka iyo
Amaanka magaalada.

Inaga oo ilaalinayna badqabka reer Hargeysa waxa aynu abuuri doonaa lana kaashan doonaa hayadaha dawliga ah ee ay khusayso Xafiis hubiya tayada cuntada iyo dawooyinka.

Waxa aynu abuuri doonaa xafiis daryeela bulshada inta jilicdasan ee aan haysan cid daryeesha sida; dadka waaweyn, kuwa naafada ah, kuwa darbijiifka ah iyo kuwa qaba xanuunada dhimirka ah.

Waxa aynu ognahay in dhalinyartu tahay hanti qaran ilaalinta badqabkooda jidheed iyo maskaxeed na yahay Waajib dawladeed. Waxa aynu dardargelin doonaa tartamada kala duwan ee ciyaaraha. Waxa aynu dayactir ku samayn doonaa goobaha lagu ciyaaro. Waxa kale oo aynu soo kordhin doonaa garoomo hor leh. Waxa aynu aynu hirgelin doonaa isla mar ahaantaasna joogtayn doonaa qabashada tartamada sida horyaalada heerka kowaad, labaad iyo saddexaad. Waxa aanu degmo kasta u astayn doonaa dhul mustaqbalka laga dhiso stadium yo casri ah oo ay wada yeeshaan kooxaha degmada ka dhisan.

Waxa kale oo aan abuuri doonaa xafiis dhiirigeliya halabuurka da'yarta oo la-talin iyo tababaro u fidiya. Si dhalinyarteenu uga qayb qaadato tartanka dunida waxa aan xoogga saari doonaa koruqaadka aqoonta technology yada amaba IT.

Ugu danbayn, waxa aan Ilaahay ka baryayaa in uu inoo rumeeyo rajooyinkeena wanaagsan, doorashadanna inooga dhigo tii isbadalka. Walibana isbadal uun ma aha ee isbadal la mahadiyo oo bashbash iyo barwaaqo inoo horseeda.

Bulshada reer Hargeysa na waxa aan leeyahay "Hargeysi waa hoygeenii, hoyguna waa nolosheenii" ee dhamaanteen aan gacmaha isku qabsano sidii aynu Hargeysa ugu wada shaqayn lahayn sida hoygeena oo kale. Miciinkeeduna waa codkaaga ee muwaadin u meel day cidda aad masiirkaaga u dhiibayso.

Waad mahadsan tihiin.

Want your public figure to be the top-listed Public Figure in Hargeisa?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Address

Hargeisa
Other Writers in Hargeisa (show all)
Caadil Caadil
BadaCasSuburb
Hargeisa

waxanu soo gud-binnaa muuqaalo iyo qoraalo ku hawaal siinaya caalamka ,kor na uqaadaya ogaalkaaga dh

Xaqiiq sheeke sports Xaqiiq sheeke sports
Hargeisa

Xogaha Sports Ka

Mubarik sugule Mubarik sugule
26 June Street
Hargeisa, 252

Noloshu waa halkan

𝐌-𝐀 𝐏𝐫𝐨𝐟𝐞𝐬𝐬𝐢𝐨𝐧𝐚𝐥 𝐌-𝐀 𝐏𝐫𝐨𝐟𝐞𝐬𝐬𝐢𝐨𝐧𝐚𝐥
Hargeisa

◢◣ ◢◤👑◥◣ ◥◣👑◢◤ ◥◤ ❖─❥♥️❥─❖ ╔━━❖❖🖤❖❖━━╗ ◆💠☬❉M-A SMART❉💠☬◆ ╚━━❖❖🖤❖❖━━╝ ❖─❥♥️❥─❖ ◢◣ ◢◤👑◥◣ ◥◣👑◢◤

Amiin Abdirhmaan Amiin Abdirhmaan
15 Street
Hargeisa, 70014

Welcom

Zulthan Aboor indhoceel Zulthan Aboor indhoceel
Hargeisa, 09

"𝙉𝙞𝙣 𝙞𝙨𝙖𝙖𝙦 𝙜𝙤𝙙𝙤𝙗𝙩𝙞𝙞𝙨 𝙧𝙖𝙗𝙖 𝙖𝙮𝙖𝙖𝙣 𝙜𝙖𝙖𝙙𝙝𝙠𝙖 𝙠𝙖 𝙝𝙖𝙮𝙖𝙖"

oz_laz_official oz_laz_official
150streat
Hargeisa

Runtu fanto maaha Saxafadu na mixnad ma aha ee waa mihnad Runta rabaa inagu og

Liverpool som fans Liverpool som fans
Hargeisa

LIVERPOOL FANS

Suhayb Maxamuud Ceellaabe Suhayb Maxamuud Ceellaabe
150
Hargeisa

"Waxaan doonaya qaran Qaran dhaama kii dumay" AHUN Gaariye

Khalid A. Ibrahim Khalid A. Ibrahim
Hargeisa, N/A

zaid_xaliye zaid_xaliye
Hargeisa

Alxamdulillah��

Gobaad  Somalilnder Gobaad Somalilnder
Street 150ka
Hargeisa, 125

Somaliland hanolato dadaal iyo dacadnimo shircigana halo hogansamo