Suhayb Maxamuud Ceellaabe

Suhayb Maxamuud Ceellaabe

You may also like

Tar Fofo
Tar Fofo
Adama d
Adama d

"Waxaan doonaya qaran
Qaran dhaama kii dumay" AHUN Gaariye

09/12/2023

HADALHAYNTA HEESTA 'TOGDHEER'

Sannadkii 2011kii, waxa soo baxday heesta la baxday "Waddaniga dhabta ah Allow dhawr" oo uu qaaday fannaanka Nuur Daalacay. Heestaas oo aad u faaftay waxay tiirdhexaad u noqotay xusaskii 18ka May ee sannadkaas. Bilo kadib curashadii heestaas ayuu Nuur Daalacay dalka ku soo laabtay, si weyn ayaana loo soo dhaweeyay. Meelaha sida weyn loogu soo dhaweeyay waxa ka mid ahayd magaalada Burco oo dadweyne tiro badani Khayriyada isugu soo baxay.

Soo dhaweynta Burco ayaa dareenka Nuur aad u taabatay. Dabadeedna, isaga oo arrinkaas la dhacsan ayuu habeen ka mid ah dabayaaqadii sannadkaas (2011) fannaanku noogu yimid aniga iyo Hadraawi oo joogna hudheelka Safaari ee Hargeysa.

Nuur Daalacay waxa uu Hadraawi weyddiistay in uu u sameeyo hees "Burco" ammaan u ah, bal se waxa uu Hadraawi u sheegay in uu h**e u halabuuray hees ka hadlaysa qiimaha Burco iyo gobolka Togdheer, isaga oo fasax u siiyay in uu qaadi karo. Sidaas ayuu Nuur ku qaaday heesta Togdheer, isaga oo laxan hor lehna u sameeyay.

Heesta Togdheer waxa ay markii ugu horraysay soo baxday 1972kii. Sannadkii xigay (1973) waxa ay ka mid noqotay heesihii riwaayaddii Tawaawac oo uu Kacaanku u xayiray dareenno Kacaandiidnimo, bal se uu fannaankii Muuse Ismaaciil Qalinle dibadda ku duubay.

Ilaa xalay waxa socotay dood iyo hadalhayn ku saabsan heesta Togdheer. Haddaba, haddii ay dooddu tahay, "muxuu Nuur Daalacay u qaaday heesta Togdheer?", waxa aan marag ka ahay in Hadraawi oo heesta halabuuray oggolaansho u siiyay. Haddii se dooddu tahay, "muxuu laxanka u beddalay?", Nuur waxa uu sheegay in aanu jiritaanka heesta h**e ka warqabin. Waxa se jirta dood odhanaysa in laxanka Nuur heesta cusboonaysiiyay, kana dhigay hees la jaanqaadaysa casriga iyo jiilka cusub.

Si kastaba ha ahaatee, doodaha faneed ee la xidhiidha ilaalinta lahaanshaha halabuurka, xuquuqaha curinta iyo kala horrayntu, waa kuwo qiime leh, in se doodahaas laftooda ujeeddooyin kale loo adeegsadaa ma qummana.

09.12.2023
Maxamed Saleebaan Cumar.

05/12/2023

Werwerka ugu weyn ee muwaaddin xilkas ah dalkiisa ka qabsadaa waa mid ku aaddan su’aasha jidhiidhicada wadata ee “Armuu waddankaagu burburaa?” waana warwarka maanta ka jira dalkeena Jamuuriyadda Somaliland.

Warwarkaasi Iska ma yimaaddo se. Waa wayddiin dhalata kolka qofku uu qun u fahmo in ifaafilihii halaaggu carradiisa ka salag leeyahay oo xaaladdu taagan tahay, sida la dhaho, “qaylaa willan!” Haddaba waa goorma? Maxaa lagu gartaa in dhulkii iyo dadkii aad jeclayd ay khatari ku soo fool leedahay? Asalkaba, dagaalka sokeeyaha maxaa dhaliya, maxaa shidaaliya, maxaa soo dedejiya?

Hor iyo abbaato, aynu mid isla fahanno. Ma jirto bulsho ka tallaalan fadqalallo iyo kala qaybsanaan gaadhsiisan heer dagaal sokeeye ka dhex dillaaci karo. Waxa se lagu kala horreeyaa sida loogu kala dhiifoon yahay in astaamaha colaadda sokeeye xilli horaba la aqoonsado, laga tabaabushaysto, laga hortago, lana dejisto nidaam dammaanadqaadaya in la kala badbaado.

Dawladnimada hagaagsan ee qofku milge iyo gobannimo ku dhex haysto gebigeedaba waxa summad u ah in ay dadka isku hayso, isla markaana kala hayso. In ay samaha ka midayso, xumahana ka xak**ayso. Haddii, haddaba, laga waayo calaamaddaa muhiimka ah, waxa umaddaasi qarka u saaran tahay dhoobad aan laga waaqsan iyo burbur aan laga baaqsan.

Muran li'i marka aad fiiriso xaqiiqooyinka sida dhabta ah u saydareeyey dadkeena ee taabtay, waa mushkiladda iyo dhibaatooyinka ka dhashay fahan la'aanta macnaha dhabta ah dawladnimada. Bal ila dhugo erayada maansadsan ee sida toos ah iyo sida cilmiyaysan uu inoogu soo bandhigay saxiibkeen Abwaan Cabdishakur Axmed Cabdi Caateeye isagoo rabba inuu bulshada iyo dhalinyadda jaho-wareerku kaga dhacay fahan la'aanta macnaha dawladnimo. wuxuu yidhi;

Dawladnimadu waa sharaf
Marka daacad lagu wado
Waa Daryeel uu magansado
Duul sinaan masooboo
Damalkeeda hoos yaal
Dibjirkiyo danaystaha
Sharci kala dabaalo
Inaan daanka lays dhigin
U dabraysan weeyaan

Waa dabarka lagu xidho
Daallinkeeda aan tudhin
Iyo doohda celisoo
Kolna derejo weeyaan
Dallacsiisa hebelkii
Dulucdeeda hanan kara.

Hankuu ruux dugsanayiyo
Dawladnimadu waw hiil
Inta ay u dirantoo
Rag dudoo fogaadiyo
Haween diilalyoodiyo
Miskiin daadku qaadiyo
Dugay bay ka tahay moos

Dardar waxay u yeeshaa
Dammiinkeeda gaabshoo
Waxay doojisaa hanad
Jiri kara danteedoo
Waxay diirisaa maan
Damiirkiisu seexdo
Daya waxay tidhaahda
Libta durugsanaatoo
Qiyamkiyo duruufaha
Iyadaysku daabtoo
Tubta lagu dareeriyo
Sahan daal ku ciidmiyo
Hiyi doogsin raadshoo
Geediga dabayshada
Soo duwaay yidhaahdiyo
Waa duudka odaygaa
Dummaddiisa kugu sida

Eebbe wayne ayaa i dilaaye waxa uu kor iyo kalba uu fayday caqabadaha dalkeenna burburiyay ee ay ka mid yihiin: damiir xumada hoggaamiyayaasheenna, qabiil caabudka dadkiisa iyo dibindaabyada shisheeye. Markale wuxuu maansadan ku soo bandhigayaa waddada iyo dawga loo mari karo badbaado qaran iyo xal waara ee dadka dawlad ku midoobay ugu wada noolaan karaan. wuxuu adeegsanayaa hannaan dood-curis ah (argumantative), isaga oo ka shidaal qaadanayaa xal u helida xaaladahan maanta jira ee jaangoynayaa nolosheena, waa arimahan fahan daradu inagaga dhacday. Markale isaga oo tibaaxaya macnaha dhabta ah ee erayga QARANIMO iyo dheefta lagu helo wada jirka ayuu yidhi;

Qaranimadu daahiyo
Hir dallaalimeeyoo
Sida waqal daruureed
Ummadeeda dadabtiyo
Waa dahaadhka dhawree
Dusha kaaga hagar baxa

Qaranimadu waa dood
Kii deyn ka maqanyahay
Ama degel shisheeye ah
Daanadiisa lagu galo
Dooyo qaad u noqotoo
Daganaha ma moogee
Dano jire iyo wakiiliyo
Waa dareen u maqanoo
Garab daar u dhiganoo
Waa dooc ogaalloo
Sida waalid diir nugul.

Jahligay la dirirtaa
Cilmi daahfurkiisiyo
Aqoonbay dudubisaa
Harro weeye duunyiyo
Dadba lagu harraad baxo
Xalka weeye dabar jara
Dulinada xanuunka ah
Waa dardaaran iyo toos
Waa deraasad iyo sheeg
Waa dalaayad iyo hoos

Calankeeda daabka leh
Sanam laga ducaystiyo
Doolaalo maahiyo
Arrin layska deexdee
Waxa loo duraansaday
Kartiyo dedaalkiyo
Duubkiyo burhaantiyo
Garashada dunkeenoon
Sida duur u kala quban

Waa duubi wadaroo
Dildilaaca nololleed
Hadba dagagarkeedii
Dunta mudac u sudhayoo
Daldaloola baahoo
Soo haba daroortiyo
Fooraha dabaylaha
Ka digaaya weeyaan

Dhanka kale waxa uu hal-abuurku maansadiisan ku dhiteeyey aqoontii iyo waayo aragnimadii uu ku baratay deggenaad soomalida degto. Markale Maansadani waxa ay tibaaxaysaa; haddii qaranimada la waayo cidhib xumada laga dhaxlo. si dadbana wuxuu dhaliil uu u soo jeedinayo hoggaamiyayaasha siyaasadeed, waxgaradka ummada, tacliinleyda aqoonta ku tookha, ganacsatada, dhalinyarada, iyo bulshoweynta kale soomalida. Dhab ahaan waa maanso yidiidillo iyo rejo xanbaarsan oo hal-abuurka aadan agtiisa quus ku dareemayn. si dadnimo ku jirto ayuu markale inoo yidhi;

Haddii ay dadqalatiyo
Sida diiratada jaan
Dalqo sida barmuuda ah
Ku daldalato maatida
Ama ay duqaydiyo
Dumarkiyo caruuruhu
Ilmadayska duugaan
Dayday dhaantay goortaa
Duminteedu waa yeel
Iyo lagama dayrshaan

Xukun kaa dugaagaa
Deebaaqdu geystiyo
Diiftiisa weligeed
Waad la diilalyootaa

Middi weeye daabloo
Wadarnimo ku darartoo
Danan oo cadaawaa
Iga daafac lagu yidhi

Haddii duulaheedaad
Docda iigu hay tidhi
Intuu soo dabaysahaday
Dahrigiyo jidhkaagii
Kala daalo waa eel
Damintiisu hawl tahay.

Ugu danbayn maansadan miida ah oo kale waa in la faaqido, la lafaguro, loo guulo, la dhaxo, laguna xiiqo oo lagu daalo.

Suhayb Maxamuud Ceellaabe
Hargaysa, somaliland

02/12/2023

Heestan muuqaalka iyo codka waa lays dul dhigay! Barta dhalinyaradu ku kulantee TikTok ayaan ku arkayoo—wali muuqaal la mida kuma arag.

Heesta waxa asalkeedii h**e si talantaaliya ugu wada luuqayn jiray; Shankaroon Axmed Yuusuf oo loo garan ogaa "Sagal" iyo Axmed Cali Cigaal. Heestan muuqalkeeda waxa dib loo duubay 1998kii. Sida uu ii xaqiijiyey Muniir Garnayn oo fadhiyey xiligaa goobtan heesta laga qaadaayo oo ahayd silmoogii ina mulac ee hargaysa. Eebbe ha u raxmadee waxaa heestan dib u wada qaadaya Kinsi Xaaji Aadan iyo Maxamed jaamac Cawaale oo loo garan ogaa "indho Jacayl"

30/11/2023

"Maanta dalkeena waa la qabsanayaa waliba ethopia SAYLAC ayay ku hamiyeysaa"
— AHUN Sh. Aadan siiro

29/11/2023

Walahi waan la yaaban ahay M. Muuse Biixi!

27/11/2023

Duriyadii sanaag iyo Ayaamahii jacaylka ❤

Hadaladan ku wada deeqayee dulucda miisaaman
Dunta wacan dulqaadkiyo kartida daayin ku aburay
Derejada aqoontiyo cilmiga doorka laga siiyay.
Dabeecadaha laysugu dariyo daacadnimadeeda

Deexashada xishoodkale ilkaha dabarka loo yeelay
Daymada indhaa lagu masalay deeradiyo cawsha.
Timaa garabka hoos uga dagay diibka ku xinaysay
Digashiyo xarago laafyahay debec u qaadayso
Goortaan dayaa baa qalbiga damac ku bermaye.

Alloow yaa intuu dadab la galo dahab ka lalaadsha
Dibnahaba alloow yaan u furin dumarka qayrkeeda
Allowyaan odhaah damaqleh iyo diidmo mqashinin
Dalkeenaa u mudan meel arlada loo dalxiistago'e
Muuqaal dareenliyo warbixin dunida saamaysa
Alloow yaa ha soo duubato'e daawad qabadsiiya.

Sida loox duruus lagu dhigtaa laygu daabacaye
intuu duudka buurii calmadaw daabad ugu qaado
War Yaa dallaga beerii ragaad ugu dul sheekeeya
Durdurada gudmiyo yaa intuu daallo ku casuumo
Maruun daar-illaaliyo fallaad daawasho u geeya

Alloow yaa dagaaroo cir helay daadahsha arrooryo.
Dayrtiyo gu'sooraha wakhtiga dirirku hooraayo
Duleedkii garoowiyo qardhoo daadku mulacyeeyay
Alloow yaa dareemada ku taal daalka kaga reeba

Dooxada nugaal iyo fardaha doogga miranaaya
Alloow yaa darmaankay wataan ugu damaashada.
Alloow yaa dalys ubax ku yaal duure uga gooya
Daharriyo wardheer yaa habeen dab ugu soo ooga
Darmo yaa udhiga goor barqo'ah damashi buhodle
Alloow yaa danood geel ku dhalay doobi ugu qaata

Alloow yaa caways kula digriya darinti heegaale
Dareen gabayle yaa ugu cabira daaqa quruxdiisa
Dalawyada qalbigu leeyihiyo daaqadaha beerka
Dakharada ku yaal baa murtida lagu dabiibaaye
Alloow yaa fan ugu dooga dhaya lagu dawoobaayo

waa xilo horwayn daran ku nool loo danbariyaye
Waa dabar geyaan loogu xidho dookha kaligeede
Waa ugub wadnaa lagu dugsiyo duuga nololeede
Waa ruux daryeel dhaba kalgcal lala duljoogaaye
Waa gabdh degaan lagu dhista duul is dhalay yaale
Alloow yaa duriyadii sanaag doolo uga heesa

Erayadii Maxamed Cali Shilke
Gabaygii: Duriyadii sanaag.
Ku celis weeyee boqortooyo siyaada kaga nasta.

27/11/2023

Walaalkeen Ibraahim Sheekh Bashiir oo qaliin caafimaad oo Wadnaha ku galaya mid ka mida cusbitaalada magaalada Doha. Asxaabeey iigu soo duceeya in qaliinkiisu noqdo kii lagu najaxo ee lagu guulaysta bi idni Raxmaan.🤲

24/11/2023

Saliga Nabigaa Sareedo leh ❤
محمــــدﷺ

igula salli walaal xabiibkeeni Muxamed CSW

23/11/2023

"Taxanaha noloshiyo
Taarikhdu waa buug"

Bal in yar ila milicso ama ila daawo, mucjisooyinkan iyo mahadhooyinkii hadal ee maayir mooge laga guntay.

21/11/2023

Ganacsadahii Bariiska dhacay lahaa inuu ilaahay bahalkan ku salido maxaad tidhaahdeen? Aamiin

18/11/2023

"Haddii ABU JAHAL soo noqon lahaa sabanka aan joogo
oo sidiisi hablaha Aasi lahaa waa sidii uu yeelay
Sufuuf nimana buu ku dari la'aa uuna dumar ka sooceen"

17/11/2023

Beledweyne oo webigu ku fatahay iyo rag masiibada bulshadooda haysata faakihaysi ka dayaya!...

Nin daacuun ku dhacay baa lagu yidhi "sidee tahay, bal warran?" Wuxuu ku jawaabay, "maxaan ku warramaa, ma aniga oo xaar ku fadhiya ayaa la i arki jiray!"

- Siciid Maxamed

16/11/2023

"Eebbe wayne ayaa cudurka iyo caafimaadba hayee waxa aan marti idiinka ahay; ehel, asaxaab iyo ardayba in aad ducada ugu kaalmaysan HOOYO MACAAN oo in muddo ahba xanuunsanaysay ayaa saaka xaalad caafimad ugu baxday dalka ethopia. Rabbiga raxmaankii Hooyo caafimaad taama ah ka soo siiyo" Aamiin... Aamiin Yaaa rabbi 🤲🤲🤲😭

15/11/2023

Gabaygii DURDUR iyo Abwaan HADRAAWI

67. Ma og tahay ninkii doora baa hadalku deeqaaye
68. Ma og tahay sursuur daahan baa dabinku yaalaaye
69. Ma og tahay dalluun baa ka qodan doox hortaada ahe
70. Ma og tahay xadhkaa dadsan aan lana dareemeyne
71. Ma og tahay inaad door heshaan lagula doonayne
72. Ma og tahay Rag kula doodayoo kuu dan laa jire'e
73. Ma og tahay shisheeyuhu nin dagan waa kuwii dila'e
74. Ma og tahay digtoonaan la'aan dacar inaan leeftay?
75. Diga-rogadka maanta ah gacmuhu ways dugsanayaane
76. Dawgaad banaysaa ka kale deylo soo marine
77. Degelkaad furtaa baa ka kale deyr u soo jariye
78. Dabka aad shiddaa baa kale saari dogob weyne
79. Wadaantaad dar keentaa ka kale laaska soo dariye
80. Dagaalkaad gashaabaa ka kale duub u soo xidhane
81. Derejada laguu dhiibey iyo guusha kugu deyran
82. Ma og tahay dallaallimada waa kugu deyeynaaye
83. Caleemaha ninkii daadiyow dan iyo xeeshaada
84. Ma og tahay nin daastow inaad dib ugu aayeyso

Photos from Suhayb Maxamuud Ceellaabe's post 14/11/2023

TACSI TIIRAANYO LEH 😭إنا لله وإنا إليه راجعون
"Nini waa dhashaa
Nina waa dhintaa
Dharaar walba
lays dhaafayaa"

waa geeryo culus oo naxdin leh! Waase lagu wada xukuman yahay. Alle haw naxariistee waxa hadda lay xaqiijiyey geerida Taliyihii h**e ee ciidanka qalabka sida qaran Jamuuriyada Somaliland. Marxuun Sareeye Gaas Maxamed Xasan Cabdilaahi oo loo garan ogaa "jidhif" iyo Marxuun Maxamed xaashi. waxaan si gaara uga tacsiyadaynayaa; qoysaskoodii, qarabadoodii iyo shacab waynaha reer somaliland ee ay ka baxeen caawa. Halgan ummadeed iyo dhisid iyo tayo ciidan ayay ku suntanayeen. Alla wayne laba Nin oo waa wayn ayaa baxay! Alle danbigooda ha dhaafo. Aamiin. اللهم تقبله فيمن عندك

13/11/2023

"Nabsi igadh ah lama maaloo, arami weeyaane
Eed aad fashion hadhin, laguna Aafoowye
Qofba aqoon intuu qabuu, tallo ogaadaaye
Indhihii arag yar ood iyo god kala irdhoobee"

- Erayadii AHUN Xaaji Gujis
- Codkii Macallinkaygii Geography Maxamed Raage

10/11/2023

DARDAARAN AABBE OO AAD U QIIMO BADAN.

1- Aabbo inanteydaay ha muujinin Quruxdaada, balse waxaad muujisaa Qalbi Wanaagaaga, Qalbigu wuxuu kasbadaa Qalbiga dhiggiisa ah.

2- Aabbo inanteydaay haka tagin Xishoodka waayo Xishoodku k**a soo haro Quruxda.

3- Aabbo inanteydaay si aad u noqoto boqorad; qiimee naftaada, Qurxi hadalkaaga, Qaab u socodkaagana ka fogee Kibirka iyo Islaweyni.

4- Aabbo inanteydaay Xilli h**e Seexo si aad usoo kacdo Xilli h**e, Waxay taasi Astaan gaar ah u tahay Dumarka ugu Gaarisan, uguna Caafimaad qaba.

5- Aabbo inanteydaay ma Farxi kartid Hooyo la'aan, Ma Xasili kartid Hooyo La'aan, iskuday Hooyadaa inaad u ahaato Addoomad u Adeegta una Debacsan.

6- Aabbo inanteydaay Mustaqbalka Ninka aad Oorida u noqon doonto haddii uu Gabar kale kula Guursado, adiga ayey wax kaa Qaldan yihiin, balse ha Niyad jabin, waxaad isku daydaa inaad Beddesho Caadooyinkaagii h**e.

7- Aabbo inanteydaay ha raadinin Xuquuda Mala-awaalka ah, ma jirto Xuquuq kaa dhiman marba haddii aad tahay Haweenay Muslim ah, Xuquuqdaaduna waxey ku dhex jirtaa Quraanka Rabbi wuxuu ku faro yeel, waxa uu kaa Reebana ka tag.

8- Aabbo inanteydaay si aad u kasbato Qof kasta Qalbigiisa, Tixgelin sii, Runtana kula Dhaqan, Hana Khiyaamin weligaaga.

9- Aabbo inanteydaay Ha Xaasidin Dadka, Waayo Xaasidnimadu waxey astaan u tahay Dadka ay Qalbiyadoodu Bukaan.

10- Aabbo inanteydaay Gabar kastaa waxey jeceshahay iney Guursato Nin magac iyo Maalba leh, adigu waxaad isku daydaa inaad Guursato Nin Aqoon iyo Qanaaco leh.

11- Aabbo inanteydaay Laba ka Taxadir Qosolka badan iyo Xishood la'aanta, Waxey Labadaasi sababaan Murugooyin iyo Faqri.

12- Aabbo inanteydaay si aad Aakhiro u Liibaanto, Caawi kuwa baahan, Tixgeli Dadka kaa waaweyn, Daacadna u ahow Alle Waajibaadkiisa.

13- Aabbo inanteydaay ha Baryin dadka, waayo Bini'aadamku waa Caroodaa haddii wax la weydiisto, Alle weyne se waa kugu Farxi haddii aad isaga wax weydiisato.

14- Aabbo inanteydaay haddii aad jeclaato Nin, dareensi Jaceylkaaga, waayo waxa laga yaabaa inuu jaceylkaas kuugu Beddelo jacayl kale.

15- Aabbo inanteydaay haku Jeesjeesin Diintaada si aanad u Muteysan Halaag iyo Faqri.

16- Aabbo inanteydaay Ogoow Dawada Faqrigu waa Sallaada, Dawada Murugadu waa Quraanka, Dawada Dhibtuna waa Samirka.

FIIRO GAAR AH:

Waa Hubaal iney Habluhu ka Dhega nugul yihiin Wiilasha, ayna ka Naxariis badan yihiin Wiilasha, weyna ka Dulqaad badan yihiin Wiilasha.

Hasii gudbin adigoon aaabaha u duceyn

08/11/2023

Saxiibku wuxuu ahaa
koobiga sawirkaaga iyo
Muraayad hortaada sudhan"

Saaxiibkaa Ama Saaxiibadaa aad Aduunka ugu Jeceshahay , Mention soo Dheh ❤️

08/11/2023

Muuqaalkan hal murti xikmadeed ku soo koob.

"Qawda maqashii waxna haw qaban" 😂😂😂

08/11/2023

Gaara bidhaan| Waa buug laga qoray Fankii iyo Falsafaddii halabuurkii weynaa ee Xasan Sheekh Muumin. Waa buug weyn oo ku soo biiray maktabadda. Waxa qoray Maxamed Saleebaan Cumar. Dhowaan ayaa la soo bandhigayaa.

08/11/2023

"Haddaad caan ahaan lahayd, kuma ama tumaad ahaan lahayd?"

07/11/2023

Sheekh saa'ilkani wuxuu ku waydiiday; Ey keega ama roodhi ah mala cuni karaa?

06/11/2023

Awliyadda ilaahay inta imika nool odayga ugu wayn ee Cabdi Aadan xaad "Cabdi qays" ayaa mar uu la dhacay oo uu sifaynaayey quruxda inan ka soo jeeddo, cid Ilaahay abuuray ciddii ugu sarraysay xagga sharafka, milgaha, asluubta iyo qiimahaba ayaa laga hayey;

" Aadmigaa u sharaf badan
Alle wuxu sameeyee
Abkii ugu sarreeyaay"

Markale abwaanku inanta waxa uu siiyay billada quruxda ee dalkeeda hooyo iyo tan qaaraddeeda Africa, waxa uuu si farshaxamo leh inoogu sheegay inay tahay summadda lagu garto halka ay ka soo jeeddo iyo waddankeeda. Waxa kale oo si qurux badan ugu dhex jirta in ay midabkii aslanaa ee Africa lagu yaqaanay leedahay iyada oo qurux oo dhanna koobsatay. Halkaa abwaanku miyaanu u hiilin midabka madow ee dadka qaar moodaan inaanay quruxda isa soo hungurayn?

"Inantii Arligaay
Araggii waddankaay
Midabkii aslanaa iyo
Quruxdii Afrikaay
Il iyo cawri la'oow"

06/11/2023

La yaabka aad hargaysa ku arkayso waxa ka mida:
1. xarun caafimad iyo meherad xamaam suuli ah oo isku xiga!
2. Goob laga cunteeyo iyo kaalin shidaal oo isku xiga!
3. Raysle timo jaro ah iyo goob cunto wadani oo isku xiga!
4. Kabadh qaad iyo dugsi waxbarasho oo isku xiga!
5.... ku sii dar adiguna

Photos from Suhayb Maxamuud Ceellaabe's post 03/11/2023

Wuxuu ku dhiiraday inuu buug qoro, wuxuu dhiiri galiyay dadka naafada ah , wuxuu helay hiil walaal, waxa uu noqday tusaale mudan, waxan halkan fariin uga dirayaa dawlada, xisbiyada, ururada, haayada kala duwan, ganacsatada, waar ninkaa buugaagta aad ka qaadateen lacagtiisa naqad ugu dhiiba. waar yaan lacagtiisaa la meermeerin, ilayn waad ogtihiin inuuna idin daba socon karin, waar kaashka cawaba udhiiba, sidaad uga farxiseen ilaahay ha idiinka farxiyo

03/11/2023

Fariin inooga timid walaalkeen qoraa Mohamed Haldoor "Hadhiwaa"

Qofka iga iibsada buug, waxa aan u sheegayaa in aanu ka dhignaynin qof buug iga iibsaday uune, balse uu door ka qaatay ama ka qayb qaatay caafimaadkayga. Haddii Alle idmo, lacagta buuggan kasoo baxda waxa aan rabaa in aan ku gallo qalliin dhakhtar oo laxaadka lugahayga wax ka qabta!”

Qofkii inuun duunka lafahiisa damiir ku jiraa, waa garan karaa iibsiga buuggiisani sida uu bulshada soomalida uu xujada iyo xalka wada socda uu u soo hordhigay. Qoraa haldoor, waxa uu dhaama kuwo badan oo laxaad qabo dadka tuugsada. Markale waxa uu si dadban inoogu sheegay; kalsoonida naf ahaan ugu jirta iyo sida uu afkiisa iyo maskaxdiisa uga dhawray uguna sariigtay inuu gacmaha ina hoos dhigto oo uu ina baryo. Taas badalkeenana uu ka door biday inuu inagu xujasto dhiganahan ama buuggan uu ku suntay magaca "HADHIWAA" Allaylahe waa Hadhiwaa qoraa Maxamed haldoor.

"Ha ahaato baahidu
kas basaasay subagii
Han bukooday baantii
Biixi jabay kab-kabadii
Bulsho liicday kicinteed"
- Abwaan Afgudhiye

Ugu danyan, Illaaha wayn ee amarka iyo umuuraha leh waxa aan uga baryayaa; inuu ninkaa Maxamed Haldoor mar aan dheerayn lugihiisa isagoo ku socoda aynnu aragno. Habeen danbe wiilkaa yaan loo kala hadhin xafladda bandhiga buuggiisa, hana laga iibsado oo si waliba wacan ha looga iibsado fadlan.

Suhayb Maxamuud Ceellaabe
Hargaysa, somaliland

02/11/2023

Rabbiga raxmaankii darajadeeda ha ku siiye igula sali walaal xabiibkeeni Muxamed CSW ❤❤💯
‎محمــــدﷺ ••• محمــــدﷺ ••• محمــــدﷺ ••• محمــــدﷺ

02/11/2023

Maxaad ka xasuusataan heelloyinkii badnaaye, AHUN cimlaaqii caanka ahaa ee Cabdi Faarax Caateeye loona garan ogaa "Cabdi-Mallow"
Annu intan ayaan ka xasuustaaye
1.
Isteelka horaa indhaha gubayee
Intaada dambaa istaahila.

2.
Markuu toorigaygu toosnaayeen
Hablaha toban toban u layn jiray
Taadaa soo kale waan la tiigsan jiree
Inaan taag dareeyay baad tuhuntay

3.
Dhaaxay fogos xumi faraha i jartee
Haddaan fuulay gaadhi foodhi leh.

4.
Sidii bahalkii Biriishka ka dhacay
Baraarugay goor la soo baxay
Birtiyo jiidhay labada Baabuur
Ilaahay ballankii barqaan Kacay.

5.
Ninkii badsada labada bagaf
Bartaa basadaa bannaanata.

6.
Cibaadaysaan cindiga ku hayee
Daniba waygu celin ciyaaraha

7.
Haddaanan geedyahaw ku googayn
Haddaanan gunta hoose kaa goyn
Haddaanan guran gaydhe kaa baxay
Waa haddaanan gob ahayne hay garan.

8.
Daasadda dhuxushaan dab nool ku arkoo Dhookheygu dixduu u soo dhacey.

9.
Goorma dooxii Herer dekedo yeesho
Dunbuluq laga raacay doonida.

10.
Waxaygii carmal iyo caqaar siistee
Miyaan cawryi cawlahaa kacay.

02/11/2023

Waxaan hambalyo u dirayaa Walaalkay marna abtigay Khadar Sh Ali Jowhar oo loo magacaabay xidhiidhiyaha guud ee goboladda; Maroodi Jeex,Awdal, Gebilay Iyo Salaal ee ururka kaah Hambalyo

01/11/2023

HT. Manchester United 0-2 Newcastle United.

Yaaab Waar kooxdii aan aqaanay ee laga biqi jiray Manchester United-tan aan caawa dawanayaa maaha! sidan kuma saloona

Maxaa ka qaldan kooxda ayay kula tahay?

31/10/2023

"Koobka kowaad waxa loo cabaaa aad ku kululaatid
ka labaadna waxa loo cabaa kii h**e ka daba gee.
Ka saddexaadna waxa loo cabaa kaga dari maayo
Ka afaraadna waxaa loo cabaa aad kaamil noqotid"

FIIRO GAARA: Hawraarta ayuunban galabta ku qabtay cameradee—shaaha aad uma cabo. La yidhi; raggna waa shaah dumarna waa sheeko.

Camerada waxa duubay: Khaalid Ahmed 📷

30/10/2023

"Somaliland wallay ka tahay inaanay ku dhismayn walaalnimo, ilmadernimo iyo inta is taqaana oo wax wada qabsata! Somaliland buur adag ayay maraysa oo waxa ay ku maraysaa khayraadka "Resources" dhexyaala oo si wanaagsan loogu qaybsado qallin kaliya oo aan qabiil lahayn. Haddii ay buurta dib uga soo noqotana intan aynu haysano ayaa inaga baa'baysa! Walahi haddan qallin lagu soo celin, ku socon mayso dalka waanu u soo dagaalanay"

— Amb. Sharmake Geelle

28/10/2023

TACSI TIIRAANYO LEH. 😭إنا لله وإنا إليه راجعون
"waa geeri culus oo naxdin leh! Waase lagu wada xukuman yahay. Walaalkeen siciid Maxamuud gahayr "Hargaysaawi" Alle haw naxariisto. imikaa geeridiisa la ii xaqiijiyey😭". اللهم تقبله فيمن عندك

Photos from Suhayb Maxamuud Ceellaabe's post 26/10/2023

••💞 HAMBALYO MEHER WACAN 💞••
‎بارك الله لكما وبارك عليكما وجمع بينكما في خير
"Alla waa ayaan Farxad lagu ushoo
Ammin weeye qurux Ku astaysanoo
Waa iftiin u baxay Ehelkhayr is jantoo
Ubaxbaa hiree Ma ildoogsannaa?

Allaahu Akbar! Maalin wayn iyo ardaa dhigga meherka walaalkay Liibaan Cabdilaahi Colaad iyo dumashiday marwo ifraax cabdilaahi Maxamuud ayaa maanta ka qabsoomay magaalada Hargaysa. Eebbe ha ka dhigo qoyskii dhisma ee dhaqma.❤

26/10/2023

"Markaad dhalataa xabiibi
Dhaayaha ruuxi ku saaray
Dhamayseey kuugu yeedhay
Haddii qurux laysku dhaafo
Adaa dhaxalkeedi qaatay

Asluubtiyo qaab dhismeedka
Faayaha suniya ku dhiibsan
Dhidibka sanqaroor ku jooga
Dhabanka xaaddaa ku daadsan
Indhaha dheehdaa ayaan le

Adaa dhab ahaan naftayda
I dheellitiree xabiibi
Dhambaalkiyo wada jirkeena
Nacabku way dhagaxiyaane
Guusheena ha dhawri waayin"

- Suhayb Maxamuud Ceellaabe

25/10/2023

"Eebbe wayne ayaa cudurka iyo caafimadkaba hayee, caawa waxa aan marti idinka ahay ehel, asxaab iyo ardayba in aad ducada ugu kaalmaysaan walaalkeen Abwaan/qoraa Siciid Maxamuud Gahayr oo xanuunsanaya. Rabbiga raxmaankii xanuunka uu dareemayo caafimad taama oo degdega ha ugu bedelo oo ha siiyo" 😢

24/10/2023

BOQORTOOYADA WARAABAHA

Waraabuhu waxa uu ka mid yahay boqortooyada xayawaanka (Animalia) bahda lafdhabarleyda ah (Chordate), gaar ahaan bahweynta naasleyda (Mammalia). Sidoo kale waxa uu ku jiraa dugaaga hilib cunka ah ee ugu caansan qaaradda Afrika (Carnivora), qoyska hoose ee Waraabayaasha (Hyaenidae). Bahda cilmiga Saynisku waxay ugu yeedhaan (Hyaenidae). Asal ahaan waxa uu kasoo jeedaa qaaradaha Afrika, Aasiya iyo jasiirada carabta, noocyada waraaba ee adduunka kunool guud ahaan waxaa loo qaybiyaa saddex nooc. Luuqadda ingiriisida waxaa loogu yeedhaa (Hyena), Carabidana (ضَبْع). Afka Soomaaligana guud ahaan waxaa looyaqaanna Waraabe ama Dhurwaa, dheddigiisa candhadheer, dhashiisana Wishiir.

Waraabaha cimrigiisu waxa uu gaadhaa 12 sanno, culayskiisuna 30 ilaa 80 kiiloo, halka uu dhererkiisuna gaadho 95 ilaa 150 sentimitir. Waxa uu leeyahay 40 hiddo-side iyo 34 ilkood. Sidkiisu waxa uu udhaxeeyaa 90 ilaa iyo 110 maalmood, isagoo badanaa dhala 2 ilaa 4 ilmood, kuwaas oo ku qaangaadha sanad ama sanad iyo badh. waraabuhu waxa uu saacadii jari karaa 64 kiiloomitir, waxa uu caan ku yahay qaab dhismeedka jidhkiisa oo ah, inuu u weyn yahay qaarka h**e, una gaaban yahay qaarka danbe. Waraabuhu waxa uu kamid yahay xayawannaada leh dhiigga diirran (Warm blooded) iyo kuwa leh halka calool (Monogastric), sidoo kale waa xaaba-qaad aan waxba dhaafin, kaas oo quuta bakhtiga, qudhunka iyo hadhaaga cuntooyinka ee uu la kulmo (Scavergers). Waraabuhu waxa uu kamid yahay noolayaasha dad cunka ah sida libaaxa (Man eaters).

Dad badan ayaa aamaaninsan in uu waraabuhu yahay labeeb ama uu leeyahay labada xubnood ee taranka, balse arrinkaasi waa mid been ah. Nooc ka mid ah sadexda jaad ee waraabaha looqaybiyo, ayaa leh xubin u eeg ganaca ama xubinta taranka ee waraabaha lab, taas oo ah halka ay ka dhasho, kana rimiyo waraabaha dheddig, taas oo loogu yeedho qoodho-la-mood (pseudo p***s). Ugu danbayntii inkastoo jiro xadiis uu nebigu (Scw) ku xalaaleeyay cunida hilibka waraabaha, haddana waxa jira xadiis kale oo uu Nebigu (Scw) ku xarimay cunida hilibka duur joogta leh miciyo ay ka wax ku ugaadhsadaan, arrinkaasi waxa uu dood culus ka dhex dhaliyay culimada islaam oo ay qaar ka mid ahi ku doodaan in waraabihii uu Nebigu xalaaleeyay ahaa mid bilaa miciyo ah, halka ay qolo kalana ku doodo inuu isaga uun yahay. Hadal iyo dhammaan waxaa isweydiin mudan maxaa uu qof soomaali ahi, kaas oo uu alle siiyay shanta meesi ee xoolaha uu uga baahan yahay hilib waraabe ama se dhurwaa ? jawaabta idinkaan idiin dhaafay.

Mayeedhaan Magazine.
[email protected].

23/10/2023

Dilkii Mustafe Abees ee Caawa: Dhacdo Argaggax leh iyo askari qudh-jaray shacabkii uu ilaalin lahaa!

Saddex askari oo midkood hubaysnaa, kana tirsanaa saldhigga booliska ee Qudhacdheer/Maxamuud Haybe iyo laba dharcad ahaa, ayaa Marxuun Mustafe Abees kaga hor yimi waageerka gurigooda, wax la is yidhiba waxa dhacay buuq, sawaxan iyo af-garan-waa. Waxa ay xog-ogaalku ii sheegeen in muwaaddinkaas ay askartu ula tageen gef, taasina ay maandhaafka keentay. Askarigii qoriga sitay ayaa laba xabbo oo rasaas ah laabta kaga dhuftay marxuunka, kaddibna waa ay yaaceen saddexdii askari.

Waxa soo baxay dadkii deriska ahaa oo maqlay xabbadda iyo toogashada. Waxa ay soo qabteen labadii dharcadda ahaa, waxa aanay dhaawacii marxuunka keeneen cusbitaalka guud ee Hargeysa oo uu ku geeriyooday daqiiqado kaddib. Waxa gacanta lagu hayaa labadii askari ee dharcadda ahaa ee la socday ninka askariga ah ee sida badheedhka ah u dilay Marxuun Mustafe Abees, waxaana lagu raadjoogaa dhagarqabaha oo la garanayo magaciisa, saldhigga uu ka tirsanaa iyo shakhsiga uu yahay.

Meydkii Marxuunka waxa la geliyay tallaagadda cusbitaalka guud ee Hargeysa, welina ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay ciidanka booliska oo ku aaddan qudh-gooyadan naxdinta leh. Marxuun Mustafe Abees waxa uu ahaa walaal edeb, dadnimo iyo dun-wanaag leh, waxaana ku dhacday gardarrada ugu weyn oo ah in uu naftiisa ku waayo edyad iyo sabab la'aan.

Keliya waxa aan haleelay in aan aabbo Ibraahin Aadan Cismaan (Abees) ku idhaahdo "Samir iyo iimaan" oo aan laabto aniga oo murugaysan. Waxa aan tacsi u dirayaa qoyska uu ka baxay, walaalladii, xigtada iyo ummadda guud ahaan.

- Xigasho: Siciid Maxamuud Gahayr

23/10/2023

Rabbiga weyni ha u naxariisto walalkeen Mustafe Ibraahim Aadan Abees oo gacan ka xaq darani Hargaysa caawa ku toogtay! Allaha wayni naxariistiisa waasica ha ugu deeqo. Waxaan murugada la wadaagayaa qoyskii uu ka baxay gaar ahaan Abwaan saxiibkay Abwaan Cabdiraxmaan Abees oo ay marxuumka walaalo ahaayeen.

Innaalilaah wa innaa Ilayhi raajicuun!

20/01/2023

...[....] Annuu sidan waxaan uga baqayaa saxiibkay Cabdishakur Axmed Cabdi Caateeye!

Want your public figure to be the top-listed Public Figure in Hargeisa?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Videos (show all)

ماشاءالله مبدعين بارك الله فيكم
HADALHAYNTA HEESTA 'TOGDHEER'Sannadkii 2011kii, waxa soo baxday heesta la baxday "Waddaniga dhabta ah Allow dhawr" oo uu...
Werwerka ugu weyn ee muwaaddin xilkas ah dalkiisa ka qabsadaa waa mid ku aaddan su’aasha jidhiidhicada wadata ee “Armuu ...
Kaalay gacanta ila qabo
"Maanta dalkeena waa la qabsanayaa waliba ethopia SAYLAC ayay ku hamiyeysaa" — AHUN Sh. Aadan siiro
Walahi waan la yaaban ahay M. Muuse Biixi!
Duriyadii sanaag iyo Ayaamahii jacaylka ❤Hadaladan ku wada deeqayee dulucda miisaamanDunta wacan dulqaadkiyo kartida daa...
"Taxanaha noloshiyoTaarikhdu waa buug"Bal in yar ila milicso ama ila daawo, mucjisooyinkan iyo mahadhooyinkii hadal ee m...
"Ma xirfad baa mise waa indho sarcaad? Mid uun ku sheeg bal adigu jaalle
"Haddii ABU JAHAL soo noqon lahaa sabanka aan joogooo sidiisi hablaha Aasi lahaa waa sidii uu yeelaySufuuf nimana buu ku...
ﷺ
Gabaygii DURDUR iyo Abwaan HADRAAWI 67. Ma og tahay ninkii doora baa hadalku deeqaaye68. Ma og tahay sursuur daahan baa ...

Category

Telephone

Website

Address


150
Hargeisa
Other Writers in Hargeisa (show all)
Caadil Caadil
BadaCasSuburb
Hargeisa

waxanu soo gud-binnaa muuqaalo iyo qoraalo ku hawaal siinaya caalamka ,kor na uqaadaya ogaalkaaga dh

Xaqiiq sheeke sports Xaqiiq sheeke sports
Hargeisa

Xogaha Sports Ka

Mubarik sugule Mubarik sugule
26 June Street
Hargeisa, 252

Noloshu waa halkan

Amiin Abdirhmaan Amiin Abdirhmaan
15 Street
Hargeisa, 70014

Welcom

Zulthan Aboor indhoceel Zulthan Aboor indhoceel
Hargeisa, 09

"𝙉𝙞𝙣 𝙞𝙨𝙖𝙖𝙦 𝙜𝙤𝙙𝙤𝙗𝙩𝙞𝙞𝙨 𝙧𝙖𝙗𝙖 𝙖𝙮𝙖𝙖𝙣 𝙜𝙖𝙖𝙙𝙝𝙠𝙖 𝙠𝙖 𝙝𝙖𝙮𝙖𝙖"

oz_laz_official oz_laz_official
150streat
Hargeisa

Runtu fanto maaha Saxafadu na mixnad ma aha ee waa mihnad Runta rabaa inagu og

Liverpool som fans Liverpool som fans
Hargeisa

LIVERPOOL FANS

Khalid A. Ibrahim Khalid A. Ibrahim
Hargeisa, N/A

zaid_xaliye zaid_xaliye
Hargeisa

Alxamdulillah��

Gobaad  Somalilnder Gobaad Somalilnder
Street 150ka
Hargeisa, 125

Somaliland hanolato dadaal iyo dacadnimo shircigana halo hogansamo

Guuleed Axmed Cumar Guuleed Axmed Cumar
Hargeisa

Ku soo dhawow Bogga Guuleedayaanle Axmed Cumar, oo haddeer ku foogan baadhitaano ku saabsan asalka