Nuuradiin Ibraahin Diini

Galool party Founder, politician and public figure political and social analysis

24/12/2022

Sacdiya Mire oo ah aqoon yahanad baratay cilimiga Taariikhda dadkii h**e, kuna diyaarisay M.A./Phd in Archaeology, waxa ay sheegtay in Soomaalidu tahay Kush*tik

23/12/2022

Inta badan isuma kay qabtaan hadalada Maayarka iyo ficiladiisu, waxa aad moodaa in uu wali ku jiro Compaignkii siyaasiga ahaa. Sababta oo ah, markasta hadaladiisu waa kuwo u eeg sidii qof shicib ah oo aan hayn masuuliyad Umaddeed.

1- Tusaale dhulka Baloogyada ah ee layska dayrtay siduu sheegay Maayarku, isaga iyo xafiiskiisa, ayaa sharciyadda u sameeya, kala wareejinta, u sameeya mulkiyad, iyo file dhuleed oo dhamaystiran, cashuurna ka qaata. Miyaanay yaab iyo af-kala qaad ahayn in uu dhaliilo wixii uu jideeyay sharcigana u sameeyay? mise waa gole ka fuul.

2- Inta badan wuxuu si dadban oo bilaa qadarin ah u dhaliilaa kuwii isaga ka h**eeyay hadii ay tahay Mayarkii h**e, haddii ay tahay gudoomiyayaashii h**e, haddii ay tahay golayaashii deegaanka ee isaga ka h**eeyay, waxa ka mida hadaladiisa " waxa wax lagu dhisay waa cashuurtiinii, waxa ka mida dad masuuliyiina ayaa idiin shaqeeya". Dhaliisha kuwii h**e ma waxqabad ayay noqonaysaa? waa maya, cid kastaa wey ka dharagsantahay dhaliisha kuwii h**e ee haddii uu xafiiska ugu yimid xatooyo dhuleed, ama maaliyadeed, ama daymeed miyuu si cad ula xisaabtamo ama inoola waddaago ? mise ku cel celinta ayay ugu badinaysaa ? Mooji, mise waa Ollole ? mooji.

3- Inta badan Maayarku waxa uu sheegaa in isla xisaabtanku mihiim yahay, haddaba intii uu joogay ma ina hor keenay nidaam maaliyadeed cad oo muujinaaya hufnaan iyo isla xisaabtan muujinaaya isbedel dhaba ah.

a) tusaale Miisaaniyada Dawlada hoose sida loogu qoondeeyay dagmooyinka, wali ma ina soo hordhigay, wixii kharash ah, wixii mushahar ah, wixii kaabayaasha wax lagaga qabtay, wixii caafimaadka iyo wax barashada ku baxay.

b) Wali qaabkii h**e wax ma ka badelay oo ma dhisay nidaamka cad oo dakhli ururrineed, sida dakhligu uga yimaado degmooyinka, sida cashuuraha loo g**o, mihiimada cashuuruhu leeyihiin, sida baahidoodu u kala badan tahay ee wax loogu celiyo degmooyinka hargaysa, iyo in degma kasta wixii lagu celinaayo lagu qiimeeyo wax soo saarkeeda cashuureed.

Mise hadalkiisa ayaa Xadiis ah oo sidaa uu ku sheegay ayaynu u qaadanaa.

4- Wadooyinka laga sameeyay gudaha magaalada Hargaysa waa kuwo ku yimaada qaabab kala duwan se fulintooda ay leedahay DHH, tusaale;

a) qayb dadkaa bixiya oo hab-qaadhaana u soo ururriya waana nidaam uu bilaabay Maayarkii h**e ee Eng Xuseen Maxamud Jiciir.

b) qayb ka timaada mashruuca maal-galineed ee "JOINT UN PROGRAMME ON LOCAL GOVERNANCE " (JPLG) kaasi oo UNku ugu talo galay in lagu horumariyo magaalooyinka.

c) wixii dhaqaale iyo kaabis ah ee ay siiso xukuumada dhexe DHH, kuwaasi oo kala ah mid miisaaniyada loogu daro, mid toos loo siiyo, mid dayn ah sida $1milyan ee bangigu siiyay.

d) qaybta ugu dambaysa oo ah, ta ku baxda wixii waajibaad kooda ahaa, wixii dakhligooda iyo cashuur ururintooda ah ee ka Dawlad Hoose ahaan soo galay inta ay tahay, si loo garto wax qabad kooda dhabta ah,

Waxa kale oo jirta in lays weydiiyo adeega ay bixiso DHH muxuu yahay? intee wax laga qabtay? maxaa qorshe u dejisan?

Bal hadda aan is weydiino maxaa laga qabtay goobaha qashin qubka Hargaysa, "Dum site" kaasi oo ah ka ugu mihiimasan dhanka fayo dhawrka magaalada
a) ma la diyaariyay gododkii ama goobihii wasakhada Bulaacadaha iyo Suuliyada mise wali dooxii dhumuc yare ayaa lagu qubaa.
b) ma jirtaa qashinka ka soo baxa goobaha caafimaadka meel loo diyaariyay sida Farmasiiyada iyo Cisbitaalada
d) ma jirtaa qashinka Daxalka, qashinka Warshadaha, qashinka Allaabaha dhacay meelo ugaara oo loo diyaariyay.
c) ma jirtaa, qashinka qalallan ee guryaha meelo loo habeeyay.

mise wali waa sidoodii, qorshe ma loo diyaariyay ma jiraan?

Dhawaan duqa caasimadu waxa uu kordhiyay dhamaan cashuurihii isaga oo aan shaacin wax loo cuskadayna aan sababayn; Tusaale cashuur kala wareejinta oo ahayd 2.5% waxa uu ka dhigay 3.5% bal iyadana si gaara ayay u baahan tahay in loo eego.

18/12/2022

Hargayso shidan

17/12/2022

Xildhibaanadii gollaha Wakiilada Habar-awal, ee ka soo baxay Xisbiyada Mucaaridkaa Waddani iyo Ucid dhamaan wey isaga tageen Xisbiyadoodii waliba waxa ay uga tageen si qabyaalad qaawan ah, xataa kuwii Kulmiye diiday in uu u sharaxo xildhibaanimo, macaa Wadaaddkii. Si fudud bay u dhaqaaqeen iyaga oo adeegsanaaya maahmaahdii Geel-jiraha ee ahayd "Fiqi tolkii k**a jano tago".

Xiligii Axmed Siilaanyo ahaa gudoomiyaha Kulmiye Xildhibaanadii Habar Jeclo ee ku soo baxay doorashadii Baarlamaanka 2005kii sidoodii ayay Xisbiga Kulmiye u joogeen waliba waxa ay qaateen door mucaaridnimo oo raganimo leh iyo wixii loo doortay in ay fuliyaan ilaamaanta waa Kulmiye qaarkood, qaarna waaba Xukuumadda.

Xildhibaanadii Garxajis ee ku soo baxay doorashadii isku sidkanayd ee gollaha Wakiilada iyo Deegaanka qaar badan baa isaga cararay Xisbiyadoodii ku oo ka tagay, ma la odhan karaa Garxajis wuu ka qabyaalad yaryahay Habar Awal iyo Habar Jeclo oo marka h**eba isku raacay qabyaalad iyo "Jeegaaniisam" ?

Xildhibaanada Garxajis ee iskaga cararay Xisbiyadoodii ay ka soo baxeen, beel ahaana ay hoggaaminayeen marka la weydiiyo maxaad uga tagteen xisbiyadii aad ka soo baxdeen waxa ay u hadlaan si doqoniimo ah iyaga oo hag hago iyo gang'o leh ayay ku odhanayaan da' da' dawo dooonay, iyo bi' bi' biyo ayaan dooonay.

Ku darsoo Xildhibaanadii Wakiilada ee Habar-jeclo iyo Habar-awal, mid kaliya oo mucaaridka tagay ma jiro ama la mawqif noqday.

17/12/2022
17/12/2022

Taliyihiisii waa Madaxweyne Muuse Biixi.
Wallaaladiina dhulbay bay ka qaadeen. Sidan baynu jecelnahay saw maaha in la ahaado.

15/12/2022

Reer Somaliland waxa ay ku faraxsan yihiin in ay iyagu xaaladan ku jiraan, Madaxdooduna ay iyaga ku dul naaxaan. Waaba maan baray iyo maan bilaal.

13/12/2022

Siyaasad ahaan xataa waxa sacabka loo tumaa kii aan Irbad dun galin, ee xoolaha dalka iyo dadka boobay, inta ka soo hadhayna qabiil baa lagu boqraa, "Umadd baahan oo bilaa han ah". Dhankii hoggaaminta iyo kii qofnimadaba waa laga aradan yahay ma jirto argti iyo hufnaan wax lagu qiimeeyo, waa sababta aanay Somaliland aqoonsi u helin 30Sanno waayo waxa u arimiya mid Booli qarana, mid foofay, mid qoqobay.

11/12/2022

Waa Raga Koobka qaadaaya " Taariikh"

11/12/2022

๐˜ผ๐™™๐™ž๐™œ๐™ช ๐™“๐™–๐™–๐™›๐™–๐™™d๐™– ๐™ก๐™– ๐™จ๐™ž๐™ž ๐™ฆ๐™–๐™™๐™š๐™š!

Nin tijaara oo xoolo haystay baa duunyadii ka baxday "wuu kacay" baagamuudo ayuu noqday oo xataa salaantiibaa laga qaadi waayay, raggii ay asxaabta ahaayeena gidaarada ayay ku dhaafeen. Nin isaga u shaqayn jiray oo xoogaa xoolo ah helay ayaa arkay xaajigii oo cidlo fadhiya. Wuxuu go'aansaday inuu xurmeeyo oo gurigiisa ku casuumo, sidii buu yeelay waanu casuumay markii la soo dhigay casuumadda wajigeedii koowaad sida khudaartii iyo maraqii, ayaa Ninkii casuumadda fidiyay waxa soo wacay mid uu u alaabta ka qaato oo ku yidhi seedigay baan casuumee ii kaalay aad u sheekayside. Ma odhan martibaa ii joogtee intuu kabihii iladay ayuu ku yidhi odaygii martida u ahaa xaajigiibaa ii yeedhee adigu xaafadda la sii qadee.

11/12/2022

Ilaa finalka sidaas bay ahaanaysaa Morocco taariikh.

10/12/2022

Waa Nujub caadiya.

Photos from Nuuradiin Ibraahin Diini's post 10/12/2022

Saw Saudigii kamuu xaraabaysan Messi. Haa, Moroccona haka xaraabaysato Ronaldo.

10/12/2022

Isbedel weyn baa jira Kubadii cagta, abid koobkii ugu adkaa ama ugu saamaynta badnaana waa kan hadda socda ee Qatar World Cup. Waxa ka sii xiise badnaan doonta in Koobka Morocco qaado noqdana kii ugu h**eeyay ee Africa iyo dalalka muslimka ahi ay qaadaan. Caawana guushu waa Morocco.

07/12/2022

Hooyada in la dhagaystaa waa mihiim.

04/12/2022

Ilaalinta sharcigu waa u mihiim jiritaanka dawoladnimada. "Lix bilood oo h**e iyo gadaal loo jiidaa waa lix bilood uun"

04/12/2022

Aqminta ducadiyo
Alla bariga mooyee
Arinkale ma fiicnee.

mayaarka maanta ilaahaybaa ka hadashiiyay.

01/12/2022

๐™„๐™จ๐™–๐™ข๐™– ๐™ค๐™œ๐™ž๐™ฎ๐™š ๐™œ๐™ค๐™ค๐™ง ๐™ข๐™–๐™–๐™ฃ
๐™๐™–๐™ก๐™ค๐™ฌ ๐™–๐™ฆ๐™–๐™ก๐™ ๐™– ๐™จ๐™ค๐™ค ๐™œ๐™–๐™ก๐™–๐™ฎ?

Waalida jacaylka sida uu Hadraawi u sifaynayaa waa asaraar, xataa mararka qaarkood in aad asqowdo oo aad kala garan weydo waxa aad diidan tahay iyo waxa aad rabto ayuu ku tusayaa wuxuu ku lee yahay;
Arraweelo dumareey
Arrimaha dhexdeenna ah
Asaraari maayee
Igu tidhi "ha ii iman"
Anna waan hubaayoo
Inaan uurka kaa jaro
Afar iyo shan goor baan
Axdi kuugu qaadoo
Misna oofin waayee
Isma ogiye goormaan
Talow aqalka soo galay?
Si kasta wuxuu ku go'aan saday in uu uurka ka jaro oo uu naco, hase ahaatee isaga oo dalan baabiya ayuu daf soo yidhi, waxa wixiiba ka sii daran in naftiisa cannaanto oo yidhaa; ๐™ธ๐šœ๐š–๐šŠ ๐š˜๐š๐š’๐šข๐šŽ ๐š๐š˜๐š˜๐š›๐š–๐šŠ๐šŠ๐š—
๐šƒ๐š˜๐š•๐š˜๐š  ๐šŠ๐šš๐šŠ๐š•๐š”๐šŠ ๐šœ๐š˜๐š˜ ๐š๐šŠ๐š•๐šŠ๐šข?
hadda garro oo waa tii uu ku yidhi
๐™ฐ๐š—๐š—๐šŠ ๐š ๐šŠ๐šŠ๐š— ๐š‘๐šž๐š‹๐šŠ๐šŠ๐šข๐š˜
๐™ธ๐š—๐šŠ๐šŠ๐š— ๐šž๐šž๐š›๐š”๐šŠ ๐š”๐šŠ๐šŠ ๐š“๐šŠ๐š›๐š˜
๐™ฐ๐š๐š› ๐š’๐šข๐š˜ ๐šœ๐š‘๐šŠ๐š— ๐š๐š˜๐š˜๐š›๐š‹๐šŠ๐šŠ๐š—
๐™ฐ๐šก๐š๐š’ ๐š”๐šž๐šž๐š๐šž ๐šš๐šŠ๐šŠ๐š๐š๐š˜๐š˜
๐™ผ๐š’๐šœ๐š—๐šŠ ๐š˜๐š˜๐š๐š’๐š— ๐š ๐šŠ๐šŠ๐šข๐šŽ๐šŽ!

Cajiib abwaanka sawirkiisu waa nooc minal asaraar, iyo isla keeni waayaa wixii uu uurka ka jaray ayuu haddana samaynayaa markaasuu waliba u sheegayaa muxuu soo jabay ba'iisa maba qarsanaayo.

๐™น๐š’๐š—๐šŠ๐šŠ ๐š”๐šŠ ๐š ๐šŠ๐š๐š๐šŠ๐šŠ๐š๐šŠ.

30/11/2022

Caawa waa la la googa'ayaa!!

29/11/2022

Khilaafka Siyaasigaa ee u dhaxeeya Xukuumada iyo Waddani waa mid gaadhay halkii ugu saraysay, wuxuu gaadhay heer ay Dad ku dhintaan, ku dhaawac maan, kuwo kalena la xidh xidho, saxaafadana si weyn oo xishood la'aana laysugu weerarro, waa khilaaf gaadhay car iyo wir. Haddaba wax is weydiin muddan iyada oo xaalku sidaasi yahay sidee loo gali karaa doorasho Ururro? aniga iima muuqato, haddii ay dhacdana waxa la filan karaa in Waddani waayo Xisbinimadiisa, Kulmiyana wuxuu suura galin doonaa 6bilood ka dib doorashada Ururrada in uu qabto tii Madaxweynaha, sidaasina ku guulaysto 5sanno oo cusub, ka dibna la fuulo jidka ay diyaaraduhu ka haaddaan "Runway" aan soo noqosho lahayn.

10ka Urur ee soo baxay ma jiro mid kaliya oo saamayn ku yeelan karra doorashada Madaxtooyada ama ku guulaysan karra.

22/11/2022

Qosol qosol ma ku qabtaa ayaa nin laga hayay, maanta markii Argentina laga badiyay caadi baan u qoslay. Runtii waa guul taariikhiya oo Sucuudigu gaadhay.

03/11/2022

Magaaladu wey bugtaa, dadkuna uu walliilayaa,
Dhayalsina wuu jiraa, dawlad xumana waa u wehel,
Dabbiib iyo daryeel midnaba kuma qabaan,

Xanuunka Xumadda ee safmareenka ahi maaha mid la dhayalsan karo, waxaana mihiima in si dhaba looga jawaabo, aamuska intaasi ka badani wuxuu sumad u yahay qorsha la'aan, talo la'an, iyo in malaha sidan raali lagu yahay. Ma waxa la doonayaa in dadku kala yaraado? mooyi

Muddo hadda ku siman 4cisho waxa aan la tiicaayay xanuunka Xumadda taasi oo ah mid ba'an, oo ina waxa lagu qiyaasi karo, aanay jirin wax lagu miseeyana hadalkeed daa' waa xanuun daran oo siyaabo kala duwan dadka u qabanaaya, waxaana ka mida siyaaba uu dadka u qabanaayo;

๐™–) Mar waa Xumad gadhay 40dgree,
๐™—) Mar waa qadh-qadhyo dhaxan aad u badan waddata,
๐™˜) Mar waa Madax xanuun aad u culus, neerfaha damqaaya,
๐™™) Mar waa Qufac aan hurdo laga seexanayn habeenkiina imanaaya,
๐™š) Mar waa Qanjo xanuun iyo Cunaha oo ku xidhma,
๐™›) Mar waa Matag iyo Shuban,
๐™œ) Mar waa Amateed xumo iyo Afka oo qadhaadh ku noqonaaya,
๐™Ÿ) Mar waa Dhiigbax kaa imanaaya, Sanka, Afka, ama saxarada soo raacaaya
๐™ž) Mar waa Indho xanuun wadata Ilmo saa'id ah oo kulul.
๐™ ) Lafo iyo Curuuqo xanuun aad moodayso in aad curyaantay.

waxaas oo xanuuna lama odhan karo waa Xumad ee waa Xanuuno ay ka mid tahay Xumadu.

Waxa ay galaafatay nafo badan oo waliba ah xoogii iyo mustaqbalkii dalka iyo dadka, wax geeriyooday Hablo Uur leh oo isku go'ay, kuwo Umul Arooray, waxa geeriyooday Wiilal gashaan qaada oo jooga xiligii ay ragu ugu awooda badnaayeen uguna caafimaadk badnaayeen. Waxaasi oo xaalado ah oo jira haddana ma muqdo qorshe wax ku oola oo lagaga bixi karaa.

si ay wax yihiinba Xukuumadeenii iyada oo tabcaana wataa soo xaydaysa habraacii kaneecada dallal kale, Wasiirkeeniina wakaa sidii inan carmalnimo lagu guursaday xafiiskii qurxisanaaya, Uunsigii uun baa hadhay mallaa, xaaladani waa tii laysku casili lahaa se waxa is casila kuwa damiirka nool leh.

isku soo wadda xooriyoo waxa k**a kacdo ah in bulshada loo sheego.
1- Maxaa keenay cudurka?
2- Maxaa sababay in uu sidan u fiddo? waliba loo dhinto?

Ina haa haddii laga jawaabo waxa lo ogaan karaa masuuliya darrada cida leh, waana la la xisaabtami karaa, waa haddii loo jeedo.

ugu dambayn xogaha aan hellaayo waxa ay ii sheegayaan in Covid 19kii uu ka dhimasho badan yahay xanuunkani.

Hays raamsatee da'aa.

Photos from Nuuradiin Ibraahin Diini's post 29/10/2022

Marka la dhisaayo nidaamka Xisbiyada badan waxa mihiima in si weyn looga fikirro looga baaran d**o laguna dhiso nidaam sharciyada ku qotoma waxa soo baxaaya Xisbiyo tayo leh oo ina anfaca, se boobsiiyadu waa kud ka guur oo qanjo u guur oo sideedaba waa la eedaa. Guddoomiyihii Gudidda Urarradu si uu u tiriyo kumanaan qof, wakaa dushasare ee gaadhiga u baxay, oo hoostaba miyaan lagu arkayn? mooyi

Anigu waxaan ku riyooday oo xalay manaam laygu tusay in 14kii Ururba soo baxeen, riyadayda mar mar waa la arkaa.

Waa halkii geese boowe maxaa kuu baxay, aniga riyadaa ii baxdee.

27/10/2022

Xusuusaha ma guurtadaa.

26/10/2022

Gobolka Sool waxa ka qabsoontay doorasho Isku sidkan oo baarlamaan iyo deegaan ah, dadka reer Soolna waxa ay doorteen Xildhibaano Baarlamaan oo matala kuna soo baxay codad gaadhaaya 5000 cod. Markaa ma jirto sabab xeerka loo baal maro oo la yidhaa Ururkiiba waxa laga rabaa 400 oo qof talaabadani waa mid gef ku ah reer Sool.

Sool miyaanay amni ahayn? Gudiddu siday xeer Baarlamaan ugu bedeli kartaa habraacyo ay iyadu samaysatay? Sool miyaanay dawladi ka jirin? Mise gudidda Urarraddu iyadaa amniga dalka qiimaysa, ma doorashadii komishanku qabtay mid ka weyn ayay qaban karaan?

Hab maamulka noocani waa wixii aanu h**e u sii sheegnay kana dignay. Bal aan dhawrno waayaha.

24/10/2022

Berbera caawa xaalkeedu waa sidan waxa buux dhaafiyay dadkii lagu soo raray
sidan Xeerku muxuu ka qabaa?

23/10/2022

๐™Ž๐™ž๐™™๐™–๐™ฎ ๐™ ๐™ช ๐™™๐™๐™ž๐™จ๐™–๐™ฃ๐™ฉ๐™–๐™ฎ ๐˜ฟ๐™š๐™ ๐™–๐™™๐™– ๐™‚๐™–๐™ง๐™–๐™˜๐™–๐™™ ? ๐™”๐™–๐™–๐™จ๐™š ๐™ˆ๐™–๐™–๐™ก๐™œ๐™–๐™ก๐™ž๐™ฎ๐™–๐™ฎ ? ๐˜ฟ๐™ค๐™ค๐™ง๐™ ๐™š๐™š๐™™๐™ช ๐™ฌ๐™–๐™– ๐™ข๐™ž๐™™ ๐™ฃ๐™ค๐™ค๐™˜๐™š๐™š ๐™–๐™ ?

Xeeliga bada Garacad oo dhacda badweynta Hindiya waqooyi bari gobolka Mudug Putland, waxa laga hirgaliyay mashruuc maalgashi oo aad u balaadhan indhahana laga qarsan karin, mudana in la bogaadiyo, waxna layska weydiiyo.

Ugu horayn waan hambalyaynayaa shaqada ay qabteen reer Putland khaas ahaan reer Garacad oo hirgaliyay dekad casri ah, taasi oo wax weyn ka tari doonta isku socodka adeegyada iyo alaabaha, korna u qaadi doonta dhaqdhaqaaqa ganacsi sidoo kale abuuri doontaa shaqo abuur baaxad leh, waana ildhaqaale oo Maamulka Putland uu ka heli doono dakhli cashuureed.

๐˜ฟ๐™ค๐™ค๐™ง๐™ ๐™– ๐˜ฟ๐™š๐™ ๐™–๐™™๐™– ๐™‚๐™–๐™ง๐™–๐™˜๐™–๐™™.

Dhanka kale dekada Garacad waa mid kaalin weyn ka qaadan doonta ganacsiga Geeska Africa, Amniga Geeska Africa, saamayna ku yeelan doonta dhinacyada dhaqaalaha iyo siyaasada geeska (In terms of the horn of Africa's economy and politics), waxaanay soo kordhin doontaa tartan weyn oo ganacsi "economic competition" una dhaxeeya dalalka aan dekadaha lahayn ee geeska Africa sida: Jabuuti, Berbera, Boosaaso, Muqdisho, Bambaasa, iyo Port Sudan . Oo dhamaantood u adeega dalalka aan badaha lahayn ee geeska Africa "landlocked east african country " oo ay ka mid yihiin : Uganda, Rwanda, Burundi, Ethiopia, iyo South Sudan.

Sigaara waxa uu tartan weyni dhexmaridoona dekada Garacad Jabuuti iyo Berbera maadama oo ay dhamaantood u shaqayndoonaan dalka jaarka la ah ee Itoobiya, si gaara Dekada Garacad waxa loogu talo galay in ay u adeegto bariga Itoobiya iyo gobolada dhexe ee Soomaaliya kuwaasi oo ay u adeegaan hadda Dekada Boosaaso, Dekada Berbera, iyo ta Muqdisho.

Dekada Garacad waxa ay ku taalaa bad weynta Hindiya waqooyi bari gobolka Mudug ee Putland, Gaalkacayo waxa ay u jirtaa 240km, Boosaaso 920km, Berbera 1400km. Tuurdibi oo ah magaalo xuduudeeda u dhaxaysa Putland iyo Itoobiyana waxa ay u jirtaa 303km, Tuurdibi qorsha ahaan waa meesha ugu weyn ee la rajaynaayo in ay u adeegto Dekada Garacad.

๐™”๐™–๐™– ๐™ข๐™–๐™–๐™ก๐™œ๐™–๐™ก๐™ž๐™ฎ๐™–๐™ฎ ๐™™๐™š๐™ ๐™–๐™™๐™– ๐™‚๐™–๐™ง๐™–๐™˜๐™–๐™™, ๐™Ž๐™ž๐™™๐™š๐™š ๐™จ๐™š ๐™–๐™ฎ ๐™ ๐™ช ๐™ฉ๐™ž๐™ข๐™ž๐™™ ?

Dekada Garacad inta aynu ogsoonahay waxa maamula oo gacanta ku haya shirkad waddaniya kana dhisan gudaha Putland, magaceeduna yahay ๐™’๐™–๐™™๐™™๐™–๐™–๐™œ๐™จ๐™–๐™ฃ ๐˜พ๐™ค๐™ข๐™ฅ๐™–๐™ฃ๐™ฎ (๐™‡๐™‡๐˜พ), xarunteeduna tahay magaalada Gaalkacayo, shirkadaasi oo loo aasaasay hirgalinta mashruuca Garacad oo ka kooban.
1- ๐™ณ๐šŽ๐š”๐šŠ๐š: ๐š˜๐š˜ ๐š”๐šŠ ๐š”๐š˜๐š˜๐š‹๐šŠ๐š— ๐šŠ๐šŠ๐š๐šŠ ๐šœ๐šž๐šž๐šš๐šŠ ๐šก๐š˜๐š›๐š๐šŠ๐šŠ "๐™ต๐š›๐šŽ๐šŽ ๐šฃ๐š˜๐š—๐šŽ", ๐™ฑ๐šŠ๐š›๐šก๐šŠ๐š๐šŠ ๐™บ๐š˜๐š˜๐š—๐š๐š’๐š’๐š—๐šŠ๐š›๐šŠ๐š๐šŠ, ๐š’๐šข๐š˜ ๐™ฑ๐šŠ๐š”๐š‘๐šŠ๐šŠ๐š›๐šŠ๐š๐šŠ ๐š”๐šŠ๐šข๐š๐š”๐šŠ ๐™ฐ๐š•๐š•๐šŠ๐šŠ๐š‹๐šŠ๐š‘๐šŠ.
2- ๐™บ๐šŽ๐šข๐š ๐™ท๐šŠ๐šŠ๐š–๐š˜ ๐š‚๐š‘๐š’๐š’๐š๐šŠ๐šŠ๐š•
3- ๐š†๐šŠ๐š๐š๐š˜ 300๐š”๐š– ๐šŠ๐š‘ ๐š’๐šœ๐š”๐šž๐š—๐šŠ ๐šก๐š’๐š๐š‘๐šŠ, ๐™ถ๐šŠ๐š›๐šŒ๐šŠ๐š, ๐™ถ๐šŠ๐šŠ๐š•๐š”๐šŠ๐šŒ๐šŠ๐šข๐š˜, ๐š’๐šข๐š˜ ๐™ถ๐š˜๐š•๐š๐š˜๐š๐š˜๐š‹.

Mashruucan Garacad waxa lagu qiimeeyay in uu ku kacaayo maaliyad ahaan lacag dhan $ 325milyan, waxaana hadda dhamaaday wajigii koowaad ee mashruuca kaasi oo ku kacay $ 150m, sida ay sheegeen Shirkada gacanta ku haysa ee Waddaagsan. Dekada Garacad inta hadda dhamaatay waxa ku soo xidhan kara afar markab, guntahoose ee biyahana dhererkeedu waxa weeyi 8m ilaa 13m.

Lasoco qaybta 2aad oo aynu kaga hadli doono sidii ay ku timid, cida maalgalisay, iyo muddadii ay socotay.

22/10/2022

Alle naxariistii janno ha siiyo Marxuum Wariye, Maxamed Cismaan Mirre ( Sayid) oo ahaa mulkiilahii Televisionka Horyaal Tv, Samir iyo imaana ka siiyo dhamaan qoyskiisii, qaraabadiisa, iyo bulshada reer Somaliland.
Alle qabriga hawnuuriyo wallaalkeen Sayid.

17/10/2022

Ma xashiish cabaa kuwa halkii dib ugu xiisooday?
Xalayna lama abuurine shacbigu weysu xogogaale,
xidigaha lixdaha wey ogyihiin xaawalaydunee,
Yaa loo xayaysiinayaa ilayn Xamartu waa tiiye,

16/10/2022

Sadex dhibcood oo saafi ah.

16/10/2022

Jiritaankaaga qaranimo iyo in aad dawlad noqoto kuwa diidan maaha in lala damaashaado,

15/10/2022

"Iyana waa tabaalaha wakhtiga taynu aragnaa",

Qoraalkan yar ee aan sawirka idiinka soo dheegay may jirin cid gaara oo aan uga gol lahaa, ahaato qof, Xisbi, ama Urur toona, se kaliya waxa uu ahaa mid aan uga golahaa in aan iftiimiyo inaynaan lahayn dookh doorasho iyo minqiyaas xulasho oo danaha bulshada ka turjumaaya. Laakiin waxaa soo baxday in taageerayaal dhami ay hoggaamiyahooda u yaqaanaan in uu yahay mid ku sifaysan Musuqmaasuq, xatooyo xoolo umaddeed, iyo ku tagri fal awood dawladeed
"Iyana waa tabaalaha wakhtiga taynu aragnaa",
Waxaan is weydiiyay ma in uu dalka u dhaco ayay ula safan yihiin?

"Tukaloo ka daran baa jirtee taana bal aan sheego",

Waxa kale oo iyana soo baxday in Ururadda qaar si badheedha Reernimo iyo qabyawlad qaawan lagu taabac san yahay ma xuma in qof lagu raaco qabyaalad, ee waxaan is weydiiyay miyaanay ahayn Ururadda kalena in xaafadahoodu la saftaan ilayn "Xaafadi, xaafad waxa ay ugu wareegtaa waa xasarad e".

14/10/2022

Bulshada reer Samaliland malaha dookh iyo xulasho masiiriya oo ay wax ku doortaan si loo helo siyaasiyiin han leh oo ka turjuma danahooda, gufeeyana baylahdooda, se waxa u soo haggooganaaya kii shalay ku tagrifalay awoodii qaranka, musuqayna xoolihii umadda.

05/10/2022

LABA DHAGAX DHEXDOOD BAY KU JIRTAAA.

Dadku isku dookh maaha oo midba si bay ugu badisaa nolol ahaan, turubkii khamaarka ahaa ee Istaahil tamaam labaad midna maaha, waxa ku jiray nin sadexaad oo jeebsiib ah oo loo yaqaanay (Maqasle), kaasi oo aan ahayn Ka dhigaaya turubka, iyo ka dheelaaya turubka, midna se ay wadda socdaan ka turubka dhigaaya. Maqaslahu wuxuu dhabiyaa mid kastoo mashquula oo jeebkiisa in uun wax ka muuqdaan kana saari karo, "xadi karo". Isaga halkaa ayay dantu ugu jirtaa, laba mashquula dhexdood. Sidaasi oo ay tahay waxa jira Qaar ka mida Siyaasiyiinta ama Ururradda cusub oo Maqaslayaal ah dantuna ugu jirto Khilaafka Muxaafidka iyo Mucaaridka dhexdooda, oo aaminsan markasta oo lays qabto oo khilaafku sii jiro in ay iyaga ugu jirto, ku darsoo labadaba waa ku khatar Muxaafidka iyo Mucaaridka, (Istaahil tamaam labadaa midna maaha).

Waxaan u ma laynayaa mar haddii koradhsiimo dhacday Mucaaridka iyo Muxaafidku wax ay ku heshiiyaan waa la heli karaa, oo Maqaslaha wey iska ilaalin karaan waa haddii ay reer magaal yihiin uun.

29/09/2022

Weynala noqon weyday in aanu ku tukano sijaayada aan daahir ahayn, Waxanu ku qanacnay go'aankii Maxk**ada Sare, sidaasi darteed tartankii Ururadda waanu ka baxnay.

27/09/2022

Durtaba waxa aynu maqlaynay waa ๐—ง๐—ฎ๐˜„๐—ฎ๐—ฎ๐˜„๐—ฎ๐—ฐ, marka aad ka leexato jidka sharciga maaha in aad cadaalad doonto,
" ๐–ข๐—Ž๐–ฝ๐—Ž๐—‹๐—„๐–บ ๐—„๐–บ๐–บ ๐—€๐–บ๐—…๐–บ ๐–ฟ๐–บ๐—‹๐–ฝ๐–บ๐—๐–บ, ๐—๐–บ๐–ฝ๐–ฝ๐—‚๐—‚ ๐—…๐–บ๐—€๐–บ
๐—€๐—Ž๐–ป๐—ˆ ๐–ฝ๐–บ๐—†๐–พ๐–พ๐—‹ ๐–ฝ๐–บ๐—๐–บ๐–ฝ๐–บ ๐—…๐–บ๐—†๐–บ ๐—€๐–บ๐–บ๐–ฝ๐—๐–บ๐–บ๐—’๐—ˆ".
Durtaba waxa muuqatay in aan ku taaganahay jidkii saxda ahaa, kuwii ka leexday ee ta qaloocan marayna waa kuwaa durtaba tawaawacaaya ee qaadaaya heeskii Tawaawac, waxaan lee yahay ma dhawa.
Annoo taawi cudur iyo,
Inna taws la haynoo,
Waxaan tabanayaa jidhi.

Siciidow, Siciidow, Siciidow, Siciidow.

26/09/2022

Urur siyaasadedka waxa uu maanta geeyay Maxk**ada Sare Dacwadii uu ka qabay habraacyada Xeerka ka hor imanaaya ee ay gudidu soo saartay.

Photos from Nuuradiin Ibraahin Diini's post 26/09/2022

Waa Dacwadii aanu Saaka u gudbinay Maxk**ada Sare ee Somaliland, si loo eego wixii Xeerka ka baxsan ee ay gudiddu soo rogtay.

25/09/2022

Waxaa u gartay Laba Sanno oo korodhsiimo ah siduu u jeedo Xildhibaan Indho indho.

25/09/2022

Gudidda Ururadda iyo AAQ, waxa ay jideeyeen habraacyo ka hor imanaaya Xeer. Lr. 14, sidaasi oo ay tahay suuro gal maah wax ka baxsan Xeer Lr. 14/2011, in Ururna ku hadho midna ku soo baxo.

Want your public figure to be the top-listed Public Figure in Hargeisa?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Videos (show all)

Bari iyo Shirweynaha Galool
Ducada iyo dhiiri galintu, waa shiidaalka Guusha.
Ururada in la kala jeclaado maaho, doorashaduna waa mid shacbi weynuhu hayo, waxa socdaa waa midab kala sooc siyaasadeed...
Sacdiya Mire oo ah aqoon yahanad baratay cilmiga Raad raaca Aataaraha qadiimiiga ah. Ayaa ka waramaysa in Jaleelo ay tah...
Ninkan baa sidan leh. "Hawiye Wax uu Ku Hishiiyay Hadii Farmaajo uusan 7 bari uga bixin Villada in la khaarajiyo oo la d...
Bal hadda ila dhugo, sadaashii ๐—œ๐—ฏ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฎ๐—ต๐—ถ๐—ป ๐—ฆ๐—ต๐—ฒ๐—ฒ๐—ธ๐—ต ๐—ฆ๐—ฎ๐—น๐—ฒ๐—ฒ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป "๐—œ๐—ฏ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฎ๐—ต๐—ถ๐—ป ๐—š๐—ฎ๐—ฑ๐—ต๐—น๐—ฒ".
1-Xeerka Furista Ururradu waa ansax, waana dhaqan gal. 2-Xukuumaduna talaabo fiican bay qaaday, 3-waxaana mihiima Beelah...
๐™Ž๐™„๐™“๐™„๐™๐™†๐™„๐™„ ๐™๐™Š๐™Š๐˜ฟ๐™ƒ๐™„๐˜ฟ๐™Š๐™Š ๐™‡๐˜ผ๐™”๐™Ž๐™†๐™ ๐˜ฟ๐™ƒ๐˜ผ๐˜ผ๐™๐™Ž๐˜ผ๐™‰๐˜ผ๐˜ผ๐™”๐™Š.Suuqu waa xor, mana jiraayo sabab ay ganacsatada roodhidu ay u galaan heshiis iib...
Waa mihiim in la dhiiri galiyo, ardayda quraanka baratay khaas ahaan waxa sii mihiimsan in la garab istaago dadka Araga ...
Wแดœxแดœแดœ แด…แดแดษดแด€สแด€แด€ ษขแด€ส™แด€แด…สœ แดœแดœ แด€แด…แดแดษดsแด€แด…แด, oo uu yidhaa 200 Lo' ah ayaan kaa bixiyay.

Category

Telephone

Address

Sheekh Mubarik
Hargeisa
00252634421963
Other Politicians in Hargeisa (show all)
Cabdiraxmaan Cirro Cabdiraxmaan Cirro
Road No 26th June
Hargeisa

Aasaasaha & Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI. [WADDANI Party Founder & Presidential Candidate]

Guul-wade page Guul-wade page
Hargeisa

Follow like share

Kaafi Media Kaafi Media
So
Hargeisa

adeege umadeed

Xildhiiban hayle Xildhiiban hayle
Hargeisa

active

MP Guled Warsame MP Guled Warsame
Road Number 1/sha'ab Area/Near Presidential Palance
Hargeisa, 252

XILDHIBAAN GULED MAXAMED WARSAME AAA {Official Page}

Tageerayasha Cali Mareexan Tageerayasha Cali Mareexan
New Hargeisa
Hargeisa

horumar aan kala joogsi lahayn

Ugaas Ugaas
Hargeisa

Politician

Xil.Ahmed Mohamed Hurre Xil.Ahmed Mohamed Hurre
Opp . Berbera Road
Hargeisa

Waa Page Ka Rasmiga Ah Xil Ahmed Mohamed Hurre (Barkhad) .

๐ƒ๐„๐†.๐๐Ž๐Ž๐Š๐‡ ๐ƒ๐„๐†.๐๐Ž๐Ž๐Š๐‡
Hargeisa, 251

Ugu imow boggan xaqiiqooyin ku saabsan degmada Bookh.

Somaliland waa Xor Somaliland waa Xor
Hargeisa

This is page Affairs Analysand politic for Republic of Somaliland

Sharmo_sheekh page Sharmo_sheekh page
Hargeisa, 00252

Halyeyga nool Halyeyga nool
Hargeisa, 00252

dabar goynta dhaqamada xun xun waa waajib saaran qof walba oo inaga mida.