Ururka wada jir

Ururka wada jir

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Ururka wada jir, Writer, Hargeisa.

09/08/2023

Azc Wllo waa maamo weyn oo illaa 60 illaa 70 jir ah oo suuq noo dhow ku ganacsan jirty balse dayn aad u badan lagu yeeshy oo kumanaan dollars gaadhyso
Ubad waxa ay dhahy 3 , hal wiil iyo 2 gabdhood , sidaas awgeed halkii wiil iyo hal gabadhaa way xanuunsanayaan macnaha waa waalan yihiin halka gabadha so hadhyna ay tahy mid u xanuunsanyso fiix makaanka ka so baxday , intaas waxa dheer waxa ay haysaa 3 dumar ah oo walaaladeed ah oo goblan ah , waxa ay ku jirtaa guri buul ah oo kiro ku ah , waxa intaasba u dheer cid ehel ah oo ayaga dhaamo oo caawin karo malahan ,hada xaaladu waxay marysaa in ay laadahy oo loo diiday neef kii ay wax ka dayi jirty oo la dhahy illaa aad lacagti h**ey iska so bixiso wax lagu siinaayo malahan
Saaka waxa aan u tagy ayada oo dul fadhida miiskii oo madhan marki aan dhahy maxaad iskaga tagi wayday hadi aadan waxba iibinayn waxay iigu jawaabtya, waxaan ku sugayaa bal in ilahy iga siiyo dadkaas wax aan sonkor ku iibsado

Insha allah wixi dheerad waxad la xidhidhi karatay maamad
0636211835.
insha allah si faafi

18/05/2023
18/05/2023

Taariikhdu marka ay ahayd 11/05/2023 waxa aanu booqanay Hooyo Aniisa Aadan Abiib oo ah hooyo xanuusanysa isla markaan a haysata caruur agoon ah , si fiican uga bogo Muuqaalka xaaladda hooyo Aniisa iyo Caruurteeda .

Kala xidhiidh hooyo Aniisa +252633378845

Kusoo biir ururka khayriga ah ee Wadajir
Ku dhufo linkgaas si aad uga mid noqoto walaalaha https://chat.whatsapp.com/IQqp5HZ7bjXKFayeMp1rZq

28/04/2023

Asc wlladay

Photos from Ururka wada jir's post 07/01/2023
Photos from Ururka wada jir's post 07/01/2023

3 waqti haddaad hesho waxad cunto
waxa jira qof walalka ah oo kulajoga
wadanka oon hayn waxa uu caloosha galiye Naguso bir oo Nagála.
qaybqaado quudintadadka bahan ilaahayba
dhamaantenba ina quudiyee.

22/09/2021

Xikmadaha laga diiwaan geliyay Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil qaar ka mid ah.

1- " Aqoonyahanku wuxuu aqoonyahan yahay markuu Rabbigiina yaqaano , Aakhirana yaqano addunkana uu isbedel ka samayn karo".

2- " Dhalasho wacan markaan leenahay taas macnaheedu waa sanad baan xabaasha u dhawaaday taasi ma wax lagu farxa".

3- " Inaad noqoto qof hami leh, han leh, hiigsi leh, oo hiraal u muuqdo waa lagama marmaan".

4- " Dad baa dibadda ka qurux badan, guriga markay soo galaana bahal ah , qofka aad nolosha isku darsateen iyo caruurtaad dhashay inaad ku xumaato, dibadana nin fiican oo laga yaqano hebel la yiraahdo noqotid wax fiican ma aha".

5- " Dunida dadka isdila iyaga ugu badan reer galbeedku, meeday barwaaqaada ay sheegaayaan " ?

6- " Aqoonyahanku haduu noqdo qof la iibsan karo suldanadu iiibsan karto, dawladuhuna laaluushi karaan, kaasi aqoonyahan ma aha ".

7- " Gool baa la dhaliyeey maxay noloshaada ku soo kordhisay. "

8- " In Hooyo la noqdaa waxay ka Qurux badan tahay inaad noqoto injineerad ".

9- " Nin walba qabiilkiisa inta la dulmiyay buu ogyahay, laakiin se ma oga intay dulmiyeen ee aay Aakhiro u direen ".

10- " Quraanka haddii aad akhrido, qof Rabigii u waramaayo ayaad tahay bal qiyaas Rabigaa oo kula hadlaaya oo ku waramaaya ".

11- " Luuqada soomaaliyeed waa af Muslim, waa af diin iyo dadnimo ba xambaarsan ".

12- " Meesha Qiimaha leh ee u baahan inaan u shaqaysano waa Aakhiro ".

13- " Haddaad rabto dadka in caqligoodu ku aqbalo, waxa ka h**eeya qalbigooda inaad furto qofkaad qalbigiisa furi kari weydana caqligiisana ma furi karaysid, qalbigana waxaa lagu furaa jacayl, naxariis iyo hadal wanagsan ".

14- " Waxa laga yaaba inad saacado badan ku bixiso iskuulka, intaad is leedahay yaad saaqidin ee waxbaro, oo ka warran maalinta qiyaame haddaad saaqido maalinta aan saaqidnimo ka weyni jirin ".

15- " Dadka kuwa ugu hantida badan
Aya ah kuwa ugu hurdada yar ".

16- " Hadday jannadu tahay meesha qofka loogu nimceenayo, caddabtuna ay tahay meesha qofka lagu ciqaabayo, Addunyaduna waxay tahay meesha qura ee laysku imtixaamayo ".

17- " Ilmaha inaad Guri uga tagto waxa ka qiimo badan inaad Diin uga tagto, inaad dhaqaalo u samayso waxa uga qiimo badan inaad isaga qof ka dhigto jira oo nool oo Muslim ah. Haddii uu qof Muslim ah noqdo oo Naftiisa ku kalsoon meel uu seexdo iyo wax uu cuno isagaa raadsanaayo ".

18- " Jaamacad baan ka baxay, shahaadaan qaatay, shaqo fiican baan helay war waad tagaysaaye waxaas oo dhan waa maalmo, maalin ama maalin badhkeed ayay nolosha oo dhan kula noqon marka qiyamaha lagu weeydiyo, oo nolosha ma maalin badhkeed bad dooratay marka ".

19- "In xaafad kasta laga dhiso toddoba Masaajid oo aan qaar-kood cidi ku tukan waxaa dhaanta adoo dhisa wado dadku maro, oo ka gaadhiga wata aanu gaadhigu kaga jabin ka maskiinka ah ee lugaynaayana aanu ku dhibtoon ".

20- "Islaamnimada wax mucaarad la yidhaahdaa kuma jirto, Islaamnimada waxa ku jira xaq iyo baadil, wixii xaq ah in aad taageertaa waa waajib wixii baadil ahna in aad ka soo horjeesataa waa waajib ".

WQ: Daarul Maqaam.

21/08/2021

"Cabdimaalik wuxuu sheegay badhkood waynu aragnaaba,
godabka 90_aad ee dastuurka dalkuna wuxuu sheegaya in
goobtii lagu hayyo wax ka baxsan diinta islaamka albaabada la
isugu laabo oo la xidho, qalabka meeshasna ay dawladu la
wareegto, Coldoon si wanaagsan oo soo jedin leh ayuu u hadlay
mana jirto xeer sharciya oo xidhaya waxaan codsanaya in lasii
daayo.

Garyaqaan Mubaarak Aar
ayaa sidaasi soo jeediyey.

19/08/2021

Waa waxa Laga xumado aha Ina xukumad soomaaliland Dadka baadilakà iyo kufuriga wadana Soo dhawayasato .

Dadka xaqqa iyo runta sheegaya Aya xidhi xidho

Cabdimaaliga sh. Muuse coldoon.
Alleh xoriyadadi diba hakugu Soo caliyo.

Photos from Ururka wada jir's post 19/08/2021

Gudoomiyaha Golaha Wakilada, Wasiirka Wasaarada Diinta
Awqaafta Somaliland iyo maayarka Caasimada ayaa ka qayb-
galay kulan Diimeedkii 3aad ee Ansaaru Sunnah,

18/08/2021

"Cabdilaahi Dahab waxa uu si toosa uga soo hor jeedsaday
siyaasada Xisbiga Waddani, Shirarka Xisbigana ka muu soo qayb
gali jirin, Suuqana wuxuu ka waday wax khilaafsan siyaasada
Xisbiga, waxaanuu diiday in uu gayb ka noqdo talada XisbigaIbraahim Mahdi Buube isna waa lamida"

Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Waddani Khadar Hussein Abdi

18/08/2021

Waxa xoriyadiisii dib u helay sheekh maxamed sheekh ismaaciil
oo hargeisa ku xidhnaa sida ay xaqijiyeen qaar kamid ah
eheladiisu.

Masha allah.

17/08/2021

Xidhibaano ka tirsan Golaha Wakilada Somaliland ayaa kulan
Albaabuduu xidhan-yihiin la'qaatay Wasiirka Arimaha Gudaha
Maxamed Kaahin AxımedWaxaanay xildhibaanadu wasiirka wax-ka waydii)
Sheekh Maxamed Sheekh Ismaaciil oo dhawaan la'xidhay,en xaaladdaLabada dhinac waa wasiirka iyo Xildhibaanadee Mid-koodna
kulanka Warbaahinta war k**a siin,Xildhibaanada oo u muuqday kuwo oofinaya balan-qaadkii ay
h**e Ololaha ugu galeen ee ahaa inay shacabka difaaci-doonaan
ayaa kala ahaa:-
1- Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun
2:- Xildhibaan Maxamed Abiib
3:- Xildhibaan Saleebaan dheere
4- Xildhibaan Xuseen
5- Xildhibaan Qaasim

xigasho. badri kosar.

16/08/2021

Madaxweyne aabahay meel noogu sheeg 😭.

Inan uu dhalay sheekh maxamed ismaaciil.

16/08/2021

Madaxweyne Biixi "Anigu waan Tagay dugsiga Abaarso, Aniga oo
kaligay ah oo aanay cidi ila socon, waxa lagu sheegayo kumaan
soo arkin, dad islaamnimada u cadaw ah ayaa dacaayad ka
faafiyay dugsiga Abaarso"

16/08/2021

Daalibaan oo quraan ku akhriyay madaxtooyad Afgaanistaan.

15/08/2021

Xooggaga Taalibaan ayaa gudaha u galay Madaxtooyada dalk
Afghanistan, Hoggaanka Taliban ayaa si toos ah uga soo dhex
hadlay xafiiskii madaxweyne Ashraf Gani ka baxsaday maanta

15/08/2021

Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani ayaa lagu soo
warramayaa inuu ka baxsaday Caasimadda dalkaasi, isagoo u
baqoolay dhinaca Soohdinta Tajikistan.Daalibaan ayaa guluf balaadhan ku qaaday Caadimadda dalkaasi
oo hareereeyeen gudaha ay u galeen.

15/08/2021

Doorasho Ma dhacayso 2022.2022ka Ma dhacayso doorashadii madaxtooyadu, Madaama ay
dhaceen liisamadii Xisbiyadu Marka Waxa la furaya ururadii, inta
kadibna waxaynu galaynaa dooraashadii golaha Guurtida,
waxana ku xigeysa tii madaxtooyada sidaa Ayeeynu iskuogaaneyna

"Afhayeenka Xisbiga Kulmiye ayaa sidaa yidhi

14/08/2021

cidamada haatan yimid ay ahaayeen kuwo sahan ahGeesta kale, warar kale ayaa sheegaya in toddobaadkan uu
dekedda Berbera kusoo xidhan doono Markab dagaal oo uu
leeyahay Midowga Yurub.

Xigasho-Khaalid Foodhaadhi

14/08/2021

" Xisbiga kulmiye waxa u dal-kan soomaliland ka qabtay laba
doorasho o0 aanay deero deero hirdiyin waxa gushaa leh
Madaxweynaha JSL ahana Gudoomiyaha xisbiga kulmiye
Mudane Muuse Biixi Cabdi waxana laf-dhabar u ahaa haweenka
xisbiga kulmiye".
Afhayeen Buuni

14/08/2021

"Doorashadii Kulmiye lagama adkaan, sadex xisbi ayaynu
ahaynoo laba midoobay".Madaxweyne Muuse Biixi waxa kala wanaagsanatay in kulmiye
guuleeysto , in Somaliland Guuleeysato"

Cabdicasiis Cagaweyne.

13/08/2021

صلى الله عليه وسلم وعلى اله وصحبه اجمعين.💞

11/08/2021

Wakhti H**e sheekh ka jawaabaya hadalkii fadxiya cabsiiye iyo waya at diintu ka qabto.

Share dheh si uu ugaadho walaalkaaga muslimka ah ee arintan is weydiinaya.

Photos from Ururka wada jir's post 11/08/2021

Cidamada Booliska Gobolka Togdheer ayaa magaalada Burco
kusoo bandhigey hubkan fudud iyo khamrigan oo ay sheegeen in
gacanta kusoo dhigeen, kadib hawlgal ciidanku sameeyay.

Photos from Ururka wada jir's post 10/08/2021

Messi oo qaatay lambarka 30aad ee PSG waana lambarkii ugu h**eeyay uu ka qaato kooxdiisii h**e ee Barcelona.

10/08/2021

Ra iisal wasaaraaha XFS maxamed xuseen Rooble iyo wafti uu hogaaminayo ayaa tagaya dalka kenya.

Want your public figure to be the top-listed Public Figure in Hargeisa?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Videos (show all)

Taariikhdu marka ay ahayd  11/05/2023  waxa aanu booqanay Hooyo  Aniisa Aadan Abiib oo ah hooyo xanuusanysa isla markaan...
Madaxweyne aabahay meel noogu sheeg 😭.Inan uu dhalay sheekh maxamed ismaaciil.
Daalibaan oo quraan ku akhriyay madaxtooyad Afgaanistaan.
صلى الله عليه وسلم وعلى اله وصحبه اجمعين.💞
Wakhti Hore   sheekh ka jawaabaya hadalkii fadxiya cabsiiye  iyo waya at diintu ka qabto.Share dheh si uu  ugaadho  wala...
Magaalada Hargyasi Aya marti galinaysa kulan ay yeelanayaanCulimada soomalido .
Geerida xasusano 😨
Shaya iyo maanta
صلى الله عليه وسلم وعلى اله وصحبه اجمعين.❣️
Ku raaxayaso qawolaka allehJimco Mubarika.
Subax wcan💥
Jimco wcan💞

Category

Telephone

Website

Address


Hargeisa