Balballaadhshe

Balballaadhshe

Nearby public figures

Mohamed haji
Mohamed haji
Burao

You may also like

rx_rx_vijay_rx_rx
rx_rx_vijay_rx_rx

gudbinta madadaaloyinka iyo dhacdooyinka dunida

15/11/2023

1) How are you = sidee tahay

2) What Is your name?= waa maxy magacaaga

Photos from Balballaadhshe's post 14/02/2023

Ganacsade Jabuutaawi ayaa sheegay Dhulbahante samaysatay maamul-goboleed u gaar ah, kaas oo hoos taga Soomaaliya uuna Madaxweyne ku meel gaar ah isagu ka yahay.

Halkan isha ku hay hadaljeedinta Jabuutaawi.

14/02/2023

GabadhAn fareen u reeb

26/12/2022

Aamin yaa rabi

02/11/2022
02/11/2022

Sheeko aan ku saleeyey siyaasada xiligan ka taagan Soomaaliya waan kaftan dhable dhanka siyaasada ah.

Laban nin oo saaxiibo ahaa ayaa maalin maalmaha ka mid ah waxay isku afgarteen inay cilmi aduun iy oo mid aakhiro baadi goobaan si ay noloshooda wax ugga badalaan, labada nin waxay ku gaareen go’aan xitaa haddii ay safar dheer ku qaadato doonista cilmiga inay ubbada(buraashada) u biyeystaan oo ay cagta maalaan, socod ayey bilaabeen wax ay socdaanba waxay maalinkii dambe ku soo dhaceen degmo uu maamulo nin Boqor dah oo lagu tiriyo in uu yahay nin Jaahil ah oo xukun jaceyl oo qofkii xukunkiisa soo faragaliya qoorta u dheereeyaa.

Labada nin waxay habeenkii ku hoydeen degmadii waagu markii uu baryey waxay dadkii degmada su’aaleen meel cilmi diin laga barto iyagoo u sheegay inay yihiin cilmi doon, dadkii ay la kulmeen ayaa u sheegay deegaan caan ku ah barashada diinta tilmaanna way siiyeen. nimankii waxay u dhaqaqeen meeshii cilmiga lagu sheegay waxay socdaanba goobtii ayey gaareen waxay h**ey ka bilaabeen cilmi diin barashadiis.

Muddo haddii ay diin barasho ku jireen oo ay garowsadeen inay maqaam fiican ka joogaan cilmigii ay u soo safreen ee diinta ayey subixii dambe isku yimaadeen waxaa dhexmartey sheeko ku saleysan waxa xigga ee qorshahoodu yahay. Labadii nin ka mid ah ayaa saaxiibkiis wehelka ay ku ahaayeen safarka diin barasho doonka ayuu ku iri
“War cilmigii aynnu u soo safarnay dhammeynay’e aynnu deegaankeenii dib uggu laabanno si waxa aynnu barannay aan dadkeenii ugu faa’ideyno”.

Kii kale ayaa saaxiibkiis ku yiri “Saaxiib war aan ku siiyo annigu waxaan rabaa inaan cilmiga diinta ee aan bartey ku darsado cilmiga siyaasadda ee adiggu ma iggula jirtaa mise waad iska taggeysaa?”.

Ninkii kale wuxuu saaxiibkiis u sheegay in cilmiga diin ee uu bartey ay uggu filan tahay isla markaanna aanu doonneyn aqoon kale, uuna subixii u baxayo deegaankii uu ka yimid, sidaasina ayey labadii nin isku macsalaameeyeen.

Ninkii baxay wuxuu sii marey degmadii uu xukumayey Boqorkii xukunka jeclaa ee Jaahilka ahaa, wuxuu degmadii tagey maalin Jimce ah oo saalada jimce la tukanayo, wuxuu tagey Masjidka ugu weyn magaalada si uu uggu tukado salaada, markii salaadii la dhameeyey ayaa waxaa khudbad meeshii ka jeediyey Boqorka deegaanka xukumay, boqorku wuxuu khudbadiisa ugga hadlay arimmo diini ah laakiin khaladaad badan ayaa ku jiray hadalkiisa laakiin culimo iyo caamo cid ka hadli kartaa ma jirto waxa boqorku dhabqinayo oo nin walbna naftiisa ayuu la cabsadey.

Ninkii safarka ahaa ee cilmiga diiniga soo bartey ayaa u adkeysan waayey waxa boqorku isku walaaqayo, markaas ayuu inta istaagey gacanta taagey, boqorku wuxuu u haystaa in ninku uu su’aal waydiinayo, khudbadiisii ayuu joojiyey markaas ayuu yiri “Ninka istaagayow warkaaga soo daa”, ninkii ayaa hal mar la soo wada eegay, boqorkiina xaggiisa ayuu soo eeggayaa wuxuu hadalkiisii ku leeyahay ninku“Boqorow labo kala daa xukunkaaga adag iyo aqoon daradaada diimeed, waxa aad sheegayso wax diin sal iyo raad ku leh ma ahan, dadkanna ka daa qubxiga iyo naxligga aad diinta ugga dhiggayso”, ninkii oo aan hadalkii dhameyn ayaa boqorkii inta qaylo cirkaas ka yeeriyey wuxuu amray ciidankiisii inay ninka Masjidka banaanka ugga bixiyeen god dheer oo xabsi ahna ku tuuraan waliba jirdil uggu daraan.

Ninkii oo sidii kubad u duubaan ayaa qadaadka inta la qabtey god dhulka hoostiisa ku yiil oo wixii boqorka wax ka sheega lagu rido shalow lagu siiyey.

Muddo afar sano ah ka dib ayaa ninkii kale ee waaggii ku harey barashada cilmiga siyaasadda markii uu dhameystey waxbarashadiisii wuxuu go’aansadey in uu dib ugu laabto dhulkii uu ka soo hayaamay, socdaalkiisii wuxuu ku sii maray degmadii boqorkii uu ka talinayey, war uma hayo ninkii ay saaxiibado ahaayeen uu xiran yahay oo uu eersadey afkiisa, si la mid ah ninkii ay saaxiibada ahaayeen habeenkii markii uu magaalada ku hoyday ee uu isku diyaariyey in uu u ambabaxo deegaankiisii ayuu ka hor wuxuu aaday Masjidka waxaa masjidka ku sugnaa boqorkii deegaanka, sidii caadada aheyd markii salaadii laga baxay boqorku wuxuu jeediyey khudbad uu dadkiisa kula hadlayey.

Khubadii uu boqorku jeedinayey oo gabo-gabo ah ayaa ninkii musaafurka ahaa ee cilmiga siyaasada bartey inta istaagey gacanta kor u taagey, boqorkii ayaa khudbadiisii inta hakiyey ninkii u soo jeestey xaggiisa, ninkii ayaa boqorka ka codsadey inta uu hadalka dhameyn ee dadku fadhiyaan masjidka in hadal jeediyo, boqorkii ayaa ninkii ka ogolaaday in uu hadlo.

Ninkii wuxuu uggu h**eyn u mahadceliyey boqorka sida uu ugga ogolaaday in isagoo khudbad jeedinaya uu inta u joojiyo uu hadalksa siiyo, ka dibna wuxuu yiri “Boqorow nin ILAAHAY aqoon iyo xikmad isaggu kaa daray ayaa tahay, waliggey ma arkin boqor kaa qiimo badan, wallee dadka aad hogaamiso dad ka nasiib badan ma jiraan, laakiin mid kale aan kuuggu daree waxaa nasiib leh ninka Masjid afar jimce salad kuggula tukado khudbadaada qiimaheeda iyo wanaageedanna dhageysta”.

Boqorkii hadalka ninka aad ayuu ula dhacayaa wuxuuna eegayaa sida dadku uggu dheg taagayaan hadalka ninka, boqorku aad ayuu isagga helay, wuxuu ku faraxsan yahay nin aan magaalada ku noolaan jirin oo safar ah in uu hal maalin oo kaliya uu wanaaggiisa ku qiro, wuxuuna hoosta iska leeyahay “Wallee kani waa kii iisii dheereyn lahaa inaan xukunkan majaraha u sii hayo oo boqortooyadan sii hayyo illaa aan ka geeriyado”.

Ninkii wuu sii hadley wuxuuna leeyahay “Boqorow nasiib ayaan leeyahay maanta inaan dhageysto khudbadaada wax iigga qiimo badan ma leh, laakiin mid ayaan oran lahaa dadkaagga halkan ku sugan, waxaa anigga igga nasiib badan oo cawo iyo ayaan leh ninka madaxaaga shumiya ama taabta, ninka taabta taajka boqortooyada ee kuu saran wacade kaasi nasiibkiisu waa in uu kaa dhaxlo xikmadda maskaxdaada ku dihan”.

Ninkii oo aan hadalkii dhameyn ayaa hal mar dadkii inta wada istaageen ciidan iyo shacab waxay ku wada carareen boqorkii iyadoo qof kastaa leeyahay “Yaan laggaaga h**eyn madaxa taabashada boqorka”, dadkii tiro awgeed way isjiireen waa la isdardaray, oday kii ahaa, kii xoog yaraa ama ilmo wixii masjidka ku jirey dusha ayaa looga baxay oo qaarbaan nafta lala soo rogin, boqorkii ayaa dushiisa la isku hillay (buuxiyey), boqorkii meel uu ka neefsado ayuu waayey ilaa naftii ka baxdey, dadkii cid cid celisaa ma jirto illeyn xikmad ku sheeg ayaa boqorka looggu sheegay mid kastaana wuxuu aaminay hadalkii ninka.

Mudo haddii boqorkii lagu xoonsanaa ayaa dadkii gadaal u degeen mise boqorkii waa meyd, dadku boqorka dhimashadiisu waxay u yeeshay waji kale waayo markii h**e waxay ka cabsi qabeen in boqorka qofkii aan taaban madaxiisa ee iska fariista in loo qaadan doono in uu yahay “dib u socod” ama uu boqorka yasayo, isgarbiska iyo isbuurashada waxaa qayb ka ah cabsi laga qabey boqorka, laakiin markii la ogaaday in uu dhintey waxaa dadkii maankooda ku soo dhacdey kadeedkii boqorku dadka deegaanka ku hayey, hal mar ayaa ninkii cilmiga siyaasada soo bartey laggu soo yaacay, waxaana la yiri adiggu noo noqo boqor, maadama caqli fiican oo aan boqorka uga takhluusnay aad inoo keentey, kaasi oo aan hal qof inoogga dhiman.

Ninkii sidii ayuu boqor ku noqdey dadkii xabsiyada ku jiray oo dhan ayuu siidaayey mise wuxuu ku arkay ninkii ay saaxiibada ahaayeen oo raameystey tinta iyo garka ku baxay awgeed, ninkii xabsiga laga soo daayey ee arkay saaxiibkiis oo boqor ah ayaa waydiiyey“Sida ay uggu suurtagashay in uu noqdo boqor waliba isagoo aan deegaanka dagganeyn oo musaafur ah, isla markaana boqorkii xukunka adkaa uu ugga qaatey jagadii boqortooyada”.

Boqorkii wuxuu saaxiibkiis si kooban uggu yiri “Cilmigii siyaasada ee aan bartey ayaan boqorka u adeegsadey , isagaana xabsiga kaagga soo saarey ee wasiir inta noqoto shaqadaada qabso”.

02/11/2022

Ciidamada Somaliland ee Ku sugan. Boocame
Sided u aragtaa

06/09/2022

Alle kuma tuso dhibaato
Aakhiro iyo aduunba
Wll Ku sali xabiibkeena muxamed
SCW

Profile pictures 06/09/2022
Want your public figure to be the top-listed Public Figure in Hargeisa?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Telephone

Website

Address

Burao
Hargeisa
Other Actors in Hargeisa (show all)
NEYGA officials9 NEYGA officials9
Hargeisa, 252

NEYGA official

Hemze ahmed Hemze ahmed
Hargeisa

Nyc❤

FUNNY TV FUNNY TV
Bari
Hargeisa, BARI

time beurffuul

Hâjī xikmââwi Hâjī xikmââwi
Xaji Xikmaawi
Hargeisa

𝙷𝚊𝚕 𝙰𝚋𝚞𝚞𝚛 𝚜𝚘𝚖𝚊𝚕𝚒𝚢𝚎𝚎𝚍 ♫︎

Guilet_qañciyə_fañz Guilet_qañciyə_fañz
0637296318
Hargeisa

Ila soo xariira iina follow gareeya

Maahir mo commando Maahir mo commando
Hargeisa, 890276

How feel bout that

Marc Cucurella Marc Cucurella
Hargeisa

welcome Chelsea fan's the Real page Cucurella please invite your friends

Cumarc Cumarc
Cumar Ismaaciil
Hargeisa, CUMARISMACIIL

Lulmaye INA batuun Lulmaye INA batuun
Lulmaye INA Batuun
Hargeisa

Maxamed Nakaata Maxamed Nakaata
October
Hargeisa, 444665

Bog rasmiya

King yahya King yahya
Yaxyezalah
Hargeisa, TELESOM

Ozaame Abdi qaadir Ozaame Abdi qaadir
Hargeisa, MACALINHARUUN

Anigu bogsiinana kaama sugayo Quruxdaaduna imaba soo jiidato Ee mid kalaan xageeda u sallalaayee