Mohamed haji

Mohamed haji

You may also like

Yujoje
Yujoje
amol_bidwe_
amol_bidwe_

La jaanqaad dunida casriga ah.😍

Photos from Mohamed haji's post 22/08/2023

Dugsiga Sh. Ibraahim Burco ayaa magacii laga bedelay, waxaana loo bixiyey Abwaan Hadraawi. Waxaa fagaaraha iskuulka kaga dhawaaqay wasiirka waxbarashada.

Madaxwayha ayaa isna xadhiga ka jaray dhisme saddex dabaq ah oo casri ah oo lagu kordhiyey iskuulka, dhismahaasi ayaa lagu dhisay Iskaashi Bulsho.

Waa Dugsiga labaad ee ugu Ardayda badan Somaliland.

Photos from Mohamed haji's post 21/08/2023

Madaxweynaha Qaranka oo soo xidhay shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE oo hoggaan cusub iyo murrashaxiin madaxweyne iyo kuxigeen Lagu Doortay.

Hargeysa-21-08-2023-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo xidhay shirkii siddeedaad ee golaha dhexe ee KULMIYE oo maanta lagu doortay hoggaan cusub iyo murrashax madaxweyne iyo kuxigeen oo uu xisbigu yeelan doono.

Shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE oo maalintii shalay furmay, islamarkaana ay maanta ku sugnaayeen 152 xubnood, ayaa ugu horrayn lagu ansixiyey soo jeedin ah in xogyaha guud ee xisbiga oo marka h**e sharci ahaan ku iman jirey magacaabis haatan wixii ka dambeeya ku iman doona codayn, taas oo ku ansixi doonta shirweynaha xisbiga.

Ugu horraynna madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa golaha dhexe hortiisa kusoo gudbiyey istiqaaladda uu kaga tegay guddoomiyaha xisbiga KULMIYE oo uu muddo soo hayey, taas oo ay goluhu ka aqbaleen, iyada oo sidoo kale goobta lagu ansixiyey soo jeedin ka timi madaxweynaha oo ku saabsanayd in mujaahid Maxamed Kaahin Axmed uu yahay qofka ugu mudan inay noqoto guddoomiyaha xisbiga KULMIYE.

Xubnaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, ayaa madasha cod aan kala hadh lahayn ugu doortay inuu noqdo guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed oo maanta xilkaas si rasmi ah loogu cumaamaday.

Waxa kale oo shirka lagu doortay jagada guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE oo ay ku tartameen Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Mudane Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase), waxana jagadaas ku guulaystay siyaasi Cabdicasiis Maxamed Samaale oo helay 168 cod, halka uu Maxamed Ilkacase ka helay 55-cod, waxana ka aamusay 27 xubnood.

Xubnaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, ayaa isla shirkan maanta ku doortay murrashaxiinta jagada madaxweynaha iyo madaxweyne-ku-xigeenka xisbiga KULMIYE oo loo kala doortay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo loo doortay murrashaxa madaxweyne ee xisbiga, halka wasiir Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) loo doortay murrashaxa jagada madaxweyne-ku-xigeen ee xisbiga KULMIYE.

Xubno xisbiga iyo xukuumadda katirsan oo ay kamid yihiin wasiirka warfaafinta iyo wacyigelinta, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore, Xoghayaha garabka haweenka KULMIYE, Marwo Sahra Saleebaan Cawad, Marwo Amaal xaaji Axmed Miisaan, Mudane Cabdiraxmaan Cismaan Caalin, Mudane Jaamac Maxamuud Cigaal oo katirsan xubnaha golaha dhexe ee xisbiga oo halkaas ka hadlay, ayaa hambalyeeyey shirka golaha dhexe ee xisbiga iyo sida habsamida leh ee uu socdo, waxana ay xuseen in madasha lagu lafo guray hawlo tiro badan oo qayb ka qaadan kara sidii uu xisbigu mar kale guul u gaadhi lahaa.

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere) oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday guulaha taariikhdii guuluhu ku dheehnaayeen ee xisbigu lahaa, isaga oo intaas ku daray inuu kalsooni badan ku qabo in hoggaanka cusub ee xisbigu yeeshay guulo badan soo kordhin doonaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo isaguna shirka ka hadlay, ayaa caddeeyey muhiimadda ay leedahay in hoggaaminta xisbiga dhiig cusub lagu shubo, isaga oo taageerayaasha xisbiga iyo xubnaha kale ee hoggaanka ahba ugaga mahadnaqay sidii xilkasnimada lahayd ee ay ula soo shaqeeyeen muddadii uu hoggaaminayey xisbiga guunka ah ee KULMIYE.

Siyaasi Cabdicasiis Maxamed Samaale oo loo doortay kursiga guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE, iyo Maxamed Cilmi Aadan oo kula tartamay kurisga oo halkaas ka hadlay, ayaa si ballaadhan ugu mahadnaqay xubnaha golaha dhexe ee xisbiga, waxana ay caddeeyeen in tartar xor ahi uu goobta ka dhacay.

Waxa shirka khudbad dhinacyo badan taabanaysa kusoo xidhay guddoomiyaha cusub ee xisbiga loo doortay Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo shirka kusoo xidhay khudbad dhinacyo badan taabanaysa, ayaa dhammaanba xubnaha golaha dhexe ee xisbia KULMIYE ugaga mahadnaqay sida ay codkooda u siiyeen, waxana uu si waafi ah u sharraxay inuu KULMIYE yahay xisbi Dimuqraaddi ah, qarannimada kaalin weyn kasoo qaatay, muddadii uu talada hayeyna horumar ballaadhan dalka ka hirgeliyey.

Wa-bilaahi Tawfiiq

16/08/2023

Alle ha u naxariisto Abwaan Jaamac Kadiye oo ku dhintay duqaymaha Laascaanood la isku weydaarsanayo.

Photos from Mohamed haji's post 12/08/2023

Xukuumadda Somaliland, ayaa gaadiid dagaal ku daabulaysa agagaarka Buurta Gacan Libaax, halkaas oo khasaare xooggan ka soo gaadhay dagaalkii shalay ku dhex maray Booliska iyo Jabhad Hubaysan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha Booliska Somaliland, oo xalay warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in hadda wixii ka dambeeya dagaal lagu qaadi doono jabhadda Buurta Gacan libaax.

11/08/2023

"Ciidanka Booliska maadaama la'laayay , saacadaa laga bilaabo waxay amar ku qabaan in niman-kaa uu talaabo ka qaado ,

Shacaboow Nabad-galiyada Booliska la ilaali ..." Taliye Daba-galle

11/08/2023

9 Askari ayaa la dilay, tiro intaa ka badana waa lagu dhaawacay dagaalkii maanta ka dhacay deegaanka Goda yar ee u dhexeeyay Jabhadda hubaysan iyo Booliska.

Taliyaha Booliska Somaliland sheegay in jabhaddu jidgooyo u gashay 30 Askari oo deegaamaadaasi ku sugnaa kuwaas oo deegaan kale u socday.

Taliyuhu waxa uu sheegay in aanay haysan amar ay Ciidanku ku dagaallamaan balse caawa laga bilaabo ay haystaan Amar lagula dagaallamayo ragaasi ku jira Buurta.

11/08/2023

β€œ9 askari ayeey dileen 17 askarina waa ay dhawaceen β€œ Taliye dabagale

11/08/2023

Taliyaha Booliska iyo Wasiirka arimaha gudaha Somalilnad oo hadda ka hadlaya xaaladda Gacan-Libaax

11/08/2023

β€œ Anigu kursiga xabad kuma doonaayo kumana fulaayo , Dadku qoriga ha dhigaan , nabad ayaan wax ku raadinayaa , Muuse Biixi ciidanka ka dul qaado …”

β€œ Madax dhaqameedka , culimada iyo wax garadka Somaliland , yaaney xaalada sidan ay tahay ku eeganin …” Cabdiraxmaan Cirro oo iminka Hadley .

Filo Muuqaalka Goor Dhaw

11/08/2023

Murashaxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro ayaa goor dhow warbaahinta kula hadli doona magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Taageerayaashiisu waxay u dhag tagayaan khudbadda uu warbaahinta u jeedin doono Musharrax Cabdiraxmaan Cirro.

11/08/2023

Xaalada magaalada burco waa mid ka sii daraysa
Mudaharaad xoogan ayaa ka socda qaybo kamid ah magaalada

Nala soco

Photos from Mohamed haji's post 11/08/2023

Dagaal u dhexeeya Ciidamada Qaranka iyo Jabhada Buurta Gacan Libaax ayaa Ka Socda Degaanka Go’da Yar. Kaasoo la sheegay inuu jiro Khasaare kala Duwan. Ma jiro Wax faahfaahin dheeraada oo Ka Soo Baxay. Dagaalkaasi. Balse Wali Wuu socdaa.

11/08/2023

Allah haw naxariistee waxa magaalada Hargeysa ku geeriyooday Maamulihii h**e ee dugsiga sare ee sheekh Bashiir ee magaalada Burco Marxuum Maxamed Jaamac.

AHN Marxuumku waxa uu ahaa barbaariye wanaagsan kaas oo soo saaray jiilal kala duwan oo maanta wax-tar u leh Bulshada, Waxaan uga tacsiyadeynayaa guud ahaan qoyskiisii, ardaydii iyo bahda tacliinta ee uu marxuumku ka baxay.

10/08/2023

Madaxwayne Biixi, ayaa shallay u sheegay Ururrada Siyaasada in aanay jirin wax sharciyad ah oo ka dhiman doorashadii Ururrada isla markaasina ay diyaar garoobaan.

Madaxwaynaha ayaa sida illo muhiim ah ii xaqiijiyeen sheegay in aanay jirin wax sharciyad ah oo kadhiman sidaasina ay ku dhantahay sharcigii lagu qaban lahaa Doorashada Ururrada.

Xigasho cabdijibaar

07/08/2023

𝐍𝐨𝐨𝐜𝐲𝐚𝐝𝐚 πƒπ‘π’π’π πš:

πŸ‘‰O+
πŸ‘‰O-
πŸ‘‰B+
πŸ‘‰B-
πŸ‘‰A+
πŸ‘‰A-
πŸ‘‰AB+
πŸ‘‰AB-

𝐅𝐀𝐃𝐋𝐀𝐍 𝐍𝐀𝐋𝐀 𝐖𝐀𝐃𝐀𝐀𝐆 ππŽπŽπ‚π€ πƒπ‡πˆπˆπ†π€π†π€ 𝐔𝐔 π˜π€π‡π€π˜?

Anigu dhiigeygu waa πŸ‘‰πŸ©Έβ­•οΈ +

πƒπ‡πˆπˆπ†π€

1- Nooca dhiiga Ee caalamaka ugu badan waa O+ (38%) halka O- uu yahay 6% caalamka oo dhan.

2- Dadka caalamaka ku nool Ee leh dhiiga A+ waa (34%) halka A- uu yahay 6%

3- Sidoo kale dadka leh B+ waa (9%) halka B- iyana tahay 2%

4- AB waxaa leh dad caalamka ka ah(4%) nooca dhiiga ugu yar caalamaka ka yihiin ( 1%) dadkaan waa in ay aad u taxadiraan haday joogan goobo aan lahyn Bangi dhiig (blood bank).

W/Q :Drfaris Al attas

07/08/2023

Madaxweyne muuse oo cayimay wakhtiga doorashada la gelaayo

Wareegto Madaxweyne-07-08-2023.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo tix-raacaya Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha, Xeer Lr. 91/2020, oo la xidhiidha Qoraalka Summaddiisu tahay Tix: KDG/XK/K-6/56/2023, kuna taariikhaysan 05/08/2023, waxa uu wareegto Madaxweyne ku cayimay Muddada Qabsoomidda Doorashooyinka Xisbiyada Qaranka iyo Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Xeer Madaxweyne Lr. 22/082023

Cayimaadda Muddada Qabsoomidda Doorashooyinka Xisbiyada Qaranka iyo Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka.

Markaan Arkay; Qodobka 16aad Farqaddiisa 1aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha, Xeer Lr. 91/2020, oo dhigaya in Komishanka Doorashooyinku awood u leeyahay inuu cayimo wakhtiga doorashooyinka la qabanayo, iyagoo Madaxweynaha u gudbinaya si uu Degreeto ugu soo saaro;.

Markaan Arkay; Qodobka 6aad Farqaddiisa 1aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha, Xeer Lr. 91/2020, oo dhigaya in Komishanku uu cayimayo taariikhaha la qabanayo Doorashooyinka si waafaqsan Dastuurka iyo Xeerka, iyaga oo ku salaynaya bil ka hor muddo-xileedka Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka iyo Golaha Wakiillada, waxaana si rasmi ah loogu cayimayaa Degreeto Madaxweyne;.

Markaan Helay; Qoraalka Summaddiisu tahay Tix: KDG/XK/K-6/56/2023, kuna taariikhaysan 05/08/2023, qoraalkaasi oo uu komishanku ku soo gudbiyay Go’aanka Sumaddiisu tahay Tix; KDG/XK/K-6/54/2023, kuna taariikhaysan 17/07/2023, kaasi oo Komishanku ku Go’aamiyay Qodobbadan;

1. In doorashada Xisbiyada Qaranka la qaban doono taariikhdu markay tahay 28 December 2023, si loo helo Saddex Xisbi Qaran oo ansaxsan, lana siiyo Shahaadada Xisbinimo ee tobanka (10) sanno ah, si waafaqsan Qodobka 5aad Farqaddiisa 3aad xarafka (j) ee Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda Xeer Lr. 14/2011;.

2. In doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxawynaha la qaban doono bil ka hor dhammaadka muddada xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka, sida ku xusan Qodobka 83aad Farqaddiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, kuna beegan 13 November 2024, iyada oo la raacayo go’aanka muddo kordhinta Golaha Guurtida ee tix-raaciisu yahay GG/JSL/G-03/10/2022, kuna taariikhaysan 01/10/2022;

Waxan Go’aamiyey

1. In Doorashada Xisbiyada Qaranku ka qabsoonto dalka Jamhuuriyadda Somaliland taariikhdu markay tahay 28 December 2023.

2. In Doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka dalka Jamhuuriyadda Somaliland ka qabsoonto taariikhdu markay tahay 13 November 2024.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Photos from Mohamed haji's post 06/08/2023

GOOBTII CILMIGA AFRIKA YAALAY OO LAGU DAGAALAMAY

halkani waa jaamacada faca weyne ee ku taal magaalada Khartoum ee wadanka suudaan .
Waxa wax ku bartay boqolaal aqoon yahayn oo ka kala yimid badiba dalalka afrika iyo caalamka

Sidoo kale waxa wax ku bartay aqoonyahamo tiro badan oo soomaali ah
Waxa galaftay oo burbur xoog leh u gaysay dagaalada ka socda wadankaas .

Aynu u wada ducayno dhamaanteen

06/08/2023

"Hadii lagu Dhaho Buug ka Qor Ra'iisul wasare Xamsa . Buugaas magacee u bixin laheyd ?

06/08/2023

" Ma dagaal bayn ku faaidaynaa, mise doorasho".

Golihii dhexe ee snm habar yoonis waxay lahayd 9 xubnood, markii somaliland laggu dhawaaqayna beel walba intii ay golaha dhexe ku lahayd ayaa goleyaasha lagga siiyay.

1993 shirkii Boorame 9 xubnood oo isugu jira guurti iyo wakiilo ayay lahayd waxaanay codsatay in loo kordhiyo waase laga diidey.

Dagaal qadhaadh oo bilowday 1994 isla markaana dhamaaday 1997 heshiis ka dib beesha waxaa loo kordhiyay 5 xubnood oo guurti iyo wakiilo isugu jira , sidaas ayaaney beeshu ku yeelatay 7 xubnood oo wakiiladda ah iyo 7 xubnood oo guurtida ah .

Hadaba doorashadii baarlamaanka ee dhacday 2005 golaha wakiiladda oo beeshan 7 xubnood kaga jireen waxaa isuu baxay 17 xubnood waxaana doorashadii ugu kordhey 10 xubnood.

Mar kale doorashadii 2021 waxaa 17 xubnood ugu kordhey 5 xubnood maantana waxaa golaha wakiiladda oo keliya fadhiya 22 xubnood .

Sidaas markay tahey waxaa is waydiinle ma doorasho ayaynu ku faaidaynaa mise dagaal.

Xil. Axmed Nuur Guruuje

Photos from Mohamed haji's post 31/07/2023

Masjidul Al huda burco

πŸ“·Cabdirisaaq Dhinbiil

30/07/2023

Isku dhac ayaa laga soo sheegaya deegaanka dari maraa lkn lama oga khasaaraha rasmiga ah ee halka ka dhashay deegaanka deri mara halka oo dirirtu dhexmartay ciidanka soomaalind iyo ciidankii gacan libaax

Weli dagaalku wuu socdaa alle nabad haku soo dabaalo.

30/07/2023

Xildhibaan axmed khaliif "β€œWiilka madaxweynuhu dhalay ayaa nagu yidhi Bushaaro Baandey aniga ayaa xidhay, car Maxamed Kaahin ha sii daayo”

Photos from Mohamed haji's post 03/07/2023

Buuraha Dalxiiska Ee Gobolka Sanaag❀️

Photos from Mohamed haji's post 19/06/2023

Wareegtooyin Madaxweyne-19-06-2023.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu kala tahay JSL/XM/XKQ/222/1-1027062023 iyo JSL/XM/WM/222-1028/062023 uu xilka qaadis, magacaabid iyo Bedel ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta Gobolada Dalka.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.

Ku: Axmed Yaasiin Maxamed faarax
Guddoomiyihii Gobolka Hawd.

Ku: Axmed Maxamed Xaashi Ducaale
Guddoomiyihii Gobolka Saaxil.

Sida aad la socotaan, xilalka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo oo hadba cidii hanan karta loo dhiibo. Sidaa darteed, waxaan go’aamiyey in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii Guddoomiyeyaasha Gobolada Saaxil iyo Hawd. Waxaanan idinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalka Qaranka.

Ujeeddo: Magacaabid.
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

1. In Ceeleeye Xuseen Aadan Xoosh laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Hawd ee Jamhuuriyadda Somaliland.

2. In aan Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Gabiley Cali Cabdi Cabdillaahi Faarax laga bilaabo taariikhda maanta u beddelo in uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Saaxil ee Jamhuuriyadda Somaliland.

3. In Guuleed Cabdi Cabdillaahi Raage laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Gabiley ee Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Photos from Mohamed haji's post 19/06/2023

Jawiga guud ee magalada garoowe ee maanta

19/06/2023

Telesom Oo Mar kale U Jawaabtay World Remit.

" Shirkadda Telesom oo sheegtay inay Worldrimit si tuugnimo ah u iticmaasho adeega ZAAD.

"Kaalinta ZAAD uu bulshada ugu jiro iyo aasaaska heshiiskii ganacsi ee jabay ee u dhexeeyay Telesom iyo Worldremit
XAASHEE NIN LIBIN KAA XISTIYAY XUMAHII WAA YAABE!
Horumarka dhaqaale ee dalalka waxa lagu cabbiraa fudaydinta isku socodka dadka, ganacsiga bucshuradaha iyo adeegyada maaliyadeed.

Tan iyo intii uu hirgalay adeegga ZAAD muddo dhawr iyo toban sanno ah, waxa fududaaday, si xowli ahna kor ugu kacay adeegga maaliyadeed ee dalka iyada oo ay ku diirsadeen boqolaal kun oo reer Somaliland ah. Waxa kale oo uu qayb libaax ka qaatay soo jiidashada indhaha dunida madaama uu ahaa adeeggii labaad ee noociisa ah ee ka hirgala qaaradda Africa. Waxa iyana xusid mudan in uu door shariif ah ka qaatay in uu ammaan hal-abuurnimo u keeno dalkeena kuna mutaystay abaalmarinno caalami ah.
Mabaadi’da ganacsiga furfuran ee dalkeenu qaatay, dastuurkeenana ku qoran, dawladaheenii kala dambeeyayna ay dhiirigaliyeen ayaa uga dhigay hanti gaar ah ciddii la timaadda hal-abuuris maskaxeed iyo mid tiknoolajiyadeed, taas ayaana keentay in Somaliland ka mid noqoto dalalka ugu unkamidda badan tiknoolajidaha ku dhisan hal-abuurnimada.

Iyadoo taas laga shidaal qaadanayo, adeegga ZAAD waxa uu ka mid yahay adeegyadda hal-abuurka tiknoolajiyadeed ku dhisan ee ay samaysay Shirkadda Telesom taas oo ay ku mutayasatay in ay gaar u yeelato maamulkiisa, ka shaqaysiintiisa iyo ilaalintiisa xuquuqda aasaasnimo.

Dhinaca kale, waxa jira cabbiro ama tilmaamayaal lagu eego heerka hufanaanta adeeg bixiyayaasha bulshada, waxaana ka mid ah cabbiradaas: waqtiga ay qaadato xalinta ciladuhu, muddada ka soo kabashada ciladaha farsamo iyo xallinta cabashada macmiilka iyo qaar kale oo badan. Waxa xusid mudan in cabbiradaas ama tilmaamayaashaasi ay ka dhigeen adeegga ZAAD waxa uu ku hantay dadwaynaha, macaamiishuna ay ugu qanceen.
Suuqa xorta ahi waxa uu bulshada siiyaa madax bannaani iyada oo haddii adeegbixiye tahli kari waayo raali-galinta macmiilkiisa, soo jiidashada dadweynaha, bixinta adeeg hufan ay keensato in uu waayo macaamiishiisa isla markaasna ganacsigiisu uu hoos u dhaco.
Iyadoo dhammaan arimahaas sare ku xusan lagu xisaabtamayo waxa hubaal ah in shirkadda Telesom ay masuul ka tahay habsami u socodka shaqo ee adeegga ZAAD iyadoo ilaalinaysa shuruucda maaliyadeed ee dalkeenu leeyahay iyo heshiisyada ay wada galaan Shirkadaha kale.

Shirkadda Telesom waxay xidhiidh la leedahay shirkado dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba ka aasaasan, xidhiidhadaasina waxay ku qotomaan heshiisyo qoran oo dhinacyada siinaya xaq iyo xuquuq qeexan. Haddaba, Shirkadda Worldremit waxay baalmartay, xadgudubna u gaysatay heshiiskii naga dhaxeeyay iyada oo si tuugo ah u isticmaashay adeegga ZAAD. Heshiiskii noo dhaxeeyay waxa uu awood u siinayaa daraf kasta inuu adeeggiisa kala noqon karo darafka kale haddii uu baalmaro ama uu ku xadgudbo heshiiska. Arinta uu sheegay Ismaaciil Axmed oo ka mid ah aasaasayaasha Worldremit oo ah in aan qiimo isku qabanay wakhtigan xaadirka ah waa war aan sal iyo raad toona lahayn loogana fadhiyo caddeynteeda qoraal ee aan u dirnay.

Waxa iyana is waydiin leh adeegga ay Telesom u fidinaysay ismaaciil iyo shirkaddiisa muddo ka badan 10 sanno waxa maanta ka dhigay mid aan la isku hallayn karin! iyadoo uu ku tilmaamay in ayna dunida jirin shirkad 80% haysta suuqa adeegyada maaliyadeed ee Mobile-ka, balse la wada yaqaan dalka Kenya in adeegga MPesa oo ay leedahay shirkadda Safaricom uu saamiga suuqiisu (market share) uu ka badan yahay 90%.

Ugu dambayn, waxa aanu u aragnaa meel ka dhac in laamihii dawladda u qaabilsanaa bixinta liisamada, kormeeridda iyo kawar-haynta shirkadaha bixiya adeegyada maaliyadeed laga dhigo kuwa gabay shaqadoodii ama aan garanayn waxa dalka dan u ah.
β€œXaashee nin libin kaa xistiyay xumahii waa yaabe!” – Salaan Carabey

01/06/2023

Cawa waa habeen jumca ah
Aynu kuwa salino zubanaheenii muxamed
Scw scw scw

Photos from Mohamed haji's post 28/05/2023

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta munaasibad soo dhaweyn ah madaxtooyada ugu sameeyey Ergaygiisa gaarka ah ee wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya Dr Edna Aadan Ismaaciil oo sannadkan ku guulaysatay abaalmarinta caalamiga ah ee Templeton Prize.

Photos from Mohamed haji's post 24/05/2023

Burco, waxa ka socota munaasibad lagu soo gabo-gabaynaayo colaadii dhawaan gobolka Togdheer ku dhex martay beelaha walaalaha ah.

Hoggaanka Xisbiga Waddani, wasiiro ka tirsan xukuumada Somaliland, Xildhibaano iyo madax dhaqameed kasoo kala jeeda labada beelood ayaa ku sugan madasha.

23/05/2023

"BEEN FAKATAY RUNI MA GAADHO"

tolow kuwii yar yaraa maxay odhan.

14/05/2023

Muqaalo cajiib ah happy 18 may

14/05/2023

Somaliland πŸ’šπŸ€β€πŸ’―

14/05/2023

Maalmihii qaranka ayaaa so wajahanπŸ’šπŸ€β€πŸ’―βœŒ

14/05/2023

In kabadan 60 Milyan oo ah shacabka Turkiga ah ayaa maanta dooranaya Madaxwaynaha iyo Barlamaanka dalkaasi taaso go'aamin doonta mustaqbalka Shanta sano ee socota ee dalkaasi.

Madaxweynaha Xilka hadda haya ee Recep Dayip Ordigan iyo Musharaxa mucaaridka ah ee Kemal Kilicdaroglu ayaa isku wajahaya waxaana Doorashadan waxaa si wayn u danaynaya Caalamka oo dhan madaama sanadihii lasoo dhaafay Turkiga uu saamayn ku yeeshay Siyaada iyo dhaqalaaha adduunka.

Waa kuma Musharaxa aad guusha u saadaalinayso? πŸ‘‡

14/05/2023

Iyadoo sariir saaran oo xanuunsanhsa ayay codkeeda Erdogan siinaysaa.

Maxay ka dhigantahay?

13/05/2023

"Dabal Dega 18May Nina Wax Laga Waydiin Maayo Waatii Lagu Saxeexay Burco Wax Siyaado Ah Oo Meesha Yaal Ma Jiraan Cidii Tiraahda Waanu Khash Khashaynaana Ciidan Baa U Jooga"

Maayir Ismaaciil Haaji nuur

06/05/2023

CalankaπŸ’šπŸ€β€

04/05/2023

Waxa la gaadhay maalmihii ciida reer somaliland

04/05/2023

Madaxweyne Biixi, ayaa 8-da bishan khudbaddii sannad lahayd u jeedin doona Baarlamaanka Somaliland ( Guurtida iyo Wakiillada).

Khudbadan oo dib u dhacday ayaa la filayaa in madaxweynuhu kaga hadlo xaaladda Somaliland sida arrimaha doorashada iyo dagaalka Sool.

Maxaad ka filaysaa khudbadda Biixi ?

Photos from Mohamed haji's post 03/05/2023

Ganacsadaha wayn ee Soomaalida Xaaji Maxamed Siciid Ducaale (Dahabshiil) ayaa amray in la dumiyo bariishka Lugta ee Burco si loo dhiso mid wayn oo ay isticmaalaan gaadiidka iyo dadku.

Biriishkan ayey h**e uhirgelisay shirkadda Dahabshiil Group, waxaanu kamid ahaa tiro briishyo ah oo ay shirkadda Dahabshiil hirgelisay.

Want your public figure to be the top-listed Public Figure in Hargeisa?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Videos (show all)

Muqaalo cajiib ah happy 18 may
Somaliland πŸ’šπŸ€β€πŸ’―
Maalmihii qaranka ayaaa so wajahanπŸ’šπŸ€β€πŸ’―βœŒ
CalankaπŸ’šπŸ€β€
Waxa la gaadhay maalmihii ciida reer somaliland
Laba shay ku dedaaalSh mustafe
WELI GEEEL MA RAACDAY?NALA AADAAG HAL MAAHMAAH OO GEELU LEEYAHAY?Mohamed haji
JAWI QURUX BADAN IO SOCDAAL XIISO LEHMohamed haji
DAALLO_SANAAG_SOOMAALILAND 🌧Mohamed haji
Waxay ka mid tahay nimcoyinka eebe inagu galaday
Waxay ka mid tahay nimcoyinka eebe inagu galaday

Category

Telephone

Website

Address


Burao
Hargeisa
MOH
Other Public Figures in Hargeisa (show all)
Xamdi forever living product Xamdi forever living product
Hargeisa, 56000

MAKEUP COSMATICS:- *foundation creams. *lipsticks and eye makeup. SKIN CARE COSMATICS

Ahmed cabdi salaan Ali Ahmed cabdi salaan Ali
Welcome To
Hargeisa

ahmed mahamuud iidle ahmed mahamuud iidle
Hargeisa, 143

Soo dhowow

Sheekh Muhyadiin Yusuf Maxamed Sheekh Muhyadiin Yusuf Maxamed
WAXAY KU TAALA DAGMADA MAXAMUUD HAYBE GAR AHAN XAFDA SAYLADA WAXAY XAGA BARI KA XIGTA DAGMADA MAXAMUUD HAYBE
Hargeisa

faafinta khayrka

Mursal Mursal
0612510197
Hargeisa

Somaliland community Somaliland community
Hargeisa

somaliland dhulkayga οΏ½οΏ½οΏ½

Haldoor Waddani Haldoor Waddani
Jig Jigayar
Hargeisa, 063

Halkani waa Ardagayga Waxanan Dadka Kula wadaaga muuqaalo dhiirigalineed oo ku salaysan hadba waaqac

Nadiir production Nadiir production
Jigjiga Yar Road
Hargeisa, NADIIRJAMA

Fadlan page ka like saar kadibna follow dheh wllοΏ½οΏ½οΏ½

Siyaasi madaxbanan Siyaasi madaxbanan
Hargeisa, 252

interest videos

Nagwa lady Nagwa lady
Hargeisa

Dreams will be come

Maxamed xaajiga Maxamed xaajiga
Isha Boorama
Hargeisa