Cabdiyasir muuse
marka damaca qayrkaa yahay dunidhan maaree adna maaha dib uguur oo hankaaga duuduub darajada wax kaa
KITAABKA MUNAAFIQIINTA
48 laws of power ( 48 ka xeer ee awooda )
Buug laga mamnuucay xabsiyada iyo wadamada qaar iyado oo laga cabsooday in xabsiileeyda isticmaalaan xeeladaha buugaan kadib na u isticmaalaan si eey u bedelaan maskaxda wardiyasha xabsiyada.Buug ka mid ah buugaagta loogu iibsasho badanyahay caalamka.Buuga waxa uu si qoto dheer ugu kuur kalaaya micnaha awoodda ( power) iyo sida lagu hanan karo. Buuga waxa ku qoran sida ciwaan kiisuba yahay 48 xeeladood oo awood lagu hanan karo goob walba iyo goor walba.
11ka xeer ee furaha uu ah buugga:
1. Deh wax ka yar inta loo baahan yahay:
Asal ahaan: kaliya hadal marka aad hayso wax macno leh oo aad sheegto.
2. Ku guulayso ficillada, ee ha ku guulaysan dood:
Micnaha howl badan iyo hadal yar.
3. Isticmaal maqnaanshaha si aad u kordhiso ixtiraamka iyo sharafta:
Dadka sii wakhti ku filan oo ay kuugu xiisaan oo ay u ogaadaan qiimahaaga.
4. Go'doomintu waa khatar:
In aad ka go'do dadka kale muddo dheer waxay sababi kartaa dhaawac maskaxeed oo weyn.
5. Markaad caawimo waydiisanayso, u rafcaan dadka danahooda gaarka ah:
Isticmaal doodo macquul ah oo samee xaalado eey labada dhinac ba kuguuleysan karaan.
6. Meel isugu keey awoodahaaga:
Hal meel diirada saar oo iska ilaali wax walbo oo kaa leexin karo.
7. Dib u qeex naftaada:
Noqo qofka aad rabto inaad noqoto, oo xor u noqo inaad bedesho markaad aad rabaato adi + iska tuur fikradaha dadka kale.
8. Qorshayso ilaa dhammaadka:
Kahor intaanad tilaabo qaadin, xisaabi natiijooyinka iyo khatarta. Sidoo kale, ku xisaabtan isbeddelka suurtagalka ah marka aad qorshaha fulinayso.
9. U noolow sida boqorka:
Adiga ula dhaqan naftaada sida boqorada oo kale kuwa kalena waxay kuula dhaqmi doonaan qiimo sare.
10. Noqo sida biyaha oo kale:
Ha yeelan qaab isku mid ah marwalba isbedel marka eey duurufuhu isku kaa bedelaan.
11. Qasab ma ahan marwalba iyo qof walbo in aad u jawaabto:
Haku lumin tamarta muhiimka ah cadho/niyad jab/walwal aan loo baahnayn. Maskax ahaan ha ku celin khaladaadkii h**e ama si joogto ah uga werwerin mustaqbalka. Kaliya is waydii talaabada loo baahan yahay in la qaado, haddi aanay jirin wax loo baahan yahay in la qaado ama la sameeyo iskaba dhaaf sida ugu dhakhsaha badan ee suurtogalka ah.
Guushu waxa ay ku bilaabantaa hal tallaabo,
Talaabadu waxa ay ku timaadaa kalsooni, Kalsooniduna waxay ka timaadaa doonis, Doonistana waxa abuura hammi sare,
Hamiguna wuxuu ka yimaadaa dhiirigelinta,
Dhiirigelintuna waxay timaaddaa marka aynu bilowno fikirka.
Guushu kuma timaado si kadis ah, waa shaqo adag ka dib markaad Alle talo saarato, ee aad ku ladho samir, waxbarasho, naf hurid, iyo in aad jeclaato waxaad samaynayso.
•┈❁✿❁┈• •┈❁✿❁┈• •┈❁✿❁┈•
𝗚𝗮𝗹𝗮𝗯 𝘄𝗮𝗻𝗮𝗮𝗴𝘀𝗮𝗻 𝘀𝗮𝗮𝘅𝗶𝗶𝗯𝗮𝘆𝗮𝗮𝗹.🌿
🌴💐🌼❤️ 𝕂𝕖𝕖𝕡 ℙ𝕦𝕤𝕙𝕚𝕟𝕘 💪🥰💚🌹
Markaad is leedahay yaan waxba lagu waydiin waa sidan oo kale
Oo qabo qof sidan uga dhaca dadka
Go'aan adag oo aad hadda qaadataa, mustaqbalka waxuu leeyahay nolol fudud.
G'aan sahlan oo aad hadda qaadato waxaa ka danbayn doona nolol adag.
Sidaa darteed waa inaad imika qaadataa go'aanno addag si mutaqbal danbe ee noloshaada aad nolol fiican ugu raaxaysatid.
Qaybta koobaad buuga
Maqaalkan buuga bilowga waxaa lagaaga hadlay waxa qaabeeya qofnimada aadanaha iyo marxaladaha uu maro qofku inta uu koraayo sida aynu wada og.nahay
Shaqada ay qabato maskaxda aadanahu waxay culimada kas.nafeedku u qaybiyaan
Saddex qaybood oo kala ah
●afkaar (thoughts ● dareen emotion iyo dhaqano behavior
Sadexdaa shaqo oo is dhamaystiraya ayaa qaabeeya shakhsiyada qofka
qof walba wuxuu kaga duwanyahay kan kale waa inuu si ka duwan iyo meelo kaduwan la helay sadexdaa shaqo ee aan kor kusoo xusnay
Bilowga rabadaanta ayaynu soo bandhigi
doonaa qoraalo koobsanaya buugan isha.alaa
Everyone
Waxaa jira qof ku kalsoon naftiisa oo diiday inuu is dhiibo
Iyo mid h**e iska dhiiba
Everyone
Haddii aad isbeddelka noloshaada adigu gadh.wadeen ka noqon weydo, isbeddelka nolosha ee qasabka ah ayaad dhibane u ahaan 🤷🏾♂️
Waligaa furaha farxadaada haku ridin qof kale jeebkiisa
Mustaqbalka waxa iska leh kuwa aaminsan quruxda riyadooda
Waxba maaha qof walboo ku hortaagan marba hadii aad ogtahay qofka kaa danbeeya
Bini-aadanku waa ujeeddo u noole. Haddii uu waayo qasdi iyo yool uu eryanayo, wuu anbadaa.
Marka aad yool samaysatid, waxa aad isla markaaba dib ula soo noqotay maamulka noloshaada. Waayo waxa aad go’aamisay halka ay tahay in aad beegsatid oo aad gaadhid. Sidaas waxa aad ku yagleeshay jihada uu geedigaagu u dhaqaaqayo. Tamartaada oo dhanina waxay tagaysaa dhanka uu jiro fekerkaagu.
Waxaad heshaa waxaad u qalanto markaad sii wado daadaalkaaga
Waqtiyadan oo kale marka lagaaro gaaladu waxay sameeyaan festifals iyo ciid ay ku maamuusaan dhalashadii rabbi ama dhalashada wiilkii rabbi oo ay ula jeedan nabi ciise cs waa dhaqan iyo caado ay kufaartu leeyihiin ilaahry iyo rasuulkiisana waxay na fareen inaan shabahin gaalada oo aanan ku waafaqin caadaadkooda iyo dhaqamadooda iyo ciidahooda
قال رسول الله صلى الله عليه وسلم"لَتَتَّبِعُنَّ سَنَنَ مَنْ قَبْلَكُم شِبْرًا بشبْر، وذراعًا بذراع، حتَّى لو سَلَكُوا جُحْر ضَبٍّ لَسَلَكْتُمُوهُ"
Xadiiskan waxa nabiga csw ku leeyahay waxaad raaceysaan kuwii idinka h**eeyay sunadooda taako taako iyo dhudhun dhudhun xitaa hadii ay galaan god abeeso wey kadaba galayaan.
Marka walaalkey/shey muslimka ahaw ku qanac diintaada oo ha liidin diintaada iyo muslimiinta kaleba
Oo ha ugu hambalyeynin gaalada dabaaldaga ay samenayaan.
Gaaladu waxa ay aaminsanyihiin diin u gaar ah halka diinta islaamka aysan tixgalinaynin sidee adigoo muslim ah ula dabaaldageysaa gaal aan diin lahayn oo cadowga ilaahey ah
Hadaad qof xaflada sanadka ah dhiganaya aad ku caawiso hotelkaaga ama gaarigaaga ama hantidaada waxaad xoojisay ood dhiiragalisay fikirka gaalada waxaadna liiday diinta islmaaka ah maalkaagana ilaahey kuuma barakeynaayo
Marka aan diinteena ixtiraamno oo aanku dhaqanno
Oon eebbe iyo suubanaha csw amarkooda aan qaadano
Walaal ha u dabaal degin ciidda gaalada ay samesanayaan oo ah midda sanadka cusub
Hussein Ali Mohamud Xusni
Hadiiba kugu jiro rabitaan ah inaad h**e u socotid caqabad kasta xalkeeda ayaad heshaa
Macalin laga waday gobollada koonfurreed ayaa la geeyay Hargeysa, waxaana lagu yiri: arday wax bar, oo u dhig luuqadda Englishka.
Macalinkii waxa uu rabaa inuu u meeriyo ardayda casharka Englishka
-kulahaa macalinkii
The children (muluq dhooshinku) Are sitting (wey fafadhaan, xey ku fafadhaan dhaha) Small chairs (ganbaro dhadhanah) Markaas bay intay is fiirfiiriyeen hoos isula hadleen kulaha macalin waxaa na loo keenay English to English wax ku turjumaya😄.
Albert waa Cristiano Ronaldo saaxiibkii .
Wariye ayaa Ronaldo waydiiyay majirtaa cid guushan kugu garabdiisay wuxuu ugu jaabay waxaan uga mahad celiyaa daxiibkay Albert
Waxaan uwada waxaan uwada ciyaari jirnay kooxyar
Nin kasocday academy ga sporting lisbon ayaa nooyimi oo nagu yidhi qofkii kulankan goolasha ugu badan dhaliya waxaan u qaadan doonaa academiyadeena
Ciyaartaas waxaanu ku badinay 3/0 goolka koobaad anigaa dhaliyay kan labaadna Albert laakiin goolka sadexaad ayaa qof walba cajabiyay saaxiibkay Albert ayaa kubad uu ula tagay goolhayaha ana waan garab or daayay
Si fudud ayuu u dhalin karaayay balse aniga ayuu iibaasay Goolkii 3aadna aniga ayaa dhaliyay fursadaa uu saaxiibkay i siiyay ayaan ku helay academeyada sporting lisbon
Ciyaarta kadib ayaan waydiiyay Albert sababta uu iigu baasay ? Wuxuu iigu jawaabay waad iga fiicantahay
Sanado kadib ayuu wariye raadinaayay xogta qisada ayaa bookhday guriga Albert
Waxaa la waydiiyay sheekadan ma runbaa waxuu yidhi waa run
Waxa kale oo uu sheegay in xirfada kubada cagta kulankaas kusoo dhamaaday iyo inuu hada hayahay shaqo la.aan
Wariyihii ayaa waydiiyay sababmay ku dhici kartaa adigoo bilaa shaqo ah inaad la haatid guriga sidan u wayn
Wuxuu Albert ku jawaabay Albert ayaa ugu jawaabay hadii aanan goolkaas baasi lahayn maan heleen hantidan
Waa waqtigii aad isbaddalka samayn lahayd. Samayso caadooyin wanaagsan oo aad joogtaynayso habayaraadee.
"Kuwa maqan wakhtiyada adag waa inay maqnaadaan waligood."
Nolashaadu waxay isbadelaysaa markaad iska saarto cabsida kaa hortaagan waxa.aad rabto
Sii jacaylkaaga qofka xiisaynaya farxadaada
Sii saaxiibtinimadaada qofka qariya sirtaada
Sii waqtigaaga qofka udiyaar ah inuu kaa hormariyo qeyrkaa ama facaaga
Qalbigaagana sii ❤ qofka adiga kuu arki inaad tahay kan ugu muhiimsan xagiisa
Cabdiyasir muuse
Mar kasta oo aad kor u qaado heerkaaga aqooneed ee aad korodhsato cilmi.waxaad ka gudubtay oo kaa go.ay dabar kamida jahliga
Caajisku waa cadawgaaga koobaad
Hadaad ku hanwayntay uun
Cudurada ay inagu reebtay dhiirigalintu.........................
Dhiirigalintu marka ay dhisayso nolosha shaqsiga ee ay ku siinayso halbeeg aad wax ku jeclaato ama aad wax ku nacdo waa shay fiican. Lkn dhiirigalinta maanta bulshadeena haysata waa barnaamij uu qofku kaga quusanayo nolosha, waxaad arkaysaa qofka uu ku hadlaya Erayadan oo kale bal fiiri tusaale ahaan wuxuu dhahayaa:-
"Si yar oo fudud go'aan u qaado, Waligaa dadka ha ku kalsoonin, saxiibkaa waa cadawgaga kowaad, Dadkoo dhan hormarkaaga ayay ka xun yihiin, caqabadaha iska indho tir, bini aadamka danayn ha siinin, bini aadamka ayga ayaa ka fiican sbbto ah aygu wuu naxariis badan yahay lkn bini aadamku waa bilaa naxariis..."
Waxaa soo baxay oo ay dhashay 14 jir niyad jabsan.
Sheeko qiso cajiib ah
Sheeko xikmadeed
BISAD IYO JIIRKA MAXAA KA DHAXEEYA ?
is arag uunbaa ka dhaxeeya😂
Jiirbaa isku yimi way tashadeen waxay yidhaahdeen habeen waliba iyo maalin waliba bisadii baa ina dhamaysay toban labaatan 😁 waa Layna dhameeyee sidaynu ku badbaadnaa
Katala bixiya ayay isku yidhaahdeen!
Jiirbaa ra,yi fiican keenay wuxuu yidhi
Kor ama jalas hala qaada oo bisada qoorteeda hala soo sudho
Si markay soo socoto sanqadha ama jabaqda loomaqlo oo looga dhuunto 😅
Jiirkii oo dhan baayidhi walaahi waa fikrad fiican!!!
Talo fiican buu soo jeediyay jiirkaasi waanu ku raacnay
Jiirkii shiraayay amiirkoodii baa yidhi
Waa saxee yaa koorta soo sudhaya bisada😂😂
Waa laga wada shacay
DULUCDA: SHEEKADA dadka muslimiinta oo dhan waliba somaalideenu inaynu dhagaysano wacdiga iyo waanada diintaba waynu jecel nayahay
Balse inaan walaalaheen iska fadhiya meheradaha shaaha ma hotelada iyo goobaha kale inaynu wax usoo sheegno waynu dhibsanaa
Aan ku dadaalno faafinta diinteena
SI AAD ULA SOCOTID
sheekooyinka &dhiirigalin
Iyo afkaaraha qoraalada wanaaga ah
like and shere
Isbadelka qaado
Shirkada BIC ee soo saarta qalimada sawirka hoose ka muuqda ayaa 1955 ilaa 2022 wax ka badalin naqshada qalimada ay soo saarto Sawirka hoose ayay soo post garaysay waxayna soo raacisay odhaahdani
;DON'T TRY TO CHANGE SOMETHING UNTIL STILL WORKING ; oo macnaheedu yahay ; haysku dayin inaad wax kabadasho hadii wixii kuu shaqaynaayo
Cabdiyasir muuse kala soco
Waxay qorsheeyaan sida ay iiga tagi lahaayeen halka ana aan jeclahay kalinimada
Awal h**e waxaan uhaystay in waxa ugu xun noloshu uu yahay in kali la ahaado ogaaday oo sidaas maaha ee nolosha waxa ugu xun waa inaad la joogto dad ku dareen siinaya inaad keli tahay
Click here to claim your Sponsored Listing.
Videos (show all)
Category
Contact the public figure
Telephone
Address
Hargeisa
252636115750
Opening Hours
Friday | 09:00 - 17:00 |
Saturday | 09:00 - 17:00 |
Sunday | 09:00 - 17:00 |
BadaCasSuburb
Hargeisa
waxanu soo gud-binnaa muuqaalo iyo qoraalo ku hawaal siinaya caalamka ,kor na uqaadaya ogaalkaaga dh
Hargeisa
My names ismail A.Rahman Iam bure muslim somali I live In hargeisa somaliland Iam teacher In a publi