Aamiin Dhamme

Aamiin Dhamme

Waa Poga Rasmiga ah ee Aamiin Dhamme ku soo dhawoow, oo aad ka heli-doontaan Macluumaad aad u xiiso

Note:this is the one and only page of Aamiin Dhamme
other pages on Facebook are not legit !

13/04/2021

10TALLABO KU SOO DHOWEE BISHA RAMADAAN
-----------------------------------------------------------------------------

Ku soo dhowee bisha ramadaan 10 kan tallaabo ee hoose :-
❶Waa inaynu ku faraxnaa imaanshaheeda
Rabbi SWT waxa uu yidhi ‹‹waxaad dhahdaa nabi maxamedaw
fadliga ilaahay iyo naxariista taas ha ku farxeen yadaa uga khayr
badan waxa ay uruurinayaan›› fadliga ilaahay iyo naxariistiisa ay
haboontahay inay muslimiintu ky farxaan waxa ka mida bisha
barakaysan ee khayrka badan ee ramadaan , miyaanay ahayn in lagu
farxo bil la furayo dhamaan albaabada janada , lana xidhayo dhamaan
albaabada naarta iyo shayaadiinta waawayn ba ??
Nabiguna CSW imaanshaha bisha ramadaan waa uu ugu bushaarayn
jiray asxaabtiisa , waxaana uu ku baraarujin jiray fadliga iyo wanaaga
ku jira , waxa uu odhan jiray ‹‹waxa idii yimi ramadaan , bil
barakaysan , alle waxa uu idin ku faral yeelay soonkeeda… ››
❷Duco:-
waxa loo baahan yahay inuu qofka muslimka ahi uu alle ka baryo
inuu gaadhsiiyo bishaa khayrka badan , iyo inuu waafajiyo soonka
iyo qiyaamka ba , waana sida ay ahaayeen salafkeenii wanaagsanaa
oo waxay ku ducaysan jireen (( allaw noo barakee bisha rajab iyo
shacbaan , na gaadhsiina bisha ramadaan ))
❸qalbi laga nadiifiyay dhmaan xanuunada qalbiga
Sida hididiilada dheer , dib u dhigista camalka wanaagsan , ku
xidhmitaanka cidaan alle ahayn , kibirka , is cajabinta iyo ku
dagsoomida aduunyada , waayo qalbigu waa xubin muhiim ah ,
waxaana ku tusinaya ahmiyadeeda qodobo dhawr ah :-
➢ Qalbigu waa meeshii quraanka lagu soo dajiyay
➢ Qalbigu waa Meesha allaha raxmaanka ahi uu eego
➢ Qalbigu waa meesha qofku ka hagaago , ama uu ka xumaado
Hadaba waxaad is waydiinaysaa , maxaan ku nadiifiyaa qalbigayga
oon kaga dhaqaa waxaas oo xanuun ah ?? akhri talaabadan 4aad
❹Aynu ku qaabilno ramadaan , kuna dhaqno
qalbiyadeena tawabad shuruudeedii dhamays tiratay
Nabigeena muxammed CSW isagoo la dhaafay danbigiisii h**e iyo
danbigisii danbeba waxa uu maalintii alle u tawbad keeni jiray
boqol jeer , inagoo maalin iyo habeenba dunuubi inaga
dhacaysona alle uma noqonayno oo uma tawbad keenayno .
Macaasida iyo xumaantuba waxay dishaa oo daxalaysaa qalbiga ,
hadii aadan alle u tawbad keenin , qalbigaagana nadiifin oo bisha
ramadaana ku soo gasho adoo xaalkaa ku sugan , side laguu
waafajinayaa khayrka wanaaga ka buuxa bisha ramadaan ??
❺Inaynu carabadeena haysano
Oo u diidno waxyaabaha maalaa yacnigaa , hadalada ku tidhi
kuteenka ah , xanta , isku dirka , af xumada iyo cayda , qabyaalada
iyo xataa qosolka faraha badan ee qalbiga engeginaya dilayana ,
waa inaynu sii tababarnaa carabkeena intaan la gaadhin bisha
ramadaan oo u diidnaa xumaan oo dhan .
❻Inaynu niyada hagaajino , go’aan dhabana gaadhno
Waa inaynu ku qaabilnaa bisha ramadaan niyo hagaagsan Waana inaynu go’aan dhaba gaadhnaa , oo go’aansanaa arimo
dhawra ah :-
➢ Inaynu ka tagno macaasida sida eegmada xaarantaa iyo
dhagaysiga waxyaabaha alle xaaraantimeeyay
➢ Inaynu badalno caadooyinka xun xun sida cunista qaadka ,
cabista sigaarka iwm
➢ Inaynu ku dadaalno daacada rabbi SWT , iyo inaynu
wakhtigeena ku camirno camalo wanaagsan .
➢ Inuu noqdo bishani bishii isbadalka oo aynu xumaantii ka soo
badalano wanaaga bilawno , sidaa u wadnana waligeen
❼Inaynu nafaheena ka bari yeelno soomkii waajibkaa
Oo wixii soom ah ee ina lagu leeyahay aynu si dag daga u
qallayno inta aanay bisha shacbaan bixin , ramadaan tuna
bilaabmin
❽Inaynu barano masaa’isha la xidhiidha soomka
Waayo waxa qof walba oo muslina looga baahan yahay inuu ku
caabudo allaah aqoon , sidaa daraadeed na waxa haboon inuu
qofku sii barto masaa’isha la xidhiidha soomkiisa , sida arkaanta
soomka , waajibaadka soomka , iyo waxyaabaha butiya soomka
❾Qorshe cad
Waa inaynu qorshe cad u sii qorshaysanaa acmaasha aynu kaga
faa’idaysanayno bisha ramadaan sida
❖Inaad salaadaha ku ilaliso jamaca
❖Soonto bisha oo dhan
❖Inaad ilaaliso taraawiixda , oo mar aad la bilawdo
imaamka marna la dhamayso
❖Inaad ilaaliso sunnayaasha ka danbeeya faralka
❖Inaad ilaaliso saalada duxada
❖Inaad ku dadaasho sadaqada iyo wax bixinta
❖Inaad akhrido quraanka oo ugu yaraan dhamayso hal
mar
❖Inaad ku daadsho hadalka wanaagsan
❿Inaynu diyaarino masaajidada
Waa inaynu ku qaabilnaa bisha barakaysan ee ramadaan
inaynu diyaarino goobihii lagu cibaadaysan lahaa , sida
masaajidada , oo nadiifino , diyaarino goobihii dumarku ku
cibaadaysan lahaayeen , diyaarino kuraasidii ay ku
cibaadaysan lahaayeen dadka da’da ahi , iyo dadka
xanuusanaya oon istaag ku gudan Karin cibaadad.
Ugu danbayntii :- waa inaynu ogaanaa , hadii alle inagu
gaadhsiiyo bisha ramadaan caafimaad , inay tahay nimco
wayn oo u baahan in rabbi wayne looga mahad celiyo ,
waayo alle waxa uu leeyahay ‹‹Hadii aad ii mahad
naqdaan waan idiin siyaadin nimcada , hadii aad iga
gaalawdaana cadaabkaygu waa daran yahay›› , waxa kale
oo la yidhaahdaa ((nimcada hadii lagu mahad naqo way ❖Soonto bisha oo dhan
❖Inaad ilaaliso taraawiixda , oo mar aad la bilawdo
imaamka marna la dhamayso
❖Inaad ilaaliso sunnayaasha ka danbeeya faralka
❖Inaad ilaaliso saalada duxada
❖Inaad ku dadaasho sadaqada iyo wax bixinta
❖Inaad akhrido quraanka oo ugu yaraan dhamayso hal
mar
❖Inaad ku daadsho hadalka wanaagsan
❿Inaynu diyaarino masaajidada
Waa inaynu ku qaabilnaa bisha barakaysan ee ramadaan
inaynu diyaarino goobihii lagu cibaadaysan lahaa , sida
masaajidada , oo nadiifino , diyaarino goobihii dumarku ku
cibaadaysan lahaayeen , diyaarino kuraasidii ay ku
cibaadaysan lahaayeen dadka da’da ahi , iyo dadka
xanuusanaya oon istaag ku gudan Karin cibaadad.
Ugu danbayntii :- waa inaynu ogaanaa , hadii alle inagu
gaadhsiiyo bisha ramadaan caafimaad , inay tahay nimco
wayn oo u baahan in rabbi wayne looga mahad celiyo ,
waayo alle waxa uu leeyahay ‹‹Hadii aad ii mahad
naqdaan waan idiin siyaadin nimcada , hadii aad iga
gaalawdaana cadaabkaygu waa daran yahay›› , waxa kale
oo la yidhaahdaa ((nimcada hadii lagu mahad naqo way sugnaataa , hadii laga gaalooobana oon lagu mahadniqin
way carartaa))
Walaalayaal qofkii guulaysta bisha ramadaan waa qof
gaadhay guul wayn oo dhaba , sidoo kale qofkii khasaarana
waa qof khasaaray oo guul daro wayn ay ku habsatay
Alle waxaan ka baryayaa inuu inagu gaadhsiiyo bisha
barakaysan caafimaad qab , inaga na yeelo kuwii
guulaysta ee fursaddaa ka faa’idaysta
Alle waxaan ka baryayaa inuu warqadahan kooban ku
anfaco umada islaamkaa , dhex dhigana nafci badan ,
anana naga aqbalo camalkaa wanaagsan , cid kastoo
faafisana miisaanka xasanaadka u saaro.

AAMIIN AAMIIN AAMIIN AAMIIN AAMIIN AAMIIN

W/Q: Aamiin Dhamme

03/02/2021

******* Rajab Dhayib Ordogan********

Waa Cayaaryahankii H**e ee Kooxda Kubada Cagta Kasimpasa ee Isla Wadankiisa Turkiga.
1994 Waxaa Loo Doortey Duqa Magaalada Istanbul, Wuxuu Katirsanaa Ururka Islamic Welfare Party. 1998 Waxaa Lagu Sameeyey Xilka Qaadis Iyo Xabsi Afar Bilood Ah Kadib Markii uu Ku Gabyey Waxyaalo Lid Ku ah Xukuumada Markaas Jirtey.

2001, Ordogan Wuxuu Kabaxay Ururkii Islaamiyiinta Wuxuuna Aas aasey Ururka La Magacbaxay AKP Kaasoo Hugaanka Uqabtey Raysul Wasaarixii H**e ee Abdullah Gul.
2003, Maarso Wuxuu Noqdey Raysul Wasaaraha Wadanka Turkiga.

Ordogan Waxaa Lagu Tilmaamaa Madaxweynaha Uga Dhiiran Caalamka Islaamka.

Wuxuu ku Guuleystey Bilad Sharafyo Badan Kuwaasoo Ay Godoonsiiyeen Qaar Kamid ah Madaxda Caalamka iyo Ururo Kaladuwan.
Biladahaas Waxaa Kamid ah.

1. State Middle From Russia in 2006
2. Leader of The Year 2010 From Union Of Arab Banks.
3. World Family Award From World World Familly Organization UN.
4. World No To***co Award From World Health Organization.
5. Profile of Courage Award From American Jews Congress.
6. Golden Plate Award From Academy Of Achievement. Iyo Kuwa kaloo Badan.

Muxuu inaga mudan yahayna ! ?
✅Share garee

W/Q: Aamiin Dhamme

22/12/2020

Abwaan Maxamuud maxamed yaasiin (dheeg) suugaantiisa cajiibka ah
Heestanaa ka mid ah heestan waxaa ku looqeeya labada fanaan ee kala ah
Maxamed jaamac joof iyo maryan mursal

'Bari h**e waxa jiray'

Max’ed Jaamac Joof:

Beri h**e waxaa jiray
Inan timaha biiftoo
Baarkana u tidicdoo
Boqorkiyo dhaclahiyo
Maro beyle xiratee

Wax badaley kuwii h**e
Belo geesa dheeroo [ ]
Buur madaxa saartoo
Suuqa baratamaayee

Naa bi’ise dhaqankii
Sharcigii ka beyroo
Diintii burburiseen
Habloow maad is barqabataan

Maryan Mursal

Boqolsano horteediyo
Beri h**e wixii jiray
Ee la iska baal maray
Budulkii dib u ha u qaban
Laga soo baqoolee

Hadaa baratan iyo orod
Bisha iyo cadceediyo
Beesha loo horseedoo
Aanu beegsaneynaa

Horta baro tacliintiyo
Buugiyo dhigaalkoo
Badowyahoow dib ha u celin
Dadka soo baraarugey

Max’ed Jaamac Joof

Bari h**e waxa jiray
Inan aan bil iyo labo
Hadal kaaga bixinoo
Ragu baafiyaayoo
Baldhaan Arag ku ku waydaa

Waxa badalay kuwii h**e
Casarkii dar baxoo
Kiish buuran qaatiyo
Budhcad dibada meertee

Naa bi’ise dhaqankii
Sharcigii ka beyroo
Diintii burburiseen
Habloow maad is barqabataan

Maryan Mursal Mataan

Ilaahii bad iyo wabi
Biyahooda dhaarshee
Meel kula balamayee
Dhulka baaxadaliyo
Buuraha rakibeybaa

Bini aadamgiisana
Ruuxba cayn u beere
Waad baadiyowdee
Cidi kulama beydhine

Horta baro tacliintiyo
Buugiyo dhigaalkoo
Badowyahoow dib ha u celin
Dadka soo baraarugey

Max’ed Jaamac Joof

Beri h**e waxaa jirey
Inan baarax geeliyo
Faraskii baxdoowaba
Yarad looga bixiyaa
Bunduqana la raacshaa

Wax badaley kuwii h**e
Isu bogga bar maqanoo
Bahdii ay ka dhalatiyo
Beylihisey waanee

Naa bi’ise dhaqankii
Sharcigii ka beyroo
Diintii burburiseen
Habloow maad is barqabataan

Maryan Mursal Mataan

Baarax geela iyo faras
Iyo boqon yaraha ari
Hablihii lagu badali jiray
Diinta aynu baraniyo
Ma baneyn kitaabkuye

Booli quutayaashii
Biicsan jirey haweenkiyo
Baxadsoorihii shalay
Maanta looma baahnee

Horta baro tacliintiyo
Buugiyo dhigaalkoo
Badowyahoow dib ha u celin
Dadka soo baraarugey

✅Share garee
Fb:Abwaabka Aynu Uduceyno In Ilaahey Caafimaad Sareecana Siiyo,Ameen dhaha

16/12/2020

Qisada Ay Ku Timid Heesta ‘Suleekhaay Aragaagu’:- Cajiib.

Sannadkii 1968 waxa magaalada Muqdisho guri wada deganaa Abwaan Hadraawi iyo afar nin oo ay saaxiibbo ahaayeen kuwaasi oo ay h**ena uga soo wadaguureen Cadan .
Gurigan ay deganyihiin shanta nin waxa daris la ah guri kale oo ay degantahay gabadh dhallinyaro ah oo jaarnimo aqoon dhaafsiinin ayna ka dhexaynin , afar nin oo ka mid ah ragga guriga degan wuxuu midkasta gaarkiisa indhihiisu u soo jiiteen gabadhan dariska la ah .

Afartooda midna ka kale ma oga arrintiisa , balse maalin ayuu midkood wuxuu qorsheeyey in guriga meel daaqad ah uu ka banneeyo meel yar oo ku beegan guriga gabadha , si uu marmar halkaasi uga eegto, waxayse doodi ka dhalatay ka dib markii ay saddexdii nin ee kale uu midkasta damcay inuu isagu noqdo qofka halkan gabadha ka eegaya .

Abwaan Hadraawi oo arrintan ka sheekeeyey wuxuu xusay in maalin uu roobweyni ka da’ay magaalada ka dibna xaafaddii ay deganaayeen uu Daad badani soo galay , uu arkay afartii nin ee la deganaa oo dhammaantood biyihii ka dhuraaya gurigii gabadha halka kii ay daganayeen ay sidoo kale biyo galeen.

Sheekadii ayaa soo shaac-baxday oo midkasta raggii wuxuu qirtay ay gabdhani ku mudantahay oo uu damcay , habeen habeenada ka mid ah waxay kooxdan oo dhammanatood bahda fanka ahaa ay dhigeen bandhig faneed dad badani ka soo qaybgaleen , dadkii la soo casuumay waxa ku jirtay gabadhii dariska ahayd . isla bandhiggii ayuu hobolkii Axmed Mooge Liibaan oo aan isagu ku jirin afarta nin ee tartamaysay wuxuu ka qaaday heesta “ Suleekhaay Aragaagu nafta waa u samirsiis” heestan oo Abwaan Hadraawi ka sameeyey arrinta ka dhaxaysa gabadha iyo afartiisa saaxiib waxa laxameeyey Bashiir Xaddi Axmed , markii dambena waxa qaaday Maxamed Nuur Giriig, waxayna sifaynaysaa macnaha dhabta ah ee ay saaxiibadii uga dhigantahay gabadhu..

Gabadhii waxay dhuuxday heestan oo ay fahamtay inay iyada ku socoto , markii baraamijkii dhammaaday , ee ay kooxdiina ku laabatay gurigoodii waxay arkeen qof haweenay ah oo fadhida Al-baabka gurigooda laga galo , markii ay la hadleen waxay arkeen inay tahay gabadhii oo saw ay ku dhibicday heestii sidaasina iyadiina lagu saaqay .

Markii ay la hadleen ee sheeko loo dhanyahay lala yeeshay waxay soo jeedisay in afarta nin ee jeclaaday nin looga xulo , Abwaan Hadraawi ayaa ku yidhi “ adigu ka aad rabto la bax” nin ka mid ah ayeyna sheegtay sidii ayeyna ugu noqotay Oori markii dambena Ubad u dhashay oo ilaa maantana ku dhaqan dalka Ingiriiska .

Mid kamida qisooyinki jaceylka & fanka soomalida ❤️.

W/Q: Shakti, Somali Dairies

13/12/2020

Qaar ka mid ah xikmadaja

1-| " Aqoonyahanku wuxuu aqoonyahan yahay markuu Rabbigiina yaqaano , Aakhirana yaqano Addunkana uu isbedel ka samayn karo " .

2-| " Dhalasho wacan markaan leenahay taas macnaheedu waa sanad baan xabaasha u dhawaaday taasi ma wax lagu farxa " .

3-| " inaad noqoto qof Hami leh oo Han leh , oo Higsi leh , oo Hiraal uu muuqdo waa lagama marmaan ".

4-| " Dad baa dibaada ku qurux badan guuriga markay soo galana bahal aah , Qofka aad nolosha isgu darsateen iyo caruurtad dhashay inaad ku xumaato , dibadana nin fican oo laga yaqano hebel la yidhahdo noqotid wax fican ma aaha ."

5-| " Dunida dadka isdila iyaga ugu badan reer galbeedku , meeday barwaaqaada ay sheegaayaan " ?

6-| " Aqoonyahanku hadu noqdo qof la ibsan karo suldanadu iiibdan karto , dawladuhuna laaluushi karan aqoon yahan maaha " .

7-| " Gool baa la dhaliyeey maxay noloshaada ku soo kordhisay. "

8- | " In Hooyo la noqda waxay ka Qurux badan tahay inaad noqoto injineerad " .

9-| " Nin walba qabiilkiisa inta la dulmiyaay buu ogyahay lakin se ma oga intay dulmiyeen ee aay Akhiro u direen ".

10-| " Quraanka Haddi aad Akhrido ; qof Rabigi u waraamayo ayaad tahay bal qiyaas Rabiga oo kula hadlaaya oo ku waramaaya " .

11-| " Luuqada soomaaliyeed waa af muslim waa af diin iyo dadnimo baa xambaarsan ".

12- | " Meesha Qiimaha leh ee uu baahan inaan u shaqaysano waa Aakhiro ".

13-| " Haddaad rabto dadka in caqligoodu ku aqbalo , waxa ka h**eeya qalbigooda inad furto qofkaad qalbigiisa fuuri gari weeydayna caqligiisana ma fuuri garaysid ; qaligana waxa lagu fuura jacayl , naxariis iyo Hadal wanagsan " .

14-| " waxa laga yaaba inad sacado badan ku bixiso iskuulka yaad saaqidin oo ka waran maalinta qiyaame haddad saaqido maalinta aan saaqidnimo ka weeyni jirin " .

15-| " Dadka kuwa ugu hantida badan
Aya aah kuwa ugu hurdada yar "

16-| " Hadday jannadu tahay meesha qofka logu nimceenayo , caddabtuna ay tahay meesha qofka lagu ciqabayo ; Addunyaduna waxay tahay meesha qudha ee laysgu imtixamayo "

17-| " Ilmaha inaad Guri uga tagto waxa ka qiimo badan inaad Diin uga tagto, inaad dhaqaalo u samayso waxa uga qiimo badan inaad isaga qof ka dhigto jira oo nool oo Muslim ah. Haddii uu qof Muslim ah noqdo oo Naftiisa ku kalsoon meel uu seexdo iyo wax uu cuno isagaa raadcaysanaya " .

18- |" Jamacaada baan ka baxay , shahaadan qatay , shaqo fiican baan heelay war wad tagaysaaye waxaas oo dhan waa maalmo , maalin ama maalin badhkeed aayay nolosha odhan kula noqon marka qiyamaha lagu weeydiyo oo nolosha maa maalin badhkeed bad dooratay marka .

NOQO QOF WAX TAR LEH

Sh/ Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun

{ WQ:Kudhiro }

01/12/2020

Sidee loo khaarajiyay Muxsin Fakhri Zaadah?
---------------

Jimcihii dhowaa aroortii ee taariikhdu ahayd 27/11 waxaa la dilay caalimkii aqoonta nukliyeerka Eeraan Muxsin Fakhri Zaadah, mana jirto weli cid falkaa sheegatay in kasta oo Eeraan si qayaxan u gu eedaysay Israa'iil. Xogtii u gu dambaysay ee warbaahinta Eeraan soo tebisay waxaa la gu faahfaahiyay sidii loo ga takhallusay ninkaa dalkiisa muhiimka u ahaa. Waxaa la yidhi, hawsha dilku wax ay qaadatay saddex daqiiqo, waxaana la gu fuliyay rasaasta baaska, sidan bayna u dhacday.

Muxsin Fakhri Zaada isaga iyo marwadiisa oo gaadhi aan xabbaddu karin wada saaran baa aroortii ka baxay magaalada caasimadda ah ee Dahraan. Sida caadiga ah aad baa loo ilaaliyaa, markaana waxaa gelbinayay saddex baabuur oo ciidanka amniga ah. Wax ay ku sii jeedeen degmo ku taal duleed Dahraan. Goobta shilku ka dhici doono waxoogaa ka hor mid ka mid ah saddexdii baabuur ee ilaalada ahaa ayaa socdaalkii ka leexday si uu u ilaaleeyo wax dhiillo leh oo agagaarka ka jiri kara. Isla jeerkaas buu Muxsin Fakhri maqlay dhawaqa rasaas la gu soo riday baabuurka, wax kale ayuu se dhawaaqa mooday iyo cillad gaadhigiisa ka dhex yeedhaysa. Dabadeed inta uu gaadhigii joojiyay buu ka soo degay si uu u eego. Ilbidhiqsigaa ayaa tacshiirad baas ah la ga ga soo furay masaafo 150 mitir ah. Rasaastu wax ay ka soo dhacday baabuur halkaa yaallay oo aan cidi la joogin, mana jirin haba yaraatee cid agagaarka ka dhowayd. Rasaasta waxaa farsamo casri ah la ga ga hagayay meel fog.

Saddex xabbadood oo darandoorri ah baa haleelay oo tii u gu darnayd lafdhabarta ka la jabisay. Ilbidhiqsigii xigay waxaa la qarxiyay oo baabba'ay baabuurkii rasaastu ka soo dhacday. Mudane Fakhri oo weli nool cusbitaal aan meesha ka durugsanayn baa loo la cararay, halkaana helukabtar baa la ga ga qaaday oo la gu geeyay cusbitaalka magaalada, halkaas buuna ku geeriyooday.

Baadhitaan hordhac ah waxaa la gu ogaaday mulkiilihii baabuurka rasaasta la gu soo rakibay in uu dalka ka baxay maalin ka dib iyada oo aan la sheegin dalka uu u baxay.

Eeraantu wax ay aad u gu qanacsan yihiin cidda dilkaa ka dambaysaa in ay tahay sirdoonka Israa'iil ee Mosad, waayo Israa'iil wax ay h**e u sheegtay ninkaasi in uu ka dambeeyo afar madax oo nukliyeer ah oo Eeraan samaysanayso. Raysalwasaarahooda Netanyahu oo sannadkii 2018 shir jaraa'id ku shaaciyay in ay heleen xogta nukliyeerka Eeraan goobta wax uu ka yidhi "Xusuusnaada magaca Fakhri Zaadah".

Eeraan sidaas bay sannadkan ku wayday ninkii labaad ee u gu muhiimsanaa istiraatijiyaddeeda dagaalka, iyada oo Maraykanku h**e u ga dilay janan Qaasin Suleymaani.
Xigasho:Ibraahim Howd Yuusuf

30/10/2020

“Muslimiinta waxey xaq u leeyihiin inay ciqaabaan Faransiiska. Waliba dilaan. Qof walbo oo Aflagaadeeya Nabi Muxamed Scw waa in la dilaa”-

Sidaas waxaa yiri Mahatir Mohamed Ra’iisul Wasaaraha Maleysia oo ku baaqay in Faransiiska la ciqaabo oo la dilo.

29/10/2020

Waxaan Ummadda Islaamka iyo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa munaasabadda dhalasha Nabigeenna Muxammad NNKH.
كل عام وأنتم بخير

22/10/2020

Maanta Aanu Aragno inta jecel
Qu'aanka Kariimka ah ❤💚❤

✅Like Saar page-kan

15/10/2020

Sida ay Wariyaan Kutubada Ka Warama Qisooyiinka Anbiyadii h**e iyo Noloshoodii
Waxaa Lagu Soo qaataan Qisadan Cajiibka ah

Wada hadalkaan Waxaa Uu dhax Maray " Allah iyo Nabigiisa Muuse Csw Sidaan Wada Ognahay Muuse Waa Nabiga Kaliya Ee Sida Tooska ah Allah Ula Warami jiray Bilaa Tarjumaan.

' Nabi Muuse: Su" aal " Rabbiyow Maxaadan U Hurdin.? Suaashan Waxaa Allah Si Toos ah U Weeydiinaya Waa Nabi Muuse K**a ahan Ciyaar iyo aqoon daro Ee Waa Wax Uu doonayo in Uu Ku Ogaado Macrifada rabbi

' Allah : Ayaa Jawaab Cajiib ah Siiyay Oo Waliba Ka Tarjumeysa garaadka Aadanaha iyo Tusaalaha Ugu Fudud Ee ay Wax Ku fahmi karaan ...

" Muusow Waxaad gacantaada Ku soo qaadataa Koob Maran Ka dib Biyo Ku Shub Markaad buuxiso Gacantaada Ku haay Ka digtoonow inaad Hurudo !

Nabi Muuse: Sidi Ayuu Yeelay isaga Oo taagan ayuu Weelkii biyaha Gacanta Ku hayaa Siduu U Taagnaa Waxaa Ka tan badisay Liidaanyo
Koobkii biyaha Ku jireen ayaa Ka baxsaday
Koobkii Waa jabay biyihiina Waa Ka daateen

Allah ayaa Toos Ula soo hadlay Nabi Muuse Waxaa Lagu yiri " Muusow Waxaan Ku dhaartay Weeyninkeeyga iyo Sharafkeeyga Haddii Aan
il-biriqsi Ka Maqnaado Maamulka Koonka Waxaa isku Soo Dumi lahaa Cirka iyo dhulka .
قال تعالي: لا تأخذه سنة ولا النوم..."
Waa Cadsi Ma ahan Amar Waxaad soo qortaa intaadan Ka bixin Mid Ka mid ah Magaciisa 99.

11/10/2020

Magaciisa oo saddexan waa Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil Haaruun waxa uu ku dhashay magaalada Burco ee xarunta gobalka Togdheer, isagoona dhashay wakhtigii isticmaarka (guumaysiga)

Sheekha ayaa waxbarashadiisi hoose iyo sare waxa uu ku soo qaatay magaalada Burco, ilaa iyo heer jaaamacadeed.

Sheekha ayaa sidoo kale ka baxay machadkii Jarmalka ee Burco ku yaallay, isagoona ku Takhasusay farsamada korontada, sidoo kale sheekha ayaa ka baxay Jaamacaddii Soomaaliyeed sannadkii 1980-kii".

Sheekh Mustafa ayaa muddo sanad iyo bar ah macalin ka soo ahaa Dugsiga farsamada ee uu Jarmalka ka dhisay Magaalada Burco.

Waxbarashadiisii dhinaca diiniga waxa uu Sheekhu ku qaatay gudaha dalka.

Dowladii h**e ee Soomaaliya ayaa Sheekha marar kala duwan xabsiga dhigtay, isagoona sanaddo badan oo xabsi ah ku soo qaatay gudaha dalka Soomaaliya.

Caalimkan ayaa dagganaa dalka dibadiisa illaa sannadkii 1999-kii, isagoona ugu dambayn u soo guuray
Magaalada Hargeysa.

Alle ha xifdiyee Sheekh Mustafa ayaa heer sare ka gaaray cilmiga diinta Islaamka iyo Taariikhda dunida ( Science )

Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil ayaa ka soo jeeda qoys culumo ah oo diinta aad ugu xeeldheer.

Ma xiisaysaa Muxaadarooyinka Sheekh Mustafa?

Haddii aad hayso Taariikhda shaqsiyaad mudan in aan baahino waad isoodiri kartaa si khaas ah.

W/Q Bile Beshir Mehbub (BBM)

10/10/2020

Ninkii dilay madaxweynihii h**e ee Masar Maxamed Anwar saadaat ayaa markii maxkamadda la keenay ayuu garsoorihii maxkamaddu wayddiiyay: Maxaad u dishay Madaxweyne Saadaad? Wax uu ku jawaabay: Calmaani buu ahaa? Wax uu sii wayddiiyay: Calmaani waa maxay? Wax uu ku jawaabay: Ma garanayo.

Qoraagii reer Masar ee Najiib Maxfuud ninkii is ku dayay in uu toorray ku dilo ee dhaawacay ayuu qaaddigii maxkamaddu wayddiiyay: Maxaad qoraaga u middiyaysay? Wax uu ku jawaabay: Buuggiisa "Awlaad Xaaratinaa" dartii. Wax uu xaakimkii sii wayddiiyay: Oo ma akhriday buugga "Awlaad Xaaratinaa"? Wax uu yiri: Maya.

Dilaagii argagixisada ahaa ee dilay qoraagii reer Masar ee F***j Fowdah ayuu qaaddigii maxkamaddu wayddiiyay: Maxaad u dishay F***j Fowdah? Wax uu ku jawaabay: Waayo gaal buu ahaa. Wax uu sii wayddiiyay: Maxaad ku ogaatay in uu gaal ahaa? Wax uu yiri: Kutubtiisa ayaan ku ogaaday. Wax uu sii wayddiiyay: Oo waa kee kitaabkiisa aad akhriday ee aad gaalnimadiisa ku ogaatay? Wax uu yiri: Anigu kutubtiisa maba akhriyo. Waxaa la sii wayddiiyay: Maxaad u ga jeeddaa? Wax uu ku jawaabay: Anigu wax ma akhriyo waxna ma qoro.

Saddexda qisaba waa taariikh ka dhacday Masar sannadihii 1981, 1992 iyo 1994.

Dhacdooyinkan oo uu wax ka qoray qoraaga Soomaaliyeed Ibraahim Hawd ayaa waxaa halkaa ka muuqata in ragga dembiyadaa culus ee dilalka ah gaystay ficiladaa ay sameeyeen ay u gaysay in ay ahaayeen jahaaliin la adeegsaday.

Waxaa la yiraahdaa jahligu waa cadaw iyo weliba mugdi, aqoontuna waa iftiin.

Dulucdu waxa ay tahay bulshadeena gaar ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed yaan la idinkaga faa'iideysan jahli oo ha ku dhecina inaad gaysataan dembiyo waaweyn sida dil, waxaana loo baahan yahay inaad barataan culuunta diiniga iyo tan maadiga ah si aan la idiin qaldin.

✅Share garee

20/09/2020

Waxaad suureysatan Ninkan aad u jeedaan.wuxuu soo islaamiyay 600,000 Qof wax kabadan intuu dacwada waday.

Waa junti ka mid ah junuudullah ee dhulka saaran. 🌴
{ Waa Dr_zakira cabdul Kariim Naik }
Haddii uu noqon lahaa maanta mid ka mid ah laacibiinta aduunka ee ciyaaraha wax badan ayaa baran laheed.
mucjisooyiin yaab leh ayuuna keeni lahaa.💔

🤲" Culimada Allaah xafido meel kasto ay ku nool yihiin " Aamiin dheh , Kadib Share dhe oo Faafii ilaahay dartiis.

✅Like Saar page-kan
✅Share garee

Photos from Aamiin Dhamme's post 10/06/2020

Galka Gonda Libaax || Gaashaamo Berri

07/05/2020

Boon Xirsi ilaahey haku naxariisto
{ Aamiin} 🤲


Fadlan page-kan 👍
🗣🗣🗣

06/05/2020

✏ ﷽
(SOCDAALKA )
________________________________________________
Qofka musaafirka sida nusuusta ku cad waa la khayaar geliyay
(doorasho) in uu soomo iyo in uu iska afuro ayadoo waliba lagu
dhiiri geliyay in uu rukhsada qaato. Ilaahay isagoo arinkaa ka
waramaya waxa uu yidhi:
(Ruuxii buka ama safara waxaa korkiisa ahaaday ayaamo
kale (soomkooda) Ilaahay wuxuu idinla doonayaa fudayd ee
idinlama rabo culays.) [Albaqra (185).]
Rasuulkuna (Salalaahu calayhi wa calaa aalihii wasalam).
Isagoo ka waramaya in rukhsadda la qaato waxa uu yidhi
(Ilaahay waxa uu jecelyahay in lala yimaado rukhsadda sida
uu u necebyahay in lala yimaaddo macsida).

Dadkuna way ku kala duwan yihiin Safarka, qofku hadii aanu ku
dhib mudanayn soonka, wuu soomi karaa inta uu socdaalka ku
jiro, waxaana inagu filan qawlka laga soo weriyay
Abii Saciid al Khudri uu leeyahay (waxa ay u arkayeen ruuxii
awood u leh in uu soomo in ay wanaag santahay in uu soomo,
haduuse ku dhib mudanayo waxaa u wanaagsa in uu
afuro).

Markaa hadii safarka qofku dhib kala kulmayo hadii uu
soomo waa in uu rukhsada qaataa oo afuraa, sidaasaana wanaaga
iyo raali ahaanshaha Ilaahay ku jiraa Rasuulkuna (Salalaahu
calayhi wa calaa aalihii wasalam). . Waxa uu yidhi ( Sama falku
muu ahaan in la soomo marka safarka lagu jiro)

:

Qofku hadii bukaankiisu yahay mid aan laga rajo qabin in uu ka
bogsado, way ka dhacaysaa soonkii waxaana laga rabaa in uu
quudiyo miskiin maalin kasta oo uu afuro, wuxuuna siinaya hal
mud oo u dhigma (600g) oo cunta ah, hadba waxa meesha uu
joogo laga cuno sid a caadiga ah.Hadiise qofku uu bukoodo
xanuun uu ka kacayo waxaa laga rabaa in markii uu raysto uu
soo celiyo ayaamihii uu afuray.

:

➡️Fadlan Hadaanad ka mid ahay dadka ku Taxan page-kan waa I muhiim inaad isaarta and

05/05/2020

✏﷽

:
_______________________________________________
Ilaahay (subxaana wa-tacaalaa) isagaa Ina abuuray ogna wixii
wanaag iyo maslaxadiba inoogu jirto, inagana dulqaaday wixii
aynaan awoodi karin. (Wixii ilaahay ina amray waxaa ku jira
maslaxa khaalisa (badhaxtiran) ama raajixa (doorbiday), wixii
Ilaahay inaga reebayna waxaa ku jirta mafsado khaalisa ama
raajixa) Hadaba waxaa jira arimo u banaan qofku in uu sameeyo
marka uu sooman yahay sida:
1. Qofka hadii waagu u beryo isaga oo jinaabo qaba:
Qofku hadii uu reerkiisa la kulmo oo waagu beryo isaga oo
aan qubaysan, niyaystayna in uu soomo soomkiisii waa jiraa
oo waa saxiix. Caa’sha iyo umu salama ilaahay raali ha ka
ahaadee waxa ay yidhaahdeen: Nabigu waxaa waagu u
dilaaci jiray isagoo jinaabo qaba dabadeedna wuu
qubaysan jiray oo soomi jiray.’ Waxaase loo baahan yahay
in uu qubaysto intaan cadceedu soo bixin si uu u tukado
salaada subax, Ninkase waxaa waajib ku ah in uu xaadiro
salaada jamaacada si uu ula tukado.
2. Cadayashada (rumayga).
Qofka waxaa u banaan in uu cadaydo maalintii xiliga uu doono
inta uu sooman yahay
Rasuulkuna (Salalaahu calayhi wa calaa aalihii wasalam).
wuxuu yidhi (hadaan ka baqayn in ay umaddaydu ku dhib
mudato waxaan amri lahaa salaad kasta iyo waysaysi kasta
in ay cadaydaan.’ )

3. Luqluqashada iyo sandaarsiga: qofka sooman waxaa u
banaan luqluqashada iyo sandaarsiga, waxaase loo diiday in
uu ku xeel dheeraado waayo waxaa laga yaabaa in biyahaasi
dhuuntiisa gaadhaan, Nabiguna (Salalaahu calayhi wa calaa
aalihii wasalam). Waxa uu yidhi: weysayso wayso
dhamaystiran, oo is dhex geli faraha aadna u sandaarso
hadaanad soomanayn.)
4. Dhunkashada iyo taabashada ooryaha: waxaa u baanaan
ninku in uu xaskiisa dhunkado ama taabto isagoo sooman,
Caa’sha Ilaahay raali ha ka ahaadee waxay tidhi: Rasuulku (
Salalaahu calayhi wa calaa aalihii wasalam). waxuu ahaa
mid haweenkiisa dhunkada, oo salaaxa isagoo sooman,
wuxuuna ahaa ka idiinku hanashada badan naftiisa.’)
5. Istoobidda: waxay markii h**e ka mid ahayd waxyaalaha
soonka buriya, balse markii danbe xukunkaa waa la
nasakhay, oo waa la baneeyay. Waxaana Nabiga (Salalaahu
calayhi wa calaa aalihii wasalam). ka sugnaatay in uu is
toobay isagoo sooman. Ibnu-Cabaas Ilahaay raali ha ka
ahaadee wuxuu yidhi: Nabigu (Salalaahu calayhi wa calaa
aalihii wasalam). Wuxuu is toobay isagoo sooman.’)
6. Dhadhaminta Cuntada: Cuntada dhadhaminteeda way
banaantahay laakiin waxaa shardiya in aanay u gudbun
dhuunta, oo aan la liqin. Waxaa Ibnu cabaas laga soo
weriyay (dhibaato kuma sugna hadii la dhadhamiyo
khalka ama wax kale hadaanay dhuunta galayn adigoo
sooman’.)
7. Biyo qaboow in madaxa lagu shubto ama lays
marmariyo: arintani way banaantahay waxana sugan In
Rasuulku (salalaahu calayhi wa calaa aalihii wasalam): uu
madaxiisa ku shubay biyo isagoo sooman kul, ama haraad
dartii.)
8. Waxa kale oo banaan: Indha kuusha, dawada indhaha,
dhegaha, ama sanka lagu dhibciyo, ilkaha oo layska bixiyo,
cidiyaha oo layska g**o, iyo dhegaha oo la dhukaydo.

:

Fadlan Hadaanad ka mid ahay dadka ku Taxan page-kan waa I muhiim inaad Isaarta and

03/05/2020

✏ ﷽
.
________________________________________________

• Faa’iidooyinka soonka waxaa kamid ah qofka inuu ka barto sabar, iyo inuu taqwo ka korarsado.

• Waxay kaga faa’iidaysan karaan walaalaheen Muslimiinta ah ee sigaarka iyo qaadka ku ibtileysan iska daynta waxyaalaha xun, ayna ogaadaan in Alle dartiis qofkii uga taga shay xaaraam ah in Alle ugu beddelo wax ka qayr badan

• Waxaa kaloo uu leeyahay soonku faa’iidooyin bulsheed oo ah inay dareemaan midnimo iyo inay jeclaadaan caddaaladda iyo sinnaanta

• Waxaa kaloo soonku leeyahay faa’iidoooyin caafimaad ah sida inuu daahiriyo caloosha iyo xiidmayaasha iyo jirkaba, wuxuu ka fududeeya qofka culayska cayilka, baruurta

• Waxaa kaloo ka mid ah faa’idooyinka soonka qofka qaniga ah wuxuu ogaanayaa qaddarka Nimcada Rabbi siiyey oo aanay haysan qaar badan oo fuqaro ah.

➡️Fadlan Hadaanad Ka mid ahay Dadka page-kan kujira Waa I muhiim Inaad Isaarta AND

02/05/2020

✏﷽

________________________________________________
• Qofka waa loo oggol yahay inuu soonka jebiyo haddii jirro ku soo booddo, ama shil galo iwm. oo qofka xaalladiisu halis tahay.
• Qofka waa loo oggol yahay inuu jebiyo soonka haddii cudur kaasi aanu khatar ahayn, hase yeeshee halis noqonayo haddii aan soonka la furin.
• Qofka waa loo oggolyahay inuu Soonka jebiyo haddii uu la kulmo gaajo, haraad daran oo ka baqo in wadiddiisa dhib ka imaanayso.

:

Fadlan Hadaanad Ka mid ahayn Dadka Kujira page-kan inaad nagu-soo biirtaa waa I muhiim ee Saar AND Jazakalaah

Want your business to be the top-listed Business in Hargeisa?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Videos (show all)

Boon Xirsi ilaahey haku naxariisto{ Aamiin} 🤲#Nooc_Ka_Mid_ah_jaceylka ❤Fadlan page-kan #Like 👍#Share 🗣🗣🗣
Qiso Qaadka ku saabsan .Sheekh Mustafe Xaaji Ismail HarunFadlan Page-Kan #Like Saar Jazakalah
Gabadhii Dalbatay Daawadeeda!Sheeko aad idinkaga yaabin doonta😦Sheekh || C/Laahi Faaneey➡️Fadlan Waa I Muhiim Inaad Page...
Qiso cajiiba || dhibkii uu kala kulmay Sh.Abu dalxa Gurigiisa Hagaajintiisa  ➡️Fadlan Hadanad naga mid ahayn    Page-kan...
➡️SHEEKH MUSTAFE SH.ISMAACIIL  { GEERIDA XASUUSNOW MARKASTA }🌻    FADLAN: Hadaad Nagu Cusub Tahay       #Like Saar Page-...

Telephone

Address


New Hargeisa
Hargeisa