Nuur Xasan Xaashi

Gobonimo Hawada Bidin Ruuxaad Galab Isbarateen, Hana Moodin Gacalkaa Guushaada Ruux Neceb.

Gobonimo Hawada Bidin Ruuxaad Galab Isbarateen Hana Moodin Gacalkaa Guushaada Ruux Neceb.

12/02/2024

Asc
Asxaabta

13/11/2023

TOOYASHO IYO TOOGABEEL
Gabaygan tooyasho iyo toogobeel waxaa curiyey Abwaan Sacad Axmed Xasan-roodhiile.

Gabaygu wuxuu ka hadlayaa siyaasaddan qabyaaladda ku dhisan iyo saamaynta xun ama taban ee ay ku yeelatay bulshadda Somaliland, sida ay hogaanka qaranka iyo asxaabta siyaasiga ahiba ugu fashilmeen inay dadka qabyaaladda ka saaraan oo ka guuran geeddi dheer.

Gabaygani wuxuu ka mid noqonayaa gabayada ugu dheer ee laga unkay xaraf-raaca Ta-da, waxaana ku jira in ka badan 500 oo ereyada Xarafka ta-da ku bilaabmaya intii ugu badnayd, taasi oo laga helayo ama dib u soo noolaynaysa ereyo badan oo isticmaal koodu yaraday in dhawayd.

Gunaanadka beydadka gabaygani waa duco, macnaha ereyadda ugu adag ee gabayga ku jirana waxaa lagu macneeyey halka hoose ee dhamaadka gabayga.

Taariikhda: 11 February 2015. Cinwaanka Email: saadroodhiile@gmail. com.

1. Tixdii gabay beryahan maan tisayn Tuducyo dhaadheere.
2. Tigraar aan u dhigay waa horaa weli ku taagnaaye.
3. Bal aan taabto halkay boogtu tahay, waad i tebayseene.
4. Kolba nimanka tuur dhagax dhigaa, ha iska tookhaane.
5. Tigin meeris gudban dhaabi jiray, ma isku tiir tiirshay.
6. Ma tusmeeyey dulucdiisa gabay, taxane weeyaane.
7. Kolkii gabay tufkii daawo sido, taabud weeyaane.
8. Hurdadii habeen toos i yidhi, talal miyaan guuxay.
9. Sida taleefan uu haatif wado, tuducyo ii keenye.
10. Anoo tamashle socod gaaban rabay, ma i taraarsiiyey.
11. Meeshaan kolkii h**e taglaa, tahan kolkaan dhaafay.
12. Tabaabushe anoo gabay u daban,toddob sidii hoorye.
13. Sidii niman taraag dheer ku jira, awrtii aan tu’inin.
14. Oo tiigsan meel durugsanoo, gaadha toban geeddi.
15. Buraashaday kabani taagnidiyo, socodkay toorayni.
16. Anigana tallaabadan dhuftaba,gabay i soo taabye.
17. Bal aan taabto halkay boogtu tahay, waad i tebayseene.
18. Afartaasi arartii tix-maal, togonkii ma u taagay.
19. Tuduc kale dunida tamashle maray, gabayga taarkii dhe.
20. Tog-wajaale ilamaa taleex, golliska buur teedsan.
21. Badda xeeli taagyada sanaag, tokhoshi baasheeda.
22. Giddigood kolkaan taar u diro, way isu tebiyaane
23. Kolba nimanka tuur dhagax dhigaa, ha iska tookhaane
24. Bal aan taabto halkay boogtu tahay,waad i tebayseene
25. Beershiyada iran tehran kuwaa, tuunis ku tacliima
26. Badhkaa ganacsi taylaan u tagay, shiine iyo taywan
27. Hiroshiima tokyiyo jabaan , moodhadhka tayoota
28. Taaj-mahaal buumbayda hindiya, taamil sari laanka
29. Talaabib iyo falastiin qulqulad, tuuryadda gantaalo
30. Tennesiida maraykaan degiyo, beerihii taaksas
31. Taliska quruumaha midoobay, tawarkii niyuuyok
32. Togga webiga minasoota mara, tiimanka shikaago
33. Niyuu jersii dheegay ku taal, tarenton caasimadda
34. Xaruntaa tubeeka ee kansas, taaga koloraado
35. Misiisibii webiyo is tarraxay, cidhif baddii taabtay
36. Mantoonana samiirow dhex tegay, buuraleey taxane
37. Tallahaase faloriida iyo, joorjiya atlaanta
38. Talyaaniga faraansiyo turkiga, jaalyaddii toronto
39. Tirana iyo albaaniyada yurub, tanaladii noorway
40. Tijagistaaniyada bari xigtee, tidicii ruush goysay
41. Iglan goobta tootanham iyo hitrow, tagsigii biristool
42. Shifiil golaha taageeray qaran, foodki loo taagay
43. Tansaaniya yugaandhiyo kiinya, toogo iyo maali
44. Badda tooxle marinka jabuuti, tacisidaa yamani
45. Itoobiya tigreega maqale , taana hara buuxa
46. Soomaali meeshaad tegtaba, waa tamuuxdaase
47. Giddigood kolkaan taar u diro, way isu tebiyaane
48. Bal aan taabto halkay boogtu tahay, waad i tebayseene
49. Afartaa taxtaxaashkii gabay, telekiskii caalam
50. Tuduc kale tixraac iyo dhigaal, qalin tawaadii dhe
51. Gabay iyo naftaydoo tallamay, tuducyo soo maaxday
52. Tu’u gabaygu garab daar yidhiyo, tii qalbigu doontay
53. Talantaalli dood iyo sarbeeb, doobiga tandhaafay
54. Sidii daad takaariga jebsaday, tuuro soo kiciye
55. Waxaan taw guraa sidii amxaar, tiisi ma u raacay
56. Ilayn gabay tubtiis lama duwee, gees iskaga taagay
57. Murti tiimbad hirar aan dhexgalay, tiriyey oo sheegay
58. Markaan idhi xarfaha tee guhaan, gabay tasniifkiisa?
59. Wuxu yidhi ta-da gabay turqaday, bixi tafaasiisha
60. Mar aan idhi halkaa wuu turqiyo, hebelna wuu taaban
61. Wuxu yidhi shacbiga uma tudhaan, lagu tacshiireeye
62. Marbaan idhi adoo tacab dhaqaa, kaaga tabar roone
63. Wuxu yidhi dantii niman ka tegin, shicibku wuu tebiye
64. Marbaan idhi qallooc toosahayn, qalinka meel tiiri
65. Wuxuu yidhi tusaalee bulshadda, loo tawaan waaye
66. Marbaan meeris toddobaatan idhi, tiradu yay dhaafin
67. Wuxu yidhi hummaag gabay taswiir,tuducyo soo muuqde
68. Marbaan idhi turxaan yuu ka tegin, tarraqa baaruudde
69. Wuxuu yidhi takhtar cudurka baadh, qarankan taahiiye
70. Marbaan idhi xisbiga ii tilmaan, talada loo dhiibo
71. Wuxu yidhi tareen aanad hubin, tigidhkii ha u goosan
72. Toos iyo si gaaraba haddaan, hoggo tusaaleeyey
73. Kolba nimanka tuur dhagax dhigaa, ha iska tookhaane
74. Afartaa tammuun taan u ganay, tiigsi ma u tuuray
75. Afar kale tisqaadkii xisbiyo, tu’aan saluugaayo
76. Xisbiyadan mabda’ii tiir lahayn, tooyasho mooyaane
77. Xisbiyadan tartiib iyo tixgalin, talo-wadaag oolin
78. Xisbiyadan kolkii talax-gabeen, beelihii talini
79. Xisbiyadan tukube ulaha booc, taayir rogi waayey
80. Xisbiyadan siyaasadda tigtigan,tiro yar kaa sheegan
81. Xisbiyadan qabiil shaadhki tolay, tamarna aan yeelan
82. Xisbiyadan ragii talin lahaa, tabashadii guuray
83. Xisbiyadan tahanbaabiddii,lagu tabaaloobay
84. waxay tab iyo xeel moodayaan,waa tolla,ay madhane
85. Toddobadii dhashee urur saddexdii,taranka soo booday
86. Ee tiro dhibcihii loo tirshaa, taagan maantana e
87. Saddex taban mataanaysee ucid, waa tafiir qudha e
88. Isku taagan asxaabteena qaran, xeer toleedyada e
89. Adoo toban guyaal tiro ka badan, tacab la soo meershay
90. Cidlay kaaga tegi maalintii, tooda gaadhaane
91. Saddex daran mid uun toggo hadday, taladu taagnaayo
92. Sow cabdow waxaan taawilo nidhaa, tii shalaay maaha?
93. Wax tar malee qabyaaladde dadkay, kala tagsiisaaye
94. Adhaxdiyo tun qaar baa ka jabay, oo takooreene
95. Takhaantukhin afkay u tuurayeen, tuutaley badane
96. Waa kii tawaawacay intuu ,diray tayaaq dheere
97. kolkii taagan tahay doorashay, tanag garaacaane
98. Tartan iyo hungurii k**a hadhaan,tirsi ma daayaane
99. Tuur iyo tarbiico isku yeel, tahar ma gooyaane
100. Reerba reer intaa uu turfayn ,taransan maysaane
101. Middi middi ku taag iyo qabiil, taxadka gaadhsiiye
102. Dadku inuu kasoo taagan yahay , taasna ya u sheega? 103. Ma tognee hankaad damac tidhaa, waa tabceeyaane
104. Ma toosne waxaay taabbagalin, taal horoo yaale
105. Ninkaan taano lacag buuxa hayn, foodki ka tasoobay 106. Tirtirsigii siyaasadan ligligan, la isku taag sheegtay
107. Tiigaalid dheer iyo himilo, qaran tubtii waaye
108. Taamilo kulmiye kuugu filan, turun-turoontiiye
109. Tahlid waaye shirweynihii xisbigii, ugu tun waynaaye 110. Tusmo iyo qabiilkii ergadii ,tuurta lagu qaatay
111. Waa kaa la tiictiici weli, socodka taag waaye
112. Tamuuxaay ka badan yihin ragay,tacab qasaarsheene 113. Faro madhnaan inay taagan yahin, tollaw yaa u sheega? 114. Tastuur xeer u yaal kuma dhaqmaan,waa tarjumad beene 115. Kolba hebelkay badhi taarayaan, loo tartar jeexye
116. Turub iyo ciyaar tiro-mutuxan, teeriskii badiska
117. Marna laba tagoogod may is duldhigin, tamani goodiiye 118. Toobalcaare dimuqraadigiyo , tuhunkan beenoobay
119. Sidii dhidar badh ay toociyeen, taas ma loo joogay?
120. Bal aan taabto halkay boogtu taal, waad i tebayseene
121. Kolba nimanka tuur dhagax dhigaa, ha iska tookhaane 122. Maah-maah tiraabtii rag h**e, taan ka soo gaadhnay
123. Saddexdii ragga u tayo xumaa, tiro ka saareene
124. Ma toshaha ma tashade iyo nimaan, kuu tashiilayne
125. Saddex kaa tirtira madaxtinimo, taabideediiye
126. Gacan gudhan dadkana aan wax tarin, tiyo ilaah siiyey 127. Gudoon jilicsan taladii saxoo, teeda garan waydo
128. Garta eexo tiiyood dulmiga, xumaha taageerto
129. Kolba nimanka tuur dhagax dhigaa, ha iska tookhaane 130. Tuduc kalena waxaan toogahayn, tagrifal koodiiye
4

Abwaan Sacad Axmed Xasan-roodhiile
131. H**e tuug hadduu baraq nuglaa, cararka tuuraayey
132. Habeen yimid tiriig wayn mid sidan, toos u soconaaya 133. Dhulku taakin buur iyo bannaan, tafaqsigii roorye
134. Tulud geel ma deeqaan taggani, tuushe xoolaha e
135. Taaloog intuu goostay madax, kaa tun waynaaye
136. Turuq wayn ma yeesheen nimaan, taadu saacidine
137. Hadduu jaqafta toorrey ka siin, gacanta loo taagin
138. Toojo ba ninkii maali jiray, wuu todraac garane
139. Bal tabtaad ku qaban sheeg hadduu, kaaba tagi waayo? 140. Kolba nimanka tuur dhagax dhigaa, ha iska tookhaane 141. Afartaa siduu taangi riday,ma iska daba tuuray
142. Afar kalena waa teeri gabay, tabobar kaygiiye
143. Tuduc kale tilmaan waxaan holladay,taan u wada joognay 144. Tagto h**e mid taariikh dhacdiyo, tani hadeer taagan
145. Dawladnimadda tiir waxaa dunshaa, tacaddi weeyaane 146. Dad cadhooday dhagax tuur haddaan, toogo laga baajin 147. Tarab-tarabka shicibkaa udhiman, lagu tacshiireeye
148. Yaa bixin tacriiftii cashuur, tarango weeyaane?
149. Haddii teello loo dhigan nafaha, taas mayeedheene
150. Tiiranyooday dhibaatadan dhacde,turuqday laabtiiye
151. Tacsi gabay togdheer waani diray, dhiigi tifiqleeyey
152. Tubtay qaaday taniba ka daran, tawraddii hora e
153. Askar tuuto xidhan oo wax miri, taas ma loo joognay!
154. Ma tumaatiyin reer iyo nimaad, hebel tidhaahdaane
155. Nin waraabe taagyadan arkaa, taash ma saareene
156. Waa taallo beenaad kolkaan, toosh iftiin shido e
157. Qof hadduu tabiino uu lahayn, tabar yar ood sheegto
158. Tahna uu abaalkii ka guddin, shicibki taageeray
159. Oo weli annaa taagan odhan, taniba waa yaabe
160. Madax jecel tahniyad iyo ammaan, loo durbaan tumaye 161. Turufoole yaal qayladiyo tookh, tunbuur yar moodayso 162. Oo tawtawda hadal aan wax tarin, tiil ku dhimanaaya 163. Tunbul reero maqashiinta qaw, taas ma loo joogay?
164. Tacluusta qabyaaladdan fidiyo, tiih bulshadii haysta
165. Qudhun huursan hogaan naga tirtira, tallow ayaa sheega? 166. Tobanaan kan kune wada sharaxan, tooyashiyo reero
167. Tabyaqaan siyaasiya lawaa, tammadin raac naaye
168. Sidii timir xabaal taal hadday, kaa tukaansaniye
169. Nin is yidhi laf madhan toobin saar, tuujin ku haraadye 170. Tuulo tuulo reeraha u shiray, taas ma loo joognay!?
5

Bildhaan Vol. 15
171. Samatarow dad toodibo aan qabin, dabinka loo taaray 172. Oo taxadder foojigo war helin, talada gaadhsiine
173. Tijaarada haddii maalgashiga ,tuubo lagu nuugo
174. Tabqasee dhaqaalaha fagmiyo, taddawur kaa baaqday 175. Xukun iyo awood tasarrufkii, taas ma loo joogay!
176. Tacliintay dhigtaan jaamacado, kuma tanaadiine
177. Tacabkii dhaqaalaha ku baxay ,dayr la taagaayo
178. May ku taamin tiro-koob shaqada , inay ka tiirshaane 179. Saxaraha tahriib dheer hayaan, taniyo tiribooli
180. Talyanigaa u sii dhaafayaan, yurub intay tiigsan
181. Tahluukadii badweyn lagu haligay, taas ma loo joogay! 182. Doorasha shinkeed taagan yahay, tebis hadduu mooday 183. Sow ma tirino talaatiin bishii, tahanta aan guurno?
184. Teeraanka ciyaar lagu tartamo, teesaro diyaarsan
185. Tabkac kordhintii guurtida la sugo, taas ma loo joogay! 186. Ninka foojignaa sida Tukaha, tuuryo lala waaye
187. Goortuu tabaysigii tashaday, garay tabtoodiiye
188. Tabco dhexe ninkii lala helee, tiinka lala jiidhay
189. Tiiftiifka hirigtay marsheen, taas ma loo joogay?
190. Taakh h**e ragii cadho takh yidhi,ciil taftaafeene
191. Tamayuluq rag tii h**e bursaday, taas ma loo joogay? 192. Ninkaan galin turaabida wathtigu, wuu is tarayaaye 193. Tuska jira kaliil roob cirkaa, tiixu soo muuqdo
194. Tincad qodax gabowda tifbay, kaaga sii tagiye
195. Mujin iyo taqsiin maalin qudha, loo tacaal badiye
196. Tiyoo ruuxba ruux uu tasayn, taas ma loo joogay?
197. Tifiiyadda dadkani taaganee, tororog laynaaya
198. Ee tuban habeen iyo dharaar, timocaddii odayo
199. Tiiqtiiqsi dhiiliyo colaad, tamadac weeyaane
200. Tafantaaca hadal riiq taraa, toobbonaan malehe
201. Taageeraday labo gacmood, tahan ku yeeshaane
202. Taharow tiknoolajiyadaa, loo tartamayaaye
203. Dalkeena wax badan tooyad reer,temmin ku miisaanay 204. Tarwadhid qaran kolkii uu ku jira,waan tin guranaaye 205. Maadhiin ina tuyuubow adduun, tooman weeyaane 206. Foodkii kuwii naga tirtiray, wacadna noo toosin
207. In tahniyad abaal looga dhigo, taas ma loo joogay?
208. Afka tolan saxaafada la tigay, qufulka loo taagay
209. Garsoorka tarxiil loo jarriyo,xukun tahbiib yeedhin
210. Tarshad ceebay qarankii ku tahay, tiimbaro go’iine
6

Abwaan Sacad Axmed Xasan-roodhiile
211. Kolba nimankan tuur dhagax dhigaa, ha iska tookhaane 212. Bal aan taabto halkay boogtu tahay, waad i tabayseene 213. Afartaa tacliiq gabay baxshiyo, taan u soo joognay
214. Tuduc kale tagxeel fikir u dhigay, tawlanaan gabay dhe 215. Marbay fari tog-dheer kula xushaa, tiigsi kaa dheere 216. Marna taako kuu joogsataa, gacantu taabtaaye
217. Marbaa xadhig taxii kaa murgaa, togidda diidaaye 218. Marna tidicyo dheer kuu mudhaad, aad tafniidaaye 219. Marbaad orodka taw aad tidhaa, taag ku soo celine 220. Marna tawsta ciil kugu gudhaa, taag yaraataaye
221. Marbaad tadhaq nin raga aad u dishaa, taada biiyaaye 222. Marna geesi tabantaabisaa, toogada awdaaye
223. Marbaad hilinka toobiye heshaa,iyo hoggaan toosan 224. Marna hantaaq taraaraxa dib dhici, tootiro habaare 225. Marbaad taqwoda iimaanka xoog, lagu tijaabshaaye 226. Marna dunidan sidaan laga tagayn, taab ibliis cadawe 227. Marbaad taad u dhaqaaqdaba danta, aad tudhsiisaaye 228. Marna talaabo shay kuu jiraad, taabka gaabnaane
229. Marbaad toggag barwaaqa ah dagtaa, midhaha tuushaaye 230. Marna tafantoof cayd iyo haraad, gali tahriib dheere
231. Marbaad dawlad taag weyn toolmoon,qarankii taabiciye 232. Marna tuulo reer kiinu yaal, taaj yar kuu toliye
233. Talanteel adduunyaa ku dhisan, taxad ilaa fooqe
234. Ninka tiirka eebbe cuskadaa, tooggo-beel gaadhye 235. Ku tuntuunso diintii islaam, tani intaan joogto
236. Afartaa murtida taabagala, tax iyo weegaar dhe
237. Tuduc kale ducadii toobad doon, eebbe tu’an tuugnay 238. Eebbow calankan tawxiid ku yaal, dawladnimo taama 239. Eebbow tafaafulka qabyaaladdu, tafarruqay keentay 240. Eebbow qaranka towfiiqda maqan, tanaasul la waaye 241. Eebbow tagaabodii na sii, tawakalkii raacnay
242. Eebbow tusbaxan waxaan u rogi, waa tasbiixdaaye 243. Eebbow tafsiirkiyo quraanka, nagu talaal laabta 244. Eebbow taxliil awliyo dhigtiyo, geesi la tilmaanto 245. Eebbow talaammiidan badan, tacabbir yaaceene 246. Eebbow tufaaxaan tirsano, takliif soo yeedhe
247. Eebbow ninkii taag yaraa, uma tudhaayaane 248. Eebbow caddaaladdi ma taal, kuway taxaabeene 249. Eebbow tahdiid cago jugladaa, gure taqsiir baase 250. Eebbow badhbaa taariigoo, tayga soo xidhane
7

Bildhaan Vol. 15
251. Eebbow dhaar tallaahida guraan, taa’ib laga waaye
252. Eebbow aday taada tahay dunidan, taagan amarkaaye 253. Eebbow tamcaarodii baryada, ducada noo tiiri
254. Eebbow miskiin badh aan taakulayn,toob u soo xidhaye 255. Eebbow musheekh tabarruc badano, taqiya oo fiican
256. Eebbow takbiirtiyo dikrigaa, taajud kuu gaara
257. Eebbow tarbiyo iyo akhlaaq, dhawr taafiirtaayo
258. Eebbow tabaalaha adduun, talaf ha noo keenin
259. Eebbow ma tirin karo nimcadaa, taala dunidaaye
260. Eebbow salaadaanu tukano, tiirkan ku hanuunay
261. Eebbow danbigii toobay nidhi, khayrkii nagu toosi
262. Eebbow khayraadkan tuushay dhulkani,taraqi weeyaane 263. Eebbow tuubo caano ah na sii, lama tahriibeene Aamiin, aamiin
DHAMAAD

Macnaha Ereyada ku jira Gabayga
1. Toogobeel = Baahi-beel, kaaftoon qofko ka maarma in gacan qof kale ku tiirsanaado
2. Tooyasho = Warsasho qofka reerka uu yahay, reer maad tahay, yaa tahay qabiilka.
3. Tisayn = ooda marka la is dulsaar saaro ee meel banaan loo diido, tis oo ah ka dhigid,
4. Tigraar = Qori lagu tiiriyo shay soo dhacayey, sare u qabta, kala haya laba shay oo isku soo ciiraya.
5. Tigin = Qodin yar oo dhulka lagu taago, sida biraha taanbuuga, ama hargaha marka la dhisayo.
6. Toorayni = Waa socod toos ah degdega oo aan leex-leexad lahay
7. Togon = Laan laga soo gooyo geed biri magaydo ah oo udub dhexaad guriga arooska
ah lagu taago.
8. Moodhadh = gaadhiga ama baabuurka
9. Tawaad = Awood ama xoog, loo tawaan waaye
10. Tawaad 2 = khadka madow ee looxa quraanka lagu qoro mulcaamadda 11. Tallamay = Tashi, ka feker waxaasi sidii noqonayo
12. Tirana = Meel magaceed, caasimada dalka albania
13. Tahan = Awood ama xoog
14. Tahan 2 = Micno kale cabaar, masaafo, wa xoogaa
15. Haatif = waxaanad arkayn oo kula hadla
16. Taabud = wanaagsan, ama burji
17. Tasayn = xaqirid, yaraysasho, fogayn
18. Tookh = Faan iyo is amaanid
19. Buraashad = Weyso yar oo biyaha lagu shubto
20. Tix-maal = Abwaanka qofka suugaanta tiriya
8

Abwaan Sacad Axmed Xasan-roodhiile
21. Tallahaase = Meel magaceed, caasimada golbalka florida 22. Kansas = meel magaceed gobol maraykan
23. Tubeeka = meel magaceed caasimadda magaaladda kansas 24. Koloraado = Meel magaceed gobol ka mida maraykan
25. Taawilo = Wakhtiga soo socda wax ka sii sheegid
26. Tabaaloobid = dhibaatoobid, wax qof dhib ka gaadho
27. Tayaaq = Dhawaaq dheer oo gargaar lagu dalbanayo
28. Tahanbaabid = hungoobid, waayid waxaad filaysay
29. Toggo = Doorasho ama xulasho
30. Tasniif = suugaan qoris, gabay unkid ama bilaabid
31. Taamilo = Wax kugu dhacay oo cashar ama waano lagu qaato wixii kaa soo maray. 32. Taal = xeer h**e
33. Tamuux = Ciida dhulka, wax tammuuxda ka badan
34. Tamani = Sawirasho ama ka fekerid arrin
35. Tartar = Dhinaca garabka ama feedhaha hoos tooda
36. Teeris = Ciyaarta turubk saddex waraaqood oo kolka isku beeg maan lagu badiyo 37. Doobiga = gorof weyn oo caanaha lagu shubo
38. Toogahayn = ka warqabid siday wax yihiin
39. Tafaqsi = Xoogsi aan loo aabbadayin
40. Todraac = xeeladda lagu maalo neefka diida in la liso
41. Teeri = Waran yar oo meel la qabsado leh
42. Tabiino = waxtar af ama adig ah oo aah tarto
43. Tahna = in yarna, wax yarna, inyarna ka ma soo helin
44. Turufoole = beenaale, qof dadka been u sheega
45. Tunbul = reero ama dad meel wada degan
46. Tunbuur = Dacaw yar ama dawaco yar
47. Tacluus = xanuun baahsan oo dadka mar ku wada dhaca
48. Tammadin = Qof ku dayasho mudan oo lagu hiran karo
49. Toodibo = Digniin qab, ka war qabid
50. Taddawur = Horumar iyo wax qabad
51. Tasarruf = wax sidaad doonto ka yeelid
52. Tanaadin = Barwaaqo gaadhid
53. Tahluuko = Dhimasho dad iyo xoolaba oo dhacda
54. Tabkac = Arrin ama go’aan dhibaato mar lagu dhaafo
55. Tiiftiif = Jeex jeex dubka ama diirka sare ee qof
56. Taakh = Lugooyo ama ku hantaaq mid
57. Taftaafeene = Xanuun ku dhacay la caatoobid
58. Turaabida = kalma carabiya oo ciida ama carada
59. Tamandac = Hadal meel ka dhac ah hantaatac
60. Tafantac = Daan-daasi iyo gardaro
9

Bildhaan Vol. 15
61. Tobboon = Wanaag, fiicnaan
62. Tarwadhid = Talaxgab, awood la,aan wax qabad
63. Temmin = qiime wax lagu goosto
64. Tahbiib = Diidmo ku qasbid wax aanad qof doonayn
65. Tahdiid = Caga juglayn iyo tacaddi dadka lagula kaco
66. Tooman = wax kala dhiman, sida bilaha dayaxa
67. Tarshad = biyo ku saydhin ama shay qoyan oo kale
68. Tiimbaro = shaanbadda xafiisyada waraaqda lagu qor
69. Tacliiq = faallo ka bixin wax la sheegay sida war
70. Tagxeel = farshaxanimada wax loo dhigo, sida hadal
71. Tawlanaan = Wax isku habaysan oo isku duba ridan
72. Togidda- = Furfurmida xadhiga ama taxa
73. Tafniid = Kala baandhayn, kala bixbixid
74. Tadhaq = Nacas qof nacas ah oo seedi u dhanaanayn
75. Tootiro = Qof nasiib daran oo meeshu joogo roob ku helin
76. Taab-gaabni = Adin gaabni, cag culays
77. Tafantoof = qaq iyo qaxoonti, bayhoof
78. Toolmoon = Wanaag, wax fiican oon nusqaan lahayn
79. Tagaaboda = Taageerada caawimada
80. Tacabbir = Tahriib ama dhalandhool
81. Taa’ib = qof danbiga ka toobad keena
82. Tamcaaro = Duco ama alla bari dadku isku yimaado
83. Talaf = Dhibaato ama masiibo timaada
84. Taraqi = Qani ama barwaaqo horumar(kelmad carabi)
85. Teeraan = Garoonka ku bada lagu ciyaaro
86. Tulud = Neef geela
87. Tanaladii = kelmad ingiriisi, godadka buuraha hoos mara ama ka dhex dusa.
88. Tooxle = Balaadhan ama balac aweyn
89. Tammuun = Tuuryo sida warmaha
90. Toobal-caare = Shay la kala ergisto
91. Mantoona = meel magaceed, Gobol maraykan ka mida
92. Misiisibii = meel magaceed., gobol ka mida maraykan
93. Tu’in = sida arka loo fadhiisiyo, awrka tu,i fadhiisi
94. Taw = xoog u ordid, u dhaqaaqid, taw dhe
95. Taw = macne kale gabayga ugu jirto, erey xabashi ah oo macnihiisu yahay u kaadi, jooji, daa,
96. Guhaan = qof wuxuu sheego la arko sida gabayaa
97. Hummaag = sawir aan sifiican u muuqan sida midka abwaanku arko marka gabay tirinayo.
98. Tarraq = kabriid ka dabka laga sh*to
10

Abwaan Sacad Axmed Xasan-roodhiile
99. Tahar = hilib and baruur iyo jiidh mida ahayn 100. Tarbiico = iin lugo qalqalooca dadka qaar
101. Taangi = kaara dagaalka
102. Tawrad = dawlad sida tii kacaanka soomaaliya 103. Tabqas = dhaqaale khasaarin
104. Maqale = meel magaceed,maqaalad quumiyada tigreegu degto ee itoobiya 105. Hilin = dariiq, waddo
106. Tebis = neefka dhedig marka uu rimi waayo, uur qaadi waayo.
107. Tahlid = shay u awood waayid, ama haleelid waayid
108. Taraarax = siibasho hoos loo dhaco

10/10/2023

Madaxweynaha Soo Socda

03/08/2023

Asc Asxabta

17/04/2023
22/10/2022

Asc Dhamaan Akhayaarta

22/07/2021

Asc Dhamaan Asaxaabta pagekan Ku xidhan ciid Mubaarik

07/06/2021
03/06/2021

Waa Saddexda Guddoomiye ee Xisbiyada Qaranka JSL

08/05/2021

Ramadan Kariin Caawa 27 bishu waa Habeenkii Laga eegi jirey Laylatu Qadar.
Alle hayna waafa jiyo Khayrka Dhamaanteenba.

Aamiin Aamiin

27/04/2021

Asc

27/04/2021

Waa Salaaman tihiin dhamaan Asxaabta page-kan Ku xidhan

26/01/2021

Asalaamo Calaykum wa raxmatulaahi wa barakaatu Asxaabey

11/01/2021

Gobonimo Hawada Bidin Ruuxaad Galab Isbarateen, Hana Moodin Gacalkaa Guushaada Neceb.

17/12/2020
26/11/2020

Asc Asaxaabta dhamaan meel kasta oo ay joogaan

04/05/2020

Gobonimo Hawada Bidin Ruuxaad Galab is Barateen, Hana Moodin Gacalkaa Guushaada Ruux Neceb.

Want your business to be the top-listed Photography Service in Hargeisa?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Videos (show all)

Category

Telephone

Website

Address


Hargeisa
Hargeisa
00252
Other Photographers in Hargeisa (show all)
Engineer Abdirisaq Engineer Abdirisaq
Hargeisa, HARGAYSA

0634016371

Ridwan Buraale Ridwan Buraale
Hargeisa

Videographer, photographer and Filmmaker,

Afra Studio 1 Afra Studio 1
Wadada Abdirahman Tuur
Hargeisa

Isa Soo Shid Adoo Shidan Ha Lagu Sii Shidee

Nani photograph Nani photograph
Hargeisa

WELCOME WAAD KU MAHADSANTAHAY LAJAANQADKADA FADLAN FOLLOW DHEH THANKS MY FANS🤍

Haykal bayg Haykal bayg
Maxamed Cali Xaashi
Hargeisa, MMMM.COM

ugaaskaberbera ugaaskaberbera
Hargeisa, BERBERAPORTE

ugaaskaberbera

Nasil photographer Nasil photographer
Hadiiya
Hargeisa

Maria Car rental and decoration Maria Car rental and decoration
Togdheer
Hargeisa

Waxaan ahay adoon ilaahay

ZAAQO media ZAAQO media
Hargeisa

halkan ka hel waxa ku cajaap galiya

Apdala Adam Apdala Adam
Hargeisa

📸

Mustaphe IsmaciiL updi Mustaphe IsmaciiL updi
Hargeisa, �