Alool Consulting

Alool Consulting

You may also like

Tadda
Tadda

Largest Somali Online Shopping Center

12/12/2022

"Waxaan Addis Ababa Ku Arkay Nin Somaliland Laga Keenay Oo dhuunta Laga Dalooliyay, lagana Waayay Kalyo Xanuun"

Muniir Ahmed Egal Abtigay Muddo ayaanu Addis wada joognay oo Aabihii waday Ana Aan Aabahay Keenay Addis Dhacdooyin-ka uu sheegay badankooda aniga marag iyo Markhaayi u ah, Qofkasta oo meeshan yimaada Waa dhibane ka soo cararay hargaysadii Dalqadu joogeen.

1:- Innanta Hargeisa ka timid e daawooyinka Tp-da lugu guray isku Hotel baanu daganayn muddo markii dambana laga waayey.

2:- Ninka dhuunta laga dalooliyey e la yidhi kalyaha ku shaqaynayn waa nin weyn oo reer Hargeisa ah Markii dambana la yidhi kalyahaagu waa Fay.

3:- innanka reer Burco e intay xumadi ku dhacday Iraab-ka Qaldan la siiyey e Addis ku geeriyooday isna waan arkay.

4:- Ninka kansalka hargeisa lugu sheegey e hillibka laga jaray daawoo kansal la siiyey e Addis la keenay ee laga waayey kansalkii laga waayey.

5:- Ninka hargaysa la yidhi tuumbo gaastari baa lugugu dhaadhicinaya e ay naafadda ka dhigtay isna xaadir baan u ahaa .

6:- Ninka Reer Burco la yidhi kalyaha ku istaagay e Addis la keenay usbuucii h**e e la yidhi midh kuma hayo e dalkaagii ku noqo

Dhakhaatiirta hargeisa Inay Gaaladdu ka naxariis iyo wanaag badan tahay waa marag ma doon Aniguna indhahaan soo saaray oo maaha mid aan beensanayo ama maraakhi loo doonayo.

Dhakhtar-kii Neurosurgery ahaa e aan hargeisa 30$ ugu galay Addis waxaan ugu galay 300bir{ 2.8$ }kaaga sii darane dawooyin-kii Aanu hargeisa kalatagnay midwalba markay naga dhamaato dhakhtar-ka ama pharmacy-kasta oo aanu ula tagnaa Wuu nala yaaba daawoo kale oo lamida laakiin kala wadan yihiin bu nasiiyaa sababta markaanu weydiina wuxuu noo sheegaa inaanay tani ahayn daawo tayo leh oo qof la siin karo, sidaas darteeda Wuu naga badalaa.

Wiilasheena Turjumaanada ah hadaad waraysyo Naxdin iyo Amakagag baad u dhimanaysa,Intan oo qudha luma soo koobi karno Halaaga iyo Gumaadka umadeenii ku socda cid la xisaabtanta aan la haynin 😢

M. Adem

08/02/2022

Nin dalkiisa la soo halgamay! Ex wasiir Cali Warancadde.🙌

Photos from Somaliland Miracle Of Africa's post 08/02/2022

This is in no bombing, no 🔫 to the citizens people gathered with police, dancing & cheering together. because of peace in that's why as African we asking for . the beautiful country from the Hon of Africa. speak🔊louder as African.

Dr. Kamtu, from Tanzania.

Photos from Somaliland Miracle Of Africa's post 08/02/2022

"Taiwan xulafo keliya lama aha Somaliland, balse waxay noqotay/tahay qayb kammida dadkayaga iyo dalkayaga"

Wasiir Eisa Kayd ayaa sidaas |kiisa ku daabacay, kaddib soo dhaweyntii ballaadnnayd ee isaga iyo weftigiisa loo sameeyay.

07/02/2022

Jannadii galbeedka ahaydaa!❤
💚🤍❤

05/02/2022

What a citizen! Fariidyar oo |ad ah oo calanka dalkeeda ku faanaysa.💪🥰

Nacabka sidaas halloo buufiyo.

Photos from Somaliland Miracle Of Africa's post 05/02/2022

App'ka ay isticmaalaan dadka safarrada gala oo ah App dunida aad looga isticmaalo ayaa si waadax ah u muujiyey khariidadda (Map) jamhuuriyadda Somaliland.💪👏 "VISITED" ayaa la yidhaa Appka.

Photos from Somaliland Miracle Of Africa's post 05/02/2022

⭐️ White Star= representing 5 Federal States of Somalia. . 💯

⭐ Xiddigta cad = waxay u taagan tahay 5'ta maammul goboleed/beeleed ee Soomaaliya. Shan soomaaliyeed uma taagna, marka xaqiiqda laga wada hadlayo!

04/02/2022

Calanka jamhuuriyadda Somaliland si waadax ah buu uga dhex muuqdaa calamada Africa.

Sidoo kale wasiirka arrimaha dibadedda JSL ayaa ka qayb galaya shirka berri Addis Abba uga furmaya hoggaamiyeyaasha Africa.

04/02/2022

Maalmo badan baa fuluhu shakiyey!

Jamhuuriyaddan Somaliland waxay soo martay marxalado adag iyo maalmo badan oo uu fuluhu shakiyey oo is yidhi malaha maanta ayaa lagu kala yaacayaa!

Waa laga soo gudbay oo maanta dhinac walba marka aad eegto Somaliland waa hormuudka geeska iyo Afrikaba; dabcan way jiraan wax badan oo sixid u baahani, sidaas oo ay tahay haddana waa in aynu ilaashannaa dalkeenna.

Waligeedba way jirtey xanafta doorashu oo teeram kasta madaxweynaha jooga tolkii waa la tuhmi jirey, wax cusub ma aha!

Reerkiinna oo la caayo oo la dacaayadeeyaa ma'ah wax looga tanaasulo "Somaliland", mana ah mid ay aqbalayaan dadka u oomman koboca qarankan.

Ninka maanta leh danta reerkayaga ayaan ka horumarinayaa ta qaranka, habeen ma jirin kaasi. Waxaase innala gudboon markan in aanad ku qancin wax ka hooseeya "Somaliland".

Ugu danbayn, farriinta aan dhallinyarada reer Somaliland u dirayaa waxay tahay:

Dhallinyarooy idinkaa ah ubaxii waddankiinna, idinkaa ah ragga kuraasta dalka looga arriminayo berri ku fadhiisanayaa, idinkaa ah ubaxda iyo halbawlaha qarankiinna; yaan la'idin kala qaybin oo aan dalkiinna la'idin nacsiin oo nin siyaasi ahi idinka dhigan jaranjaro uu dantiisa ku gaadho.

Waxa kaliya ee inna deeqaa waa "Qarannimo" ee waxba innoo tari mayso "Qabyaaladi". Waxaynu xaq u leennahay waxbarasho tayo leh, caafimaad tayo leh bilaash ah iyo baahiyaha aasaasiga ah oo aynu helno; taasna waxaynu ku gaadhayna Somaliland oo wax noqota.

Waxaan rajeynayaa in wacyigiinnu kordho oo uu qof walliba iskii uga fikiro mustaqbalkiisa, ka dadkiisa iyo midka dalkiisa.

Wabbillaahi Tawfiiq

Jimce wanaagsan 🙏

Xuquuda Qoraalka: Somaliland Miracle Of Africa

04/02/2022

Waxa aan waxooga kaddib idinla wadaagi wadaagi doonaa qoraal kooban oo nuxurkiisu sida aan filayo idin qancin doono, Insha-Allah.

Photos from Somaliland Miracle Of Africa's post 02/02/2022

Madaxwayne Biixi, ayaa u soo jeediyay shacabka Somaliland inay ku daydaan dalalkan: - Rwanda - Japan iyo Jarmalka ...

Sababta uu madaxweyne Biixi taladan usoo jeediyey waa maxay ?

• Rwanda: dagaal sokeeye ayaa ka dhacay oo hogaamiye saxan ayay Helen oo dhib udhisay dalkooda.

• Japan: waxa lagu dhuftay bom nukliyeer ah oo magaalooyinka Hiroshima iyo Nagasaki ayaa dhulka lala simay, kadib wey isku tashadeen oo maanta waa dalka 3aad ugu dhaqaalaha badan adduunka.

• Germany : waxa lagu jabiyey dagalkii labaad ee dunida, wey kufeen laakiin boodhka ayay iska tumeen oo wey kaceen.

Somaliland, sidaas si lammid ah waxa ka dhacay xasuuq ba'an iyo burburin; maanta se Alle mahaddii meeshii ugu wanaagsanayd bay maraysaa, waana in ay halkaas dedaalka ka wadaan.

Sawirrada: Rwanda, Japan, Germany iyo Somaliland; sida ay u kala horreeyaan.

Somaliland Miracle Of Africa

02/02/2022

''Ma jeceli dhibkooda (Muqdisho), waan u ducaynaynaa, waa walaalahayo soo kora ayaan leennahay'' Madaxwayne Biixi.

02/02/2022
02/02/2022

"Burco waxaannu ka dhisnay dhisme afar villo ah oo noqonaya miiska saraakiisha ciidanka qaranka oo qalabayntii ayaa noo dhiman, se sannadkan ayaannu furaynaa IA."

Sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani,
Taliyaha ciidanka qaranka JSL.

Somaliland Miracle Of Africa

Photos from Somaliland Miracle Of Africa's post 02/02/2022

Hambalyo Hambalyo Hambalyo

Hambalyo, dhammaan naftood-hurayaasha ciidanka qaranka jamhuuriyadda Somaliland sannadguuradooda 28aad ee aasaaskooda. 🥰💯
Waxaan hambalyeynayaa Taliyeyaasha, Saraakiisha iyo dhammaan heerarka kala duwan ee naftood hurayaasha Qaranka; si gaara waxaan u hambalyaynayaa ragga/ciidanka jiidaha ku jira oo qoysaskoodii iyo ubadkoodii uga yimid si ay u difaacaan qarankooda.

Waxaad dalkiinna ugu shaqaysaan si nafhurnimo leh, daacadnimo iyo karti dheeraada leh. Sharaf, xushmad, karaamo iyo mudnaan ayay dadkiinnu idiin hayaan.

Guulaysta ciidankayhiiyow.

30/01/2022

Markaad Khuum Khaam xaqiisa soo dhicisaan, bal aynu wada baadi doono Alle ha u raxmadee xaqii Gaashaanle Dalmar, aynu si wada jira dawlada uga codsano gacan ku dhiiglihii Sarkaalkaa qarankiisa cadowka ka hor joogay dulmiga ku dilay ee dhiigiisa daadiyay in deg deg loogu qisaaso.

Labada dhacdo ee midi dilka tahay, midina Inanka 200$ laga dulmiyay ee maalmaha kala dambeeyay siday u kala culus yihiin iyo sida looga kala hadlay markaad dhugato waxa kuu soo baxay noocada bulshadeena.

Sidii aad Khuum Khaam sawirkiisa dhamaan Bogaga dawlada ugu comment garaynayseen ee aad inuu xaqiisa helo ugu dagaalamayseen, Dalmarna ugu comment gareeya oo inuu cadaalad helo dawlada ku khasba, haddii kale waxa socdaa waa iska munaafaqad, qabyaalad iyo qof jeclaysi uun.

Alle Khayrka ha ina waafajiyo.

W/Q: Ahmed Mohamed

Photos from Somaliland Miracle Of Africa's post 22/01/2022

Wuxu yidhi: " Calanka dalkayaga waxa aan qaataa markasta oo aan safar galayo. Dadku waxa ay i weydiiyaan calankan dalkee baa leh ? Anna waxaan u sheegaa inuu yahay calanka Jamhuuriyadda Somaliland. Waxay iga codsadaan inay sawirro ka qaataan."

Waa qisada heerka waddannimo ee Zaki, oo ah Muwaaddin reer Somaliland ah oo ku nool dalka Kazakhstan.

Somaliland Miracle Of Africa


💚💭❤

22/01/2022

Dareen muujinaya rajo weyn.❤

Hooyooyinkeen Alle ha barakeeyo; waa hormuudka halgankii iyo hoggaanka maanta.😊

Proud to be Somalilander.

Photos from Somaliland Miracle Of Africa's post 22/01/2022

Shucuubta Jamhuuriyadda barakaysan ee maanta waxay muujiyeen shucuurtooda ku dhisan doonista ku aaddan go'aanka ay xaqa u leeyihiin ee gooni isku taagga dalkooda .

Be proud to be Somalilander - Alhamdulillah ❤

Photos from Somaliland Miracle Of Africa's post 22/01/2022

Captain Suhur Fathi Moukhtar, sarkaalad ka tirsan ciidanka badda Jamhuuriyadda . -

21/01/2022

Dalalka Afrikaanka ah ee la filayo in sannadkan 2022-ka doorashooyin ka dhacaan, Somaliland ayaa ugu horreysa.

Waa 17 dal oo sannadkan la qorsheeyey inay doorashooyin ka dhacaan, sida uu baahiyey machadka culuunta ammaanka ( ).

Muraayadda Afrikaanku iska dhex daawan doonaan inay Somaliland tahay, hadal k**a taagna.

Somaliland Miracle Of Africa

21/01/2022

Good evening to everyone - best wishes from .😍 💚🗯❤

19/01/2022

Wasiir raad barad ah “junior” baa shalay isku daydey in ay faro galiso arrin Parliamentku gacanta ku hayo, maanta waxa loo sheegay in ay tahay qof aan waayo arag ahayn, loona baahan yahay in ay fahamto sida shaqada loo kala leeyahay.

Waxa la xusuusiyey, arrinku marka uu yahay mid siyaasad samayn la xidhiidha, doorka ugu weyn waxa leh Baarlamaanka, kaas oo hadda Somaliland u arka xaqiiqo aan indhaha laga qarsan karin.

Waa Gaving Williamson oo u jawaabayay wasiirka Afrika u qaabbilsan Britain oo xalay sheegatay in ay Somaliland la xaajooto Soomaaliya.

Xaqiiqatan xildhibaan Gavid Williamson wuxuu u hagar baxay sidii uu qaddiyadda dalkaaga uga dhaadhicin lahaa dawladdiisa.

18/01/2022

Xildhibaan Gavin Williamson: ''Innaga oo baahan oo dagaal ku jirna ayay Somaliland inoo hiilisay oo ina garab istaagtay oo dhallinyaradoodii inoo soo direen si ay inoogu dagaalamaan oo inoo difaacaan. Maanta ayay iyaguna inoo baahanyhiin ee aynu garab istaagno oo aqoonsanno.''

- Sammo Omar

18/01/2022

"'Doorashadii Somaliland ee 2003 ka dhacday ee 80-ka cod lagu kala badiyey, haddii ay Maraykan ka dhici lahayd oo Donald Trump ku dhici lahayd, way adkaan lahayd in odayga kursiga laga furfuro.''

Xidhibaan Kerry McCharthy, ayaa sidaas ka hor sheegtay baarlammanka UK.

. - Sammo Omar

18/01/2022

Su'aashii ugu cajiibsanayd ee la hordhigey wasiirka arrimaha dibadda Britain.👇

Wasiirka Xafiiska Arrimaha Debedda Chris Heaton-Harris: ''Arrinta aqoonsiga Somaliland waxay u taallaa dadka reer Somaliland, reer Soomaaliya iyo waddamada mandaqadda.''

Xildhibaan Rushanara Ali: ''Waddanka aan ku dashay ee aan asal ahaan kasoo jeedo ee Bangaladish markii ay ka go'ayeen Pakistan, dawladda UK dhex k**ay noqon oo may odhan arrinta kala go'a labada dal waxay u taallaa Pakistan ee waxa ay taageereen madax-bannaanida Bangaladish. Miyaanay ahayn arrin laba wajiilennimo ah in maanta UK tidhaahdo arrinta aqoonsiga Somaliland waxay u taallaa Soomaaliya?"

- Sammo Omar.

18/01/2022

Dood qurux badan ayaa ka dhacday Baarlammanka UK oo wasiirka arrimaha dibadda la hordhigay su'aalo u baahnaa jawaab.

Qolyaha kacaanka ha ogaadeen kulankani waxa uu ahaa kii guddi hoosaadka arrimaha dibada ee ma'ahayn mid guud, markaas kaar xummad jabin ah waad ka dhigan kartaan sawirkan!

Taas marka laga yimaaddo, in aad baarlammanka boqortooyada 30 xildhibaan oo qaddiyaddaada faafiya ku lahaataa maaha mid fudud.

18/01/2022

"Qarammadeennu waxay leeyihiin xidhiidh taariikhiya oo dheer, immikana waa xilligii aynu si wada jira taariikh u samayn lahayn"

Mr.Gavin Williamson ayaa sidaas yidhi, xilli uu ka jawaabayay mahadcelin uu u direy madaxweyne Biixi.

Xaqiiqada ayay wax walba isagu imanayaan.💪

Photos from Somaliland Miracle Of Africa's post 18/01/2022

Maalinba nin bay caashaqdaa, caga wadaadleye..😂🙈

Weedhsame kii yaraa ee caasiyoobay Automatic bom buu ku dhuftey.😹

18/01/2022

"Dhammaan reer Somaliland gude iyo dibadba waxa ay sugayaan damacan xaqa ah (doodda aqoonsiga ee caawa)"

Madaxweyne Biixi oo u mahadcelinaya Gavid Williamson.

18/01/2022

Muwaaddin reer Somalia ah ayaa qorey qoraalkan hoose:

Hadda ka hor waqti ku dhaw markii Itoobiyaan ku Xamar ka bexeen dowladdii Shiikh Shariifna weli dagaal ku socdo ayaa Shiikh Shibilli oo Nairobi muxaadaro ku qabanaya su’aal la weydiiyey.

Su’aalaha dadku warqad ayey kusoo qorayeen kadibna Shiikha ayaa loo gudbinayaa su’aasha bes oo aan magac la socon. Waxaa la weydiiyey su’aal ahayd Shiikhow dowladdaan cusub malagu jihaadi karaa mise waxay ahayd Alshabaab dagaal koodu sax miyaa, markaas ayuu yiri intaanan su’aasha ka jawaabin qofka i weydiiyey gacanta ha taago, masaajidka oo dhan ayaa halmar la qoslay, qof gacanta taagana waala waayey, isna waa ga gudbay su’aashii oo k**a jawaabin.

Hadda bal haba la is bartee waayo qofka Koonfur jooga ee Somaliland diidan?

Anigu waxaan aaminsanahay iyadoo xaaladda Koonfureed sida maanta noo muuqata tahay oo Xamar iyo Jowhar diyaarad loo kala raacayo, Siyaasadda Hirshabelle keliya afarsano la xallin la’yahay, oo dalka oo dhan aysan jirin meel gole deegaan lagu dooran karo, ammaan kii la hanan la’yahay, Dhuusamareeb iyo Cadaado kala go’i rabaan sida Shabeellloyinka iyo Jubooyinka, inagoo mashaakilka intaas la eg dhex jiifna inaan Somaliland isku taagno waxaan u arkaa halagaa sheego iyo war tiro.

Saaxiibada qaar ayaa yiri Somaliland haddii la fasaxo Puntland na waxey leedahay ha nala fasaxo, saa waa tiri yaa balaayo oo Koonfur u xilsaaray Ambassador ka Midnimada iyadoo gudaheedi sidaan u kala daadsanyahay, midda kale siyaasiyiinta Puntland sow kuwa hadda u ole-oleynaya Confederal maahan, oo Federaalkii iyadu ay keentay ku filnaan waayey.

Reer Somaliland waa dad waxey leeyihiin sameystay, waa dad waxey jecelyihiin haysta, kuna bixinaya qiima kasta oo ay ugu kacdo, waana ku aamanaan yihiin ee adigu maxaad haystaa? Soomaaliya iyo midnimo ayaan jeclahay waxaa ku dhuunta mid kasta oo dadkiisa iyo deegaan kiisu dayacanyihiin sida reer Koonfurka, waa shucaac xaqiiqada looga dhuunto, inaad Somaliland diidantahayna waddani ku noqon maysid.

W/Q. Maxamed Royal oo ah muwaaddiin ka soo jeeda dalka aynu jaarka nahay ee Somalia.

18/01/2022

"Ictiraafku wuu daahay"

"Safar dhawr jeer ah oo aan ku tagay Somaliland, waxaan akhristey halgankii iskacaabbineed ee dadkaas. Ictiraafku wuu daahay! Waxaan rajaynayaa in baarlammanka Britain at h**ey u wadi doonaan"

Waxa sidaas bartiisa twitterka ku daabacay Prof. Kindeya Gebrehiwot, oo ahaa madacweynaha jaamacadda Mekelle.

18/01/2022

Reer Somaliland'now barta dagaalka Social Media'ha!

Casrigan hubka ugu weyn ee lagu dagaallamaa waa Baraha Bulshada, ee maxaa idinka idin nasakhay!

Qaddiyadda Aqoonsiga Somaliland ee maanta Baarlammanka UK ka doodi doono iyo safarka madaxweyne Biixi ee Ethiopia waa labada qodob ee maanta loogu hadal haynta badan yahay.

Waad yaabaysaa markaad aragto dagaalka CBB iyo hadhaagii kacaanku ay ku qaadayaan qofkasta oo soo hadal qaada maanta.

Haddaba maxaa idinkana reer Somaliland'now idiin diidey inaad afkiinna ku difaacdaan Qarankiinna ?!

Haddii aanad hal weedh oo aad dalkaaga ku difaacayso qori karayn, maxaad lacagtaada ugu khasaarinaysaa "Internetka" ?

Maanta oo dhan anigu (Admin) waxa aan dagaal kaga jirey Twitter oo qadaadweyn abaabulini weerer Ku hayaan Somaliland supporters.

Afku wuxu la xoog yahay magliga, xawda kaa jara.

, iyo aad siiso postyada aannu soo dhigaynaa waa noo dhiirrigelin iyo shidaal.

Mahadsanidiin.

Photos from Somaliland Miracle Of Africa's post 18/01/2022

Hawshii way socotaa, anaguna taageerada ayaan wadnaa. Guushu way dhawdahay, qaar ka mid ah saaxiibada yada ah ee sawirada igula jira ayaan dhamaantood ku dhiiri geliyay in ay taageeraan iyo uu miiska soo dhigay.

Waa gurigii baarlamaanka oo ay ka socoto dooda ah in ay aqoonsato . Dalal badan oo aduunka ka mid ah ayaa hadal haya sidii ay u aqoonsan lahaayeen

W/Q. Cawaale Shirwac, wasiirkii h**e ee qorshaynta Jamahuuriyadda Somaliland.

Photos from Somaliland Miracle Of Africa's post 18/01/2022

Midnimo dhimatuu kusii dheggenyee
Dhagaha ugu rida inaanay dhacayn !

Socotey oo dhaqaaqdey jamhuuriyaddu.❤🙏

Dhankaana dhan dheh.
❤💪

Want your business to be the top-listed Business in Hargeisa?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Telephone

Website

Address


Hargeisa
Other Business Services in Hargeisa (show all)
Najax Online Najax Online
Hargeisa

Hamda oline Hamda oline
Hargeisa

Muujiye Multi-Service Muujiye Multi-Service
Hargeisa

Ku Xidhnow Page-ka Muujiye Multi-Service

MUSHI  PAGE MUSHI PAGE
Jigjigayer
Hargeisa

Deegaan Bilciye Deegaan Bilciye
26june, Road
Hargeisa

Qumane Qumane
Mubarigcali01@gmail. Com
Hargeisa

Sompress For Printing & Translation Services Sompress For Printing & Translation Services
Ibraahin Dheere Street
Hargeisa, 252

Shirkadda Sixidda, Qurxinta, Astaamaynta, Turjumidda & Daabicidda Buugaagta.

AAYATIIN ONLINE MARKET AAYATIIN ONLINE MARKET
Hargeisa

Online market

Ilwaadsan Collection Ilwaadsan Collection
150 Street
Hargeisa, 252

ILWAADSAN COLLECTION waa casriya oo online waxa ku iibisa

Zuniyoh market Zuniyoh market
Hargeisa

Sead abdi gahnug Sead abdi gahnug
633397347
Hargeisa