Dhidib
"Qoraal tayo leh iyo qoraa xirfad leh" waa u jeeddada ugu weyn ee Dhidib
"Waxa aan noloshayda ku dhisaa buuggaag,sida guryaha loogu dhiso dhagaxaanta"
Habeen wanaagsan saaxiibbayaal.
Subax wanaagsan saxiibbayaal.
"Akhriska buugaagtu waxa uu kor u qaadaa derejada hab-fikirka maankeenna,taasi oo ina dhaxalsiinaysa in aynu noqonno ummad garashadeedu sarrayso"
Afar iyo sagaashan jir welina wax akhrinaya waxna qoraya.
Noam Chomsky - mid ka mid ah qoraayada iyo aqoonyahannada dadweynaha Maraykanka ee ugu qiimaha badan.
Nolosheenna waxa ugu badan ee qurxiyaa waa qalinka iyo xasuus-qoraaleedka.
"Wixii la qoro ayaa quruumo ka hadha"
Habeen wanaagsan saaxiibbayaal.
Meheradaha iyo carwooyinka waxaynu u tagnaa si aynu ugasoo korodhsanno adeegyo aasaasi ah oo dusheenna qurxinaya,kuwo jidhkeenna asturaya iyo ilaa kuwo baahiyeheenna ka baxsan. Haddaba sidee ayeynu u ilownay in aynu kasoo adeeganno maktabadaha iyo fagaarayaasha ay ku keydsanyihiin caqliyo iyo hanti qurxinaysa maankeenna,nolosheenna iyo guud ahaan dunideenna oo dhan?
Tani waa maalgelin nafeed,taas oo ugu mudan meel laga durduurto.
Kusoo biir hoyga qoraaga iyo qoraalka suubban-- Dhidib.
Dareennada ugu saamaynta badan ayey kamid yihiin kuwa qoraal ahaan loo kaydiyo xilliyada duruufaha,waxba k**a dawo aha catoowga iyo calaacalka afka lagu koobo.
Sawir dareen leh oo hadlaya!😪
✍Darwiish-Waddani
Qoraanimadu ma xirfad la baran karo ayaa mise waa hibo shaqsiyaad u gaar ah?
Dabcan,dad badan ayay maankooda ka dhex-guuxaysaa weydiintani,iyada oo aanay jirin meel loogu hagaago warcelinteeda ama aanu jirin kayd aqooneed oo ku saabsan qoraanimada--kaas oo ku qoran afkeenna iyo buuggaagteenna toonna. Marka aynu eegno dhanka aragtida bulshaawiga ah ee dadka dhexdeedo ku wareegta,waxaa jira khilaaf ba'an oo hadheeyey warcelinta dhabta ah ee ku aaddan weydiintan,kaas oo khalkhal geliyey dad badan oo ay maskaxdooda hadhaysay weydiintaasi. Haddaba innaga oo ka duulayna middaas waxa aynu isku deyi doonna in aynu isbarbardhig ku samaynno labada aragtiyood ee is-garab-yaallaa:.
Si aynu u kala saaeno labadaas doodood waxa aynu ku salayn doonnaa aragti caalami ah oo lagu kala saaro xirfadda iyo hibada;taas oo odhanaysa"If you can learn, is a skill. but if is innate on your self, is a talent" oo micneheedu yahay'haddii la baran karo waa xirfad,balse haddii ay tahay karti nafta ku abuuran oo keli ah waxa ay noqonaysaa hibo gaar ah' haddaba marka aynu qoraanimada ku eegno halbeeggan waxa aynu si fudud u garan karnaa in ay tahay xirfad la baran karo iyo in ay tahay hibo gaar ah oo aan cidkastaaba baran karin. Ka shaqsi ahaan anigu waxa aan qabaa in ay tahay xirfad cidkastaaba baran karto,haddii ay la timaaddo dedaalkeeda iyo aqoonteeda. Waxa aanan cuskanayaa laba tilmaamood oo ay lagama maarmaan u tahay qoraanimada,kuwaas oo uu qoraa kastaaba raaco si uu u gaadho yoolkiisa qoraanimo. Tilmaamahaasi waxa ay kala yihiin:
1) ku tababarashada (2) iyo aqoonta
Labadan tiir waxa ay kamid yihiin kuwa aanay xirfaddaasi hirgeli karayn iyaga la'aantood,oo qoraa kastaaba waxa uu ku dadaalaa tababarka qoraanimada iyo aqoon korodhsiga,si ay uga caawiso khibrad ku aaddan nooca qoraanimada uu rabo iyo mawduuca uu doonayo in uu wax ka qoro. Ninna ma noqon qoraa,aan ka ahayn mid kasoo baxay shuruudahaas iyo kuwo kale oo door ah,haddaba tani waxa ay beeninaysaa aragtidii ahayd qoraanimadu ma ahan xirfad la baran karo,waxa ayna ina tusinaysaa in ciddii la timaada dedaalkeeda ay noqon karto qoraa dhamaystiran.
Ugu danbeyntii waxa qodobbadaas kore waxa aynu ka baran karnaa sida ay suurtagal u tahay in la baran karo xirfad kasta oo la isku dayo,dedaalkeedana lala yimaaddo.
Kusoo biir hoyga qoraalka iyo hillinka qoraaga ee Dhidib
"Qoraanimadu waxa ay u baahantahay dulqaad iyo dedeaal"
Nolosha oo dhan ayaa ka samaysan kadeed iyo kar-adayg,mana jiro adduunka shay si sahal ah looga gungaadho ama si dhib yar lagu hanto,xataa haba ahaado mid iska yar. Balse midda ugu muhiimsan ee la rabo in aynu ku baraarugsannaanno ayaa ah samirka iyo hal-adaygga,waana midda keli ah ee kuu sahli karaysa in aad doonistaada hanatid. Waxaan uga socdaa middaas in mihnadda qoraanimadu ay fududdahay sida loo sheegto balse ay adagtahay ku sii negaanteedu,inyar oo dadka kamid ah ayaa dhab ahaan u noqda qoraayo heersare ah--oo waxsoosaarkooda lagu tanaado. Dabcan waxa aynu arki karnaa tirada qoraayada buuxdhaafiyey dunida iyo maxsuulka tayadooda farqiga u dhexeeya,taasi waxa ay ku tusinaysaa in tiro badan oo kamid ahi ay magaca uun xambaarsanyihiin,dhab ahaantiise aanay ahayn qoraayo rasmi ah. Ma kuu sheegaa hal talo oo kaa dhigi karta heerka qoraanimada ee aad ku taamayso? Haa! Waxkale ma ahan 'waa hadba inta uu dedaalkaaga iyo dulqaadkaagu le'egyahay'
Ku soo biir hoyga qoraaga iyo hibada qoraalka Dhidib
Qoraanimada
_____________
Xirfadda qoraanimadu waa mid kamid ah haybadaha uu Alle ku mannaysto qayb kamid ah addoomihiisa,waa xirfad ay shaqsiyaad gaar ahi hibo u leeyihiin,inkasta oo muddooyinkii danbe si qoto dheer loo fahmay oo waxbadan laga ogaaday,ilaa laga gaadhay in sida xirfadaha kale loo barto. Dad badan ayaa jecel in ay mar uun gaadhaan heer qoraanimo oo ay ku soo biiraan saaxadda qoraalka iyo qalinlayda. Dunida marka la eego xirfaddan qoraanimadu waxa ay gaadhsiisantahay heer aad u sarreeya oo qiimo gaar ah loo hayo.
Dhidib oo ah bar aan ugu talagalnay horumarinta qoraalka iyo warbixinnada xirfadda qoraanimada ayaan rajaynaynaa in aan si joogto ah ugu bandhigno halkan,si ay uga faa'idaystaan qoraayada iyo qalinlayda xiisaysa xirfadda. Haddaba si aad uga bogato xogahaas iyo warbixinnaadaas ku soo biir boggan.
Habeen wanaagsan
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the public figure
Website
Address
Laascaanood
1432
Khaatumo
Laascaanood
kusoo dhawaada pageka codka jamaahiirta ssc fadlan follow dheh hadaa Reer ssc tahay
Laascaanood
Qofkasta wuxuu ku faanaa diintiisa,dalkiisa, iyo dadkiisa waa in dhalintu maanta joogta ku faantaa.
Laascaanood
waa abwaan kaagii oo kule nagu soobiir saaxiib oo igula saaxiib page kan mahadsanid