Somali Police PIO

This is a page dedicated to the Somali Police, as to feed the Community by the Police Information Office.

The Somali Police Force (SPF) (Somali: Ciidanka Booliska Soomaaliya (CBS); Arabic: قوة شرطة صومالية) is the national police force and the main civil law enforcement agency of Somalia. Established upon independence in 1960, it served as one of the principal organs of the Somali Armed Forces. After the start of the civil war in the early 1990s, the Somali Police Force essentially ceased to operate.

02/01/2024

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka Taleefanka ay ku wada xiriireen dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siis ayaa ka wada hadlay xaaladda gobolka iyo danaha ay wadijrka u wadaagaan Labada shacab ee walaalaha ah.
Labada Madaxweyne ayaa kawada hadlay xoojinta iskaashiga taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Masar, iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada lagu wajahayo caqabadaha wadajirka ah ee gobolka.

02/01/2024

Taliyaha Ciidanka Boliiska Sulub Axmed Firin” Dagaalka Khawaarijta waxa nagu dhiirri geliyay shacabka Soomaaliyeed.

02/01/2024

CIIDANKA BOLIISKA SOOMAALIYEED OO GACANTA KU DHIGAY EEDEYSANE DIL GEYSTAY
Ciidanka Saldhiga Boliiska Degmada Hodon, ayaa galabta 02.Jan.2024 abaare 17:40 PM, gacanta ku dhigay qof rag ah oo ku eedeysan inuu dilay Marxuumad Khadiijo Siyaad Maxamed ina hooyo Saliimo Cumar Cismaan 43 jir ah, kana mid aheyd shaqaalaha Nadaafada ee Degmada Hodon.
Eedeysane Ibraahim Aadan Maadeey ina hooyo Nuurto Cabdi Cabdulle 19 jir ah ku dhashay Shabeellaha Hoose degan Ceelasha Biyaha, ayaa ciidanku gacanta ku dhigeen, xiligii uu dilka geystay, wuxuu isku dayay inuu Ciidanka iska difaac, Balse waxaa suurta gashay in la qabto isaga oo dhaawac ah iyo hubkii uu falka ku geystay.
Eedeysanaha oo dhaawac ah ayey Ciidanku gacanta ku hayaan, waxaana la waafajin doonaa Garsoorka awooda u leh si uu cadaalad u maro.
Mahadsanidiin.

02/01/2024

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa ku dhawaaqay in bilowga sanadka cusub ee 2024 la qaadi doono qeybo badan oo kamid ah dhagaxyada amni ee yaalla waddooyinka mag

02/01/2024

SHIRKA SOO BANDHIGIDA HORUMARKA IYO GUULAHA LAGA GAARAY AMNIGA CAASIMADDA 2023 IYO SII JOOGTEYN-TOODA 2024.

02/01/2024

Afhayeenka Xukuumadda Farhan Jimale ayaa akhriyay go’aammada Golaha Wasiirrada oo shir aan caadi ahayn oo uu guddominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumaadda JFS kaga soo saareen qaraar ku saabsan xadgudubka Dawladda Itoobiya e

02/01/2024

Khudbadda Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee kulanka deg dega ah ee Baarlamaanka Federaal ka Soomaaliya.

02/01/2024

Taako kamid ah Dhulkeenna, Baddeenna iyo Hawadeenna laguma soo xad-gudbi karo, waana difaaceynaa, “Ra’iisul Wasaare Xamsa.

02/01/2024

Go'aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya - waxaa akhriyay Afhayeenka Xukuumadda

21/12/2023

Madaxweyne Xasan Sheekh Gacmo Daahir ahaa wax Daahiriyaa la yiriyee Boliisku isagu ha is Daahiriyo.

21/12/2023

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay 80 sano guurada Boliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in dowladdu Shirkii New york geysay qorshaha dowladda ee amniga Qaranka.

21/12/2023

Khudbadda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed ee Sanadguurada 80aad ee Aasaaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

21/12/2023

Taliyaha Ciidanka Boliiska General Sulub Axmed Firin ayaa sheegay in sannadkii tagay talisku hormarin ballaaran ku sameeyey boliiska.

21/12/2023

DABBAAL DEGGA 80 SANO GUURADA AAS AASKA BOLIISKA SOOMAALIYEED 20-12-2023

21/12/2023

#2023 DABBAAL DEGGA 80 SANO GUURADA AAS AASKA BOLIISKA SOOMAALIYEED

16/10/2023

Tacsi

Inaa lilaahi wa inaa ilaahi raajicuun.
Bahda Xafiiska Warbaahinta iyo Xariirka Dadweynaha ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, waxey tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii, eheladii, Bahda Warbaahinta iyo Ummadda Soomaaliyeed, geeri ku timid Saxafi Agaasime Cabdifitaax Nuur (Qeys) agaasimihi Somali Cable Tv Faraciisa Muqdisho.

Ilaahay naxariistiisii haku maneysto, samir iyo iimaan dhamaanteen hanaga siiyo.

Amiin.

16/10/2023

WARSAXAAFADEED

Caawa 16/Oct/2023, abaare 21:00 PM fiidnimo, ayaa naftii-halige Khawaarijta ka tirsanaa isku qarxiyay dad ku shaah cabeyay banaanka h**e ee Maqaayada Blue Sky oo ku taala Degmada Boondheere gaar ahaan agagaarka taalada Xaawo-taako ee Magaalada Muqdisho.

Qasaaraha qaraxu reebay ayaa ah dhaawaca 4 qofood iyo dhimashada Saxafi Agaasime Cabdifitax Macalin Nuur (Qeys) agaasimihii Somali Cable Tv faraciisa Muqdisho, Ciidamada Amaanka ayaa gurmad u fidiyay dadka ay meesha wax ku gaareen.

Waxaa socota baaris, wixii ku soo kordha dib ayaan ummadda ula wadaagi doonaa.

25/08/2023

Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo wafdigiisa oo si diirran loogu soo dhaweeyay Dhuusamareeb.

Photos from Somali Police PIO's post 07/08/2023

TALIYAHA CIIDANKA BOLIISKA OO LA KULMAY MAAMULKA IYO SHAQAALAHA ISBITAALKA MADIINA

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin Iyo Taliye Xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Cusmaan Cabdulaahi Maxamed (Kaniif) ayaa la kulan la yeeshay Maamulka Saraakiisha iyo qaar kamid ah Shaqaalaha Isbitaalka Dadweynaha Madiina ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Ujeedka Shirka ayaa ahaa Hormarinta iyo Tayeeynta nidaamka Isbitaalka Madiina kaasi oo Bulshada Soomaaliyeed loogu adeego.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa Maamulka Iyo shaqaalaha Isbitaalka kula dardaarmay in shaqadan lahayo Ummadda Soomaaliyeed. Ismarkaana, ay waajib tahay in loogu adeego si daxadar leh.

Isbitaal Madiina, ayaa adeeg hufan siiya Ummada Soomaaliyeed tan iyo intii butburkii isaga oo ka mid ahaa isbitaalada fara kutiriska ahaa ee dadka kaalin weyn u buuxiyay.

Mahadsanidiin.

Photos from Somali Police PIO's post 07/08/2023

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay La-taliyaha Dimuqraadiyadda iyo Ilaalinta Xuquuqul Insaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka, Mudane. Xamse Warfaa oo soo gaaray Magaalada Muqdisho. Waxaa Taliyaha soo dhoweynta ku wehliyay Taliye Xigeenka Ciidanka Boliiska, Sareeye Guuto. Cusmaan Cabdulahi Maxamed (Kaniif) iyo Saraakiil kale oo Ciidanka ka tirsan.

Kulanka lagu soo dhoweynayay Mudane Xamse Warfaa, waxaa Sidoo kale qeyb ka ahaa Xildhibaano Barlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Mahadsanid.

Photos from Somali Police PIO's post 05/08/2023

XUBNO KA TIRSAN CIIDANKA BOLIISKA OO LAGU ABAALMARIYAY KA SHAQEYNTA IMTIXAANAADKA SANAD DUGSIYEEDKA 2022/2023

Ra'isul Wasaaraha XFS, Mudane. Xamse Cabdi Bare oo Hoggaaminayay masuuliyiin kala duwan oo ka qeybgalay Xaflada Shaacinta Natiijada Imtixaanaadka Dugsiga Sare ee Sandgudsiyeedka 2022/23, masuuliyiintaas oo uu ka mid ahaa Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin, sidoo kale saraakiishii qeybta ka aheyd sugidii Amniga iyo Amaanda Imtixaanaadka intii uu socday iyo diyaarintiisii ayaa iyaguna ka qeyb galay xaflada, iyada oo qaarkood la gudoonsiiyay shahaado sharaf.

Munaasabadaas oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Waxbarashadda Hidaha iyo Tacliinta Sare ee XFS, ayaa waxaa iyaguna qeyb ka ahaa masuuliyiin ka soctay Qeybaha kala duwan ee Hay’adaha Dowlada.

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ayaa sanadkii 6-aad oo xariir ah loo qaas yeelay masuuliyada Sugida Amaanka iyo Amaanada Diyaarinta iyo Daabulaada Nuqulada Imtixaanaadka Dalka oo la geelayay Gobolada iyo Degmooyinka Dalka.

Mahadsaniidin.

Photos from Somali Police PIO's post 03/08/2023

TALYAHA CIIDANKA BOLIISKA OO SHIR GUDOOMIYEY SHIRKA HOGGAANADA, FADHIYADA MADAXA BANAAN IYO QAYBAHA CIIDANKA BOLIISKA

Kulankan oo uu shir gudoomiyey Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Sulub Axmad Firin, ayaa looga hadlay inta badan waxqabadkii u hirgalay Ciidanka Boliiska asbuucii lasoo dhaafay.

Ugu horayntii Taliyaha Ciidanka Boliiska dalka ayaa ka warbixiyey safar afar maalin qaatay kaasoo uu ku tagay dalka Seerbiya .
Intaasi ka dib waxaa la dhagaystay soojeedinta Gudiga Habraacyada, Hoggaanada iyo Fadhiyada Boliiska iyaga oo ka warbixiyey Habraacyo ay Ka diyaariyeen 28dii maalmood ee lasoo dhaafay.

Gabagabadii Si kor loogu qaado Tayada Ciidanka Boliiska ayaa Taliyaha Ciidanka, Sareeye Guuto. Sulub Axmad Firin uu faray Saraakiisha Ciidanka in ay la xisaabtamaan askartooda, iyada oo la ilaalinayo Qayimka iyo Aqlaaqiyaadka Ciidanka.

Mahadsanidiin.

Photos from Somali Police PIO's post 03/08/2023

TALIYAHA CIIDANKA IYO TALIYE XIGEENKIISA OO KORMEERAY CIIDAN TABABAR KU JIRA

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeer, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin iyo Taliye Xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Cusman Cabdulahi Maxamed (Kaniif), ayaa maanta Kormeeray Ciidan tababar ugu jira Akademiyada Boliiska ee Sareeye Guuto Kaahiye, Ciidanka ayaa dhoolatus ku soo bandhigay gaada ka cayaarka Ciidanka, hanaanka Salaan sharafta Ciidanka iyo Xirfado ka mid kuwii ay barteen intii ay tababarka ugu jiraan Akademiyada.

Ciidankan oo isagu jira, kuwa dalka dibadiisa tababar uga yimid iyo kuwo tababar cusub oo dhibow ah ku qaadanayay, ayaa dhawaan la howlgalindono ayeey taliyeyaashu ku baraaarujiyeen, u dhimrinta shacabka loo adeegayo iyo hirgalinta sharuucda dalka.

Mahadsanidiin.

Photos from Somali Police PIO's post 02/08/2023

TALIYAHA CIIDANKA BOLIISKA SOOMAALIYEED OO LA KULMAY MADAXDA BOLIISKA UNSOM

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Saraakiil ka socda Boliiska Qaramada Midoobay (UN Police), kulanka ayaa looga hadlay doorka Boliiska Qaramada Midoobay ee dib u dhiska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Saraakiishaan ayaa ka ahaa Madaxa Boliiska UNSOM, Taliye Ralf, Madaxa Boliiska UNSOM, Pekka ku xigeenka Madaxa Boliiska UNSOM iyo Mine oo ah xubin ka mid ah saraakiisha Boliiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Kulanka oo saacado qaatay ayaa lagu gorfeeyay sidii uu Boliiska Qaramada Midoobay qeyb uga qaadan lahaa tayeenta iyo qalabeenta Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo ku jira xaalad dib u dhis iyo soo kabasho dhan walba ah.

Mahadsanidiin.

Photos from Somali Police PIO's post 30/07/2023

MASUULIYIIN OO HOGGAAMINAYAY RA'ISUL WASAARAHA XFS OO KA QEYBGALAY MUNAASIBAD WACYIGELINTA DADWEYNAHA DEGMADA HELIWAA

Masuuliyiinta uu ka mid yahay Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin iyo Masuuliyiin kale, ayaa si wadajir ah ugu qeybgalay Kulan Wacyigelin iyo La-tashi Bulsho oo ay isugu yimaadeen Maamulka, Odayaasha, Haweenka, Dhalinyaradda iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir.

Munaasibadaan ayaa qeyb ka ah isku xirka Bulshada iyo Hay'adaha Dowlada taas oo kaaliweyn ka cayaaridoonto Amniga iyo Xasiloonida Dadweynaha ku dhaqan Caasimada iyo Nawaaxigeeda.

Mahadsanidiin.

Photos from Somali Police PIO's post 30/07/2023

DHISMAHA QOLALKA XABSI KU HAYNTA GARSUGAYASHA EE QEYBTA NABADGALYADA WADOOYINKA OO MEEL WANAAGSAN MARAYA

Waxaa meel wanaagsan maraya dhismaha qolalka xabsi ku haynta ee Qeybta Nabadgalyada Wadooyinka Traffico, kaas oo si isku tashi ay Taliska Ciidanka Boliiska iyo Qeybtuba u hirgaliyeen.

Markaa la soo afmeero laguna shaqa bilaabo dhismahaan ayuu wax badan ka taridoonaa baahida maanta ka jirto dhameystirka baarista kiisaska la xariira shilalka si cadaalada loo waafajiyo eedeysanayaasha lagu helo ku xadgudubka iyo wax yeeleyn Nabadgalyada Wadooyinka.

Mahadsanidiin.

Photos from Somali Police PIO's post 30/07/2023

TALIYE XIGEENKA CIIDANKA BOLIISKA OO KA QEYBGALAY MADASHA QARAN EE BAARISTA-CILMIYEYSAN ( NATIONAL FORENSIC FORUM)

Taliye Xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Cusmaan Cabdulaahi Maxamed (Kaniif), ayaa maanta ka qeybgalay Madasha Qaran ee Baarista-Cilmiyeeysan (National Forensic Sceince Forum).

Madasha waxaa shir Guddoomiyay, Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka, Garyaqaan. Baashe Yuusuf Axmed, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Garyaqaan. Sulayman Mohamed, ayna ka soo qeyb galeen Taliyaha Hoggaanka Baarista Dembiyada ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Xeer ilaaliyayaal iyo Garyaqaano ka socda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka ah iyo Dowlada Federaalka ah.

Ujeedada madasha ayaa aheyd sidii loo hormarin lahaa loona kobcin lahaa adeegga Baarista ee Foreensigga, si loo helo Baaris hufan oo lagu kalsoonaan karo. Isla markaana, soo dadjisa go’aan gaarista Maxkamadaha Dalka.

Shirka waxaa laga soo jeediyey Dhibaatooyinka ay leedahay maqnaanshaha adeegga Foreensigga, taasoo keenta in dheecaanada DNA-da loo qaado wadamo kale, taas wax u dhimi karta hanaanka Cadaalada Dalka.

Mahadsanidiin.

Photos from Somali Police PIO's post 29/07/2023

TALIYE XIGEENKA CIIDANKA BOLIISKA OO KORMEERAY QEYBTA SALAAN SHARAFTA BOLIISKA

Taliye Xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Cusman Cabdulahi Maxamed (Kaniif) ayaa maanta Kormeeray Qeybta Salaan-sharafta Boliiska ee Baanda Musiko. Kormeerka Taliye Xigeenka ayaa la xariiray u kuurgalida howlaha shaqo ee Qeybta iyo dardargalinta qorshayaasha hortabinta u leh Taliska Ciidanka, iyada oo ay hormarinta qeybtani muhiim gaar ah u leedahay Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Sidoo kale, taliye xigeenka ayaa sagootiyay waftigii Saraakiisha Ciidanka Boliiska Jahmuuriyada Jabuuti oo booqasho rasmi ah dalka ku joogay.

Waftigaan oo maalmahaan marti u ahaa Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, si sare loogu qaado iskaashiga Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo Ciidanka Boliiska Jahmuuriyada Jabuuti.

Mahadsanidiin.

Photos from Somali Police PIO's post 27/07/2023

XUBNO KA TIRSAN CIIDANKA BOLIISKA SOOMAALIYEED OO HEERKA LABAAD EE JAMAACADA KU SOO GABAGABEEYAY DALKA TURKIGA.

14 Xubnood oo isagu jira Saraakiil iyo Saraakiil xigeeno ka tirsan Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ayaa ka soo qalin-jabiyay Jaamacada Kuliyada Boliiska Dalka Turkiga (Turkish National Polis Academy) kana soo qaatay shahaadada heerka labaad ee Jamaacada (Master of Security Strategy and Management) gudaha Magaalada Ankara, geedigaan waxbarasho ayeey soo bilaabeen bartamihii sanadkii 2021, waxey soo idlaatay 26 July 2023.

Dufacadaan ayaa ah tii 7-aad oo ay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Boliisku ay ka soo qalan jabiyaan kuliyaan, iyada oo Somaaliya qeyb ka tahay ilaa 15 dal oo Saraakiishooda Boliisku ay ka qalin jabiyeen.

Mahadsanidiin.

Photos from Somali Police PIO's post 27/07/2023

TALIYE XIGEENKA CIIDANKA BOLIISKA OO AKADEMIYADA BOLIISKA KU SOO DHAWEEYAY WAFTIGA BOLIISKA JABUUTI.

Taliye Xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Cusmaan Cabdulaahi Maxamed (Kaniif), ayaa Akademiyada Boliiska ee Sareeye Guuto. Kaahiye ku soo dhaweyay Wafti ka socday Ciidanka Boliiska Jamhuuriyada Jabuuti oo booqasho rasmi ah ugu jooga Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Taliyaaha iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka ayaa sidoo kormeeray Ciidan tababar cusboonaysiin iyo Dhibow ah ugu jira Akademiyada Boliiska Soomaaliyeed ee Sareeye Guuto. Kaahiye.

Ciidankaan oo in mudo ah tababar ugu xaraysnaa Akademiyada, ayaa gaada-ka cayaar ku soo bandhigay, salaan sharafna uu taliye xigeenka Ciidanka Boliisku uga qaatay inta ay munaasibadu socotay.

Ciidankan ayaa labaray ka sakoow gaardiska iyo diyaarinta askarinimo, Sharcuucda Dalka iyo kuwa Ciidanka Boliiska si ay hadhow usoo baxaan Ciidan tayo fiican leh oo si sharaf leh dadweynaha ugu adeega.

Sidoo kale, Ciidanka gaardiska marayay waxaa qayb ka ahaa Ciidan cusub oo lagu soo tababaray dalka Jabuuti.

Gaanshaale Maxamed Yuusuf oo ka mid aha Waftiga Saraakiisha Boliiska dalka Jabuuti, ayaa ka mahad naqay sida quruxda badan ee loosoo dhaweeyey isagoo sheegay in Jabuuti marwalba garab taagantahy Soomaliya, Qibrad iyo waayo arragnimada ay ka kororsadaan Walaalahood Soomaaliya.

Taliye Xigeenka, ayaa gabgabadii Ciidanka kula dardaarmay, marka ay tababarada ka baxaan inay Bulshada si wanagsan ula dhaqmaan. Maadaama, ay u adeegidoonaa Dadweynaha, Mushaaraadka Ciidanku qaato iyo Xanaanaduna ay ka timaado Canshuurta laga qaado Dadweynaha Soomaaliyeed.

Mahadsaniidiin.

Want your organization to be the top-listed Government Service in Mogadisho?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Videos (show all)

Qaraxii lagu weerary Taliyaha Boliiska Qeybta Guud.
Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo war ka soo saaray ciyaarta
Taliyaha Ciidanka Boliiska Somaaliya oo Safar Shaqa,Ah

Telephone

Website

Address


Mogadisho Road
Mogadisho
NON
Other Government Organizations in Mogadisho (show all)
Wasaarada Gaadiidka & Duulista Hawada Wasaarada Gaadiidka & Duulista Hawada
Dhabarka Danbe Ee Saldhiga Degmada Shangani
Mogadisho

Wasaarada Gaadiidka Duulista Hawadu waxay kamid tahay wasaaradaha DFS, guud ahaana adeegyo muhiim ah