Abdulhakim Moh Cawsey

MBBS STUDENT AND MOTIVATIONAL SPEAKER

08/01/2024

Puntland oo hesha, adeeg caafimaad oo dhamaystiran, kaabayaasha dhaqaalaha oo hormarsan, waxbarashada oo tayaysan iyo bulshada oo u hogaansan dowlad nimo, markaas ayuu micno yeelan, ka waranka iyo falanqaynta doorashooyinka oo 5tii sanaba mar dhaca.

Hambalyo madaxweyne H.E Said Abdullahi Deni hogaamiye mar kale fursaddan qiimiga badan ka faaโ€™idaysta eebbe hakaa yeelo.

01/07/2023

Jacaylka, walaalnimada, hambalyada, qosolka iyo wada faraxsanaanta aanu muujino maalinta ciida, qabka, qiyimka, qiirada, dal jacaylka iyo wadaniyadda aanu muujino maalmaha xorriyadda kawarama haddii aanu joogtayno.

๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด

17/11/2022

Ha ka filan in dadka kale ay kuu noqdaan wax ka badan inta aad adigu diyaar u tahay inaad naftaada u noqoto. Waxaad u baahan tahay inaad noqoto tusaalaha iyo kan ugu wanaagsan ee lagu dayn karo.. Dadku waxay sameeyaan waxay dadka kale ka arkaan.

Kutubka uu qoray robin sharma ee lagu magaacabo, leadership wisdom( xikmada hoogaaminta), uu kaga waramayo, 8-da dhaqan ee hogaamiyayaasha aragtida fog leh.

Cawo qurxoon.

Photos from Abdulhakim Moh Cawsey's post 22/10/2022

Gunaanadka, isku tashiga iyo wax wada qabsiga.

Bulsho aamintay kartidooda iyo garashadooda, kana dhabeeyay riyo aad u wayn.

16/08/2022

H O O Y O.
๐Ÿฅฐ๐Ÿฅฐ๐Ÿฅฐ

11/08/2022

Dhibaatooyinka goobaha lagu iibiyo daawada.

Guud ahaan soomaaliya malahan hay'adaha xakameeya tayada daawooyinka sidoo kalana hubiya waqtiga ee daawooyinka ku dhacaan, sidaasoo ay tahay soomaaliya waxaa ka furan in kabadan 10000 oo farmashiye oo lagu iibiyo daawooyinka, waxyaabaha layaabka sii ahna waxaa ka mid ah, dadka daawooyinkaas iibiya 85% qiyaas ahaan ma'aha dad aqoon u leh waxay bulshada ka iibinayaan.

5sano ka hor intaan bilaabin barashada maadada daawada iyo qaliinka, aqoon buuxa uma lahayn siduu u shaqeeyo xurmaha caafimaad ee lagu gado daawada, waxaase in muddo ah aan indhaha ku hayay oo aan arkay in dhibaatada aadka u wayn ee dalkeena ku habsatay ay ugu h**eeyaan taya xumada daawada, aamuska dheer ee dhaqaatiirta, aqoon yarida iyo feejignaan la'aanta daawo iibiyaasha.

Sanad ka hor ayuu ahaa kolkii yar aanu saaxiibo nahay iiga sheekeeyay arin la yaableh, qiso dheer uu saaxiibkay ii sheegay waxa ugu laaybka badnaa ayaa ahaa, in wiil dhalinyaro ah oo ay qaraabo yihiin oo mar dhaw baadiye ka yimid, isla markaasina loo furay goob ganacsi oo lagu iibiyo daawada, si uu noloshiisa ugu dabaro.

Midka mid ah macalimiintaydii ayaa maalin nala wadaagay, qiso sababtay dhimasho iyo dagaal, kana bilaabatay farmashiiste daawo khaldan siiyay bukaan caloosha laga haayay.

Maalin dhawayd ayaa imid goob lagu iibiyo daawooyinka (pharmacy), anigoo raba inaan iibsado daawo markaasi loo soo qoray qof ka mid ah qoyska, markii aan gudaha u soo galay waxaan aad ula yaabay weedh uu daawo iibiyaha uu ku oronayo qof bukaan ah oo raba in laga iibiyo daawo. (Anigaa jimca walba isticmaala waa daawo fiican, caloosha ayuu socodsiiyaa, hadii aad ka baqayso in uu xanuun kugu yimaado , 2 xabo hal mar cun), weedhaas aad baan ula amkaagay, taladii ugu haboonaa ee aan markaasi siin karay bukaanka, waan la wadaagay.

Ubucda iyo gunta qoraalkayga aan u soo dhaadhaco, qisooyinkaas sababta aan idin kula wadaagayo ayaa ah, bulshadeena waxay la daala dhacayaan dhibaatooyin kala duwan oo dhan walba ah, waxaase ugu daran, markii caafimaadkooda laga dhigo goob lagua baayacmushtaro oo aan dan iyo xaajo laga lahayn.

Daawo walba waxaa uu leeyahay, sabab loo isticmaalo, qaab loo isticmaalo, xadi laga isticmaalo iyo xaalado aan loo isticmali karin, daawo kastana dhaqtar la'aan lama bixin karo, qasabna waxaa ah in daawo iibiyaha uu yahay qof aqoon u leh waxa uu iibinayo, tusaale daawooyinka loo isticmaalo socodsiinta caloosha, waxaa laga maarmaan ah in bukaanka la waraysto, la baaro ka dib dhatarka uu go'aan ka gaaro.

Dhalinyarada barata maadooyinka xariirka la leh caafimaadka, waxaa qasab inagu ah inaan bulshada wacyi gelin balaadhan gaarsiino, si sidoo kalana aan bilawno cilmi baadhisyo lagu ogaanayo dhibaatooyinka ay bulshada ku hayaan qolyaha daawooyinka ka ganacsada iyo saamaynta caafimaad ee bulshada ku yeesheen..

W/Q: Abdulhakim Cawsey

08/08/2022

Sida ugu fudud ee dunida loogu noolaado, xasilooni nololeedna loo helo.

Noloshu kuma koobna oo k**a turjumayso inta yar aad la nooshahay, iyo deegaanka ama tuulada ee reerkiinu dagaan, adduun aragaada waa inuu kobcaa oo kordhaa , haddii aad wali ku dabrantahay fikradaha cilmi dhagoolka ah iyo xuurtada reeraysan, way kugu adkaan doontaa la noolaashaha dadyawga kala duwan ee ku nool dunidan .

Fikradahaaga nolosha waa in ay balaadhaan oo ay is badalaan laakiinsa aad kala shaandhayn karto( kala saari karto) , mabda'aaga diimeedna waa inuu adkaada oo kobcaa, naaqusna uusan ku dhicin, waa sida ugu fudud ee dunida loogu noolaado, xasilooni nololeedna lagu helo.

Abdulhakim cawsey

14/06/2022

ใ€Šูˆู„ู…ู† ุฎุงู ู…ู‚ุงู… ุฑุจู‡ ุฌู†ุชุงู†ใ€‹
๐Ÿ’œ
๐Ÿค

18/05/2022

Quraanku waxa uu ina barayaa: in aynaan quusan: in aynu ku sugnaanno rajada allah kaasoo inoo saamaxaya in aynu ku noolaano cidhiidhiga iyo caqabadaha nolosha, sidaa awgeed waxa aynu had iyo jeer rajaynaa farxad ka dib murugada, caafimaad ka dib xanuunka iyo f***j khasaaraha ka dib.)

Allah wuxuu ka dhigi doonaa kadeed dabadii fudayd.
{ ุณูŠุฌุนู„ ุงู„ู„ู‡ ุจุนุฏ ุนุณุฑ ูŠุณุฑุง ๏ดพ ๐Ÿ’œ

09/04/2022

Miyuusan allah adoomadiisa ku filnayn, allah waa u dhimrayaa adoomadiisa, Nabi muxamadoow u sheeg adoomadayda inaan ahay dambi dhaafe naxariis badan, u bishaaree adoomo markay war maqlaaan, inta wanaagsan qaata.
Addoonimada allah, waxaa laga helaa sharaf, wanaag iyo karaamo, libaan aakhiro iyo mid adduun.

Ku dhawaad 100 jeer ayuu allah quraanka ku sheegay weedha adoomadiisa( ุงู„ุนุจุงุฏ), mararkaas badan allah wuxuu sifeenayaa adoomadiisa, marar kalana wuu u bishaarayn, halka marar badan uu digniin adag siinayo.

13/03/2022

ููŽุฏูŽุนูŽุง ุฑูŽุจู‘ูŽู‡ู ุฃูŽู†ู‘ููŠ ู…ูŽุบู’ู„ููˆุจูŒ ููŽุงู†ู’ุชูŽุตูุฑ.
Welwalka, cabsida, itaaldarrada, iyo culays walba oo ku haysta ku burburi aayaaddaan qiimaha badan.

Markii nabiyulaahi nuux CS inka badan 900sano habaar ka ilaalinayay qawmkiisa , u taag waayay, tabar yareeyay, lagu ciilay dacwada diinta, buu allah ka baryay inuu u hiiliyo. Si degdeg ah buu allah uga ajiibay ducadiisa.

Quruxda qur'aanka.๐Ÿ˜

06/02/2022

HADII AAD DOONAYSO SAAMAYNTA ALLAH KA CABSIGA, FIIRI WALAAL AAYADAHA 2,3,4,5 EE SUURTUL DALAAQ(ุงู„ุทู„ุงู‚).

qofkii allah ka cabsada amuurtiisa ayuu allah u fududeeyaa, meel uusan ka filanayn baa laga arsaaqaa, xumaantiisa laga dhaafaa, ajarkiisa ayaa loo badiyaa, makhraj iyo wado ayaa loo furaa.

Allah ka cabsiga aanu xoojino, waa halka wado aanu idilkeen ku wada guulaysano karo saaxiibayaal

Abdul.awsey

20/01/2022

Salaama walaal.
Habeen wanaagsan, jumca qurxoon.
Ha quusan walaal*

Allah swt wuxuu inoo sheegay, in aan ka quusan naxariista rabbi, kuwa quusta waa kaliya kuwa rabbi ku kufriyay.

Markaad dareento in xaajadu iyo arinkuba kuu hagaagi waayaan oo sidii aad rabtay kuu noqon waydo, culaysyadana kaa bato, xasuuso in (allah uu laba goor ku dhaartay, in culaysku ka dambeeyo fududayd.)

Markii dadaalkaaga kuu hirgali waayo, quusna kaa soo dhawdahay, xasuuso cabsida eebbe, ee ahaa (kuwa allah ka cabsada waxaan u furaynaa f***j iyo makhraj.)

Markii ay maskaxdaadu kuu sawirto in aad ku daashay samirka, qalbigaaga ku xasili balanqaadka wayn ee allah inoo sheegay, (samir balanqaadka allah waa xaq).

Markii rajo xumo ku soo gasho, dadkii kaa ag dhawaa aad ka arki waydo hareerahaaga, dareen oo qalbigaaga geli, weedha iyo kalaamka allah uu ku leeyahay, (miyuusan allah ku filnayn adoonkiisa)

Ugu dambayn allah wuxuu inoo sheegay in quusitaanka, raja xumada, cariiriga nolosha aanu ku jirayno hadii aan ka jeesano xuska eebbe wayne, ee walaal mar waliba qalbigaaga ku quudi cabsida allah, noloshaadana ku dabaq xuska eebbe wayne..

Abdulhakim cawsey
AanWadaGuulaysano

24/06/2021

Salaama walal
Jumca wanaagsan

Go'aan adag+ run sheegis.

Nolosha quruxdeeda waa inaad yeelato go'aan cad lagu daray run sheegis.

Hadii aad damacdo inaad qabato hawl, qasab waxaa ah inaad wajahayso caqabado kala duwan.
Caqabadahaas waxay is kugu jiri karaan kuwa ka imaanaya gudaha naftaada iyo kuwa ka baxsan, labadaas qayb ba kuma xalin kartid ilaa uu gaashaankaagu uu yahay run lagu lalay go'aan qaadasho adag.

Go'aan walba aad qaadato , run k**a maarmo, sidoo kalana run sheegis walba aad ku sifaysantahay go'aan adag ayaa gundhig u ah.

Qofka ugu wanaagsan aad run u sheegi lahayd waa isla adiga , xilliga ugu qurxoon aad go'aan qaadan lahaydna waa isla xilligaan ee guul aan dhamaan ayaan kuu rajayn walaal.

Abdulhakim cawsey

10/06/2021

salaama walaal.
dhiirigeli naftaada.
dhawr bilood ka dib iyo qormooyinkii dhiirigelinta ahaa

allah ayaa kuu abuuray inaad fekerto , kuna shaqayso garaadkaaga.

isbadalada qof kale laga dalbado wuxuu kugu hakin doonaa qolkaaga waxaadna ku hungoobi doontaa loolanka nolosha. isbadel inta nafsadaada isbadali doonto.

markii aad waydo wado hortaada ah eeg dhanka kale ee togan si aad u gaarto halka aad doonayso.

noqo mid dhanka wanaagsan wax ka eega, rajadiisu sarayso, sidoo kalana baadigoob albaabada furan oo haku joogsan albaabka kaa soo xirma.

qiso walba oo guulaysa waxaa ka dambeeyo.... *layli*(tababar), ... *joogtayn* iyo ..... *alla bari...*

hal saaxiib oo dhanka wanaagsan ka fekara ayaa ka khayr badan 100 saaxiib oo dhanka taban ka fekera

Abdulhakim cawsey

Photos from Abdulhakim Moh Cawsey's post 28/05/2021

03/03/2021

caacbuqa covid19
dhalinyaro mas'uuliyada aad u wayn baa ina saaran waa inaan qaadanaa doorkeena.

https://youtube.com/channel/UCLph9wg7U6SHiZ_RerHlMBw

19/11/2020

https://youtu.be/KETXXFpYDbI

Is barbardhiga dadk kale iyo isla hadalka(isku buuqa).

Want your public figure to be the top-listed Public Figure in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Videos (show all)

H O O Y O.๐Ÿฅฐ๐Ÿฅฐ๐Ÿฅฐ
#wacyigelin caacbuqa covid19 dhalinyaro mas'uuliyada aad u wayn baa ina saaran waa inaan qaadanaa doorkeena.https://yout...
https://youtu.be/KETXXFpYDbIIs barbardhiga dadk kale iyo isla hadalka(isku buuqa).
Nolosha waa imtixaan
AAN WADA GUULAYSANO.CONGRATULATIONS MY DEAR STUDENTS.

Telephone

Website

Address

Mogadishu
BN
Other Motivational Speakers in Mogadishu (show all)
Hon Nuur Maxamed Hon Nuur Maxamed
Makka Almukaramah
Mogadishu, 252

@@@@@@@@

Qoral ku dhiigle Qoral ku dhiigle
Mogadishu

Murtiiluhu kaalinta maadeeyaha waa uu gali karaa, balse maadeeyuhu kaalinta murtiilaha ma geli karo.

Ibrahim Sheikh Ibrahim Sheikh
Makka Almukarrama
Mogadishu

Social activist interested in social issues and human development

Mohamed A. Shire Mohamed A. Shire
Maka Al-mukarama Road, Taleex, Hodan
Mogadishu, 00000

Certified digital marketing

Maslah Mohamed isak Maslah Mohamed isak
Jaziira
Mogadishu

welcome brother I'm motivation speaker, helping you to control yourself.

Al nucmaan Herbal care Al nucmaan Herbal care
252618267151 Abuu Hureyra
Mogadishu

kusoo dhawaw page keyga wlal waxaad kaheli doontaa suugaaan sheekooyin iyo qisooyin ku xiiso galiya

Faatixtube Faatixtube
Mogadishu

what you want really will never come easy

Luqman Alxakiim Luqman Alxakiim
Mogadishu
Mogadishu, 770315

I am someone who presents sermons, entertainment and reminders.๐Ÿ†—๐ŸŽง

Horeusocod Horeusocod
Mogadishu

Balantenu waa bulsho horumarata

Ugaaz Anshah Ugaaz Anshah
Mogadishu

welcome

Amiira qurux page Amiira qurux page
619778876
Mogadishu, 589976

OGAAL OGAAL
Mogadishu

Dhiiri Gelin, Qisooyin Xikmad leh IYO Dhacdooyinka Xiisaha leh OGAAL waa Asal U ah Anshaxa