Cilmi Iyo Farsamo
Engineering
[ Cilmigu faa'iido ma leh haddaanu kuu dhalin miraha dalkaagu u baahanyahay. ]
Nagu saabsan
----Cilmi Iyo Farsamo----
Cilmi Iyo Farsamo, waa bog toos u qaada dhigaya arrimaha la xiriira "Cilmiga injineeriyadda" waxaana loogu talagalay in lagu soo gudbiyo xogo la xiriira guud ahaan kulliyadda injineeriyadda oo ku qoran
Af-soomaali. Boggaan waxa uu diiradda saari doonaa saddex qeybood oo ah faracyada ugu waa weyn cilmigaan ee kala ah:
-Civil Engineering
-Electrical Engineering iyo
-Mechanical Engineering
Cilmi iyo farsamo waxaa uu ka dhashay baahi loo qabay in la helo qormooyin ama maqaalo ku qoran afka-soomaliga kana hadalaya cilmiga injineeriyadda oo sida la ogyahay ah cilmi aad u saameeya nolol maalmeedkeena. Bogga, waxa lagu soo bandhigi doonaa fikrado iyo cilmi baarisyo la xiriira dhibaatooyinka haysta ummadda soomaaliyeed iyo xallintooda, waayo guulaha cilmiga laga gaaro waqti kasta waa kuwo waxtarkoodu saameeyo nolosha bani’aadamka. Sidaas awgeed, ayaan u sameynay boggaan si ay uga faa'iideystaan ardada soomaaliyeed ee ku han weyn ama xiiseeya barashada injineeriyadda. sidoo kale, waxa uu ka caawin doonna inay helaan aqoon guud iyo xogo faahfaahsan oo dhameystiran ee ku saabsan cilmigan.
Dhanka kale, boggaan waxaa uu soo saari donaa maqaalo soo koobaya maadooyinka aasaaska ah ( core-ka ) ee lagu dhigto/lagu barto injineerinka.
Ugu dambeyn, hadafkeenu waxa uu yahay idimka alle, in xogaha lagu soo bandhigayo boggaan aan uga faa’iidayn doono dalka iyo dadka soomaaliyeed.
Iron Age
Gu’gii xadiidka (Iron) waxa uu ahaa waqti taariikhda Aadamaha ka mid ah oo bilaabmamatay intii u dhaxaysay 1200 BC ilaa 600 BC kana dambeeyay gu’gii dhagaxa (Stone age) iyo Gu’gii Bronze (Bronze age). Gu’gii xadiidka (iron age) dadyowgii ku kala firarsanaa Yurub, Aasiya iyo qaybo ka mid ah Afrika ayaa waxa ay u weecadeen adeegsiga birta xadiidka si ay uga sameystaan qalab iyo hub. Sida taariikhdii h**e ay sheegayso birta xadiidka waxa ay jirtay xilligii ka horreeyay bronze age inkastoo dadywogii waagaa noolaa aysan si aad ugu baraarugsanan jirin muhiimadeeda maadama xadiidka uu aad uga jilcan yahay dhiggeeda bronze oo ka sameysan biro kala duwan hasa yeeshee muddo kadib ayay soo shaac baxday in birtan la adkeen karo iyadoo siyaabo kala duwan la marayo taas ayaana horseeday in ay u guureen adeegsiga xadiidka.
Gu’gii xadiidka, waa xilligii saddexaad ay soo martay taariikhda Aadamiga ka hor inta uu qoraalka bilaabanin waxa ayna ka dambeysay Bronze Age. Waa waqti ay aad usoo bateen adeegsiga qalab iyo hub laga sameeyay birtaan waxaa la sheegaa sababaha dhaliyay soo ifbixiddii birtan in ay ahayd ayadoo la waayey mid ka mid biraha ay ka sameysaneyd birtii h**e aynu soo timaanay ee bronze waxaa aynu dhahnay in bronze ay ka sameysan tahay isku darka labbo birood kala duwaan oo kala ah tin iyo copper, marka xilligii xadiidka isticmaalkeeda soo batay ayaa waxaa gabi ahaanba yaraaday ama la waayey nooca birtan tin loo yaqaano oo aheyd cunsur ka mid ah waxyaabha ay kooban tahay birtii aynu h**e uga soo hadalnay ee bronze.
Xadiidku asal ahaan waxaa laga helaa dhulka si dabiici ah waxaa lasoo saaraa ayadoo dhagax ah kadibna marxalado ka duwan ayay mari jirtay inta birta xadiidka laga soo dhex bixinin dhagaxan. Inkastoo,waayadaan dambe la adeegsado qalab waa weyn oo loogu talagalay in lagu dhalaaliyo biraha laakin waqtiga aynu ka hadlayno ma jirin wax warshado ah sidaas darteed waxa ay adeegsan jireen dadku qoryaha ama xaabada geedaha marka la gubo oo dhuxul noqoto ayay ku dhalaalin jireen dhagaxa dabadeedna xadiidka sidaas ku heli jireen. Nooca birtan, waxaa ay kaga duwan tahay birahii kale aynu kasoo hadalnay in birtan(xadiidka) leedahay sifooyan u gaar ah sida; birtan(xadiidku) waa macdan aynu awoodi karno in la xakameeyo adkaanshaheeda innagoo ku darayna macdano kale sida kaarboonka. Sida Allah(SW) ku xusay magaca birtan kuna sheegay suurad ka mid ah Quraanka kariimka oo magaceedu yahay suuratul-xadiid, waana suuradda 57aad. Waxaana la yaab leh in ay tahay suradda keliya ee leh magaca cunsur macdaneed. Sida aan ognahay quraanka macdano ayaa kusoo arooray sida dahabka, qalinka iwm. Balse su’aashu waxa weeye maxaa suurad dhan oo quraanka ah loogu magacabay xadiid?
Su'aashaan jawaabteeda isla suuraddaan dhexdeeda aayad ka mid ah ayaa lagu sheegay. Inshallah markaan ka warrano ayaan fahmaynaa sababta uu Allah (SW) ugu doortay magacaan.
{….وأنزلنا الحديد فيه بأس شديد ومنافع للناس}
Waxaana soo dajinnay birta iyadoo Shiddo ku dheehant ahay iyo nacfi dadka…….
Wax tarkeeda waxyaabo badan ayay dadku u adeegsan jireen si la mid birihii kale, waxaa laga sameyn jiray sida qalabka beeraha iyo waxyaalo kale ay markaa baahidooda jirtay. Marka la barbardhigo xilliyadii ka h**eeyay ee kala ahaa bronze age iyo iron age waa mida ugu muhiimsan,waxaa na lagu xasuustaa in ay saameyn weyn ku yeelatay kacaankii warshadaha waagaa oo adeegsiga birta aad u badatay.
Asxaabtaada la wadaag, ruux aad jeceshahay inuu akhriyo maqaalkaan ama aad rabto inoo nagu soo biiro si uu wax badan nala faa'ideysto qaybta faallada (Comment) uga wac.
Mahadsanidiin
Cilmi Iyo Farsamo
Gu’gii Bronze
Gu’gii Bronze waxa la tilmaamaa in ay soo bilaaabmatay isticmaalkeeda inta u dhaxaysay 2000BC ilaa 700BC. Waxa ayna jirtay inta u dhaxaysay labadda waqti ee kala ah stone age oo bilowgii h**e aynu soo tilmaanay iyo iron age oo isna ah marxaladii ugu dambeysay ee ay soo martay isticmaalka birta oo aynu kusoo gabagabeyn doona mowduuceenna isticmaalka birta.
Sida aan h**ey ku soo tilmaanay qormooyinkii h**e gu’gii dhagaxa waxa qalabka iyo hubka dagaalka laga sameyn jiray in qeyb ka mid dhagaxa lasoo qaato ayaa la qori jiray ama se qaabka la rabo loo sameynsan jiray, laakin xilligan aynu ka hadlayno ee ah Bronze age, waa waqti gebi ahaanba laga tagay isticmaalka dhagaxa. Nooca birtan ee bronze si gooni ah looma helo sida biraha qaar, laakin waxa ay isugu jirtaa ama ay ka sameysan tahay marka la dhalaaliyo biraha kala ah tin iyo copper kadibna la isku dhex daro sidaana ay ku sameysanto birtan bronze. Milanka ka soo baxa isku darka labadaas nooc ee biraha (Tin iyo Copper) ayaa waxa ka dhashta birtaan loo yaqaano Bronze, ugu dambeyn dareeraha birtan ka sameysay ayaa lagu dhex shubaa naqshado diyaarsan oo u qaabeysan nooca qalabka la rabo.
Bilowgii isticmaalka Bronze ayaa la wariyaa in markii ugu h**eysay ay bilaabeen adeegsigeeda dadyow degganaan jiray qaybo ka mid ah bariga dhexe oo sumeeriyiin loo yaqiinay ka dibna sidaas ay usii gudubtay caalamka. Dhowr sababood ayaa la sheegaa inay keeneen in dadkii degganaa in ay soo saaraan birtan waxaa na ka mid ah; in dadkan ay u badnaayeen beeralay aadna baahi ugu qabay qalab adag oo badel u noqda birtii h**e ee copper (maarta) oo ahayd bir aad u jilicsan. Isticmaalka birtan waxaa ay uga dhiganayd isbeddel weyn oo ku yimid hab dhaqankooda. Si ka duwan qalabyada laga sameyn jiray dhagxaanta iyo birta copper (maarta) qalabka ama hubka laga sameeyo ma dillaacan mana jabi jirin waxaana ay u adeegsan jireen qalab iyo hub wax tar leh sida: Faasas, seefo, digsiyo iyo waxyaabo kale oo badan.
Cilmi Iyo Farsamo
Maqaalka qormadan waxa aynu uga hadli doonna qaybta kowaad ee noocyada birta, sida aynu ku soo sheegnay maqaalkii hordhaca ahaa ee adeegsiga birta waxa aanu birta usoo qaybinay ilaa seddex qaybood, qormadan waxa aynu ku eegi doona qaybta koowaad oo aheyd (copper age).
Copper age, Copper, waa birtii ugu horreysay ay bani’aadamka ay isticmaalaan sidoo kale waa noocii ugu horreyay ee berigaa la helo, in yar ayaa laga heli karaa oogada dhulka waana bir aad u jilacsan. Qaab isticmaalkeeda haddii aynu wax ka sheegno-marka ugu horreysa waa la dhallaalin jiray kadibna inta la tumo ayaa qaabka la rabo loo samaysan jiray; sida in laga sameeyo faasas fidsan oo fudud iyo toorey, laakin maadama ay tahay bir aad u jilacsan kuma fiicnayn in laga samaysto hubka iyo qalabka ay dadku adeegsan jireen.
Xilligii birta naxaasta (copper age) oo taarikh ahaan lasoo wariyo inay soo ifbaxday laga soo bilaabo inta u dhaxaysay 5000 BC ilaa 3300 BC- waxa ay ahayd xilli aadanahu ku tallaabsaday horumar bulsho iyo mid teknoloojiyeed ba. Muddadan sidoo kale loo garan ogyahay muddadii (chalcolithic) eraygan oo ah eray giriig ah oo macnahiisu loola jeedo muddadii naxaasta iyo dhagaxa, taa oo muujinaysa in weli dhagaxa la isticmaali jiray in kastoo birta naxaasta ayaduna adeegsigeeda bilaabmay berigaa. Muddadaan waxa ay socotay in ka badan kun sano.
Cilmi-baadhayaashu hadda waxa ay rumaysan yihiin in naxaasta si joogto ah loo isticmaalayay muddo-oo loo yaqaan "Copper Age" ka hor inta aan la gelin ( bronze age), oo ah qayb aan uga hadli doono mawduuceena xiga. Birta naxaasta (copper) waxay leedahay hal dhibaato oo ah jilicsanaanteeda, taasoo ka dhigaysa mid aan ku fiicnayn in loo adeegsado dhanka hubka iyo qalab ahaanba.
Muddadii birta (copper) la adeegsan jiray ayaa aad u gaabnayd marka loo eego qaybaha kale, laakin muhiimadeeda lama dhayalsan Karin(naxaastu), oo waxa ay dadku u lahayd faa’ido weyn marka loo eego dhagaxa. Birta ayaa aad uga adkeysi badnayd qalabkii dhagxaanta ee ay markii h**e ay dadku isticmaali jireen, kuwaas oo burburi jiray haddii aad loo garaaco mise in mudda ah la isticmaalo, qalabka waagaa birta naxaasta laga sameeyn jiray waxaa ka mid ahaa: hubka ugaarsiga sida faasaska iyo qalabka sida taajka boqorada I.W.M.
Haddii aad akhrisay ama aad tahay ruux ku xiran boggeenna yaad jeclaan laheyd inuu warbixintaan kula akhristo, qaybta faallada ugu wac.
Soo dhawaada saaxiibayaal aan kala faa'ideysanee.
Bilowgii adeegsiga birta (Qaybta Kowaad)
Weligaa maku fikirtay sida ay nolosha ahaan jirtay ka hor inta aysan bilaabanin adeegsiga birta?
Qormadaan hoose waxaan kaga hadli doonnaa adeegsiga birta iyo xilliga ay bilaabatay. Ka hor inta aynu guda galin cinwaankeenna waxaan wax yar dul istaagi doonnaa waxa ay aadamaha isticmaali jireen ka hor inta aysan bilaabanin adeegsiga birta. Inta aan dadweynaha adduunku bilaabin wax qoridda “pre-history” sida qoridda luuqadahii ay ku hadli jireen iyo qoridda waxyalaha waqtigaa jiray, waxaa loo kala qaadaa labo qaybood oo waa weyn:
Qayta koowaad oo ah xilligii dhagaxa
Qaybta labaad oo ah xilligii birta, qaybtaan dambe waa qeybta quseysa cinwaankeenna oo aan isku dayi doonno in aan wax ka tilmaamo xogti aan helnay muddadii aanu diyaarinaynay qormadaan.
Gu’gii dhagaxa; waa muddadii ugu horreysay ee nolasha aadanaha, waa xilli dhagaxa ay ka sameysan jireen: agabka, hubka dagaalka iyo guryaha. Qaybtaan waa ay baaxad weyntahay oo waxa ay soo martay marxalado kala duwan waxa la tilmaamaa 99% taarikhda aadanaha ee qoran imminka inta ugu badan loogu hadlo xilligaa . Berigaa aynu ka hadlayno, birta lama aqoon laakin dadku waxa ay ogaayeen in dhagaxa laga faa’iideysan karo, dhagaxa inta la qoro ayaa laga samayn jiray: waramo, mindiyo iyo noocyo kale oo hub ah markaasna wax lagu ugaarsan jiray. Waxa laga yaaba in aad ku fikirayso in dadkii h**e ay ugaarsan jireen xayawaanada, haa waa run! haddane kuwa ugu nasiibka badnaa waxa ay ahaayeen kuwii ku noolaa wabiyada agtooda ee ka kallumaysan jiray. Kalluuka lagama yaabo in dib u weeraro si ka duwan kuwa h**e ee ugaarsiga maadama ay dhibaato kala kulmi jireen oo dhici jirtay in xayawanada ay dib u soo weeraran.
Mar ay dadku bilaabeen in ay meela gaar ah degaan oo iska joojiyen in ay kolba meel u guuraan, tiknoolojiyaddu waxa ay bilowday in ay si deg deg ah u socoto dadku waxa ay bilaabeen in ay hormariyan qalabkooda taa waxa ay keentay in qalabka laga dhigo qalab aad u weyn oo culus sababtoo ah ma ahayn in la raro ama laga tago, maadama iyaga (dadka) ay meela gaar ah degenayeen waana marka ay bilaawatay xilligii birta.
Gu’gii birta (age of metals)
Gu’gii birta waa waqtigii ama marxaladdii xigtay qaybta aynu h**e uga soo hadalnay waana waqti caan ku ahaa adeegsiga birta waxa loo malaynayaa, in sidii ay dadku u adeegsanayeen dhagaxa ay heleen birta ka dibna dadka berigaa jiray ay arkeen faa’idada birta sidaana ay booskii dhagaxa ay ugu badashteen isticmaalka birta. Waqtigaan aynu ka hadlayno waxa uu u ka koobnaa ilaa seddex qaybood oo mid waliba loogu magac daray hadba birta markas la helo waxa ayna kala yihiin;
1) copper age
2) bronze age and
3) iron age
Maqaalka qormadani waxa uu hordhac u ahaa qormooyin aynu uga hadli doonno adeegsiga birta hadduu rabbi idmo. Qormooyinka xiga waxa aynu mid mid uga hadli doonaa seddexda qaybood oo aan kor kusoo xusnay.
La wadaag qormadaan asxaabtaada, halkaan uga wac ruux aan jeclaan laheyd inuu nala faa'ideysta.
Soo dhawaada saaxibayaal aan kala faa'ideysanee.
Mashquul daran awgii qoraalada aan ugu tala galnay boggaan inaan so gelino waqtigaa inoo saamixi waayey, insha allah hadda wixii ka dambeeya waanu rejayneynaa inaan soo gelino qoraallo nafci inoo wada leh, mawduuca waddada kusoo jira waa:
"SIDA AY ADEEGSIGA BIRTA KU BILAABANTAY" aad ayuu u xiiso badan yahay saacado kadib waan soo geli doonnaa insha allaah.
Soo dhawaada saaxibayaal
Quraanka iyo birta xadiida (Iron)
Saynisyahaanada ku takhasusay birta waxay leeyihiin birta Aayron (Iron) aysan asalkeeda dhulka kasoo jeedin [yacnii aan dhulka laga helin ] ee dhanka cirka ay ka timaado, kadibna ay la falgasho carada, roobka iyo waxyaabaha dhulka yaallo kadibna bini'adamka uu ka manaafaceysto. Aayroon cunsirka curiyada (periodic element) waxay kaga jirtaa cunsirka 26aad sababtoo ah atamkeeda (atom) ayaa 26 ah, culeyskeeduna (weight) marka la isku celceliyo waxay u dhaxeysaa 56 ilaa 57. Suuradda Al-Xadiid waa suuradda 57aad ee quraanka kariimka, Sirta arrintaa ka dambeysa waxaynu ka fahmi karnaa in culeyska birta ayroon (Iron) iyo suuradda Al-Xadiid ay tirada wadaagaan oo labaduba tirada 57 wada yihiin, Ayroon (Iron) waxay ka mid tahay curiyada aad u adag oo waxyaabaha ay ka sameysan tahay ayaa adeyg ah, macaadinta miisankeeda uu ka yaryahay oo dhan waxay ku abuur-maan is dhaxgalka nukliyeerka ka sameysma, wixii miisaankeeda uu ka badan yahay waxay ku sameysmaan kala taga nukliyeerka. Ayroon (Iron) waa dhextaalka macaadiinta oo dhan, sidaa darteed Allah Subxaanahu Watacaalaa wuxuu suuratul Xadiid ka yeelay suuradda kala barta 114 suuradood ee quraanka kariimka. Tirada elektaroonada (electrons) ama baratoonada (protons) ee Aayroon (Iron) waa 26aad, halka aayadda ay kusoo aroortay birta xadiida ay tahay aayadda 26aad haddii bisinka suuradda aayad laga dhigo.
Heerka ay ku dhalaasho waa 1535 degree centigrade, bar karkarkeeduna uu yahay 2750 degree centigrade.
Dunida maanta aynu ku nool nahay waddanba, waddan kuu kaga wanaagsan birta wuu ka hormarsan yahay. Birtu muhiimad aad wayn ayay u leedahay nolosha aadanuhu waayo waxyaabo badan ayay u adeegsadaan maba kusii jirto casrigaan aan hadda nool nahay isticmaalkeeda sida cunada oo kale ayuuba noqday, sidoo kale muhiimadda ay birtu leedahay waxaan inna tusinaayo Quraanka kariimka oo suuradda dhan ayuu kaga warramaayo waana suuradda Al-Xadiid [سور ة الحديد], aayadda 25aad ee suuraddan Allah wuxuu ku leyahay;
"وأنز لنا الحديد فيه بأس شديد ومنافع للناس"
"Waxaan soo dajinay birta iyadoo shiddo ku dheehan tahay iyo nafci dadka ay ka faa'ideysanayaan".
Insha allaah hadduu Rabbi waxaan isku dayi doonnaa inaan boggaan Aqoonta biraha aan kusoo gudbino cilmiga birta iyo cilmiga mekaanida inta karaankeenna ah, annagana wax inoo tareysa bulshada ama dadka kale wax uun ka kororsan karaan.
Soo dhawaada saaxibayaal aan kala faa'ideysanee.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Website
Address
Hodan
Mogadishu
STRUCTURAL & SURVEYING ENGINEERING CONSULTANT
Makkah Al-mukarama
Mogadishu
Xerida, Gelinta, Cilad bixinta Mukeyfyada, Qasaaladaha & Talaajadaha.
Muqdisho
Mogadishu
shirkada dhismaha green house yada iyo wax sosaarka beeraha