Hajji Dool

Halkaan waxaad kala socon karataan dhaq-dhaqaaqa iyo xogaha Ganacsade /Siyaasi Xaaji dool

02/11/2023

Naxariistii janno Allaha siiyo Abti Macalin Cali Xasan Hilowle anagana gadaashiisa kuwa aan fidnoobin hanaga yeelo🤲

Photos from Hajji Dool's post 27/10/2023

Waxaan maanta wada qadeynay guddoomiya Cumar Filish
Qada sharaf aay soo qaban qaabiyeen jaaliyadda Reer nairobi kuna soo dhaweynayeen guddomiyaha

02/10/2023

INNAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

Allaha u naxariisto Xaaji Cali Ugaas samir iyo iimana Allaha naga wada siiyo.

Photos from Hajji Dool's post 30/09/2023

Waxaan caawa kulan casha sharaf iyo dardaaran guud ah ku sagootinay Agaasimaha Guud ee Gaadiidka iyo Duulista hawada Mudane Hon Bashir Moallim Ali iyo Tiimkiisa ku wehliyay safarka.

10/09/2023

TACSI

Innaa lilaahi wa innaa ileyhi raajicuun

Waxaan dhammaan Ehelka ugu tacsiyenaa Geeridi naxdinta leheed ee ku timid Walaalkey Muxudiin Xuseen oo ahaa sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Booliiska ahaana Nin dhalinyara ah oo firfircoon wada dhalashada kasuna sigaara iila soo shaqeeyey aana ku xasuusta karti iyo dheefonaan dheeri ah.

Waxaan Allah SWT uga baryaa janatul fardowsa inuu ka waraabiyo dembigiisana uu dhaafo,

Waxaan sigaara ugu tasiyadeynayaa qaraabada hoose gaar ahaan Reer Adeer Xuseen Caddaan, waxaa leeyahay sabar iyo iimaan buuxa Rabbi hanaga siiyo Carruurta uu noga tagayna hanoo barakeeyo.

13/05/2023
20/04/2023

Hamalyo Ciid mubarak kullu caam wa antum bekheyr

Waxaan dhamman musliminta Caalamka mel walboy jogaan iyo gaar ahaan umadda Soomaliyeed ugu hambalyeynayaa maalinta weyn ee Ciidul fitriga,

waxaan ilahey ka baryeynaa in uu naga aqbalo acmashi wanagasaneed ee aan soo gudanay bishi barakeysneed ee Ramadadaan.

Photos from Hajji Dool's post 19/04/2023

Allah ayey mahad oo dhani u sugnaatay,Muqdishu April/19/2023
Mu'asasada Haji Dol ayaa maanta kafarxisay qaarkamida danyarta iyo agoonta ku nool Muqdisho,

Khidmadaan billowga ah waxaan uga gol laheyn in ay asaagood lafarxaan malinta Ciidul fitriga oo ah maalin wayn Caalamul Muslim ee aan sugeyno haddii Eebbe ka raali noqda masaakeenta aan awoodin in eey carruurtoda ciidsiyaan, waxay eheed khimad billow ah waana sii wadi dooñaa insha Allh.

01/04/2023

Hambalyo Agaasimaha Cusub ee loo magacaabay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista hawada Mudane Bashiir Moalim Ali Hassan waxaan Eebba weyne uga baryayaa inuu u saqiro Mas'uuliyadda loo igmaday amaanada umaddana ku ceeb asturo.

Waxaan umahad celinayaa guud ahaan Madaxda Dalka oo aay ugu h**eeyaan Madaxweyne Xasan sheikh Mohamud, Ra'iisulwasaare Xamse Cabdi Barre iyo Golihiisa Xukuumadda oo gartay kaalinta hogaamineed ee Madane Bashiir Moalim, jaanisna u siiyay in uu kartida iyo aqoonta uu leeyahay Bulshadiisa ugu adeego.

Ugudambeyn waxaan kula dardaarmayaa in uu shacabka Soomaaliyeed ee ladaala dhacayo duruufaha kala duwan ugu adeego caddaalad iyo hufnaan isbedel iyo Dadaal dheeri ah oo la mahadiyana uu layimaad.

22/03/2023

HAMBALYO RAMADAN MUBARAK

Waxaan dhammaan muslimka gaar ahaan Umadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan ugu Hambalyeynayaa Bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan, waxaan leeyahay ilaahey hanaga yeelo kuwi kheyrka la waafajiyo oo acmaal suuban ka dhaxlo bishaan laguna abaal mariyo maalintooda.

Photos from Hajji Dool's post 17/02/2023

DEKADDA MEGED👇
MEGED 17/02/2023

Waxaan maanta booqday oo aan kormeer iyo indha indheyn ku soo sameeyay dhismaha qadiimiga ah ee Marsada ama Dekadda macmalka ah ee Meged.

Dhismahaan qadiimka ah ee sawirka idinkaga muuqda Dadka deegaanku waxay u yaqaanaan (Sarta Megedeed) waxaa dhisay isticmaarkii Talyaaniga wuxuuna calaamad uga dhigay dhisma Dekadeed in laga hirgeliyo goobtan waxayna eheed Dekad si macmal ah wax looga dejiyo balse aan helin dhismo iyo qaabeyn waqtigaas.

Dhul ahaan halka ay ku taal Dekadda MEGED waa dhul aad u quruxbadan banaan ah wxaa ku dhaw halka Dekaddu kutaal ceelal Dabiici ah biya mac oo loo yaqaan Ceel serfeed ama xaar xaar oo Dadka reer miigu gacmahooda ku qotaan kadibna Xoolaha ka waraabsadaan.

Sida Dadku iigu warbixiyeen Celasha dhirirkoodu ugu badnaan waa 2 mitir ilaa 3 mitir Dadka ayaana subaxii markey xoolaha soo aroorsadaan gacmahooda ku qoto, kadibna waa iska duugaan markay ka waraab bogtaan si aan Xoolaha iyo xayawaanka kale ugu dhicin.

Arinkaan ayaa cadeyn u ah in goobtani aay tahay goob istaraatiiji ah madaama dunida waxa ugu muhiimsan ay yihiin biyaha ayaguna sidaa uga fududyihiin.

Ugu dambeyn waxaan talo iyo qorshooyin muhiim ah geli doonaa sidi loo howl geli lahaa Dekadda MEGED oo ah il naga duugan macna weyna u leh bulshada si guud iyo si gaar ah.

03/02/2023

Wareysi aan siiyay Telefeshinka 5tv
Oo aan kaga warbixiyay xaaldda guud
Ee deegaanka iyo qatartii Cadawgu nala damceen Balse Allah naga badbaadshay.

Photos from Hajji Dool's post 15/01/2023

Waxaan bulshada ku dhaqan Ceel-bacad kala qayb galnay isusoobax balaaran oo wacyigelin iyo Dhiirigelin ah waxaana soo abaabulay kulanka waxgaradka Deegaanka.

Bulshada Reer Ceel-bacad waxaan ku amaanayaa isusoobaxa iyo Geesinimada aay muujiyeen waxayna balan qaadeen Ciribtirka Cadawga iney garabku siinayaan Dowladooda Garanwaagii Madaxweynaha Jamhuuriyaddu sheegana ayaan qarsa-dooniin, si nabad iyo bedqab aay ugu noolaadaan ayaga iyo Deeganada ku xeeran, sidookale anaguna waxaan u balanqaadnay inaan garabkooda taagantahay dhankasta Amni iyo hormarin intaba.

14/01/2023
Photos from Hajji Dool's post 13/01/2023

CEEL-BACAD
13 January 2023

Waxaan kormeer ku sameynay Qeybaha kala duwan ee magaalada sida Cisbitaalka guud ee Deegaanka Ceel-bacad Hospital, Ceelasha iyo Gooba kale muhiim ah.

Sidookale waxaan xog wareysiyo gaar gaar ah layeelanay Dadka deegaanka oo nooga warbixiyay xaaladaha guud ee Magaalada Ceel-bacad waxayna noo faah-faahiyeen baahayaha gaarka ah ee u qabo deegaanku sida Caafimaad waxbarashada iyo guud ahaan xaquuqaadka asaasiga ah.

Photos from Hajji Dool's post 11/01/2023

Ugu h**eyn Allah ayaa ku mahadsan inaan si nabad gilyaa kula wareegnay Deegaanka faca-weyn ee Ceel-bacad, marka xiga waxa umahad celinayaa Ciidamada X.D gaar ahaan Danab iyo Ciidamada Deegaanka (Macawisley) oo cadawgi ka cararay kadib marki aay ogaadeen iney ku soo wajahanyihiin.

Waxaan bogaadinayaa cidkasta ee ka qeyb qaadatay halganka cadawga looga dulqaaday Magaaladaan macnaha weyn ku fadhida iyo Dadkeeda indhaha ka xirnaa ku dhawaad 20 sano, waxaan u dhaqaaqidoonaa dhanka horumarinta kadib xaqiijinta Amniga haddii Eebbe weyne ka raali noqdo.

09/01/2023

Dhiirigelin iyo Kormeer

Waxaan maanta booqasho ku tagnay Degqmada Ruunnirgood Aniga iyo Saraakiil sar sare oo kamida Saraakiisha ka soo jeeda Degmada Ruunnirgood ee Gobalka Shabeelada dhexe, waxaana nagu soo dhaweeyay Guddomiyaha Degmada Macalin muxudiin Maxamuud Kulmiye, Saraakiil iyo qaar kamida wax garadka Bulshada.

Kormeer iyo dhiiri gelin aan u sameynay Ciidamada naftood hurayaasha ah ee Difaaca ku jira oo aan duco, dardaaran iyo bogaadin intaba isgu darnay kadib waxaan booqanay xaruuntii degmada iyo Saldhigii booliska ee dagmadu leheed oo aan isla soo garanay in sida ugu dhaqasaha badan loo howlgeliyo, si nadaamka dowliga ah ee degmada iyo waajibaadka shaqo ee Bulshadu uga baahanyahay Dowladda loo hirgeliyo, maadaama dhowr iya Tobankii sano ee lasoo dhaafay Cadawgi Dalka heystay ay burburiyeen dhammaan Astaamihii dowladeed ee degmada.

Saraakiisha iyo Mas'uuliyiinta igu wehliyay Kormeerka Degmada.
1.guddomiye Macalin muxudiin Maxamuud Kulmiye
2.kornayl Dacdooy
3. G/le Diini Rooble
4. Taliye Joore
Taliye Axmed Macalin Dirito
Iyo qaar kale

Ugu dambeyn Dowladda federaalka, Mas'uuliyiinta iyo Bulshada ku abtirsato Degmadan waxaan ugu baaqayaa in si wada jir ah loogu dhaqaaqo waajibaadka kala duwan ee Degmadani ubaahan-tahay kaasoo u qaybsamayo mus'uuliyad Doladeed iyo mid Bulsho. Sigaara waxaan ugu baaqayaa Jaaliyadaha kala duwan ee ku nool dalka dibaddiisa ee kasoo jeeda Degmada Ruunnirgood iyo deegaanada ku xeeran in ay ma'uuliyad gaar ah qaataan.

06/01/2023

Inna li laahi wa inaa ileyhi raajicuun

Saraakiil, Ciidan iyo Reyed inti ku dhamatay Allaha unaxariisto
Weerarkii wuxuushnimada ahaa ee cadawgu ka geysteen Deegaanka Hilowla-gaab inta dhaawaca ahna Bogsiimo ayaa Alle uga baryeynaa,

Photos from Hajji Dool's post 02/01/2023

Mahadnaq iyo Bogaadin

Ugu h**eyn Allah SWT ayaa Mahadsan, waxaan marka xiga u mahad celinayaa waxgaradka dhaqanka iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan ee Reer Daaru-nicmo sida miisaanka iyo mugga leh oo ay noo soo dhaweeyeen.

Bulshada Deegaanka Daaru-nicmo waa Dad ku suntan Taariiq Geesinimo oo soo jireen ah sooryeyn iyo soo dhawayn intaba waana lafdhabarka Bulshadeyna waxayna muujiyeen tusaalihi lagu yaqiin, waxay noo sheegeen iney si wada jir ah oo aan gambasha lahayn ugu diyaarsanyihiin ladagaalanka iyo ciribtirka Cadawga.

Sidoo kale anaguna waxaan u balanqaadnay inaan gaashaan iyo garab u noqdoona alaa lagsifeeynayo Cadawga guud ahaan Dalka, kadina aan kawada shaqeydoono huru marinta Deeganada kala duwan ee Bulshadaynu ku dhaqantahay oo Daaru-nicmo ka midtahay.

Photos from Hajji Dool's post 27/12/2022

Waxaan maalmahaan kormeer iyo indha indheyn u joognaa Digmada Ruunnirgood iyo Deegaanada ku xeeran oo ah Degmadii ugu Dambeysay Hirshabelle dhawaanna aay Geesiyaasha Qaranka oo garabsanaya xaq udirirka Deegaanka ka xureeyeen Nabdiidki ku sugnaa mudda dheer,

Waxaan ka shaqeydoonaa dhawaanna bilaabeynaa sidi loo hormarin lahaa Deegaankaan Bulshadiisa dhowr iyo Toban sano indhaha iyo dhegaha laga xiray waxayna la jaan qaadi doonaan bilshada inteeda kale iyo caalamka haddii Eebbe weyne ka raali noqdo.

Photos from Hajji Dool's post 09/12/2022
30/11/2022

Allaha unaxariisto walashey Xaawo Cumar caddow qaraabada dhamaana sabar iyo iimaan Rabbi hanaga siiyo
Ayadan janatu fardowsa ha ugu bishaareeyo.

Photos from Hajji Dool's post 24/11/2022

Ku soo dhawaw Adeer Dalkaaga Iyo Dadkaaga, Saabir Abdiraxmaan Yariisow

22/11/2022

Allaha unaxariisto Nabadoon Muqtaar
Axmed Maxamed, Intii dhacdadaas Argagaxa laheed wax kasoo gaareena Allaha bogsiiyo.

13/11/2022

Allaha unaxariisto Nabadoon Cali Xuseen Xaayow Sabar iyo iimaana Qaraabada Dhamaantood Eebbe hanaga siiyo, asagana ahalu janno Alle haka yeelo.

12/11/2022

Guuleyso Adeer

07/09/2022

Hambalyo Goddomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Sheikh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) waxaan Alle uga baryeynaa unuu ufududeeyo Mas,uuliyadda culus ee loo igmaday.

01/09/2022

إنا لله وإنا إليه راجعون

Waxaan halkaan tacsi ugu diraa Dareenka dhiileysan Walaalkey Madaxweyne Sharif Sheikh Ahmed oo Hooyadii Marxuumad Maamo Xasno
ku geeriyootay Dalka isu_taga imaaraadka carabta allaha u naxriisto sabir iyo imaana Allaha naga wada siiyo dhamaan qaraabada iyo Ahalada

Photos from Hajji Dool's post 30/08/2022

Innaa lilaahi wa innaa ileyhi raajicuun

Waxaan dhamaan Ehelka iyo qoysaska uga tacsiyeynaa geeridii xanuunka badneed ee ku kala timid Walaalaheyn Xuseen Filaweyne, Cumar Caalin iyo Cabdi Cali Dhamaantood Allaha unaxariisto Sabar iyo iimaana hanaga wada siiyo Janatul fardowsana ha ugu bishaareeyo gadaashoodana nama fidneeyo.🤲

20/08/2022

INAA LILAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUIN

Ugu h**eyn waxaan ka tacsiyadeynayaa geeridii xanuunka badneed ee ku timid Walaalkey Ibrahim Raage, anoo kabilaabayo Tacsida nafteyda dhamaan Ehelka iyo Saaxibada, waxaan sigaar ah xanuunka iyo tiiraanyada uladareemayaa qoyska Reer Adeer Raage, waxaana leeyahay Sabar iyo iimaan Rabbi hanaga wada siiyo asagana janatul fardowsa ha ugu bashaareeyo.

Sidokale masiibadii ka dhacday Hotel Xayaad inti ku nafweyday guud ahaan Rabbi ha u wada naxariisto inta dhaawaca ahna ha u booga dhayo
Waxaana Allah kabaryeynaa unaysan dib noogu soo noqon dhibaata dambe oo Dadkeyna iyo Dalkeyna lagu waxyeeleeyso.

Photos from Hajji Dool's post 30/07/2022

Kulan ujeedkiisu ahaa is xogwareysi iyo dibu eegis oo aan maata ku wada qadeynay Xildhibaan h**e: Xaaji MuxudiinXasan, Xildhibaan heer State Xasan C. Muudey iyo akhyaar kle.

30/07/2022

Waxaan magaalada Nairobi Ee Dalka Kenya ku soo dhawaynay ugaaska beelweynta sharafta badan ee Wacdaan Ismaan Ugaas shire Ugaas Warsame
Waxaana si guud usoo dhaweeyay Ugaaska Jaaliyadda Muddullood.

25/06/2022

Waxaan hambalyo iyo bogaadin udirayaa Ra'iisulwasaaraha Cusub ee Somaaliya Mudane Xamze Cabdi Barre oo ay maanta kalsoonida siiyeen B,JFS Golaha shacabka

Waxaan Eebba wayne uga baryeynaa inuu Amaanada loo igmaday ku-asturo kana dhigo mid Dalka iyo Dadku mahadiyaan oo u caddaalad falo

Hon Haji Dool

17/06/2022

Jumca wanaagsan

15/05/2022

Waxaan u hambalyo iyo bogaadin udirayaa walaalkey Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud Hambalyo Madaxweyne Xilka iyo mas,uuliyadda Culus ee aad Dadkaaga u qaaday Rabbi hakula garab galo.

Photos from Hajji Dool's post 02/05/2022

كل عام وانتم بخير
Ciid Mubaarak

Want your organization to be the top-listed Government Service in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Videos (show all)

Wareysi aan siiyay  Telefeshinka 5tv Oo aan kaga warbixiyay xaaldda guudEe deegaanka iyo qatartii Cadawgu nala damceen B...
HAJI DOOL FOUNDATION  28/4/2022
#HOP024

Website

Address

Mogadishu
Other Political Organizations in Mogadishu (show all)
Aweys Hassan Mohamed Aweys Hassan Mohamed
Shibis
Mogadishu

Aweys Hassan Mohamed (Samfale)

X. isbedel doonka Sh/hoose X. isbedel doonka Sh/hoose
Mogadisho
Mogadishu, 252

Waa xisbi loogu talagay samata bixintta shabeelaha hoose kaaso kashaqayn doonta awoodsiinta dhalinyar

Hiil center for peace and democracy Hiil center for peace and democracy
Makka Al-mukaram Street
Mogadishu, 252

Hiil center for peace and democracy is a research center that aims to achieve leadership in research on peace and to have a clear imprint in promoting peace and democracy in Somali

Laanta hillaac 2019 Laanta hillaac 2019
Mogadishu

pageka waa entertainment & joking

mohazaahilTuulokiciye mohazaahilTuulokiciye
Mugdisho
Mogadishu

Hussein ahmett Hussein ahmett
Mogadishu

ᕼᗩᗩTᗩᑎ ᗪᕼᗩᑫᗩᗩᑫOO Kᗩ ᗪᕼᗩᗷᗴᗴ...

Nabad iyo nolol Nabad iyo nolol
Bakare
Mogadishu, 05

Mohamed Abdulaahi Sayid Mohamed Abdulaahi Sayid
Mogadishu

Yaranka❤️ Siyaaasada❤️ Madaxwey Naha ❤️Mustaqbalka ❤️🇸🇴🇸🇴

kulmiye Mohamed abdi kmc kulmiye Mohamed abdi kmc
Yaaqshiid
Mogadishu, 252

Taageerayaasha Muungaab Taageerayaasha Muungaab
Mogadishu

Kusoo dhowaaw bogga rasmiga ah ee Taageerayaasha Dr. Gen. Hassan Mohamed Hussein (Muungaab), Guddoom

Youths4Khaire Youths4Khaire
Mogadishu

Youths supporting Hassan Ali Khaire to be the next President of #Somalia. #HiigsiIyoHorumar #Youths4

LAAN DEYR LAAN DEYR
Mogadishu
Mogadishu, NO

POL.SOM